Wasiirka Amniga koofur galbeed oo la kulmay saraakiisha ciidamada iyo maamulka degmada Baraawe

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Dowladda Koonfur Galbeed Xasan Cabdulkadir Mohamed oo ay wehliyaan Xubno ka tirsan Golaha Wasiiradda, Maamulka Gobolka Shabeelaha hoose iyo kan Caasimada Baraawe ayaa kulan looga hadlayey Xaalada Amniga Degmada la qaatay Saraakiisha Ciidamada Amaanka, Booliska, Nabad-sugida, Xoogga Dalka, Booliska gaarka ah ee KG iyo ATMIS.

Wasiirka Amniga koofur galbeed Mudane, Xassan Cabdulkadir ayaa Saraakiisha Ciidanka kula dardaarmay in ay wadashaqeyn wanaagsan ay yeeshaan lana xaqiijiyo amniga Magaalaada.

Wasiirka Cadaaladda XFS” Ma jiraan Maxaabiis Roman ah oo 10 sano ku xiran Xabsiga dhexe”.

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS mudane, Xasan Macallin Maxamuud ayaa maanta kormeer ku tagay xabsiga dhexe ee magaalada muqdisho, isagoo ka warbixiyay xaaladda maxaabiista halkaasi ku xiran.

Wasiirka ayaa sheegay in aysan jirin maxaabiis Roman ah ama lagu hayo 10 sano Xabsiga dhexe ee muqdisho, isagoo xusay in maxaabiista aan la maxkamadayn muddadii loogu tala galayna dhaafay ay sida ugu dhaqsiayah badan cadaalad ku heli doonaan.

Wasiirka cadaaladda XFS oo ka jawaabayay hadal haynta ah in ay jiraan maxaabiis xiran10 sano oo ay bulshadu is weydiineyso ayaa yiri, “Ma jiraan Maxaabiis Roman ah oo 10 sano ku xiran Xabsiga dhexe”.

Ciidanka xoogga dalka oo maleeshiyada Khawaarijta ka saaray deegaano ka tirsan Shabeelaha hoose

Baraawe: Hawlgal qorshaysan oo ay saaka sameeyeen ciidan ka tirsan guutada 6-aad ee qaybta 60-aad ee xoogga dalka Soomaaliyeed ayey maleeshiyaadka Khawaarijta kaga saareen deegaanada Rasdaay, Feytaan, Sadex-aqal iyo deegaano kale oo ka tirsan degmada Baraawe.

Deegaanadaas ayey maleeshiyadu qaarkood si dhuumaalaysi ah ku imaan jireen, halka kuwa kalena ay u ahaayeen fariisimo ay shacabka ku baadaan, kana soo abaabulaan weerada dhagarta ah.

Xidigle Daahir Axmed Cali taliye horinka 1-aad, ururka 25-aad, guutada 6-aad ee qaybta 60-aad ee xoogga dalka ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in hawlgalkan ay saaka qaadeen uu u dhacay sidii loo qorsheeyey ayna sii wadayaan baacsiga maleeshiyada Khawaarijta ah ee Khawaarijta.

“Ma tabar badna balse inay dadka ku dhibaan ayey meelahaas u yimaadaan, qorshaheenu wuxuu yahay in meel kasta oo nimankaas [Khawaarijta] lagu sheego inaan tagno, shaqadeenuna waa intaas ” ayuu yiri xidigle Daahir.

Hawlgalkan ayaa qayb ka ah qorshaha guud ee ciidamada Qaranku dalka kaga nadiifinayaan maleeshiyada argagixisada ah ee Khawaarijta, kaas oo ka socda gobolada ay kooxdu wali dalka uga harsantahay.

Taliska Booliska oo dhisaya dhaqanka diineed ee Askarta

Taliye ku xiggeenka ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jeneral Sakiya Xuseen iyo hoggaanka Anshaxa iyo wacyi-gelinta Booliska ayaa maanta Kutubo Qur’aan ah ku wareejiyey ciidanka Birmadka Booliska iyo sidoo kale Ciidanka Daraawiishta, waxaana goob joog ahaa taliyaha ciidanka Birmadka Booliska Kornel Suleymaan Maxamed Axmed Dulmi-diid.

Saraakiisha ayaa ciidanka u soo jeediyey inay xoogga saaraan aqrinta kalaamka Alle, kuna camal falaan, iyaggoo kula dardaarmay inay si hagar la’aan ah ay ugu shaqeeyaan Qaranka.

Tallaabadan ayaa looga gol leeyahay in lagu xoojiyo aqoonta diineed ee askarta iyo in la dhiso akhlaaqdooda, si ay uga qayb qaataan dagaalka fikirka ee kooxda Khawaarijta ah lagula jiro, iyagoo sidoo kale qayb ka ah dagaalka furimaha.

