Ra’iisal wasaare Xamse oo qaabilay Ergeyga UNHCR u qaabilsan geeska Afrika

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Xamse Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Ergeyga gaarka ah ee hay’adda Qaxootiga Q.M. ee UNHCR u qaabilsan geeska Afrika danjire Maxamed Cabdi Afeey.

Ra’iisul wasaare Xamse iyo danjire Afeey ayaa ka wada hadlay xaaladda qaxootiga iyo barakacayaasha ku nool dalka, iyo sidii daruufahooda nololeed loo hagaajin lahaa.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo kulanka ka hadlay ayaa soo dhaweeyey iskaashiga ka dhexeeya dowladda iyo hay’adda UNHCR ee ku aadden daryeelka qaxootiga iyo barakacayaasha, gaar ahaan taageerada dhanka ilaalinta iyo nooliga ah.

Danjire Afeey ayaa dhankiisa dowladda Soomaaliya ku ammaanay dadaalka ay ugu jirto sidii dalka loogu soo dabbaali lahaa amni iyo xasillooni, taas oo wax weyn ka tareysa xaaladaha qaxootiga iyo barakacayaasha dalka ku nool.

Guddiga dib u eegista Dastuurka oo bilaabay ka doodista heshiiskii madasha wadatashiga Qaranka

Guddoomiyaha guddiga madaxabanaan ee dib u eegsita iyo hirgelinta Dastuurka Avv. Burhaan Aadan Cumar oo uu wehliyo guddoomiye ku xigeenka guddiga mudane Maxamed Xasan Idiris ayaa maanta shir guddoomiyey kulanka maalin laha ah ee guddiga oo diirada lagu saaray sidii luuqad Dastuuriya loogu badeli lahaa heshiisyadii madasha wadatashiga Qaran ay gareen oo guddigu la wareegay 26-kii bishan, iyagoo kala wareegay guddiga Dastuurka baarlamaanka JFS.

Xubnaha guddiga oo ahmiyadda 1-aad siinaya sidii loo dhameystiri lahaa qabyo qoraalka Dastuurka KMG ah ayaa maalmahan waday ka shaqaynta iyo wax ka badelka cutubyada 1-aad Ilaa 4-aad ee Dastuurka KMG isla-markaana cutubyada hore ee Dastuurka loo horgeyn lahaa laanta sharci dajinta dalka si ay waajibaadkooda uga gutaan.

Xildhibaanada labada Gole ee BJFS oo ansixiyey ku noqoshada Miisaaniyadda dowladda ee 2023

Xildhibaanada labada Gole ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta cod aqlabiyad leh ku ansixiyay dib u eegista miisaaniyadda dowladda ee 2023, iyadoo ay cod gacan taag ah ay ku ansixiyeen  169 Xildhibaan,waxaa diiday 1-xildhibaan, halka ay ka aamuseen 2-Xildhibaan oo kale. Sidaas ayaa lagu ansixiyay ku noqoshada miisaaniyadda dalka ee 2023-ka.

Wasiirka Maaliyadda Biixi Iimaan Cige oo goobjoog ka ahaa kulanka golaha ee maanta ayaa Baarlamaanka uga mahad-celiyey ansixinta ku laabashada miisaaniyadda dalka

Wasiirka ayaa sidoo kale balanqaaday in miisaaniyadda 2024 la hor keeni doono Golaha xiliga sharcigu dhigayo,Wasiir Biixi ayaa sidoo kale sheegay inuu dadaal weyn ku bixinayo sidii loo gaari lahaa isku filnaansho dhaqaale.

“Waa idinka mahad-celinaya sida sharafta leh ee xilkasnimada ku jirto ee uga gudateen waajibkii qaran ee idinka saarna xeer kamid ah xeerarkeena ugu muhiimsan oo ah xeerka miisaaniyada qaranka ee ku noqoshada, aad baa idinka mahad-celinayaa,” ayuu yiru Wasiir Biixi

Sidoo kale waxa uu wasiiir Biixi xusay in uu gabo gabo marayo hanaanka dayn cafinta dalka oo soo socday dhowrkii sano ee la soo dhaafay,sidoo kale wasiirka ayaa xusay in Soomaaliya xubin ka noqon doonto ururo caalami ah kuwaas oo isugu jira kuwo caalami ah iyo kuwo heer Gobol ah,taas oo kaalin weyn ka geysan doonta kor u kaca dhaqaalaha dalka.

Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir oo xukunka kasoo saartay 36 Eedaysane oo ajaanib ah

Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Banaadir ayaa maanta xukunka kasoo saartay 36 Eedaysane oo ajaanib ah kuwaas oo sife sharci darro ah uga kalluumaysanayey Biyaha Badda Soomaaliya.

Eedaysanayaashan oo ay hore xukun ugu riday Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa rafcaan ka qaatay xukunka hore.

Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Banaadir ayaa wax ka bedeshay Xukunkii ay hore ugu riday Eedaysanayaasha Maxkamadda Gobolka Banaadir,Maxkamada Rafcaanka ayaa Eedaysanayaasha ku xukuntay midkii ba lacag dhan $12000 oo dollar,waxa ay sidoo kale Maxkamadu xukuntay in lala wareego doomihii ay ku kaluumaysanayeen.

Eedaysanayaashan ayaa weli haysta fursad ay ugu dacwoon karaan Maxkamadda Sare ee dalka hadii ay ka qabaan wax cabasho ah xukunka ay ku rideen maxkamadda.

  

Wasiir Al-Cadaala “Howlgalladii ugu dambeeyay maalmahaan waxay ahaayeen in la burburiyo saanadooda iyo hubkooda iyo in la joojiyo isku socodka Khawaarijta.”

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska mudane Cabdiraxmaan Sheekh Yuusuf “Cadaala” oo ka qeybgalayay Barnaamij dood ah oo ka baxaya Twitter Space-ka ee warbaahinta Qaranka ayaa ka warbixiyay halka ay marayaan howlgalada ka dhanka khawaarijta iyo guulaha laga gaaray.

Wasiirka ayaa sheegay in ciidamada Qaranka ay guula waaweyn ka soo hoyeen howlgallada socda,khawaarijtan looga dila tira aad u fara badan oo isugu jira Horjoogayaal iyo Maleeshiyaad katirsan khawaarijta.

Sidoo kale wasiir Al-Cadaala ayaa tilmaamay in howlgaladii todobaadyadii ugu dambeysay ciidamada ay fuliyeen uu ahàa kuwa lagu bur-burinayay saanad ciidan iyo goobaha ay khawaarijtu ay ku dhuumaaleysanayeen,guulna laga gaaray oo la bur-buriyay Gaadiid iyo Maleeshiyaad fara badan oo katirsanaa khawaarijta.

“Howlgalladii ugu dambeeyay maalmahaan waxay ahaayeen in la burburiyo saanadooda iyo hubkooda iyo in la joojiyo isku socodka Khawaarijta.”ayuu yiri Wasiir Al-Cadaala

Waxa uu sheegay in dowladda ay guul badan ka gaartay howlgalka wajiga koowaad,islamarakan ttodobaadyada soo socdo ay dhici doonaan howlgallo xoogga oo ka dhan ah kawaarijta,isagoo sheegay in la bur-buriyay isbaarooyin khawaarijta lacaga baad ah oo shacabka ay ku dhibateen jireen oo yiilay waddada xiriirisa muqdisho iyo Baydhabo,halkaa oo khawaarijtu ay ku dhibateen jirta dadka shacabka ee safarka ah.

Waxaa dar-dar ku socda howlgallo Khawaarijta looga laayay horjoogayaal dhibaatooyin ku hayay shacabka (Warbixin)

Waxaa sii xoogeysanaya howlgallada ka dhanka ah kooxda Khawaarijta Al-shabaab ee ka socda gobollada Dalka, kuwaas oo lagu laayay maleeshiyaad iyo horjoogayaal muhiim u ahaa argagixisada oo qaarkood geeridooda warbaahinta laga qariyay, balse, warbaahinta qaranka ay bannaanka soo dhigtay.

Cumar Maxamed Abuu Ayaan oo ka mid ahaan jiray kooxda Al-shabaab, balse ka baxay ayaa warbaahinta qaranka u sheegay in howlgallada socda Khawaarijta looga laayay horjoogayaal dhibaatooyin badan ku hayay shacabka, aadna uga naxeen argagixisada  geeridooda iskuna dayeen in ay qariyaan.

