Bayaan wadajir ah oo ku saabsan booqashada sharci-darrada ah ee xubno ka tirsan Israa’iil ay ku yimaadeen gobollada waqooyi ee JFS

Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Masar, Jamhuuriyadda Aljeeriya, Jamhuuriyadda Bangaladesh, Midowga Jasiiradaha Comoros, Jamhuuriyadda Jabuuti, Jamhuuriyadda Gambiya, Jamhuuriyadda Indunuusiya, Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan, Boqortooyada Urdun, Dowladda Kuwayt, Dowladda Liibiya, Jamhuuriyadda Maldives, Jamhuuriyadda Nayjeeriya, Saldanadda Cumaan, Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Baakistaan, Dowladda Falastiin, Dowladda Qatar, Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Jamhuuriyadda Suudaan, Jamhuuriyadda Turkiga, Jamhuuriyadda Yemen, iyo Ururka Iskaashiga Islaamka;

Dhammaan dowladahaan iyo ururradaan ayaa si adag u cambaareeyey dhaqdhaqaaqa Israa’iil iyo booqashadii ugu dambeysay ee sharci-darrada ahayd ee masuul Israa’iili ah uu 6-dii Janaayo 2026 ku tagay Gobol ka tirsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxayna ku sifeeyeen xadgudub cad oo ka dhan ah madax-bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, midnimadeeda iyo wadajirka dhulkeeda, isla markaana wiiqaysa qawaaniinta caalamiga ah iyo Axdiga Qaramada Midoobay.

Dowladahaan ayaa mar kale xaqiijiyey taageeradooda aan leexleexadka lahayn ee ku aaddan madax-bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, midnimadeeda iyo wadajirkeeda dhulkeed, iyagoo ku bogaadiyey Dowladda Federaalka Soomaaliya sida ay uga go’an tahay ka qaybgalka caalami ah ee nabadda, diblomaasiyadda wax ku oolka ah iyo u hoggaansanaanta qodobbada sharciga caalamiga ah, waxayna caddeeyeen in go’aankeeda midnimada iyo difaaca madax-banaanida dhulka Jamhuuriyadda ay ku garab taagan yihiin.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo caawa khudbad u jeediyey Shacabka Soomaaliyeed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Khudbad u jeediyey shacabka Soomaaliyeed ayaa ka hadlay xaaladda dalka, dadaallada diblumaasiyadeed iyo sharci ee ay Dowladdu ku wajahayso faro-gelinta shisheeye iyo tallaabooyinka gurracan ee ka dhanka ah midnimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya, taasi oo uu ku kacay maamulka Israa’iil.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaysa shacabkeeda iyo saaxiibadeeda caalamka ay qaadayso tallaabooyin diblomaasiyadeed iyo sharci oo looga hortagayo xadgudub kasta oo ka dhan ah midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, taas oo ay barbar socoto dhageysiga iyo ka garowsiga dhammaan tabashooyinka Gobollada Waqooyi.

Waxa uu madaxweynuhu fariin u diray shacabka gobollada Waqooyi isagoo yiri “Shacabka Soomaaliyeed ee Waqooyigow ictiraafka idin kama jiro, Natanyaahu ee waxa uu dinka jiraa dowladda iyo shacabka Soomaliyeed oo aad wadaagtaan diin iyo dadnimo.”

Madaxweynaha ayaa adkeeyey in midnimada Soomaaliya tahay lama taabtaan isagoo ka hadlayana wuxuu yiri Madaxweyne Xasan “Waxaan cadeynayaa in JFS ay tahay dal xor ah, dhulkiisana aan lagu kala goyn karin warqad uu qoray Netanyahu. Qorshaha Israa’iil waa hirgelinta saldhigyo milatari oo qalqal gelinaya amniga gobolka Geeska Afrika iyo guud ahaan Bariga Dhexe.”

Wasiirka Arrimaha Dibedda Masar iyo Xoghayaha guud ee QM oo qadka Telefonka kaga wada hadlay faragelinta Israa’iil kula kacday Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar Dr. Badr Cabdulcaati iyo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Mudane António Guterres oo qadka taleefanka ku wadahadlay ayaa qeyb kamid ah wadahadalkooda diiradda ku saaray faragelinta iyo weerarka Israa’il ay ku soo qaaday midnimada iyo wadajirka dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Wasiir Cabdulcaati ayaa Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u caddeeyay in aqoonsiga keligiis ah ee sharci-darrada ah ee Israa’iil u fidisay maamulka Somaliland uu yahay xadgudub cad oo ka dhan ah madaxbannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar ayaa sheegay in qorshaha Isra’il uu wiiqayo xeerarka sharciga caalamiga ah iyo Axdiga Qaramada Midoobay, isagoo arrintaan ku tilmaamay mid khatar ah oo horseedi karta qalqal ku yimaada nabadda iyo amniga gobol iyo caalamka oo dhan.

