Ciidanka Ammaanka oo Gacanta ku Dhigay Dhagar Qabe ka tirsan Khawaarijta

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Ciidamada Ammaanka ayaa Gacanta ku Dhigay Dhagarqabe ka Tirsanaa Khawaarijta, una Qaabilsanaa Degmada Baardheere falalka Amni-Darrada iyo Curyaaminta Dhaqaalaha Shacabka.

Dhagar Qabe Maxamuud Shariif Xuseen ayaa Kooxda khawaarijta u Qaabilsanaa Saddex Shaqo oo khatar ah kuwaasoo kala ahaa inuu Waddooyinka ku aasi jiray Miinooyinka lagu Waxyeeleeyo Gadiidka Ciidanka Ammaanka iyo Kuwa Dadweynaha.

Sidoo kale Dhagar Qabaha ayaa khawaarijta u Qaabilsanaa inuu u Gudbiyo Xogtada Ganacsatada Gobolka Gedo si khawaarijta u dhacdo Ganacsaada Hantidooda wuxuu sidoo kale u qaabilsanaa gudbinta saadka khawaarijta.

Dhagar Qabahan ayaa waxa Gacantiisa ku Maqan sida uu Qirtay Sarkaal ka Tirsan Ciidanka Booliiska Degmada Baardheere kaas oo uu ku dilay Qarax Miino isagoo Dhagar qabuhu Qirtay in ay Qaraxan wada fuliyeen Dhagar Qabe kale oo lagu Magacaabo Aadan Dheere.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa Maanta xarigga ka jaray Baakin casri ah oo laga Hirgeliyey Xayndaabka Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa Maanta si Rasmi ah Xarigga uga jaray Baakin Casri ah, oo laga Hirgeliyay Xayndaabka Garoonka Diyaaradaha Aadan Cabdulle ee Magaalada Muqdisho.

Baakinkan Cusub oo loogu talagalay Gaadiidka isticmaalaya Garoonka, ayaa waxa uu leeyahay Goob Dukaamaysi ah oo lagu magacaabay DARMAD Business Park, oo ah Suuq Ganacsi Casri ah, kana Kooban Adeegyo Dhammaystiran, oo ay ku jiraan Bangiyo, Xarumo Ganacsiyo iyo Adeegyo kale oo Muhiim u ah Rakaabka iyo Bulshada Caasimadda.

Guddoomiye Dr. Muungaab ayaa Sheegay in Hirgelinta Baakinkan ay tahay Tallaabo Istiraatiiji ah oo si Weyn Hoos ugu dhigaysa Saxmadda Gaadiidka ee ka jirtay Gudaha iyo Nawaaxiga Garoonka, Islamarkaana kor u qaadaysa Nidaamka, Amniga iyo Bilicda Caasimadda. Waxa uu Xusay in laga billaabo Maanta si Rasmi ah loo joojiyay in Gawaarida lagu Dhex Baakimo Gudaha Garoonka, iyadoo keliya baakinkan Cusub loo Oggol yahay in loo Adeegsado Baahida Gaadiid Dhigashada.

Sidoo kale, Guddoomiyuhu waxa uu Bogaadiyey Doorka ay ka Qaateen Ganacsatada iyo Maalgashadayaasha Hirgelinta Mashruucan, isagoo Adkeeyey in Maamulka Gobolka Banaadir uu sii xoojinayo Iskaashiga u Dhexeeya Dowladda iyo Ganacsiga gaarka loo leeyahay, si loo Dardargeliyo Horumarka Caasimadda Magaalada Muqdisho.

Munaasabadda xarig-ka-jarka waxaa ka qaybgalay Wasiirro, Xildhibaanno, Maareeyeyaal, Ganacsato iyo Masuuliyiin kale oo ka socday Hay’adaha Dowladda, kuwaas oo Dhammaantood ku tilmaamay Baakinkan Mid wax Weyn ka tari doona Hagaajinta Adeegyada Garoonka iyo Fududeynta Isu-Socodka Gaadiidka.

