Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo kulan la yeeshay Masuuliyiin ka socota Hay’adda IOM

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Cali, ayaa kulan fogaan-arag ah la qaatay Masuuliyiin ka socota Hay’adda IOM, gaar ahaan unugga u qaabilsan Xasillinta Bulshooyinka.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wadashaqeynta labada dhinac iyo taageeridda hirgelinta barnaamijyada Xasillinta, kuwaas oo mudnaan siinaya gaarsiinta gargaarka degdegga ah iyo adeegyada aasaasiga ah ee loo fidinaayo deegaannada dhowaan laga xoreeyey kooxaha argagixisada.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Mudane Cabdulqaadir Cali, ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirka labada Hay’adood, sare u qaadista wada-shaqeynta, iyo dardargelinta fulinta barnaamijyada la xiriira xasillinta, si loo hubiyo gaarsiinta adeegyada lagama maarmaanka u ah ee bulshada.

 

   

Xidhibaanad Golaha Shacabka BFS oo meelmariyey Axdiga Xakameynta Tubaakada

Muqdisho(Wargeyska Dalka):- Xidhibaanad Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyey Axdiga Xakameynta Tubaakada.

Kulanka Xildhibaannada oo ay fadhiyeen 142 mudane ayaa waxa Axdigan ogaaday 139-Xildhibaan, seddax Xildhibaan ayaa ka aamustay, wax diidayna ma jirin, sidaas ayuuna ku ansaxay Axdiga Xakameynta Tubaakada.

G𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐟𝐝𝐢 𝐮𝐮 𝐇𝐨𝐠𝐠𝐚𝐚𝐦𝐢𝐧𝐚𝐲𝐨 𝐨𝐨 𝐆𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲 𝐊𝐢𝐬𝐦𝐚𝐚𝐲𝐨

Kismaayo(Wargeyska Dalka):-Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, si uu ugu kuurgalo xaaladaha abaaraha ka jira dalka.

Wafdigan waxaa qeyb ka ah hay’adaha gargaarka iyo ku-xigeenka Ergayga Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha banii’aadanimada iyo isku-duwidda gargaarka.

Wafdiga ayaa booqan doono xeryaha barakacayaasha ee ku yaalla deegaanada hoostaga Kismaayo, si ay u qiimeeyaan xaaladaha nololeed ee dadkaasi wajahayaan.

Odayaasha Dhaqanka oo Muqdisho ku qabtay Dibadbxa ay kaga soo horjeedaan Xadgudubka Israa’iil

Muqdisho(Wargeyska Dalka);-Bannaanbax ballaaran oo looga soo horjeeday faragelinta iyo xadgudubka YH-da Israa’iil ay kula kacday midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ka dhacay Taallada Daljirka Dahsoon ee magaalada Muqdisho.

Bannaanbaxan waxaa soo abaabulay odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed, kuwaas oo si weyn uga caraysan falka gardarrada ah ee Israa’iil, iyagoo si adag u cambaareeyay tallaabadaasi, kuna adkeeyay in Soomaaliya aan marnaba la kala qaybin karin.

Qaar kamid ah odayaasha oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in falka ay Israa’iil ku kacday uu yahay xadgudub cad oo ka dhan ah qaranimada, madaxbannaanida iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed,iyagoo sheegay in dowladda ay ku garab taaganyihiin difaaca dalka iyo ilaalinta wadajirka ummadda.

“Haddii aan nahay duubabka dhaqanka Soomaaliyeed waxaan Madaxweynaha Qaranka ku taageereynaa difaaca midnimida dalka.” Afhayeenka Golaha Dhaqanka Soomaaliyeed.

Odayaasha ayaa intaa ku daray in xilligan oo kale ay lagama maarmaan tahay midnimo, wadashaqeyn iyo wadarjir si looga gudbo caqabadaha jira.

Waxay si adag u muujiyeen diidmadooda ku aaddan xadgudubka qaawan ee YH-DA kula kacday madaxbannaanida iyo midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Ugu dambeyn, odayaasha dhaqanka ayaa warmurtiyeed ay soo saareen ku sheegay in ay si cad u cambaareynayaan faragelinta Israa’iil ee midnimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya, iyagoo ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay muujiyaan midnimo iyo feejignaan qaran.

Ciidamada Xoogga Dalka oo gacanta ku dhigay keydad biyo ah oo ay lahaayeen Khawaarijta

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa gacanta ku dhigay keydkii biyaha ay isticmaali jireen Khawaarijtii laga xoreeyay deegaanka Jilib Marko ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Saraakiisha hoggaaminaysay howlgalka ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in ciidamadu ay heleen dhowr god oo Khawaarijtu ku keydsan jireen caagag gaaraya dhowr boqol, kuwaas oo ay ku jireen biyo ay ugu talagaleen horjoogayaashooda iyo maleeshiyaadka ku sugnaa aagga Jilib Marko.

