DOWLADDA FEDERAALKA OO XOOJISAY DAGAALKA MASUQ-MAASUQA 3-BILOOD EE UGU DAMBEYSAY (WARBIXIN)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Mudane Xasan sheekh Maxamuud, wuxuu bishan April ee sanadkan ku dhawaaqay dagaal ballaaran oo looga soo horjeedo masuq-maasuqa,isaga oo sheegay inuu khatar ku yahay horumarka Dalka iyo dadka.

” Ogaada walaalayaal, dadka Soomaaliyeedow meel kasta oo aad joogtaan war tuug ehel ma ahan oo qaraabo ma ahan oo saaxiib ma ahan oo isku haleyn ma galyo, qaraabeysiga aan ka dhaafno, saaxiibtinimada iyo ka xishoodka aan ka dhaafno,hadaad tuugga ka xishooneysid kan la dhacayna maxaad u sameyneysaa, lacagta ay Dowladda u baahan tahay dadka Soomaaliyeed adeegooda ay gacantooda ku jirtaa in Dowladda lagu kaalmeeyo lagu garab istaago adigana muwaadin ahaan waajib kugu ah inaad bixiso, Dowladda waxaa waajib ku ah in lacagtaas ku dhicin  gacan qaldan”,.

Laamaha ammaanka ayaa markiiba yagoo fulinaya amarka madaxda qaranka waxay ku dhaqaaqeen baaritaan iyo in sharciga la horkeenno shaqsiyaadka lagu eedeynayo falalka masuq-maasuqa.

Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo door-weyn ku leh ololaha lagula dagaallamayo falalka masuq-maasuqaq ayaa soo bandhigay liis ay ku qornaayeen ilaa 18-eedeysane oo ay ku jiraan mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda.

” Baaris qoto dheer oo ay sameeyeen hay’adaha baarista iyo xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee qaranka ka dib, wuxuu xafiiska u gudbiyay maxkamadda gobolka Banaadir eedda 18-eedeysane oo loo haysto masuq-maasuq, been abuur document, lunsasho iyo leexsasho xatooyo xoolo dadweyne, ka faa’ideysi xafiis Dowladeed, dayacaad iyo gudasho la’aan waajibaadkii sharci ee saarnaa, eedeyaanayaasha la eedeeyay ayaa isugu jira sagaal eedeysane oo xiran iyo 9 eedeysane oo maqane ah.

Soomaaliya oo ah dal ka soo kabanaya dagaal sokeeye iyo bur bur ayaa Dowladdu waxay diiradda saartay in la helo daah-furnaan iyo nidaam maaliyadeed ee dalka si loo gaaro hadafka ay ka mid yihiin Deyn-cafinta iyo in Soomaaliya gaarto isku tasho dhaqaale.

Madaxweynah oo sharaxaad ka bixinaya waxyewlada masuq-maasuq ayaa dhanka kale, caddeeyay in eedeysanayaasha caddaalad ku filan.

” Waa naga go’an tahay ninkii hantida dadweynaha dhacaayo xadaayo in sharciga la horkeenno wixii sharciga iyo qaanuunka qabana la marsiiyo, la dulmin-maayo, waana sheegay hadda ka hor war ha cararin ha dhuumanin haddaadan waxba isku ogeyn oo waxba xadin,haddaadan tuug ahayn oo waxba haleyn, caddaalad-darana inaan qofna lagu qabanina waa waajib kale oo na saaran intaas ayaana garsoorka iyo aniga ka wada hadalnay waana ku kalsoonay garsoorka maanta jooga dulmi inuusan sameyneynin,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxaa sidoo kale, dhibaatada masuq-maasuqa sharxay Ra’iisal wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa dhankiisa sheegay in masuqa uu yahay aafo mugdi gelisay horumarka Soomaaliya.

” Masuq-maasuqa ( Corruption) marka laga hadlo waxa kaliya u yaqaanaan in qofka Dowladda joogaa ama xukunka jooga wax masuq maasuqo, ma oga inuu guriga ka soo bilowdo masuq-maasuqa, ma oga in iskuulka ka jiro masuq-maasuqa, ma oga inuu jaamacadda ka jiro masuq maasuqa,dukaanka inuu ka jiro masuq-maasuq, masuq-maasuq Soomaaliya waa mehradeedii,mushaakilka ay ka imaaneyso inuu hoos yahay ma oga, haddaan rabno marka inaan Dowladda iska saxno waa inaan qofka soo saxno, qaa inaan qoyska ama Bulshada soo saxno, intaas oo la isku soo daray ayaa Dowlad dhasha,”

Durba waxaa muuqda miraha dagaalka ka dhanka ah masuq-maasuqa sida ku cad warbixin Dowladdu ay ka soo saartay dakhiga ka soo xarooday Dal ku galka iyo warqadda ruqsad-siinta shaqaalaha ajaaniibta ah.

 

SICIR BARAR KA JIRA MAGAALADA BAYDHABO EE XARUNTA KU MEEL GAARKA AH EE KGS.

Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ahna xarunta maamulka ku meel gaarka ah ee Koonfur galbeed waa magaalo istaaraatiji, waana magaalo ay ku nool yihiin shacab ka badan boqol kun oo qof.

waan magaalo ay kuwada nool yihiin dad kala dabaqad ah oo kala sareeya, waana magaalo ay inta badan ay yimaadaan dadka xoola dhaqatada ah ee reer miyiga ah oo soo suuq doontaan ayaa waxaa Ka jira sicir barar xooggan oo shacabka magaalada Baydhabo ay la daala dhacayaan.

Sicir bararkan xooggan ayaa laga dareemayaa magaalada Baydhabo sida goobaha ganacsiyada lagu iibiyo ayaa dhamaan qiimihii horay wax loogu iibsan jiray ayey sii laba jabaar meen taasina waxa ay keentay in shacabka reer Baydhabo ay soo food saartay sicir barar xooggan oo aan waligeed soo marin.

Sidoo kale, meelaha sicir bararka laga dareemay ee magaalada Baydhabo ayaa ah shirkadaha bixiya adeegga korontada ayaa qaalisiiyey sidoo kalena waxay isbadal ku sameeyeen korontada xilliyada ay shaqeeneyso ayaga oo u sababeenaayo in uu saro u kacay qiimaha shidaal taasina waxay keentay in isbadal lagu sameeyo korontada lana qaalisiiyo.

shacabkii Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Baydhabo waxay u adkeesan la yihiin sicir bararkaas xooggan ee Ka jira magaalada.

Sidoo kale, goobaha sida aadka ah ay u saameesan sicir bararka magaalada Baydhabo waxaa ka mid ah xarumaha caafimaad ee magaalada Baydhabo oo inta badan ay ku tiirsanaayeen shirkadaha bixiya adeegga korontada oo qaaliyeey xiliyada korontada ay shaqeeneysay wax Ka badalay taasina waxa ay sababtay in bukaanadii ay naftooda ay qatar gashay.

Sidoo kale, waxaa sicir barar ku yimid Daawooyinkii oo gaabsi ku sii dhow shacabkii ay iibsan la yihiin sababtoo ah qiimaha ayaa aad u xooggan.

 

Sidoo kale, goobaha uu saameyey sicir bararka waxaa ka mid ah goobaha waxbarashada magaalada Baydhabo oo si xooggan looga dareemaayo taasina waxa ay keentay in waxbarshadii xiliyadii latagaayey ay isbadal ku yimaadeen.

Kooxaha nabadiidka ah ayaa sabab u ah sicir barar ayaga oo jidadkii ay wax soo maraayeen ay xirteen balse waa naf lacaari oo sifeen xooggan lagu haayo.

Madaxda dowladda goboleedka koonfur galbeed soomaaliya uu ugu horeeyo Madaxweynaha Cabdicasiis Laftagreen ayaa dadaal ugu jira sidii wax looga qaban lahaa sicir bararka Ka jira magaalada Baydhabo iyo guud ahaan magaalooyinka Koonfur galbeed isaga oo kaashanaayo dowladda federaalka Soomaaliyeed.

Sicir bararkaas oo ay keeneen kooxaha nabad diidka ah waxaa uu Maamulka Koonfur galbeed qorsheenayaa guluf Ka dhan ah kooxda oo dagaalka wajiga labaad ee dalka Ka socda.

Dhanka kale,  Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen iyo Xukuumadiisa ayaa taageero Ka helaayo dowladda federaalka dalka oo dhan mas’uul Ka ah ayada oo Ka caawineysa yareenta sicir bararka Ka jira magaalada Baydhabo iyo xalinta sababihii keenay in uu sara u kaco sicir magaalada

sidoo kalena, hay’adda gargaar ayaa iyana dhankooda dadaal ugu jira sidii xal loogu heli lahaa sicir bararkaas xooggan.

Ugu danbeyn dowladda federaalka ayaa wado dadaalo lagu soo afjaraayo kooxaha nabad diidka ee shacabka Soomaaliyeed cunaqabteeyey oo dhan kastana Ka dhibaateeyay sidii looga kor qaadi lahaa.

Editoral dalka

MAALGASHIGAA MUUJIYA HORUMARKA DHAQAALAHA

Wadamada soo koraya waxaa horumarkooda dhanka dhaqaalaha ku xiran yahay maalgashiga horay u maray iyo hay’adda maaliyadda.

Waddamada qaarkood ayaa door wacan ka ciyaara dhanka wax soo saarka Warshadaha oo muhiim u ah kor u kaca dhaqaalaha waddamada dunida 3-aad.

wax soo saarka beeraha oo hoos u dhac ku yimaada meela badan oo qaaradda afrika ka mid ah ayaa haddana si weyn diiradda u saarin xanaanada xoolaha nool iyo kalluumeysiga si arrimo badan oo ku xiran daqliga iyo horumaka dhaqalaaha kaalin uga qaatan hergelinteeda tahay iskaashiga caalamiga daneeya.

