Culimada Soomaaliyeed oo maanta khudbadii jumcaha kaga hadlay ilaalinta Midnimada Dalka

Culimada Soomaaliyeed ayaa maanta khudbadii jumcaha kaga hadlay ilaalinta midnimada dalka iyo dadka,culimada kala joogta caasimadda iyo gobolada dalka ayaa si isku mid ah meel adag uga istaagay damaca Israa’iil rabto in ay ku waxyeelayso midnimada dhulka Soomaaliyeed.

Sh Cabdillaahi Gaab oo ka mid ah culimada sida adag uga hadlay damaca yuhuuda ayaa yiri “Dhagarta Yahuuda horay ayaa Islaamka looga digay Allah ayaa Qur’aanka Kariimka ah noogu sheegay, majirto wax aan ka faa’iideyno Israa’iil”.

Sidoo kale Sheekh Daahir Caddow “Israa’iil caalamka Islaamka oo dhan dhibaato ayey ku hayaan, Dalkeenana dhibtaas ayey lasoo doonteen dalkeena”.

Ciidanka Xoogga oo Wargaadhi ku dilay horjooge iyo maleeshiyaad kale oo khawaarij ah

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo ciidamada deegaanka, ayaa fashiliyey weerar ay maleeshiyaadka Khawaarijta ku soo qaadeen deegaanka Wargaadhi ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Howlgalka difaaca iyo ka-hortagga ah ayaa lagu dilay horjoogihii hoggaaminayay maleeshiyaadka weerarka soo qaaday, iyadoo sidoo kale la gaarsiiyey jab culus oo dhimasho iyo firxadba leh maleeshiyaadkii la socday. Ciidamada Qaranka ayaa hadda baacsanaya firxadka Khawaarijta, si loo ciribtiro hadhaadigii baxsaday.

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed wuxuu xaqiijinayaa in amniga deegaanka Wargaadhi si buuxda gacanta ugu jiro ciidamada, isla markaana uusan jirin wax khatar amni ah oo hadda taagan.

Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxay mar kale adkeynayaan ballanqaadka go’an ee ciribtirka Khawaarijta, iyagoo uga digaya in fal kasta oo ay ku doonayaan inay ku carqaladeeyaan amniga shacabka lagu wajihi doono jawaab adag oo degdeg ah.

Ururka Iskaashiga Islaamka oo ka hadlay xaaladda Soomaaliya

Guddiga Fulinta ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa kulan la xiriiray dardargalinta howlaha ururka iyo la socodka xaaladda Dalka Soomaliya ku yeeshay Magaalada Jiddah ee Dalka Sacuudi Carabiya .

Kulankaan oo ka dhacay  xarunta Xoghaynta Guud ee ururka waxaa looga hadlay horumarrada ka socda dalalka islaamka iyo xaaladda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,gaar ahaan xilligaan oo oo ay muuqdaan in ay hoos u dhaceen damacii Israel ee ay ku aqoonsatay maamulka Soomaaliland.

Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Arrimaha Siyaasadda, Mudane Youssef bin Mohammed Al-Dubaie oo ku hadlaayey magaca Xoghayaha Guud Hissein Brahim Taha ayaa sheegay in midnimada, madaxbannaanida, iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Soomaaliya ay yihiin kuwo muqadis ah oo lama taabtaan ah.

Mas’uulkaasi ayaa xusay in  dalalka dunida ay xilligaan arkayaan isbeddellada degdeg ah iyo caqabadaha kale ee isku xiran, isagoo intaa raaciyay in kulankaan uu ku soo beegmayo waqti Soomaaliya ay wajahayso difaaca iyo ilaalinta madaxbannaanida iyo midnimada dheleed ee Soomaaliya.

Guddigga Fulinte ee ururka Iskaashiga Islaamka waxa ay carabka ku adkeeyeen in ay garab taagan yihiin Dowlada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,iyagoo sidoo kale cambaareeyay xadgudubka xukuumadda Israel ay ku dooneyso in ay burburiso midnimada Soomaaliya,isla markaana ay abuurto xasailooni darro ka dhacda Geeska Afrika iyo badda Cas.

Dood ku saabsan doorka qurba-joogta ee difaaca dalka oo lagu qabtay Muqdisho

Maamulka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Magaalada Muqdisho ku qabatay dood cilmiyeed ku saabsan doorka Qurbo joogta Soomaalida ay ka qaadan karaan difaaca dadka iyo dalka.

Dooddaan oo ay ka soo qeybgaleen qaar kamid ah maamulka wasaaradda iyo qurbo joogta Soomaalida eek u sugan Magaalada Muqdisho waxaa la isku dhaafsaday qodobbo badan oo ay ku jireen sida looga hortagi karo damaca cid kasta oo isku dayda in ay kala dhantaasho madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Kulankii dood cilmiyeedkaan waxaa ka hadlay xoghayaha joogtada  ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xamsa Aadan Xaadoow iyo Agaasimaha Waaxda Jaaliyadaha iyo Qurbo jogta Soomaaliya Ibrahim Guure Maxamed iyo xubno kale.

