TALADA WANAAGSAN WAA TUBTA LOO MARO HORUMARKA

Soomaalidu waxay ku maahmaahda talo adigaa ku nool ee ayadu kuguma noola haddii talo wanaagsan la waayo wixii la qabtaahi waa talo xumo.

Waxaa muhiim ah in la helo talo laga baaraan degay oo dadka lagu hoggaamiyo, waxaan maqli jiray Taladaan la ruugin waa lagu rafaadaa

talada wanaagsan waxay ku dhex jirtaa shacabka dhexdiisa waxaana looga fadhiyaa ummadda waxgaradka ah, dhaqanka iyo siyaasiyiinta daacad ah.

marka la helo dhaqan iyo xukuumad hoggan adag leh waxaa la gaari karaa siyaasad deggan oo aan is qooraansi la heyn, sidoo kale waxaa loo baahan yahay goleyaal difaaca dalka iyo dowladda, daldaloollada siyaasadeed ee  laga soo geli karo qarankana ka owda.

Haddaba, bulshada dalka ku nool hannaanka geediga siyaasadeed waddooyin badan ayay u maraan mana ahan haddii aad fahmi weydo meesha loo socdo in aad buuq ummadda ku furto, waxaa habboon inaad  marka hore  hubsato xaaladda uu waddanku ku jiro.

Waddanka manta wuxuu ku jiraa dagaal looga soo horjeedo argagixisada gam ka dhigtay ummadda soomaaliyeed kuwaasoo doonaya in ay soomaalida ka tirtiraan adduunka iyaga iyo calankoodaba, cadawgaas guunka ah ayaa lala dirirayaa ee buuq kale uma baahna in dalkaan lagu furo.

Qof waliba waxaa looga baahan yahay inuu ka fiirsado waxa uu sameynayo asigoo raacya talo beereysa ama abuureeysa xasillooni iyo degenaan, nabad iyo wada jir, isagoo ka eegaya danta guud taasoo abuuri karta siyaasad deggan iyo jawi horumar leh oo uu dalkeennu u aayo.

Haddaba, looma baahna inaad la shakheyso ama aad gacan siiso cadowga dalka adigoo xagal daacinaya jihaadka lagula jiro qowleysatada aan arxanka laheyn ee waxaa loo baahan yahay in dalkaaga aad u reebto dhaxal wanaagsan oo maguuraan ah iyo aayatiin wanaagsan, ummadda soomaaliyeedeey waqtiga aad joogtaana yuusan idinku dhaafin talo xumo, waayo tala xumadu taran iyo tiigsimaad ma leh, dembi aakhiro iyo mid adduunka way kuu horseeddaa.

Talada wanaagsan waa tii lagu tanaado tubta loo marana way toosan tahee dadoow tii rabbi yaan la iloobin.

WQ: Abwaan C/salaam Gabayre  

Duqa Muqdisho oo ka hadlay sababta dadka looga saarayo dhulka Kaasa Italia

Bayaan ka soo baxay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa lagu faah faahiyey sababta dadka looga saarayo Dhulka (Kaasa Italia ) oo ah dhul ay leedahay safaaradda dowladda Talyaaniga.

Warka Maamulka ka soo baxay ayaa lagu yiri” Burburinta dhismaha Xarunta Kaasa Italia waxay ku timid codsi nooga yimid dowladda Talyaaniga oo dalbatay in dhulkeeda loo banneeyo oo ay u baahan tahay, waxaana bulshada loo sheegayaa inaanu jirin ganacsade ama dowlad Soomaaliyeed oo dhulkaas isticmaali doonta”.

Dowladda Soomaaliya ayaa horay ugu digtay dadka deggen xarumaha dowladda oo ay ka mid yihiin dhulalka safaardaha waddamada shisheeye iyo danta guud si looga adeego shacabka.

WAA MAXAY DAGAAL MAXAANA KEENA ?

Qeexidda dagaal waa macno badan yahay laakiin waxaa ka soo qaadaneynaa inuu dagaal yahay isku dhac ay isku dhacaan laba qof ama in ka badan, waxaana loo qeybin karaa laba qeybood oo kala ah: dagaal gacanta ah iyo dagaal afka ah, waxaana sababa ama dhaliya dulmi iyo xadgudub uu qof ku sameeyo qof kale ama dowlad ay dowlad kale ku sameyso waxaysan qaadan Karin.

Haddaba, dagaal maxaa ka dhasha oo laga dhaxlaa, way iska caddahay waa hoog iyo ba’, burbur iyo dhaqaalo xumo, dhimasho iyo dhaawac.

Dagaalka saxda ah ee kuu bannaan waa midka aad ka fursan weydo in aad difaacdo naftaada, sharaftaada iyo cirdigaadaba, waana dagaalka laguu banneeyay oo keliya in aad ku jihaaddo naf iyo maalba sida midka lagula dirirayo argagixisada, burcadda banneysatay dhaca islaamka iwm.

Haddaba, manta dalkeenna waxaa ku furan dagaal argagixiso kaasoo ay waajib ku tahay qof kasta oo soomaali ah in ka qeyb qaato jihaadka

Dalkaan waxaa ku soo duulay kuwo doonaya in ciribtiraan shacabka soomaaliyeed dabadeedna soo dejiyaan qolo aan la garaneynin oo gumeysteyaal ah, sidoo kalena doonaya inay qaataan dhulkaan iyagoo diiddan in ay jiraan wax soomaali layiraadho dhul iyo dhalashabana diiddan.

Kaasoo kale waa dagaalka xaqa ah ee ilaahey raalli nooga yahay in aan difaacanno diinteenna dalkeenna iyo dadkiisaba.

Dagaalka intaas ka soo haray ee baadilka ah waa mid aan loo baahneyn oo fasaad ah sida dagaallada qabaa’ilka.