“waxaa jira howlgalo iyo dagaalo goos goos ah oo khawaarijta looga laayey horjoogayaal dhibaatooyin badan shacabka ku haayey aadna ay uga naxeen dilkooda iskuna dayayaan iney geeridooda qariyaan”, ayuu yiri Cumar Maxamed Abuu Ayaan.

Sidoo kale, Abuu Ayaan ayaa tilmaamay in waxa Khawaarijta ku qasbaya in ay qariyaan geerida dhagar-qabayaashooda ay tahay in aysan ku socon waddo toosan oo xaq ah, kana naxayaan waddada uu ku dhintay in ay geeneyso naar.

” Waxa ay sameynayaan in aysan xaq ahayn waa ogyihiin, sidaas owgeed qof kasta oo ka dhinto waa ka murugoonayaan, sababta oo ah waxay ka naxayaan waxa uu ku dhintay iyo xaaladda uu ku jiray in ay tahay waddo naar ah in ay tahay, marka sidaas awgeed waa qarinayaan,”.

Waxaa jira horjoogayaal badan oo ay Khawaarijta laga dilay oo ay qariyeen sida horjoogayaal magacooda lagu soo koobay Naaleeye, waxaa ka mid ah horjoogayaasha ay dileen ka dibna ay qariyeen Baari oo dhanka qorsheynta ciidanka u qaabilsanaa Khawaarijta, Ibraahim Afghan oo ay dileen xitaa labo usbuuc ma maqal geeridiisa xaaskiisa iyo ehelkiisa, dilka horjooge “Anta-anta”, waa ay qariyee, sidoo kale, Camow iyo horjoogayaal badan oo qaarkood iyaga iska dilay iyo kuwa badan oo laga dilay inta badan waa ay qariyeen geeridooda.

Ciidamada Dowladda Federaalka oo kaashanaya shacabka Soomaaliyeed ayaa sii laba jibaaray howlgallada ka dhanka Khawaarijta, kuwaas oo lagu beegsanayo deegaannada fog fog ay ku dhuumaaleysanayaan, waxaana jira deegaanno iyo degmooyin badan oo hadda xor ka ah gacanta Khawaarijta.

Qaaqlayaasha iyo Al-shabaab oo isku Af noqday (WARBIXIN)

Waxaa jiray waqti ay si baaxad leh u kobceen Maleeshiyadka Khawaarijta ah ee Al-shabaab, waana sanadadii 2017-kii ilaa iyo horraantii sanadkii 2022-kii waxay aheyd  xiligii  Kooxda Khawaarijta ah ee AlShabaab ay dhaqaalihii ugu badan ay ka sameeyeen Magaalada Muqdisho iyo Deegaannadii ay maamuli jireen, iyagoo si kasta u boobay, sidoo kalena waxaa jira in ay ku milmeen hey’ado muhiim u ah Dowladda, inkastoo dowladda Soomaaliya ay ku guulaysatay joojinta dhaqaalaha baada ahaa ee ay helayeen Maleeshiyaadka Al-Shabaab, lana yareeyay weeraradii ay ka gaysan jireen caasimadda Muqdisho, sidoo kalena hey’adaha dowladda ayaa laga dhex saaray shaqsiyaad gacan saar la lahaa cadowga, hadana wali shaqo badan ayaa u taala dowladda.

Sirdoonka Soomaaliya ayaa hadda gacanta ku haaya shaqsiyaad badan oo cadowga khawaarijta ah ee Al-Shabaab u qaabilsanaa uruurinta lacagaha baada ah, u basaasida hey’adaha dowladda iyo falalka amni daro ee Caasimadda, waxayana Dowladdu u sameysay Sharciyo lagula dagaalamayo Argagixisada, kuwaasi oo wax weyn ka taray dabargoyntooda.

Laakiin tan iyo markii Hey’add Sirdoonka Qaranka (NISA) ay shaqadaansi toos ah u  bilowday waxaa jira saraakiil la soo shaqeeyay madaxdii dowladii hore oo Al-Shabaab u baxsaday, iyagoo ka baqdin ka qaba inay gacanta Dowladda ku dhacaan, lagana jaaseeyo wixii ay ummadda ka galeen ama ku dhibaateeyeen, qaarkood waxay ka mid ahaayeen Dadkii u fududeyn jiray in la soo galiyo Magaalada Muqdisho Qaraxyada ay ku waxyeeloobeen Shacab badan oo aan waxba galabsan.

