Madaxwaynaha Qaranka oo guddoomiyey shirka golaha wasiirada oo arrimo muhiim ah looga hadlay

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulan aan caadi ahayn, ayaa looga hadlay xaaladda guud ee amniga dalka iyo howlgalladii ugu dambeeyay ee ay fuliyeen ciidanka xoogga dalka oo guulo waaweyn kasoo hooyey dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah, iyo doorashooyinkii goleyaasha deegaanka Gobolka Banaadir, ee dhowaan sida guusha ah uga qabsoomay caasimadda.

Kulanka oo uu shir-guddoomiyey Madaxweynaha JFS, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo uu weheliyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa hadal-jeedin looga dhagaystay Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo si faahfaahsan uga warbixiyay xaaladda guud ee dalka, isaga oo si weyn golaha ugu bogaadiyay kaalintii muuqatay ee ay ka qaateen qabsoomidda doorashooyinkii qof iyo codka ahaa ee casimadda ka qabsoomay 25-tii Diseembar, 2025, taas oo uu Madaxweynaha ku tilmaamay dhacdo taariikhi ah oo dad badan ay shaki ka qabeen in ay qabsoomi karto.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sidoo kale ka hadlay duulaankii qaawanaa ee lagu soo qaaday qaranimada, wuxuuna sheegay in guulo wax ku ool ah laga gaaray tallaabooyinka diblumaasiyadeed ee dowladdu kaga jawaabtay weerarkaas, isaga oo golaha kula dardaarmay in sida wadajir ah u waajahaan difaaca dalka. Madaxweynaha JFS, ayaa sidoo kale golaha wasiiradda ku booriyay in ay si midnimo, wadajir iyo wadatashi ah ku wajahaan xaaladda dalka, iyo u adeegidda shacabka Soomaaliyeed.

Golaha Wasiirrada Xukuumadda JFS, ayaa ansixiyey labo heshiis oo muhiim u ah Qaranka iyo iskaashiga dowladaha saaxiibada la ah Soomaaliya, waxa ayna kala yihiin.

1) Heshiis is-afgarad oo u dhexeeya dowladaha Soomaaliya iyo Uganda oo ku saabsan iskaashiga amniga.

2) Heshiis is-afgarad oo u dhexeeya dowladda Soomaaliya iy Boqortooyada Sacuudiga kuna saabsan iskaashiga gaadiidka badda.

Sidoo Kale golaha Wasiirrada ayaa meelmariyey Hindise-Sharciyeedyo iyo Siyaadadaha kala ah.

1) Hindise-Sharciyeedka Caddeymaha.

2) Axdiga Caalamiga ah ee Halbeegyada Tababbarka iyo Shahaado-siinta ilaalinta baxmaaxiinta 1978.

3) Xeerka dhismaha Machadka Soomaaliyeed ee Badaha.

4) Xeer-nidaamiyaha Sharciga Dhowrista Xogta Dadweynaha

5) Siyaasadda Qaran ee Naafada Soomaaliyeed

Ugu dambeyn, golaha ayaa warbixin ka dhagaystay Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta XFS, Mudane Daahir Shire Maxamed, taas oo ku saabsan howlaha soo saarista shidaalka oo dhowaan laga bilaabi doono dalka, iyo warbixin ku saabsan xaaladda abaaraha dalka taas oo goluhu ka dhageystay Hey’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SODMA.)

                 

Wasiirka Warfaafinta oo bogaadiyay Doorka Wakaaladda SONNA xilli ay u Dabaaldegayso Sanad guuradii 62-aad

Muqdisho(Wargeyska Dalka);-Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa maanta  dhambaal hambalyo iyo bogaadin u diray maamulka iyo shaqaalaha Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed (SONNA) oo u dabaaldageeyso munaasabadda xuska sannad-Guuradii 62-aad.

