Ra’iisul wasaare Xamse oo madaxweynaha Kenya Ruto kala hadlay fududeynta dal ku galka Kenya iyo ciribtirka Khawaariijya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa magaalada Dar es Salaam kulan gaar ah kula qaatay Madaxweynaha Kenya William Ruto, oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga dhinacyada amniga, ganacsiga iyo isu socodka labada dal.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha ayaa isla gartay ahmiyadda uu leeyahay dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha Khawaariijta, oo khatar ku ah guud ahaan amniga gobolka iyo dib u furista xuduudaha oo muhiim u ah isku socodka iyo ganacsiga labada dal.
Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa kala hadlay Madaxweyne Ruto fududeynta Dal-ku galka (visa) arrintaasi oo looga ballamay in lagu dhameystiro kulamo loo ballansan yahay labada dhinac.
Iyadoo laga duulaayo tayeynta iyo awood siinta da’yarta iyo kor u qaadida waxbarashada, ayaa Madaxweyne Ruto waxa uu ka aqbalay Ra’iisul Wasaaraha in dowladda Kenya ay noo tababarto 1000 macallin oo wax ka dhigi doona heerarka kala duwan ee waxbarashada Soomaaliya.
   

Ra’iisal wasaare Xamse oo la kulmay madaxweynaha Tanzania

Daaresalaam= Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka ee Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Xamse Cabdi Barre oo ka qaybgalay shir madaxeedka Afrika ee horumarinta awoodda Aadanaha ayaa kulan gaar ah la yeeshay Madaxweynaha Tanzania Samia Suluhu Hassan, kaas oo ay uga wada hadleen xoojinta xiriirka qotoda dheer iyo iskaashiga dhaqaale iyo ganacsi ee u dhaxeeya labada dal.

Ra’iisul wsaare Xamse ayaa ka codsaday dowladda Tanzania inay codkeeda ku taageerto Soomaaliya oo u tartameysa ka mid noqoshada xubnaha aan Joogtada ahayn ee golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay 2025 – 2026.

Ra’iisul wasaaraha ayaa kala hadlay madaxweynaha dhallinyaro Soomaaliyeed oo ku xiran xabsiyada Tanzania in lagu wareejiyo dowladda Soomaaliya, si xukunnadooda inta ka harsan ugu dhameystaan Soomaaliya, taasi oo mabdi’iyan ay aqbashay, isla markaana farsamo ahaan si wadajir ah looga shaqeeyo.

 

Mudane Xamsa ayaa Madaxweyne Samia uga mahadceliyay inay dowladda Soomaaliya ay siisay dhul loogu talagalay safaaradda Soomaaliya, waxaana uu gaarsiiyay casuumaad uu ka waday Madaxweynaha Jamhuuriyadda taas oo ku saabsan inay soo booqato magaalada Muqdisho, oo ay aqbashay, taasi oo billow u ah isdhaafsiga booqashooyin lagu xoojinayo xiriirka oo ay is dhaafsan doonaan madaxda labada dal.

 

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa ugu dambeyn ku ammaanay Madaxweynaha Tanzania, martigelinta shir madaxeedkan ahmiyadda gaarka ah u leh bulshooyinka qaaradda Afrika.

Talyaaniga oo Soomaaliya ka caawinaya ka jawaabista xaaladaha degdegga ah

Rome  Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda dowladda FS mudane Abshir Cumar Jaamac (Haruuse) iyo Ra’iisal wasaare ku xigeenka Talyaaniga ahna wasiirka arrimaha dibadda dalkaas Antonio Tajani ayaa heshiis iskaashi iyo caawinaad Soomaaliya la siinayo ku kala saxiixday magaalada Rome ee caasimadda dalkaas.

Heshiiskan ayaa salka ku haya in Talyaanigu Soomaaliya ka caawiyo ka jawaabista xaaladaha degdegga ah iyo horumarinta adeegyada aas aasiga u ah muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya mudane Abshir Huruuse ayaa xusay in heshiiskan uu yahay kii ugu horreeyey ee nuuciisa ah oo labada dal ay gaaraan 30-sano ka dib.

