Dowladda Shiinaha oo taageertay Midnimada iyo Madax-Bannaanida Dalka Soomaaliya

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Dowladda Jamhuuriyadda Dadka Shiinaha ayaa si weyn oo buuxda u xaqiijisay garab istaaggeeda Midnimada, Madax-bannaanida, iyo Wadajirka Dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya . Dowladda Shiinaha ayaa arrintaan ku tilmaamtay mid muhiim u ah ilaalinta Qaranimada Soomaaliya iyo xasilloonida guud ee Geeska Afrika.

Hadalkan ayaa ka soo baxay kulankii degdegga ahaa ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay , kaas oo ay Soomaaliya codsatay si looga wada hadlo faragelinta Dibadda iyo khataraha ka dhasha tallaabo kasta oo wax u dhimaysa Madax-bannaanida Dalka.

Sidoo kale, Dowladda Shiinaha ayaa ku boorisay Beesha Caalamka, gaar ahaan Golaha Ammaanka iyo Midowga Afrika, in ay qaataan mowqif mideysan oo lagu difaacayo Madax-bannaanida Soomaaliya, isla markaana laga hortago faragelin kasta oo Dibadda ka timaadda.

Gabagabadii Dowladda Shiinaha ayaa xaqiijisay mowqifkeeda ku aaddan taageerada Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo caddeysay in ilaalinta Midnimada, Madax-banaanida Soomaaliya ay tahay waajib Caalami in la ilaaliyo.

Dowladda Ingiriiska oo si cad u muujisay taageerada Midnimada iyo Madax-Bannaanida Dalka Soomaaliya

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Dowladda Boqortooyada Ingiriiska ayaa si rasmi ah u xaqiijisay mowqifkeeda ku aaddan taageerada buuxda ee Midnimada, Madax-Bannaanida, iyo Wadajirka Dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo caddeysay in aan la aqbali karin tallaabo kasta oo lagu dhaawacayo Qaranimada Dalka Soomaliya.

Dowladda Ingiriiska ayaa Mowqifkan ku muujisay qudbad heer sare ah oo uu Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ka jeediyay wakiilka Dowladda Ingiriiska u fadhiya QM, intii uu socday kulankii degdegga ahaa ee ay Soomaaliya dalbatay, kaas oo lagu falanqeeyay faragelinta Dibadeed iyo khataraha ka dhan ah Madax-Bannaanida Soomaaliya.

Wakiilka Dowladda Ingiriiska ayaa si cad u sheegay in Boqortooyada Ingiriiska aysan sinaba u aqbali doonin kala-qaybin ama kala-go’ lagu sameeyo Dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isagoo xusay in Soomaaliya tahay Dal mideysan oo leh xuduudo caalami ah oo si buuxda loo aqoonsan yahay, isla markaana Arrimaha Gudaha ee Dalka ay si gaar ah u quseeyaan Shacabka iyo Dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale, Dowladda Ingiriiska ayaa tilmaantay in ay si qoto dheer ula socoto xaaladaha Siyaasadeed, Amni, iyo Bulsho ee ka jirta guud ahaan Soomaaliya, gaar ahaan Gobollada Waqooyi, ayna ka go’an tahay in ay taageerto Dadaallada Sharci iyo Diblomaasiyadeed ee lagu ilaalinayo Midnimada iyo Madax-bannaanida Dalka.

Bannaanbaxyo Waaweyn oo Looga Soo Horjeeday Xadgudubka Israa’iil oo Ka Dhacay Muqdisho iyo Qaar ka Mid ah Gobollada Dalka

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho iyo Magaalooyin kale oo ka tirsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta lagu qabtay bannaanbaxyo waaweyn oo si adag looga soo horjeeday faragelinta iyo xadgudubka Israa’iil ku hayso Madaxbannaanida iyo Midnimada Dhuleed ee Soomaaliya.

