Dowladda Nayjeeriya Oo si adag u cambaareysay xadgudubka Israa’iil kula kacday Midnimada Dalka Soomaaliya

Muqdisho(Wargeyska Dalka);-Dowladda Jamhuuriyadda Federaalka Nayjeeriya ayaa si cad u muujisay taageerada buuxda ee ay u hayso Madax-Bannaanida, Midnimada Dhuleed iyo Dowladnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo si adag u diidday damaca Israa’i1l ee lagu wiiqayo Wadajirka Dhuleed ee Dalka Soomaaliya.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Nayjeeriya ayaa lagu xaqiijiyey in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay tahay hay’adda keliya ee sharciyeysan ee matasha Shacabka Soomaaliyeed, isla markaana Beesha Caalamka ayay Nayjeeriya ugu baaqady inay ka fogaadaan tallaabo kasta oo ka dhan ah Midnimada iyo Madax-Bannaanida Soomaaliya.

 

Madaxweynaha JFS oo khudbad ku saabsan xaaladda dalka u jeedin doono Xildhibaannada Labada Aqal

Muqdisho(Wargeyska Dalka);-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa lagu wadaa inuu maanta khudbad ku saabsan xaaladda Dalka u jeediyo labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa xaqiijisay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu Baarlamaanka Labadiisa Aqal la wadaagi doono go’aanka ka dhiidhinta ah ee ku saabsan xadgudubka bareerka ah ee Yuhuuddu ku sameysay Madax Bannaanida iyo Qaranimada Ummadda Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale hakiyay dhammaan howlaha kale ee uu waday, isagoo xoogga isugu geeyay arrimaha Difaaca Dalka, kaddib faragelin uu Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil ku sameeyay Wadajirka iyo Midnimada Ummadda Soomaaliyeed.

Howlgal ka Dhan ah Khawaarijta oo ka Dhacay Gobolka Galguduud

Muqdisho(Wargeyska Dalka);-Ciidanka Kumaandoosta Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo Amni-Xaqiijin ah ka fuliyay Deegaanno muhiim ah oo ka tirsan Gobolka Galguduud.

Howlgalkan ayaa si qorsheysan uga dhacay Deegaannada Ceel-Cali Mire, Bulacle, Xersi Fiin iyo Miir-Dugle, kuwaasoo dhammaantood ku yaalla Duleedka Magaalada Dhuusamareeb.
Intii uu Howlgalka socday, Ciidamada Danab ayaa xaqiijiyay Ammaanka Guud, iyagoo baaritaanno ka sameeyay Tuulooyinkaas si looga hortago khatar kasta oo Amni-darro ah, ayna Shacabka Deegaanka u helaan Nolol & Nabad.

Saraakiishii Hoggaaminaysay howlgalkan ayaa sheegay in uu qayb ka yahay dadaallada joogtada ah ee ay Ciidamadu ku wiiqayaan Khawaarijta, isla markaana ay sii socon doonaan Hawlgallada lagu xaqiijinayo Amniga Gobolka.

Dowladda Syria oo cambaareysay Aqoonsiga dhex-maray Israa’iil iyo Somaliland

Dowladda Jamhuuriyadda Carabta ee Suuriya ayaa si kulul u cambaareysay kuna gacan sayrtay aqoonsiga dhex maray Israa’iil iyo Somaliland, iyadoo mar kale xaqiijisay taageeradeeda buuxda ee midnimada, madax-bannaanida iyo dhuleednimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

War-saxaafadeed ay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Qurbajoogta Suuriya soo saartay, oo taariikhdiisu tahay 27-ka Diseembar 2025, ayaa lagu sheegay in tallaabadan ay tahay xadgudub cad oo ka dhan ah sharciga caalamiga ah iyo Axdiga Qaramada Midoobay, isla markaana ay si toos ah u dhaawacayso madax-bannaanida iyo midnimada qaran ee Soomaaliya.

Bayaanka ayaa caddeeyay in tallaabooyinka noocan ah aysan lahayn wax sharciyad ah, isla markaana aysan dhalin karin wax saameyn sharci ah, maadaama ay ku dhisan yihiin ku tumashada mabaa’diida aasaasiga ah ee xiriirka dowladaha iyo ixtiraamka xuduudaha caalamiga ah ee la aqoonsan yahay.

Suuriya waxay sidoo kale ka digtay isku day kasta oo lagu abuurayo hay’ado ama maamullo gooni-goosad ah ama lagu taageerayo mashruucyo kala qaybin ah, iyadoo ku tilmaantay arrintaas mid halis weyn ku ah amniga iyo xasilloonida gobolka, isla markaana leh cawaaqib siyaasadeed iyo amni oo khatar ku ah dalalka iyo shucuubta ku dhaqan Geeska Afrika.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Suuriya ayaa mar kale carrabka ku adkaysay mowqifkeeda aan is bedelin ee ah taageerada buuxda ee midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo ixtiraamka madax-bannaanideeda, iyadoo si cad u diidday tallaabo kasta oo lagu doonayo in lagu wiiqo ama lagu kala jaro midnimada dhuleed ee dowladaha madaxbannaan.