In ka badan 60-ka tirsan Khawaarijta oo lagu dilay hawlgal ka dhacay gobola Baay

Baydhabo: Hawlgal qorshaysan ay ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo daraawiishta Koofur Galbeed ka fuliyeen deegaanka Ceel-dhuun oo hoos taga Goof-gaduud Buurey ee gobolka Baay ayaa lagu laayey maleeshiyaad ka tirsan kooxda Khawaarijta ah ee Al-shabaab oo tiradoodu gaarayso 60-ruux.

Bayaan ka soo baxay wasaaradda warfaafinta iyo wacyigelinta dowlad goboleedka Koofur Galbeed ayaa lagu sheegay in hawlgalka oo u dhaxay sidii loo qorsheeyey, waxaana ay bogaadisay ciidanka geesiyaasha ah ee hawlgalka qaaday.

Maleeshiyada xagjirka ah ayaa laga gubay intii hawlgalku socday Gaari iyo Bakhaar hub ugu keydsanaa, waxaana la burburiyey isku day ay ku doonayeen inay shacabka dhagar ugu maleegaan, waxaana hawlgalka lagu dilay horjoogayaal Ajaanib iyo Soomaali isugu jira.

𝗥𝗮’𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗲 𝗫𝗮𝗺𝘀e 𝗼𝗼 𝗵𝗮𝗱𝗮𝗹 𝗸𝗮 𝗷𝗲𝗲𝗱𝗶𝘆e𝘆 𝗺𝗮𝗱𝗮𝘀𝗵𝗮 s𝗵𝗶𝗿 m𝗮𝗱𝗮𝘅𝗲𝗲𝗱𝗸𝗮 𝗗𝗮a𝗿𝗲s𝗮𝗹𝗮𝗮𝗺

𝗗𝗮a𝗿𝗲s𝗮𝗹𝗮𝗮𝗺- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo hadal ka jeediyay maanta shir madaxeedka Afrika ee horumarinta awoodda Aadanaha ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ahmiyad gaar ah siisay arrinta mowduuca shirka, oo ay si xooggan u maalgelisay waxbarashada dalka.
Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in iyadoo ay jiraan caqabado dhawr ah oo ku horgudban waxbarashada Soomaaliya, haddana ay xukuumaddu ku guuleysatay inay qorto 3000 oo macallin cusub ah, isla markaana ay kor u qaadday tayada waxbarashada dalka.
Xubnaha wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka Waxbrashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Dr Cali Xaaji Aadan, Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Dr. Maxamed Cilmi Ibraahim iyo masuuuliyiin kale.
   

Guddiga dib u eegista iyo la socodka hirgelinta Dastuurka oo maanta wareejiyay heshiisyadii ay gaareen Golaha Wadatashiga Qaranka

Guddoomiyaha Guddiga dib u eegista iyo la socodka hirgelinta Dastuurka xildhibaan,  Xuseen Iidow ayaa maanta si rasmi ah ugu wareejiyay Guddiga Madaxa banaan ee dib u eegista iyo hirgelinta Dastuurka nuqullada heshiisyadii Golaha wada tashiga Qaran iyo afarta cutub ee Dastuurka ugu horreeya oo kala ah, baaqa Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Cutubka , xuquuqda Asaasiga Ah iyo waajibaadka muwaaddinka, dhulka, hantida iyo deeganka iyo matalaadda Shacabka.

Guddoomiyuhu wuxuu si xushmad leh uga codsaday Guddiga Madaxa bannaan ee Dastuurka in ay si dhaqsa ah uga soo shaqeeyaan cutubyada lagu wareejiyay, ayagoo dib u eegistooda ku saleeynayo soo jeedimihii wax ka beddelka Dastuurka ee Baarlamaannadii 9-aad iyo 10aad, mudnaanna siinaya heshiisyadii ay gaareen Golaha Wadatashiga Qaranka , dibna ugu soo celiya isla Guddiga dib u eegista iyo la socodka hirgelinta Dastuurka.

Heshiisyada iyo soo jeedimaha lagu wareejiyay Guddiga Madaxa bannaan ee Dastuurka ayaa kala ah:-

  1. Soo jeedimihii wax ka beddelka Dastuurka Baarlamaankii 9-aad iyo 10-aad
  2. Heshiiska hannaanka dooroshooyinka JFS 27 May 2023
  3. Heshiiska lahaanshaha maamulka iyo wadaagga dakhliga Kheyraadka dabiiciga ah ee dalka, sida shidaalka iyo macdanta ee lagu qabtay Baydhabo, 27/4/2018
  4. Heshiiska Federaaleeynta maaliyadda 15-17 March 2023
  5. Heshiiska astaynta awoodaha hay’adaha Dowladda Dec 28, 2022
  6. Heshiiska hannaanka Federaaleeynta Garsoorka Dec 28, 2022
  7. Heshiiska qaab- dismeedka amniga Qaranka 15-17 March 2023.

