Golaha Wadatashiga Qaranka oo kulamo xiriir ah ku yeeshay Madaxtooyada Qaranka, ayaa soo saaray War-murtiyeed lagu adkaynayo mowqifka dowladda ee ku aaddan ilaalinta midnimada dalka.


Golaha Wadatashiga Qaranka oo kulamo xiriir ah ku yeeshay Madaxtooyada Qaranka, ayaa soo saaray War-murtiyeed lagu adkaynayo mowqifka dowladda ee ku aaddan ilaalinta midnimada dalka.


Jabuuti: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Jabuuti kula kulmay Madaxweynaha Jamhuuriyaddan aan walaalaha nahay Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.
Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay wada-tashiga iyo isku-duwidda dadaallada diblumaasiyadeed ee lagu difaacayo midnimada, madax-bannaanida iyo qaranimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo la adkeeyey muhiimadda ay leedahay mowqifta dalalka walaalaha iyo saaxiibka ah ee ka soo horjeestay kala qeybinta Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyey Dowladda iyo Shacabka Jamhuuriyadda Jabuuti doorka walaaltinimo iyo hoggaamineed ee ay ka qaadanayaan garab-istaagga Soomaaliya, gaar ahaan taageerada joogtada ah ee ku aaddan ilaalinta midnimada iyo madax-bannaanida dalka.
Labada Madaxweyne ayaa isla qaatay in la sii xoojiyo wada-tashiga diblumaasiyadeed iyo iskaashiga labada dal, si loo ilaaliyo xasilloonida Gobolka iyo mabaa’diida aasaasiga ah ee hagaya xiriirka dowladaha.
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay mar kale ku celinaysaa go’aankeeda adag ee ah ilaalinta midnimada dhuleed iyo madax-bannaanida qaranka, iyadoo ku kalsoon garab-istaagga iyo wadajirka dalalka Gobolka.

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Jamhuuriyadda Azerbaijan waxay mar kale xaqiijinaysaa taageeradeeda buuxda ee Madaxbannaanida, Midnimada, iyo Dhul-weynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo la Ixtiraamayo Xuduudaheeda Caalamku Aqoonsan yahay.
Aqoonsiga waxa loogu yeero “Somaliland” oo ka tirsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya wuxuu ka hor imaanayaa xeerarka iyo Mabaadi’da Sharciga Caalamiga ah iyo Axdiga Qaramada Midoobay.
Azerbaijan waxay soo martay waayo-aragnimo xanuun badan oo la xiriirta Gumeysi Ciidan oo shisheeye iyo kala-go’ ka dhacay Dhulkeeda, taas oo ku xadgudbaysay Sharciga caalamiga ah.
Iyadoo ku hagaysa Mabaadi’dan iyo Waayo-Aragnimadeeda gaarka ah, Jamhuuriyadda Azerbaijan waxay si adag ugu taagan tahay ilaalinta Madaxbannaanida, Midnimada Dhuleed, iyo Xorriyadda Siyaasadeed ee dhammaan Dalalka, waxayna ugu baaqaysaa Beesha Caalamka inay u dhaqanto si masuuliyad leh, kuna shaqeyso si buuxda oo waafaqsan Sharciga Caalamiga ah.
Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mudane Mustafa Duhulow ayaa si rasmi ah u daah-furay banbax lagu diyaarinayo Qorshaha Waxqabad 2026 ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo uu halku dhigiisu ahaa (Adeeg Bixin Sahlan, Hufan, oo Tayo Leh). Banbaxaa waxaa qeyb ka ahaa Agaasime-ku-xigeennada Guud, lataliyeyaasha hay’adda, Agaasime Waaxeedyada, Agaasime Laameedyada, Madax Qeybeedyada, Madax Xafiisyeedyada, iyo Kormeerayaasha.
Agaasimaha Guud ayaa tilmaamay in banbaxani uu yahay fursad lagu mideynayo aragtida Hay’adda, lagu Qiimeynayo waxqabadkii hore, isla markaana lagu dejinayo hiigsiyo iyo hortabbinno waaqici ah oo lagu wajahayo sanadka 2026, si wax looga beddelo tayada bixinta Adeegyada HSJ.
Qorshaha Waxqabadka ee Sanadka 2026 ayaa diiradda saaraya Horumarinta Adeegyada iyo Hufnaanta Maamulka, iyadoo xoogga la saarayo waxtarka, tayada, iyo ka jawaabidda baahiyaha Muwaadiniinta.

