Soomaaliya oo la wareegtay Shir guddoonka Golaha Ammaanka ee Q.M

Dowladda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ayaa maanta oo ah kowad bisha Janaayo ee sanadka 2026-a si rasmi ah ula wareegtay guddoominta Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Soomaaliya ayaa muddada bisha ee lagu guda jiro noqon doonta dalka shir-guddoominaya  Golaha Ammaanka,waxaana la filayaa in ay hagaan kulamada muhiimka ah ee looga hadlayo nabadda iyo amniga caalamka.

Tallaabadan ayaa ah mid taariikhi ah oo muujinaysa kororka doorka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo sida ay uga muuqanayso go’aannada caalamiga ah.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Wakiilka Joogtada ah ee Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay ayaa sheegay in xilkaan uu yahay fursad qaali ah oo lagu muujinayo in Soomaaliya ay diyaar u tahay hoggaan iyo kaalin muuqata oo caalami ah.

Guddoominta Golaha Ammaanka ee QM waxay si wareeg ah ugu dhacdaa waddamada xubnaha ka ah  bil kasta, iyadoo Soomaaliya ay haatan hoggaanka u hayso markii ugu horreysay muddo tobannaan sano ah. Tani waxay astaan u tahay dib-u-soo kabashada iyo horumarka laga gaaray xasilloonida iyo xiriirka caalamiga ah ee dalka.

Dowladda Soomaaliya oo ka mahadcelisay taageerada dunida ee ilaalinta midnimada dalka

Dowladda Soomaaliya ayaa u mahadcelisay dalalka iyo hey;adaha caalamiga ah ee sida xilkasnimada leh u hor-istaagay damaca Israel ee ay ku doonaayeen in ay aqoonai u fidiyaan Maamulka Soomaaliland.

Qoraal ay soo saareen Dowladda Soomaaliya ayaa mahadcelin ballaaran logu jeediyay dalalka iyo hay’adaha caalamiga ah ee taageeray madaxbannaanida, wadajirka iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Xukuumadda XFS oo ka duulaysa mas’uuliyadda dastuuriga ah ee saaran, waxa ay mudnaan gaar ah siisay adkaynta midnimada dalka, iyada oo qaadday tallaabooyin siyaasadeed,kuwo  sharci iyo hab diblomaasi ah oo lagu ilaalinaayo wadajirka dhuleed iyo madax-bannaanida Qaranka oomaaliya.

Wasiirka arrimaha dibadda oo kulan khadka Teleefanka ah la yeeshay dhigiisa Sucuudiga

Wasiirka arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga caalamiga ah  mudane Cabdisalaam Cabdi Cali ayaa maanta khadka telefoonka kula hadlay dhiggiisa Amiir Faysal bin Farxaan bin Cabdullaah Al-Sacuud wsiirka arrimaha dibadda ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Wadahadalka waxa ay diiradda ku saareen labada wasiir xaaladaha ka taagan Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka geeska Afrika.

Intii uu socday wadahadalka, Wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya waxa uu muujiyey mahadnaq iyo qaddarin ku aaddan mowqifka mabda’a ku dhisan iyo taageerada joogtada ah ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya ay siiso dadaallada Soomaaliya ee lagu ilaalinayo midnimadeeda iyo wadajirkeeda dhuleed.

Dhankiisa, Amiir Faysal bin Farxaan waxa uu mar kale xaqiijiyey taageerada aan leex-leexadka lahayn ee Boqortooyada ay u hayso madax-bannaanida iyo wadajirnaanta dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyo sida ay uga go’an tahay xasilloonida Geeska Afrika.

Ra’iisul wasaaraha XFS oo Xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Shiinaha u jooga Dalka Soomaaliya

Muqdisho(Wargeyska Dalka):- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Jamhuuriyadda Dadka Shiinaha u qaabilsan Soomaaliya, Mudane Wang Yu, iyaga oo ka wada- hadlay sidii meel looga soo wada jeesan lahaa faragelinta qaawan ee Isra’iil ku soo qaadday Madax-Bannaanida Dhuleed ee Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo difaaca danaha labada Dal ee ku dhisan iskaashiga Amniga iyo siyaasadda.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa Danjiraha la wadaagay sida ay Dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’an tahay difaaca danaha Qaranka, ilaalinta Midnimada iyo Wadajirka Dhuleed ee dalka, iyo dadaallada joogtada ah ee lagu ciribtirayo kooxaha argagixisada si loo xaqiijiyo Amniga iyo Nabadda guud ee Soomaaliya.

