Guddoomiyaha guddiga midowga Afrika oo Hambalyo u Diray Shacabka Soomaaliyeed

Addis Ababa:-Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika (AUC), Mudane Maxamuud Cali Yuusuf, ayaa soo dhaweeyay doorashooyinkii degmooyinka ee ka qabsoomay magaalada Muqdisho 25-kii Diseembar 2025, isagoo hambalyo u diray shacabka Soomaaliyeed sida ay doorashooyinku ugu dhaceen si deggen oo nidaamsan.

Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in qabsoomidda doorashooyinkan ay tahay tallaabo muhiim ah oo bilow ah oo ka tarjumaysa dadaallada socda ee Soomaaliya ay ku horumarinayso maamul dimuqraadi ah guud ahaan dalka.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika wuxuu carrabka ku adkeeyay in doorashooyinka heer degmo ay door weyn ka qaataan xoojinta ka-qaybgalka dadweynaha ee maamulka, isla markaana ay siinayaan waayo-aragnimo muhiim ah geeddi-socodka siyaasadeed iyo doorasho ee ay Soomaaliya iyadu hoggaaminayso.

Ugu dambayn, Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika wuxuu mar kale xaqiijiyay in Midowga Afrika uu sii wadi doono garab istaagga iyo la-socodka shacabka Soomaaliyeed, dadaalladooda ku aaddan dhismaha maamul loo dhan yahay, iyo hirgelinta nabadda iyo xasilloonida waarta.

Mareykanka oo duqeeyay koox Daacish ah oo ku sugan Nigeria

Madaxweynaha Dalka Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in weerar xagga cirka ah lagu qaaday kooxaha Daacish ee ku sugan waqooyi-galbeed Dalka Nigeria.

Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), oo mas’uul ka ah howlgallada Afrika ayaa sheegay in weerarka cirka lagu dilay tiro badan oo Daacish ah,kadib markii ay tilmaameen in uu codsi uga yimid madaxda Dalka Nigeria.

“Aad ayaan ugu mahadcelinayaa taageerada iyo iskaashiga dowladda Nigeria”, ayuu yiri Xoghayaha Difaaca Mareykanka Pete Hegseth

Duqeyntaan oo ka dhacday Magaalada Sobota ee Gobolka Sokota ayaa dabasocota amar ka yimid Madaxweynaha Mareykanka,kaas oo tilmaamaya in la bilaabo duqeyn ka dhan ah Daacishta ku sugan Dalka  Nigeria oo cadaadis ba’an ku  haya dadka Masiixiyiin ah ee ku dhaqan dalkaasi.

Guddoomiyaha Baarlamaanka carabta oo soo dhaweeyay doorashooyinka Tooska ah ee golaha deegaanka gobolka Banaadir

Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta, Mudane Maxamed bin Axmed Al-Yamaaxi, ayaa soo dhaweeyay qabashada doorashooyinka tooska ah ee Golaha Deegaanka Gobolka Banaadir, kuwaas oo ah kuwii ugu horreeyay ee nooceeda ah tan iyo sanadkii 1969-kii.

Guddoomiyuhu wuxuu doorashooyinkan ku tilmaamay tallaabo muhiim ah oo dhanka horumarinta geeddi-socodka dhismaha hay’adaha dowliga ah, xoojinta dimuqraadiyadda iyo muwaadinnimada, iyo ballaarinta ka-qaybgalka dadweynaha.

Al-Yamaaxi wuxuu xusay in doorashooyinkani ay yeelan doonaan saameyn togan oo gudaha ah, gaar ahaan dhinaca taageeridda dadaallada ay Soomaaliya ugu jirto xaqiijinta amniga iyo xasilloonida.

Sidoo kale, wuxuu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in dhammaan xoogagga siyaasadeed ay midoobaan, mudnaanta siiyaan danaha qaranka ee ugu sarreeya, isla markaana ay doortaan wadahadal iyo is-afgarad.

Ugu dambeyn, Al-Yamaaxi wuxuu xaqiijiyay taageerada buuxda ee Baarlamaanka Carabta ee dhammaan dadaallada lagu doonayo in lagu gaaro amniga iyo xasilloonida Soomaaliya, lana hirgeliyo himilooyinka shacabka Soomaaliyeed ee ku aaddan horumar iyo barwaaqo.

RM Xamsa” Waxaad soo ceshateen xuquuqdiina oo idinka maqneyd in ka badan 56-sanno”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa farriin u diray shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa caasimadda, kaddib doorashadii taariikhiga ahayd ee maanta qabsoontay.

Ra’iisul wasaaraha ayaa shacabka shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay taariikhda cusub ee maanta ay qoreen, wuxuuna caddeeyay in shacabka codeeyay maanta muujiyeen samir iyo adkeysi.