Kala firxadkooda ayaa waxaa ka dhalatay in Magaalada Muqdisho ay hesho nabad ay ku naaloon karaan Shucuubta ku dhaqan Magaalada, Raiisulwasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa yiri, “In galabta aan ku kulanno fagaraahan Heliwaa waxay caddeyn u tahay horumarka laga gaaray amniga Caasimadda”. Hadalkaan waxa uu ka sheegay mar uu uga qeybgalay Degmada Heliwaa kulan lagu xoojinayo wada shaqeynta hey’adaha nabad galayada iyo maamulka Gobalka Banaadir.

Mudane Xamsa ayaa sheegay in wada shaqeynta hey’adaha Amniga iyo dadwaynaha caasimadu wax weyn ka beddeshay amniga caasimadda, isla markaana hadda degmo kasta si nabadgalyo ah lagu tagi karo, taasina ay qeyb ka tahay isku xirnaanta shacabka iyo hey’ada amniga.

“Waxaan la tacaaleynaa Urur Argagixiso oo fursad loo siiyey mudo 5 sano ah inay is diyaariyaan, dhaqaalo aruursadaan, maadooyinka qarxa dekadaha kala soo degaan, kumanaan dhallinyaro Soomaaliyeed maskaxda ka dhaqaan, ajaanibtii ugu badneed dalka soo geliyaan, la soo degaan hubka noocyadiisa kala duwan”, sidaasi waxaa Bartiisa Bulshada ku qoray Wasiirka Gaashaandhigga XFS Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac.

“Waxaa intaa sii dheer oo ay heleen shantaasi sano in ay Khawaarjtu gasho kalsooni ah in dalkaba qabsan karaan. Shacabkayagoow ogaada haddaan Khawaarijta dagaalkeeda la’aadi laheyn sanad ka hor xaaladu sidey maanta tahay ma ahaateen. Intaas u dhaafi maayo kuwa raba inay ku faanaan ficilada Khawaarijta anagoo og inay ka xun yihiin waxa ku dhacaayo Khawaarijta. Halgankaan wuu soconayaa idanka Ilaahey Guushana Shacabkaa leh”, ayuu sii raaciyay Wasiirku hadalkiisa.

Dhinaca kale warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Abaabul xooggan oo Dowladdu ka waddo Degmada Guricel ee Gobolka Galguduud, iyadoo lagu soo bandhigay dhallinyaro degaanka ah oo hubeysan, kuwaasoo loo diyaariyay inay ka qeyb noqdaan howlgalka dhamaystirka Wejiga 1-aad ee looga sifeynayo Kooxda Argagixisada la qorsheeyay looga saarayo degaannada ay ka joogaan Maamul-goboleedka Galmudug.

Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ayaa abaabulkii ugu dambeeyay dagaalka dhamaystirka wejiga koowaad ee dagaalka dalka looga xoraynayo khawaarijta ka wada deegaanno ka tirsan Galmudug, halkaas oo uu maalmaha foodda nagu soo haya ka bilaabanayo hawlgalkan, waxaana Degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud lagu soo bandhigay dhallinyaro deegaanka ah oo hubeysan, kuwaasi oo loo diyaariyay inay ka qeyb noqdaan howlgalka dhamaystirka wejiga koowaad ee Cadowga Khawaarijta ah looga xoreynayo deegaannada faro ku tiriska ah ay ka joogaan Galmudug.

