CiidankaXoogga oo howlgal ka dhan ah khawaarijta ka wada Bariga gobolka Gaalgaduud

Ciidamada Xoogga dalka ayaa saaka oo Jimco ah howlgal culus oo lagu sifeynayo kooxaha Khawaarijta ka wada Bariga gobolka Gaalgaduud,halkaasi oo lagu sheegay tiro yar oo nabad-diid ah.

Wariyaasha Warbaahinta Qaranku aaa soo sheegaya in howlgalka oo socday saacado cadowga khasaare lagu gaarsiiyey.

Wasiirka Difaaca XFS Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa Goordhow sheegay in howlgal sifeyn ah uu ka socdo deegaanada u dhexeeya gobolada Shabeellada dhexe iyo Galgaduud si gaar ah aagga Daaru-nimca.

La soco faah faahinta howgalka socda

Danjirayaasha Soomaaliya iyo Angola oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka 2-da dal

Adis Ababa:- Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Ethiopia Mudane Cabdullaahi Maxamed Warfaa ayaa kulan miro dhal ah la qaatay Safiirka Dawladda Angola ee dalka Ethiopia Amb. Prof Migvel Cesar Domingos kulankaas oo ka dhacay Addis Ababa.

Labada danjire ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo in la abuuro jawi ganacsi oo baaxad weyn, maadaama Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Angola ay dalkaas ku leeyihiin ganacsi xoog leh oo horumar kusoo kordhiyay dalkaasi Angola.

Sidoo kale waxay isku afgarteen in la joogteeyo kulamada iyo shirarka safaaradaha labada dal ay ku leeyihiin Addis Ababa, si loo suurta geliyo fulinta arrimaha ay ka wada hadleen labada danjire.

Tababar kor loogu qaadayo kaalinta haweenka ee maamulka hay’adaha warbaahinta oo lagu soo gaba-gabeeyay Dhuusamareeb

Tababarkan ay soo qabatay wasaaradda Warfaafinta Galmudug oo kaashaysa wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa uu soconayay muddo seddex maalmood ah, waxaa diiradda lagu saaray kor u qaadista doorka gabdhaha ku jira saxaafadda ee maamulka hay’adaha Warbaahinta.

Waxaa ka qeyb galay 30 suxufiyiin dumar ah oo ka kala yimid Warbaahinta deegaanada Galmudug.

Gabdhaha suxufiyiinta ah ee tababarka qaatay ayaa u mahad celiyay wasaaradda Warfaafinta dowladda Federaalka Soomaaliya iyo wasaaradda Warfaafinta heer dowlad goboleed ee Galmudug hirgalinta tababarkan si loo dhiira galiyo kaalinta gabdhaha ee maamulka hay’adaha Warbaahinta, iyaga oo codsaday in la badiyo tababarka Gabdhaha saxafiyiinta ah loo qabanayo.

Cabdishakuur Cali Axmed oo ku hadlayay magaca wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska dowladda Federaalka ayaa ugu mahad celiyay wasaaradda Warfaafinta Galmudug sida wacan ay u soo dhoweeyeen, uguna shaqeeyeen isku keenidda gabdhaha suxufiyiinta ah ee ka kala yimid deegaanada Galmudug si ay uga faa’iidaystaan tababarka.

Cabdiraxmaan Maxamed Aadam ( Koronto) Lataliyaha Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya oo ka mid ahaa macalimiintii tababarka ayaa u kula dardaarmay hablihii ka qeyb galay dhaqan galinta wixii ay ka faa’iideen aqoon iswaydaarsiga, iyo u istaagidda muujinta nabadda iyo horumarka deegaanada Galmudug.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Galmudug Mudane Abshir Cabdi Shiikhoow oo soo xiray tababarka ayaa u mahad celiyay wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska dowladda Federaalka Soomaaliya oo ay ka kaashadeen qabashada tababarka si loo xoojiyo kaalinta gabadha Saxafiyiinta ah ee maamulka hay’adaha Warbaahinta.

Tababarkan oo ah kii labaad oo nuuciisa ah waxa uu qeyb yahay tababarro wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ugu talo gashay gabdhaha Suxufiyiinta ah ee ku nool xarumaha dowlad goboleedyada si kor loogu qaado doorkooda ka qeyb galka maamulka hay’adaha Warbaahinta dowliga ah iyo kuwa gaarka loo leeyahay.         