Dalalka gaar ahaan shiinaha iyo dalalka iska daneefiyaanka, kaasoo abuura iskaashi ganacsi isdhaxgal iyo wax wada qabsi, sidaasi oo ay tahay haddana waxaa jira waddamo daneeya kheyraadka dihan ee dalkeenna soomaaliya iyadoo waddamo badana ay xiiseeyaan istaraatiijiyada geeska afrika dhul iyo badba.

Waxaa u baahan in la horumariyo wax soo saarka kalluumeysiga iyadoo la abuurayo iskaashatooyin kalluumeysi si markaasi xoog u yeeshaan wax soo saarka kalluun tayo leh isla markaasna la wajaho sidii loo gaari lahaa in dibadda loo iibgeeyo isagoo warshadeysan.

Waa muhiim ka faa’iideysiga maalgashiga waddaniga dalka u dhashay ee damiirka waddaniga leh, si ay qeyb uga qaataan sektarrada beeraha iyo dalxiiska, iyadoo la abuurayo hay’ado door ka ciyaaraya shaqo abuurka taasoo wehlisa xannaanada xoolaha sidii loogu heli lahaa meelo lagu xannaaneeyo laguna daweeyo, si tayadooda iyo caafimaadkooda u noqdo mid taam ah oo aan shaki la gelin Karin.

Waa lagama maarmaan in la diyaariyo qorsho habeysan oo dhaliya habka maalgashiga waddanka oo damaanad leh.

Dib usoo celinta warhadihii dalka hore u lahaa oo burburay, ayaa micno weyn sameyn kara sida warshaddii sonkorta, dharka, maacuunta, daawada iyo kuwo kale.

Arrinta si kastaba ha ahaatee waa lama huraan in maalgashi horumarsan oo dib usoo celiya bilicda caasimadda, horumarka guud ee qeybaha waxsoo saarka dalka loo helo maalgelin guud.

WQ: Ibraahin Abuukar Cali (Fanax)

DHIBAATOOYINKA GANACSI EE KA JIRA MAGAALADA MUQISHO.

Magaalada muqdisho ee caasimadda dalka waa magaalo madaxda dalka waxa ay fariisin u tahay dowladda federaalka waa magaalo ay ku nool yihiin shacab ka badan saddax malyan oo qof balse tirakoob sax lama hayo waa qayaas.

Sidoo kale, waa magaalo ganacsigeeda si xooggan uu oga socdo caasimadda dalka.

Horumarro kala duwan ayey caasimadda dalka sameyneysaa waxaana magaalada ku arkeysaa dhismayaasha casriga ah ee dalkeena Ka dhismaayo waxaana ay caasimadda dalka u horseedayaan dhismayaasha casriga ah muuqaal ahaan bilic gooni ah oo ishu ku raaxeysato.

Sidoo kale, waxaa dhismooyin qurux badan oo laamiyo ah Ka socdaan magaalada muqisho waana hormarka dalka ka socdo caasimada waxa ay la tartameysaa caasimadaha kale ee adduunka sababta horumarkaas socda waxaa qeyb ka ah nabada caasimadda oo hagaagtay.

Ganacsiyada kala duwan ayaa caasimada dalka maalinba maalinka Ka sii danbeysa ku soo badanaayo magaalada muqisho ganacsiyadaas waxa ay horumar ka qaadanayaan hormarka dalka iyo quruxdeeda balse mararka qaarkood ganacsiyada tiro beel ka ah waxa ay keenaan dhibaatooyin waxaana ay suuq xumo baahsan ku ridayaan ganacsiyadii badnaa ee kala horeeyey taasina waxa ay sababi kartaa in horumarkii ganacsi ee dalka gaar ahaan caasimadda oo ah isha kaliya ay eegtaan shacabka Soomaaliyeed in uu qaasro waana dhibaato weyn.

Hadaba, maxay yihiin dhibaatooyin ganacsi ee Ka jira caasimadda dalka maxaana lagu xalinayaa.

Ganacstada magaalada muqdisho ayaa dhibaatooyin xooggan soo wajahday waxaana ay Ka cabanayaan ganacsiyo badan oo tira beel oo caasimadda dalka ku soo badanaayo ganacsiyadaasna waa hal ganacsi oo ay ganacsatada iska daba sameestaan waxaana aad arkeysaa hal goob oo ku yaala afar ganacsi oo hal wax gadaayo taasina waxa ay keeneysaa burbur dhaqaale iyo in ganacsiga uu xirmo.

Ganacsatadeena  lama yimaadaan fikirado cusub oo ganacsi oo kala duwan taasina waxa ay keentay in ganacsigii ay burburaan oo qasaaro uu ku yimaado.

Sidoo kale, ganacstada ayaa Ka cabanaayo in ganacsiyadooda ay qarka u saaran yihiin in ay xirmaan ayaga oo u sababeenaayo in ganacsiyada mid ka mid ah uu keeno alaabo taya saro leh taasi oo ugu imaaday qiimo yara koreeya balse waxaad arkeysaa isla alaabtii oo kala oo aan la heen tayo badan lana iibinaayo qiimo hooseeyo taasina waxa ay keentay in ganacsigii uu qaasaaro oo uu ku dhaco suuq xiran.

