R/wasaare Xamse “In galabta aan ku kulanno fagaraahan Heliwaa waxay caddeyn u tahay horumarka laga gaaray amniga”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta Degmada Heliwaa kaga qayb kulan lagu xoojinayo wada shaqeynta hay’adaha nabad galayada iyo maamulka Gobalka Banaadir.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in amniga Caasimada Muqdisho ahmiyad gaara siisay Xumuumadda #DanQaran taasina ay makhraati ka tahay in maanta degmada Heliwaa lagu qabto kulanka wacyi galinta iyo wada shaqaynta bulshada oo muddo kor hor aanay suuro gal ahayn.

Mudane Xamsa ayaa sheegay in wada shaqaynta hay’adaha Amniga iyo dadwaynaha caasimadu wax weyn ka beddeshay amniga caasimadda, isla markaana hadda degmo kasta si nabad galyo ah lagu tagi karo, taasina ay qayb ka tahay isku xirnaanta shacabka iyo hay’ada amniga.

Kulanka oo ay ka qaybgaleen Wasiirro, Guddoomiyaha gobolka Banaadir, xildhibaanno iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa  Ra’iisul Wasaaruhu uga mahdnaqay bulshada degmada Heliwaa wada shaqaynta iyo dhago nugaylka ay u yeesheen hay’adaha amniga, isla markaana degmooyinka kale ugu baaqay in si dhaw loola shaqeeyo hey’adaha amniga caasimada si looga cirib tiro haraadiga Khawaarijta ku gabanaya guryaheena.

                                   

Wasiirka ku xigeen Arrimaha Gudaha oo shir guddoomiyay kulan u dhaxeeyay wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo UNHCR

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdixakiim Abshir ayaa Shir Guddoomiyay kulan u dhaxeeyay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS iyo Hay’adda u qaabilsan Qaramada Midoobay Arrimaha Qaxootiga ee UNHCR.

Ergayga Hay’adda UNHCR ee Geeska Afrika Danjire Maxamed Cabdi Afeey oo hoggaaminayay wafdiga ayaa waxrbixin ka siiyay Wasaaradda Arrimaha Gudaha xaaladda qaxootiga Soomaaliya ee geeska Afrika iyo waxyaabaha ay ka caawisay Hay’adda UNHCR, iyadoo ay kulanka ku wehliyeen Wakiilka UNHCR Soomaaliya & Masuuliyiin kale.

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Soomaaliya Marwo Safiyo Xasan Maxamed oo qayb ka ahayd kulanka ayaa sheegtay dedaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Arrimaha Qaxootiga iyo Barakacayaasha ku dhaqan gudaha dalka.

Ugu Dambayn, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Cabdixakiim Abshir ayaa uga mahadceliyay Hay’adda UNHCR caawintooda ku aaddan guud ahaan qaxootiga, gaar ahaan kuwa Soomaaliyeed.

            

Waa kuma horjoogaha sare ee Khawaarijtu qarisay dhimashadiisa? (Warbixin).

Jab waliba oo ay qariyaan Khawaarijta, baaris ka dib, waxaa soo bandhigta warbaahinta qaranka.

Markan waxaan idin haynaa horjooge Khawaarijtu ay qariyeen dhimashadiisa, waa kuma horjoogahaas?.

Horjoogahan waxaa lagu magacaabi jiray Xasan Dheere, wuxuu ku dhintay howlgal gaar ah oo ka dhacay bannaanka deegaanka Cows-weyne ee gobolka Galguduud.

Horjoogahan waxaa la dilay 20-kii Janaayo, 2023, warbixino laga helay gudaha Khawaarijta, waxaan ku ogaanay horjoogahan in lala dilay in ka badan 30-maleeshiyaad ah oo isaga la socday iyo horjoogayaal hoose.

Xasan Dheere, Kumuu ahaa?, Xasan Dheere, wuxuu ahaa horjooge Khawaarijta u qaabilsan gaadiidka guud ee ay dadka ku dhibaateeyaan. Horjoogahan ayaa ka soo jeedo degmada Guraceel ee gobolka Galgaduud.

Ilo wareedyo aan helnay, waxay sheegayaan in ay si aad ah isugu dhowaayeen horjoogaha Khawaarijta u qaabilsan caafimaadka oo lagu magacaabo Xasan Rooti,waxaana la sheegay in ay u dhaxday gabadh uu dhalay Xasan Rooti horjoogaha la khaarijiyay ee lagu magacaabi jiray Xasan Dheere.

Xasan Dheere, waxaa lagu tilmaamay inuu ahaa nin ku ad-adag inuu fuliyo amarada horjoogayaasha ka sareeyo,isagoo lagu tilmaamay inuu ahaa mid aan waxba ka garaneyn Diin iyo Maaddi midna.

Horjooge Xasan dheere inta aan lagu khaarijin bannaanka deegaanka cows-weyne ee gobolka Galguduud, waxaa la sheegay inuu halkaas u gaaray abaabulidda gaadiid iyo maleeshiyaad halkaas ku sugnaa oo ugu dambeyn howlgalkaas lagu soo gaba-gabeeyay.