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Mareykanka kala hadlay cunaqabateynta Maaliyadeed ee argagixisada Al-shabaab

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo la kulmay Ku-xigeenka xoghyaha Wasaaradda Maaliyada Maraykanka ee Arrimaha argagixisada iyo ka hortagga maalgelintooda Mudane Brian Nelson ayaa soo bandhigay tallaabooyina dowladda Soomaaliya ay ku wiiqday dakhliga iyo dhaqaalaha argagixisada Alshabaab.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in xeerarka iyo shuruucda loo jideeyey cunaqabateynta maaliyadeed ee argagixisada iyo tallaabooyinka sirdoon ee lagu burburiyey ilaha-dhaqaale ee ay ku tiirsanaayeen argagixisadu ay soo dedejisay guulaha laga gaaray furimaha dagaalka iyo xoreynta deegaannada ay ku dhibaateynayeen shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kala hadlay Ku-xigeenka Xoghayaha Maaliyada Maraykanka ee Arrimaha argagixisada iyo ka hortagga maalgelintooda Brian Nelson iskaashiga Soomaaliya iyo Mareynka ee cunaqabateynta maaliyadeed ee argagixisada, doorka ay ka qaadanayaan wajiga Labaad ee howlgalka dalka lagaga xoreynayo Khawaarijta iyo hormarka laga sameeyay barnaamijka deyn cafinta Soomaaliya.

Dhankiisa, Brian Nelson ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha soo dhaweynta iyo kulanka ay yeesheen, waxa uuna sheegay in nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya ay aas-aas u tahay nabadda Gobolka iyo Adduunka, sidaas daradeed ay ka go’antahay dalkiisa in ay ka gacan siiyaan dowladda Soomaaliya ka hortaga lacagaha sharicdarada iyo ladagaallanka argagixisada.  

Kaaliyaha xoghayaha waaxda maaliyadda Mareykanka oo Muqdisho soo gaaray

Kaaliyaha xoghayaha waaxda maaliyadda Mareykanka Brian E. Nelson ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, waana safarkiisii labaad ee uu ku yimaado qaaradda Afrika.

Mr. Brian E. Nelson, ayaa la kulmay dhiggiisa Soomaaliya iyo Kenya oo ay ka wada hadleen dhinacyada iskaashiga, iyadoo la ballaarinaayo iskaashiyadaasi si looga gudbo caqabadaha iyo in loo tilaabsado fursadaha jira.

Safarka kaaliye Brian E. Nelson, ayaa ku qotoma adkeynta xiriirka maaliyadeed ee Mareykanka la leeyahay qaaradda Afrika.

Shir jiraa’id oo uu qabtay ayuu ku faah faahiyay ujeedka safarkiisa Muqdisho iyo guud ahaan qaaradda Afrika.

Halkan hoose ka akhriso shirka jiraa’id:-

Dhuhur wanaagsan – aad baan ugu faraxsanahay in aan idinla joogno Muqdisho maanta dhammaantiin.

Wa safarkeyga labaad ee aan ku imaado qaaradda Afrika, waxaana la kulmey dhiggeyga Soomaaliya iyo Kenya si aan ooga wada hadalno dhinacyada iskaashiga, annagoo ballaarinayno iskaashiyadaasi si aan uga gudubno caqabadaha iyo in aan u tilaabsano fursadaha ina horyaalla.

Sida ay sheegtay Xoghaye Yellen intii ay ku guda jirtay socdaalkeedii qaaradda horraantii sanadkan, Afrika waxa ay qeyb weyn ka qaadan doontaa mustaqbalka dhaqaalaha adduunka. Safarka Xoghaye Yellen, iyo safarkaygii labaad ee qaarada, waxay muujinaysaa ka go’naansha Waaxda Maaliyadda ee Mareykanka in la sii qoto dheereeyo xiriirkeena maaliyadeed ee aan la leenahay qaaradda oo dhan.

Muhiimadda ugu weyn ee kulamadii aan ku qabtay Muqdisho iyo Nairobi ayaa ahaa mid aan kaga wada hadlaynay sidii aan u xoojin lahayn iskaashigeena ee ka hortagga maalgelinta argagixisada gobolka.