” Waxaan idin leeyahay hambalyo, waxaad qorteen taariikh cusub, waxaad muujiseen samir adkeysi iyo geesinimo, waxa aad dib u soo ceshateen xuquuqdiina oo aad weydeen ama idinka maqneyd in ka badan 56-sanno, taas oo ah in aad qofka aad rabto doorato ama adiga lagu doorto, waxa aad ku ciilbaxeen codkiisa, waxaanna dalka u jiheyseen hilinka toosan ee dimuqraadiyadda iyo xoriyadda

Mudane Xamsa, ayaa dhanka kale dadweynaha ugu bishaareeyay in uu soo fool leeyahay war weyn oo farxad leh oo ku saabsan horumarka dalka.

Guddoomiye Cabdikariim”Maqribnimadii caawa ayay soo xirmatay codeynta Doorashada,”

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka, Cabdikariim Axmed Xasan oo goordhowed la hadlay Warbaahinta qaranka ayaa ku dhawaaqay in si nabad ah oo guul leh u soo xirantay codaynay Doorashada golaha deegaanka gobolka Banaadir oo saaka loo dareeray 6:00 Subaxnimo,lana soo xidhay 6:00 makhribnimo.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in hanaanka codaynta doorashadu u dhacay si nabad ah shacabkuna si weyn ugu soo baxeen goobaha codaynta,halkaas oo lagu arkayey waayeelka,dhalinyaradda,haweenka iyo madaxda oo codkooda u dhiibanaya si habsami leh.

Dhinaca kale Guddoomiye Cabdikariim ayaa ku sheegay in saacadaha soo socda ay bilaaban doonto tirinta codadkii ay shacabku dhiibteen,inta tirintu socoto na ay goob joog ka ahaan doonaan,wakiilada ururrada Siyaasadda,bulshadda rayidka iyo wakiiladda Beesha Caalamka,si joogto ahna gudidda doorashooyinku warbixinta ula wadaagi doonto bulshadda”Maqribnimadii ayay soo xirmatay codeynta doorashada. Waxaa bilaabanaysa tirinta codadka, iyadoo ay goobjoog ka yihiin goobjoogayaal iyo wakiillo caalami ah, waxayna qaadan doontaa waqti yar.”ayuu yiri Guddomiyaha Guddida doorashooyinka qaranka.

Ugu dambayn guddoomiyaha ayaa u mahadceliyey ciidanka Booliiska,shaqaalaha ka shaqaynayey doorashadda,warbaahinta qaranka,warbaahinta madaxa banaan, shacabka ka qayb qaata codaynta iyo dhamaan cid walba oo ka qayb qaadatay in doorashadan hirgasho una qabsoomto si hufan.

Maareeyaha dekeda Muqdisho oo hambalyo u diray shacabkii ka qayb qaatay codaynta doorashada

Maareeyaha Dekedda Muqdisho, Danjire Maxamed Cali Nuur Ameeriko, ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre, Maamulka Gobolka Banaadir, Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka, iyo guud ahaan shacabka Gobolka Banaadir, kuwaas oo maanta si nabad ah u gutay waajibaadkooda dastuuriga ah, una dareeray doorashada Golaha Deegaanka degmooyinka Muqdisho.

Maareeyaha ayaa tilmaamay in ka-qaybgalka ballaaran ee shacabka iyo sida ay doorashadu ugu qabsoontay jawi deggen ay muujinayso biseylka siyaasadeed iyo doorka muhiimka ah ee ay muwaadiniintu ku leeyihiin dhismaha dowladnimo dimuqraadi ah.

Sidoo kale, wuxuu si gaar ah u bogaadiyey hay’adaha amniga qaranka, isagoo xusay in ay laf-dhabar u ahaayeen sugidda amniga iyo xaqiijinta in doorashooyinku ku qabsoomaan jawi nabad iyo xasillooni leh, taas oo horseeday guusha hanaanka doorashooyinka.

udaha Wararka Maamulka koonfur galbeed oo bogaadiyey doorashada golaha deegaanka gobolka Banaadir

Baydhabo:-Madaxweynaha Dowladda goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, ayaa hambalyo u diray Shacabka Gobolka Banaadir oo maanta si nabad ah, hufan isla markaana masuuliyad leh ugu dhiibtay codkooda Doorashada Qof iyo Cod.

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey shacabka Banaadir biseylkooda siyaasadeed, wacyigooda iyo sida ay uga go’an tahay ka qeybgalka hannaanka dimuqraadiyadeed ee dalka, isagoo xusay in doorashadani ay tahay tallaabo taariikhi ah oo horseed u ah dowladnimo ku dhisan rabitaanka shacabka.

Madaxweyne Laftagareen ayaa sidoo kale ammaanay Hay’adaha Ammaanka, Guddiyada Doorashooyinka iyo dhammaan masuuliyiintii ka shaqeysay hirgelinta doorashada, kuwaas oo suurtageliyey in codbixintu ku qabsoonto jawi nabad iyo kala dambeyn leh.

