Jaamacadda Carabta oo si buuxda u cambaareysay faragelinta Israa’iil ee Madaxbanaannida Dalka Soomaaliya

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Jaamacadda Carabta ayaa si xooggan u caddeysay taageerada ay u hayso midnimada iyo madax-bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo tallaabadan lagu tilmaamay mid lagama maarmaan u ah ilaalinta Qaranimada iyo wadajirka dhuleed ee Dalka.

Khudbaddan ayaa laga jeediyay kulankii degdegga ahaa ee Golaha Qaramada Midoobay (QM), oo ay Soomaaliya codsatay, si looga hadlo faragelinta Israa’iil ee madaxbannaanida Soomaaliya.

Jaamacadda Carabta ayaa carabka ku adkaysay inay si buuxda u garab taagan tahay Dowladda Soomaaliya, isla markaana ay taageersan tahay ilaalinta midnimadeeda, madax-bannaanideeda, iyo Qaranimadeeda, si loo xoojiyo xasilloonida iyo Nabadda Dalkaas ku yaalla Geeyska Africa.

Sidoo kale, Jaamacadda Carabta waxay ku boorisay beesha caalamka in la ixtiraamo qawaaniinta caalamiga ah, madaxbannaanida Dowladaha, iyo mabaadi’da Nabadda, iyadoo si cad uga digtay wax tallaabo ah oo dhaawacaysa xasilloonida Soomaaliya iyo Gobolka.

Jaamacadda Carabta waxay mar kale xaqiijisay mowqifkeeda joogtada ah ee ku aadan taageerada Soomaaliya, iyadoo caddeysay in midnimada, madax-bannaanida, iyo wadajirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay tahay waajib in  la ixtiraamo, lana ilaaliyo.

Dowladda Jabuuti oo si adag u cambaaraysay xadgudubka Israa’iil kula kacday midnimada Dalka Soomaaliya

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa luqad aad u kulul ku cambaareysay xad-gudubkii Israa’iil ku sameysay madax-bannaanida iyo midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo tallaabadaas ku tilmaamtay mid ka hor imaaneysa qawaaniinta iyo mabaadi’da caalamiga ah.

Hadalkan ayaa laga jeediyay shirka degdegga ah ee Golaha Qaramada Midoobay (QM), halkaas oo Jabuuti si cad ugu muujisay walaaca iyo mowqifka ay ka qabto faragelinta Yahuuda ee ku saabsan madax-bannaanida Dalka Soomaaliya.

Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa caddeysay inay si buuxda u garab taagan tahay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isla markaana ay taageersan tahay ilaalinta midnimadeeda, madax-bannaanideeda, iyo qaranimadeeda Soomaaliya.

Sidoo kale, Dowladda Jabuuti waxay ku baaqday in la ixtiraamo qawaaniinta caalamiga ah, lana ilaaliyo madaxbannaanida iyo midnimada Soomaaliya, iyadoo mar kale xaqiijisay mowqifkeeda joogtada ah ee ku aaddan Nabadda iyo Xasilloonida Gobolka.

Midowga Afrika oo si adag u cambaareeyay Faragelinta Israa’iil ku samaysay Midnimada Dalka Soomaaliya

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Midowga Afrika ayaa si adag u cambaareeyey tallaabadii Yahuudda ee ku faragalisay Madaxbanaannida iyo Midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo tallaabadaas lagu tilmaamay mid si toos ah u dhaawacaysa Madaxbannaanida iyo Midnimada Dalka.

Hadalkan ayaa laga jeediyay kulan xalay oo Golaha Qaramada Midoobay (QM) uu yeeshay, halkaas oo Midowga Afrika si cad ugu muujiyey walaaca iyo mowqifka ay ka qabto faragelinta lagu hayo qaranimada Umaadda Soomaaliyeed.

Midowga Afrika ayaa caddeeyey in ay si buuxda u garab taagan tahay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isla markaana ay taageersan tahay ilaalinta Midnimadeeda, Madax-bannaanideeda, iyo Qaranimadeeda.

Waxay sidoo kale ku baaqday in la ixtiraamo shuruucda caalamiga ah iyo mabaadi’da ku saleysan madaxbannaanida Dalalka, iyadoo si cad uga digtay in wax tallaabo ah oo dhaawacaysa xasilloonida Soomaaliya iyo Gobolka aan la oggolaan karin.

Midowga Afrika waxay xaqiijisay mowqifkeeda joogtada ah ee ku aaddan taageerada Soomaaliya iyo Nabadda Gobolka, iyadoo mar kale caddeysay in midnimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya ay waajib tahay in la Ixtiraamo.