Bannaanbaxyadan ballaaran ayaa si gaar ah uga dhacay Magaalooyinka Muqdisho, Laascaanood, Baydhabo, Xudur, Cadaado, iyo Guriceel, halkaas oo kumannaan Dadweyne ah isugu soo baxeen fagaarayaasha waaweyn, iyagoo watay Calanka Soomaaliya, si ay Dunida ugu muujiyaan Midnimo Qaran iyo Dal-Jacayl.

Dadkii ka qeyb galay Bannaanbaxyada ayaa ku dhawaaqayay hal-ku-dhigyo ay si cad ugu muujinayeen diidmada ay  diidan yihiin isku day kasta oo Israa’iil ku aqoonsanayso ama ku taageereyso kala-go’ ama kala-qaybin lagu sameeyo Dhulka Soomaaliyeed, gaar ahaan Gobollada Waqooyi ee Dalka.

Dibadbaxayaasha ayaa carrabka ku adkeeyay in Soomaaliya tahay hal dal oo mid ah, lehna xuduudo caalami ah oo la aqoonsan yahay, isla markaana ay waajib tahay in la ixtiraamo madaxbannaanideeda iyo wadajirka Dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Mas’uuliyiin, Waxgarad, Dhaliyaro, Haween, iyo Culimo ka hadlay bannaanbaxyada ayaa ugu baaqay Beesha Caalamka, gaar ahaan Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, iyo Dalalka Caalamka, in ay sii xoojiyaan tageeradooda kana hor yimaadaan faragelinta Israa’iil iyo tallaabo kasta oo khatar ku ah xasilloonida Soomaaliya iyo guud ahaan Geeska Afrika.

Sidoo kale, Shacabka Bannaanbaxa sameeyay ayaa muujiyay taageeradooda Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyagoo ku booriyay in ay sii waddo Dadaallada Diblomaasiyadeed ee lagu difaacayo Madaxbannaanida, Midnimada, iyo Qaranimada Dalka.

Ugu dambayn, Bannaanbaxyadan ka dhacay Magaalooyinka kala duwan ee Dalka ayaa lagu tilmaamay farriin Midnimo Qaran, taas oo muujinaysa in Shacabka Soomaaliyeed ay si Wadajir ah uga soo horjeedaan xadgudub kasta oo lagu sameeyo Dalkooda, isla markaana ay diyaar u yihiin difaaca Midnimada iyo Madax-Bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Dowladda Ruushka oo sheegtay in ay si adag u garab taagan tahay ilaalinta Midnimada iyo Madaxbannaannida Dalka Soomaaliya

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Dowladda Ruushka ayaa sheegtay inay si cad oo rasmi ah u garab taagantahay ilaalinta Midnimada iyo Madax-bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya (JFS), iyadoo carrabka ku adkaysay in Soomaaliya tahay Dal leh Qarannimo buuxda iyo xuduudo caalami ah oo la aqoonsanyahay.

Hadalkan ayaa Dowladda Ruushka ka jeedisay kulankii degdegga ahaa ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay (QM), ka dib markii ay hadallo jeediyeen Danjireyaasha Soomaaliya iyo Israa’iil, iyo sidoo kale Dalal kale oo muujiyay mowqifyadooda ku aaddan xaaladda ka taagan Madax-bannaannida Soomaaliya.

Dowladda Ruushka ayaa si cad u muujiyay diidmadeeda tallaabo kasta oo wax u dhimaysa Qaranimada, Midnimada, iyo Wadajirka Dhuleed ee Soomaaliya, iyadoo ku adkaysay inaan la aqbali karin faragelin Dibadeed oo lagu sameeyo Arrimaha Gudaha ee Dalka.

Sidoo kale, Dowladda Ruushka ayaa ku biirtay Dalalka kale ee Golaha Ammaanka ku muujiyay in ay lama taabtaan tahay Madax-bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isla markaana ay waajib tahay in la Ixtiraamo Shuruucda iyo Mabaadi’da Caalamiga ah ee quseeya Dowladnimada.

Ugu dambayn, Dowladda Ruushka ayaa ugu baaqay Beesha Caalamka in ay qaataan mowqif midaysan oo lagu ilaalinayo Midnimada iyo Madax-bannaanida Soomaaliya.

