Madaxweyne Xasan Sheekh oo Qaabilay Madaxda Ururada Siyaasadda ee ka Qeyb galay Doorashadii

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay, Madaxda 20-ka Urur siyaasadeed ee ka qayb galay, Doorashadii Taariikhiga ahayd ee Golaha deegaanka Degmooyinka Gobolka Benaadir 25-kii bishan ka dhacday magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa Madaxda Ururada ku bogaadiyay doorkii wanaagsanaa ee ay ka qaateen hirgalinta hannaanka Dimuquraadiyadda dalka iyo dhabar adeygii ay muujiyeen, isaga oo hoosta ka xarriiqay in tallaabadaasi bilow u ahayd, xaqiijinta himmilada weyn ee Soomaaliya Nabad ah, Dimuquraadi ah, Iskufilan, isla markaana horumarsan.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mas’uuliyiinta Ururada kala hadlay sidii ay doorkooda uga qaadan lahaayeen, Qadiyadda difaaca Qarannimada iyo ilaalinta midnimada dalka, isaga oo ku booriyay in ay muujiyeen diidamadooda ka dhanka ah damaca gurracan ee kala qaybinta dhulka Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Dhankooda, Madaxda Ururada ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda ku bogaadiyay, go’aankiisii dhaxal galka ahaa ee hirgalinta doorashooyinka Qof iyo Cod, si talada dalka dib loogu celiyo shacabka. Sidoo kale, waxa ay tilmaameen in ay dowladda si buuxda ugu garab taaganyihiin difaaca dalka iyo ilaalinta midnimada shacabka Soomaaliyeed.

          

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo cambaareeyay go’aankii gardarada ahaa ee Israa’iil

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa si adag u cambaareeyay go’aanka Israa’iil ay ku sheegtay aqoonsiga gobollada Waqooyi ee Soomaaliya, isagoo ku tilmaamay tallaabo gardarro ah, sharci-darro ah, kuna ah dagaal qaawan midnimada iyo madaxbannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Wasiirku wuxuu caddeeyay in madaxbannaanida, wadajirka dhuleed iyo qarannimada Soomaaliya ay yihiin lama taabtaan, taas oo waafaqsan Dastuurka Qaranka, qaraarrada Baarlamaanka, iyo hadalladii Madaxweynaha Jamhuuriyadda.

Waxaa la sheegay in go’aankan uu khatar ku yahay amniga gobolka, gaar ahaan Marinka Badda Cas, Gacanka Cadmeed iyo Bariga Dhexe, isla markaana uu dhiirrigelin karo xagjirnimo iyo argagixiso, taas oo lid ku ah xasilloonida caalamka.

Soomaaliya waxay si rasmi ah Israel uga dalbatay inay ka laabato go’aankan, iyadoo ballan qaaday inay qaadi doonto tallaabooyin diblomaasiyadeed oo ku habboon si loo difaaco madaxbannaanida iyo midnimada dalka.

Ugu dambayn, Wasiirku wuxuu xusay in wadahadallada u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland ay sii socon doonaan, si xal Soomaali u gaar ah, nabadeedna loogu helo arrimaha jira, iyadoo laga fogaanayo faragelin dibadeed.

Bulshada Bariga Afrika oo markale xaqiijisay Midnimada iyo Wadajirka Soomaaliya

Bulshada Bariga Afrika (EAC) ayaa mar kale caddeysay aqoonsigeeda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya inay tahay hal dowlad oo madax-bannaan, kana hoos shaqeysa awoodda iyo xukunka Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Bayaan ay soo saartay EAC ayaa lagu sheegay in ururku la jaanqaadayo mowqifka Midowga Afrika, sida ku xusan Axdiga Aasaasiga ah ee Midowga Afrika iyo go’aannada khuseeya madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale, Bulshada Bariga Afrika waxay carrabka ku adkaysay in aqoonsigeeda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uu waafaqsan yahay Heshiiska Aasaaska Bulshada Bariga Afrika, iyadoo Soomaaliya loo aqoonsanayo xuduudaheeda rasmiga ah ee ay dhaxashay xilligii ay xornimada qaadatay.