  

Waddamada Bariga Afrika oo Nairobi kaga arrinsanaya kor u qaadista wax soo saarka xoolaha

Nairobi-(SONNA)-Wasiirrada Wasaaradaha xannaanada Xoolaha ee geeska Afrika ayaa magaalada Nairobi ee Dalka Kenya kaga qeyb galay daah-furka Mashruuc kor loogu qaadayo wax soo saarka Xoolaha.

Mashruucan oo ay ka faa’ideysan doonaan waddamada Gobolka, gaar ahaan saddexda dal ee Somaliya, Kenya iyo itoobiya ayaa wuxuu xoola-dhaqatada dalalkan ka saacidi doonaa iskaashiga iyo kordhinta wax soo-saarka Xoolaha.

Daahfurka waxaa goob joog ahaa qaar kamid ah saaxiibbada Beesha caalamka ee dalalkan, gaar ahaan Safiirka dowladda Switzerland, wakiillo ka socda hay’adaha ka shaqeeya arrimaha xoolaha iyo marti sharaf kale.

        

Musuq maasuqu wuxuu caqabad ku yahay Dawladnimada Qeybta 5-aad

Dawladdu waxa ay cagta ku haysaa waddada ay ku xaqiijinayso Ahdaafta Qaran ee leh hor-tabinta,1- Ciribtirka Khawaarijta,2-Dayn-cafinta,3 qaadista cunaqabataynta Hubka,4-Dagaalka Musuqa,5-geediga-Dimuquraadiyadda, sidaasi awgeed ayaan si hufan u wadnaa qoraallo iyo warbixinno Taxana ah ee la xariira ama iftiiminaaya Musuqmaasuqa ay Dowladdu ku dhawaaqday inay dagaal adag la galeyso.

Ilaalinta hantida Dadweynaha iyo la-dagaallanka Musuqu waa mas’uuliyad weyn oo loo baahan yahay in si adag la isaga xil saaro ka miro dhalinteeda. Sida Muuqata dagaalka ka dhanka ah Musuq maasuqa Dowladda waa ka go’an yahay,iyadoo ay socdaan dhageysiga Dacwado ku socda Eedeysanayal qaarkood, waxaana jira Hey’ado kale oo baaritaano ay ku socdaan, kuwaasi oo mar dhow la soo bandhigi doono, sida ay xaqiijiyeen masuuliyiin ka tirsan dowladda, waxaana jirta in ku dhowaad 10 Hey’adood oo kale oo ka tirsan dowladda oo loo heysto lunsasho hanti Ummadeed, iyadoo dagaalka Musuq maasuqa uu suurta galin kara in masuuliyiin hadda xilal ka haaya dowladda ay xilalkooda ku waayaan isla markaana sharciga la horgeeyo.

Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa maanta u fariisatay dhageysiga dacwad Ciqaabeed loo heysto saraakiil ka tirsan wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha bulshada XFS, kuwaaasi oo xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka uu ku eedeeyay Musuq-maasuq, lunsasho hanti dadweyne iyo ku tagri fal awood xafiiseed, iyadoo Mas’uuliyiinta Maxkamadeyntooda maanta ay billaabatay ayaa waxaa ay kala yihiin, Agaasimahii Guud ee wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha bulshada XFS, Cabdullaahi Maxamed Cali Suldaan iyo Agaasimahii ka horreeeyay Xafiiska Maxamed Cadde Muqtaar.

Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa horey ugu fariisatay dhageysiga dacwad loo heysto saraakiil ka kala tirsan Wasaaradda Maaliyadda iyo Bankiga Dhaxe,oo loo heysto Musuq maasuq, kuwaasi oo ka howlgalayay xarumaha wasaaradda maaliyada iyo Bankiga dhexe ay ku leeyhiin Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho,kuwaa oo lagu soo eedeeyay falal la xariira xatooyo xoolo dadweyne.