Dibadbaxyo waaweyn oo lagu difaacayo Madaxbannaannida iyo Midnimada Dalka oo ka dhacay Degmooyinka ka tirsan Galmudug

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Kummanaan Dadweyne ah oo kasoo horjeeda xadgudubka Israa’iil ayaa isugu soo baxay Gobolada iyo Degmooyinka Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug.

Dadweynahaan ayaa si weyn u muujiyey sida ay uga soo horjeedaan xadgudubka Yuhuuddu kula kacday Midnimada iyo Wadajirka Soomaaliyeed,waxay ba Shacabku si weyn Dunida u tuseen in ay ka go’an tahay Difaaca Dalkooda.

Degmooyinka Hobyo,Dhuusamarreeb iyo Guriceel ayey shacab si weyn ugu dhigeen isKu soo baxyo balaadhan oo si weyn ugu muujiyeen shucuurtooda.

Degmooyinka iyo Deegaanada kale ee Maamul Goboleedka Galmudug ayey iyagana si weyn uga socdaan banaanbaxyo waaweyn oo Shacabku ku muujinayaan difaaca Midnimada Dalka.

Dowladda Faransiiska oo ka hortimid kala qaybsanaanta Dalka Soomaaliya

Muqdisho(Wargeyska Dalka):- Dowladda Faransiiska ayaa xalay ka hor caddeysay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay (QM) mowqifkeeda ku aaddan inaysan ogolaaneyn in Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya (JFS) la kala gooyo. Dowladda Faransiiska ayaa arrintan ku tilmaamtay mid si toos ah u khalkhalgelinaysa midnimada iyo madax-bannaanida dalka.

Hadalkan ayay Dowladdu ka Sheegtay kulankii degdegga ahaa ee Golaha Ammaanka, kaas oo Soomaaliya codsatay si looga wada hadlo faragelinta Dibadda iyo khatarta ay ku leedahay Madax-bannaanida iyo Midnimada Dalka.

Faransiiska ayaa caddeysay inay si dhab ah u garab taagan tahay JFS, isla markaana ay taageersan tahay dadaalka dowladda Soomaaliya ay kula jirto kooxaha Khawaarijta, si loo xaqiijiyo Nabadgelyada Dalka Soomaliya.

Sidoo kale, Dowladda Faransiiska waxay ku boorisay Beesha Caalamka in la dhowro Shuruucda Caalamiga ah iyo mabaadi’da ku saleysan Madax-bannaanida Dalalka, iyadoo si cad uga digtay tallaabo kasta oo dhaawacaysa xasilloonida Soomaaliya iyo Gobolka.

Faransiiska waxay mar kale xaqiijisay mowqifkeeda joogtada ah ee ku aaddan taageerada JFS, iyadoo caddeysay in Midnimada, Madax-bannaanida, iyo Wadajirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay tahay Waajib in la dhowro.

Dowladda Turkiga oo taageertay Madax-Bannaannida iyo Midnimada Dalka Soomaaliya

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Dowladda Turkiga ayaa si weyn u garab istaagtay madax-bannaanida iyo midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya (JFS), iyadoo tallaabadan lagu tilmaamay mid muhiim u ah ilaalinta Qaranimada iyo Wadajirka Dhuleed ee Soomaaliya. Dowladda Turkiga ayaa sidoo kale ku sheegtay faragelinta Israa’iil ee Soomaaliya mid aan la aqbali karin.

Dowladda Turkiga ayaa boggaadisay dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan ku aaddan xoojinta Amniga, Nabadgelyada, iyo Horumarinta adeegyada Bulshada.

Hadalkan waxaa ka jeediyay Dowladda Turkiga kulankii Degdegga ahaa ee Golaha Qaramada Midoobay (QM), oo ay Soomaaliya codsatay, si looga wada hadlo faragelinta Yahuuda iyo khataraha ka dhalan kara haddii lagu xad-gudbo adax-Bannaanida Soomaaliya.