Wasiirka oo la hadlay Warbaahinta Qaranka  ayaa sheegay in SONNA ay tahay Isha Rasmiga ah ee Wararka Soomaaliya, isla markaana ay door muhiim ah ka qaadato gaarsiinta Wararka Dowladda  ee ku wajahan Shacabka Soomaaliyeed, iyadoo sidoo kale Caalamka u soo bandhigta Xaqiiqada ka jirta Dalka.

Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa xusay in Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ay leedahay taariikh dheer oo ku suntan hufnaan, karti iyo waajibaad-fulin, isla markaana Howlwadeennadeedu ay si Daacadnimo leh ugu Adeegaan Danta Guud, kuna xiraan Soomaaliya warbaahinta caalamka.

Wasiirka ayaa tilmaamay in SONNA ay noqotay Isha ugu weyn ee laga soo xigto Wararka Soomaaliya, gaar ahaan marka Warbaahinta Caalamku doonayaan Xog iyo Warbixinno la xiriira Xaaladda Dalka, isagoo xusay in Wakaaladdu xiriir Shaqo la leedahay in ka badan 70 Wakaaladood oo Warar Caalami ah, kuwaas oo isugu jira Telefishanno, Idaacado, Jaraa’idyo iyo Warbaahinno casri ah.

Sidoo kale, Wasiirka Warfaafinta ayaa Hambalyo Gaar ah u diray Tifaftirayaasha, wariyeyaasha, farsamayaqaannada iyo dhammaan shaqaalaha SONNA, isagoo ku ammaanay Doorkooda muuqda ee Horumarinta Warbaahinta Qaranka iyo Wacyigelinta Bulshada.

Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa xusay in Wakaaladdu Sannadihii u dambeeyay sameysay Horumar Ballaaran oo dhanka Tiknoolajiyadda iyo Casriyeynta Qalabka Warbaahinta ah, taas oo ka dhigtay mid la jaanqaadaysa Wakaaladaha Wararka ee Caalamka.

Ugu dambeyn, Wasiirka Warfaafinta ayaa Carrabka ku adkeeyay in SONNA ay door weyn ka qaadato Istaraatiijiyadda Dowlad-Dhiska Soomaaliya, gaar ahaan Tebinta Arrimaha Amniga, Dagaalka ka Dhanka ah Khawaarijta, Dib-u-Dhiska Dowladnimada, Dib-u-Heshiisiinta, Geeddi-Socodka Siyaasadeed iyo Wacyigelinta Bulshada, isagoo u rajeeyay Wakaaladda Horumar, Nabad iyo Barwaaqo, isla markaana ay sii waddo Waajibaadkeeda Qaran ee ay u hayso Shacabka Soomaaliyeed

 

 

Wakaaladda Wararka SONNA oo u Dabaaldegaysa Sanadguuradii 62-aad ee Aas-Aaskeeda

Muqdisho(Wargeysk Dalka):-Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa maanta oo Isniin ah u dabaaldegaysa Sanadguuradii 62-aad ee kasoo wareegtay markii la aas aasay, taasoo ka tarjumaysa doorkeeda muhiimka ah ee tebinta Wararka Gudaha, Gobolka iyo caalamka, iyo horumarinta xirfadda Saxaafadeed ee Dalka.

SONNA waxaa la Aas-aasay Sanadkii 1964 ,si ay u daboosho baahiyaha Warbaahinta Dowladda ee la socodka iyo baahinta Wararka Bulshada. Intii u dhaxaysay 1969-kii ilaa 1990-kii, xilligii uu talada hayay Madaxweynihii hore Maxamed Siyaad Barre, Wakaaladdu waxay noqotay Isha rasmiga ah ee Wararka Dalka.

Kadib burburkii Hay’adihii Dowliga ahaa ee Sagaashamaadkii, Wakaaladda ayaa wajahday caqabado shaqo iyo kala qaybsanaan. Si kastaba, tan iyo sanadkii 2010, Hoggaanka Siyaasadda Soomaaliya ayaa xooga saaray dib-u-Dhiska iyo Horumarinta SONNA si ay u soo celiso Doorkeedii Heer Qaran, Gobol, iyo Caalami.

