Waayeelka iyo dadka baahiyaha gaarka ah qaba oo si weyn uga qayb qaatay codbixinta

Magaalada Muqdisho waxay qoraysaa taariikh baal dahab ah ka gashay sooyaalka Soomaaliyeed, kadib markii si wadajir ah 16-ka degmo ee caasimadda ay uga bilaabatay doorashada Golaha Deegaanka, taas oo markii ugu horreysay 57 sano kadib lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Qaar ka mid ah dadka baahiyaha gaarka ah qaba iyo waayeelka ayaa si weyn uga qayb qaatay doorashada maanta iyadoo lagu arkayey safafka iyo goobta codbixinta iyagoo ka dhiibanaya codkooda,halkaas oo kula hadleen Warbaahinta qaranka ugu horayn dadkii ay waraysatay Warbaahinta Qaranka ayaa yiri “saakay waaberigii ayaan imid si aan codkayga u dhiibto,” ayuu yiri mid ka mid ah dadka baahiyaha gaarka ah qaba.

Xasan Maxamed Nuur Afrax, oo ah 83 jir codkiisa ka dhiibtay degmada Yaaqshiid “In aan codeeyo waxaan soo bilaabay 1960, welina ma arkin doorasho ka ammaan badan kana dad badan.”

Hooyo Hindiya oo 70 jir ah ayaa sidoo kale tiri: “Maanta codkayga ayaan ku ciilbixiyay anigoo da’ ah, aad baan ugu faraxsanahay.”

Sidoo kale Maama Faaduma Maxamed Cumar oo 76 sano jir ah “Anigoo dhallinyaro ah ayaa iga dambeysay in aan Xamar ka codeeyo, maanta qalbigeyga ayaa ka ilmeeyay markaan arkay nabadda aan heysanno.”

Mahdi, oo ah wakiilka dadka baahiyaha gaarka qaba ee degmada Heliwaa, ayaa sidoo kale yiri: “Codkayga saakay waan ku cibaadeystay, dadka si nabad ah ayay u codeynayaan.”

Goobaha codbixinta ee degmooyinka caasimadda ayaa weli si habsami leh uga socda, halkaas oo ay ku sugan yihiin wariyeyaasha Warbaahinta Qaranka. Muqdisho ayaa markale yeelanaysa Golaha Deegaanka oo kusoo baxay doorasho dadweyne, kadib in ka badan nus qarni.

       

Muxuu Guddoomiye Cabdikariim ku soo arkay degmooyinka ay ka socdaan Doorashada?

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka Cabdikariim Axmed Xasan ayaa maanta kormeer shaqo ku tegay dhammaan degmooyinka ay ka socdaan doorashada golaha deegaanka.

Guddoomiyaha ayaa u kuur-galay habsami u socodka doorashada iyo sida hudan ee dhallinyarada ugu shaqeeyaan dadka codeynaya.

16-ka degmo ee ay yaalaan sanaadiiqda codbixinta ayuu guddoomiye Cabdikariim ku soo arkay howl culus oo socota iyo shacab Soomaaliyeed oo hamuun u qaba in ay codkooda dhiibtaan si ay u go’aamiyaan cidda ay masiirkooda ku aamini lahaayeen.

‘’ Waxaan aragnay dad Soomaaliyeed oo aad ugu hammuun qaba in ay codkooda dhiibtaan, dadka leenkooda sida aad warbaahinta ka aragteen aad buu u dhaadheeraa, waxay isugu jireen dad waayeel ah, dhallinyaro, dad baahiyo gaar ah qabay, odayaal iyo hooyooyin,waxyaabaha yaabka leh ee aan aragno waxaa ka mid ah maamo dhashay oo saddex maalmood canugeedu jiro iyadoo leenka ku jirta aragnay oo waliba faraxsan in ay codeyso,’’. ayuu ku yiri guddoomiyaha.

Hay’adaha amniga ayaa aad isugu xilsaaray in ay si adag u ilaaliyaan amniga guud ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan nabadgalyada goobaha codbixinta iyo dadka codeynaya, waxayna Dowladda dadaal xooggan ku bixisay in ay dadka si nabdoon ku codeeyaan.

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka Cabdkariim Axmed Xasan waxaa kormeerka ku wehelinayay taliyaha Booliska Soomaaliyeed Asad Cismaan Cabdillaahi iyo xubno kale oo Guddiga ka tirsan.

