Dibad Bax ka Dhan ah Xadgudubka Israa’iil oo ka Dhacay Taallada Daljirka Dahsoon ee Magaalada Muqdisho

Muqdisho(Wargeyska Dalka):- Bannaan Bax ka Dhan ah Faragelinta iyo Xadgudubka YH-da Israa’il ay kula kacday Midnimada Dalkeenna ayaa Maanta ka Dhacay Taallada Daljirka Dahsoon ee Magaalada Muqdisho, kaasoo ay soo Abaabuleen Haweenka Gobolka Banaadir.

Boqolaal Haween oo ka Careysan Falka Xadgudubka Israa’iil ee Midnimada Soomaaliya ayaa muujiyay Dareenkooda, iyagoo si Cad u Cambaareeyay Tallaabada ay Israa’iil ku Kacday, isla markaana adkeeyay in Soomaaliya aan marnaba la kala Qaybin karin.

Qaar kamid ah Haweenka ka Qaybgalay Dibad Baxa, oo la hadlay Warbaahinta Qaranka, ayaa sheegay inay si buuxda u Garab taagan yihiin Dowladdooda, kana Go’an tahay Difaaca Dalka, isla markaana aysan marnaba Aqbalayn in lagu Xadgudbo Madax-Bannaanida iyo Midnimada Dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Mid ka mid ah Haweenka Dibad baxa ka Hadlay, Caasho Cali Caasho, ayaa tiri:
“Dib ugama laabanayno Mowqifkeenna, Israa’iilna waan diidnay, Diidmadana waan sii wadaynaa.”

“Dhulka Soomaaliyeed kalama go’i karo, Dadka Soomaaliyeedna lama kala qeybin karo, isku soo Baxaan waxaa uu Qeyb ka yahay Bannaan Baxyada looga soo Horjeedo Faragelinta Israa’iil ku sameysay madax bannaanida dalkeenna.” Guddoomiye Jawaahir Baarqab

“YHD-da dhiigii Reer Falastiin ayaa Gacmahooda ka Qoyan, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaana uga mahad celineynaa Dadaallada uu Dalka ku Difaacayo.” Guddoomiyaha Ururka Haweenka Degmada Kaaraan Suldaano Axmed

“Midnimada iyo Madax-Bannaanida Dalka ma aha mid laga Gor-gortami karo, Haweenka Soomaaliyeedna waxay Codkooda si Xooggan ugu muujinayaan in Gobol ka mid ah Soomaaliya aan la aqoonsan karin.” Agaasimaha Horumarinta Haweenka Wasaaradda Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka ee XJFS Sacdiyo Maxamed Nuur.

Dibad Baxyada ka Dhanka ah Israa’iil ayaa sii kordhaya, iyadoo sidoo kale ay isa soo tarayaan Cambaareynta ay jeedinayaan Dowlado iyo Ururro Caalami ah, kuwaas oo si cad u sheegay in Madax-Bannaanida iyo Midnimada Soomaaliya ay tahay mid lama taabtaan ah, isla markaana falka ay Israa’iil ku kacday uu yahay mid Baalmarsan Qawaaniinta Caalamiga ah.

    

Ciidamada Xaq-u-Dirirka Deegaanka Maxaas oo Jab Culus Gaarsiiyay Khawaarijta

Muqdisho(Wargeyska Dalka):–Ciidamada Xaq-u-Dirirka Deegaanka ee Macawisleyda  Gobolka Hiiraan, ayaa fuliyay Howlgal Ballaaran oo si Weyn loogu jabiyay Maleeshiyada Kooxda Khawaarijta, kaasi oo ka dhacay Deegaanno Hoostaga Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan.

Howlgalka ayaa yimid kaddib markii ay Ciidamadu heleen Xog sugan oo ku saabsan Dhaqdhaqaaqyo ay khawaarijtu ka wadeen Deegaannadaas, waxaana la sheegay in Khasaare Balaaran lagu gaarsiiyay Khawaarijta, iyadoo laga Hortagay Qorshayaal ay ku dhibaateynayeen shacabka.

Saraakiisha Hoggaaminaysay Howlgalka ayaa sheegay in Howlgalladu ay sii socon doonaan illaa laga Ciribtiro Maleeshiyada Khawaarijta ah ee ku Dhuumaaleysanaysa Qeybo ka mid ah Gobolka, iyagoo Xusay in Amniga Guud ee Deegaannada la Xaqiijinayo.

Howlgalkan ayaa Qeyb ka ah Dadaallada Joogtada ah ee ay Wadaan Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Garabsanaya xaq-u-Dirirka Shacabka, si loo xaqiijiyo Nabadda iyo Xasilloonida Gobolka Hiiraan.