Waxaa jira dagaal kale oo ka dhex dhaca dadka deriska ah kaasoo ka billowda wax aan macno lahayn badanaa waxaa dhaliya caruurta ama haweenka, kaasina ma fiicna waayo dadka deriska ah waxaa habboon inay is qadariyaan waayo xaq bay isku leeyihiin, qofka deriska kula ah wuxuu ka xaq badan yahay kan aan kula deriska ahayn, meeshii aad ka xiriirin lahayd oo aad ka war qabi lahayd xaalladdooda hoose mama dhaceen in aad isqoontaan, dhibaatooyinka yar yar ee ay dhaliyaan caruurta iyo haweenkana waji ayaa ka weynaan lahaa iyo isqadarinta.

Haddaba, dagaal maahan wax fiican mana ahan wax la doonto, laakiin haddii uu kusoo qaabilo waad is difaaceysaa adigoona xad gudbeynin.

Haatan iyo danna dagaal ruuxii diyaar u ah waxaa looga baahan yahay furunta dagaalka iyo dagaalka xaqa ah ee lagula jihaadayo kuwa soo duulay ee argagixisada ah, maanta dagaal kale ma furna waa mid ka  dowlad iyo shacaba u diyaar garoobayaan ee xaqa ah.

Marka dagaalkale wax faa’iido ah maleh ee ka fogaada oo xiriiri deriskaada iyo walaalahaada iyo dhammaan ummadda muslimiinta ah.

WQ: DALKA EDATORIAL

 

DAANYEERKA AMA KAROWGA OO KU SOO BADANAYA XAAFADAHA MUQDISHO

Marka ugu horreysa daanyeerka ama karowga waa xayawaan ka mid ah xayawaannada ku nool dunida oo dhan gaar ahaan soomaaliya.

Karowgaan ayaa ku kala nool miyiga iyo magaalada intaba, balse waxaa ayaamahan dambe loo dareemayaa sidii la filayay si ka tiro badan in uu usoo buux dhaafiyay magaalooyinka waa wayn.

Daanyeerka oo kala nooc ah kalana waa wayn ayaa daanyeerka kiisa weyn ee labka ah ayaa waxaa lagu magacaabaa Muun Daanyeer sida bandanna waa liidarka ama hoggaamiyaha kooxda daanyeerra ah.

Xayawaankan waxaa loogu tala galay meelo u gaar ah oo lagu hayo (ZOO) walow iyagu aan lagu darin xayawaanaadka dadka cuna haddana ee lagu daro xayawaanka dadka la saaxiibka ah ee la nool haddana waxay badanaa la nool yihiin xayawaanka kale ee duurjoogta ah waxaana badanaa lagu arkaa meelaha lagu xanaaneeyo ama laga daawado ugaadha ee loo yaqaan Wild life Parka

Ujeeddada aan usoo qaadanay waxaa weeye Daanyeerka ama Karowga ayaa ah in maalmahan dambe ku soo badanayaan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, waxaana haatan lagu arkaa dhammaan xaafadaha kala duwan ee muqdisho iyagoona cidna ka cabsaneynin soona buux dhaafiyay geedaha waa weyn ee haraca ah.

Haddaba waxaa dhibaatada keenay oo badanaa la arkaa in daanyeerta ay usoo degaan dhulka iyagoo qaadaya wax walba oo aad meel dhigato, dadka xaafadahuna waxay ka muujinayaan cabasho iyagoo kuu sheegaya in uusan waxba reebeynin tusaale ciddii guriga ku abuurta beer yar ama ubax qurux badan ama cinabka, seytuunka, liin macaanta wuu ka cunayaa galleydana haba sheegin lagama soo gaaro.

Mararka qaar digsiyada waxa ku jira ayuu kala baxaa mooskana maba eegi karo oo waa waxa uu ugu jecel yahay, intaas waxaa dheer in uu koox koox u socdo isagoo caruurtiisa xabadka ku wata ayuu baraakooyinka tacbaanka ah ku dul ordayaa marna bixdix marna midig.

Waxaa jira kuwo ku dhex jira daanyeertaas oo mararka qaar bursada ilmaha ama haweenka qaar iyagoo cabsi gelinaya.

Haddaba, waxaanba oran karaa daanyeerta hadda joogta xamar waxay ka farabadiyeen yaan yuurta ku nool magaalada waxaan noqonay sidii magaalooyinkii hindida oo daanyeertu meel walba ay taagan tahay.

Waxaad arkeysaa mararka qaar daanyeerta oo is bursanaya oo fiilooyinkii korontada iyo baaleyaasha ku kor ciyaaraya, waxaa wanaagsan in loo helo xal lagu maareeyo arrintooda.

Daanyeeradii hore waxaad moodaa kuwani inay ka aqli badan yihiin xagga dhagarta iyo gaadmada sida ariga carbeedku uga caqli badan yahay ariga cadka waayo ari carbeedku waxaa lagu tiriyaa inuu yahay reer magaal weliba mararka qaarkood ka ka caqli badan dadka qaarkiis walow isaga naftiisa uu tuug yahay uu hooyooyinka ka cuno buunshada iyo cajiinta.

Laakiin daanyeerta waxaa dareemeysaa in uu mararka qaar isticmaalayo xoog iyo boob cad isagoo hujuun kusoo qaada meelaha ay dheeftu taallo.

Sidaa daraadeed waa in loo helaa xal lagu maareeyo arrintaas.

WQ: Ibraahim A. Cali Fanax

 

 

Ciidanka ATMIS oo u diyaar garoobaya wajiga labaad ee ka bixitaanka Soomaaliya

Taliyeyaasha ugu sarreeya ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa soo gabagabeeyay kulan socday afar maalmood oo looga hadlay  qiimeynta wajigii koowaad ee ka bixitaankii ciidanka ATMIS ee Soomaaliya iyo u diyaargarowga wajiga 2-aad oo la filayo in la soo gunaanado bisha Setembar ee soo socota.