Miqdisho(Wargeyska Dalka);-Masuuliyiinta Wasaaradda Warfaafinta Dowlad-Goboleedka Hirshabeelle, oo ay hormuud ka yihiin Wasiirka Wasaaradda, wasiir-ku-xigeennada iyo dhammaan howl-wadeennada Wasaaradda, ayaa waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Hirshabeelle, Mudane Yaasiin Axmed Maxamuud, oo Hooyadii Maryan Axmed Kulmiye ku geeriyootay magaalada Muqdisho.
Masuuliyiinta iyo howl-wadeennada Wasaaradda Warfaafinta Hirshabeelle waxay Alle uga baryayaan marxuumadda in uu ku mannaysto naxariistiisa Janno; Agaasime Yaasiin iyo dhammaan ehelkana in uu ka siiyo sabar iyo iimaan, qalbiyadoodana uu u qaboojiyo.
Innaa Lillaahi wa Innaa Ilayhi Raajicuun.
Muqdisho(Wargeyska Dalka):Dowladda Shiinaha ayaa maanta oo Isniin ah ku biirtay Dalal iyo hay’ado Caalami ah oo si cad uga soo horjeestay tallaabada ay Israa’iil ku sheegtay Aqoonsiga Somaliland, oo ah qayb ka mid ah Dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Shiinaha, Lin Jian, oo ka jawaabayay su’aal ku saabsan go’aankii TelAviv toddobaadkii hore ku dhawaaqday, ayaa sheegay in Beijing ay arrintan ka walaacsan tahay isla markaana si adag uga soo horjeeddo. Wuxuu xusay in Dalal iyo Ururro Caalami ah oo badan ay horay u diideen una cambaareeyeen tallaabadaas.
Lin Jian ayaa carrabka ku adkeeyay in Shiinuhu si buuxda u taageersan yahay Madax-Bannaanida, Midnimada iyo wadajirka Dhuleed ee Soomaaliya, isla markaana uu Somaliland u arko qayb aan laga goyn karin Dalka. Wuxuu intaas ku daray in Shiinuhu ka soo horjeedo tallaabo kasta oo horseedi karta kala-qaybsanaanta Dhulka Soomaaliya, isagoo tilmaamay in arrinta Somaliland ay tahay mid gudaha u gaar ah oo ay tahay in Soomaalidu iyagu si waafaqsan danahooda qaran u xalliyaan.
Afhayeenku wuxuu sidoo kale ugu baaqay Waddamada ka baxsan Gobolka in ay joojiyaan faragelin kasta oo aan habboonayn, isagoo adkeeyay in aysan jirin Dowlad xaq u leh taageeridda ama garab-istaagga kooxo gooni-u-goosad ah si ay u gaaraan dano gaar ah.
Sidoo kale, Lin Jian wuxuu ugu baaqay Maamulka Somaliland in ay si dhab ah u fahmaan jihada ay xaaladdu u socoto, isla markaana ay joojiyaan tallaabo kasta oo gooni-u-goosad ah iyo iskaashi lala yeesho Quwadaha Shisheeye.
Dhankeeda, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale xaqiijisay mowqifkeeda ah in ay si buuxda u diidan tahay aqoonsi kasta oo la siiyo Somaliland, iyadoo ku adkaysatay in Somaliland ay tahay qayb ka mid ah Dhulka Soomaaliya, isla markaana heshiis ama xiriir toos ah oo lala yeesho ay u aragto mid xadgudub ku ah Qarannimada iyo Midnimada dalka.
In ka badan 21 Dal iyo Ururo oo heer Caalami ah iyo mid Gobolleed isugu jira ayaa diidmo adag kala hor yimid damaca Yuhuuddu ku aqoonsaneyso qeyb ka mid Gobolada Dalka Soomaaliya, waxayna dhammaantood hoosta ka xariiqeen Qodobadan soo socda:-
2. Cambaareyn adag oo ay u cambaareynayaan aqoonsigaas, kaas oo ah ku xadgudub weyn oo ka dhan ah mabaadi’da sharciga caalamiga ah iyo Axdiga Qaramada Midoobay, kuwaas oo si cad u faraya ilaalinta Madaxbannaanida Dowladaha iyo Dhul-wadaaggooda, islamarkaana ka tarjumaya siyaasado fidin (ballaarin) ah oo Yuhuuddu damacsan tahay.
3. Taageero buuxda oo ay siinayaan Madaxbannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyo diidmo aan leex leexad laheyn oo ay u diidan yihiin tallaabo kasta oo wiiqeysa Mdnimada Soomaaliya, Dhul-wadaaggeeda ama Madaxbannaanideeda ku aaddan dhammaan Dhulkeeda.
