Shirkado kamid ah kuwa wax-soo-saarka beeraha oo la siiyay lacago maalgalin ah

Maamulka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka XFS ayaa deeq lacageed guddoonsiisay 10 shirkadood oo ku guuleystay hal abuurka iyo horumarinta wax soo saarka ee beeraha dalka.

Xafladdii bixinta lacagahaasi oo ka dhaday xarunta wasaaradda waxaa ka qeybgalay xubno ka socday wasaaradda beeraha,iskaashatoyinka beeraha,ardayda jaamacadda,maalgaliyayaal  iyo marti sharaf kale.

Mashruucaan oo ay iska kaashadeen World bank iyo hey’ado kale oo maalgaliyaal ah waxaa wajigii koowaad lagu bixiya lacago shan kun oo doolar ah,kuwaas oo la siiyay 10 shirkadood oo kuwa wax soo saarka ah.

Bixinta deeqdaasi lacageed ayaa aheyd mid lagu dhiirigalinayay shirkadaha kaalinta hore ka galay hal-abuurka iyo horumarinta wax-soo-saarka beeraha ee dalka .

Munaasabaddaasi waxaaa hadallo kooban ka jeediyay Wasiiru dowlaha Wasaaradda Beeraha Asad C/risaaq Maxamed,Agaasimaha Guud Maxamed Xasan C/lle iyo qaar kamid ah xubno ka socday 10 shirkadood.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo guddoomiyey shirka guddoomiyaasha degmooyinkooda

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa caawa shir-guddoomiyey Kulanka Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir, kaas oo diiradda lagu saaray dardargelinta adeegyada dadweynaha, xoojinta nabadgalyada, bilicda caasimadda, iyo horumarinta kaabayaasha muhiimka u ah bulshada ku nool Muqdisho.

Kulankan oo ah kii ugu horreeyay ee Duqa Muqdisho uu la qaato Guddoomiyeyaasha Degmooyinka tan iyo doorashadii Golaha Deegaanka ee qabsoontay 25-ka bishii Diseembar 2025 ee la soo dhaafay, ayaa lagu faray Guddoomiyeyaasha Degmooyinka ilaalinta danaha shacabka, adkeynta amniga, kor-u-qaadidda nadaafadda iyo bilicda magaalada, iyo in si dhow loola shaqeeyo bulshada, si’ loo dareensiiyo lahaanshaha dowladnimada.

Sidoo kale, Guddoomiyeyaasha Degmooyinka ayaa soo bandhigay warbixinno ku saabsan xaaladda degmooyinkooda, caqabadaha jira iyo fursadaha looga gudbi karo, iyagoo muujiyey diyaar garowgooda ku aaddan joogteynta wadashaqeynta iyo xoojinta iskaashiga ka dhexjira.

Ugu dambeyn, kulanka ayaa lagu adkeeyey muhiimadda iskaashi joogto ah, isla-xisaabtan, iyo hirgelinta qorshayaal wax-ku-ool ah oo lagu horumarinayo nolosha shacabka ku dhaqan Caasimadda Muqdisho.

      

Wasiir Fiqi oo tababar u soo xiray cutubyo ka tirsan Gorgor

Wasiirka Gaashaandhigga XFS mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa maanta tababar usoo xiray cutubyo ka tirsan Ciidamada gaarka ah ee Gorgor ee Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kuwaas oo tababar ciidan ku qaatay Kulliyadda Tababbarka Ciidamada ee TURKSOM.

Wasiirka oo khudbad ka jeediyay munaasabadda ayaa bogaadiyay dadaallada joogtada ah ee ay wadaan talisyada Ciidanka Xoogga Dalka, kuwaas oo diiradda saaraya kobcinta awoodda, xirfadda, iyo tayada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Wasiir Fiqi ayaa ciidamada qalin-jabiyay faray inay si dhab ah u gutaan waajibkooda ah ilaalinta midnimada, wadajirka iyo madaxbannaanida qaran ee dalka, si looga difaaco cadowga gudaha iyo kan dibadda ee ka soo horjeeda horumarka iyo nabadda Soomaaliya.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa faray ciidanka inay kaalin muuqata ka qaataan dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha argagixisada, isla markaana ay si hagar la’aan ah u gutaan waajibaadka ay u dhaarteen, si loo sugo amniga shacabka Soomaaliyeed iyo xasilloonida guud ahaan dalka.