SONNA waxay ku dadaaleysaa kor u qaadista awoodeeda tebinta dhacdooyinka Qaran iyo Gobol, Horumarinta Xirfadda Shaqaalaheeda Saxaafadeed, iyo tayeynta Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda Macluumaadka. Waxa kale oo Wakaaladdu Wararka ku faafisaa saddex luqadood: Soomaali, Carabi, iyo Ingiriisi, si ay u gaarto dhegeysteyaal ballaaran. Adeegyadeeda, sidoo kale, waxa ay siisaa Warbaahinta Dowladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay warar iyo Warbixinno oo ku saabsan Gudaha iyo Dibadda.

Agaasimaha Wakaaladda, Ismaaciil Cumar Mukhtaar “Oronjo,” oo ka hadlay Xuska sanad guurad 62aad ee Warkaaladda Wararka SONNA , ayaa bogaadiyay dadaallada Shaqaalaha SONNA ee qaybaha kala duwan, isagoo xusay sida ay ugu heellan yihiin soo gudbinta Wararka iyo Warbixinnada dhabta ah. Isagoo si gaar ah uga warbixiyay wax qabadka SONNA ee ku aadan tabintdhinacyada a Howlgallada Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Diyaar-arowgii Doorashooyinka Dowladaha Hoose ee Gobolka Banaadir iyo Dowladaha Xubnaha ka ah, xadgudubyada joogtada ah ee Israa’iil ku heyso Qaranimada Soomaaliya, iyo tabinta Wararka Gobolka, Caalamka, iyo Warbixinnada Bini’aadanimada.

 

 

 

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee wasaaradda

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hon. Cali Yuusuf Cali (Xoosh), ayaa kulankiisii ugu horreeyay la yeeshay Agaasimaha Guud ee cusub, Mudane Cabdulqaadir Cali.

Kulanka oo diiradda lagu saaray Howlaha Maamul iyo shaqo ee Wasaaradda, jiheynta Istaraatiijiga ah iyo qorshayaasha Mustaqbalka gaar ahaan mudnaanta Wasaaradda ee Sanadka 2026

Wasiirka iyo Agaasimaha Guud ayaa sidoo kale kawada hadlay muhiimadda ay leedahay xoojinta Howlaha hortabinta leh, sida dadaallada dib-u-Heshiisiinta,
Horumarinta Arrimaha federaalka,
taageeridda Howlaha xasillinta,
iyo kor u qaadista hufnaanta iyo waxqabadka Hay’adaha Wasaaradda.
Wasiirka ayaa sheegay in Wada-Shaqayn dhow iyo isla-xisaabtan joogto ah ay muhiim u yihiin gaarsiinta Wasaaradda Yoolalka iyo Adeegyada ay Bulshada u hayso.

   

 

 

Wasiirka Warfaafinta XJFS oo Xarigga ka jaray Istuudiyeyaasha Radio Muqdisho oo dib loo Casriyeeyay

Muqdisho(Wargeyska Dalka);-Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa maanta Xarigga ka jaray Mashruuca Casriyeynta Istuudiyeyaasha Radio Muqdisho, Codka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Munaasabadda xarig-jarka waxaa goobjoog ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda C/laahi Xayir Ducaale iyo masuuliyiin kale.

Mashruuca Casriyeynta Istuudiyeyaasha Radio Muqdisho oo soo socday muddo Sannad ah,ayaa u suurtageliyey Radio Muqdisho in uu helo Qalab Casri ah oo noocii ugu dambeeyey ah iyo in Raadiyaha uu yeesho Laba Istuudiyo oo iskumar si siman Hawada u geli kara hadii loo baahdo.