Ugu dambayn, EAC waxay ugu baaqday dhammaan dhinacyada ay khusayso in ay ixtiraamaan midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, isla markaana ay ku dhaqmaan xeerarka sharciga ah ee heer gobol iyo heer caalami ee la xiriira madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee dowladaha.

Wasiir Daa’uud Aweys” Jawaabta Israaiil ee aqoonsiga Somalinad waxaa loo mari doonaa dariiq diblomaasiyadeed,”

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Da’ud Aweys Jaamac, ayaa xaqiijiyay in jawaabta Dowladda Federaalka Soomaaliya ka bixin doonto ku dhawaaqista Israa’iil ee ku saabsan aqoonsiga gobolka Somaliland ay noqon doonto mid loo maro dariiq diblomaasiyadeed, si looga fogaado sii xumaanshaha xaaladda, loona ilaaliyo xasilloonida dalka iyo tan gobolka Geeska Afrika.

Wareysi uu siiyay telefishinka Al-Sharq, ayuu wasiirku ku sheegay in Dowladda Federaalka ay dooratay wadada diblomaasiyadda inay noqoto ikhtiyaarka koowaad ee lagula tacaalayo tallaabadan. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in ku dhawaaqista Israa’iil aysan wax sal ah ku lahayn sharciga caalamiga ah, isla markaana Soomaaliya ay si buuxda u diiddan tahay faragelin kasta oo dibadeed oo ku xadgudbeysa madax-bannaanideeda iyo midnimadeeda dhuleed.

Wasiirka Warfaafinta ayaa intaas ku daray in la ballaarin doono dadaallada diblomaasiyadeed, iyadoo lala shaqeynayo beesha caalamka, si arrintan xal degdeg ah looga gaaro. Wuxuu tilmaamay in Soomaaliya ay horey u wajahday caqabado iyo khilaafyo ku filan, isla markaana tallaabadan ay sii murginayso xaaladda jirta, kana dhalin karto xiisad hor leh oo ka dhex aloosanta gobolka.

Sidoo kale, wasiirku wuxuu sheegay in Dowladda Federaalka ay durba billowday qaadista tallaabooyin diblomaasiyadeed, oo ay ka mid tahay u gudbinta arrintan shir degdeg ah oo ay isugu yeerayso Jaamacadda Carabta. Wuxuu muujiyay rajada ah in Israa’iil ay ka laabato hadalkan uu ku tilmaamay mid ka dhan ah Soomaaliya iyo madax-bannaanideeda.

Jaamac ayaa xusay in cawaaqib-xumada ka dhalan karta tallaabadan aysan ku koobnaan doonin Soomaaliya oo keliya, balse ay saameyn ku yeelan karto dalalka ku teedsan Badda Cas, taasoo sii adkeyn karta xaaladda amni ee gobolka.

Dhanka sharciga, Wasiirka Warfaafinta ayaa carrabka ku adkeeyay in ku dhawaaqista Israa’iil aysan wax saameyn sharci ah ku yeelan doonin Soomaaliya, maadaama arrimaha gudaha dalka lagu maamulo Dastuurka Qaranka iyo shuruucda u degsan, isla markaana wax kasta oo khuseeya dalka lagu wajahayo qaab-dhismeedkaas sharci.

Wasiirku wuxuu si cad u sheegay in Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay si adag u diiddan tahay isku day kasta oo dibadeed oo lagu doonayo in lagu soo farageliyo mustaqbalka dalka, isagoo mar kale adkeeyay in Soomaaliya ay ahaan doonto dal midaysan, isla markaana gobolka Somaliland uu yahay qayb ka mid ah dhulkeeda.

Isagoo ka hadlayay xalinta guud ee arrinta, Wasiirka Warfaafinta ayaa mar kale xaqiijiyay in dowladda ay si buuxda u diiddan tahay ku dhawaaqista Israa’iil, isagoo ku sifeeyay “fal aan sal iyo raad toona lahayn” oo sababi kara qalalaase haddii xaaladdu sii xumaato, xilli ay Soomaaliya weli ku jirto dagaal adag oo ka dhan ah kooxaha argagixisada ah, oo ay ugu horreeyaan Daacish.