Dowladda Sierra leone oo si adag u cambaaraysay faragelinta Israa’iil ku hayso Dalka Soomaaliya

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Dowladda Sierra Leone ayaa si adag u cambaareysay faragelinta ay Yahuuddu ku hayso Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo tallaabadaas ku tilmaamtay mid si cad u jebinaysa qawaaniinta caalamiga ah iyo mabaadi’da Qaramada Midoobay.

Hadalkaan ayaa laga jeediyay intii uu socday Shirka Qaramada Midoobay (QM), halkaas oo Dowladda Sierra Leone ay ku muujisay walaac xooggan oo ku saabsan faragelinta lagu haayo madaxbannaanida, midnimada, iyo wada jirka dhuleed ee Soomaaliya.

Sierra Leone waxay si cad u sheegtay inay si buuxda u garab taagan tahay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isla markaana ay taageersan tahay midnimadeeda iyo madax-bannaanideeda, iyadoo ku baaqday in la ixtiraamo xuduudaha Dalalka sida ay dhigayaan heshiisyada caalamiga ah.

Ugu dambayn, Dowladda Sierra Leone waxay ku celisay baaqeeda ku aaddan ilaalinta Nabadda iyo Xasilloonida Gobolka, iyadoo mar kale xaqiijisay mowqifkeeda ah in aan la oggolaan karin wax tallaabo ah oo dhaawacaysa Qaranimada iyo midnimada Soomaaliya.

Banaanbaxii ugu weynaa ee looga soo horjeedo xadgudubka israa’iil oo ka socda Magaalada Muqdisho

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-waxaa guud ahaan Degmooyinka Gobolka Banaadir ka socda Banaa Bax aad u waaweyn oo shacabka soomaaliyeed kaga soo horjeedaan xad gudubka Israa’iil kula kacday Midnimada Dhuledd ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Shacabka ayaa saaka u soo baxay in ay Dunida tusaan sidan doonista beenta ah ee Israa’iil u tahay mid aan marnaba dhacayn Shacabka Soomaaliyeed na diyaar u yihiin in ay difaacdaan Dalkooda iyo Dadkooda.

Qaar ka mid ah Shacabka isku soo baxay saakay oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa waxa ka mid ahaa Caasho Cadow Jimcaale oo tiri “Inta ay naftu nagu jirto cidna kama aqbaleyno inay kala Dhantaasho Midnimada Dalkeenna.”

Guddoomiyaha Midowga Dugsiyada Gobolka Banaadir Cabdulqaadir Maxamed xasan ayaa isna yiri “Saakay dhammaan Ardayda Soomaaliyeed waxey diyaar u yihiin inay ka jawaabaan Xadgudubka YHda.”

Guddoomiyaha Ururka Haweenka Gobolka Banaadir Jawaahir Baarqab oo la hadashay warbaahinta Qaranka ayaa tiri “Dowladda Soomaaliya Guulo Diblomaasiyadeed ayeey ka gaartay YH-da Isra11l waana Farxad.”

Guud ahaan Degmooyinka Gobolka Banaadir ayuu hadda si toos ah uga socdaa Banaan Bax Shacabka Soomaaliyeed ku muujinayaan Gobanimadooda kuna difaacayaan Midnimada Dalka.

 

Golaha Ammaanka oo si buuxda u taageeray Midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa mar kale si buuxda u adkeeyay ilaalinta Madax-Bannaanida, Midnimada Dhuleed iyo Wada Jirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Siyaasadda iyo Dhismaha Nabadda Khaled Khiari, oo ka hadlay kulanka Golaha Ammaanka, ayaa carrabka ku adkeeyay in mowqifka Golaha ee Soomaaliya uusan isbeddelin, isla markaana uu ku dhisan yahay sharciga caalamiga ah iyo Axdiga Qaramada Midoobay, kaasoo muujinaya taageerada joogtada ah ee caalamku u hayo midnimada Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo si diiran loogu soo dhoweeyey Dalka Turkiga

Istanbul(Wargeyska Dalka):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si diirran loogu soo dhaweeyey magaalada Istanbuul ee Jamhuuriyadda Turkiga, halkaas oo ay ka dhacayso munaasabad taariikhi u ah xiriirika iyo iskaashiga Labada Dal.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa kulan la qaadan doona Madaxweynaha Turkiga Mudane Rajab Dayib Ordogan oo ay ka wada hadlayaan qiimeynta iyo kor u qaadidda iskaashiga istaraatiijiyadeed ee labada Dal, xaaladda Gobolka iyo danaha wadajirka ah ee Soomaaliya iyo Turkiga.

