Madaxweynaha JFS oo wada-tashi diblomaasiyadeed la yeeshay amiirka dowladda Qatar

Muqdisho(Wargeyska Dalka):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wada-tashi diblumaasiyadeed kula yeeshay khadka taleefoonka Amiirka Dowladda Qatar Sheekh Tamiim binu Xamad.

Madaxweynaha ayaa la wadaagay Amiirka Qatar mowqifka joogtada ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan qorsheyaasha halista ku ah midnimada dhuleed iyo madax-bannaanida qaran ee Soomaaliya, waxa uuna xusay booska istaraatiijiga ah ee uu dhaco dalkeennu, kaas oo muhiim u ah amniga iyo xasilloonida Gobolka.

Amiirka Dowladda Qatar ayaa muujiyey garab-istaag mabda’ ku dhisan oo ku aaddan ilaalinta gobannimada, midnimada dhuleed iyo madax-bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isagoo adkeeyey muhiimadda ay leedahay in la dhowro Axdiga Qaramada Midoobay iyo mabda’a ixtiraamka xuduudaha dalalka madaxbannaan.

Wasiirka hawlaha Guud ee XJFS oo si adag uga hadlay go’aanka ay Israa’iil ku sheegtay inay Dowlad ahaan u Aqoonsatay Somaliland

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Ayuub Ismaaciil Yuusuf, ayaa si adag uga hadlay go’aanka ay Israa’iil ku sheegtay inay Dowlad ahaan u Aqoonsatay Somaliland.

Wasiirku waxa uu tallaabadan ku tilmaamay mid ka hor imaanaysa Sharciga Caalamiga ah, Midnimada Dhuleed iyo Madax-Bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isagoo Carrabka ku adkeeyay in arrimaha la xiriira Aqoonsiga iyo Masiirka Dalka ay yihiin kuwo Go’aan kooda kama dambaysta ahi yaallo Caasimadda Muqdisho.

Sidoo kale Wasiirka ayaa xusay in go’aankan uu dhaawacayo xasilloonida iyo wada-noolaanshaha Geeska Afrika, isagoo ugu baaqay Beesha Caalamka inay Ixtiraamaan Midnimada iyo Madax-Bannaanida Soomaaliya.

Madaxweynaha JFS oo Wada-Tashiyo balaaran oo Diblomaasiyadeed la yeeshay Madaxda Bariga Afrika

Muqdisho(Wargeyska Dalka):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wada-hadallo Diblumaasiyadeed oo DegDeg ah kula yeeshay khadka taleefoonka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti ahna Guddoomiyaha IGAD Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Kenya ahna Guddoomiyaha Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC) Mudane William Ruto, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Midowday ee Tanzania Marwo Samia Suluhu Hassan, iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Uganda Mudane Yoweri Museveni.

Wada-hadalladan ayaa diiradda lagu saaray xadgudubka sharci-darrada ah ee Ra’iisul Wasaaraha Yuhuuddu uu kula kacay madax-bannaanida iyo qarannimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, taasoo halis ku ah xasilloonida iyo Amniga Gobolka, kana soo horjeedda xeerarka iyo Shuruucda Caalamiga ah.

Hoggaamiyeyaasha Gobolka ee uu Madaxweynaha la hadlay ayaa si adag oo mideysan u caddeeyey garab-istaaggooda buuxa ee Gobannimada, Midnimada Dhuleed iyo Madax-bannaanida Soomaaliya, iyagoo adkeeyey in aqoonsi kasta oo ka dhan ah dhul ka tirsan dal madax-bannaan oo xubin ka ah Qaramada Midoobay uu yahay xadgudub cad oo ka soo horjeeda Axdiga Qaramada Midoobay, Mabda’a Midowga Afrika ee Midnimada Dhuleed iyo qawaaniinta hagaya xiriirka Dowladaha.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh ayaa sii wada wada-tashiyada oo uu la yeelanayo Madaxda Caalamka, si loo xoojiyo tallaabooyinka lagama maarmaanka u ah ee ku aaddan dhammaan dariiqyada Sharciga, Diblumaasiyadeed iyo Siyaasadeed ee Caalamiga ah, ee difaaca Midnimada iyo Madax-Bannaanida iyo Qarannimada.