DowladdaTurkiga ayaa caddeysay inay si dhab ah u garab taagan tahay JFS, isla markaana ay taageersan tahay dadaallada Dowladda ee la xiriira ilaalinta  Madaxnaanideeda.

Ugu dambayn, Dowladda Turkiga waxay ku boorisay Beesha Caalamka in la dhowro shuruucda Caalamiga ah iyo Mabaadi’da ku saleysan Madax-bannaanida Dalalka Caalmaka iyadoo xaqiijisay mowqifkeeda joogtada ah ee ku aaddan taageerada Soomaaliya iyo Nabadda Gobolka.

Golaha Ammaanka oo si wadajir ah u diiday Aqoonsiga Israa’iil sheegatay in ay siisay maamulka Somaliland

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay (UNSC) ayaa Isniintii si wadajir ah u diiday Aqoonsiga Israa’iil ee Maamulka Somaliland, kaddib markii 14 ka mid ah 15-ka Waddan ee xubnaha Golahaasi ay si cad u cambaareeyeen tallaabadaas.
Intii uu socday kulanka Deg-degga ah, Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka digtay in Aqoonsigaasi uu Gogol-Xaar u noqon karo qorshe halis ah oo lagu doonayo in si qasab ah Falastiiniyiinta looga raro Qaza ,lana Geeyo Geeska Afrika.

Kalfadhiga Degdegga ah oo loo qabtay in lagu falanqeeyo xiisadda Diblomaasiyadeed ee ka dhalatay tallaabadaas ayaa muujisay in Mareykanku uu ahaa Waddanka kaliya ee ka mid ah 15-ka xubnood ee Golaha Ammaanka ee ka gaabsaday cambaareynta Aqoonsiga Israa’iil siisay Maamulka Gooni-Goosadka ah.
Inkasta oo ay arrintaasi keentay go’doomin Diblomaasiyadeed, Washington waxay caddeysay in mowqifkeeda siyaasadeed uusan wax isbeddel ah ku iman. Ku-xigeenka wakiilka Mareykanka ee Qaramada Midoobay, Tammy Bruce, ayaa sheegtay in inkasta oo Israa’iil ay xaq u leedahay inay samaysato xiriir Diblomaasiyadeed, haddana Mareykanku “uusan soo saarin wax bayaan ah oo ku saabsan Aqoonsi Somaliland, isla markaana aysan jirin wax isbeddel ah oo ku yimid Siyaasadda Mareykanka.”

Isagoo hadal ka jeediyay Golaha Ammaanka,Ergeyga Joogtada ah ee Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay, Danjire Abuukar Daahir Cismaan (Baalle) oo hadal ka jeediyay Golaha Ammaanka ayaa ugu baaqay xubnaha Golaha inay si adag u diidaan falalka gardarrada ah ee Isra’iil,isagoo carraka ku adkeeyay in tallaabadani aysan khatar ku ahayn oo kaliya Midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, balse ay sidoo kale halis weyn ku tahay xasilloonida guud ee Geeska Afrika iyo Gobollada ku teedsan Badda Cas.
Danjiruhu waxa uu si gaar ah u muujiyay walaac ku aaddan suurtagalnimada in tallaabadan looga gol leeyahay in lagu fududeeyo qorshe Israa’iil ay ku doonayso in si qasab ah “Dadka Falastiiniyiinta looga raro Qaza loona dajiyo Gobolka Waqooyi-Galbeed ee Soomaaliya.”

“Xadgudubkan ka dhanka ah Sharciga Caalamiga ah iyo akhlaaqda bani’aadanimo waa in si degdeg ah loo joojiyaa,” ayuu Danjire Abuukar Daahir Cismaan u sheegay Golaha, isaga oo ku tilmaamay Qorshe kasta oo barakicin qasab ah mid si cad uga hor imaanaya xeerarka iyo heshiisyada caalamiga ah.

