Howlgal lagu burburiyay Gaadiid iyo Saldhig Khawaarijtu lahayd

Howlgal qorshaysan oo ay iska kaashadeen ciidanka Qaranka iyo Saaxiibada Caalamka oo ka dhacay soohdinta goballada Shabeelaha Dhexe iyo Galgaduud ayaa khasaaro xoog leh loogu gaystay Khawaarijta.

Ku dhowaad 10 gaari oo ay ku jireen labo BG, gaari UD, ah iyo afar Cabdi bille oo ay saarnaayeen maleeshiyaad Khawaarij ah ayaa lagu burburiyay howlgalka.

Sidoo kale, saldhig ay ku sugnaayeen maleeshiyaada Khawaarijta ayaa howlgal burburin ah lagu sameeyay waxaana halkaasi khawaarijta ku gaaray jab kale.

Tirada rasmiga ah ee Khasaaraha Khawaarijta gaaray wali waxaa lagu wadaa arruurin iyo xaqiijin.