Edeysanayasha ayaa kala ahaa Abuukar Maxamed Cali maamulihii xafiiska Canshuuraha Bariga wasaaradda maaliyadda ee garoonka Aadan Cadde,Abduqaadir Cabdi Socdaal Abtidoon qasni ka Tirsan Banki Dhaxe qeybta Dakhliga ajaanibta ee Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde,Maxamed Aadan Cabdullaahi Maamulahii Bankiga Dhaxe laanta garoonka Aadan Cadde,kuwaa oo dhammaan xeer ilaalintu ku soo eedeysay xatooyo xoolo dadweyne.

Maxkamada gobolka Banaadir ayaa maalintii khamiista aheyn dhageysatay dacwad kale oo loo heysto  Afar Sargaal oo ka tirsan Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya oo ku Eedaysan Musuq maasuq lala xariirinaayo Xatooyo Dadweyne, Lunsasho hanta Qaran, lacag dhaqis iyo kuwo kale, iyadoo Afartaasi Eedaysane ee la horgeeyay Maxkamada gobolka Banaadir ayaa lagu kala magacaabaa,Cabdulaahi Maxamuud Cosoble, Cumar Macalim Nuur, Saabir Xasan Cabdinuur iyo Aadan Maxamed Cabdi oo dhamaantood loo heysto xatooyo xoolo dadweyne oo lagu soo Eedeyay Saraakiisha intii ay ka mid ahaayeen howlwadeenadda hey’adda  Socdaalka iyo Jinisayada  Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Dr: Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horay u sheegay in marnaba usan aqbali doonin in la musuq maasuqo hantida Ummadda ee ay dowladda mas’uulka ka tahay.

Xafiiska Hanti dhowrka guud ee Qaranka ayaa horey u sheegay in khasnada dowladda laga waayay lacag gaaraysa 21 Milyan oo dollar intii u dhexeysay (08 March 2018) ilaa (19 April 2023), “Baarista Fatashka ah ee Xafiiska Hanti dhawrku ku sameeyay hey’adahan ayaa dabooleysa intii u dhexeysay 08 March 2018 ilaa 19 April 2023. Waxaana ku lug leh dad isugu jira madax iyo shaqaale dowladeed iyo dad shacab ah oo xiriir wada shaqeyneed la leh hey’daha dowladda ee Baaristu khuseyso”, ayuu yiri Hanti dhowraha Dowladda.

Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr Suleymaan ayaa isna isagoo Warbaahinta la hadlaayay yiri “Sharciga lagama dhuuman karo qofkii hanti uu ka sameeyay musuq-maasuq, dalka gudahiisa ama dibad geysto waa laga daba tagayaa”.

Wasiirka Cadaalada iyo dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Cali ayaa sheegay in qorshaha la dagaallanka musuqmaasuqa ee dowladdu uu marayo meel wanaagsan, isagoo xusay in guddiga la dagaallanka musuqa uu yahay mid dastuuri ah, dhismahiisuna uu haatan socdo, lana hor geyn doono golaha Wasiirrada iyo Baarlamaanka, si loo meel mariyo, isagoo intaasi raaciyay in ay sii wadi doonaan howlaha horyaalla ee lagama maarmaanka u ah la dagaallanka musuqmaasuqa shuruucdiisa kalena ay dhamaystiri doonaan.

Dhinaca Culumaa’udiinka Soomaaliyeed maxay ka yiraahdeen Musuqmaasuqa?, Sheekh Maxamed Dirir oo ka mid ah Culumaa’udiinka Soomaaliyeed ayaa sheegay in Diinta Islaamka ay qof kasta oo muslim ah farayso Ilaalinta amaanada, wuxuuna musuqu ku tilmaamay mid xaaraam ah oo uu Alle fogeeyay, isagoo dowladda ku ammaanay tallaabada ay u qaadday la dagaallanka musuq maasuqa.

Dhinaca kale Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda xukuumadda federaalka Soomaaliya Xildhibaan Biixi Iimaan ayaa xildhibaanada Golaha Shacabka warbixin ka siiyay sharciga Hanti Dhowraha Guud oo horyaal Golaha Shacabka BJFS, isagoo sheegay in sharciga Hanti dhowraha Guud uu wax badan ka baddeli doono nidaamka Maaliyadeed iyo kor u qaadid hufnaanta Maaliyadda dalka, waxa uuna xusay in ay muhiim tahay in laga guur Hanti dhowre hoos yimaado xukuumadda, Xildhibaanada  ay tahay in ay ansixiyaan.