Wasiir Cabdulcaati ayaa adkeeyay taageerada buuxda ee Masar ay la garabtaagan tahay midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Dhankiisa, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey ayaa Masar ku ammaanay doorka ay ka qaadaneyso taageeridda amniga iyo xasilloonida gobolka, xilli ay jiraan qalalaaso goboleed oo aad u adag. Waxa uu sidoo kale bogaadiyay sida ay Masar uga go’an tahay mabaadi’da Axdiga Qaramada Midoobay iyo dadaalkeeda joogtada ah ee lagu xoojinayo nabadda iyo amniga caalamka.

Taliyaha ciidanka Booliiska oo shirguddoomiyey shirka taliyeyaasha Booliiska

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto, Asad Cismaan Cabdullahi ayaa shir guddoomiyay Shirka Taliyaasha Hoggaanada, Qeybaha iyo Fadhiyada Madaxa Banaan oo lagu qabtay Taliska Daraawiishta Booliiska

Taliyaha ayaa warbixino ka dhageystay Saraakiisha Sare wuxuu carabka ku adkeeyey in lasii xoojiyo sugida Amniga guud ee Dalka gaar ahaan midka Caasimadda,

Ugu dambeyntii wuxuu kula dardaarmay in ay waajib tahay ilaalinta madax banaanida iyo wadajirka Dalkeena.

           

Maamulka Shabeellada Dhexe oo deeq xoolo ah ku wareejiyay ciidanka xoogga ee jooga Wargaadhi

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada Dhexe Maxamuud Maxamed Nuur oo ay la socdaan  Taliyaha Ciidanka Booliska Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Janaraal Xasan Dhicisow ayaa gaaray deegaanka Wargaadhi ,iyagoo xoolo nool ku wareejiyay ciidanka dowladda ee ku sugan deegaankaaso oo ka tirsan Sh/Dhexe.

Guddoomiyaha oo booqasho dhiirigelin ah ugu tegay Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa xaq u dirirka deegaanka ee ku sugan wargaadhi ayaa ku booriyay inay muujiyaan isku duubni, si ay cadowga wadajir uga guuleystaan.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada Dhexe ayaa waxaa uu xaqiijiyay inay ka maamul ahaan garab taaganyihiin Ciidamada dagaalka kula jira Khawaarijta.

 

Dowlad Goboleedka K/Galbeed oo dallacsiiyay saraakiil boliis ah

Qaar kamid ah maamulka Dowlad Gobolledka Koonfur Galbeed ayaa xalay ka qeybgalay xaflad lagu munaasaayey dallacsiinta saraakiil kamid ah ciidanka Boliiska ee maamulkaasi.

Xafladdaan oo sidoo kale ay ka qeybgaleen ururada bulshada,waxaa ka hadlay Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka K/Gakbeed,isagoo sheegay in tallaabadaan ay qeyb ka tahay dhiirgelinta saraakiishii kaalinta wanaagsan ku lahaa xasilinta amniga ee deegaannada Koonfur Galbeed.

Xafladdaan oo lagu qabtay Magaalada Beydhabo,waxaa dallacaad lagu siiyay. 1-Aamiin Maxamed Cismaan oo noqday sareeye guuto.2- Cabdi Ibraahim Shaamoow oo isna noqday sareeye guuto, Muqtaar Maxamed Ibraahim oo isna noqday g/sare iyo saraakiil kale,

Saraakiishaan xalay la guddoonsiiyay dallacaadaasi ayaa la sheegay in ay ka soo dhalaaleen  howlaha la xiriira sugidda amniga, Ilalinta bulshada iyo ka hortagga kooxaha nabad-diidka ah.

Shirkado kamid ah kuwa wax-soo-saarka beeraha oo la siiyay lacago maalgalin ah

Maamulka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka XFS ayaa deeq lacageed guddoonsiisay 10 shirkadood oo ku guuleystay hal abuurka iyo horumarinta wax soo saarka ee beeraha dalka.

Xafladdii bixinta lacagahaasi oo ka dhaday xarunta wasaaradda waxaa ka qeybgalay xubno ka socday wasaaradda beeraha,iskaashatoyinka beeraha,ardayda jaamacadda,maalgaliyayaal  iyo marti sharaf kale.

Mashruucaan oo ay iska kaashadeen World bank iyo hey’ado kale oo maalgaliyaal ah waxaa wajigii koowaad lagu bixiya lacago shan kun oo doolar ah,kuwaas oo la siiyay 10 shirkadood oo kuwa wax soo saarka ah.

Bixinta deeqdaasi lacageed ayaa aheyd mid lagu dhiirigalinayay shirkadaha kaalinta hore ka galay hal-abuurka iyo horumarinta wax-soo-saarka beeraha ee dalka .

Munaasabaddaasi waxaaa hadallo kooban ka jeediyay Wasiiru dowlaha Wasaaradda Beeraha Asad C/risaaq Maxamed,Agaasimaha Guud Maxamed Xasan C/lle iyo qaar kamid ah xubno ka socday 10 shirkadood.