Doorashada oo soo bilaabatay aroortii hore ee saakay ayaa wali si habsami ah uga socota magaalada Muqdisho, waxaana la arkayaa dad badan oo safaf dhaa-dheere ugu jira in ay codkooda dhiibtaan.

    

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo ka mid noqday muwaadiniinta codkooda dhiibtay

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa codkiisa doorashada Golaha Deegaanka Gobolka Banaadir ka dhiibtay Degmada Kaaraan, isagoo muujiyay muhiimadda taariikhiga ah ee ay doorashadani u leedahay shacabka iyo mustaqbalka dowladnimo ee dalka.

Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in doorashadan ay tahay tallaabo dhab ah oo shacabka loogu soo celinayo awooddii go’aan-gaaridda, isla markaana ay gogol-xaar u tahay doorashooyinka guud ee Qaranka ee lagu saleeyay nidaamka qof iyo cod, oo ay dalka ugu dambaysay muddo ka badan nus qarni.

“Maanta waa maalin taariikhi ah oo shacabka Muqdisho dib loogu soo celiyay xuquuqdoodii dastuuriga ahayd. Codka uu muwaadinku dhiibanayo, waa aasaaska dowladnimo xooggan, nabad waarta iyo horumar la taaban karo.” ayuu yiri Dr. Muungaab.

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sidoo kale sheegay in nidaamkan cusub uu horseedayo barwaaqo, amni iyo xasillooni ka sii wanaagsan kuwa hadda jira, isaga oo xusay in horumarka amni iyo dowladnimo ee Caasimadda uu si muuqata u soo hagaagay saddexdii sano ee la soo dhaafay, markaas oo uu xafiiska yimid Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud.

“Horumarka amni iyo nidaam ee aan maanta ku talaabsaneyno waa natiijo ka dhalatay hoggaaminta himilda leh ee Madaxweynaheenna iyo Xukuumadda Danqaran. Shacabka maanta safafka dheer galay waxay muujiyeen inay si cad u diidan yihiin ku noqoshada doorasho dadban iyo hirgalka damaca danleyda dib-u-socodka ah.” ayuu hadalkiisa ku daray.

Guddoomiyaha ayaa amaanay hawlwaldeennada heeganka ku jira iyo shacabka Gobolka Banaadir oo muujiyey iskaashiga lagu ilaalinayo; nabadda, amniga iyo bedqabka, xilli uu wadanku qorayo taariikh uu ku soo ceshanayo sumcaddiisii beri-samaadka. Isagoo carrabka ku adkeeyay in ka-qaybgalka ballaaran ee dadweynaha uu caddeyn u yahay taageerada buuxda ee dowladnimada Soomaaliya iyo rabitaanka isbeddel dimuqraadiyadeed oo waara.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ugu baaqay dhammaan muwaadiniinta inay sii xoojiyaan ka-qaybgalka geeddi-socodka dimuqraadiyadda, si loo xaqiijiyo mustaqbal ku dhisan cadaalad, nabad iyo horumar waara.

                

Galmudug oo Madaxweynaha JFS ku bogaadisay hirgelinta doorashada golaha deegaanka gobolka Banaadir

Dhuusamareeb:-Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa ugu hambalyeeyay shacabka Caasimadda Muqdisho ee maanta sida nabad-galyada, xasilloonida, xaddaaradda iyo horumarka leh ugu dareeray goobaha cod bixinta ee doorashooyinka Golaha deegaanka degmooyinka Gobolka Benaadir.

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyay Guddiga Qaran ee madaxa-bannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha iyo hay’adaha ammaanka dalka oo sida xilkasnimada leh ee ay u guteen wajibaadkooda shaqo, isla markaana xaqiijiyay in doorashadu ku qabsoonto si nabad ah, isaga oo hoosta ka xarriiqay in tallaabadani ay tahay guul taariikhi ah oo usoo hoyatay Qaranka Soomaaliyeed.

Ugu danbeyn, Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye ayaa ku ammaanay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, go’aanka taariikhiga iyo dadaalka joogta ah ee uu galiyay in 60 sano kaddib, shacabka Caasimaddu codkooda ku doortaan Matalayaashooda Golaha Deegaanka, isaga oo ugu baaqay shacabka Galmudug in ay u diyaar garoobaan in ay codkooda kusoo doortaan Madaxdooda.