Kulanka oo ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa waxaa ka qeybgalay taliyeyaasha cutubyada shanta dal ee ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya; Kenya, Uganda, Djibouti, Ethiopia iyo Burundi,iyadoo uu shir guddoominayay taliyaha ciidamada ATMIS Lt. Gen. Sam Okiding.

Kulankaan oo halku-dhiggiisu ahaa Xoojinta Wada-shaqeynta ciidanka ATMIS CONOPS,ayaa lagu sheegay in wejiga labaad ee ka bixitaanka Soomaaliya loo diyaariyay 3000 oo askari , halka bishii June ee la soo dhaafay dalka ay ka baxeen 2000 oo ciidan.

Ciidamada ATMIS iyo ciidanka xoogga dalka  ayaa hadda qorsheynaya wejiga labaad ee howlgallada wadajirka ah ee ka dhanka ah Al-Shabaab ,kadib markii kooxdaasi laga xoreeyey deegaanno badan oo dhaca Hiiraan,Gaalgaduud iyo Mudug.

Kulanka taliyeyaasha qeybaha ayaa afartii biloodba mar la qabtaa si looga hadlo howlgalada  muhiimka ah ee amniga iyo qorshaha kala guurka ee Soomaaliya .

TAARIIKHDA TIRSIGA HIJRIGA.

Tirsiga Taariikhda Hijriyada waxaa laga soo bilaabaa markii Nabi Muxamed صلي الله عليه وسلم ka Hijrooday magaalada Makah Al-mukaramah una Hijrooday magaalada Madiina Al-munawarah.

Taariikhda sanadka Hijriga ah wuxuu bilaabmey sanadkii 622 C.D taasi oo ku beegan wakhtigii Nebi Muxamed (N.N.K.H) iyo asxaabtiisa u hijroodeen magaalada Medina waxaana alifey kalaandarka islamka saxaabigii cumar binu khadaab radiyallahu canhu ayagoo ka soo qaxay Makka.

Kalandarka Hijriga ah waxaa laga isticmaalaa wadamo badan oo Islaam ah, waxaana dadka Muslimka ah ku xisaabshaan isla markaana kala socdaan bilaabida bisha barakaysan ee Ramadaan, soo gudashada waajibaadka Xajka, iyo Ciidaha iwm.

Taariikhda Hijriyada Islaamka waa bisha Allaah SW cirka ka soo saaro ee aan tirsano kuna Soono, Kuna Xajino, Zakadana ku dhiibno, waxa uu Sanadka Hijriga ka kooban yahay Labo iyo Toban Bilood oo kala ah.

Bilaha hijriga kalandarka islaamka.
1. Muxarram
2. Safar
3. Rabiicul Awal
4. Rabiicu taani
5. Jamaaddul Awal
6. Jamaaddul Aakhar
7. Rajab
8. Shacbaan
9. Ramadaan
10. Shawaal
11. Dul-qacdah
12. Dul-xijah.

Afar ka mid ah bilaha Hijriga waxaa loo yaqaana kuwo barakaysan, sababtoo ah waa billo aad muhiim ugu ah taariikhda Islaamka.

Afartaasi bilood waa: Rajab (bisha 7aad), iyo sadex bilood oo ku xiga Dul-Qacdah (bisha 11aad), Dul al-Ḥijjah (bisha 12aad) iyo Muxarram (bisha 1aad).
Muxarram Waa bil barakaysan sababtoo ah waxaa mamnuuc ah dagaalka.
Ṣafar meel maran Waxaa loogu magac daray wakhti Carabtii hore ay cunto raadis ku jireen.
Rabic al-awal gu’ga koowaad Waa bil aad ugu muhiim ah dadka Islaamka sababto ah waxaa ku jirta Mowliidka Nebiga.

Rabiic taani gu’ga labaad, Jumādá al-awal Xagaaga hore Wakhti iskugu jira kulayl daran iyo qaboow saa’id ah habeenkii.
Jumada al-akhirah Xagaaga dambe

Rajab sharaf, qadarin Bisha Rajab waa tan labaad ee bilaha Barakaysan, waxaana la mamnuucay dagaalka wakhtigan.
Shacbaan baahsan Waxaa lagu sheegaa in wakhtigan Carabtii hore raadin jireen biyo iyo baad.
Ramaḍaan kulayl gubanaya Kulayl iyo gubasho ayaa lala xiriiriyaa Soonka, sababtoo ah dadka Muslimiinta ahi waxba ma cunaan qorax soo baxa ilaa qorax dhaca.
Sha’waal la koriyay, waa bil muslimiintu ciidaan ciidul fidriga.
Dul al-Qa‘dah La rumastay
Dul al-Ḥijjah bishii xajka Bishani sidoo kale waa bil barakaysan oo dagaalka la xarrimay, sababto ah waa bisha la soo guto waajibaadka Xajka.

Xagee laga bilaabay taariikhda Hijiriga ah?
Taariikhda hijriga ah waxaa laga bilaabay Hijradii nabiga(NNKH ) uu ka hijrooday magaalada Makka una hijrooday magaalada Madiina oo ahayd 22 Rabiic Al awal oo waafaqsaneyd 24 September 622-miilaadiga.