Dowladdka waxaa looga baahan yahay in ay wax Ka qabtaan dhibaatooyinka ganacsi ee dalka Ka jira oo ay u sameeyso sharciyo kala xadida ganacsiyadooda lagana hubiya tayadooda sidoo kalena ay dowladdu ay joojiso ganacsiyada isku midka ah in laga wada furto hal goob ah oo ay u horseedeyso qasaaro.

Dowladdu waa in ay dhiriigalisaa muwaadiniinteeda cashuur bixiyaasha ah kana caawisaa dhibaatooyinka la soo gudboonaado in ay xaliso gacan qabato iyo in ay hormarkooda ay qeyb ka qaadato.

WQ: Abdinaasir Yuusuf Aadan

TIXANAHA SHEEKADA MAANO FAAY (QEYBTA 49-AAD)

Maana waxay ka soo kacday sariirteedii ay sidii qof

hurda isku nabaysey inta qorraxdu ka qaboobayso. Waxay damacday in ay bersadda kala soo baxdo saabuun ay ku qubaysato.

Markay irridkii ku dhawaatay baa waxaa ka hor yimid murankii gudaha ka socday. Erayadii kululaa ee aabbeheed iyo hooyadeed isku tuurtuurayeen. Intii hore hoos bay u hadlayeen. Waxay ku dadaalayeen in aan hadalkoodu  bannaanka  u  bixin,  carruurtuna

dareemin. Hase yeeshee, markii la isku xanaaqay buu codkoodii xarga goostay, carruurtii bannaanka joogtayna la illaaway. Ceeb baa dhacday. Sirtii baa fakatay. Erayadii oo kankoonsan baa Maana-Faay maqalkeeda ku soo dhacay. Intay dib u joogsatay bay dhagaha taagtay. “Wax idinka soo dhammeesateen ma ii keeni kartiin.

Maana-Faay igaarkaas ma lagu daraayo. Minankaasna ma la geehaayo. Walaalkaada naagtiisa hanuunay af dheer tahay. Af xaartaas geberteey ma loo geehaayo. Belaayo an kulyoon ma u taagnaahaayo. Tabarteey ma eh. Maana-Faay abtigeeda igaarkiis dhalay aa lagu daraa, Jiilaani Xaaji Macow.”

Maana-Faay intay kud isku tiri bay laabta gacanta saartay, sidii iyadoo sacabka ku celinaysa wadnaheeda boodboodkii laba jibbaaray, ee xabadkeeda haraatida ku waalay.

Intay dib u yare noqotay bay jikada is-dhex taagtay, si aan dhageysigeeda loo dareemin. Halkeedii bay dhegaha ka raaricisay. Aad bay u danaynaysay in ay warkaas dhegeysato. Erayada la is weydaarsanayo caddaan u wada maqli meyn, laakiinse, arrinta lagu murmaayo way fahamtay. Way garatay waxa la isku hayaa inay yihiin “Maana-Faay, adeerkeeda igaarkiisaa loo aroosihaa,” iyo “Abtigeeda igaarkiis dhalay aa lagu daraa!”

Anlee ma i warsadiinoo khaftii rabo. Ar dadkaanaa! Iika leeba madaxooda ka adeegahaayo. Khaf joogto

aaba madaxeeda lagu murmaa anigaa bixi haaya iyo anaa bixi haaya, iidna wax ma la warsahaayo. Waxaaseeto xaq miyaa? Waa u sheegaa. Wixii rabaan ha dheheen. Haddaan u galaa. Igaarkoo Axmed la dhahaayo aan rabaa aan dhahaa. Uslee jecelahay. Koo kale oo aroosaayana ma leh, idinka lee is-noojiheeysiin maahine.

Yac! Ma dhihi karo. Ma dhihi karo. An maa qaddarkeeyga dhan yahay?

Way isku naxday, markii fikraddaasi ku soo dhacday ka dib. Waxay is-moodsiisay in waalidku maqleen wixii ay iskula hadlaysey. Yaa siiyey dhiirranaantaa ay Xaaji Muumin ugala soo horjeesanayso doodad noocaas ah? Dhibaatooyinka ay beryahaan hurdo hunguri iyo hadalba uga go’day waxaa ugu daran haadaanta u dhexeysa iyada iyo waalidka, waxa uurkeeda gubaaya oo ayan u sheegan karin labadii qof ee iyada dad ugu jeclaa.

Shaki la’aan aabbe iyo hooyo waxba ka hagran mayaan sidii ay gabadhooda ugu soo celin lahaayeen farxaddeedii iyo fayoobiddii nafsaddeeda; laakinse ayaandarro, ma fahmi karaan meesha daawadeedu ku jirto, haddii ay u sheegtana faham la’aan uun baa uga sii kordhaysa. Ma Xaaji Muumin iyo Ay-Caddeey baa laga dhaadhicin karaa gabadhiinnu wiilkii la siiyey ma rabtee, mid kalay magaalada ka soo jeclaatay, isagayna rabtaa; isla markaana qof hallowday ma

aha, gabarnimadeedii iyo sharafkeediina waxba iskama dhimin? Iihi! Taasi waa qorraxdii oo galbeed ka soo baxday!