Guddoomiyaha hay’adda maareynta musiiboyinka oo qaabilay wafdi sare oo ka socda Save the childeren

Guddoomiyaha hay’adda Qaran ee maareynta musiiboyinka mudane Maxamuud Macalim Cabdulle ayaa maanta xarunta dhexe ee hay’adda ku qaabilay wafdi heer sare ah oo ka socday hay’adda Save the children, kaas oo uu hogaaminaayey Cabdiladiif Maxamed oo ah ku xigeenka agaasimaha hawlgalada ee hay’adda Save the children, waxaana kulanka ku wehlisay
Francesca Sangiorgi agaasimaha waaxda Humanitarianka ee  hay’adda.

Kulanka ayaa looga hadlay in Save the children hay’ada SoDMA ka caawiso qorshaha loo sameeynayo fatahaado laga cabsiqabo in ay ka dhacaan qeybo kamid ah dalka, ka qeyb qaadashada qorsha istaraatijiyada 5-ta sano ee soo socta ee hay’adda maareynta musiboyinka, dardargalinta mashaariicda iyo xiriirka labada hay’addood.

Masuuliyiinta ayaa kulanka kadib kormeeray xafiisyada hay’adda maareynta musiiboyinka, iyagoo balan qaaday inay kaalin ka qaadan doonaan mashaariicda ay hay’addu wado sidii ay waxtar ugu yeelan lahaayeen bulshada Soomaaliyeed.

Safiirka Soomaaliya ee Ethiopia oo qaabilay ku simaha safiirka Urdun ee Addis Ababa

Addis Ababa: Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Ethiopia mudane Cabdullaahi Maxamed Warfaa ayaa si diiran xafiiskiisa safaaradda Addis Ababa ugu soo dhoweeyey safiir ku xigeenka ahna ku simaha safiirka boqortooyada Urdun ee dalka Ethiopia mudane Dr. Emad Masalim.

Danjirayaasha Soomaaliya iyo Urdun ee dalka Ethiopia ayaa isla qaatay muhiimada ay leedahay xoojinta xiriirka labada dal maadaama ay ka mid yihiin dalalka jaamacadda carabta ee uu ka dhexeeyo xiriir mug weyn oo soo jireen ah.

Ambassador Emad ayaa tilmaamay in boqortooyada Urdun ay u diyaar garowday sidii ay Jamhuuriyadda Soomaaliya uga taageeri lahayd wax soo saarka iyo warshadaha.

Danjire Warfaa ayaa dhankiisa si weyn ugu bogaadiyay boqortooyada Urdun taageerada iyo garab istaaga ay doonayso inay ku bixiso arrimaha wax-soo saarka iyo warshadaha Soomaaliya.

RA’IISUL WASAARE XAMSA OO KORMEER KU TAGEY KULIYADDA CIIDANKA EE TURKI-SOM

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre oo kormeerey Kuliyadda Ciidanka ee Turki-Som, ayaa la dardaarmay cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Guutada Gorgor oo uu halkaas tababar uga soconayey.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in kuliyadda Turki-Som ay soo saartay Saraakiil iyo Ciidan dalka ka sameeyey isbeddel amni, isla markaana soo celiyey kalsoonidii ay shacabka Soomaaliyeed ku qabeen Ciidanka Qalabka-Sida, taas oo horseeday in guulo wax ku ool ah laga gaaro dagaalka cadowga dalka looga xoreynayo Khawaarijta.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo la hadlayay Saraakiil iyo Saraakiil Xigeen ka tirsan Ciidanka Gorgor ee X.D.S, ayaa xusay in ay hubka u sitaan ilaalinta difaaca dalka, diinta iyo dadka, sidaas darteedna laga rabo in ay ka fogaan wax walba oo xumeynaya sumcaddooda.

Guutada Gorgor ee ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayuu tilmaamay Ra’iisul Wasaaruhu in ay yihiin qeyb muhiim ah oo door wanaagsan ka ciyaaray xoreynta qeybo kamid ah gobollada dalka, haddana la filayo in ay ka sifeeyaan Khawaarijta goobaha ay ku dhuumaaleeysanayaan.

Intii uu socday kormeerka Ra’iisul Wasaaraha waxaa ciidanku ay soo bandhigay dhoolatus la xiriira tababarka iyo duruusta ay ku qaataan kuliyadda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey Dowladda Turkiya kaalinta ay ka qaadaneyso dhismaha ciidanka Qaranka, gaar ahaan Kulliyadda Turki-Som oo soo saarta saraakiil iyo ciidan wax weyn ku soo kordhiyay difaaca Qaranka.