Saxaabadii Nabigu RC waxay isku raaceen in taariikhda laga bilaabo maalintii Hijrada oo ahayd maalintii ugu muhiimadda badnayd Umadda muslimiinta ah waayo ? waa maalintii ugu horreysay ee la aasaasay dowlad islaaamku uu leeyahay ee ugu horreysay, waa maalintii islaamku galay khatartii ugu baxadda weynayd oo gaaladii makka ay kor istaageen godkii uu Nabi Muxamed NNKH uu ku dhuumanayay islarkaana ay isku dayeen iney dilaan.
Iyadoo ay jirtay ra’yiyo kale oo oranaya  in laga bilaabo taariikhda islaamka dhalashadii Nabiga( NNKH) ama markii la soo saaray ee rasuulka laga dhigay amaba markii uu geeriyooday.

Waxaana go’aanka la gaaray xiligii uu xukunka islaamka hayay Cumar Binu Khadaab (RC) sanadkii 16aad ama 17aad ee hijriga culumadu taariikhduna way isku yara khilaafsan yihiin halkaa .

Labada Taariikh ee Hijriga iyo Milaadigu maxay is dheeryihiin?

Waxay is dheeryihiin labada taariikhood waa 11cisho oo ah wareega dayaxu uu ku wareego dhulka 12 jeer waa 354 maalin , taariikhda miilaadiga ah dhulku waxa uu qoraxda ku wareega halmar 365 maalin, sidaa darteed labada taariikhood midna waxay xiriir la leedahay daxaya halka tan kalena ay xiriir la leedahay qorraxda.

Shaki kuma jiro in ummad kastaa ay leedahay taariikh ay ku faanto oo muhiim u ah nolosheeda ilbaxnimo iyo horumarkeeda gaarka ah.

ummad kasta oo dunida ka jirtaa waxay ku faantaa taariikhda ay leedahay oo ay buunbuunisaa kuna shaqeysaa, waxaase isweyddiin leh xilliga aan ku baraarugi doonno waa goorma qiimaha taariikhdeennu ay leedahay.

Haddaan ka mid nahay muslimiinta adduunka waxaan leenahay taariikh aad u qiima badan oo ay mudan tahay in laga hadlo.
Diyaarin Cabdisalaan Sidiiq

ISLAAMKU WAA NABAD IYO HORUMAR (QEYBTA 2-AAD)

Rasuulka (scw) wuxuu yiri:-

(Muslim waxaa ah qofkii ay dadka kanabad galaan afkiisa iyo adinkiisa mu’mina waxaa ah midka dadka u nabad galiya naftooda iyo maalkooda). wuxuu kaloo rasuulka(scw)yiri:-

(Aduunyada oo suusha ayaa ilaahay kala fudud in qof muslim ah ladilo).

Lafdi kale waxa uu ku yiri (kacbada oo loo burburiyo dhagax dhagax ayaa allekala fudud in qof muslim ah la dilo). wuxuu kale oo yiri rasuulka scw xadiis saxiix ah “Qiimaha qofka muslimka ah ayaa alle kala weyn adduunyada oo suusha”. Wuxuu kaloo rasuulka scw yiri:- (Qofkii dila gaal ay muslimiintu ballan is nabad galin ah kula jiraan galimaayo janada mana urinayo carafteeda waxaana carafteeda laga uriyaa masaafo loo socdo afartan sano).

wuxuu kale oo suubanuhu yiri:-

(Qofku kama suulo in ay diintiisa waasac utahay haddii uusan galin dhiig xaraam ah). wuxuu kale oo yiri:- “Maalinka qiyaame waxaa la keeni kii la dilay oo foodda iyo madaxa jiidaya kii dilay oo ay qawlaladiisu dhiig ka shubmayso, markaasuu oranayaa rabiyoow waa kii idilay ilaa uu carshiga udhaweeyo”

Wuxuu kale oo yiri: “Luqun hadlaysa ayaa naarta jahanama ka soo baxaysa maalinka qiyaame, waxay oranaysaa maanta waxaa la ii wakiishay seddex qolo oo kala ah kuwii dadka qasbi jiray, iyo kuwii ilaahay u shariik yeelay, iyo kuwii dilay naf aan naf kale dilin, inta loosoo wada jamciyo ayay naarta mugdiyaaladeeda hoose ku wada guraysaa”.

(Kadhowrsada qofka la dulmiyay habaarkiisa, maxaa yeelay uma dhaxeeyo qofka la dulmiyay habaarkiisa iyo alle xijaab) Riwaayad kale waxay ahayd (ka dhowrsada qofka ladulmiyay habaarkiisa gaalba ha ahaado hadduu doonee).

Walalyaal sida aan ku arkayno aayadaha quraanka iyo axadiista rasuulka ee arintan kahadlaysa oon ahayn intaas aan tusaalaha usoo qaatay oo kaliya nabadgalyadu waa rukni asaasi ah oo muhiim u ah min qof ilaa mujtamac ummadda oo idil,

marka waxaan shaki kujirin jiilka ku barbaara qawaaniintan, aamina oo si dhab ah urumeeya inay liibaanayaan adduun iyo aakhiro kuna naaloonayaan nolol farxad iyo raaxo leh, waxase nasiib darro ah in maanta markaad muslimiinta ufiirsato in badan oo kamid ah ayan ku dhaqmin kana faa,iidaysanin dastuurkan rabaaniga ah ee damaanad qaadaya badbaadinta basharka iyo bani’aadamka idilkiis,

waxaad arkaysaa meelo badan oo dunida muslimka ah oo ay somaliya kamid tahay in banaysiga dhiiga oo si fudud loo daadsho uu nololmaalmeedka kamid noqday iyadoo si aan kalasooc lahayn maalinkasta umadda maydadkooda loo waro dariiqyada, iyadoon la ogayn kan wax dilay sababta uu u dilay kan ladilayna sababta loo dilay, runtii waa musiibo

laga anfariiro iyo munkar aan loo garaabi karin mashaqada muslimiinta maanta kuhabsatay, waxaase intaas oo dhan kadaran in faldambiyeedkan aan laga fiirsan iyo fadeexadan ay musliminta maanta nool magaca kula baxeen ay kula soo galgashaan diinta iyagoo utiirinaya in waxa ay falayaan diintu amrayso, sida iyagoo marka qolo qolo kale weerarayso ama koox koox kale la dirirayso ama qabiil qabiil kale ku duulayo qaata magaca mujaahid, mujaahidiin, xaq udirir iyo wixii la mid ah kuwa kalana ku tilmama inay yihiin daalimiin in la dilo mudan oo dhiigooda banaan yahay.