Dhawaan ayay ahayd markii howlgal si wanaagsan loo qorsheeyay Khawaarijta looga xoreeyay deegaanka Jilib Marko ee Gobolka Shabeellaha Hoose, iyadoo weli deegaanno badan oo ka tirsan isla gobolka Shabeellaha hoose ay ka socdaan howlgallo ka dhan ah khawaarijta.

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalka Beljimka oo ka bannaan-baxay aqoonsi beenaadka Israa’iil

Brussels,(Wargeyska Dalka):- Jaaliyadda Soomaaliyeed ee deggan dalka Beljimka ayaa qabtay bannaanbax oo ay kaga soo horjeedeen faragalinta Israail ee ka dhanka ah midnimada Soomaaliya iyo aqoonsi beenaadka ay siisay maamulka Somaliland.

Dibadbaxayal ayaa isugu baxay  afaafka hore ee xarunta Midowga Yurub ee magaalada Brussels, kuwaas oo ku dhawaaqayay eray ka dhan ah xadgudubka Israa’iil iyo kala qeybinta dalka Soomaaliya.

Shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Dalka Beljimka ayaa adkeeyay midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed.

Maxaa looga hadlay kulankii Golaha Aqalka sare ee maanta?

Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo uu weheliyo Guddoomiye ku-xigeenka labaad Senator Cabdullaahi Cali Xirsi Timacadde, ayaa maanta guddoomiyey kalfadhiga 7-aad, kulabkiisa 14-aad, kaas oo agendihiisu ahaa Akhrinta saddexaad ee Hindise-Sharciyeedka Hannaanka Lacag-bixinta Qaranka iyo Dhegeysiga Warbixinta Guddoomiyaha hay’adda maareynta musiibooyinka Qaranka ee xaaladaha abaaraha dalka.

Ugu horrayn, Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga Maaliyadda Aqalka Sare, Sanatar Ibraahim Awgab Cismaan, ayaa Sanatarrada la wadaagay warbixinta akhrinta saddexaad ee hindise-sharciyeedka hannaanka lacag-bixinta Qaranka.

Guddoomiyuhu wuxuu faah-faahin ka bixiya sida uu guddigu u soo qaabeeyay aragtiyihii iyo talooyinkii ay horay u jeediyeen Sanatarradu. Intaas ka dib, cod ayaa loo qaaday hindise-sharciyeedka, waxaana si aqlabiyad leh ku ansixiyay 28 Sanatar, iyadoo aysan jirin cid diidday ama ka aamusay.

Dhinaca, Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa warbixin faahfaahsan ka siiyay Sanatarrada Aqalka Sare xaaladda abaaraha ka jira dalka. Guddoomiyuhu wuxuu xusay in abaaruhu saameyn ballaaran ku yeesheen nolosha bulshada, gaar ahaan deegaanada miyiga ah.

Guddoomiyaha wuxuu xusay in ay jirto baahi degdeg ah oo loo qabo gargaar bani’aadannimo, iyadoo intaas kadib, Sanatarrada qaar ay su’aalo kala duwan ka waydiiyeen xaaladda abaaraha, meelaha ugu daran iyo ka hay’ad ahaan waxa uga diyaarsan xaaladaha degdega ah.

” Joogitaankeyga maanta ku caadi ma ahan, dalkana xaalad caadi ah kuma jiro, waxaan rabaa runtii inaan idin sheego in xaaladda dalka uu ku jiro aad iyo aad ciriiri u tahay, dadkeynii dhibaato qabaan, cimiladii isbedeshay iyo xaalado badan oo jira dhibaato ku qabaan, dad ka badan afar milyan iyo toddobo boqol oo maraya xaalad Abaareed oo aad u adag,”.

 

            

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo la kulmay Madaxa Cusub ee Hay’adda UNHCR Soomaaliya

Muqdisho (Wargeyska Dalka);-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh), ayaa Kulan la yeeshay Madaxa Cusub ee Hay’adda UNHCR u qaabilsan Soomaaliya, Marwo Jong Song.

Kulanka ayaa Diiradda lagu saaray Xoojinta Iskaashiga Labada Dhinac ee la Xiriira Arrimaha Qaxootiga, Barakacayaasha iyo Horumarinta . Waxaa si gaar ah looga wada hadlay Xaaladda iyo Caqabadaha Haysta Barakacayaasha Gudaha iyo Qaxootiga, Dardargelinta Xalalka Waara, iyo Xoojinta Dadaallada Wadajirka ah ee lagula Tacaalayo Barakaca.

Sidoo kale, kulanka waxaa lagu Falanqeeyay muhiimadda ay leedahay Helitaanka Aqoonsi Sharciyeed, Ilaalinta Xuquuqda Barakacayaasha iyo Qaxootiga, iyo Fududeynta ka mid noqoshada Bulshada ay ku Dhex Nool yihiin.