 

Dowlad goboleedyada Woqooyi Bari oo cambaareeyey iskudayga dalka lagu kala goynayo

Laascaanood: Golaha Wakiillada Dawlad-Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa qaraar ka soo saaray xadgudubka Isra’il ee qaranimada iyo wadajirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Koofur Afrika oo diiday damaca Israel ee Soomaaliya

Johanesburg: Dowladda Koonfur Afrika ayaa ka digtay in go’aanka Israel ay ku aqoonsanayso Somaliland oo ah gobol ka mid ah Soomaaliya inuu yahay “halis toos ah” oo ku wajahan nabadda Geeska Afrika.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Koonfur Afrika ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in aqoonsigaasi jebinayo madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Koonfur Afrika waxay sheegtay inay ku adkaysanayso mabda’a Midowga Afrika ee uti possidetis, oo ku baaqaya in la ixtiraamo xuduudihii laga dhaxlay xilligii madaxbannaanida, si looga hortago khilaafaadka. Waxay sidoo kale ugu baaqday beesha caalamka inay diidaan “faragelinta dibadda” ee Tel Aviv, isla markaana ay taageeraan Soomaaliya mideysan oo xasilloon, iyagoo raacaya mabaadi’da Midowga Afrika.

Baarlamanka Carabta oo diiday in lakala gooyo Soomaaliya

Bayruut: War rasmi ah oo ka soo baxay mudane Ibraahim Boughali Guddoomiyaha Ururka Baarlamaanka Carabta, isla markaana ah Guddoomiyaha Golaha Shacabka Qaranka ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Dadka ee Aljeeriya ayaa lagu diiday talaalada ay Israel ku doonayso inay ku kala goyso Soomaaliya.

Mudane Ibraahim isaga oo ku hadlaya magaca Ururka Baarlamaanka Carabta waxa uu si cad oo adag u diiday tallaabo kasta oo hal-dhinac ah oo dhaawac ku ah madax-bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ama wiiqaysa xasilloonideeda siyaasadeed iyo amni, ama khatar gelinaysa midnimadeeda dhuleed ee Soomaaliya.

“Ururku waxa uu mar kale xaqiijinayaa diidmada buuxda ee tallaabo kasta oo hal-dhinac ah oo ku xadgudbaya madax-bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ama wiiqaya xasilloonideeda siyaasadeed iyo amni, si waafaqsan Axdiga Qaramada Midoobay, gaar ahaan qodobka 2-aad (farqaddiisa 4-aad) ee mamnuucaya faragelinta arrimaha gudaha dalalka ama adeegsiga awood ka dhan ah badqabka dhuleed iyo madax-bannaanida siyaasadeed” ayaa lagu yiri bayaanka.

Sidoo kale, Ururku waxa uu cambaareynayaa aqoonsi kasta oo la siiyo hay’adda Sahyuuniyadda ee lagu sheeganayo dhulka Soomaaliya inay tahay “dawladdo madax-bannaan”, isaga oo u arka arrintaas xadgudub cad oo ka dhan ah madax-bannaanida Soomaaliya, faragelin toos ah oo arrimaheeda gudaha ah, iyo baaq halis ah oo lagu hurinayo xasillooni-darro ka jirta gobolka Carabta iyo Afrika. Tani waxay ka hor imaanaysaa Go’aanka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay lambarkiisu yahay 2625 (XXV) ee sannadka 1970, kaas oo adkeynaya mabda’a aan faragelinta lagu sameyn arrimaha gudaha dalalka, isla markaana diidaya aqoonsiga isbeddello dhuleed oo ka dhashay tallaabooyin sharci-darro ah.

Ururka Baarlamaanka Carabta waxa uu carrabka ku adkeynayaa in amniga iyo xasilloonida Soomaaliya, iyo ixtiraamka madax-bannaanideeda, ay yihiin qayb aan ka go’i karin amniga guud ee Carabta. Sidaas awgeed, Ururku waxa uu muujinayaa garab-istaag buuxa oo uu la garab taagan yahay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kuna taageerayo tallaabo kasta oo sharci ah oo ay qaaddo si ay u ilaaliso xasilloonideeda, madaxbannaanideeda, iyo dhulkeeda oo dhan.

Ugu dambayn, Ururka Baarlamaanka Carabta waxa uu ugu baaqayaa dhammaan dhinacyada ay khusayso inay ixtiraamaan madax-bannaanida buuxda iyo midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isaga oo adkeynaya taageeradiisa joogtada ah ee uu siinayo shacabka walaalaha ah ee Soomaaliyeed si ay u ilaashadaan dhulkooda una xoojiyaan xasilloonidooda, isla markaana ugu baaqaya isku-duwid Carbeed oo wadajir ah si looga hortago hanjabaad kasta oo dibadeed, iyadoo la raacayo mabaadi’da Qaramada Midoobay iyo xeerarka caalamiga ah ee xiriirka saaxiibtinimo iyo iskaashi ee u dhexeeya dalalka, kuwaas oo diidaya isku-day kasta oo lagu wiiqayo madax-bannaanida ama xasilloonida dalalka.