Dalal iyo Ururro Caalami ah oo si Adag uga Soo Horjeestay Aqoonsiga Israa’iil ee Maamulka Somaliland

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Dalal iyo ururro caalami ah ayaa si isku mid ah u muujiyay diidmo adag oo ka dhan ah aqoonsiga Israa’iil ee maamulka Somaliland, iyagoo mar kale adkeeyay taageerada buuxda ee ay u hayaan madaxbannaanida, midnimada, iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Boqortooyada Sacuudiga ayaa caddeysay garab-istaagga Jamhuuriyadda Fadaraalka ah ee Soomaaliya, iyadoo aqoonsiga Israa’iil ku tilmaantay tallaabo sharci-darro ah oo ka hor imaneysa xeerarka caalamiga ah.

Jamhuuriyadda Ciraaq, oo hadda guddoomiyaha Jaamacadda Carabta, ayaa sheegtay in tallaabadan ay xadgudub ku tahay madaxbannaanida Soomaaliya, isla markaana ay khatar ku tahay amniga iyo xasilloonida Geeska Afrika.

Jamhuuriyadda Yemen ayaa si cad u diidday tallaabo kasta oo wax u dhimaysa midnimada Qaranka Soomaaliyeed, gaar ahaan xiriir ama aqoonsi u dhexeeya Israa’iil iyo maamulka Somaliland.

Dowladda Kuwait ayaa mar kale caddeysay taageerada buuxda ee ay u hayso madaxbannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, iyadoo si adag u diidday tallaabo kasta oo hal-dhinac ah oo lagu doonayo in lagu aqoonsado gobol ka mid ah dhulka Soomaaliya. Kuwait waxay arrintaas ku tilmaantay mid ka hor imaneysa sharciga caalamiga ah, isla markaana adkaysay garab-istaagga ay la taagan tahay dowladda iyo hay’adaha sharciga ah ee Soomaaliya.

Boqortooyada Urdun ayaa xaqiijisay taageeradeeda buuxda ee midnimada iyo amniga Soomaaliya, iyadoo aqoonsiga Israa’iil ku tilmaantay mid ka soo horjeeda Axdiga Qaramada Midoobay.

Jaamacadda Carabta iyo Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa si wadajir ah u cambaareeyay tallaabada Israa’iil, iyagoo ku tilmaamay faragelin aan la aqbali karin oo ka dhan ah sharciga caalamiga ah, waxayna ku baaqeen in la ixtiraamo madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, lana ilaaliyo amniga iyo xasilloonida gobolka.

Dowladda Ciraaq oo si adag u cambaareysay xadgudubka ay Israa’iil kula kacday midnimada Soomaaliya

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Jamhuuriyadda Ciraaq ayaa si adag u cambaareysay aqoonsiga ay Israa’iil u sameeyay waxa ay ugu yeertay “Dhulka Soomaaliland,” iyadoo tallaabadan ku tilmaantay xadgudub cad oo ka dhan ah madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kana hor imanaya sharciga caalamiga ah iyo Axdiga Qaramada Midoobay.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ciraaq ayaa sheegtay in, maadaama Ciraaq ay hadda hoggaaminayso Jaamacadda Carabta, ay arrintani wiiqeyso amniga iyo xasilloonida gobolka, isla markaana khatar ku tahay xasilloonida Geeska Afrika.