Wasiirka ayaa sidoo kale su’aalo ay weydiiyeen Xildhibannada oo ay ka mid tahay saameynta sharcigan uu ku yeelanayo Hanti dhowraha jooga, ayaa sheega in Hinti dhowraha uu ku joogo sharci la sameeyay 1972-kii, inta sharcigaan la meel marinayana dalka isaga uu sharci u yahay, Wasiirka ayaa dhammaan ka jawabay su’alihii Xildhibaanada ay ka weydiiyeen shacriga Hanti dhowraha Guud, kulankaasi Xildhibaanada oo wali socda ayaa waxa ay Akharinta koowaad marsiinayaan shacriga Hanti dhowaraha, iyadoo dooda kadib ay go’aan ka gaari doonaan.

La soco Qeybta 6-aad

Mareykanka oo Ukrine u diraya diyaaradaha Droniska ee Black Hornet Nano

Maraykanka ayaa la filayaa in Dalka Ukrine uu u diro Black Hornet Nano diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee wax ilaaliya,isla markaana  ay adeegsadaan ciidamada, taas oo qayb ka ah $400-milyan oo gargaar ciidan ah, sida laga soo xigtay Pentagon-ka.

Hadaladaan ayaa yimid xilli madaxweynaha Ukrine Zelenskyy uu xabsiga dhigay sarkaal ciidan oo lagu eedeeyay wax isdaba marin iyo xildhibaan lagu eedeeyay in uu gacan saar la lahaa Ruushka.

Wasaaradda difaaca ee Ruushka ayaa sheegtay in mid ka mid ah maraakiibtiisa Fleet ee Badda Madow uu burburiyay laba Droonis oo ay lahaayeenciidamada badda Ukraine.

Sharci-dajiyayaasha Ingiriiska ayaa soo jeediyay in cunaqabatayn dheeraad ah la saaro kooxda Wagner, waxayna ku taliyeen in xukuumadda UK ay kooxdaasi ku calaamadeeyaan urur argagixiso.

Waa kuma horjoogaha ajanabiga ah ee lagu dilay gobolka Bakool? (Warbixin)

Jabka Khawaarijta Al-shabaab lagu gaarsiinayo howlgallada wali ka soconaya Dalka ee ay iska kaashanayaan shacabka iyo ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed, haatanna waa dhinaca Bakool.

Howlgal qorsheysan oo ciidamada Dowladda federaalka ay ka sameeyeen deegaan hoostaga degmada waajid ee gobolka Bakool, waxaa khasaaro xoog leh lagu gaarsiiyay maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta Al-shabaab.

Ku dhowaad 25-ka ka tirsanaa argagixisada ayaa halkaas lagu dilay, kuwaas oo isku diyaarinayay dhagarta shacabka Soomaaliyeed, 25-ka la dilay, shan ka mid ah waxay ahaayeen ajaaniib oo isku soo baheystay dulminta iyo duibaateynta shacabka.

Shanta Khawaarij ee ajaaniibta ah waxaa ku jiray horjoogihii hoggaaminayay waxay ugu yeereen jabhadaha, kuwaas oo qaabilsanaa deegaanno hoostaga degmada Waajid ee gobolka Bakool.

Horjoogahan ajanabiga ah ayaa u dhashay Dalka Tanzaaniya, sida aan ka helnay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay.

Guddoomiyaha degmada waajid ee gobolka Bakool Maxamed Macallin Yuusuf oo la hadlay warbaahinta Qaranka, waxa uu xaqiijiyay geerida Khawaarijtan isugu jira Soomaalida iyo ajaaniibta, waxaa sii badanaya horjoogayaasha lagu dilayo howlgallada qorsheysan. Howlgallo fara badan oo kuwan la mid ah oo lagu dilay horjoogayaal fara badan oo shacabka dhibayay, kuwaas oo laga fuliyay gobollada Jubbooyinka.

Ciidamada xoogga Dalku, wali waxay u taagan yihiin badbaadinta shacabka iyo dhabar jabinta Khawaarijta oo hadda gabalkooda sii dhacayo.