Dhanka walaaca laga qabo suuragalnimada dib u soo laabashada khilaaf gudaha ah, wasiirku wuxuu sheegay in dowladda ay dadaal xooggan ugu jirto ka hortagga wax kasta oo saameyn ku yeelan kara amniga iyo xasilloonida dalka. Wuxuu xusay in Soomaaliya ay sanado badan la daalaa-dhacaysay dhibaatooyin kala duwan, isla markaana xalintooda ay u baahan tahay wadahadal iyo ka fogaanshaha faragelin shisheeye.

Wasiirka ayaa sidoo kale tilmaamay in xukuumaddu ay horey u yeelatay dhowr wareeg oo wadahadal ah oo ay la gashay maamulka Somaliland, isagoo adkeeyay in Muqdisho ay weli diyaar u tahay in xal nabadeed laga gaaro khilaafaadka jira, isla markaana la filayo in wareegyo cusub oo wadahadallo ah dib loo bilaabo.

Ugu dambeyntii, Wasiirka Warfaafinta ayaa ugu baaqay beesha caalamka in ay cadaadis ku saarto dal kasta oo aan ixtiraamin heshiisyada iyo xeerarka caalamiga ah, isagoo ka digay in dhaqamada noocaas ahi ay horseedi karaan qalalaase hor leh oo heer gobol iyo mid caalami ah. Wuxuu shacabka Soomaaliyeed ku booriyay inay difaacaan qarannimada dalkooda, isla markaana ay ku dadaalaan sidii xal nabadeed loogu heli lahaa xaaladda taagan sida ugu dhaqsaha badan.

Culimada Soomaaliyeed oo Bayaan ka soo saaray xadgudubka iyo aqoonsi beenaadka ay Israaiil siisay Somaliland

Midowga Golayaasha Culimada Soomaaliyeed oo ku shiray Muqdisho ayaa Warsaxaafadeed ka soo saaray xadgudubka iyo aqoonsi beenaadka Israaiil ee ka dhanka ah madax banaanida Soomaaliya.

Dood dheere iyo falaqeyn ka dib, culimada ayaa soo saaray bayaan ay kaga hadlayaan tallaabada halista ah ee gumeystaha Israaiil uu ku aqoonsaday maamulka Somaliland, taas oo si toos ah u taabaneysa midnimada Qaranka iyo madax bannaaninada Jamhuuriyadda Federaalka.

                          Bayaanka ay soo saareen culimada:-

  1. Midowga Golayaasha culimada Soomaaliyeed waxay si cad oo mugdi ku jirin u caddeynayaan diidmadooda buuxda oo ay ka qabaan faragelinta iyo duulaanka qaawan ee gumeystaha Israaiil uu ku soo qaaday jiritaanka ummadda Soomaaliyeed iyo caqiidadooda.
  2. Midowga Golayaasha culimada Soomaaliyeed, waxay caddeynayaan in shareecada Islaamka waajibisay ilaalinta midnimada umadda muslimiinta ah ayna waajib Diini muqadas tahay in laga hortago kala qeybsanaan iyo faragelin shisheeye, gaar ahaan midda ka imaaneysa cadowga sida joogtada u gumaadayo, u barakacinayo ugana xadgudbayo walaalaheen reer Falastiin.
  3. Aqoonsi beenaadkan wuxuu albaabka u furayaa hirgelinta waxaa loogu yeero mashruuca Abraham ama ‘’ Diinta Ibraahiimyada’. kaas oo ah sameynta iyo dhoodhiibidda Diin beenaad cusub oo lid ku ah caqiidadeena Islaamka ee toosan.
  4. Ujeeddada dhabta ah ee sahyuuniyada ee tallaabada dhallanteedka ah ugu diiratay waa in la wiiqo kaalintii taariikhiga ahayd ee ummadda Soomaaliyeed ku lahayd difaaca kacbada sharafta leh iyo labada Xaram iyo marinka Istiraatiijiga ah ee Baabul Mandab iyo ka hortagga cadowga kasta oo weerar ku ah.
  5. Midowga Culimada Soomaaliyeed, waxay ugu baaqayaan shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan in ay ka feejignaadaan adeegsiga, faafinta ama taageeridda hal-ku -dhigyada, astaamaha iyo calamada ay leeyihiin cadowga Sahyuuniyadda, maddaana ay arrintaas si cad uga hor imaaneyso axkaamka iyo qiyamka Diinta Islaamka.
  6. Midowga Culimada Soomaaliyeed, Waxay ugu baaqayaan dhammaan siyaasiyiinta Soomaaliyeed, muxaafad iyo mucaarad in ay muujiyaan biseyl siyaasadeed iyo mas’uuliyad Qaran una midowbaan difaaca midnimada, madax bannaanida iyo wadajirka jamhuutiyadda federaalka Soomaaliyeed, iyagoo lagu garab istaagayo Dowladda Soomaaliyeed dadaallada dibloomaasiyeed iyo tallaabooyinka sharciga ah ee ay ku difaaceyso qaranimada ummadda Soomaaliyeed.