Ciraaq waxay mar kale adkaysay mowqifkeeda ku aaddan ixtiraamka madax-bannaanida dalalka iyo midnimadooda, waxayna ugu baaqday beesha caalamka iyo hay’adaha caalamiga ah inay qaataan mowqif cad oo ka dhan ah tallaabooyinka sharci-darrada ah, si loo ilaaliyo sharcinimada caalamiga ah.

Jordan oo Sheegtay in Israa”iil xudgudub ku samaysay madax-bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Dowladda Jordan oo Sheegtay in Israa’iil ay Xadgudub ku Samaysay Madaxbannaanida iyo Midnimada Dhuleed ee Soomaaliya

Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Boqortooyada Jordan ayaa lagu sheegay in dowladda Jordan ay si adag uga soo horjeeddo ku dhawaaqista Israa’iil ee aqoonsi ku sheega Maamulka Somaliland. Jordan waxay tallaabadaas ku tilmaantay mid si cad u jebinaysa sharciga caalamiga ah iyo Axdiga Qaramada Midoobay, isla markaana xadgudub ku ah madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Warsaxaafadeedka ayaa sidoo kale xusay in Jordan ay mar walba garab taagan tahay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo adkaysay muhiimadda ay leedahay ixtiraamka madax-bannaanida dalalka, ilaalinta midnimadooda dhuleed iyo dhowrista mabaadi’da sharciga caalamiga ah. Dowladda Jordan ayaa ugu baaqday beesha caalamka inay ka hortagaan tallaabo kasta oo hal-dhinac ah oo carqaladeyn karta nabadda, xasilloonida iyo amniga gobolka Geeska Afrika.

IGAD oo si weyn u difaacday Midnimada iyo Madaxbannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

Jabuuti(Wargeyska Dalka):-Xoghayaha Urur-Goboleedka IGAD oo goor dhowed soo saaray bayaan  ayaa si weyn ugu garab istaagay gobanimada iyo jiritaanka midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,warmurtiyeedka ayaa lagu yiri
IGAD waxay mar kale si cad u xaqiijisay in Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay tahay dal xubin ka ah IGAD oo leh midnimo, madaxbannaani iyo dhul buuxa, kuwaas oo si buuxda loogu aqoonsan yahay sharciga caalamiga ah.

IGAD waxay ugu baaqday dhammaan saaxiibbada caalamiga ah iyo daneeyayaasha in ay ixtiraamaan sharciga caalamiga ah, isla markaana ay taageeraan wadahadallo iyo hannaan siyaasadeed oo nabadeed kuwaas oo xoojinaya nabadda, xasilloonida iyo iskaashiga gobolka.

Sidoo kale, IGAD waxay mar kale muujisay garab istaaggeeda buuxa ee Dowladda iyo Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyada oo adkaysay ballanqaadkeeda ku aaddan taageeridda hannaan siyaasadeed oo loo dhan yahay iyo iskaashi goboleed, si loo gaaro nabad waarta, xasillooni iyo horumarka

Natiijada Doorashadii Golaha Deegaanka Gobolka Banaadir oo Maanta lagu Dhawaaqayo

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaa Maanta ku dhawaaqi doona Natiijada Doorshadii Golaha Deegaanka Gobolka Banaadir ee qabsoomtay Maalintii Khamiista 25-kii Disaamber.

Afhayeenka Guddiga Doorashooyinka Qaranka Cabdifataax Faysal oo xalay goor dambe la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa shaaciyey in natiijada lagu dhaawaaqi doono Maanta gelinka hore.

Afhayeenka ayaa sheegay in dhammaan Sanaaduuqda Codadka ku soo xeroodeen Xarunta Guud ee Gudidda Doorashooyinka halkaas oo lagu hubinayo,iyadoo tirinta iyo hubinta ay Goob Joog ka yihiin Wakiiladda Ururrada Siyaasadda,Bulshada Rayidka iyo Beesha Caalaamka.