Ugu Dambeynti, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa mar kale Caddeeyey sida ay uga Go’an tahay Horumarinta Kaabeyaasha Dhaqaalaha, Casriyeynta Adeegyada Dadweynaha iyo Yareynta Saxmadda Caasimadda, si Muqdisho ay u noqoto Magaalo Nidaamsan oo la Jaanqaadda Horumarka Casriga ah ee ay u Qalanto.

             

Dowladda Soomaaliya oo Dhambaal Taageero ah u dirtay Dowladda Qatar

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay muujinaysaa walaac qotada dheer oo ku aaddan khasaarihii soo gaaray Safaaradda Dawladda walaalaha nahay ee  Qatar taas oo ku taala caasimadda Jamhuuriyadda Ukraine, Kyiv,taas oo loo geystay duqayn.

Dowladda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay mar kale adkaynaysaa mabda’a Aasaasiga ah ee Sharciga Caalamiga ah ee ah in Goobaha Diblomaasiyadeed yihiin kuwo aan la taaban karin, iyadoo Xoogga saaraysa Waajibka saaran dhammaan dhinacyada in ay Ilaaliyaan Dhismayaasha Diblomaasiyadeed iyo Shaqaalahooda, si Waafaqsan Heshiiska Vienna ee Xiriirka Diblomaasiyadeed.

Dowladda Soomaaliya iyo shacabkeedu waxay si Buuxda u muujinaysaa Garab Istaag,   Dawladda aan walaalaha nahay ee Qatar iyo Shacabkeeda, waxayna ku baaqaysaa in si Buuxda loo Dhowro Shuruucda iyo Xeerarka Caalamiga ah, lana Xaqiijiyo Badbaadada Dhammaan Hay’adaha Diblomaasiyadeed.

Dowladda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay ku celcelinaysaa Mowqifkeeda ku aaddan Taageeridda Nabadda, Xasilloonida, iyo Dhowrista Sharuucda Caalamiga ah.

Dowladda Hindiya oo si adag uga hor timid xadgudubka Israa’iil kula kacday midnimada Soomaaliya

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Dowladda Hindiya ayaa si adag uga hortimid go’aankii xadgudubka ahaa ee Israa’iil ay ku aqoonsatay maamulka Somaliland, iyadoo taageertay madax-bannaanida iyo wadajira dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Somaaliya.

Randhir Jaiswal oo ah Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Hindiya ayaa qabtay shir jaraa’id oo uu ku shaaciyey mowqifka Hindiya, isagoo sheegay in xiriir taariikhi ah uu ka dhexeeyo Soomaaliya iyo Hindiya.

“Waxaan sii adkaynaynaa muhiimadda ay leedahay in la ixtiraamo madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,” ayuu yiri Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Hindiya, Randhir Jaiswal.

Dowladda Hindiya oo si adag uga hor timid xadgudubka Israa’iil kula kacday midnimada Soomaaliya

Dowladda Hindiya ayaa si adag uga hortimid go’aankii xadgudubka ahaa ee Israa’iil ay ku aqoonsatay maamulka Somaliland, iyadoo taageertay madax-bannaanida iyo wadajira dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Somaaliya.

Randhir Jaiswal oo ah Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Hindiya ayaa qabtay shir jaraa’id oo uu ku shaaciyey mowqifka Hindiya, isagoo sheegay in xiriir taariikhi ah uu ka dhexeeyo Soomaaliya iyo Hindiya.

“Waxaan sii adkaynaynaa muhiimadda ay leedahay in la ixtiraamo madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,” ayuu yiri Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Hindiya, Randhir Jaiswal.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo boqolaal shacab ah salaadda jimcaha kula oogay masjidka Abuu Hureyra ee Suuqa Bakaaraha

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehliyaan qaar ka mid ah Xubno ka mid ah Golaha Wasiirada, qaar ka mid ah Taliyeyaasha Ciidanka Qalabka sida iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa Boqolaal ka mid ah Shacabka magaalada Muqdisho Salaadda Jimcaha kula tukaday, Masjidka Abuu Hureyra oo ku yaala Suuqa Bakaaraha.