Danjiraha Dowladda Shiinaha Mudane Wang Yu, ayaa caddeeyay in Dowladdiisa ay si buuxda u taageersan tahay Midnimada Dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayna ka go’an tahay ixtiraamka Madax-Bannaanida, iyo Wadajirka Shacabka Soomaaliyeed, isaga oo xusay in ay mar walba garab taagan yihiin Shacabka iyo Dowladda Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa uga mahadceliyay Danjiraha, garab istaagga Jamhuuriyadda Dadka Shiinaha, ee ay kaga falcelisay tallaabadii ay Isra’iil ku faragelisay iyo sidii ay moowqifkeeda uga caddeeyeen kulankii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee lagu difaacayay Midnimada, Madax-Bannaanida iyo Wadajirka Dhuleed ee Jamhuuriyadda Soomaaliya.

    

 

Isku soo Bax looga soo horjeedo xadgudubka Israa’iil, laguna taageerayo Midnimada iyo Wadajirka Umadda Sommaliyeed oo ka dhacay Magaalada Jowhar

Jowhar(Wargeyska Dalka):-Magaalada Jowhar, Xarunta Gobolka Shabeelada Dhexe, waxaa si weyn uga socda Dibad bax ballaaran oo Shacabka Magaalada ay uga dhiidhinayaan gardarrada Israa’iil iyo faragelinta ay ku hayaan kala-goynta Dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Shacabka ku nool Magaalada Jowhar ayaa Maanta Banaan baxaan ku muujiyay sida ay uga go’an tahay inay difaacaan Midnimada Dalka, iyagoo cambaareeyay faragelinta Dibadda iyo isku dayga lagu wiiqayo Madax-bannaanida Soomaaliya.

   

    

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Maanta Xarigga ka jaray Dhismaha Waddada Nasiib Buundo qeybteeda Degmada Shibis

Muqdisho(Wargeyska Dalka):- Guddoomiyaha  Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta si rasmi ah xarigga uga jaray Waddada Nasiib Buundo, qeybteeda Degmada Shibis, taas oo si buuxda loo dhammaystiray, kana mid ah Mashaariicda Horumarineed ee ka socda Caasimadda Muqdisho.

Guddoomiyaha oo ka hadlayay Munaasabadda ayaa sheegay in waddadan ay tahay mid tayo sare leh, isla markaana 100% ay maalgelisay Dowladda Hoose ee Muqdisho, taas oo muujinaysa Dadaalka Maamulka ee Horumarinta Kaabeyaasha Dhaqaalaha, Bilicda iyo isu-socodka Magaalada.

Sidoo kale, Guddoomiyuhu waxa uu u Mahadceliyey Shirkadda Al-Buruuj ee fulisay Mashruuca, isaga oo xusay in Heshiiska lala galay uu dhigayo Mas’uuliyad buuxda oo la xiriirta tayada Dhismaha. Waxa uu Bulshada Degmada Shibis ugu baaqay inay ilaaliyaan Nadaafadda Waddada, halka Maamulka uu ballan qaaday in Shaqaale Nadaafadeed loo xilsaarayo qaybo ka mid ah Waddada.

Waddada Nasiib Buundo, oo isku xirta jidka Beexaani ilaa Maanaboolyo, ayaa qeyb ka ah Qorshe Ballaaran oo Horumarineed, iyadoo la bilaabay wajiga labaad ee Dariiqan oo ka billaabanaya Boondheere kuna eg darbiga Madaxtooyada Qaranka. Mashruucan ayaa sidoo kale lagu rakibay leerarka ku shaqeeya Tamarta Cadceedda (Solar) si loo xoojiyo Amniga Habeenkii.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho ayaa xusay in laga billaabo Sanadka 2026, inta badan Waddooyinka Muqdisho loo rogi doono Laami Casri ah.