Dhawaan ayay aheyd markii deegaanno ka tirsan Galmudug ay gareen sarakiil ka mid ah ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed,kuwaasi oo booqday xarumaha ciidamada ay ku leeyihiin Galmudug, iyagoo u sheegay in ay u diyaar garobaan howlagalka ka billaabanayo Galmudug, wararka ayaa sheegay in sidoo kale la abaabulaayo Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa Degaanka Dhuusa mareeb ayaa abaabulkii ugu dambeeyay dagaalka dhamaystirka wejiga 1-aad ee dagaalka, halkaasoo uu maalmaha fooda nagu soo haya ka bilaabanayo hawlgalkaan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr: Xasan Shiikh Maxamuud ayaa lagu wadaa inuu gaaro dhawaan farsiinna ka dhigto magaalada Dhuusa mareeb, kana hagi doona Howlgalada, halka Magaalada Aadan Yabaal ay noqon doonto fariisinka 1-aad, waxaana la qorsheeyay inuu Madaxweynaha uu muddo 2-bilood ku negaan doono degmooyinkaasi, si loo soo dhameystiro Duulaankaasi, si loogu soo jeesto Wejiga 2-aad oo isagana ka bilaaban doono Koonfurta Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya waxaa laga rabaa inay isku si ula dagaalanto qolooyinka Qaaqlayaasha ah iyo Khawaarijta Al-shabaab, waayo waa isku Af, mar-marna waxaa la dhihi karaa waxayba u yihiin afhayeenno, oo waxay ka hadlaan waxay ay bi’iyeen ayay ku faanaan Jabka Khawaarijtana aad bay uga qeyliyaan, ama uga naxaan, marka waxaan oran karnaa Qaaqlayaasha iyo kooxda Khawaarijta ah ee Al-shaab waxay noqdeen kuwo isku Af ah.

Madaxda Galbeedka Afrika oo ku hanjabay faragelin mileteri oo ka dhan ah Niger

Hogaamiyayaasha Galbeedka Afrika ayaa ku hanjabay in ay tallaabo militari ka qaadi doonaan hoggaanka Niger kadib markii ay talada dalkaasi kula wareegeen afgambi todobaadkii hore.

Hogaamiyayaashan ayaa ku baaqay in muddo 7-cisho ah dib loogu soo celiyo Madaxweyne Maxamed Bazoum oo hadda gacanta lagu hayo,waxayna intaa raaciyeen in Ecowas aysan wax dulqaad ah u lahayn afgambiga.

Hadaladaan ayaa yimid kadib markii madaxda Ecowas ee midowga wadamada Galbeedka Afrika, ay wadahadalo xasaasi ah ku yeeshay caasimadda Nigeria ee Abuja Axadii si ay uga wada hadlaan afgambigii ugu dambeeyay ee daba socda afgambiyadii ka dhacay Mali iyo Burkina Faso oo dariska la ah Niger.

“Ururka gobolku wuxuu qaadi doonaa dhammaan tallaabooyinka lagama maarmaanka u ah soo celinta nidaamka dastuuriga ah ,haddii dalabaadkooda lagu fulin waayo toddobaad gudihiis ”ayaa lagu daray bayaanka ayaa lagu yiri qoraal ay soo saareen .

Ciidamada milatariga ayaa horay u soo saaray  digniin ay ku sheegeen ineey iska caabin doonaan qorshe kasta oo gardaro ah oo ay wadaan quwadaha gobolka ama reer galbeedka.

Madaxweynaha Jubbaland oo la kulmay Madaxda Bangiga adduunka

Madaxweynaha Dowlada goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa  kulan la qaatay masuuliyiin ka socday Bangiga adduunka oo uu hoggaaminayay ku xigeenka madaxa Bangiga adduunka ee Soomaaliya ahna maamulaha mashaariicda Mattias Mayr.

Kulanka ayaa lagaga hadlay dardar galinta mashaariicda kala duwan ee uu maalgaliyo Bangiga adduunka iyo bilowga Kuwa qorshayntoodu ay hada socoto ay kamid yihiin dhismaha wadooyinka, kaabayaasha shaqaalaha iyo hormarinta adeegyada kale ee bulshada.

Madaxweynaha Jubbaland oo la kulmay Madaxda Bangiga adduunka

-Madaxweynaha Dowlada goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa  kulan la qaatay masuuliyiin ka socday Bangiga adduunka oo uu hoggaaminayay ku xigeenka madaxa Bangiga adduunka ee Soomaaliya ahna maamulaha mashaariicda Mattias Mayr.

Kulanka ayaa lagaga hadlay dardar galinta mashaariicda kala duwan ee uu maalgaliyo Bangiga adduunka iyo bilowga Kuwa qorshayntoodu ay hada socoto ay kamid yihiin dhismaha wadooyinka, kaabayaasha shaqaalaha iyo hormarinta adeegyada kale ee bulshada.