4. Aqoonsiga qeybo ka mid ah Dal waxa uu abuurayaa tusaale halis ah, wuxuuna khatar gelinayaa Nabadda iyo Amniga Caalamka, isla markaana ku xadgudbaya mabaadi’da aasaasiga ah ee Sharciga Caalamiga ah iyo Axdiga Qaramada Midoobay.
5. Diidmo buuxda oo ay u diidan yihiin xiriir kasta oo suurtagal ah oo u dhaxeeya tallaabadan iyo isku day kasta oo lagu doonayo in si qasab ah Dadka Falastiin looga raro Dhulkooda, taas oo si mabda’ ahaan ah gebi ahaanba loo diidan yahay nooc kasta ha ahaatee.
Haddaba Dadka aadka wax u taxliiliya ayaa in Seddexdaan talaabo haddi Somaliland aysan ku guuleysan Ictiraaf ma jiro!
Maamulka Somaliland waxa loogu sheekeyay in Ictirafki 35 sanno ay sugaayen Israel laga helay, balse xaqiiqda waa in seddex talaabo idin dhiman tahay oo Israel hal Dal ay tahay waxna ka badali karin qariirada iyo Shuruucda Qaramada Midoobay (UN-ka).
2. Markay Soomaliya aqbasho, ayaa haddana cod la galinaya. Wadamada codka leh ee Golaha Qaramada Midoobay, kuwaasi oo ka kooban 193 Dal, si aad Dal madax banaan oo UN ka tirsan u noqotid waa inaad hesha 129 cod.
3. Marki aad ka soo gudubtid buundadaas, waxa ku sugayan 15-ka xubin ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, waana inaad hesha 9 cod. Mid ku darso Soomaaliya waxay bisha January la wareegeysaa Shir Guddonka Golaha Ammaanka, halkaasina shaqo ayaa laga qaban doona.
Sidoo kale dhammaan 5-ta Xubin ee joogtada ah, islamarkaana leh Codka Diidmada Qayaxan (5 Veto Power) waa inay haa u codeeyaan. Tusaale haddi China ama Russia midkood maya u codeeyo, barnaamijka oo idil halkaas ayuu ku dhammaanayaa.
Tusaale , Kosovo waa dal aqoonsi ka heysto in ka badan 100 Wadan, sidaasi oo ay tahay UN-ka waxay u aqoonsan tahay Serbia inay ka mid tahay, sababtuna waa in markii UN la keenay qadiyadoda inay diideen Shiinaha iyo Ruushka.
Maamulka Gobolada Waqooyi ee uu damacu wado xaqiiqda waxay tahay in wadda dheer oo Qodxo badan idin sugeyso , Dowladda Soomaliya iyo inta la mowqifka ahna awoodooda Diblomaasiyadeed ayay istacmali doonaan.
“Aqoonsiga ay bixisay Israa’iil oo ah “Dowlad go’doon ah” waxba uma kordhin doono Somaliland, marka laga reebo magac-xumo iyo go’doon hor leh,” ayuu yiri Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad.
Dhinaca kale Dowladda Eritarea ayaa ku biirtey dalalka qaadacay aqoonsiga ay Yuhuuddu siisey Somaliland, waxayna Asmara sheegtay in qorshahani yahay mid lagu doonayo in Gobolka qalalaase looga abuuro, waxayna xustay in loo baahan yahay in Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu qaado talaabo, waxayna Dowladda Shiinaha ugu baaqday inay waajib tahay inuu qaato masuuliyad anshaxeed, maadama ay Beijing diidan tahay inay Taiwan ka go’do, si la mid ah inuu arritaan uga hor yimaado.
Waxaa kaloo in la xusid mudan in Yuhuudu ay Saldhig ku leedahay Xeebta Magaalada Casmara ee Dalka Eretareeya, balse wax dhaqdhaqaaq ah kama sameyn karto, waayo Eretareya ayaan ogoleyn sababo jira awgood ama wax ay horey ugu heshiiyeen, sidaasi awgeed ayay doonayaan inay saldhig Militari ka sameystaan qeyb ka mid Dhulka Soomaaliyeed, waase haddii ay u suurtogasho.
dhinaca kale Banaanbax ka dhan ah xadgudubka ay Israa’iil ku sameysay Qaranimada Soomaaliya ayaa xalay ka dhacay isgoyska Taleex ee Degmada Hodan, Gobolka Banaadir, iyadoo Boqolaal ka tirsan shacabka caasimadda oo ka careysan tallaabada Israa’iil ayaa muujiyay taageeradooda ku aaddan difaaca Madax-Bannaanida Dhulleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo Qaar ka mid ah dadkii dibadbaxa ka qayb-galay oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay inay diyaar u yihiin difaaca Qaranimada Soomaaliya.