Agaasimaha Radio Muqdisho, Codka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya C/Fataax Dahir Jayte oo hadal kooban ka jeediyey munaasabadda xarig jarka Istuudiyeyaasha,ayaa Madaxda Wasaaradda ee uu Wasiirka hoggaaminayo uga mahadcelinyey taageerrada joogtada ah ee ay Raadiyaha la garab taagan yihiin, waxaana uu tilmaamay in Qalabkan oo qeyb ka mid ah uu Raadiyahu ka faa’iiday wada shaqeynta BBC Media Action.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac oo Istuudiyaha 7aad ee Radio Muqdisho ka hadlay ayaa ugu horreyn bogaadiyey Hawlwadeennada Raadiyaha, isaga oo dhinaca kalena tilmaamay in hirgelinta Mashruucaan uu qeyb ka yahay dadaallada dowladda Soomaaliya ay ugu jirto hormarinta Warbaahinta Qaranka si shacabka Soomaaliyeed loo wacyi geliyo mar walba.

   

WARSAXAAFADEED: Doorashada Golaha Deegaanka ee Gobolka Banaadir

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay Shacabka Gobolka Banaadir ku bogaadinaysaa qabsoomidda Doorashadii taariikhiga ahayd ee Golaha Deegaanka Gobolka Banaadir, oo si guul ah u dhacday 25-kii Diseembar 2025. Wasaaraddu waxay Hambalyo u diraysaa dhammaan xubnaha ku guuleystay Doorashada Golaha Deegaanka.

Doorashadan ayaa astaan u ah Horumarka Dimuqraadiyadeed ee Dalka iyo dadaallada joogtada ah ee lagu xoojinayo Dowladnimada, hannaanka Federaalka, iyo maamul wanaagga. Waxay muujisay bisayl Siyaasadeed, wacyi Bulsho, iyo ka-qaybgal ballaaran oo ay muujiyeen Shacabka Gobolka Banaadir.

Doorashada waxaa si xor iyo xalaal ah ugu tartamay Ururro Siyaasadeed oo diiwaangashan, iyadoo ay si weyn uga muuqatay ka qaybgal Dadweyne iyo kalsooni buuxda oo lagu qabo hannaanka Dimuqraadiyadeed. Tirada Codbixiyeyaasha ka qayb qaatay Doorashada waxay caddeyn u tahay rabitaanka Shacabka ee ku aaddan in ay si toos ah uga qayb qaataan hoggaaminta iyo go’aan qaadashada heer Deegaan.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta waxay si gaar ah u bogaadinaysaa Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, oo ku guuleystay in ay si hufan, daahfuran, isla markaana xirfad leh u maamuleen Doorashada Golaha Deegaanka Gobolka Banaadir.

Sidoo kale, Wasaaraddu waxay Ammaan iyo Mahadnaq u jeedinaysaa Hay’adaha Ammaanka Qaranka, kuwaas oo si xilkasnimo, feejignaan, iyo karti leh u sugay Amniga Doorashada, taasoo horseeday in Geeddi-Socodka Doorashadu si Nabad ah, hufan, isla markaana guul ku dhammaatay.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta waxay sidoo kale uga mahadcelinaysaa saaxiibada caalamiga ah ee taageeray hannaanka Doorashooyinka, isla markaana taageeray natiijada iyo in si Dimoqoraadi ah Dadka Gobolka Banaadir loo celiyey Awoodooda.

Ugu dambayn, Wasaaraddu waxay adkaynaysaa in Golaha Deegaanka Gobolka Banaadir ee la doortay uu door muhiim ah ka qaadan doono Horumarinta Adeegyada Bulshada, xoojinta isla-xisaabtanka, kor u qaadista maamul wanaagga, iyo hirgelinta Mashaariic horumarineed oo si toos ah u taabanaya Nolosha iyo Danta Shacabka Gobolka Banaadir.

 

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Gurmad u Fidiyay Shacabka ay Dhibaateeyeen Khawaarijta

Muqdisho,(Wargeyska Dalka):- Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa gurmad u fidiyay Dad Shacab ah oo Cadowga Khawaarijta ah ay Qarax kula beegsadeen aagga Degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud, xilli gaariga ay la socdeen dadkaan musaafurka ah uu kusoo jeeday Magaalada Muqdisho.

Khawaarijta ayaa Qarax miino   la beegsatay Dad Shacabka ah, waxaana ka dhashay khasaare isugu jira Dhimasho iyo Dhaawac.