       

Gobolka Banaadir oo shaaciyey natiijada imtixaanka fasalka 8aad ee sannad dugsiyeedka 2022/2023

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane, Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta ka qayb galay shaacinta natiijada imtixaanka fasalka 8-aad ee sanad dugsiyeedka 2022/2023 oo sanadkan ay u fadhiisatay 31,372-Arday oo ka kala socda 76-xarumood iyo 1,592 fasal oo dhamaantood kamid ah dugsiyada Gobolka Banaadir.

Agaasimaha guud ee waxbarashada Gobolka Banaadir Dr. Cabdifitaax Bare oo natiijadaan shaaciyay ayaa sheegay in ay gudubtay  30,837 Arday waxaa dhacay 535 Arday kuwaas oo dhawaan u fadhiistay imtixaanka fasalka 8-aad ee sanad dugsiyeedka 2022/2023.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa hambalyeeyay ardaydii gudubtay imtixaanka fasalka 8aad ee dugsiyada Gobolka Banaadir, isaga oo sidoo kale la dardaarmay waalidiinta Soomaaliyeed.

     

Xuska maalinta Naas-nuujinta Adduunka oo lagu qabtay Muqdisho

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr; Cali Xaaji Aadam ayaa furay munaasabadda xuska todobaadka Naas-nuujinta Adduunka oo maanta oo kale laga xuso Caalamka.

Munaasabadda ayaa waxaa  ka qeyb galay Wasiiru dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Drs; Maryama Maxamed Xuseen, Wasiiru dowlaha Wasaaradda Shaqada arrimaha bulshada XFS Agaasime waaxeedyada Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mas’uuliin ka socotey Maamulka Gobolka Banaadir, xubno sare oo ka socday Hey’addaha Caalamiga ah ee ka shaqeeya arrimaha Caafimaadka, Dhaqaatiir, bahda Caafimaadka, iyo marti sharaf kale.

Munaasabadda Xuska todobaadka ayaa ujeedadeedu tahay in hooyooyinka lagu dhiirigelliyo iyo in ay nuujiyaan dhallaankooda dhawaan dhashay si kor loogu qaado difaacooda jirka, naaska hooyada waxa Kujira nafaqo dhameystiran oo ilmuhu ubaahanyahay ilaa uu ka gaarayo 6 da bilood ee ugu horeysa Naaska hooyada waxa uu sidoo kale  kordhiyaa Garadka caruurta kaas oo ka dhiga ilmaha mid Caqli badan Maskax iyo jir ahaanna u fiyoow, Wuxuu kaloo ka hortaga xanuunada caabuqa ee ku dhaca Neef mareenka Cunaha iyo Dhagaha.

Halku dhigga Sanadkan ee ay qaadatey Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ah “Fursad u siinta Haweenka shaqeeya, in ay Caruurtooda Naaska nuujiyaan waa waajib bulsho”.

     

Ururka Iskaashiga Islaamka oo cambaareeyay falalka lagu gubay Qura’aanka

Jeddah- Wasiirrada Arrimaha dibedda ururka iskaashiga Islaamka ayaa cambaareeyay falkii ka dhacay dalalka Sweden iyo Danmark ee lagu gubay Kitaabka Qur’aanka kariimka.

Wasiirrada oo habka aaladda fogaan aragga ku yeeshay kulankoodii 18-aad ayay ku dhaleeceeyeen  dhacdooyinka soo laalaabtay ee lagu gubayo nuqullo ka mid ah Kitaabka Qur’aanka Kariimka, iyagoo sheegay in ay taasi tahay mid xurmo darro ah oo abuuri karta nacayb iyo kala fogaasho.

Ergeyga joogtada ah ee Soomaaliya u qaabbilsan ururka OIC, Dr; Ibraahim Aaden Muuse oo Soomaaliya ku matalayay kulanka ayaa sheegay in loo baahan yahay in mas’uuliyiinta dowladaha Islaamka ay la yimaaddaan dedaal iyo wax qabad ku salaysan sidii looga hor tagi lahaa xurmo darrada lagu hayo muslimiinta.

Dr; Ibraahim Aaden Muuse ayaa sheegay in haddii la sahashado ay sii xoogeysan karaan ficillo gurracan oo ay ka mid yihiin caadeysiga Islaam nacaybka, faquuqa, cunsuriyadda iyo dambiyo fool xun oo soo noqnoqda.

Shirka ayaa layskula soo qaaday sidii loo xaqiijin lahaa ballan qaadyada dalalka saxiixay axdiga Qaramada midoobay ee ku aaddan dhowrista xuquuqda Aadanaha, ka hor tagga takoorka, ilaalinta diimaha, kala duwanaashaha, dhaqanka iyo luqadaha Caalamka.