Golaha Wasiirrada XFS oo mowqif cad ka qaatay tallaabada gardarrada ah ee Israa’iil kusoo qaaday madax-bannaanida Soomaaliya

back to school social media post banner template

Dawladda Federaalka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay mar kale si cad oo aan gorgortan geli karin u xaqiijinaysaa go’aankeeda adag ee ku aaddan ilaalinta madax-bannaanideeda, midnimadeeda qaran iyo wadajirka dhulkeeda, sida ku cad Dastuurka Ku-Meel-Gaarka ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Axdiga Qaramada Midoobay, iyo Axdiga Aasaasiga ah ee Midowga Afrika.

Dawladda Federaalka Soomaaliya waxay si buuxda oo aan shaki ku jirin u diidaysaa tallaabada sharci-darrada ah iyo weerarka tooska ah ee lagu soo qaaday madax-bannaanideeda, kaas oo ay Israa’iil ku doonayso inay ku aqoonsato waqooyiga Soomaaliya. Gobolka Somaliland waa qayb ka mid ah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waana dhul aan laga goyn karin, aan la kala saari karin, kana mid ah dhulka qaranka Soomaaliyeed.

Dawladda Federaalka waxay adkaynaysaa in Soomaaliya tahay hal dal oo mideysan, aan la kala qaybin karin, isla markaana aanay jirin cid shisheeye ah oo xaq ama awood u leh inay wax ka beddesho midnimadeeda ama qaab-dhismeedka dhulkeeda. Qoraal, aqoonsi, ama heshiis kasta oo lagu wiiqayo xaqiiqadan waa waxba kama jiraan, sharci iyo siyaasad midna kama laha sharciga caalamiga ah. Arrimaha ku saabsan midnimada Soomaaliya, maamulkeeda iyo nidaamkeeda dastuuriga ah waa xuquuq gaar u ah shacabka Soomaaliyeed, waxaana lagu xallin karaa oo keliya hannaan sharciyeysan, dastuur ah, iyo mid nabadeed.

Soomaaliya waxay mar kale ku celinaysaa taageeradeeda mabda’a ku dhisan ee ay la garab taagan tahay xuquuqda sharciga ah ee shacabka Falastiin, gaar ahaan xaqa ay u leeyihiin is-go’aamin. Waxay si adag u diidaysaa gumeysi, barakicin khasab ah, wax ka beddelka qaab-dhismeedka bulshada, iyo ballaarinta deegaamaynta sharci-darrada ah dhammaan noocyadooda. Soomaaliya marnaba ma aqbali doonto in shacabka Falastiin laga dhigo dad aan dal lahayn.

Dawladda Federaalka Soomaaliya waxay caddeyneysaa inaanay oggolaan doonin in dhulkeeda laga hirgeliyo saldhigyo ciidan oo shisheeye ama heshiisyo militari oo Soomaaliya gelin kara dagaallo wakiil ah ama soo gelin kara colaado goboleed iyo kuwo caalami ah.

Dawladda Federaalka Soomaaliya waxay ka digaysaa in tallaabooyinka sharci-darrada ah ee noocan ah ay si weyn u wiiqayaan nabadda iyo xasilloonida gobolka, isla markaana ay sii hurinayaan xiisadaha siyaasadeed iyo amni ee Geeska Afrika, Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, Bariga Dhexe, iyo guud ahaan gobolka. Tallaabooyinkan waxay ka hor imanayaan mas’uuliyadda wadajirka ah ee dowladaha ee la dagaallanka argagixisada, oo ay ka mid yihiin Al-Shabaab iyo Daacish, waxayna abuuri karaan jawi ay kooxaha argagixisadu ka faa’iideystaan xasillooni-darrada siyaasadeed, iyagoo wiiqaya dadaallada socda ee nabadda iyo amniga.