Kulanka oo inta badan looga hadlay damaca Israel ee kala goynta dhulka Soomaaliya waxaa qaar kamid ah qurbo joogta oo soo gudbiyay doodooda ay muujiyeen sida ay diyaarka ugu yihiin in ay dalka ku difaacaan af,addin iyo maal.

Maskaxdii Qaraxyada Khawaarijta oo lagu Dilay Howlgal Qorsheysan

Saaxiibada caalamka oo kaashanaya Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgal bartilmaameed ah oo 10-kii bishii December ay ka fuliyeen degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe ku dilay labo horjooge oo sare, kuwaas oo kala ah Cabdullaahi Cismaan Maxamed, oo magaciisa afgarashadu ahaa Injineer Ismaaciil, iyo Cabdikariin Maxamed Xersi (Qoorleex).

Horjooge Injineer Ismaaciil waxa uu ka mid ahaa horjoogeyaasha ugu sarreeya uguna khatarta badan cadowga Khawaarijta, isaga oo ahaa horjoogaha iyo Maskaxda qaybaha Qaraxyada, maleeshiyaadka ay ugu yeeraan Amniyaadka iyo qeybta marin-habaabinta Al-Kataaib.

Injineer Ismaaciil oo ka mid ahaa horjoogeyaasha sida gaarka ah loogu doonista badnaa cadowga ayaa madaxiisa waxaa saarnaa lacag dhan 5 milyan oo doollar, waxa uuna door weyn ku lahaa abaabulka qaraxii 14-kii Oktoobar iyo qaraxyo kale oo badan oo lagu beegsaday hantida iyo dhiigga shacabka Soomaaliyeed.

Dhanka kale, horjooge Cabdikariin Maxamed Xersi (Qoorleex), oo isna ka tirsanaa qaybta marin-habaabinta Khawaarijta, ayaa si gaar ah u qaabilsanaa deegaannada Jubbooyinka.

Howlgalkan oo ahaa mid bartilmaameed ah oo si heer sare ah loo qorsheeyay ayaa u dhacay si guul ah, waxaana lagu soo afjaray halistii iyo dhibaatooyinkii ay horjoogeyaashan ku hayeen ummadda Soomaaliyeed.

DHAMMAAD

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo soo xiray shirka Mac-hadka Heritage ee ka socday magaalada Dhuusamareeb

Dhuusamareeb:-Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in shirku ku soo aaday xilli dalka uu ku jiro isbeddel weyn oo dhinacyada amniga, dhaqaalaha, horumarka iyo diblomaasiyadda ah, isaga oo tusaale u soo qaatay doorashadii caasimadda oo si nabad ah u qabsoontay, muwaadiniintuna ay si kalsooni leh u codeeyeen.

Waxa uu xusay in horumarka dhinacyada amniga iyo diblomaasiyadda ee dalkeenna ka jira ay suurageliyeen in laga hortago xadgudubyo qarannimada dalka , isaga oo bogaadiyey saaxiibbada caalamiga ah ee taageeray midnimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya. Sidoo kale, wuxuu ka hadlay xaaladda bani’aadannimo ee dalka ka jirta, isaga oo sheegay in abaaruhu ay saameeyeen ku dhowaad 4.4 milyan oo qof, kuwaas oo u baahan gurmad degdeg ah.

Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu caddeeyey in Soomaaliya aysan aqbalayn wax kasta oo wiiqaya gobonimada iyo midnimada dalka, isla markaana ay diyaar u tahay nabad iyo iskaashi ku dhisan dan-wadaag. Waxa uuna adkeeyey in isku day kasta oo lagu kala qaybinayo dalka ay si mideysan uga hortagayaan dowlad iyo shacabba.

Dhanka kale , Mudane Xamsa ayaa shaaciyay in qodista shidaalka bisha May ee sanadkan ay ka bilaaban doonto deegaanada Galmudug meel ka mid ah.

Ugu dambayn, wuxuu ugu baaqay siyaasiyiinta Soomaaliyeed midnimo iyo wada-hadal, isaga oo xusay in gogosha wadahadalka ay ka furantahay Muqdisho.

       

        

Hantidhowraha Guud ee qaranka oo maanta saxiixay Qorshaha Guud ee Baarista sannadka 2026

Hantidhowraha Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta saxiixay Qorshaha Guud ee Baarista sannadka 202, (Annual Overall Audit Plan – 2026). Qorshahan sanadlaha ah ayaa hagaya dhammaan hawlaha baarista ee Xafiiska Hantidhowrka Guud, inta lagu jiro sannadkan, wuxuuna si cad u qeexayaa habka fulinta baarista hantidhowr ee hay’adaha dowladda, jihada guud, mudnaanta, iyo baaxadda baarista, mashaariicda, iyo qaar ka mid ah nidaamyada tiknoolojiyadda ee ay dowladdu adeegsato.