Wasiirka Arrimaha Dibadda XJFS oo Kulan-Doceed la Qaatay Dhiggiisa Dalka Masar

MUQDISHO(Wargeyska Dalka):-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa Caawa Fiidkii Magaalada Jidda Kulan kula yeeshay Dhiggiisa Wasiirka Arrimaha Dibadda, Socdaalka iyo Jaaliyadaha ee Masar, Mudane Dr. Badr Abdelatty., inta uu socdey Shirka aan Caadiga ahayn ee Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC).

Intii lagu guda-jiray kulankani, labada Wasiir waxay si Qoto Dheer uga wada hadleen Aqoonsiga Sharci-Darrada ah ee Israa’iil ay siisay waxa loogu yeeray (Somaliland) ee Gobolka Waqooyi Galbeed Soomaaliya, iyagoo si Adag u diiday tallaabo kasta oo wax u dhimaysa Midnimada, Madax-Bannaanida iyo Wadajirka Dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale, waxay Carrabka ku adkeeyeen Muhiimadda Dhowrista Sharciga Caalamiga, iyagoo muujiyey Taageeradooda Dhammaan Dadaallada lagu Dhowrayo Midnimada Qaran iyo Xasilloonida Dalka.

  

Ururka Iskaashiga Islaamka oo si buuxda u garab istaagay Soomaaliya si cadna u diiday aqoonsi beenaadka

Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa maanta ku yeeshay magaalada Jeddah kulan ay kaga hadleen horumarrada iyo xaaladda ka taagan Soomaaliya.

Ururka (OIC), ayaa si gaar ah kaga hadlay duulaanka gardarada ah ee Israa’iil ku soo qaaday madax bannaanida iyo wadajirka dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxayna iyagoo isku duuban si cad u diideen xadgudubka Israa’iil iyo aqoonsi beenaadka ay siisay Somaliland.

Xoghayaha Guud ee OIC Xuseen Ibraahim Daaha ayaa carrabka ku adkeeyay in aqoonsiga qeyb ka mid ah gobollada Soomaaliya ee ay samaysay Israa’iil uu yahay xadgudub cad oo ka dhan ah sharciga caalamiga ah, islamarkaana khatar ku ah amniga gobolka, isagoo xaqiijiyay in midnimada Soomaaliya ay tahay khad cas oo aan laga gudbi Karin.

Sidoo kale, Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa soo shirkooda ku soo qaaday arrinta Falastaan iyo dhibta ka taagan marinka GAZA ee Israa’iil sababta u tahay, waxayna isla garteen in guda galo wejiga labaad ee xabad joojinya iyo in ciidmaada Israa’iil ka baxaan deegaannada Falastiin si shacabka dib guryahooda uga soo noqonayo loo xaqiijiyo nabad galyadooda.

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS” Soomaaliya maanta waxay fiirineysaa Go’aanka Ururka Iskaashiga Islaamka,”

Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya Cabdisalaan Cabdi Cali oo ka hadlay shirka Ururka Iskaashiga Islaamka ee ka socda magaalada Jidda ee Dalka Sacuudiga ayaa sheegay in Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed ay fiirinayaan go’aanka Dalalka Ururka Iskaashiga Islaamka ee xadgudubka Israa’iil ku sameysay Qaranimada Soomaaliya.

“Soomaaliya maanta waxay fiirinaysaa Go’aanka Wadamada Urur Iskaashiga Islaamka, Midnimada Qaran ee dhammaan dowladaha Islaaamka waa mid lama taabtaan ah.” ayuu yiri wasiirka.

Dhanka kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda Dowladda Falastiin Faarsiin Ajaabikiyaan ayaa tilmaamay in Dowladda Falastiin si buuxda u garab taagan tahay midnimada Qaran ee Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in ay ka soo horjeedaan xadgudubka ay ku kacay Israa’iil.

“Dowladda Falastiin waxay si buuxda u taageersantahay Midnimada Qaran ee Soomaaliya, waxayna kasoo horjeedaa xadgudubyada ay ku kacday Israa’i1l ee ka dhanka ah Midnimada Dowladaha Xubnaha ka ah Ururka Islaamka.”

Ururka Iskaashiga Islaamka oo cambaareeyay Aqoonsi beenaadka Israa’iil ee Somaliland

Magaalada Jidda ee Dalka Sacuudi Carabiya waxaa ka socda shir aan caadi ahayn oo ay leeyihiin Wasiirada Arrimaha Dibadda ee Dalalka Islaamka.

Shirka ayaa loo doodayaa xadgudubka Israa’iil ay kula kacday midnimada iyo wadadjirka Dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Xoghaayaha Guud ee Ururka Iskaashiga Islaamka Xuseen Ibraahim Daaha oo ka hadlay shirka ayaa marka hore cambaareeyay aqoonsiga xadgudubka ah ee Israa’iil ku aqoonsatay qeyb ka mid ah Soomaaliya.

Shirka ayaa lagu wadaa in laga soo saaro warmurtoyeed ka dhan ah Israa’iil iyo Xadgudubkeeda garadarada ah.

