Wasiirka Gaashaandhigga oo la kulmay Ku-Simaha Safiirka Boqortooyada Ingiriiska ee Soomaaliya u Joogaa

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa Maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiir-ku-Xigeenka Safaaradda Boqortooyada Ingiriiska ee Soomaaliya, ahna Ku-Simaha Safiirka, Danjire Sam Thomas.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka laba-geesoodka ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Boqortooyada Ingiriiska, gaar ahaan iskaashiga dhinacyada difaaca, tababarrada, iyo wada-shaqeynta la dagaallanka Argagixisada.

  

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo Kormeeray fariisimada Ciidanka Xoogga Dalka ay ku leeyihiin Magaalada Beledweyne

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Taliyaha Ciidanka Dhulka Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa kormeeray fariisimada Ciidanka Xoogga Dalka ay ku leeyihiin  Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, gaar ahaan Guutooyinka 5aad iyo 29aad ee qeybta 27aad Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Taliyaha ayaa Geesiyaasha Ciidanka Xoogga Dalka kula dardaarmay xoojinta difaaca Qaranka, iyo inay dardargeliyaan waajibadka shaqo ee loo idmaday, oo ay kow ka yihiin Howlgallada ka dhanka ah Khawaarijta.

Booqashooyinkan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee Hoggaanka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ku dhiirigelinayaan, kuna xoojinayaan doorka Ciidamadu ku leeyihiin difaaca Qaranka iyo xasilinta Amniga Dalka.

        

Howlgal lagu Dilay xubno Katirsan khawaarijta oo ka Dhacay Degmada Jilib ee Gobolka Jubada Dhexe

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Wasaaradda Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixisay Hawlgal culus oo Xalay ay Ciidamada Xoogga Dalka ka fuliyeen Degmada Jilib ee Gobolka Jubada Dhexe.

War-Saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Ciidamada Kumaandooska Danab ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay Xalay fuliyeen Hawlgal gaar ah oo si qorsheysan loogu beegsaday Maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta.

Hawlgalkaas ayaa lagu dilay 15 Dhagarqabe, halka 8 kale Gacanta lagu dhigay. Hawlgalka oo dhacay xilli Habeen ah ayaa muujinaya kororka awoodda Hawlgaleed ee Ciidamada Xoogga Dalka, gaar ahaan adeegsiga Gaadiidka Cirka, taas oo suuragelisay in la ballaariyo Hawlgallada laguna gaaro cadowga Goob kasta iyo waqti kasta

 

Ciidamada Xoogga Dalka oo la wareegay deegaanka Jilib Marka

Ciidamada Kumaandooska Gor Gor oo kaashanaya guutada 14-ka October iyo NISA ayaa si raami gacanta ugu dhigay deegaanka Marka ee gobolka shabeaha hoose ka dib howlgal qorsheysan oo ay ciidamadu fuliyeen.

Maleeshiyaadkii Khaawarijta ee sida dhuumaaleysiga u joogay deegaankaas ayaa firxday ka dib markii au ka war heleen in ciidamada Dowladda ay ku soo wahajan yihiin. Hadda deegaanka Jilib Mark waa degan yahay waxaanna ku sugan ciidamada isgarabsanaya ee Xoogga Dalka.

Dadka deegaanka oo qaatinka taagnaa Baadda iyo cagajugleynta Khawaarijta ayaa si weyn u soo dhoweeyay ciidamada Qaranka ee deegaanka gaaray, iyagoo uga mahadceliyay dhibka ay khawaariijta ku hayeen ee ay ka

Mas’uiliyiinta ka soo jeeda Waqooyi Bari iyo Awdal oo ka soo horjeestay Aqoonsiga Somaliland

Wasiirrada iyo Xildhibaanada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Waqooyi Bari iyo Gobolka Awdal oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa si adag uga soo horjeestay aqoonsi beenaadka Israaiil ee gobollada Waqooyi.

Halkan hoose ka akhriso warka ay soo saareen:-

   

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuummadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Macalim Fiqi oo goor dhaweed la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa Faahfaahin ka bixiyey hawlgalo is xig xigay oo Ciidanka Qaranka oo kaashanaya Saaxiibada Caalamiga ahi ka fuliyeen Gobollada Dalka.