Intii ay munaasabaddu socotay, ciidamadu waxay soo bandhigeen xirfado kala duwan oo ay barteen muddadii tababarka, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen adeegsiga hubka noocyadiisa kala duwan, xeeladaha dagaalka, iyo farsamooyinka difaac-nafsiga, taasoo muujinaysa heerka diyaargarow ciidan iyo tayada tababarka ay qaateen.

Munaasabadda waxaa goob-joog ka ahaa Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Gaas Odawa Yuusuf Raage, Taliyaha Taliska Tababarada iyo Doktariinka, G/le Sare Axmed Ise Axmed, Taliyaha TURKSOM, S/Gaas Sebahattin Kalkan, Safiirka Turkiga, taliyayaasha ciidamada Cirka iyo Badda iyo martisharaf kala duwan.

               

Culimada Soomaaliyeed oo Magaalada Muqdisho ku qabtay Banaan bax ay kaga soo horjeedaan farogelinta Israa’iil kula kacday Dalka Soomaaliya

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Banaan bax ka dhan ah xadgudubka Israa’iil kula kacday Midnimada iyo Wadajirka Ummadda Soomaaliyeed oo Culimada Soomaaliyeed ay soo abaabuleen ayaa hadda ka socda Taallada Dajirka Dahsoon ee magaalada Muqdisho.

Banaan baxaan ayaa waxa ka qayb galaya qeybaha kala duwan ee Bulshadda,Maamulka Gobolka Banaadir,Bulshada Rayidka iyo Madax kala duwan iyadoo Halkaas Shacabka iyo Madaxduba ku soo Bandhigi doonaan siday uga soo Horjeedaan Xadgudubka Israa’iil, sidoo kalena diyaar ugu yihiin Difaaca Madaxbanaanida Dalka,Midnimada iyo Wadajirka Ummadda Soomaaliyeed.

Qaar ka mid ah Culimada ugu Waaweyn ee Dalka oo Dadweynaha la hadlay ayaa si weyn Carabka ugu adkeeyey siday Waajibka u tahay Difaaca Midnimada Dalka ugu horayn Sheekh Cali Wajiis oo Goobta ka hadlay ayaa yiri”Culimada Soomaaliyeed saaka waxay iskugu soo baxeen in ay Dadka ka wacyi geliyaan Dhagarta Israa’iil ay la Damacsan tahay Dalka oo ah kala goynta Shacabka soomaaliyeed oo ah Dad walaalo  .”

Sidoo kale Sheekh Yuusuf Cali Ceynte oo Goobta kula hadlay Dadweynihii isu soo baxay ayaa yiri “Maanta oo kale, Madax, Culimo iyo Shacab waxaa la gudboon in aysan u kala harin oo ay ka hortaggaan Burburka ay nala Damacsan tahay Israa’iil.”

Sheekh Cabdullaahi Axmed, ayaa isaguna si adag u sheegay in Dadka Soomaaliyeed marna Aqbali doonin in Israa’iil ku soo Xadgudubto Midnimada Dalkeenna.

Guddoomiyaha Ku-xigeenka Midowga Golayaasha Culimada Soomaaliyeed, Sheekh Bashiir Axmed Salaad ayaa isaguna yiri “Haddaan nahay Islaam, walaalo ma nihin Yuhuuda, mana yeeli doono in nagula soo Xadgudbo.”

Ugu dambayn Guddoomiyaha Midowga Golayaasha Culimada Soomaaliyeed Sheekh Suufi Yare oo la hadlay Dadweynihii isu soo baxay ayaa yiri “Culimada Soomaaliyeed Maanta waxay sameynayaan Bannaan bax isugu jira socod dheer iyo isu-imaatin culimo, si aan u muujinno Mowqifka Culimada ee ah ilaalinta Midnimada iyo Wadajirka Ummadda Soomaaliyeed.”

             

        

Taliska ciidanka Booliiska oo warbixin ka soo saaray koox dhalinyaro abaabulan oo sameeyey banaan bax fowdo ah

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed wuxuu Bulshada Soomaaliyeed u xaqiijinayaa in maanta oo ay Taariikhdu tahay 06-01-2026 Abaaro 10:55am Subaxnimo Xaafad ka mid ah Degmada Deyniile in ay kooxo dhalinyara ah oo abaabulan ay banaabax fowda ah ka sameeyeen, banaanbaxaas oo dhaliyay weerar Dukaan uu lahaa Muwaadin Soomaaliyeed waxaana la boobay hantidiisa waxaana isugu soo baxay Carruur iyo Haween isla markiiba waxaa gurmad u fidiyay Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo gaarey goobta,