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee golaha shacabka oo codkiisa ka dhiibtay degmada Dharkeenley

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow oo ka qeyb galay doorashada golaha deegaanka Gobolka Benaadir ayaa maanta waxa uu codkiisa ka dhiibtay Degmada Dharkeenley.

Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka ayaa hambalyo u diray guud ahaan shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan shacabka caasimadda oo maanta u dareeray in ay u codeeyaan golaha deegaanka ee Gobolka Benaadir, isagoo sheegay in maanta ay tahay maalin taariikhi ah islamarkaana ay tahay tallaabo dhab ah oo shacabka loogu celinayo awooda go’aan ka gaarista mustaqbalkooda, sidoo kale ay tani bilow u tahay doorashooyinka guud ee dalka oo lagu saleynaayo nidaamka qof iyo cod taasoo dalka ugu dambeysay wax ka badan nus qarni ka hor.

Sidoo kale waxa uu shacabka caasimadda ugu baaqay in ay muujiyaan midnimo iyo wadajir meelna uga soo wada jeestaan wax walba oo wax u dhimaya amniga iyo deganaanshiyaha caasimadda, wuxuuna ugu dambeyn amaan iyo bogaadin u jeediyey ciidamada amniga qeybahooda kala duwan iyo howlwadeenada heeganka ugu jira in si nabad iyo hufnaan
Ah ay shacabka codkooda ku dhiibtaan iyo sidoo kale shacabka caasimadda oo muujiyey adkeysi iyo garab istaaga ciidamada amniga.

  

Ra’iisul wasaare Xamsa oo kormeeray goobaha codbixinta

Raiisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kormeer ku tagay goobo ay ka socoto cod-bixinta doorashada goleyaasha deegaanka Gobolka Banaadir, oo saaka ay bulshada ku nool caasimaddu si weyn ugu dareereen xarumaha cod-bixinta.

Ra’iisul Wasaaraha, oo booqday goobo ku yaalla degmooyinka Shangaani, Boondheere iyo Xamar-Jajab, ayaa dul-istaagay habsami-u-socodka doorashada, amniga goobaha, iyo adeegyada loo fidinayo muwaadiniinta, wuxuuna tilmaamay in ilaalinta nabadda, daahfurnaanta hanaanka doorashada, iyo tixgalinta rabitaanka muwaadiniintu ay yihiin tiirarka lagu xaqiijinayo dimuqraadiyad dhab ah, isla markaana ay masuuliyad wadareed ka saaran tahay dhammaan hay’adaha dowliga ah iyo bulshada inteeda kale.

Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xusay in maanta ay hirgashay rejo ay in badan doonayeen shacabku, taas oo noqon doonta taariikh cusub oo la xaqiijiyey loona qaaday dhanka dowlad-wanaagga iyo dimuqraadiyadda laga gaaray doorashooyinka tooska ah ee shacabka Soomaaliyaad loogu celinayo xuquuqdooda.

      

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka codeeyey degmada Warta-nabada

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehelinayso Marwada Koowaad ee dalka Murwo Qamar Cali Cumar ayaa maanta codkooda ka dhiibtay Seejada Tiyaatarka Qaranka, halkaas oo ay ka socotay doorashada tooska ah ee Goleyaasha Deegaanka Gobolka Banaadir.

Madaxweynaha iyo Marwada Koowaad ayaa goobta kula kulmay boqolaal muwaadiniin ah oo codkooda dhiibanayey, iyaga oo muujinayey doorkooda muwaadinnimo iyo ka go’naanshahooda dhismaha dowladnimo ku saleysan rabitaanka shacabka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bogaadiyey habsami u socodka doorashada, amniga iyo abaabulka wanaagsan ee Ururrada, kaas oo suurtageliyey in shacabka caasimaddu ay si xor ah u dhiibtaan codkooda, isagoo xusay in doorashada tooska ah ay tahay tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo dimuqraadiyadda, isla xisaabtanka iyo matalaadda dadweynaha.

Ugu dambayn, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu baaqay dhammaan shacabka Gobolka Banaadir in ay ka faa’iideystaan fursaddan taariikhiga ah, kana qeyb qaataan doorashada, si ay codkoodu uga noqdo aas-aaska hoggaamin hufan iyo horumar waara.