Wasiirka Fiqi ayaa ugu horayn xaqiijiyey in la dilay horjooge sare Eng Cabdullaahi Cismaan Maxamed Abuukar oo loo yaqaanay kooxda guddaheeda( Eng Ismaaciil) kaasoo Kooxda Khawaarijta u qaabilsanaa Qaraxyada,Amniga Guddaha iyo Hawlgalada Dibadda ayaa lagu dilay hawlgal ka dhacay Degmada Jilib ee Gobolka Jubadda Dhexe halkaas oo Xarun u ahayd Kooxda khawaarijta ahna Goobta khawaarijta ku bixiso tababbarada ay siiso naftood haligeyaasha, Eng Ismaaciil ayaa loo diyaarinayey inuu noqdo horjoogaha bedeli doona horjoogaha khawaarijta Axmed Diiriye.

Qaraxyada uu fuliyey Eng Ismaaciil ayaa waxa ka mid ahaa Qaraxii Ceel gaabta ee ka Dhanka ahaa Madaxweyanaha Qaranka,Weerarkii Godka jilacow,Qaraxii ka dhacay Kuliyadda jaalle Siyaad, Qaraxii Zoobe 2017,Hargaha iyo Saamaha iyo qaar kale oo badan kuwaasoo lagu laalay kumanaan Shacab ah oo aan  waxba galabsan.

Horjoogaha labaad ee hawlgalkan lagu dilay ayaa ah Cabdikariim Maxamed Xirsi Qoorleex,ninkan ayaa ka tirsanaa qaybta Khawaarijta u qaabilsanaa qaybta dibedda isagoo hawlgalo argagixiso ka fulin jiray Dalalka Dariska, intii ninkan la dilay waxaa Kooxdka khawaarijta ku dhacay khal khal iyo isku dhex yaac baahsan taas oo khatar gelinaysa jiritaankooda.

Wasiirka Gaashaandhigga ayaa si weyn ugu Mahadceliyey Haya’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA oo keentay Xogta horjoogeyaashan Wasiirka ayaa sidoo kale u Mahadceliyey Hawlgalka la Dagaalanka Argagixisadda ee Dowladda Maraykanka.

Dhinaca kale, Wasiirka wuxuu xaqiijiyey in hawlgal Xalay ka dhacay Deegaanka Buulla-fulaay ee Gobolka Baay lagu dilay 20 Horjooge sidoo kalena lagu burburiyey Idaacadii Andulus ee Dadka lagu marin habaabin jiray ee Kooxda khawaarijta ay lahayd.

Wasiirka ayaa sidoo kale xaqiijiyey in Shalay weerar ka dhacay Wargaadhi Khawaarijta looga dilay in ka badan 20, sidoo kalena lagaga dhaawacay 30, halkaas oo si weyn loogu jabiyey dagaalameyaasha khawaarijta.

wasiirka ayaa dhinaca kale xaqiijiyey in ciidanka Dowladda go’doomiyeen 500 oo khawaarij ah oo ku jira meel u dhow Jabad Godane kuwaas oo Dowladda ugu baaqday in ay isa soo dhiibaan, hadii ay isa soo dhiibi waayaana Dowladda soo afjari doonto Maalmaha soo socda.

Golaha Shacab ee BJFS oo ansixiyey Hindise Sharciyeedka Daawada

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan ay maanta yeesheen ku ansixiyay Hindise-Sharciyeedka Sharciga Daawada.

Hindisahaas waxaa oggolaaday 141 Xildhibaan, hal xildhibaan ayaa ka aamusay, mana jirin Xildhibaan diiday.

Markii ay Soomaaliya Tallaabo horay u qaadaba Maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)

Dowladda Soomaaliya ayaa u ahadcelisay Dalalka iyo Hey;adaha Caalamiga ah ee sida xilkasnimada leh u hor-istaagay damaca Israel ee ay ku doonaayeen in ay aqoonsi u fidiyaan Maamulka Soomaaliland. Qoraal ay soo saareen Dowladda Soomaaliya ayaa Mahadcelin ballaaran loogu jeediyay Dalalka iyo Hay’adaha Caalamiga ah ee taageeray Madaxbannaanida, Wadajirka iyo Midnimada Dhuleed ee Soomaali XJFS oo ka duulaysa mas’uuliyadda Dastuuriga ah ee saaran, waxa ay mudnaan gaar ah siisay adkaynta Midnimada Dalka, iyaga oo qaadday tallaabooyin siyaasadeed, kuwo  sharci iyo hab Diblomaasi ah oo lagu ilaalinaayo Wadajirka Dhuleed iyo Madax-bannaanida Qaranka Soomaaliya.

Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya  ayaa 1-da Bisha Janaayo ee sanadka 2026-ka si rasmi ah ula wareegtay Guddoominta Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, waxayna muddada bisha ee lagu guda jiro noqon doontaa Dalka shir-Guddoominaya  Golaha Ammaanka, waxaana la filayaa in ay hagaan kulamada muhiimka ah ee looga hadlayo Nabadda iyo Amniga Caalamka. Tallaabadan ayaa ah mid Taariikhi ah oo muujinaysa kororka doorka Diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo sida ay uga muuqanayso go’aannada Caalamiga ah.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Wakiilka Joogtada ah ee Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay ayaa sheegay in xilkaan uu yahay fursad qaali ah oo lagu muujinayo in Soomaaliya ay diyaar u tahay hoggaan iyo kaalin muuqata oo Caalami ah, iyadoo Guddoominta Golaha Ammaanka ee QM uu si wareeg ah ugu dhacdaa Waddamada xubnaha ka ah  Bil kasta, waxayna Soomaaliya ay haatan hoggaanka u hayso markii ugu horreysay muddo tobannaan sano ah. Tani waxay astaan u tahay dib-u-soo kabashada iyo horumarka laga gaaray xasilloonida iyo xiriirka Caalamiga ah ee Dalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiye mudane Rajab Dayib Erdogan ayaa mar uu Salaadii Jimcaha ee shalay ka hadlayey Masjid Cali Bin Abii Dhaalib ee magaalada Stanbul  ayaa Natanyahu ku tilmaamey Fircoonka Xiligaan  Sidaa Darteed Maalin waa loo Ciqaabi doonaa Caruurtii, Haweenkii iyo Dadkii uu ku Xasuuqey Gaza.

“Annagoo ka shaqeyneyna ka Difaacidda Dalkeenna kuwa doonaya in ay ku xadgudbaan Madaxbannaanidiisa iyo Midnimadiisa, haddana taasi nagama mashquulineyso in aan ka shaqeyno soo saarista khayraadka Dalka oo Shidaalku ka mid yahay, si Shacabkeennu u gaaro horumar iyo barwaaqo”, Sidaasi waxaa yiri Madaxweynaha JFS Dr Xasan Sheekh Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee Dalka Turkiye  ku qabtay shir jaraa’id oo wadajir ah, kaddib wada-hadallo qotodheer oo ay si gaar ah u yeesheen dhiggiisa Mudane Rajab Dayib Erdogan.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in iskaashiga Soomaaliya iyo Türkiye uu ku saleysan yahay difaaca Midnimada iyo Madax-bannaanida Dalka, la dagaallanka argagixisada iyo dhismaha Hay’ado Dowladeed oo awood leh, kuwaas oo saldhig u ah horumar waara iyo kor u qaadista Nolasha Shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jahmuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in natiijooyin rajo-gelin ah laga gaaray sahminta Shidaalka iyo Gaaska dabiiciga ah ee badaha Soomaaliya, kuwaas oo astaan u ah marxalad cusub oo ku wajahan soo kabashada Dhaqaale, Abuurista Shaqooyin iyo Maalgelinta Adeegyada Aasaasiga ah.

“Sidii aan horay u ballan qaadnay waxaan u howl galnay sidii loo ogaan lahaa, loona soo saari lahaa khayraadka Dalkeenna oo Shidaalku ugu horreeyo. Alla mahaddii maanta waxaa noo bilaabatay miradhalka howshaas iyo ka faa’iideysiga khayraadka Dalkeenna. Waa guul weyn oo taariikhi ah. Guusha sahminta Shidaalka waa guul Qaran oo Taariikhi ah, waxayna fure u tahay dib-u-dhiska Qaranka iyo Barwaaqada Shacabka Soomaaliyeed,” ayuu sii raaciyay.

Madaxweynaha ayaa hoosta ka xarriiqay in kheyraadka dabiiciga ah uu leeyahay Shacabka Soomaaliyeed, isla markaana maamulkiisu uu ku dhisnaan doono isla-xisaabtan, caddaalad iyo ilaalinta xuquuqda Jiilasha Mustaqbalka, waxaana shalay lagu shaaciyay Magaalada Istanbuul in uu soo dhaqaaqi doono Markabkii qodo lahaa Gunta hoose ee Badda, si uu u soo saaro Shidaalka iyo Gaaska ceegaaga Badaha Soomaaliya, waxaana sidaasi shaaciya Wasiirka Tamarta ee Turkiye.

Turkiga ayaa sidoo kale soo gaba gabeeyay suurta galnimada iyo naqshadeynta Deked ay ka hirgelin doonto Soomaaliya, waxaana la bilaabay Wejigii koowaad ee dhismaha.

“Maalgashigii hore ee Turkiga ayaa u furay suuqa Soomaaliya si toos ah maalgashi shisheeye, gaar ahaan Shidaalka iyo Gaaska, iyadoo Soomaaliya ay qarka u saaran tahay inay noqoto waddan laga soo saaro Saliidda”, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u sheegay Warbaahinta Qaranka Turkiga.