Horjoogayaasha sar-sare ee Khawaarijta ayaa ka samri la’, horjoogahan lagu magacaabi jiray Xasan Dheere, waana taas midda keentay in ay bulshada ka qariyaan

Wasiirka Amniga XFS oo maanta hortagay guddiga Amniga iyo Difaaca ee Aqalka sare

Guddiga Amniga iyo Difaaca Aqalka Sare ee Barlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo gudanaya waajibaadkiisa Dastuuriga ah ayaa maanta xafiiska ugu yeeray Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha XFS Mudane Maxamed Axmed (Doodishe) iyo wasiiru dowlada wasaaradda Maxamed Cali Xagaa.

Guddiga Amniga iyo Difaaca  Aqalka Sare oo gudanaya waajibaadka ka saran kor joogtaynta iyo la xisaabtanka Hay’adaha Dowladda ayaa kulanka ay maanta la qaateen Mas’uuliyiinta Wasaaradda Amniga, waxaa la isku dhaafsaday su’aalo iyo warbixinno ku saabsan howlaha shaqo ee Wasaaradda, taas  oo uu wasiirku si faahfaahsan xubnaha Guddiga warbixin uga siiyay ugana jawaabay su’aalihii ay weydiiyeen.

Guddoomiyaha Guddiga Amniga iyo Difaaca  Aqalka Sare Senator Adam Abdinasir oo kulanka Shir gudoominayay ayaa mas’uuliyiinta Wasaaradda Amniga uga mahad celiyay sida togan oo ay warbixinta uga siiyeen howlaha Wasaaradda, iyadoo la isku afgartay in si dhow loo wada shaqeeyo, si loo dardar geliyo shaqada Qaranka.

    

Guddiyada Xeer hoosaadka labada Gole ee Baarlamaanka JFS oo kulan wadajir ah yeeshay

Guddoomiyaha Guddiga Xeer-hoosaadka Aqalka Sare Senator Cabdiwali Maxamed Ibraahim (Xaabsade) oo uu wehliyo Guddoomiyaha Guddiga Xeer-hoosaadka Golaha Shacabka Xildhibaan Cabdisamad Macalin Maxamuud ayaa shir guddoomiyay kulan wadajir ah oo ay maanta yeesheen xubnaha Labada Guddi.

Kulanka oo ku saabsanaa kala warqaadasho, iskaashi iyo xoojinta xiriirka shaqo ee labada Gole ee Baarlamaanka, ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray samaynta Xeer-hoosaad gaar ah oo ka dhexeeya Labada gole ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

 

  1.   

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshad XFS oo la kulmay wakiilka hay’adda UNICEF ee Soomaaliya

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Maxamed  Cilmi  Ibraahim ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabbilay wakiilka hay’adda UNICEF ee Soomaaliya, Marwo Wafaa ElFadil Saeed .

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada iyo Hay’adda UNICEF ayaa kulan lagu xoojinayo wadashaqeynta labada dhinac, dardar gelinta howlaha taakuleynta qoysaska Nugul iyo ka hortagga Macaluusha carruurta Soomaaliyeed ku yeeshay xarunta Wasaaradda Shaqada.

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Maxamed Cilmi Ibraahim oo aad ugu faraxsan kulanka iyo Isbarashada uu la qaatay mas’uuliyiinta Hay’adda UNICEF.

“Waxaan xoogga saari doonnaa sidii aan u garab istaagi lahayn bulshada, gaar ahaan kuwa nugul. ” Ayuu yidhi Wasiir Dr. Maxamed Cilmi, sidoo kale waxuu  boggaadiyay howlgalka UNICEF.

Wakiilka hay’adda UNICEF ee Soomaaliya, Marwo Wafaa ElFadil, ayaa dhankeeda uga mahadcelisay Wasiirka , xoojinta iskaashiga, iyadoo inta ku dartay inay ka go’antahay UNICEF horumarinta barnaamijka ay kala shaqeynayaan Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada iyo taageerrada Bulshada.

Kulanka ayaa sidoo kale waxaa goob -joog u ahaa , Wasiiru Dawlaha, Mudane Yuusuf Maxamed Aadan, Wasiir ku-xigeenka ,Mudane Cismaan Libaax Ibraahim, Agaasimaha Guud, Mudane Yuusuf  Xassan Isaak, Madaxa barnaamijka Baxnaano, Fardowsa Axmed Cabdullahi iyo xubno ka tirsan hay’adda UNICEF.

Hay’adda UNICEF, ayaa Wasaaradda kala shaqeysa barnaamijka Qaran ee taageerrada Dadka nugul (Baxnaano) , gaar ahaan Xog-kaydiyaha Bulshada (Unified Social Registry),

 

    

Shirka isku-duwidda howlaha Caafimaadka oo ka furmay Muqdisho

Muqdisho(SONNA):-Kulanka seddax biloodlaha ah ee isku duwdida howlaha caafimaadka oo ay soo qaban qaabisay wasaaradda caafimaadka Soommaaliya ayaa maanta ka furmay magaalada muqdisho,waxana looga hadli doonaa horumarinta Caafimaadka dalkee.