Soomaaliya waxay weli ka go’an tahay wada-shaqayn dhisaysa oo mabda’ ku salaysan oo ay la yeelato beesha caalamka, iyadoo ku dhisan is-ixtiraam, u hoggaansanaan sharciga caalamiga ah, iyo iskaashi goboleed. Arrintan awgeed, Dawladda Federaalka Soomaaliya waxay xaqiijinaysaa go’aankeeda ah inay qaaddo dhammaan tallaabooyinka diblomaasiyadeed, siyaasadeed, iyo sharci ee lagama maarmaanka ah, si waafaqsan sharciga caalamiga ah, si ay u difaacdo madax-bannaanideeda, midnimadeeda, iyo xuduudaheeda caalamku aqoonsan yahay.

Dawladda Federaalka Soomaaliya waxay ugu baaqaysaa dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed inay ahaadaan kuwo midaysan, feejigan, isla markaana u istaaga difaaca madax-bannaanida iyo wadajirka dhulka qaranka.

Ugu dambayn, Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay ugu yeeraysaa dhammaan dowladaha iyo saaxiibada caalamiga ah inay ixtiraamaan sharciga caalamiga ah, ay dhowraan mabda’a faragelin-la’aanta iyo dhowrista midnimada dhuleed, ayna u dhaqmaan si mas’uuliyad leh, iyagoo danaynaya nabadda, xasilloonida, iyo amniga Geeska Afrika.

 

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

Warbixinta Toddobaadlaha ee
Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho.

1- Muddo ka badan nus qarni kadib , shacabka Soomaaliyeed ayaa shaley u dareeray goobaha doorashada ee goleyaasha degaanka Gobolka Banaadir.

2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehliso Marwadiisa Qamar Cali Cumar ayaa codkooda ka dhiibtay Goobta Cod Bixinta ee Tiyaatarka Qaranka, halkaas oo ay ka socotay codeynta doorashada tooska ah ee Goleyaasha Deegaanka Gobolka Banaadir.

3- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad u jeediyey shacabka Soomaaliyeed, isagoo diiradda saarey muhimadda taariikhiga ah ee doorashooyinka Golaha Deegaanka Gobolka Banaadir.

4- Marwada Madaxweynaha, Marwo Sahro Cumar Xasan ayaa codkeeda ka dhiibatay Xarunta Degmada Dharkeynley ee Gobolka Banaadir.

5- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb-galay isku soo bax lagu soo xirayay ololaha doorashada Goleyaasha Degaanka Gobolka Banaadir ayaa jeediyey khudbad dhinacyo badan taabaneysay.

6- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qayb-galay, dabaal-degga sannad guurada 82-aad ee ka soo wareegtay aasaaskii Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.

7- Ra’iisul Wasaare Hamsa Cabdi Barre ayaa farriin u diray shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa caasimadda, kaddib doorashadii taariikhiga ahayd ee maanta qabsoontay.

8- Raiisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa kormeer ku tagay goobaha cod-bixinta doorashada Goleyaasha Degaanka Gobolka Banaadir.

9- Ra’iisul Wasaare Hamsa Cabdi Barre ayaa boqolaal dadweyne ah kala qeybgalay ololaha doorashada tooska ah ee Gobolka Banaadir.

10- Ra’iisul Wasaare Hamsa Cabdi Barre ayaa u Hambalyeeyey sannad guurada 82-aad ee ka soo wareegtay aasaaskii Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.

11- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa u magaceeby Abdulkadir Cilmi Ali inuu noqdo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha , Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta.

12- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, oo ka qeyb-galay Munaasabadda Sanad-guuradii 82-aad ee Aasaaska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, ayaa xusay dadaalka ay dhallinyarada Soomaaliyeed ugu jiraan horumarka amniga iyo doorashooyinka dalka.

13- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa codkiisa ka dhiibtay Xarunta Jaamacadda Green Hope ee degmada Hodan.

14- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Labaad ee Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa maanta xilka u kala wareejiyay Wasiirka cusub ee Wasaaradda Howlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta, Mudane Ayuub Ismaaciil Yuusuf, iyo Wasiirkii hore, Mudane Cilmi Maxamuud Nuur.