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Boqortooyada Haashimi ee Urdun, Jamhuuriyadda Carabta ee Masar, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Shacabka ee Aljeeriya, Midowga Jasiiradaha Qumooros, Jamhuuriyadda Jabuuti, Jamhuuriyadda Gambia, Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan, Jamhuuriyadda Ciraaq, Dawladda Kuwayt, Dawladda Liibiya, Jamhuuriyadda Maldives, Jamhuuriyadda Federaalka ee Nayjeeriya, Saldanadda Cumaan, Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan, Dowladda Falastiin, Dawladda Qatar, Boqortooyada Sucuudi Carabiya, Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Jamhuuriyadda Suudaan, Jamhuuriyadda Turkiga, Jamhuuriyadda Yemen, iyo Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa hoosta ka xariiqay qodobadan soo socda:

1. Diidmo cad oo aan mugdi ku jirin oo ay u diidan yihiin aqoonsiga ay Israa’iil 26-kii Diseembar 2025 u sameysay gobolka “Somaliland” ee ka tirsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, maadaama tallaabadan aan hore loo arag ay leedahay cawaaqib halis ah oo saameynaya nabadda iyo amniga Geeska Afrika, Badda Cas, isla markaana ay si guud u saameyneyso nabadda iyo amniga caalamka, kana tarjumeysa iska indha-tirid buuxda oo cad oo Israa’iil ay ku sameyneyso sharciga caalamiga ah.

2. Cambaarayn adag oo ay u cambaareynayaan aqoonsigaas, kaas oo ah ku xadgudub weyn oo ka dhan ah mabaadi’da sharciga caalamiga ah iyo Axdiga Qaramada Midoobay, kuwaas oo si cad u faraya ilaalinta madaxbannaanida dowladaha iyo dhul-wadaaggooda, isla markaana ka tarjumaya siyaasado fidin (ballaarin) ah oo Israa’iil leedahay.

3. Taageero buuxda oo ay siinayaan madaxbannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyo diidmo aan leexleexad lahayn oo ay u diidan yihiin tallaabo kasta oo wiiqeysa midnimada Soomaaliya, dhul-wadaaggeeda ama madaxbannaanideeda ku aaddan dhammaan dhulkeeda.

4. Aqoonsiga qaybo ka mid ah dal waxa uu abuurayaa tusaale halis ah, wuxuuna khatar gelinayaa nabadda iyo amniga caalamka, isla markaana ku xadgudbaya mabaadi’da aasaasiga ah ee sharciga caalamiga ah iyo Axdiga Qaramada Midoobay.

5. Diidmo buuxda oo ay u diidan yihiin xiriir kasta oo suurtagal ah oo u dhexeeya tallaabadan iyo isku day kasta oo lagu doonayo in si qasab ah dadka Falastiin looga raro dhulkooda, taas oo si mabda’ ahaan ah gebi ahaanba loo diidan yahay nooc kasta ha ahaatee.

Madaxweynaha JFS oo Wada-tashiyo Qaran la yeeshay Madaxdii hore iyo Siyaasiyiin Soomaaliyeed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ku guda jira wada-tashiyo qaran oo lagu xoojinayo difaaca midnimada, madax-bannaanida iyo wadajirka dalka, ayaa kulan ballaaran la yeeshay Madax hore oo heer qaran ah iyo siyaasiyiin Soomaaliyeed.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan arrimaha la xiriira ilaalinta qaranimada, midnimada dhuleed iyo ka jawaabista duulaanka qaawan ee Israa’iil ku soo qaaday qarannimada dalka, iyadoo la adkeeyey muhiimadda ay leedahay isku-tashi qaran iyo midnimo siyaasadeed.

Madaxweynaha ayaa bogaadiyey doorka ay Madaxda hore ee dalka iyo hoggaamiyeyaasha siyaasadeed ku leeyihiin talo-siinta qaranka, wuxuuna carrabka ku adkeeyey in difaaca midnimada iyo madax-bannaanida dalka ay tahay mas’uuliyad wadareed ka sarraysa kala duwanaanshaha siyaasadeed, waajibna ka dhigaysa in la mideeyo cududda iyo caqliga dadka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa sidoo kale kulamo la yeeshay Xildhibaannada labada Aqal ee Gobolada Waqooyi, Culimada Soomaaliyeed, iyadoo kulamadaas ay barbar socdeen xiriiro khadka taleefanka ah oo Madaxweynuhu la sameeyay Madaxda dalalka Gobolka, kuwa Caalamka iyo Ururuada Caalamiga ah.

   

Ciidamada XDS oo guulo waa weyn ka soo hooyay howlgalka “Seefta Qarsoon,”

Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed ayaa guulo muhiim ah ka gaaray howlgallada lagu ciribtirayo maleeshiyaadka Khawaarijta ee ka socda gobolka Shabeellaha Hoose.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya Ciidanka Nabad-sugidda Qaranka (NISA), ayaa guulo la taaban karo ka soo hooyay howlgalka “Seefta Qarsoon”, kaas oo socday muddo toddobaad ah, lana fuliyay deegaannada u dhexeeya Muqdisho iyo Marka.