Walaaca la xiriira barakicinta Falastiiniyiinta ayaa sidoo kale ay muujiyeen wufuud kale oo muhiim ah, Iyagoo ku hadlaya magaca 22-ka waddan ee xubnaha ka ah Jaamacadda Carabta.
Ergeyga Qaramada Midoobay, Maajid Cabdulfataax Cabdulcasiis, ayaa sheegay in Jaamacadda Carabtu ay si buuxda u diidan tahay “tallaabo kasta oo ka dhalatay aqoonsigan sharci-darrada ah, kuna wajahan fududeynta barakicinta qasabka ah ee Dadka Falastiiniyiinta, ama ka faa’iidaysiga Dekedaha Waqooyiga Soomaaliya si loogu dhiso Saldhigyo Ciidan.
Sidoo kale, Ku-xigeenka Safiirka Pakistan ee Qaramada Midoobay, Maxamed Cusmaan Iqbal Jadoon, ayaa ku tilmaamay aqoonsiga mid “sharci-darro ah” iyo “oo aad u halis badan,” isaga oo xusay inuu ka hor imanayo tixraacyo hore oo Gobolka loogu arkayay meel Falastiiniyiinta lagu masaafuriyo.

Shiinaha iyo Boqortooyada Ingiriiska, oo labaduba ah xubno joogto ah oo Golaha Ammaanka ka tirsan, ayaa ku biiray mowqifka diidmada,waxaana Ergeyga Shiinaha ee Qaramada Midoobay, Sun Lei, uu sheegay in Beijing “ay si adag uga soo horjeeddo fal kasta oo lagu kala qaybinayo Dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Koonfur Afrika ayaa iyaguna xaqiijiyay Madaxbannaanida iyo Midnimada Dhuleed ee Soomaaliya, taasoo ku asteysan xeerarka Midowga Afrika.

Dowladda Masar oo si cad uga hortimid faragelinta Israa’iil ee SoomaaliyaMuqdisho(SONNA):-Dowladda Masar ayaa si xooggan u caddeysay inaysan aqbali doonin faragelinta Israa’iil ee madaxbannaanida iyo midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo tallaabadan ay u aragtay mid si weyn u carqaladeyneysa qaranimada iyo isku duubnida dalka Sooamliya. Dowladda Masar ayaa jeedisay kulankii degdegga ahaa ee Golaha Qaramada Midoobay (QM), oo ay Soomaaliya codsatay, si looga wada hadlo faragelinta Yahuuda iyo saameynta ay ku leedahay madax-bannaanida iyo midnimada Soomaliya Masar ayaa caddeysay inay garab taagan tahay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isla markaana ay taageersan tahay ilaalinta midnimadeeda, iyo madax-bannaanideeda, dhuleed ee Soomaliya. Sidoo kale, Dowladda Masar waxay ku boorisay beesha caalamka in la dhowro Ugu dambayn, Masar waxay mar kale xaqiijisay mowqifkeeda joogtada ah ee ku aaddan taageerada Soomaaliya, iyadoo caddeysay in midnimada, madax-bannaanida, iyo wadajirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay tahay in la ixtiraamo.Muqdisho(SONNA):-Dowladda Masar ayaa si xooggan u caddeysay inaysan aqbali doonin faragelinta Israa’iil ee madaxbannaanida iyo midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo tallaabadan ay u aragtay mid si weyn u carqaladeyneysa qaranimada iyo isku duubnida dalka Sooamliya. Dowladda Masar ayaa jeedisay kulankii degdegga ahaa ee Golaha Qaramada Midoobay (QM), oo ay Soomaaliya codsatay, si looga wada hadlo faragelinta Yahuuda iyo saameynta ay ku leedahay madax-bannaanida iyo midnimada Soomaliya Masar ayaa caddeysay inay garab taagan tahay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isla markaana ay taageersan tahay ilaalinta midnimadeeda, iyo madax-bannaanideeda, dhuleed ee Soomaliya. Sidoo kale, Dowladda Masar waxay ku boorisay beesha caalamka in la dhowro Ugu dambayn, Masar waxay mar kale xaqiijisay mowqifkeeda joogtada ah ee ku aaddan taageerada Soomaaliya, iyadoo caddeysay in midnimada, madax-bannaanida, iyo wadajirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay tahay in la ixtiraamo.Muqdisho(SONNA):-Dowladda Masar ayaa si xooggan u caddeysay inaysan aqbali doonin faragelinta Israa’iil ee madaxbannaanida iyo midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo tallaabadan ay u aragtay mid si weyn u carqaladeyneysa qaranimada iyo isku duubnida dalka Sooamliya. Dowladda Masar ayaa jeedisay kulankii degdegga ahaa ee Golaha Qaramada Midoobay (QM), oo ay Soomaaliya codsatay, si looga wada hadlo faragelinta Yahuuda iyo saameynta ay ku leedahay madax-bannaanida iyo midnimada Soomaliya Masar ayaa caddeysay inay garab taagan tahay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isla markaana ay taageersan tahay ilaalinta midnimadeeda, iyo madax-bannaanideeda, dhuleed ee Soomaliya. Sidoo kale, Dowladda Masar waxay ku boorisay beesha caalamka in la dhowro Ugu dambayn, Masar waxay mar kale xaqiijisay mowqifkeeda joogtada ah ee ku aaddan taageerada Soomaaliya, iyadoo caddeysay in midnimada, madax-bannaanida, iyo wadajirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay tahay in la ixtiraamo.