Maana-Faay waxay dareemaysay culays tankeeda ka weyn, cid ay la kaashatana garan mayn; dhinac waxaa uga huraya holacii jacaylka, dhinac waxaa ka haysta haaraankii waalidka, dhan waxaa uur-ku- taallo ku noqday arooska Abuukar ee loo abaabulayo, dhinac kalena waxaa hor yiil hawlihii dugsiga.

Hortii waxay ahaataba, hadda xaalkii wuxuu marayaa meel halis ah. Arooskii waa la soo dadajiyey, oo waxaa lagu qorsheeyey bishaan caddideeda, Jimcada soo socota, inkastoo habartii giiratay ee arrin cusub la timid, waxay dib ka fashaba. Fadhi dambe ma yaal. Waa inay wax uun samaysaa, si ay aayaheeda u badbaadiso. Iskuma filla, ismana badbaadin karto. Sidee yeeshaa? Waa inay heshaa cid ay u qayla geysato.

Yay u irkataa? Yaa u ciirsi ah? Hooyo qoorta isaga duub, qisadana daaha uga wada qaad. iyadaa qalbi jilicsane. Wax ha kula qabatee. Maya. Maya. Waxay dhaheesaa Jiilaani Xaaji Macow aan kugu daraa! Axmed Jaamac la socodsii, uslee xilka ku wareeji. Qarqaris waa dhammaaday.

Maxaa jira? Maxaa looga qarqarinaa? Maya. Maya. Xaalka waa sii xumaahaa. ‘Dhibaato ma ka bixi karnee, waalidkaada warkooda yeel,’ haddiis dhaho mashaqo maahinoo? Iga dhaaf balaayada. Us runta u sheeg maxaa jira, Iikarka naftirkiisa, wax dhe, aboo an ma ku rabo. Ha igu

ajarmin adina ha is-ajarin. Laakiin iga dhaaf kaas foolkiis ma joogsahaayo. Fool daanyeerkaas!

Haah! Leyla. Walaasheyda Leyla aan dhahaa wax ila khabo, haddii walaasheyda aad tihid.

Leyla waa qofta keliya ee ay sirta ku qarsato. Xagga da’da, xagga aqoonta iyo xagga bulsho-la- dhaqankaba way isaga dhow yihiin. Aad bay isu jecel yihiin, inkastoo markii ay gabdhaha wada ahaayeen ay is-ximin jireen, hawsha guriga isku dhabiili jireen, mar marka qaarkoodna caytan iyo dagaal dhex mari jirey ee habartu kala canaanan jirtey, laakiin, markii Leyla guursatay kalgacalkoodii wuu kordhay, siiba intii ay shaqada heshay ee ay noqotay kaaliye-takhtar, markaasoo ay bilowday in ay walaasheeda ka yar xil gaar ah iska saarto.

Ninkeeda Ciise-Dheere qudhiisu aad buu u soo dhaweeyaa, una xushmeeyaa dumaashidii Maana- Faay. Waa nin dhallinyaro ah oo maskax furan. Isaga iyo Leyla aad bay isu jecel yihiin. Maana- Faayna marka ay booqasho ugu tagto, waxay ka soo heshaa farxad badan.

Qosol, kaftan iyo ciyaar baa waqtiga loogu dhammeeyaa. Cunuggooda Burhaan, Maana-Faay baa magaca u bixisay. Guriga markay tagto, salaanteeda waxay ku bilowdaa, inay Burhaan kor u qaaddo ee koolkooliso, dhabannadane ka dhunkato.

Beryahan dambe intii mushkiladdu soo foodsaartay, Maana-Faay way laba jibbaartay booqashadeedii ay ku imaan jirtey guriga walaasheed. Waxaa ka hor yimid jawigii gurigooda.

Markay ku cabburtaba waxay ku oroddaa guriga Leyla. Habeenkii ay Axmed ballansan yihiin, badanaaba iyaday ku marmarsootaa. Markay ku soo daahdana iyaday soo martaa, si ay u waddo, waalidkana ugu warranto in ay iyada la jirtey.

Leyla waqti aan dheerayn bay baratay Injineer Axmed Jaamac, isaga iyo Maana-Faayna isku ogaatay. Ciise-Dheere ayaa is-baray, arrintana la socodsiiyey, isagoo fulinaya codsi Axmed u soo jeediyey.

Axmed barashada Leyla wuxuu uga dan lahaa inay garab siiso isaga iyo Maana. Markii hore aad bay walaasheed u canaanatay, uguna cambaaraysay sida ay uga suurtowday inay ninkaas la saaxiibto, iyadoo og in la siiyey ina adeerkeed, arooskoodiina dhow yahay.