“Caawa, annaga oo ah shacabka Soomaaliyeed, waxaan muujineynaa dareenkeenna iyo xadgudubka loo geystay qarankeena,” ayuu yiri mid ka mid ah dhallinyarada oo ka hadlay dibad baxa.
Banaanbax ka dhan ah xadgudubka ay Israa’iil ku sameysay qaranimada Soomaaliya ayaa xalay ka dhacay isgoyska Taleex ee degmada Hodan, Gobolka Banaadir.
Boqolaal ka tirsan shacabka caasimadda oo ka careysan tallaabada Israa’iil ayaa muujiyay taageeradooda ku aaddan difaaca madax-bannaanida iyo midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Qaar ka mid ah dadkii dibadbaxa ka qayb-galay oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay inay diyaar u yihiin difaaca qaranimada Soomaaliya.
“Caawa, annaga oo ah shacabka Soomaaliyeed, waxaan muujineynaa dareenkeenna iyo xadgudubka loo geystay qarankeena,” ayuu yiri mid ka mid ah dhallinyarada ka hadlay dibadbaxa.
Guddoomiyaha dhallinyarada gobolka Banaadir, Cumar Faaruuq, ayaa isna yiri: “Dhallinyarada Soomaaliyeed caawa diyaar bay u yihiin inay muujiyaan shucuurtooda.”
Burhaan Axmed Rooble ayaa yiri: “Shacabka reer Muqdisho waxay muujiyeen dareenkooda ka dhanka ah mowqifka Israa’iil.”
26-ka bishan ayay ahayd markii Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil uu sheegay in maamulka gobollada Waqooyi ee Soomaaliya (Somaliland) uu sheegay in u aqoonsanayo maamul madax-bannaan, taas oo ay si adag uga hor yimaadeen dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, iyagoo ku tilmaamay ficil ka dhan ah qaranimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed.

Muqdisho,(Wargeyska Dalka):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan looga hadlay ilaalinta Madaxbanaannida , Gobanimada iyo Midnimada Dalka la qaatay qaar ka mid ah Madaxweyneyaasha Dowlad-Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray qorshaha Dowladda ee ku aaddan ka hortagga xadgudubka uu Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed ku qaaday Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil.
Madaxweynaha ayaa sheegay in Dowladda, iyadoo kaashanaysa Shacabka Soomaaliyeed, ay dadaal xooggan gelisay ilaalinta Qarannimada, Midnimada iyo Wadajir Dalka, isla markaana ay u marayso habraacyada iyo xeerarka caalamiga ah. Wuxuu adkeeyay muhiimada ay leedahay in si mideysan looga hortago damaca gurracan ee wiiqaya jiritaanka Ummadda Soomaaliyeed.
Madaxweyneyaasha Dowlad-Goboleedyada Koonfur Galbeed, Galmudug, Hirshabeelle, Waqooyi-Bari, iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ee kulanka ka qayb galay, ayaa carabka ku adkeeyay in Somaliland ay tahay qayb ka mid ah Dhulka iyo Qaranka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Waxay sidoo kale ka digeen cawaaqibka aan la mahdin iyo culeyska amni ee tallaabadaasi u horseedi karto Gobolka, iyagoo caddeeyay sida ay ugu garab taagan yihiin Madaxweynaha Jamhuuriyadda dadaallada Diblomaasiyadeed ee uu ka wado Gudaha iyo Dibadda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ku guda jira wada-tashiyo Qaran oo lagu ilaalinayo midnimada iyo madax-bannaanida dalka ayaa kulan la qaatay, mas’uuliyiinta hay’adaha fulinta iyo sharci dajinta ku matala, Gobolada Waqooyi ee dalka.
Madaxweynaha ayaa mas’uuliyiinta ka dhageystay tallooyin iyo aragtiyo wax ku ool ah oo ku aadan, hannaanka loo wajahayo, ka hortagga fara-galinta shisheeye iyo ilaalinta midnimada dalka, isaga oo ka dalbaday in ay qaataan doorkooda ku aaddan ilaalinta Qarannimada iyo wadajirka Ummadda soomaaliyeed.
Dhankooda, mas’uuliyiinta Xukuumadda iyo Baaralamaanka dalka ku matala Gobolada Waqooyi ayaa Madaxweynaha ku bogaadiyay, dadaalka xooggan ee uu ku bixinayo ilaalinta gobanimada iyo midnimada dalka, iyaga oo ballan qaaday in ay kaalintooda ka qaadandoonaan, Ololaha Qaran ee looga hortagayo kala qaybinta dalka.