Ciidanka Booliska Intii ay ku guda jireen badbaadinta hantida waxaa ka dhashey rabshado abaabulan oo isku bedelay dhagax-tuur lagala horyimid Ciidanka Booliska ee Gurmadka ku yimid,

Waxaa Shaqaaqadaas ku Dhaawacmay ilaa 3 Qofood oo rayid ah waxaana la geeyey isbitaalada oo hada lagu dhabiibayo. Ma jirto wax dhimasho ah oo ka dhashay dhacadadaas

Haddaba Ciidanka Booliska Soomaaliyeed wuxuu arrintaas ku wadaa baaris dheeraad ah, si looga hortago dadka faafinaya wararka been abuurka ah.

WABILLAAHI TOWFIIQ.

Golaha nabadda iyo amniga ee Midowga Afrika oo soo saaray bayaan ku saabsan Soomaaliya

Addis Ababa (SONNA): Goluhu wuxuu si adag uga horyimid isla markaana cambeereeyay go’aanka hal dhinac ah ee ay Israa’iil ku aqoonsatay “Somaliland” oo qeyb ka ah Jamhuuriyadda Soomaaliya inay tahay dal madax-bannaan, taas oo halis gelinaysa madax-bannaanida, midnimada dhuleed iyo xasilloonida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Goluhu waxa uu si adag u cambaareynaya go’aankaas qaldan, iyagoo ku baaqay in si degdeg ah looga noqdo.

Goluhu waxa uu mar kale xaqiijinaya sida ay uga go’an yahay ilaalinta madax-bannaanida, midnimada iyo xasilloonida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, si waafaqsan Axdiga Aasaaska ee Midowga Afrika, gaar ahaan Qodobka 4 (e) iyo (i) ee Heshiiska Golaha Nabadda iyo Amniga, iyo sidoo kale qodobada khuseeya ee Axdiga Qaramada Midoobay.

Goluhu waxa uu soo dhoweynayaa bayaanka uu soo saaray Mudane Mahmoud Ali Youssouf, Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, taariikhdiisuna ahayd 26 Diseembar 2025, kaas oo diidaya tallaabo kasta ama qorshe kasta oo lagu aqoonsanayo waqooyiga Soomaaliya (Somaliland) inuu yahay dal madax-bannaan, arrintaas oo khilaafsan mabda’a aasaasiga ah ee Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay, isla markaana khatar ku ah nabadda iyo xasilloonida Qaaradda, iyadoo sidoo kale wiiqaysa himilada Afrika mideysan, barwaaqo ah, oo nabdoon sida ku cad Ajandaha 2063.

Goluhu waxa uu caddaynayaa in aysan jirin cid xaq u leh ama awood u leh inay beddesho xuduudaha dhuleed ee dal xubinta ka ah Midowga Afrika, isla markaana tallaabo kasta oo noocaas ah ay tahay mid sharci darro ah, waxba kama jiraan ah, oo aan wax saamayn ah lahayn.

Goluhu waxa uu mar kale xasuusinayaa in isku day kasta oo lagu beddelo xuduudaha xoog ama si sharci darro ah uu yahay mid ka hor imanaya Axdiga Midowga Afrika, isla markaana abuuri kara tusaale khatar ah oo saameyn ballaaran ku yeelan kara nabadda, amniga, iyo xasilloonida Afrika.

Golaha Nabadda iyo ammaanka ee Midowga Afrika waxa uu ogeysiisanaya in tallaabooyinka noocaas ahi ay khatar ku yihiin nabadda iyo xasilloonida Qaaradda, gaar ahaan gobolka Geeska Afrika, isla markaana ay carqaladeynayaan dadaallada amniga ee wadajirka ah iyo mabaadi’da la isla gartay ee Midowga Afrika.

Goluhu waxa uu ugu baaqaya dhammaan dalalka xubnaha ka ah Midowga Afrika iyo saaxiibada caalamka inay dib u xaqiijiyaan madax-bannaanida iyo midnimada Soomaaliya, kana soo horjeestaan fal kasta oo sharci-darro ah, isla markaana ay taageeraan midnimada Afrika, sharciyadda caalamiga ah, iyo xasilloonida gobolka; sidoo kale ku boorinaya dalalka xubnaha ka ah Midowga Afrika inay taageeraan dadaallada Qaramada Midoobay ee lagu ilaalinayo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyo in la taageero tallaabo kasta oo wadajir ah oo laga qaado Golaha Guud Qaramada Midoobay ee arrintan la xiriirta.