Hase yeeshee, markii Maana-Faay si kulul u oyday, una dan sheegatay, walaasheed Leyla way u garowday. Waxay garaysatay astaamaha jacaylka ee ay ku aragtay, horena uga shakiday iyo qisada ay la socodsiisay, oo ah arrintu in ayan ahayn qorshe ay iyadu ku talo gashay ninkaan la saaxiib, balse ay is-aragtay nafsaddeedii oo xaggiisa u sii jiidanaysa, kana goyn kari wayday.

Leyla ma aha sida waalidkeed, ee way qaddarinaysaa xaaladda walaasheed, maxaa yeelay, way fahmaysaa jacaylka iyo dabeecaddiisa

la yaabka leh ee aan cidna lagu eedi karin. Iyada qudheeda ayuu hore u soo jilciyey, xanuun badanna ka soo martay; hase yeeshee, dhibaatadiisii hore waxay ku illowday guushii dambe ee ay ka gaartay in ay guursato jacaylkeedii Ciise-Dheere.

Maana-Faay, galabtaas ay maqashay murankii ka dhex taagnaa aabbaheed iyo hooyadeed, subaxdeediiba waxay hore ka aadday walaasheed Leyla. Waxay u sheegtay sidii ay wax u maqashay, ka dibna waxay iyadoo ooyaysa ka bariday inay gacan ku siiso badbaadinta aayaheeda.

Waxay waydiisatay inay waalidka iyadu runta u sheegto, sida wax u jiraan oo dhanna la socodsiiso, kulana dooddo in aan walaasheed la khasbine loo daayo ninka ay nafteedu jeclaysatay, ee ay u dhimanayso. Leyla way la murugootay walaasheed, wayna ka ballanqaadday inay la guntanayso, intii tabarteeda ah.

Aay-Caddeey waa tii odaygeeda ka xanaaqdaye, inan yar ka fududaatay, aqalkeeda tuurtuurtay, ilmeheeda ku qaylisay, armaajadeeda huruuftay; ka dibna shukadeeda dhegta qabsataye jaranjarta halhaleel uga degatay. Jidkay laba ka dhigtay. Jeesjeesad ma jiro.

Dhowr qof baa salaan ula tannaagootay. Dheg uma jalaq-siin. Luuqyadii Xamar Weynoo ay luga jiidka ku mari jirtey bay badankooda daqiiqado yar uga dhex dustay. Goormaa ugu dambeysay saan-fudaydka noocaan ah? Waayo-waayo!

ILAALINTA BALLANTU WAA MAS’UULIYAD MUHIIM AH (SHEEKO QIIRO LEH)

Nin Taajir ahaa oo xubin ka ahaa dabaqada Maal-qabeenka sare ee dalka Ruushka ayaa daaqadda Gurigiisa ka arkay nin guri la’aani ay u raacday Dhar la’aan .. Barafka korkiisa saaran intuu ka yaabay iyo halka uu fadhiyo ayuu u Soo degtay oo cod jilicsan ku yiri: Ninyahow maxaan kuu qabtaa?

Ninkii faqiirka ahaa ayaa ninkii Tujaarka ahaa ka codsaday Koorka dhaxanta .. Tujaarkii oo aad uga xun rafaadka iyo silica uu ku nool yahay ninka faqiirka ah ayaa u ballan qaaday Inu u keeni Doono Koor weyn iyo weliba casho culus oo deg deg ah.

Nasiib darro dhawr taleefan oo u Soo dhacay darteed ninkii taajirka ahaa wuu halmaamay ninkii faqiirka ahaa .. Markuu waagu baryey ayuu arkay ninkii Faqriga ahaa oo dhintay warqadna ay agtaalo, Waxaana ku qornaa hadaladaan:

“Inta aadan ii sameyn ballan qaadka waxaan ahaa nin adkeysi u leh Gaajada iyo Dhaxanta,waxaanse tabar-dhigay oo dhaxanta iyo gaajada jirkeeyga u nugleeyey balan qaadkii beenta ahaa ee aad ii sameysay .. waana sababta soo dedejisay geerideeyda, Fadlan ha ii ooyin geerideeyda kadib waayoo waxaa jirtay Mar aad wax ii qaban kartay, Maantase waxba iima gashid oo waxaan ku biiray Duni kale”

Ujeedka ballan qaadka beenta ah wuxuu sababi karaa saameyn fog oo qofka bini’ aadanka ah ku yeelata noloshiisa mid galaafata ee ka feejignoow .. oo sabab ha u noqon geerida ama waalida qof islaameed .. Hana dhaawicin Qalbiga Aadmiga ee daciifka ah.

 

DHGARQABE DHULKAA SHEEGA (QEYBTII 2-AAD)

Waxaan baarnay numberka looransi hoor iyo qolyihii soo wici jiray, waxaana helnay tiro wada hadallo ah oo socday 1992-dii illaa 93-dii, dadkii ay wada hadaladaasi dhex mareen intooda badanina waxay ku sugnaayeen loos anjaloos, ayuu yir sargaal ka tirsan FPI-DU.