 

Wasiirro ka tirsan XFS oo ka codeeyay degmooyin dhowr ah

Wasiirada Wasaaaradaha Arrimaha Gudaha iyo Caddaaladda XFS mudane Xildhibaan Hon Ali Yusuf Ali Xoosh iyo Mudane Xasan Macallin Maxamuud ayaa saaka codkooda ka dhiibtay doorashada golaha deegaanka ee ka socota Degmooyinka gobolka Banaadir.

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo codadkiisa ka dhiibtay Degmada Shingaani ayaa yiri“Doorashada maanta waa guul, waxaa kusoo bixi doona hoggaan wiilal iyo gabsho leh, oo dalkaan mustaqbalkiisa hoggaamiya” ayuu yiri wasiir  Ali Yusuf Ali – Xoosh

Wasiirka Caddaaladda oo isna ka codeeyay Degmada Hodan ayaa bogaadiyay ka-qaybgalka ballaaran ee dadweynaha ee muujiyay rabitaankooda ku aaddan dib-u-helidda xuquuqdooda dastuuriga ah.

Wasiiradaan ayaa ammaanay dadaalka hufnaanta ah iyo mas’uuliyadda ay muujiyeen howlwadeennada guddiyada doorashooyinka iyo Hey’adaha Ammaanka.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka oo ka codeeyey degmada Hodon

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, oo gudanaya waajibaadkiisa muwaadinimo kana qayb-galaya doorashooyinka goleyaasha deegaanka ee caasimadda, ayaa codkiisa ka dhiibtay Xarunta Jaamacadda Green Hope ee degmada Hodan, halkaas oo ay bulshadu ugu jirto safaf dhaadheer sidii ay u dooran lahaayeen masuuliyiinta matali doona.

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka ayaa carrabka ku adkeeyay in maanta ay qormayso bog cusub oo taariikhi ah, isaga oo sheegay in doorashadani ay dib u soo celinayso xuquuqda muwaadiniinta, isla markaana ay tahay codbixin toos ah oo shacabka Soomaaliyeed ay muddo dheer kaddib si xor ah ugu dooranayaan hoggaankooda, taas oo ka tarjumaysa biseylka dimuqraadiyadeed ee dalka iyo ka-qaybgalka shacabka ee go’aan gaarista masiirkooda siyaasadeed.

Mudane Saalax, ayaa ugu baaqay dhammaan muwaadiniinta is-diiwaangeliyay in ay si nabad ah uga qayb qaataan doorashada, isaga oo ku ammaanay hay’adaha amniga iyo guddiyada doorashooyinka dadaalka ay ku xaqiijinta amniga shacabka iyo codayn-bixiyayaasha.

   

Dadka baahiyaha gaarka ah qaba oo loo sahlayo inay codkooda ka dhiibanaya doorashada

Magaalada Muqdisho waxay qoraysaa taariikh baal dahab ah ka gashay sooyaalka Soomaaliyeed, kadib markii si wadajir ah 16-ka degmo ee caasimadda ay uga bilaabatay doorashada Golaha Deegaanka, taasoo markii ugu horreysay 57 sano kadib lagu qabanayo magaalada Muqdisho.

Qaar ka mid ah dadka baahiyaha gaarka ah qaba oo loo fududeeyey inay tagaan goobaha codbixinta ayaa la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa ereyada ay yiraahdeen waxaa ka mid ah “saakay waaberigii ayaan imid si aan codkayga u dhiibto,” ayuu yiri mid ka mid ah dadka baahiyaha gaarka ah qaba.

Hooyo Hindiya oo 70 jir ah ayaa sidoo kale tiri: “Maanta codkayga ayaan ku ciilbixiyay anigoo da’ ah, aad baan ugu faraxsanahay.”

Mahdi, oo ah wakiilka dadka baahiyaha gaarka qaba ee degmada Heliwaa, ayaa sidoo kale yiri: “Codkayga saakay waan ku cibaadeystay, dadka si nabad ah ayay u codeynayaan.”

Goobaha codbixinta ee degmooyinka caasimadda ayaa weli si habsami leh uga socda, halkaas oo ay ku sugan yihiin wariyeyaasha Warbaahinta Qaranka. Muqdisho ayaa markale yeelanaysa Golaha Deegaanka oo kusoo baxay doorasho dadweyne, kadib in ka badan nus qarni.