Goluhu waxa uu ugu hambalyeynayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya dadaalkeeda ku aaddan dhismaha dowladnimada; isla markaana ku dhiirrigelinaya sii wadidda wadahadallada gudaha dalka sida kaliya ee waxtarka leh ee lagu xallin karo khilaafaadka jira ee u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah; arrintaas awgeed, wuxuu codsanayaa Guddiga isagoo kaashanaya IGAD iyo Bulshada Bariga Afrika (EAC), inuu sii wado taageerada iyo fududeynta wadahadallo wada-dhan ah oo nabadeed.

Goluhu waxa uu xusuusinaya muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo guulihii la gaaray iyo in la dardar geliyo dagaalka lagula jiro kooxaha Khawaarijta ah ee Al-Shabaab

Goluhu waxa uu go’aansanaya inuu si dhow ula socdo arrintan oo uu sii ahaado mid firfircoon oo ku hawlan.

   

Jaamacadda Carabta oo cambaareysay booqashada Wasiirka Arrimaha Dibadda Israa’iil ee Hargeysa

Qaahira: Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta, Mudane Axmed Abul-Qeyd, ayaa si adag u cambaareeyay booqashada uu maanta, 6-da Janaayo 2026, Wasiirka Arrimaha Dibadda Israa’iil ku tagay magaalada Hargeysa ee waqooyiga Soomaaliya.

Jaamacadda Carabta ayaa booqashadaas ku tilmaantay isku day fashilmay oo lagu doonayo in lagu meelmariyo tallaabada Israa’iil ee aqoonsiga gooni-isu-taagga waqooyi-galbeed Soomaaliya, taas oo ka baxsan dowladnimada Soomaaliyeed.

Abul-Qeyd wuxuu mar kale ku celiyay mowqifka cad ee Jaamacadda Carabta ee ah diidmo buuxda oo ku wajahan wax xiriir rasmi ah ama mid u eg oo lala yeesho maamul kasta oo gooni-goosad ah, kana baxsan xayndaabka madax-bannaanida Dowladda Federaalka Soomaaliya, isagoo xusay in tallaabooyinkan ay si cad u jebinayaan midnimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya, isla markaana khatar ku yihiin nabadda iyo amniga gobolka, ayna sii hurinayaan xiisadaha siyaasadeed ee ka jira Soomaaliya, Badda Cas, Gacanka Cadmeed iyo Geeska Afrika.

Afhayeenka Xoghayaha Guud, Jamaal Rashiidi, ayaa sheegay in tallaabadan oo si caalami iyo Carab ahaanba loo diiday, lana cambaareeyay ay Golaha Jaamacadda Carabta kulankii 28-kii Diseembar 2025 ku tilmaameen mid baadil ah, waxba kama jiraan, isla markaana aan la aqbali karin.

Wuxuu intaas kusii daray inuu jiro walaac ku saabsan isku dayo lagu fududeynayo qorshayaal lagu barakicinayo shacabka Falastiin, iyo in dekedaha Soomaaliya loo adeegsado dhisidda saldhigyo ciidan.

Jaamacadda Carabta ayaa xaqiijisay inay sii wadi doonto taageerada siyaasadeed iyo tan farsamo ee ay siiso hay’adaha Dowladda Soomaaliyeed, si looga hortago isku day kasta oo lagu abuuro meelo khilaaf cusub ah oo wiiqa xasilloonida iyo midnimada dalka, ama lagu waxyeelleeyo marin-biyoodka Carbeed ee istaraatiijiga ah.

Dowladda Soomaaliya oo cambaareysay socdaalka wasiirka arrimaha dibadda Isreal ee Hargeysa

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si adag u cambaareyneysaa duullaankii qaawanaa ee Wasiirka Arrimaha Dibadda Israa’!!l uu ku soo qaaday Hargeysa, oo ah qayb muhiim ah oo aan la kala saari karin oo ka mid ah dhulka madaxa-bannaan ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Tallaabadani waxay ka dhigan tahay xadgudub weyn oo lagula kacay madaxbannaanida Soomaaliya, sharafta dhuleed, iyo midnimada siyaasadeed, waxayna u taagan tahay faragelin aan la aqbali karin oo lagu sameeyey arrimaha gudaha ee Dowlad Madaxbannaan oo ka tirsan Qaramada Midoobay.