Madaxweynaha ayaa Khudbad uu ka jeediyay Masjidka kaga hadlay xaaladda guud ee dalka, dadaallada diblumaasiyadeed iyo sharci ee ay Dowladdu ku wajahayso faro-gelinta shisheeye iyo tallaabooyinka gurracan ee ka dhanka ah midnimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay guulo muhiim ah kasoo hoysay, halganka diblumaasiyadeed ee looga hortagayo damaca gurracan ee Israa’iil, isagaa oo uga baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay si midnimo leh uga hortagaan halista faragelinta shisheeye iyo isku-dayga ah in dalkeenna laga sameeyo saldhigyo sharci-darro ah oo laga huriyo colaadaha gobolka.


                       

Warbixinta Toddobaadlaha ee Waxqabadka Dowladda Federaalka Soomaaliya

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad u jeediyay shacabka Soomaaliya, isagoo diiradda saarey arrimaha dib u heshiisiinta iyo faragelinta ay Israel ee ka dhanka ah madaxbanaanida iyo qarannimada Soomaaliya.

2- Madaxweyhne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shir-guddoomiyey kulanka Golaha Wasiirrada, isagoo u jeediyay khudbad ku saabsan xaaladda guud ee amniga dalka , dagaalka lagu ciribtiraaya Khawaarijta iyo doorashooyinka golaha degaanka ee dhawaan ka qabsoomay Muqdisho.

3- Golaha wasiirada ayaa ansaxiyey labo Heshiis is-afgarad oo dhexeeya Soomaaliya Uganda oo dhinaca amniga ah, iyo mid u dhexeeya Soomaaliya iyo Sacuudi Caraabiya oo dhinaca iskaashiga gaadiidka badda.

4- Wasiirka Arrimaha Dibadda Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa magaalada Riyadh kulan kula yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda Sacuudiga, Amiir Faisal bin Farxaan bin Cabdullaahi Al-Sacuud,iyadoo kulanka diirrada lagu saarey taageerada midnimada Soomaaliya.

5- Wasiirka Arrimaha Dibadda Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa khadka taleefanka kula xiriiray dhiggiisa Jamhuuriyadda Indonesia, Mudane Sugiono,iyagoo ka wadahadlay muhiimada ilaalinta madax-bannaanida, midnimada dhul iyo midnimada qaran ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

6- Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta ayaa shacabka Gobolka Banaadir ku bogaadisay qabsoomidda Doorashadii taariikhiga ahayd ee Golaha Deegaanka Gobolka Banaadir, oo si guul leh u dhacday 25-kii Diseembar 2025-ka.

7- Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa tababar usoo xiray cutubyo ka tirsan ciidamada gaarka ah ee Gorgor ee Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya, oo tababar ciidan ku qaatay Kulliyadda Tababarka Ciidamada TURKSOM ee magaalada Muqdisho.

8- Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay booqashadii Wasiirka Arrimaha Dibedda Israel uu ku tagey magaalada Hargeysa, tallaabadaas oo ka dhan ah madaxbanaanida Soomaaliya.

9- Wasiirka Gaashaandhigga Axmed Macallin Fiqi, ayaa qaabilay Ku-Xigeenka Safiirka Britain u fadhiya Soomaaliya Danjire Sam Thomas,iyagoo ka wada hadlay dhinacyada amniga iyo la dagalaanka argagaxisada.

10- Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa faahfaahin ka bixisay hawlgal culus oo ay Ciidamada Xoogga Dalka ka fuliyeen degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe oo lagu dilay 15 xubnood oo ka tirsanaan Khawaarijta.