Shirka waxaa furay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliyo Dr Guuleed Cabdijaliil Sh. Cali waxaana ka soo qeybgaley Agaasime waaxeedyada Wsaaradda Caafimaadka, Hey’addaha Caalamiga ah ee ka shaqeeya Arrimaha Caafimaadka Soomaaliya xubno sare oo ka kala socday xafiisyada kale ee Dowladda, Dhaqaatiir iyo kaadiriin dhanka Caafimaadka ah

Inta uu socdo kulanaka wax dhinacyadu uga doodi doonaan doodo la xiriira Caafimaadka dalka si dhammaan ka qaybgalayaashu ay wax ku biiriyaan, iyada oo ujeedadoodu tahay in la helo isfaham cad oo la isku raacsan yahay kuna wajahan ballaarinta iyo horumarinta Caafimaadka Qaranka.

 

Kulan looga hadlayay Amniga oo lagu qabtay Degmada Beledxaawo ee gobolka Gado

Muqdisho(Sonna):-Wasiirka Amniga dowlad goboleedka Jubbaland S/Gaas Yuusuf Xuseen Cismaan (Dhuumaal) ayaa ka warbixiyey Kulan looga hadlayey amniga deegaanada xuduudka ku yaala ee gobolka Gedo ka oo dhacay degmada Beledxaawo.

Kulanka uu shir guddoominayay Madaxweyne ku xigeenka jubbaland Maxamuud Saydi Aadan ayaa looga hadlay wada shaqeynta iyo iskaashiga  ciidamada,sugida amniga degaanada katirsan gobolka Gado iyo sidii loo laba jibaari lahaa howlgalada ka dhanka ah khawaarijta.

Sidoo kale waxa shirka looga hadlay dhisida ciidamo cusub oo darawiisha ah kuwaa oo qeyb ka qaadanayo sugidda amniga degaanada hoos tago gobolka Gado.

Dhawaan ayay ahaayd markii Madaxweynaha jubbaland uu gobolkaa u magacaabay taliyaha ciidanka Darawiishata si loo tayeeyo ciidamada,loona dar-dargaleyo sugida aminga gobolka.

Saraakiil ku eedaysan Musuq-maasuq oo markii labaad la horgeeyay maxkamadda G/Banaadir

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Maxkamada gobolka Banaadir ayaa markii labaad dhageysaneyso dacwada loo heysto sarakiil katirsan hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya oo ku eedeysan Musuq maasuq.

Afartaan eedeysane oo maxkamadda Malintii labaad ay dhageysaneyso dacwadooda ayaa lagu kala magacaaba,Cabdulaahi Maxamuud Osoble, Cumar Macalim Nuur, Saabir Xasan Cabdinuur, Aadan Maxamed Cabdi oo dhamaan loo haysto xatooyo xoollo dadweyne oo lagu soo eedeyay  Saraakiisha intii ay ka mid ahayen howlwadeenadda hay’adda  socdaalka iyo Jinisayada  Soomaaliya.

Xeer ilaalinta ayaa bishaan u soo gudbisay eedeysanayaasha maxkamadda Gobolka Banaadir,waxa ayna kamid yihiin 18-eedeysano oo xafiiska xeer ilaalintu ku soo eedeyay falal la xiriira Musuq maasuq.

Waxana horay loo dhageystay dacwada 9-kamid ah eedeysanayasha iyo 8-maqanayaal ah oo Maxkamadda ay Baafin Saartay,islamarkana la rajeynayo in mudda saddon maalin ah gudahood ay maxkamadda ku horyimadaan.

Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horay u  sheegay in aysan marnaba aqbali doonin in la musuq maasuqo hantida ummadda ee ay dowladda mas’uulka ka tahay.

Putin”soo jeedinta Afrika waxay saldhig u noqon kartaa nabadda Ukraine”

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa sheegay in hindise ay soo bandhigeen hogaamiyayaasha Afrika uu saldhig u noqon karo xalka dagaalka Moscow ee Ukraine .

Hoggaamiyaha Ruushka ayaa hadalkan ka sheegay magaalada Moscow sabtidii ka dib markii uu hoggaamiyeyaasha Afrika kula kulmay Saint Petersburg ee dalkiisa.

Soo jeedinta qodobada madaxda Afrika ee lagu qaboojinaayo colaadda waxaa kamid ah dib-u-celinta ciidamada Ruushka, ka saarista hubka Nukliyeerka ee Ruushka uu geeyay Belarus, hakinta amarka xarigga Maxkamadda Caalamiga ICC ee ka dhanka ah Putin iyo cunaqabataynta.

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa diiday fikradda xabbad-joojinta ee xilligaan, waxa uuna sheegay in wadahadal nabadeed lagu saleeyo in marka hore Moscow ay ciidamadeeda kala baxdo dhulka Ukraine ee la haysto.

Hindisaha Afrika waxay noqon karaan aasaaska habab gaar ah oo ku wajahan xal nabadeed,

Horaantii sanadkan Shiinaha ayaa soo bandhigay hindise ama qoraal 12 bog ah oo ku baaqaya in la dejiyo xaaladda oo ugu dambeyntii xabbad-joojin laga sameeyo Ukraine.