Wuxuu intaa ku daray “su’aalo ayaan weydiinay eedaysaneyaasha waxaana ogaanay in maleegidda falku aanu guriga looransi hoor ka fogayn, telefoonadaasina waxay si toos ah ula xariiri jireen jeemis baari  oo ku sugnaa dhitoray”.

Sidoo kale waxaa jiray wicitaanno badan oo sanadkaasoo dhan si xariir ah u dhacayay, kana socday bariga dhitoray halkaasoo uu ku noolaa jeemis baari, waxayna intooda badani ka imaanayeen guriga lowranci hoor oo ku yaalla aagga hooli wuudka.

Waxaan qayaasnay inuu ka dalbanayay wixii ka Dhiman qarashka howlgalka, hoorna uu sugayay dhaxalka wiilkiisa oo wax uu doonayay inuu marka hore dilku dhaco, hayeeshee markii aanu baaritaanka bilownay waxaan helnay in lacagtii faldambiyeedka fulintiisa loogu talo-galay siyaabo Kala duwan loo bixiyay.

Baareyaashu waxay dedaal dheer u galeen sidii ay ku ogaan lahaayeen dhinacyada wada hadaladaasi dhex mareen, numberada ay adeegsadeen, iyo xilliyada gaarka ah ee ay wada xariiri jireen, balse xog quman ma aanay helin quustuna isha baarkeeda ayay u jirtay maadaama ay culaysyo badan Kala kulmeen daba-galka, dambiilayaashuna ay raad walba oo lagu aqoonsan karo qariyeen.

Sargaal kale oo baareyaasha kamid ahaa ayaa yiri”Arrintu way  inagu adkaatay, wuxuu ahaa faldambiyeed naxdin leh dhammaan xogaha ku gadaamanina si degdeg ah ayay isku badbadalayeen, baaritaankuna abbaar sugan ma aanu helin, illaa haddana waxaan ku dadaalaynaa inaanu howgalka natiijo ka wax ku ool ah ka gaadhno”.

Witanboog iyo saaxiibkiis waxay ku raadjoogeen dhaqdhaqaaqa eedaysaneyaasha, waxayna ogaadeen ku luglahaanta  jeemis baari ee kiiska, waxayna ku sameeyeen baaritaan saacado badan qaatay.

Booliska iyo fpi-du waxay isku raaceen inay baaritaanka ninkaa sii wadaan muddo bilo ah.

Waxaan ogaanay inuu jeemis baari qof gaar ah si joogto ah ula sheegaysan jiray, si aan wax walba u ogaanona waxaan diiwaangalinay xittaa taargada gaarigiisa, qofka uu badanaa  la xariiri jirayna wuxuu ahaa nin lagu magacaabo toomas teernay.

Baaritaan ka dib waxaa caddaatay inuu teerna oo 52 jir ahaa uu ahaa wade gawaarida xamuulka qaada lowransi hoor aad ugu dhaw, sidoo wuxuu saaxiibnimo naf qaysi ah lalahaa jeemis baari, xabsiga ayayna mar ku wada xirnaan ireen.

Ogaanshada xogta gaarka ah ee teerna waxay muhiimad gaar ah ulahayd baaritaanka .

Baareyaashu waxay rajaynayeen inay helaan silsilada wada hadalada ihi sidii ay ku bilaabatay iyo dhammaan eedayneyaasha.

Witanboog iyo saaxiibkiis waxay ku dhaqaaqeen baaritaan qoto-dheer, waxayna waraysteen baari ayagoo ka raadinaya xog la xariirta teerna.

Baareyaashu hadalka kuma dheerayn jeemis baari, laakiin wuxuu qirtay inuu xilliga faldambiyeedku dhacay ku sugnaa meeriland, balse uu shaqo halkaa u joogay, dambina aanu galin.

Bishii September baaritaan qoto-dheer oo ay ku sameeyeen wicitaanada lowransi hoor waxay Ku ogaadeen inuu jiro nin lagu magacaabo rooj oo kiiska si weyn ugu luglahaa.

Waxaan rajaynaynay inaan diiwaangelinno wada hadal qarsoodi ah oo dhex maray jeemis baari iyo lowransi, waxaana doonaynay inaan ogaano inuu ka dalbanayo haraaga qarashkii uu faldambiyeedka ku fulin lahaa ama intii hore ee la siiyay aanay ku filnaan wayday.

Waxaad ii balanqaaday intaas, waxaana kaa hayaa intaas oo keliya, sidaa darteed waxaan kaa doonayaa intii kale, dabcan xogta caynka ihi ujeedada baaritaanka qeyb ahaan way ku filantahay.

Hoor iyo baari waxay ahaayeen—-, hal arrin oo intaa ku saabsanna wada hadalkooga waa laga waayay.

Bartamihii bishii November xilli uu baaritaanku si xoog leh u socday, waxaa joogsaday wada sheegaysigoodii telefoonka.