Si taas loo gaaro, galinka dambe ee maanta, xafiiskayaga ee Xakamaynta Hantida Dibadda (OFAC) ayaa magacaabi doonta shaqsi caan ah oo ah maalgeliyaha argagixisada, magacaabidtiisna waxay taageero u tahay dadaaladda Soomaaliya iyo Kenya ee lagu dhabar jibinaayo maalgelinta argagixisada. Maanta waxaan kala hadlay madaxda Soomaaliya sidii aan isaga kaashan lahayn sii kordhinta saameynta arrintan ee lagu beegsanayo argagixisada kudhaqan Soomaaliya.

Saamaynta ugu badan ee cunaqabataynta aan soo rogno waxaa la helaa markii aan la shaqeyno saaxiibadayada. Waxaan kala hadlay maamulada Soomaaliyeed ee heerka ugu sareeya in ay muhim tahay in aan goor hore xogta wadaagno iyo in la fududeeyo baaritaanada lana fuliyo tilaabooyinka ka dhanka ah maalgeliyayaasha iyo kuwa fududeeya falalka argagixisada.

Kulamadii aan la yeeshay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo kuwa kale, waxaan ka wada hadalnay saddex arrimood oo waaweyn. Kow: horumarka laga gaarayo dhisidda awoodda lagula dagaalamayo lacagaha la dhaqo iyo maalgelinta argagixisada. Midda labaad: horumarka lagu horumarinayo dib-u-habaynta muhiimka ah ee u oggolaanaysa Soomaaliya in ay dakhligeeda u isticmaasho horumarinta dhaqaalaheeda halkii ay ku bixin lahayd deymaha. Iyo seddexaad: istaraatiijiyad cusub oo ka timid waaxdeena oo ku saabsan wax ka qabashada khatarta dhaqaale, si aan u fududeyno howlaha xawaaladaha iyo gargaarka bini’aadantinimo ee jaaliyadaha qurba-joogta ah ee ku dhaqan Maraykanka. Hagaajinta kontaroolada Soomaaliya u leedahay la dagaalanka lacagaha la dhaqo, maalgelinta argagixisada, fidinta maalgelinta, iyo khataraha ka timaada kadhuumashada cunaqabataynta waxay kalsooni ku beereeysa waaxda bangiyada Maraykanka, taaso tuseysa in waaxda maaliyadda ee Soomaaliya la kormeero laguna nidaamiyo si waafaqsan heerarka caalamiga ah iyo kuwa gudaha.

Ugu dambayntii, dib-u-habayntan nidaamsan ayaa u sahleysa in maamulada iyo ganacsiyada gaarka loo leeyahay ay ka ilaaliyaan qaybta maaliyadda ee Soomaaliya xad-gudubyada maalgeliyayaasha argagixisada, kuwa musuqmaasuqa wada, iyo dembiilayaasha kale. Mas’uuliyiinta heerka ugu sareysa ayaa ka dhawaagiyay sida ay uga go’an tahay in mudnaanta la siiyo dhammaan dadaalada dowladda ee loo baahan yahay in lagu hormariyo isbedelladan

Laakiin safarkaygu kuma koobnayn kaliya ah shirarka dawladda. Waxaan la kulmey wakiilo ka socota qaybaha adeegyada bangiyada iyo xawaladaha Soomaaliya. Shirkadahan sida gaarka ah loo leeyahay ee safka hore ku jira waxay door muhiim ah ka ciyaaraan la dagaalanka lacagaha la dhaqo iyo maalgelinta argagixisada, ayaga oo la shaqaynaya maamulada maxalliga ah.

Waaxda Maaliyadda waxay si dhow ula shaqeysaa hay’adaha maaliyadeed si aan u wadaagno macluumaadka ku saabsan dhaqdhaqaaqyada sharci darrada ah iyo in la hirgeliyo xeerarka AML/CFT.

Kahor intaanan su’aalaha u dhaadhicin, aan sidoo kale wax ka dhaho saameynta dagaalka sharci darrada ah ee Ruushka ee Ukraine: dagaalku waxa uu weli dhaawacaya dalalka Afrika, Geeska Afrikana waxa soo food saartay cuno yari iyo macaluul baahsan. Waaxda Maaliyadda ayaa qaaday tillaabooyin aan horay loo arag si loo hubiyo in cunada iyo kala iibsiga ku saleysan gargaarka bini’aadanimada ay u socdaan si caqabad la’aan ah.