Sidoo kale Gudoomiyuhu,wuxuu  Carabka ku adkeeyey in Soomaaliya aan la kala jari karin, kuna baaqay Midnimo, Wadajir iyo isku Duubni Ummadda Soomaaliyeed ay tahay waajib .

    

Deegaannada Maamul Gobolleedka Hirshabeelle oo Maanta ay ka socdaan isku soo baxyo waaweyn

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-waxaa weli Gobolada iyo Degmooyinka dalka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ka sii soconaya isu soo baxyada shacabka Soomaaliyeed ku diidan yihiin farogelinta qaawan ee Israa’iil ku soo qaaday midnimada iyo gobanimada Soomaaliya.

Isu soo baxyada ayaa shalay si xooggan uga dhacay Gobolka Banaadir,maamulada Galmudug,Waqooyi Bari iyo Koonfur galbeed.

Maanta waxa isu soo baxyo waaweyn ka socdaan gobolada iyo deegaanada Dowlad goboleedka Hirshabeelle halkaas oo shacabka Soomaaliyeed ku soo bandhigayaan shucuurtooda waddanimo ee ay ku difaacayaan midnimada dalka.

Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ayaa si weyn dunida ugu muujiyey sida ay uga go’an tahay in ay difaacdaan midnimada dalkooda,sidoo kale Beesha caalamka iyo ururrada Caalamiga ayaa dhammaantood ka hor yimid damaca gurracan ee Israa’iil ku farogelisay midnimada dhulka Soomaaliya.

            

Ciidamada Xoogga Dalka oo hawlgal ka hortag ah ka fuliyey Shabeellaha hoose

Marka: Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Kumaandooska Gorgor iyo Ciidamada Hay’adda Nabadsugida Qaranka, oo dhawaan la wareegay deegaanada Gendershe iyo Dhanaane ee Gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa cagta mariyay maleeshiyaad ka tirsan khawaariijta oo isku dayday in ay ku dhuumaaleeytaan dhulka keymaha ah.

Ciidanka Qaranka, oo ka feejigan dhagarta khawaarijta, ayaa dul tegay godadkii khawaarijta ee deegaanka Gendershe, halkaas oo ay ka carareen ka dib weerar dhowr jiho ah oo lagu qaaday.

Saraakiisha Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa Hay’adda Nabadsugida Qaranka ayaa la wareegay barihii khawaariijta ugu muhiimsanaa ee gobolka Shabeellaha Hoose, sida uu warbaahinta Qaranka u sheegay Taliyaha Qaybta Koowaad ee Kumaandooska Gorgor, Gaashaanle Dhexe Saahid Jaamac Faarax Jareere.

Howlgalada ka socda gobolka Shabeellaha Hoose ayaa lagu naafeeyay khawaarijta, waxaana la dilay horjoogayaal muhiim u ahaa, iyadoo laga qabsaday deegaanada muddo ay isku dayayeen in ay difaacaan.

      

Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Turkiga oo Istanbul ku soo bandhigay guusha sahminta shidaalka Soomaaliya

Istanbul: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhiggiisa Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay Türkiye Mudane Recep Tayyip Erdoğan ayaa magaalada Istanbuul ku qabtay shir jaraa’id oo wadajir ah, kaddib wada-hadallo qotodheer oo ay si gaar ah u yeesheen.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in iskaashiga Soomaaliya iyo Türkiye uu ku saleysan yahay difaaca midnimada iyo madax-bannaanida dalka, la dagaallanka argagixisada iyo dhismaha hay’ado dowladeed oo awood leh, kuwaas oo saldhig u ah horumar waara iyo kor u qaadista nolasha shacabka Soomaaliyeed.

“Annagoo ka shaqeyneyna ka difaacidda dalkeenna kuwa doonaya in ay ku xadgudbaan madaxbannaanidiisa iyo midnimadiisa, haddana taasi nagama mashquulineyso in aan ka shaqeyno soo saarista khayraadka dalka oo shidaalku ka mid yahay, si shacabkeennu u gaaro horumar iyo barwaaqo”.