Hargeysa waxay ka dhigan tahay qayb aan la iska indho tiri karin oo ka mid ah dhulka caalamiga ah ee la aqoonsan yahay ee Soomaaliya. Joogitaan rasmi ah, xiriir, ama fal kasta oo laga sameeyo gudaha dhulka Soomaaliya, iyadoo aan la helin oggolaansho cad iyo oggolaansho Dowladda Federaalka Soomaaliya waa sharci darro, waxba kama jiraan, mana laha ansax sharci ama saameyn.

Ficillada noocaas ah waa kuwo aan waafaqsanayn mabaadi’da iyo ujeeddooyinka Axdiga Qaramada Midoobay, Xeerka Dastuurka ee Midowga Afrika, iyo xeerarka la dejiyay ee maamula xiriirka ka dhexeeya dowladaha madaxa-bannaan, oo ay ku jiraan mabaadi’da sinnaanta madaxbannaanida, sharafta dhuleed, iyo faragelin la’aanta.

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay ugu baaqaysaa Israa’iil inay si degdeg ah u joojiso dhammaan falalka wax u dhimaya madaxbannaanida, midnimada, iyo sharafta dhuleed ee Soomaaliya, iyo inay si buuxda u ixtiraamto waajibaadka saaran sharciga caalamiga ah.

Soomaaliya waxay sidoo kale ku boorinaysaa Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Jaamacadda Carabta, Ururka Iskaashiga Islaamka, iyo dhammaan la-hawlgalayaasha caalamiga ah inay si cad oo aan mugdi ku jirin u xaqiijiyaan taageeradooda mabda’a leh ee madaxbannaanida Soomaaliya, midnimada, iyo xuduudaha caalamiga ah ee la aqoonsan yahay.

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaa ka qaybgalka caalamiga ah ee nabadda, diblomaasiyadda wax dhisaysa, iyo u hoggaansanaanta sharciga caalamiga ah. Isla mar ahaantaana, Soomaaliya waxay xaq u leedahay inay qaaddo dhammaan tallaabooyinka diblomaasiyadeed iyo kuwa sharci ee ku habboon, iyadoo la raacayo sharciga caalamiga ah, si loo ilaaliyo madaxbannaanideeda, midnimadeeda qaranka, iyo midnimadeeda dhuleed.

Wafdi Ballaaran oo ka socday Dowladda Turkiga ayaa Maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho

Muqdisho(Wargeyska Dalka);-waxaa Maanta Magaalada Muqdisho soo gaaray Wafdi ballaaran oo ka socday Dowladda Turkiga. Wafdigan waxaa horkacayay Taliyaha Ciidanka Gaarka ah ee Turkiga, Ünsal Hayal, waxaana ka mid ahaa Taliyaha Arrimaha Dibadda, Gökhan Demirtola iyo Taliye Xu-Xigeenka Arrimaha Dibadda, Turgay Olgun.
Masuuliyiinta Turkiga ah waxaa si rasmi ah loogu soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde, iyadoo ay halkaas ku qaabileen saraakiil ka tirsan Taliska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.
Ujeedka socdaalka Wafdigan ayaa la xiriira xoojinta Iskaashiga Amniga, kor u qaadista xiriirka labada Dal iyo wadashaqeynta dhanka Booliiska, iyadoo la filayo in ay la yeeshaan masuuliyiin sare oo ka tirsan Dowladda Soomaaliya kulammo Miro Dhal ah.

Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgal ay ka Sameeyeen Gobolka Gedo ku dilay Dhagarqabayaal ka tirsan khawaarijtaa

Gedo(Wargeyska Dalka) :- Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa fuliyay howlgal si heer sare ah loo qorsheeyay, kaas oo ka dhacay deegaanka Ceel-Cilaan, oo qiyaastii 30 kiiloomitir dhanka bari kaga beegan Degmada Bardheere ee Gobolka Gedo.

Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan isla markaana si guul leh loo fuliyay, ayaa Ciidamada Xoogga Dalka ku dileen shan (5) Dhagarqabe, kuwaas oo dhibaato joogto ah ku hayay Dadka Rayidka ah ee ku nool Deegaankaasi.

Intii uu socday Howlgalka, ciidamada ayaa gebi ahaanba burburiyay Fariisimo iyo Fadhiyo ay halkaasi ku lahaayeen kooxaha arxan-laawayaasha ah, kuwaas oo ay ku abaabuli jireen falal Amni-darro.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa mar kale adkeeyay go’aankooda ah difaaca Shacabka Soomaaliyeed iyo ciribtirka kooxaha Nabad-diidka ah, iyagoo ugu baaqay Shacabka inay la shaqeeyaan Hay’adaha Amniga.