Waxaa la ogyahay in diinteenu tahay diin saamaxaad, diin cadaaladeed oo     caadifad iyo laab lakac ka barax tiran. diinteenu waa mid basharka oo dhan  udamaanad qaadaysa nabad iyo nolol, waa diin aan ogolayn dulmiga iyo jowrka, waa diin faraysa macruufka, munkarkana reebaysa, waa diin siinaysa qof kastoo xaq leh xaqiisa, waa diin gacanta ku dhagaysa dulmiilaha doonaya inuu dunida fasaadiyo,

waa diin dadka kaxoraynaysa inay dad kale adoomo u ahaadaan, waa diin kor uqaadaysa qiyamka, karaamada iyo sharafta qofka, waa diin dhiiri galinaysa horumarka, cilmiga iyo aqoonta,

waa diin ladiriraysa jahliga iyo dib udhaca, waa diin doonaysa inay dunida kufaafto cadaaladda, sinaanta, iyo kala dambaynta, waa diin aan ogolayn in qaanuunka lagu xadgudbo oo dhowraysa xuquuqul insaanka, waa diin ciqaabaysa dulmiilaha sharkiisana kabadbaadinaysa umadda.

Run ahaantii maanta hab-dhaqanka dad badan oo muslimiinta ka mid ah ee ku salaysan nacaybka waa mid ka fog diinta ay sheganayaan waana kan sababay cadaawada weyn ee loo qaaday iyaga iyo diintoodaba, halkii ay awal ka dhici jirtay in qaab dhaqameedkii muslimiintii hore oo kali ah ay ku soo islaami jireen mujtamacaad dhan oo malaayiin ah, sida ay sheegeen dadka taariikhda islaamka ukuur gala ee loo yaqaano mu,arikhiinta badankood.

Taariikhdu waxa ay marag katahay in inta islaamka ku gaaray sida nabadgalyada ah in la eg uusan ku gaarin seefta tiiyo la ogyahay dhulalka islaamka ku furtay jihaadka xitaa uusan marna kadhicin cid lagu jujuubay diinta ee ay iyaga iskood si akhtiyaari ah u qaateen mabaadi’da islaamka ka dib markii ay arkeen inuu oga fiican yahay dastuuradii dulmiga ku salaysnaa ee ay dowladihii laga xoreeyay kula dhaqmi jireen,

sideedana marka aad udhabo gasho hadafka jihaadkii ay dowladaha islaamka ah kufurteen dunida dacaladeeda waxa aad arkaysaa in waxa ay kuduuleen uu ahaa Nidaam dulmi iyo jowr kusalaysnaa ee uusan ahayn waxa ay kuduuleen xorriyad iyo caqiido sida dad badani moodaan, taasina waxa

daliil marag madoonto ah ugu filan inan meelihii uu islamku qabsaday marna laga burburin dadkii ahlulkitaabka ahaa meelihii ay wax kucaabudi jireen diintoodiina.

WD: Ibrahim Warsame

 

 

ISLAAMKA AYAA ASAL U AH CILMIGA SAYNISKA

Barashada abuurta Alle iyo dheefsigooda ayaa lagu gaaraa horumar dhanka adduunka ah, jidka lagu bartaana waa aqoonta aynu hadda ku magacawno sayniska. Abuurka Alle, noole iyo manooleba, oo loo fiirsado, loo kuurgalo,tijaabooyinna lagu sameeyo si wax looga barto, iyada oo la adeegsanayo hannaan sugan ayaa lagu tilmaamaa saynis.

Dad badan oo innaga mid ah waxa aad mooddaa in ay iska dhaadhiciyeen in saynisku yahay hanti ay si gaar ah u leeyihiin gaalada iyo reer Galbeedku.

Waxaa la yaab leh in isla dareenkani uu ka jirey qaaradda Yurub markii ay ku jirtey Xilliyadii Madoobaa (Dark Ages) ee Muslimiintu ay hogaaminayeen aqoonta sayniska.

Xilligaas in badan oo reer Yurub ka mid ahi sayniska buufis ayey ka qabeen iyaga oo uga carari jirey in uu yahay wax Muslimiintu wataan! Aqoonta sayniska ee maanta adduunka taallaa waa waayo aragnimo iyo garasho daafaha dunida laga uruurinayey ilaa iyo bilowgii nolosha aadanaha, cid gaar ahina ma laha.

In kasta oo Qur’aanka iyo Sunnadu wax badan innaga bareen abuurista Alle, haddana ujeeddadoodu ma aha in ay saynis inna baraan ee waa in ay innagu hanuuniyaan xaqqa iyo jidkii aynu ku caabudi lahayn Alle- kor ahaaye-.

Waxa ay inna baraan xuquuqda la innagu leeyahay iyo sidii aynu u gudan lahayn. Diintu waxa ay qaabaysaa oo ay hagtaa fekerkeenna iyo aragtiyaheenna. Nebiga- sallal laahu calayhi wasallam– ayaa innoo kala saaray.

Sida la wada ogyahay magaalada Makkah ma lahayn beero oo waa dhul aad u kulul aadna u qallalan oo buuraleey ah. Reer Makkah aqoon wanaagsan uma aysan lahayn beeraha iyo qaabka loo fasho.