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay in shacabka Soomaaliyeed ay sii wadaan ka qeybgalka geeddi-socodka dimuqraadiyadda, si loo helo hoggaan lagu doortay rabitaanka shacabka, loona xoojiyo midnimada iyo horumarka dalka.

Wasiir Fiqi: “Qoladii lahaa doorashadu ma dhici doonto, waxaan ka sugaynaa inay noo hambalyeeyaan bulshadana bogaadiyaan.”

wasiirka wasaaradda gaashaandhiga xukuummadda Federaalka Soomaaliya mudane Axmed Macallim Fiqi ayaa ugu hambalyeey shacabka Soomaaliyeed guusha ay ka gaareen qabsoomida doorashadii ugu horaysay ee heer federaal ah oo qabsoonta 57 sanno ka dib, taas oo shacabka ku dhiibanayaan codkooda kuna soo dooranayaan metelayaashooda golaha deegaanka gobolka Banaadir.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in Doorashooyinka yihiin guul amni oo la xaqiijiyay, waxayna caddeyn u yihiin in laga adkaaday kooxaha Khawaarijta ah ee cadowga ku ah nabadda, dimuqraadiyadda, iyo dib-u-soo kabashada dowladnimada Soomaaliyeed.

Dhinaca kale wasiirka ayaa baaq u diray dadkii ka shakisanaa in doorasho shacabku codaynayaan tahay mid aan la qaban karin, isagoo ka hadlaya ayuu yiri “Qoladii lahaa doorashadu ma dhici doonto, waxaan ka sugaynaa inay noo hambalyeeyaan bulshadana bogaadiyaan.”

Ugu dambayn wasiirka gaashaandhigu wuxuu hambalyo u diray Madaxweynaha qaranka oo daddaalkii ugu badnaa ku bixiyey in maanta shacabka Soomaaliyeed si xor iyo xalaal ah codkooda u dhiibtaan,sidoo kale wasiirka ayaa u mahadceliyey Guddida doorashooyinka qaranka,haya’addaha Amniga ee sugaya dooraashada amnigeeda iyo cid walba oo ka qayb qaadatay qabsoomida doorashadan.

Wasiir Daa’uud Aweys” Waxaan si gaar ah ugu hambalyeynayaa bahda Warbaahinta oo si weyn ugu qeyb qaatay tebinta Doorashooyinka,”

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Daa’uud Aweys Jaamac oo ka hadlay doorashooyinka qof iyo codka ee maanta ka bilowday magaalada Muqdisho ayaa ku bogaadiyay shacabka Soomaaliyeed iyo bahda warbaahinta doorka lama ilaabaanka ah ee ay qaateen habsami u socodka doorashooyinka Qaranka ee maanta ka bilowday Muqdisho.

Wasiirka ayaa tilmaamay in ay ahayd shaqo si wadajir ah isaga kaashadeen warbaahinta Dowladda iyo kuwa gaarka ah loo leeyahay, taas oo dhalisay natiijada wanaagsan ee ka soo baxeysa goobaha ay ka socdaan codeynta Doorashada.

“Waxaan si gaar ah ugu hambalyeynayaa bahda warbaahinta, kuwa Qaranka, kuwa gaarka loo leeyahay iyo kuwa caalamiga ah oo maanta ka qeyb qaatay tabinta doorashada taariikhiga ah ee lagu dooranayo Golaha Deegaanka gobolka Banaadir.”

57-sanno ka dib, maanta ayay shacabka Soomaaliyeed fursad u heleen in ay codkooda dhiibtaan oo ay doortaan cidda hoggaamin lahayd. Warbaahintana waxay ku ammaanan yihiin in taariikhdaas cusub ee maanta qormeyso doorkooda ay ka ciyaareen, sida uu wasiir Daa’uud Aweys sheegay.

Marwada madaxweynaha JFS oo codkeeda ka dhiibatay Degmada Dharkeenley

Marwada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Sahro Cumar Xasan ayaa maanta codkeedq ka dhiibatay Seejada Xarunta degmada Dharkiinleey ee Gobolka Benaadir oo ka mid ah goobaha loo asteeyay, cod bixinta dadweynaha iska diiwaan galiyay degmadaasi.

Marwo Sahro ayaa ku tilmaantay Guul taariikhi ah oo usoo hoyatay Ummadda Soomaaliyeed iyo tallaabo wanaagsan oo loo qaaday jihada horumarka, in 57 sano kaddib Shacabka Caasimadda Muqdisho ay fursad u helaan, in ay codkooda kusoo doortaan Wakiiladooda Golaha Deegaanka Degmooyinka Gobolka Benaadir.

Ugu dambayn, Marwada ayaa ku bogaadisay Guddiga Qaran ee Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha iyo Hay’adaha Ammaanka dalka, sida xilkasnimada leh ee ay u guteen wajibaadkooda shaqo, isla markaana ay u xaqiijiyeen in doorashadu ku qabsoonto hannaan amni ah.