RW Xamsa” Tallaabada Netanyaha waxba kama beddeleyso xaqiiqda sharci iyo siyaasadeed ee dalka,”

Muqdisho,(Wargeyska Dalka):- Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa si adag u cambaareeyay go’aanka Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ee lagu sheegay in Somaliland loogu aqoonsaday Dowlad  Madax Bannaan, isagoo tallaabadaas ku tilmaamay mid xadgudub iyo sharci-darro ah.

Ra’iisul wasaare Xamsa ayaa wareysi uu siiyay Tefefishinka Al Jazeera ku sheegay in sheegashadaas waxba ka beddeleyn xaqiiqda sharci iyo siyaasadeed ee Soomaaliya, isagoo ku nuux nuuxsaday in Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay tahay Dowlad Madax Bannaan oo leh midnimo dhuleed iyo xudduudo caalanka aqoonsan yahay.

Wareysi uu siiyay telefishinka Al Jazeera, Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu caddeeyay in sheegashadaasi aysan waxba ka beddelayn xaqiiqda sharci iyo tan siyaasadeed ee Soomaaliya, isagoo ku nuuxnuuxsaday in Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay tahay Dowlad Madax Bannaan oo leh midnimo dhuleed iyo Xudduudo caalamka la aqoonsan yahay.

Wuxuu intaas ku daray in xadgudub kasta oo lagu sameeyo madax-bannaanida, midnimada ama xuduudaha Dalka uu yahay jebin cad oo ka dhan ah sharciga caalamiga ah.

Sidoo kale, Ra’iisul wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa xusay  in Shacabka Soomaaliyeed iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay si isku mid ah u diiddan yihiin bayaankaasi, isaga oo ku tilmaamay mowqifka Netanyahu mid aan taxaddar siyaasadeed ku dhisnayn, kana hor imanaya mabaadi’da xiriirka caalamiga ah,wuxuu carrabka ku adkeeyay in ay ka habboonayd Israa’iil in ay aqoonsato Dowladda Falastiin, oo muddo dheer la daalaa-dhacaysay gumeysi iyo gardarro joogto ah.

Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sheegay in Soomaaliya aysan u baahnayn aqoonsi ka yimaada Netanyahu ama dhinac kale, maadaama ay tahay Dal leh sharciyad caalami ah iyo xubinimo buuxda oo Qaramada Midoobay ah, isagoo xaqiijiyay in Dowladda Federaalka ay qaaday tallaabooyin diblomaasiyadeed oo degdeg ah, isla markaana ay la xiriirtay waddamada walaalaha ah, kuwa saaxiibka la ah iyo hay’adaha caalamiga ah, isagoo tilmaamay in ay jireen falcelinno caalami iyo kuwo Gobolleed oo muujinaya taageero ballaaran oo loo hayo mowqifka Soomaaliya.

Ciidamada Xoogga Dalka oo xaqiijiyay Amniga Deegaan muhiim u ahaa Khawaarijta

Muqdisho,(Wargeyska Dalka):- Ciidanka Xoogga Dalka ayaa xaqiijiyay amniga deegaanka Dhanaane ee Gobolka Shabeellaha Hoose, kaddib markii ay halkaas shalay ka saareen maleeshiyaadka Khawaarijta ee dhibaatada ku hayay Shacabka.

Howlgalka oo qeyb ka ah qorshaha dib-u-xoraynta iyo sugidda amniga ayaa si guul leh uga dhacay deegaanada Dhanaane iyo Gendershe oo ku yaalla xeebaha u dhexeeya magaalooyinka Muqdisho iyo Marko.