Tan iyo bilowgii hore, waxaan wax ka badilnay cunaqabataynta aan ku soo rognay Ruushka ee haga cunada, beeraha, iyo macaamilada bani’aadamnimada.

Tani waa kudbad gaaban oo ku saabsan nuxurka safarkeyga, iyo sidoo kale in aan si xoogino iskaashiga aan la leenahay qaaradda Afrika si loo dhiso xiriir dhaqaale, kana jawaabno caqabadaha adag ee gobolka, iyo aqoonsiga fursadaha aan uga faa’iidaysan karno firfircoonida ganacsi ee gobolkan iyo guud ahaan qaaradda. Waan ku faraxsanahay inaan su’aalihiin ka jawaabo.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo shirguddoomiyay kulanka 3-aad ee wadajirka Baarlamaanka labadiisa Aqal

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta shir guddoomiyay kalfadhiga seddaxaad kulankiisa 3-aad ee wadajirka ah oo ajandihiisu ahaa warbixinta akhrinta 2-aad ee xeerka qoondaha ku noqoshada Miisaaniyadda 2023-ka.

Fadhiga Golaha ayaa waxaa guddoomiyaha ku wehelayay Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullahi iyo ku-xigeennada labada guddoomiye. Xildhibaannada labada aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka dooday heerka qoondaha ku noqoshada Miisaaniyadda 2023-ka, iyadoona su’aalo laga weeydiiyay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqafaar Xange, iyo masuuliyiinta kale ee ka socday Wasaaradda.

Xildhibaanada labada aqal ayaa su’aalo iyo talo soo jeedin u jeediyay mas’uuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda XFS, iyo Guddiga Maaliyadda labada aqal, waxaana ay ka jawaabeen su’aalihii loo soo jeediyay.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo soo xiray kulanka maanta ayaa Guddiga Maaliyadda labada golle ee BJFS u sheegay in la tixgeliyo soo jeedinta iyo talooyinka xildhibaanada, waxaa uuna Xildhibaannadda labada aqal ee BJFS u sheegay in kulanka maanta uu xiran yahay.   

Shirka Golaha Wasiirrada oo looga hadley Xaaladda Amniga Dalka

Shirka Toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo uu guddoominayey Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Caddaaladda iyo Dastuurka, Mudane Xasan Macallim Maxamuud Sh. Cali ayaa looga hadley xaaladda amniga dalka, Isla markaana lagu ansixiyey hindise sharciyeedyo muhiim u ah dalka.

Golaha Wasiirada ayaa dhegestey warbixino ku saabsan guulaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ka soo hoyeen dagaalka lagula jiro Khawaarijta .
Golaha ayaa sidoo kale cambaareeyay weerarkii fuleynimada ahaa ee Khawaarijta ay ku beegsadeen Kuliyadda Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya ee Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho. Waxaa uu Golaha tacsi u diray umadda Soomaaliyeed, qoysaskii iyo eheladii ay ka shahiideen geesiyaasha Ciidanka Xoogga Dalka ee ku shahiiday weerarkaasi, iyagoo isla markaana Allah uga baryey inta dhaawacantey inuu Ilaahay deg-deg u caafiyo.
Golaha ayaa sidoo kale
meel-mariyey Hindise Sharciyeedyada kala ah;
1. Hindise Sharciyeedka Xuquuqda Naafada Soomaaliyeed.
2. Hindise Sharciyeedka Hay’adda Adeegga Baaritaanka iyo Sharciyeeynta Beeraha Soomaaliyeed.
3. Hindise Sharciyeedka Xakameynta Kiimikooyinka Beeraha Soomaaliyeed.
4. Hindise Sharciyeedka Abuurka iyo Noocyada Dhir-beereedka.
5. Hindise Sharciyeedka Badbaadada Dhir-beereedka iyo Takoorka
Iyo Xeer Nidaamiyaha Cunaqabateynta Maaliyadeed ee Cayiman.
  