Dhallinyaro loo qabtay xirfado kor loogu qaadayo aqoontooda

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka, Mudane Axmed Xuseen Cilmi, ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay xarunta tababarka Farsamada ee Hano Academy, halkaas oo tababarro xirfadeed loogu qabtay dhallinyaro dalka dib loogu soo celiyay oo isugu jira rag iyo dumar, si loogu taageero horumarinta naftooda.

Guddoomiyaha ayaa indha-indheeyay tayada tababarrada, wuxuuna la kulmay maamulka, macallimiinta iyo ardayda, isagoo dhallinyarada ku dhiirrigeliyay in ay ka faa’iideystaan fursadaha xirfadeed ee ay Hay’addu u fududeysay, isagoo carrabka ku adkeeyay in tababarrada noocan ah ay laf-dhabar u yihiin shaqo-abuurka, isku-filnaanshaha iyo dib-u-dhexgalka bulshada.

Kormeerkan ayaa qeyb ka ah dadaallada Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka ee lagu taageerayo dib-u-soo laabtayaasha, horumarinta xirfadaha iyo nolol waarta oo ay helaan muwaadiniinta dalka dib ugu soo laabanaya.

       

Maxay ka wada hadleen Wasiirka Kalluumeysiga XFS iyo Safiirka Itoobiya?

Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee XFS, Mudane Axmed Xasan Aadan, oo uu weheljbayay wasiir ku-xigeenka Wasaaradda, Mudane Cali Ifiye, ayaa kulan la yeeshay Kusimaha Safiirka Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Itoobiya, Mudane Ketema Haile, iyo wafdi ganacsato ah oo uu hoggaaminayay.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iyo fududeynta ganacsiga kalluunka ee u dhaxeeya labada dal, iyadoo labada dhinac ay isla garteen muhiimadda ay leedahay horumarinta iskaashiga ganacsi, kor u qaadista dhoofinta kalluunka Soomaaliyeed, iyo ka shaqeynta caqabadaha ka hor iman kara isu-socodka badeecadaha kalluumeysiga.

Sidoo kale, labada dhinac ayaa adkeeyay sida ay uga go’an tahay sii wadidda wada-shaqeynta, is-weydaarsiga fursadaha maalgashi, iyo dhisidda hannaan waara oo kor u qaada ganacsiga kalluunka iyo dhaqaalaha buluugga ee labada dal.

    

Danjire Maxamed Sheekh Isaaq oo Munaasabad kaga qeyb galay K/Afrika

anjiraha Dowlada Federaalka ee Soomaaliya ee Dalka Koonfur Afrika Amb Maxamed Sheekh Isaaq ayaa maanta kaga qeyb galay Magaalada Rustenburg ee gobalka Northwest xuska sanadlaha  ee Xisbul Xaakim Ka Dalka (ENC).

Munaasabadda, waxaa goobjoog ahaa Joog ahaa madaxweynaha Dalka Konfur Afrika Mudane Cyril Ramaphosa, Wasiiro, diblomaaaiyiin ka Socday Saafaradaha kala duwan ee dalkaas, ciyaaryahano caan ah, Dhalinyaro iyo qeybaha kal duwan ee Bulshada.

Sidoo kale, Safiirka ayaa waxaa kala qeyb galay Guddoomiyaha Jaaliyadda Northwest Mustafa Shirwac, wuxuuna safiirka muddada uu halkaas ku sugnaa u kuurgalay xaaladda Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku Dhaqan Gobalkaasi.

Munaasabadda waxaa lagu soo bandhigay Bandhig cajiib ah, iyadoo goobta kagu arkayay calanka shacabka Falastiin, Madaxda iyo dhammaan martidii ka soo qeyb gashay ku dhawaaqayeen erayo ka dhan Israa’iil laguna garab istaagayay Falastiin.

    

Taliyaha Guutada Lixaad ee Qaybta 60-aad oo Tababbar u soo Xiray Cutubyo ka Tirsan Guutada Lixaad

Muqdisho(Wargeyska Daka):-Taliyaha Guutada 6-aad ee Qaybta 60-aad ee Ciidanka Dhulka XDS, G/le Dhexe Liibaan Yuusuf Gare, ayaa Tababar u soo xiray Cutubyo ka Tirsan Ciidanka Guutada Lixaad, Kuwaas oo Muddo Tababar uga socday Taliska Guutada 6-aad Duleedka Degmada Baraawe Gobolka Shabeellaha Hoose.

Ciidankan ayaa Noqonaya Qeyb ka mid ah Geesiyaasha Dagaalka kula jira kooxda Khawaarijta ah oo Muddo Dheer dhibaateynayey Shacabka. Taliyaha ayaa kula Dardaarmay in wixii la Baray lagu Muujiyo Fagaarayaasha Dagaalka.

Tababarkan ayaa Qeyb ka ah Dadaallada lagu Xoojinayo Tayada Ciidamada si ay si Hufan u Gutaan Waajibaadka Qaran ee ka Saaran Difaaca Dalka.