Nebiga- sallal laahu calayhi wasallam– iyo saxaabadu markii ay Madiinah u hijroodeen, ayaa uu Nebigu- sallal laahu calayhi wasallam– arkay beeraleydii oo geedihii timirta qaybtii labka ahayd iyo tii dhedigga ahayd isku bacriminaya. Markaas ayuu yiri “u malaynmaayo in ay wax tarayso”.

Saxaabadii beeraleyda ahayd markii ay warkii maqleen waa ay joojiyeen, taasina waxa ay sababtay in dalaggii timirtu ka xumaado. Markii Nebiga- sallal laahu calayhi wasallam– loo sheegay ayaa uu u sheegay in ay aragti uu istusay ka ahayd uuna yahay bashar, ee wixii uu Alle ka soo gudbiyo ay tahay in ay qaataan, wixii kale ee aragti shakhsiyeed ahna uu bashar u yahay ee sidaa loo la socdo.

Waxa uu ku sii daray “Idinka ayaa iiga aqoon badan arrimaha adduunkiinna.” Waa xadiis saxiix ah oo uu weriyey Imaam Muslim.

Culumadeenu aqoonta waxa ay u qaybiyaan labo: mid lagu garto u fiirsasho, u kuurgelid, tijaabo, adeegsiga caqliga, iyo khibradda (sida xisaabta, caafimaadka, beeraha, dhar samaynta, guryo dhiska, iwm), iyo aqoon ku saabsan Alle iyo shareecadiisa; maxaa xalaal ah, maxaa xaaraan ah, maxaa iska bannaan, xiriirka Alle iyo addoonkiisa u dhexeeya, xiriirka qofka iyo dadka kale u dhexeeya, iwm.

Diintu faahfaahin ka ma bixinin sidii aad guri u dhisi lahayd, laakiin waxa ay sheegtay marka aad guri dhisaysid in aadan khiyaano samaynin, in aadan dadka kale dhulkooda ku xadgudbin, in aad xaqqa deriska ilaalisid, in aad shaqaalaha xaqooda siisid, iwm.

Aqoonta koonkan iyo waxa ku dhex jira ee isheennu qabato ama aynu maqli karno ama aynu taaban karno waa wax u fiirsasho, u kuurgelid, iyo tijaabo lagu ogaan karo. Waa halka aqoonta saynisku ka shaqayso.

Garashadeeduna ku ma xidhna diinta oo gaal iyo Muslim ba waa loo siman yahay. Iyada oo ay taasi jirto, haddana maanta waxaa aqoonta sayniska calanka u sida hoggaankana u haya Alle-diid.

Miyaysan wax la la yaabo ahayn innaga oo mu’miniin ah in aynu barashadii iyo u kuurgalkii abuurista Alle faraha uga qaadno mid aan Alle jiritaankiisaba ogolayn?!

Imaam Shaafici ayaa laga hayaa in uu yiri: “Aqoontu waa labo: aqoon diineed iyo mid adduunyo. Aqoonta diintu waa fiqhiga, aqoonta adduunyaduna waa caafimaadka.”

Waxaa kale oo laga hayaa in uu yiri: “Xalaal iyo xaaraanta kaddib, ma ogi aqoon ka sharaf badan caafimaadka. Laakiin Ehlul Kitaabka ayaa innooga awood batay”. Sidaas oo kale waxa uu yiri: “Waxa ay dayaceen [Muslimiintu] saddex meelood meel aqoontii waxa ayna u talo saarteen Yuhuudda iyo Nasaarada.”

Markii aynu dayacnay aqoontii oo aynu ka hawlgabnay ayaa aynu ku meeraysanaynaa “gaalaa sidaa tiri” iyo “waxaan diintu sheegin naga la tag” Koonkan Alle abuuray baaxaddiisa marka la eego, dayuxu waxba innoo ma jiro.

Diirad (telesecope) awood fiican leh haddii aad haysatid wax badan baad dayaxa oogadiisa ka baran kartaa.

Midda madoobaadka dayaxa iyo qorraxduna waa sidaas oo kale oo kumanaan sano ayaa la ogsoonaa sida ay u dhacaan. Culumada Islaamkuna ma diiddana oo qaar ka mid ah kutubtooda ayaa ay ku qoran tahay iyaga oo sheegaya in aysan cilmul qayb ahayn ee lagu ogaan karo xisaab.

Dadka sidan u hadlaya marka xanuun qabto waxa ay aad ugu dedaalaan sidii ay u heli lahaayeen dawada ugu fiican ee waxa haya ka bogsiin karta. Isma weydiiyaan ma gaal baa sameeyey mise Muslim, ma aqoon gaal baa lagu sameeyey mise mid Muslim? Isma weydiiyaan aayadda iyo xadiiska daliilka u ah in dawada loo soo qoray ay wax ka qaban karto dhibta haysa.

Diintu waxa ay u soo degtay in ay dadka hagto oo ay ku hanuuniso jidkii Alle- kor ahaaye- u doortay. Waxa ayna leedahay axkaam ay ku kala caddayso wixii bannaan (xalaal) iyo wixii aan bannaanayn (xaaraan).

Waxaa jirta qaacido ah: asal ahaan wax kastaa way bannaan yihiin, In la yidhaahdo waxaasi ma bannaana oo waa xaaraan, ama waa waajib in la sameeyaa waxa ay u baahan tahay daliil diinta ka yimid.

Wax aan daliil loo cuskado loo haynin in waajib laga dhigo ama la xaaraantimeeyo waa Alle in lagu been abuurtay.