Intii uu howlgalka socday, waxaa laga xoreeyay maleeshiyaadka cadowga ah deegaanno muhiim ah oo ay ka mid yihiin:
Galsaliimow, Ceel-saliini, Galka-Jimcooy, Diira-fuul, Jabadi-Eeri, Ismagurey, Xalambe, Garas, iyo Gawan.

Sidoo kale, Ciidamada Qaranka ayaa si buuxda u galay magaalada istiraatiijiga ah ee Dhanaane, halka ay marayaan wejigii ugu dambeeyay ee sugidda amniga magaalada Gandarshe, oo ay haatan wax ka yar 500 mitir u jiraan.

Dhanka kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay bogaadinaysaa Ciidamada Qalabka Sida doorkii mugga lahaa ee ay ka qaateen xaqiijinta amniga doorashadii taariikhiga ahayd ee ka dhacday magaalada Muqdisho 25-kii Diseembar 2025, taas oo si nabad ah ku qabsoontay markii ugu horreysay muddo ku dhow 60 sano.

Guulahan is-daba-joogga ah waxay caddeyn u yihiin adkaysiga, feejignaanta, iyo naf-hurnimada Ciidamada Qaranka, iyo sida ay uga go’an tahay difaaca shacabka iyo dowladnimada Soomaaliyeed.

Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalku waxay mar kale xaqiijinaysaa in dagaalka ka dhanka ah maleeshiyaadka argagixisada uusan istaagi doonin illaa laga xaqiijiyo amni buuxa iyo xasillooni waarta guud ahaan dalka.

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeeray deegaanno ka tirsan Shabeellaha Dhexe

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe.

Taliyaha oo ay weheliyaan Saraakiil ka tirsan Ciidanka ayaa intii uu kormeerka ku jiray kulama la qaatay saraakiisha hoggaaminaysa ciidamada ku sugan furimaha hore, isaga oo ka dhageystay warbixino la xiriira xaaladaha guud ee amniga.

Sidoo kale, Taliyaha ayaa ciidamada ku bogaadiyey doorka ay ka qaadanayaan difaaca dalka, isaga oo ku dhiirrigeliyey inay sii xoojiyaan dadaalladooda naf hurnimada leh.

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa guulo waa wayn ka gaaray howlgalladii ugu dambeeyay, iyadoo lagu khaarijiyay maleeshiyaad iyo horjoogayaal damacsanaa dhibaataynta shacabka Soomaaliyeed.

          

Shacabka Muqdisho oo si geesinimo leh kaga falceliyay go’aanka gardarada ah ee Yahuudda

Shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan Bulshada ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa si weyn uga soo horjeestay go’aanka gardarada ah ee maamulka Israa’iil uu ku kala qeybinayo midnnimada dhulka Soomaaliyeed.

Shacabka Muqdisho oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in aysan u baahneyn in balaayo iyo Yahuud loo soo dhoweeyo, iyagoo si weyn uga falceliyay tallaabada garadarada ah.

” Waa fariin loo diray dadka Soomaaliyeed oo macnaheedu tahay in ay midowbaan, waa fariin loo diray dibloomasiyadda arrimaha dibadda Soomaaliya oo ah hadda ka dib in ay diyaargarowbaan, aqoonsiga hadda la sheegayo wax macno ah oo uu soo kordhinayo malahan, Israa’iil iyadaaba adduunka laga aqoonsaneyn,” ayuu yiri mid ka mid ah shacabka Muqdisho.

Dowladda Federaalka iyo shacabkeeda oo isku duuban ayaa si wadajir ah oo gobonimo ah u difaacay qaddiyadda, midnimada iyo madax bannaanida dhuleed ee dalkeenna ka dib markii uu ku soo xadgudbay maamulka Yahuudda ee Israa’iil.

Madaxweynaha JFS oo Wada-Tashi Diblomaasiyadeed la yeeshay Amiirka Dowladda Qatar

Muqdisho(Wargeyska Dalka):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wada-tashi Diblumaasiyadeed kula yeeshay khadka taleefoonka Amiirka Dowladda Qatar Sheekh Tamiim Binu Xamad.

Madaxweynaha ayaa la wadaagay Amiirka Qatar mowqifka joogtada ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan qorsheyaasha halista ku ah Midnimada Dhuleed iyo Madax-Bannaanida Qaran ee Soomaaliya, waxa uuna xusay booska istaraatiijiga ah ee uu dhaco Dalkeennu, kaas oo muhiim u ah Amniga iyo Xasilloonida Gobolka.

Amiirka Dowladda Qatar ayaa muujiyey garab-istaag mabda’ ku dhisan oo ku aaddan ilaalinta Gobannimada, Midnimada Dhuleed iyo Madax-Bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isagoo adkeeyey muhiimadda ay leedahay in la Dhowro Axdiga Qaramada Midoobay iyo Mabda’a Ixtiraamka Xuduudaha Dalalka Madaxbannaan.