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Dowladda Masar ayaa si xooggan u caddeysay inaysan aqbali doonin faragelinta Israa’iil ee Madaxbannaanida iyo Midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo tallaabadan ay u aragtay mid si weyn u carqaladeyneysa Qaranimada iyo isku duubnida Dalka Sooamliya.

Dowladda Masar ayaa jeedisay kulankii degdegga ahaa ee Golaha Qaramada Midoobay (QM), oo ay Soomaaliya codsatay, si looga wada hadlo faragelinta Yahuuda iyo saameynta ay ku leedahay Madax-bannaanida iyo Midnimada Soomaliya

Masar ayaa caddeysay inay garab taagan tahay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isla markaana ay taageersan tahay ilaalinta Midnimadeeda, iyo Madax-bannaanideeda, Dhuleed ee Soomaliya.

Sidoo kale, Dowladda Masar waxay ku boorisay Beesha Caalamka in la dhowro

Ugu Dambayn, Masar waxay mar kale xaqiijisay Mowqifkeeda joogtada ah ee ku aaddan taageerada Soomaaliya, iyadoo caddeysay in Midnimada, Madax-bannaanida, iyo wadajirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay tahay in la Ixtiraamo.

Koonfur Afrika oo si adag u cambaaraysay xadgudubka Israa’iil kula kacday Midnimada Dalka Soomaaliya

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Dowladda Koonfur Afrika ayaa sheegtay in Yahuuddu si rasmi ah u jebiyeen qawaaniinta caalamiga ah, taasoo ka hor imaaneysa mabaadi’da iyo heshiisyada ay Dunidu ku heshiisay ee la xiriira Madaxbannaanida iyo Midnimada Dalalka.

Koonfur Afrika waxay sidoo kale tilmaantay in Israa’iil ay tahay Dowladda kaliya ee si cad u taageerta gooni-u-goosadka, arrintaas oo khatar ku ah xasilloonida Gobolka iyo Nidaamka Caalamiga ah ee ku dhisan Ixtiraamka Xuduudaha Dowladaha.

Intii uu socday kulan degdeg ah oo Golaha Qaramada Midoobay (QM) ay Soomaaliya ka dalbatay, Dowladda Koonfur Afrika ayaa waxay si cad u sheegtay in Somaliland ay tahay Gobol ka mid ah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isla markaana aanay jirin wax Sharci ah oo oggolaanaya kala go’ ama Aqoonsi gaar ah.

Ugu dambayn, Koonfur Afrika waxay ku baaqday in la Ixtiraamo Qawaaniinta Caalamiga ah, lana ilaaliyo madaxbannaanida, midnimada, iyo wadajirka Dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo mar kale xaqiijisay taageerada ay u hayso Qaranimada iyo madaxbanaannida Soomaaliya.