Baaritaanka fpi-da ee faldambiyeedkani wuxuu baariyaasha ku qasbay inay wax kasta oo dadaala sameeyaan si ay kiiska uga gun-gaaraan gaar ahaan waxa ka dhexeeyay  hoor oo ku sugnayd loos anjaloos, iyo jeemis baari oo dhitoray ku noolaa.

Dabcan saraakiisha fpi-du waxay ogaayeen inay labadaa nin arrin gaar ah ka wada hadlayeen, balse ma aanay helin xog dhammaystiran oo ku saabsan waxa ay ka wada hadlayeen.

Ma waxay adeegsanayeen saaxiibkii jeemis ee xabsiga toomas teerna , fpi-du waxay heshay magaca uu Ku diiwaan-gashaysanyahay numberka toomas teerna

Tillaabadaasi waxay ahayd mid wax ku ool ah oo ku saabsan siyaabihii ay u wada hadli jireen hoor iyo jeemis baari, iyo kaalintii uu toomas ku lahaa wada hadalkooda.

Teerna wuxuu udub-dhexaad u ahaa wada hadalka labada nin oo farriimaha ayuu u kala gudbin jiray, balse dhammaantooe waxay u wada xariiri jireen qaab qarsoodi ah oo aan wax xog ah laga ogaan karin.

Dhinaca kale waxay joogteeyeen la socadka habdhaqanka lowransi hoor, si ay u helaan astaamo muujinaya inay dhagar qabto tahay, sidoo kale waxay baaritaan ku sameeyeen boqolaal wicitaan oo ay telefoonkeeda ku arkeen

“Waxaan xaqiijin karaa in booliska loos anjaloos waxay daba-galka qoto-dheer ku sameeyeen lowransi hoor, sidoo kuwa dhitorayna ay jeemis baari iyo toomas teerna baaritaan 24-ka saac ee maalin walba ah k ku hayeen” ayuu yiri sargaal sare oo FPI-DA u hadlay.

Fpi-du waxay ku guulaysteen hellidda xogta boqolaal wicitaan, balse kuwo kale oo aan waxba laga ogayn ayaa jiray, wada hadalka baari iyo hoor ayaana baaritaanka aad u adkeeyay.

Bilo yar ka dib fpi-du waxay gaartay ujeedadii baaritaanka haddaba maxay heleen? La soco qeybta xegta.
WQ: Abwaan Hareeri

Maxkamadda gobolka Banaadir oo maanta mar kale u fariisanaysa dacwad ka dhan ah eedeeysanayaal loo haysto musuq

)-Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa maanta markii labaad dhagaysanaysa dacwad ka dhan ah eedeysanayaal loo haysto xatooyo xoolo dad weyne.

Xubnaha ay maanta maxkamaddu dacwaddooda dhagaysanayso ayaa waxaa ka mid ah, Abuukar Maxamed Cali  maamulahii xafiiska canshuuraha berrriga ee wasaaradda Maaliyadda ku leeedahay garoonka diyaaradaha Muqdisho, Maxamed Aadan Cabdullaahi maamulahii Bankiga dhaxe laanta garoonka diyaaradaha Muqdisho iyo Cabduqaadir Cabdi Socdaal, Qasnajigii Bankiga dhaxe qeybta dakhliga ajaanibta.

Bankiga adduunka oo meel mariyey $75 milyan oo lagu kabayo miisaaniyadda dowladda Soomaaliya

Washington: Guddiga Sare ee Maamulka Baanka Adduunka ayaa ansixiyay deeq lacageed oo dhan $75 milyan oo loogu talagalay kab ka miisaanidda Dowladda, deeqdaas oo gaar ahaan ka timid barnaamijka horumarinta Siyaasadda Dhaqaalaha (DPO).

Dowladda Federalka Soomaaliya waxa ay si buuxda u soo dhaweyneysaa, kana mahadcelinaysaa taageerada Miisaaniyadeed ee Bangiga Adduunka uu ugu deeqay Dowladda Soomaaliya.

Taageeradaan Maaliyadeed waxa ay imaaneysaa xiligii ugu habooneyd ee dowladdu ay guul ka gaartay dib-u-habeynta dhaqaalaha, waxa ayna sahlaysaa in si habsami leh ay u siiscodaan dadaalada aan aan ugu jirno kobcinta dhaqaalaha loo dhan yahay.

Wasiirka cadaaladda oo saxiixay siyaasadda hubinta da’da carruunta

Wasiirka cadaaladda iyo arrimaha Dastuurka XFS mudane Xasan Macallim Maxamuud ayaa maanta saxiixay Siyaasadda Qaran ee hubinta da’da carruurta oo dejinaysa baaxadda, shuruudaha, habka iyo fursadaha isticmaalka qiimeynta da’da.

Siyaasadan oo waafaqsan heshiiska xuquuqda Carruurta Qaramada Midoobay (HXCQM) ee ay saxiixday DFS, waxaa saldhig looga dhigay qaab-dhismeedka dadaallada Qaran ee dib-u-habeeynta shuruucda carruurta oo nidaamka caddaaladda carruurta Soomaaliyeed lagu waafajiyo halbeegyada caalamiga ah.