11- Wasiirka Gaashaandhiga Mudane Axmed Macalim Fiqi ayaa sheegay in hawlgal ka dhacay Degmada Jilib lagu dilay horjooge sare Eng Cabdullaahi Cismaan Maxamed Abuukar (Eng Ismaaciil), kaas oo kooxda Khawaarijta u qaabilsanaa qaraxyada,amniga gudaha iyo hawlgalada dibedda.

12- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa dhambaal hambalyo iyo bogaadin u diray maamulka iyo shaqaalaha Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed (SONNA) oo u dabaaldagey munaasabadda xuska sannad-guuradii 62-aad.

13- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa xarigga ka jaray mashruuca Casriyeynta Istuudiyeyaasha Radio Muqdisho iyo Codka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

14- Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Boqortooyada Sacuudiga Amiir Faisal bin Farxaan bin Cabdullaahi Al-Sacuud ayaa magaalada Washington kulan muhiim ah kula yeeshay Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Mareykanka Marco Rubio, iyadoo kulankaasi diiradda lagu saarey muhimadda ilaalinta madaxbanaanida iyo qaranimada Soomaaliya.

15- Dhowr iyo labaatan dowladood oo soo saarey War Murtiyeed loo dhan yahay oo ay ku diidan yihiin faragelinta Israel ee madaxbanaanida Soomaaliya, iyagoo si buuxda u taageeray madaxbanaanida iyo qarannimada Soomaaliya.

16- Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya oo kaashanaya kuwa Mareykanka ayaa burburiyay warshad sameysa qaraxyada kooxda Khawaarijta oo ku taalley degmada Saakow.

17- Wasiirrada iyo Xildhibaanada ka soo jeeda Waqooyi Bari iyo Gobolka Awdal oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa si adag uga horyimid aqoonsi beenaadka Israel ee gobollada Waqooyi ee Soomaaliya.

18- Wasiiru Dowlaha Amniga Gudaha Maxamed Cali Xagaa ayaa qaabilay wafdi sare oo ka socday Jamhuuriyadda Turkiga ,oo uu horkacayay Taliyaha Ciidamada Özel Hareket, iyadoo kulanka diirrada lagu saarey xoojinta iskaashiga dhinacyada amniga ee u dhexeeya labada dal.

19- Wasiir Dowlaha Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Asad Cabdirasaaq Maxamed, ayaa si rasmi ah u daah furay munaasabad lagu soo bandhigayay waxqabadka Toban (10) shirkadood ee ku guuleystay Tartanka Hal-Abuurka Furan ee Suuq-helidda Beeraleyda Soomaaliyeed 2025-ka ,oo lagu qabtay magaalada Muqdisho.

20- Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ayaa si adag uga horyimid aqoonsi beenaadkii ay Israa’iil ku aqoonsatay “Somaliland” oo qeyb ka ah dhulka Jamhuuriyada Soomaaliya, isla markaana taageeray madax-banaanida ,midnimada dhuleed iyo xasiloonida Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya.

21- Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta, Axmed Abul-Qeyd, ayaa si adag u cambaareeyay booqashada Wasiirka Arrimaha Dibadda Israa’iil ku tagay magaalada Hargeysa ee Waqooyiga Soomaaliya.

22- Isu-soo-bax ballaaran oo ay soo qabanqaabiyeen Midowga Golayaasha Culimada Soomaaliyeed, laguna muujinayay diidmada faragelinta ay Israel ku hayso midnimada dalka, ayaa lagu qabtay Muqdisho.

23- Kumanaan shacab ah ayaa isugu soo baxay magaalada Muqdisho, kuwaas oo ka soo horjeeda faragelinta Israel ku sameysay qaranimada iyo madaxbanaanida Soomaaliya.

24- Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Maxamuud Macalin, ayaa Golaha Wasiirrada u soo bandhigay warbixin rasmi ah oo ku saabsan xaaladda abaaraha ee dalka oo si weyn saameeyay bulshada soomaaliyeed .