Madaxweynaha Jahmuuriyadda ayaa ku dhawaaqay in natiijooyin rajo-gelin ah laga gaaray sahminta shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah ee badaha Soomaaliya, kuwaas oo astaan u ah marxalad cusub oo ku wajahan soo kabashada dhaqaale, abuurista shaqooyin iyo maalgelinta adeegyada aasaasiga ah.

“Sidii aan horay u ballan qaadnay waxaan u howl galnay sidii loo ogaan lahaa, loona soo saari lahaa khayraadka dalkeenna oo shidaalku ugu horreeyo. Alla mahaddii maanta waxaa noo bilaabatay miradhalka howshaas iyo ka faa’iideysiga khayraadka dalkeenna. Waa guul weyn oo taariikhi ah”.

“Guusha sahminta shidaalka waa guul qaran oo taariikhi ah, waxayna fure u tahay dib-u-dhiska qaranka iyo barwaaqada shacabka Soomaaliyeed.”

Madaxweynaha ayaa hoosta ka xarriiqay in kheyraadka dabiiciga ah uu leeyahay shacabka Soomaaliyeed, isla markaana maamulkiisu uu ku dhisnaan doono isla-xisaabtan, caddaalad iyo ilaalinta xuquuqda jiilasha mustaqbalka.

Dhankiisa, Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan ayaa mar kale xaqiijiyay sida ay Türkiye uga go’an tahay garab-istaagga Soomaaliya, isaga oo yiri:

“Waxaa naga go’an adkeynta madax-bannaanida Soomaaliya iyo in aan si wadajir ah uga shaqeyno ka faa’iidaysiga kheyraadkeeda si horumar dhab ah loo gaarsiiyo shacabka Soomaaliyeed.”

Ugu dambayn, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku nuuxnuuxsaday in Soomaaliya ay ku socoto waddo isku dheellitiran oo lagu difaacayo midnimada qaranka, lagula dagaallamayo argagixisada, isla markaana lagu xaqiijinayo horumar dhaqaale iyo nolol ka wanaagsan tan maanta.

            

Dowladda maraykanka oo si adag u taageertay Madax-Bannaanida iyo midnimada Dalka Soomaaliya

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Dowladda Mareykanka ayaa cadeysay in aysan waxba iska badalin siyaasaddeeda ku aaddan Soomaaliya, isla markaana si buuxda u taageersan tahay Madax-bannaanida, Midnimada, iyo Wadajirka Dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya . Dowladda Mareykanka ayaa tallaabadan ku tilmaamtay mid muhiim u ah ilaalinta Qarannimada Dalka iyo xasilloonida guud ee Gobolka.

Dowladda Markeykanka ayaa hadalkan ka sheegtay kulankii degdegga ahaa ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay , oo ay Soomaaliya dalbatay si looga wada hadlo faragelinta Israa,iil ee Soomaliya.

Dowladda Mareykanka ayaa carrabka ku adkeeyay in Soomaaliya tahay hal Dal oo leh xuduudo caalami ah oo la aqoonsan yahay, ayna muhiim tahay in la dhowro Qaranimada iyo Wadajirka Dhuleed ee Dalka.

Sidoo kale, Dowladda Mareykanka ayaa xaqiijisay in ay mowqif adag ka taagan tahay in Soomaaliya la kala gooyo, iyadoo caddeysay in Midnimada, Madax-bannaanida, iyo Wadajirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay tahay in la dhowro, isla markaana aan laga oggolaan faragelin.

Dowladda Mareykanka ayaa ku boorisay Beesha Caalamka, gaar ahaan Golaha Ammaanka iyo Midowga Afrika, in ay qaataan mowqif mideysan oo lagu ilaalinayo Qaranimada Soomaaliya iyo xasilloonida Gobolka, ayna ka hortagaan tallaabo kasta oo wax u dhimaysa Madaxbannaanida Dalka.