15- Wasiirka Warfaafinta Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa tababar u soo xiray in ka badan 60 kamid ah hawlwadeennada Warbaahinta Qaranka ee tebinayey doorashooyinka Golaha Deegaanka ee Gobolka Banaadir.

16- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa kulan doceed kula yeeshay Qaahira dhiggiisa dalka Masar, Mudane Dr. Badr Abdelatty.

17- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa magaalada Qaahira ee dalka Masar kaga qayb-galay shirka labaad ee heer Wasiir ee Madasha Iskaashiga Ruushka iyo Afrika, kaas oo socday intii u dhaxeysay 19–20 December.

18- Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda Mudane Maxamed Aadan Macalim ayaa furay Madasha Qaran ee Saddexaad ee Amniga Digital-ka Soomaaliya.

19- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenkii hore Xildhibaan Mahdi Maxamed Guuleed iyo Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala ayaa kaararkooda cod-bixinta ka qaatay xarunta Tiyaatarka Qaranka.

20- Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda, Mudane Cabdiqadir Maxamed Nuur ayaa magaalada Ankara kula kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Turkiga, Mudane Hakan Fidan.

21- Wasiirka Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska & Guriyeynta Mudane Ayuub Ismaaciil Yuusuf, ayaa shir-guddoomiyey kulan isbarasho ah oo ay ka qaybgaleen Wasiiru-Dawlaha Wasaaradda, Agaasimaha Guud, Agaasimayaasha Waaxyaha iyo Lataliyayaasha Wasaaradda.

22- Wasiirka Degaanka iyo Isbeddelka Cimillada Bashiir Maxamed Jaamac, ayaa kormeer shaqo ku tagay degaanno iyo degmooyin ka tirsan Dowlad-Goboleedka Galmudug, isagoo u kuur-galayey xaaladda abaarta iyo saameynta isbeddelka cimillada.

23- Wasiirka Degaanka iyo Isbeddelka Cimillada Bashiir Maxamed Jaamac, ayaa booqasho shaqo ku tagay magaalooyinka Hobyo, Xin Barwaaqo iyo Ceelhuur ee Dowlad Goboleedka Galmudug, si uu u qiimeeyo xaaladda deegaanka iyo saameynta isbeddelka cimillada ee ka jirta degaannadaas.

24- Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cali Maxamed Cumar, ayaa hadal ka jeediyay banbaxa agaasimayaasha waaxyaha Wasaaradda oo ka dhacay Muqdisho.

25- Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Tamarta Maxamed Cabdullahi Faarax ayaa magaalada Gaalkacyo ka daahfuray goobta dab dhalinta korantada dabiiciga ah.

26- Mudanayaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo kulan wadajir ah yeeshay ayaa ansixiyey miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2026-ka.

27- Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliya Sarreeye Guuto Asad Cisman Cabdullaahi ayaa Ciidanka oo loo qoondeeyey sugidda Amniga Doorashada Golayaasha Deegaanka Gobalka Banaadir u kala diray fariisimaha loo qorsheeyey.

28- Madasha Qaran ee Amniga Internetka ayaa si rasmi ah loogu sooo xiray Muqdisho, iyadoo si wadajir ah ay u soo qabanqaabiyeen Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) iyo Jaamacadda Muqdisho.

29- Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa qabtay kulan ay isugu yimaadeen Agaasimayaasha iyo howl-wadeennada warbaahinta ee Madaxtooyadda Qaranka, wasaaradaha iyo hay’adaha kala duwan ee dowladda.

30- Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa hawlgal ka fuliyey deegaanka Jabad Godane ee hoostaga Xawaadley, gobolka Shabeelle Dhexe, halkaas oo lagu dilay saddex horjooge oo ka tirsanaa Khawaarijta Al-Shabab