25- Taliyaha Ciidanka Dhulka Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa kormeeray fariisimada Ciidanka Xoogga Dalka ee magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan, gaar ahaan Guutooyinka 5aad iyo 29aad ee qeybta 27aad Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

In ka badan 22 khawaarij ah oo lagu laayey Gobolka Bay

Ciidamada Gaarka ah ee Kumaandooska Danab ayaa xalay hawlgal qorshaysan oo beegsi ah ka fuliyay deegaanka Buur Eylo oo ka tirsan Degmada Buur Hakaba ee  Gobolka Baay.

Hawlgalka ayaa lagu bartilmaameedsaday koox ka tirsan maleeshiyaadka argagixisada Al-Shabaab waxaana halkaasi lagu dilay 22 maleeshiyaad ah, iyadoo sidoo kale la burburiyay dhammaan agabkii ay wateen kooxdaasi iyo gaadiid ay ka buuxaan walxaha qarxa.

Ciidamada Gaarka ah ee Kumaandooska Danab waxaa howlgalkaasi ku wehlinaayey saaxiibada caalamka, iyadoo la tilmaamay in shaqadaasi ay ku soo dhammaatay si nabad ah.

Xogta la helay ayaa muujinaysa in kooxdaasi ay qorshaynayeen weerarro lagu waxyeelleeyo shacabka Soomaaliyeed iyo bartilmaameedyo amni, balse ciidamada Danab ayaa ka hortagay qorshahaas ka hor inta uusan fulin.

Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxay ay bogaadiyeen sida geesinimada leh ee ciidanka qaranka ay mar kasta diyaarka ugu yihiin kahortagga iyo ciribtirka kooxaha khawaarijta ee caadeystay dhaca dadka rayidka ah ee Soomaaliyeed.

Soomaaliya iyo Singapore oo ka wadahadlay Arrimaha Soomaaliya iyo qodobbo kale

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa maanta oo jimca ah  khadka taleefanka kula hadlay dhiggiisa dalka Singapore, Dr. Vivian Balakrishnan.

Labada wasiir ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iskaashiga laba geesoodka ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Singabore da iyo sida ay lagama maarmaanka u tahay dardargalinta howlaha la xiriira xagga dibolomaasiyadda iyo guud ahaan xiriirka caalamka.

Wasiirada Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya iyo Singapore ,waxa ay si gaar ah uga wadahadleen  dhowrista iyo ilaalinta madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, taas oo waafaqsan sharciga caalamiga ah iyo Axdiga Qaramada Midoobay.

Ciidanka Xoogga iyo Saaxiibada Caalamka oo Jubbada Dhexe ku dilay maleeeshiyaad khawaarij ah

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibada caalamka gaar ahaan Ciidamada Maraykanka, ayaa xalay fuliyay howlgal qorshaysan oo lala beegsaday kooxo khawaarij ah oo ku sugnaa degmada Saakow oo ka tirsan gobolka Jubbada Dhexe.

Howlgalkaasi duqaynta ah ayaa lagu dilay 18 dhagarqabe oo ka tirsanaa maleeshiyaadka Khawaarijta, kuwaas oo ay ku jireen injineerro ku lug lahaa farsamaynta qaraxyada iyo dhibaateynta ummadda Soomaaliyeed.

Sidoo kale howlgalka wadajirka ah ayaa lagu burburiyay warshad ay Khawaarijtu u adeegsan jireen soo saarista iyo diyaarin­ta nuucyada qaraxyada ee lagu dhibaateeyo shacabka Soomaaliyeed.

Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Talisyada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxay mar kale xaqiijinayaan go’aankooda ah in la sii xoojiyo howlgalada ka dhanka ah argagixisada, lana adkeeyo dadaallada lagu ilaalinaayo amniga shacabka.

Howlgalladaan oo ah kuwo is-daba joog ah ayaa muujinaya wada-shaqayn dhow oo u dhexeysa Ciidamada Qaranka iyo saaxiibada caalamka ee u diyaargaroobay cirib tirka cadawga Soomaaliyeed.