Ciidamada Xoogga Dalka ayaa si degdeg ah u gurmaday, iyagoo dadkii dhaawacmay u soo qaaday Isbitaallada Magaalada Muqdisho.

       

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo booqasho rasmi ah ku jooga Riyaadh, ayaa la kulmay dhiggiisa Sacuudiga

Riyaadh(Wargeyska Dalka):-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa Booqasho Rasmi ah ku jooga Boqortooyada Sacuudi Carabiya, halkaas oo uu gelinkii dambe ee Maanta Magaalada Riyaadh kula kulmay dhiggiisa, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Amiir Feysal Bin Farxaan Bin Cabdullaahi Ala-Sacuud.

Labada Wasiir ayaa ka wada hadlay xoojinta taageerada Madax-Bannaanida iyo Wadajirka Dhulleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Intii uu kulanku socday, Wasiir Cabdisalaan ayaa muujiyey Mahadnaq Qoto dheer oo uu u hayo Mowqifka taageerada leh ee Sacuudi Carabiya ay ku garab taagan tahay Soomaaliya, isaga oo boggaadiyey garab-istaagga joogtada ah ee ay Boqortooyadu la garab taagan tahay Shacabka Soomaaliyeed iyo Midnimada Dalka.

Dhankiisa, Wasiirka Arrimaha Dibadda Sacuudiga ayaa mar kale xaqiijiyey taageerada buuxda ee Boqortooyadu u hayso Madax-Bannaanida, Midnimada iyo Wadajirka Dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isaga oo carrabka ku adkeeyey ballan-qaadka Riyaadh ee ku aaddan Amniga iyo Xasilloonida Soomaaliya, isla markaana muujiyey diidmada cad ee ay ka taagan yihiin tallaabo kasta oo khatar keeni karta.

Kulanka ayaa sidoo kale lagu falanqeeyey siyaabaha lagu xoojin karo xiriirka laba-geesoodka ah ee dhinacyada kala duwan, iyadoo la isla soo hadal qaaday xaaladaha Gobolka iyo arrimaha dan-wadaagga ah.

 

Ciidamada Kumaandooska Gor Gor oo howlgal qorsheysan fuliyay

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Ururka 203-aad, Guutada 20-aad, Qeybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor, ayaa howlgallo qorsheysan ka fuliyay deegaanka Jawad Ari ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Howlgalka oo ahaa mid si gaar ah loogu beegsanayay kooxda Khawaarijta, ayaa inta uu socday ciidanka waxa ay gacanta ku dhigeen qaraxyo khawaarijta ku dhibaateen rabtay shacabka Soomaaliyeed iyo agabyo kale oo ay ka carareen, waxana ciidanka sidoo kale soo bandhigeen goobo gabaad u ahaa khawaarijta oo ay iskaga firxadeen.

Howlgalka waxaa hoggaaminayay Taliyaha Ururka 203-aad, Guutada 20-aad, Qeybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor, Sayidnuur Daahir (Afgub), iyo Kaaliyaha Ururka, Xasan Axmed Gaabow (Xasan Yare).

Gobolka Shabeellaha Hoose waxaa ka socda howlgallo culus oo jab xooggan lagu gaarsiiyay Khawaarijta. Geesiyada isgarabsanaya ee Ciidanka XDS ayaa guulo waaweyn ka gaaray howlgaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay gobolkaas.

Ciidamada DF oo gurmad u fidiyay Shacab ay gumaadeen Khawaarijta

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa gurmad u fidiyay dad shacab ah oo cadowga Khawaarijta ah ay qarax kula beegsadeen aagga degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud, xilli gaariga ay la socdeen dadkaan musaafurka ah uu kusoo jeeday magaalada Muqdisho.

Khawaarijta ayaa qaraxaan miino oo ay la beegsatay dadkan shacabka ah, waxaana ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Ciidamada Xoogga Dalka ayaa si degdeg ah u gurmaday, iyagoo dadkii dhaawacmay u soo qaaday isbitaallada magaalada Muqdisho.