Shirkado kamid ah kuwa wax-soo-saarka beeraha oo la siiyay lacago maalgalin ah

Maamulka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka XFS ayaa deeq lacageed guddoonsiisay 10 shirkadood oo ku guuleystay hal abuurka iyo horumarinta wax soo saarka ee beeraha dalka.

Xafladdii bixinta lacagahaasi oo ka dhaday xarunta wasaaradda waxaa ka qeybgalay xubno ka socday wasaaradda beeraha,iskaashatoyinka beeraha,ardayda jaamacadda,maalgaliyayaal  iyo marti sharaf kale.

Mashruucaan oo ay iska kaashadeen World bank iyo hey’ado kale oo maalgaliyaal ah waxaa wajigii koowaad lagu bixiya lacago shan kun oo doolar ah,kuwaas oo la siiyay 10 shirkadood oo kuwa wax soo saarka ah.

Bixinta deeqdaasi lacageed ayaa aheyd mid lagu dhiirigalinayay shirkadaha kaalinta hore ka galay hal-abuurka iyo horumarinta wax-soo-saarka beeraha ee dalka .

Munaasabaddaasi waxaaa hadallo kooban ka jeediyay Wasiiru dowlaha Wasaaradda Beeraha Asad C/risaaq Maxamed,Agaasimaha Guud Maxamed Xasan C/lle iyo qaar kamid ah xubno ka socday 10 shirkadood.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo guddoomiyey shirka guddoomiyaasha degmooyinkooda

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa caawa shir-guddoomiyey Kulanka Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir, kaas oo diiradda lagu saaray dardargelinta adeegyada dadweynaha, xoojinta nabadgalyada, bilicda caasimadda, iyo horumarinta kaabayaasha muhiimka u ah bulshada ku nool Muqdisho.

Kulankan oo ah kii ugu horreeyay ee Duqa Muqdisho uu la qaato Guddoomiyeyaasha Degmooyinka tan iyo doorashadii Golaha Deegaanka ee qabsoontay 25-ka bishii Diseembar 2025 ee la soo dhaafay, ayaa lagu faray Guddoomiyeyaasha Degmooyinka ilaalinta danaha shacabka, adkeynta amniga, kor-u-qaadidda nadaafadda iyo bilicda magaalada, iyo in si dhow loola shaqeeyo bulshada, si’ loo dareensiiyo lahaanshaha dowladnimada.

Sidoo kale, Guddoomiyeyaasha Degmooyinka ayaa soo bandhigay warbixinno ku saabsan xaaladda degmooyinkooda, caqabadaha jira iyo fursadaha looga gudbi karo, iyagoo muujiyey diyaar garowgooda ku aaddan joogteynta wadashaqeynta iyo xoojinta iskaashiga ka dhexjira.

Ugu dambeyn, kulanka ayaa lagu adkeeyey muhiimadda iskaashi joogto ah, isla-xisaabtan, iyo hirgelinta qorshayaal wax-ku-ool ah oo lagu horumarinayo nolosha shacabka ku dhaqan Caasimadda Muqdisho.

      

Wasiir Fiqi oo tababar u soo xiray cutubyo ka tirsan Gorgor

Wasiirka Gaashaandhigga XFS mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa maanta tababar usoo xiray cutubyo ka tirsan Ciidamada gaarka ah ee Gorgor ee Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kuwaas oo tababar ciidan ku qaatay Kulliyadda Tababbarka Ciidamada ee TURKSOM.

Wasiirka oo khudbad ka jeediyay munaasabadda ayaa bogaadiyay dadaallada joogtada ah ee ay wadaan talisyada Ciidanka Xoogga Dalka, kuwaas oo diiradda saaraya kobcinta awoodda, xirfadda, iyo tayada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Wasiir Fiqi ayaa ciidamada qalin-jabiyay faray inay si dhab ah u gutaan waajibkooda ah ilaalinta midnimada, wadajirka iyo madaxbannaanida qaran ee dalka, si looga difaaco cadowga gudaha iyo kan dibadda ee ka soo horjeeda horumarka iyo nabadda Soomaaliya.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa faray ciidanka inay kaalin muuqata ka qaataan dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha argagixisada, isla markaana ay si hagar la’aan ah u gutaan waajibaadka ay u dhaarteen, si loo sugo amniga shacabka Soomaaliyeed iyo xasilloonida guud ahaan dalka.

Intii ay munaasabaddu socotay, ciidamadu waxay soo bandhigeen xirfado kala duwan oo ay barteen muddadii tababarka, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen adeegsiga hubka noocyadiisa kala duwan, xeeladaha dagaalka, iyo farsamooyinka difaac-nafsiga, taasoo muujinaysa heerka diyaargarow ciidan iyo tayada tababarka ay qaateen.

Munaasabadda waxaa goob-joog ka ahaa Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Gaas Odawa Yuusuf Raage, Taliyaha Taliska Tababarada iyo Doktariinka, G/le Sare Axmed Ise Axmed, Taliyaha TURKSOM, S/Gaas Sebahattin Kalkan, Safiirka Turkiga, taliyayaasha ciidamada Cirka iyo Badda iyo martisharaf kala duwan.