Qorshuhu wuxuu ku saleysan yahay Qiimeynta Khatarta (Risk Assessment), u hoggaansanaanta sharciga, iyo heerarka caalamiga ah ee hantidhowrista, isaga oo hubinaya in adeegsiga dhaqaalaha iyo lacagta caddaanka ah ee dowladda uu ku dhisan yahay u adeegidda danta guud.

Qorshaha Guud ee Baarista 2026 wuxuu ka kooban yahay dhammaan noocyada baarista ee ku qeexan Sharciga Hantidhowrka ee JFS, oo ay ka mid yihiin baarista warbixinada maaliyadeed, baarista mashaariicda ay maalgeliyaan deeq-bixiyeyaasha, baarista u hoggaansanaanta sharciga, baarista waxqabadka, iyo baarista nidaamyada tiknoolojiyadda iyo macluumaadka. Ujeeddada Isku-dhafka noocyadan kala duwan ee baarista ayaa ah in Hantidhowrka Guud uu si buuxda u guto waajibaadka iyo mas’uuliyadda ka saaran fulinta shuruucda dalka iyo dhaqangelinta heerarka caalamiga ah ee hantidhowrista.

Natiijada laga filayo hirgelinta Qorshaha Guud ee Baarista 2026 waxaa ka mid ah horumarinta nidaamka maamulka maaliyadda dowladda, dardargelinta fulinta iyo dhaqangelinta talooyinka ka soo baxa baarista hay’adaha dowladda, iyo kordhinta kalsoonida dadweynaha.

Qorshuhu wuxuu sidoo kale gacan ka geysanayaa hagaajinta go’aan-qaadashada hoggaanka sare ee dowladda iyo xaqiijinta in dhaqanka isla-xisaabtanka iyo daahfurnaantu noqdaan kuwo si joogto ah ugu xididada nidaamka dowladnimada.

  

Ciidamada Qaranka oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa xalay ilaa saaka hawlgalo duqayn ah ka fuliyay Jabad Godane

Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa xalay ilaa saaka fuliyay howlgallo duqayn ah oo is xigxigay, kuwaas oo lagu bartilmaameedsaday maleeshiyaadka Khawaarijta Al-Shabaab ee ku sugnaa deegaanka Jabad Godane, gobolka Shabeellaha Dhexe.

Howlgalladan ayaa lagu dilay 29 xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta, waxaana sidoo kale lagu burburiyay gaadiid iyo hub ay qorsheynayeen in ay ku fuliyaan falal argagixiso oo ka dhan ah shacabka. Tani waxay si weyn u wiiqday awooddooda dagaal iyo abaabul.

Wasaaradda Gaashaandhigga waxay uga mahadcelinaysaa saaxiibada caalamka taageerada joogtada ah ee dhanka iskaashiga amni, xog-wadaagga, iyo awood-siinta hawlgallada lagu ciribtirayo argagixisada.

Sidoo kale, Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxay mar kale ballanqaadayaan in howlgallada ka dhanka ah argagixisada ay sii socon doonaan ilaa laga xaqiijiyo nabadda iyo xasilloonida guud ee dalka.

Ra’iisul wasaaraha XFS oo si diirran loogu soo dhoweeyey Dhuusamareeb

Dhuusamareeb:- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta soo gaaray magaalada Dhuusamareeb, caasimadda Dowlad-goboleedka Galmudug, halkaas oo ay si diirran ugu soo dhaweeyeen Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Madaxweyne ku-xigeenka, xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada Galmudug, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa inta uu ku sugan yahay Dhuusamareeb ka qeybgali doona Madasha Aragti-wadaagga ee Heritage, oo sannadkan diiradda lagu saarayo arrimo la xiriira siyaasadda, amniga, dib-u-dhiska hay’adaha dowladda Soomaaliya.

Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulamo la yeelan doona hoggaanka Maamulka Galmudug, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, isaga oo ka dhageysan doona aragtiyadooda iyo talooyinkooda ku aaddan nabadda, horumarka iyo midnimada dalka.

               

Hirgelinta Sharciga Kaarka Aqoonsiga ee Safarada Gudaha oo dib loo dhigay

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in dib loo dhigay hirgelinta go’aankii hore ee ahaa in qof aan haysan Kaarka Aqoonsiga Qaranka uusan safri karin gudaha dalka.

War kasoo baxay Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa lagu sheegay in go’aankaasi oo horey loogu qorsheeyay inuu dhaqan galo 1-da Janaayo 2026, dib loo dhigay, isla markaana uu dhaqan geli doono 1-da Maarso 2026, si shacabka Soomaaliyeed loo siiyo waqti dheeri ah oo ay ku diyaarsadaan qaadashada Kaarka Aqoonsiga Qaranka.

Hay’addu waxay mar kale ku boorrisay shacabka Soomaaliyeed inay ka faa’iideystaan muddadan dheeraadka ah, isla markaana ay qaataan Kaarka Aqoonsiga Qaranka ka hor taariikhda cusub ee loo asteeyay hirgelinta go’aankan.