Xeer ilaaliyaha Guud Suleymaan:-“waa in si hufan ay ugu adeegaan hay’addah garsoorka Bulshada”

Xeer ilaaliyaha guud Ee Qaranka Suleymaan Maxamed Maxamuud oo ka qayb galayay dood looga hadlayay Baarista iyo Maxkamadeynta Dacwadaha la xiriirah Maandooriyaha ayaa sheegay in hay’addah dowladda Ee Booliiska iyo Xeer ilaalinta ay u adeegaan Bulshada qaybahooda kala duwaan.

“Masuuliyiinta qaybahooda kala duwaan Ee ka shaqaynaya Xafiisyada Hay’ddaha Booliiska iyo Xeer ilaalinta  waa inay noqdaan dad bulshadu ay heli karto iyadoo aan cid kale loo soo marin si cabashooyinka loogu soo gudbiyo,waxaa muhiim ah in taliyaha qaybta ama hoggaanka u noqdo masuul la soo gaari karo oo laga heli karo xafiiskiisa waana mida kaliyah ee ay bulshada ay ugu ku kalsoonaan karan kana dhigi karta shaqada mid hufan,hadii ay dhacdo in si qaldan qof loo xiro oo u qofka cabasho ka yahay xarigii la xiray Ee sida qaldan loo soo xiray  waxaan u sheegayna xafiiska xeer ilaaliyaha in u lee yahay Lambar gaaban oo lagala soo xiriir karo si qofkaas u tabashada u qabo u soo  gudbiyo Xafiiska Xeer ilaaliyaha,waxaa jira guddi kormeerah saldhigayada oo xaafiiska xeer ilaalinta ka tirsan isaga ayaan xaqiijiyah dhacdooyinka inta badan run ahaanshiyahooda”.Xeer ilaaliyah guud Ee Qaranka ayaa sidaas yiri.

Halkaan Hoose ka daawo Muuqaalka Xeer Ilaaliyaha Guud Ee Qaranka Suleymaan Maxamed Maxamuud oo ka hadlayay arrimo la xariira Baarista iyo Maxkamadeynta Dacwadaha Maandooriyaha .

Video Player

Saraakiil ka tirsan ciidanka Niger oo ku dhawaaqay afgambi mileteri

Askar ka tirsan dalka Niger ee dhaca galbeedka Afrika ayaa khudbad ay ka jeediyeen TV-ga kaga dhawaaqay inqilaab ciidan oo ay xilka kula wareegeen hoggaanka dalkaasi

Askartaasi waxa ay sheegeen in ay laaleen dastuurkii ayna kala direen, dhammaan hay’adaha dowladda, isla markaana ay xireen xuduudaha dalka.

Madaxweynaha Niger Mohamed Bazoum ayaa waxaa gacanta ku haya ciidamada ilaalada madaxtooyada oo qabtay maalinimadii shalay oo aheyd  Arbaco.

Mr Bazoum ma cadda halka uu ku sugan yahay, balse hadal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka saaka wuxuu ku sheegay in la ilaaliyo guulihii adkaa ee loo qaaday dhanka amniga iyo horumarka dalka iyo in  dadka Niger ee jecel dimuqraadiyadda ay arki doonaan.

​ Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Antony Blinken iyo Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres oo ka hadlay afgambigaasi ayaa taageero u muujiyay madaxweynaha Niger ee la tuuray.

Dowladda Soomaaliya oo laga cafiyay dayn gaaraysa $684-Million

Kulan ay yeesheen Wasiirka Maaliyadda XFS Biixi Iimaan Cige iyo Wasiir ku Xigeenka Maaliyadda Dalka Ruushka Timur Igorevich Maksimov ayey ku kala  saxeexdeen heshiis dawladda Ruushka kaga cafinayso  lacag ka badan $684-Million oo ay dowladda Soomaaliya ku lahayd.

Heshiiskan ay kala saxeexdeen labada dhinac ayaa ka dhacay magaaladda Saint Petersburg iyadoo u lafdhabar u noqon doono heshiiskan dhammaystirka geediga dayn cafiska Soomaaliya oo ay muddo dheer dadaal ugu jirta JFS.

Magaalada Saint Petersburg ayaa lagu wadda in u ka furmo maanta shir waynaha Afrika iyo Ruushka oo ay uga qeyb galayaan wefti ballaaran oo uu hoggaaminayo ra’iisul wasaare Ku-xigeenka XFS Mudane Saalax Axmed Jaamac oo goob joog ka ahaa saxeex heshiiska dayn cafinta ah.