Saraakiisha hoggaamineysay hawlgalkan ayaa sheegay in si buuxda loo xaqiijiyay amniga, islamarkaana ay socdaan howlgallo xaqiijin iyo baaritaan ah oo looga hortagayo dhagarta kasta oo uu cadawgu ku doonayo in Shacabka u soo maleego.

       

Ciidamada Xoogga Dalka oo howlgal qorsheysan ka fuliyay Gobolka Bakool

Muqdisho,(Wargeyska Dalka):- Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo qorsheysan ka fuliyay deegaanka Moora Gaabey, oo 30km dhanka Waqooyi Bari kaga beegan Magaalada Xuddur, Xarunta Gobolka Bakool.

Howlgalka ayaa lagu bartilmaameedsaday fadhiisimo ay ku dhuumaaleysanayeen maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab, ayaa waxaa lagu dilay 15 xubnood, oo ay ku jiraan 3 horjoogayaal oo door ku lahaa falalka arxan-darrada ah ee lagu dhibaateyn jiray Shacabka Deegaannadaas.

Howlgalkan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ku ciribtirayaan khatarta argagixisada, kuna xaqiijinayaan nabadda, Amniga, iyo Badbaadada Shacabka Soomaaliyeed.

Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxay mar kale adkeynayaan in howlgallada ka dhanka ah Kooxaha Argagixisada ay sii socon doonaan ilaa laga xaqiijiyo Nabadda iyo Xasilloonida guud ee Dalka.

Xildhibaanada labada Aqal oo ansixiyey qaraar ku saabsan diidmada iyo ka-hortagga xadgudubka Israa’iil

Muqdisho(Wargeyska Dalka);Mudanayaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta kulan aan caadi ahayn ku yeeshay xarunta Villa Hargeisa, ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyey qaraar ku saabsan diidmada iyo ka-hortagga xadgudubka Israa’iil ee Madaxbannaanida Dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Hoos ka akhriso qaraarka kasoo baxay xildhibaannada labada Gole.

    

 

Madaxweynaha JFS oo khudbad ka jeediyay Golaha Baarlamaanka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

Muqdisho,(Wargeyska Dalka);-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad u jeediyey Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaareeyey xadgudubka ka dhanka ah Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed ee uu ku kacay Ra’iisul Wasaaraha Yuhuudda, kaasoo si bareer ah ugu tuntay Shuruucda iyo Xeerarka Caalamiga ah.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed ay naf iyo maalba u horayaan ilaalinta qarannimadooda iyo Midnimadood, waxa uuna Carabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay in xilligan loo wada istaago ka hortagga halista ku aaddan jiritaankeenna Soomaalinimo, xasilloonida iyo Nabadda Gobolka.

“Tallaabada Netanyahu waa mid aan marnaba la aqbali karin, waxayna ka dhigan tahay duullaan cad oo lagu soo qaaday Qarannimada, Madaxbannaanida iyo Midnimada Dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Gobollada Waqooyi ee Jamhuuriyadda, ee loo yaqaan Somaliland, waa qayb aan kala go’ lahayn oo ka mid ah Soomaaliya. Mowqifkeena ma isbeddeli doono, waxaana ka digeynaa isku-day kasta oo lagu kala qeybinayo Dalka.”

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo bogaadiyey garab istaagga heer Gobol, heer Carbeed, heer Afrika iyo heer caalam ee ku aaddan adkaynta iyo difaaca Midnimada Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa adkeeyey mowqifka soo jireenka ah ee shacabka iyo Dowladda Soomaaliya ay ku garab taagan yihiin walaalaha Falastiin ee la nool xadgudubyada joogtada ah.

“Soomaaliya ma oggolaan doonto in Dhulkeeda loo adeegsado dagaallo iyo fitno, waxaan diyaar u nahay in aan kaalin muuqata ka qaadanno Nabadda iyo Xasilloonida Gobolka iyo caalamka. Waxaan sidoo kale si mabda’ ahaan u diiddanahay barakicinta khasabka ah ee Shacabka Falastiin”.

Ugu dambeyntii, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ugu baaqay Dalalka saaxiibada ah, kuwa walaalaha ah iyo Hay’adaha Caalamiga ah in ay garab istaagaan Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed dadaallada Diblomaasiyadeed iyo kuwa sharci ee lagu difaacayo madaxbannaanida, Midnimada iyo jiritaanka Qaranka Soomaaliyeed.