Labada Dhinacba waxay Adkeeyeen sida ay uga Go’an tahay sii Wadidda Iskaashi dhow oo lagu Taageerayo Mudnaanta Qaran ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, lana Horumarinayo Ilaalinta iyo Helitaanka Natiijooyin Waara oo wax ku ool ah oo loogu Adeegayo Bulshooyinka Barakacay iyo kuwa Nugul ee Dalka oo Dhan.

 

     

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulan la Qaatay Dhiggiisa Dalka Kuweyt

Muqdisho (Wargeyska Dalka);-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, aya Magaalada Jidda Kulan kula yeeshay Dhiggiisa Dawladda walaalaha ah ee Kuweyt, Mudane Cabdullaahi Cali Cabdullaahi Al-Yahya.

Kulankan ayaa dhacay intii uu socday Shirka aan Caadiga ahayn ee Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC). Intii lagu guda jiray kulanka, labada wasiir waxay si qoto dheer uga wada hadleen tallaabada sharci-darrada ah ee Israa’iil ay ku sheegtay inay aqoonsatay waxa loogu yeeray Somaliland, oo ah gobol ka tirsan Waqooyi-galbeed Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Labada dhinac ayaa si adag u diiday tallaabo kasta oo wax u dhimaysa midnimada, madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay dhowrista sharciga caalamiga ah. Sidoo kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Kuweyt ayaa muujiyay taageerada buuxda ee dalkiisu u hayo Mdnimada iyo Qaranimada Soomaaliya, isagoo garab istaagay dhammaan dadaallada lagu ilaalinayo Xasilloonida iyo Wwadajirka Dalka.

 

Dibad Bax ka Dhan ah Xadgudubka Israa’iil oo ka Dhacay Taallada Daljirka Dahsoon ee Magaalada Muqdisho

Muqdisho(Wargeyska Dalka):- Bannaan Bax ka Dhan ah Faragelinta iyo Xadgudubka YH-da Israa’il ay kula kacday Midnimada Dalkeenna ayaa Maanta ka Dhacay Taallada Daljirka Dahsoon ee Magaalada Muqdisho, kaasoo ay soo Abaabuleen Haweenka Gobolka Banaadir.

Boqolaal Haween oo ka Careysan Falka Xadgudubka Israa’iil ee Midnimada Soomaaliya ayaa muujiyay Dareenkooda, iyagoo si Cad u Cambaareeyay Tallaabada ay Israa’iil ku Kacday, isla markaana adkeeyay in Soomaaliya aan marnaba la kala Qaybin karin.

Qaar kamid ah Haweenka ka Qaybgalay Dibad Baxa, oo la hadlay Warbaahinta Qaranka, ayaa sheegay inay si buuxda u Garab taagan yihiin Dowladdooda, kana Go’an tahay Difaaca Dalka, isla markaana aysan marnaba Aqbalayn in lagu Xadgudbo Madax-Bannaanida iyo Midnimada Dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Mid ka mid ah Haweenka Dibad baxa ka Hadlay, Caasho Cali Caasho, ayaa tiri:
“Dib ugama laabanayno Mowqifkeenna, Israa’iilna waan diidnay, Diidmadana waan sii wadaynaa.”

“Dhulka Soomaaliyeed kalama go’i karo, Dadka Soomaaliyeedna lama kala qeybin karo, isku soo Baxaan waxaa uu Qeyb ka yahay Bannaan Baxyada looga soo Horjeedo Faragelinta Israa’iil ku sameysay madax bannaanida dalkeenna.” Guddoomiye Jawaahir Baarqab

“YHD-da dhiigii Reer Falastiin ayaa Gacmahooda ka Qoyan, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaana uga mahad celineynaa Dadaallada uu Dalka ku Difaacayo.” Guddoomiyaha Ururka Haweenka Degmada Kaaraan Suldaano Axmed

“Midnimada iyo Madax-Bannaanida Dalka ma aha mid laga Gor-gortami karo, Haweenka Soomaaliyeedna waxay Codkooda si Xooggan ugu muujinayaan in Gobol ka mid ah Soomaaliya aan la aqoonsan karin.” Agaasimaha Horumarinta Haweenka Wasaaradda Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka ee XJFS Sacdiyo Maxamed Nuur.

Dibad Baxyada ka Dhanka ah Israa’iil ayaa sii kordhaya, iyadoo sidoo kale ay isa soo tarayaan Cambaareynta ay jeedinayaan Dowlado iyo Ururro Caalami ah, kuwaas oo si cad u sheegay in Madax-Bannaanida iyo Midnimada Soomaaliya ay tahay mid lama taabtaan ah, isla markaana falka ay Israa’iil ku kacday uu yahay mid Baalmarsan Qawaaniinta Caalamiga ah.