WD: Ibrahim Warsame

 

MUSUQ MAASUQU WUXUU CAQABAD KU YAHAY DAWLADNIMADA (QEYBTA 2-AAD)

Musuqmaasuqa waa dhaqan haraadi ah oo aan meelna ku lahayn shareecada islaamka iyo dhismaha dowladnimada casriga ah, waxaana jira dadaallo caalamiya iyo mid heer qaran oo lagu dagaalamayo, sanad walbana waxaa  la sameeyaa qiimayn heer caalami ah, waxaana la soo bandhigaa kaalinta dowlad walba oo dunida ah  ka gasho la dagaallanka Musuqa iyo heerkeeda maamul wanaagga, hadaba Shacbiga Soomaaliyeed waxaa la gudboon in ay dowladda Federaalka ku taageeraan dadaalka ay ugu jirto ciribtirka Musuqa oo ka mid ah caqabadaha ku hor gudban xoojinta tiirarka Dowladnimada Soomaaliya.

Diinta Islaamku, sidee uga hadashay ammaamada, khiyaannada iyo masuq-maasuqa?.

Wasiir Diinta iyo Arrimaha Awqaafta Mukhtaar Roobow Cali ” Ammaanada oo la khiyaano mushtamaca oo dhan ayay ku soo noqoneysaa, qof walba mas’uuliyadda uu haayo haddii uu ku dadaalo waxaa iman doonto, waxaan la sheegayo in ay baaba’aan masuq-maaasuqa la sheegayo, inta ay shareecada Islaamka, Qur’aanka iyo Axaadiista Nabiga ( CSW) ay daweeyeen, masuq maasuq nidaam bini-aadam sameeyay ama Diin kale oo daweysay anigu ma maqal,”.

Dowladda waxay si isku mid ah ula dagaallameysaa Khawaarijta oo caqabad ku ah nabadda iyo musuqmaasuqa  oo ah dilaaga horumarka dowladnimada.

Dhanka la dagaallanka Khawaarijtu, Dowladda waxay ku qaadday dagaal saddex weji leh. Dagaalladaas waxay keeneen guusha ah in la wiiqo awooddii Khawaarijta Al-shabaab. Dowladda markaan waxay ku dhawaaqday dagaal xoog leh oo ay ku qaadayso musuq-maasuqa oo ah dilaaga horumarka iyo nabadda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Dr:Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in shaqsiyaadka ku kaca musuq-maasuqa dadka qaarkood ku dhiirageliyaan xatooyada uu sameynayo.

” Waxaan rabaa walaalayaal Dowladdu tallabooyin ayay qaaday, ay kula dirireyso masuq-maasuqa, kuwo waa weynna waa soo wadnaa,walaalayaalow wiil yar ama gabadh yarba aan dhaho, wiilasheysa u badan tahay ee daqliga soo galaaya la garanayo, mushaar 500-boqol, 400, ama 700-boqol ah qaadanayo ama ka yar qaato, ayaa daaro dhaa-dheer magaalada ka dhisanayo, waa ammaanan yahay nin karmeed waaye sida uu wax u qabsaday ma aragtay,xaqiiqdana waa maxay waa tuug,” ayuu yiri madaxweyne Xasan sheekh.

Cadowga muuqda ee aan leenahay waa Khawaarijta Al-shabaab, waxaase jira mid aan ka liidan oo Bulshadu ay caadi ka dhigteen.

” Shabaab marka laga reebo Khawaarijtaas, cadow ka weyn oo Soomaali leedahay masuq ma jiro,marka dhaqan buu inoo noqday, guryuhu ayuu joogaa ee aan guryaha ka soo sifeyno,” ayuu yiri Raiisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre.

Si looga hortago masuq maasuqa, hey’adaha Dowladda oo ay ugu horeeyaan hey’adaha garsoorka waxaa ka dhex bilowday Isla xisaabtan iyo in laga fogaado xatooyo hanti dadweyne.” Cidda kaliya ee lacag qaban karta ee qof lacag ka qaadi karta waxaa weeye waa sarkaalka Waasaaradda maaliyadda u xilsaaran hadba meesha la joogo, Maxkamad degmo, Gobol, mid racfaan, iyo Maxkamad sare,” ayuu yiri Guddomiyaha Maxkamadda sare ee Dalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan sheekh Maxamuud oo wax badan ka hadlay ariimha Musuq maamuqa ayaa waxa uu sheegay Caddaalad, ammaan, horumar ineysan imaan Karin haddii aan caddaalada la horgeynin shaqsiyaadka wax is-daba marinaya ama masuq-maasuqa ku kacaya.

” Dadka la daba cararayo hala dhaafo, caddaalad heli meyno, tuug iskama celin karno, dadka jeebadahooda lacagta Kuma baaqato, Dowladdana uma timaado, laakiin Dowladda uma timaado. Maxay Dowladda ku shaqeynee?. Amniga maxay ku sugee?, ninkan garsoorka ah ee caddaalad inuu falo aan rabno sidee la yeelaa?, waa lugeeyaan jidka ayay lugeeyaan nolol macno leh ma heystaan, Malaayiin dollar xukun ahaa loo keenaa, waxaa la rabaa inuu ka garnaqo oo xukun caadil ah ka sameeyo, isagana saakay ilmahiisa iyagoo baahan ama isagoo dhinacyada iska fiir-fiiranayo ayuu bajaaj soo raacay oo uu xafiiska ku yimid oo uu garta ka naqayo,”.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in shaqsiyaadka ku kaca musuq-maasuqa dadka qaarkood ku dhiirageliyaan xatooyada uu sameynayo.

” Waxaan rabaa walaalayaal Dowladdu tallabooyin ayay qaaday, ay kula dirireyso masuq-maasuqa, kuwo waa weynna waa soo wadnaa,walaalayaalow wiil yar ama gabadh yarba aan dhaho, wiila-sheysa u badan tahay ee dakhliga soo galaaya la garanayo, mushaar 500-boqol, 400, ama 700-boqol ah oo dollar qaadanayo ama ka yar qaato, ayaa daaro dhaa-dheer magaalada ka dhisanayo, waa ammaanan yahay nin karmeed waaye sida uu wax u qabsaday ma aragtay,xaqiiqdana waa maxay waa tuug,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan sheekh.