Dr. Xsan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Soomaaliya ay sii haysato taageerada Beesha Caalamka, inkastoo Israa’iil ay aqoonsan tahay Somaliland, balse Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in arrintani ay tahay mid xasaasi ah marka loo eego falkii ay Israa’iil dhawaan ka fulisay Bariga Dhexe, oo aan ahayn Falastiin oo keliya, balse sidoo kale Suuriya iyo Lubnaan, taasoo kor u qaaday welwelka ku aaddan ku lug lahaanshaha ay ku leedahay Badda Cas, Gacanka Cadmeed iyo Geeska Afrika, oo uu ugu yeeray “Gobol aad u kacsan,” iyadoo Soomaaliya ay horay ula dagaallameen Daacish (Daacish) iyo Al-Shabaab.

Waxaase is weydiin mudan waa maxay sababta mar walba oo ay Soomaaliya tallaabo horumar ah qaado ay u soo if baxa carqado badan ama loo qulbaa, kaasi oo ka yimaada dalal shisheeye?, sida kii Is Afgarad beenaadkii ay maamulka Soomaaliland la gashay Itoobiya 1-dii bishii Janaayo ee sanadkii 2024-kii, haatanna waxaa soo deg tiri Sahyuuniyadda Yahuuda, taasi oo Ictiraaf beenaad damacsan inay siiso qeyb ka mid ah Gobolada Waqooyi Galbeed ee ka tirsan dhulka Soomaaliyeed oo ay dhammaan caalamku ka hor yimid arrintaasi.

Su’aashaasi jawaabteeda waa iska caddahay, oo Dadka arrimahaan odorasa ayaa waxay ku soo koobeen sidan, “waxay diidan yihiin inay Soomaaliya noqono Dowlad awood badan ee ka dhisan dhinacayada siyaasadda, Millitari iyo dhaqaale, kadibna si weyn uga dhex muuqata fagaarayaasha caalamka, islamarkaana Tubta horumarka qaadda.

Ciidanka Xoogga oo kaashanaya Saaxiibada Caalamiga ayaa howlgal Qorsheysan ka fuliyey Tuulada Buula fulaay

Baay(Wargeyska Dalka):-Ciidamada Kumaandoosta Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada Caalamiga ah, ayaa xalay fuliyay howlgal gaar ah oo si heer sare ah loo Qorsheeyay, kaasi oo ka dhacay Deegaanka Buula Fulaay ee Gobolka Baay, oo ka mid ah Xarumaha ugu Waaweyn uguna muhiimsan Khawaarijta.

Ciidamada ayaa beegsaday Xarumo ay Deggenaayeen horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta, waxaana intii uu howlgalku socday lagu dilay in ka badan 20 xubnood oo isugu jiray Horjoogayaal iyo Maleeshiyaad halkaas ku sugnaa.

Sidoo kale, Ciidamada ayaa burburiyay Idaacad ku hadasha Afka Khawaarijta oo ku taallay Deegaankaas.

Hawlgalkan oo kusoo dhammaaday si guul ah, ayaa faahfaahin dheeraad ah laga sii wadaagi doonaa dadweynaha, Insha’Allaah.

Howlgalkan ayaa imaanaya iyadoo laba Maalmood ka hor Gobolka Jubbada Dhexe lagu beegsaday qaar ka mid ah horjoogayaashii ugu sarreeyay Kooxda, isla markaana shalay lagu jabiyay Khawaarijta duullaan ay kusoo qaadeen Deegaanka Wargaadhi ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Ra’iisul Wasaare Xamse oo caawa tegay Goobaha lagu nasto ee Magaalada Dhuusamareeb

Dhuusamareeb(Wargeyska Dalka):-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo safar shaqo ku jooga Dhuusamareeb, ayaa caawa tagey Goobaha lagu nasto ee Magaalada, isaga oo bogaadiyey horumarka iyo isbeddelka muuqda ee ka hirgalay Caasimadda Dowlad-Goboleedka Galmudug.

Ra’iisul Wasaaraha, oo la caweeyey Bulshadii uu la kulmay, ayaa kula dardaarmay in ay sii xoojiyaan kaalinta uga aaddan adkaynta Nabadda, kobcinta horumarka iyo xoojinta Wadajirka Bulshada.

Mudane Xamsa ayaa xusay in Amniga iyo xasilloonida ka jirta Dhuusamareeb ay saldhig u yihiin horumarka dhaqaale iyo mid Bulsho, waxa uuna ku ammaanay Ganacsatada iyo Shacabka Magaalada sida ay uga qeyb qaadanayaan dib-u-dhiska iyo horumarinta Caasimadda Galmudug.