‘Cadowga muuqda ee aan leenahay waa Khawaarijta Al-shabaab, waxaase jira mid aan ka liidan oo Bulshadu ay caadi ka dhigteen. Shabaab marka laga reebo Khawaarijtaasi, cadow ka weyn oo Soomaali leedahay masuq ma jiro,marka dhaqan buu inoo noqday, guryuhu ayuu joogaa ee aan guryaha ka soo sifeyno,” ayuu yiri Raiisul-wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa isna soo hadal qaaday dadaalka Dowladda ee ku wajahan la dagaalanka cadowga kale ee haraadiyay Dowladnimada Soomaaliya.

Si looga hortago masuq maasuqa, hay’adaha Dowladda oo ay ugu horeeyaan hay’adaha garsoorka waxaa ka dhex bilowday Isla xisaabtan iyo in laga fogaado xatooyo hanti dadweyne.

” Cidda kaliya ee lacag qaban karta ee qof lacag ka qaadi karta waxaa weeye waa sarkaalka waasaaradda maaliyadda u xilsaaran hadba meesha la joogo, maxkamad degmo, gobol, mid racfaan, iyo maxkamad sare,” ayuu yiri guddomiyaha Maxkamadda sare ee Dalka.

Dagaalka ay Dowladda ku wajaheyso dadka xatooyada ku sameynaya hantida loogu adeegayo dadka iyo dalka ayaa ku soo aadaya xilli la soo xiray dad lagu eedeynayo xatooyo hanti Dadweyne.

La soco Qeybta 3-aad.

 

MUSUQ MAASUQ IYO ALLE KA CABSI MEEL MA WADA GALAAN

SADKA DADWEYNUHU WAA SUN

Soomaali il adeegga waa lagu yaqiinay laakiin iimaan la’aan laguma ogeyn sebennadaan dambana waxaa muuqata in boobka hantida dadweynaha iyo cunidda boolida loo bareeray oo si aan gambasho lahayn xatooyada xoolaha ummadda loogu soo jeestay.

Waxaa soo shaacbaxay halku-dheg layaab leh oo ay shaqo doonayaashu ku tiraabaan, kaasoo ah “ meel dhac dhac leh ayaan rabaa” oo macneheedu yahay goob ama xaafiis aan ku tagrifalo oo waxaan doono ka qaato anigoon Layla xisaabtamin ayaan rabaa.

Halku-dhegga caynkaas ah iyo dhaqanka ama hab-fakarka uu xambaarsan yahay ayaa si mug leh u qeexaysa sida ay iimaan-darradu qaarkeen u asiibtay, in kastoo ay jiraan xallaal-miirato ammaan mudan oo boolida iyo xaaraanta ka fogaada, ammaanada ummaddana si fiican u dhowra.

Kuwa calfada musuq maasuqa hadday mas’uuliyiin noqdaan ama xil dowladeed qabtaan dhowrsanaanayaan waayo waxay arkaan oo keliya boobka hantida dadweynaha.

Kuwa ahlu kheyrka ah ee ilaahey iimaanka ku galadeystay haddii ay sidii la raba u ilaaliyaan hantida dadweynaha waxaa lagu sheegaa inay yihiin kuwa liita oo aan ka faa’iideysanin waqtiga soo maray mana helaan wax ixtiraam iyo ammaan ah kuma helaan oo waxaa lagu dhaleeceeyaa inay yihiin masaakiin aan dadka ay matalaan wax u soo dhicin Karin oo aan awooddooda lagu mucaashin.

Haddaba, dadkii loo ilaalin lahaa hantida qaarkood ayaa waxay qeyb ka yihiin musuq maasuqa oo iyagoo ku dhiiri gelinaya in ka faa’iideysto muddada yar ee uu xilka u hayo dowladda, markaa kii wax xada waa lagu amaanaa kii aan wax dhicinna waa lagu caayaa oo waa ruux ka dhintay oo kale, taasi sow kuma qaldana bulshada qaarkeed ee difaacaya midka dhacaya hantidooda haddii sharcigu soo qabto.

Sideedaba, musuq maasuqlowga intaas waxbuu maleegayaa oo doon doonayaa oo ku fakarayaa sidii uu wax u luqaafeyn lahaa oo maba ahan ruux deggan oo miir leh.

Soomaalidu waxay tiraahdaa waxaad barataa waa baaskaa, sidoo kalena lax meeshay mac ka baratay bay macluul ugu dhimataa, waxay ku fiican tahay in mas’uul kasta oo lagu aaminay xoolaha dad weynaha uu ka fogaado wixii dhib u keeni kara hantidaas waayo waxaa wada leh ummadda soomaaliyeed waxaana laga soo qaadaa hooyooyin maskiin ah oo meel qorrax ah fadhiya oo laba xabbo oo yaanyo isa saaratay ama dhiil caano ah gadeysa.

Alle ka cabsi iyo musuq maasuq meel ma wada galaan ee mid uun u go’.

Waxaa bogaadin iyo ammaan mudan dowladda iyo xakuumadda federaalka oo buraashadaha u dhaansaday in ay soo ciribtiraan musuq maasuqa iyo argagixisada

Waxaana hambalyo leeyahay dowladda federaalka oo go’aan adag ka qaadatay la dagaallanka musuqu, argigixisada iyo burcadda hubeysan ilaa iyo haatan siday wax u socdaan waa loo bogay, geedigana horay how socdo Inshaa Allaah waad gaareysaan guusha kama dambeysta ah.

WQ: Osman Dhiblaawe