Doorashooyinka golaha deegaanka oo si habsami leh uga socda Muqdisho

Dadweynaha ku dhaqan Gobolka Banaadir ayaa saaka u dareeray goobaha codbixinta ee loo qorsheeyay in ay ka dhacaan doorashooyinka golaha deegaanka ee Gobolka Banaadir.

Xarumaha codbixinta oo gaaraya  523-goobood ayaa si rasmi ah u furmay 6;00am waqtiga maxaliga ah,  waxaa lagu wadaa in ay soo xirmaan 6:00pm maqribnimo.

In ka badan Nus milyan ruux ayaa isu diiwaangaliyey doorashada, waxaana kaarka codbixinta qaatay 503,916 muwaadin, kuwaas oo saaka codkooda dhiibanaya.

ciidamada Boliska ayaa ku hawlan sugidda amniga ee goobaha loogu talagalay in ay ka codeeyaan muwaadiniinta Soomaaliyeed, kuwaas oo ku kala yaala 16 degmo oo ka mid ah gobolka Banaadir.

Waa doorashadii u horreysay ee toos ah Muqdisho ka dhacda in ka badan nus Qarni.

  

Guddiga Doorashooyinka oo daahfuray doorashada golaha deegaanka

Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Qaranka Cabdikariim Axmed Xasan ayaa maanta si rasmi ah u furay doorashada Golaha Deegaanka ee Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha oo ay garab taagan yihiin saraakiisha sare ee Ciidanka Boliiska ayaa la hadlay shacabka ,isagoo sheegay in bulshada ku dhaqan gobolka Banaadir ay fursad u heleen in ay doortaan gole deegaan oo matali doona horumarka degmadooda.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Qaranka Cabdikariim Axmed Xasan waxa uu ka codsaday dadweynaha in laga faa’ideysto fursaddaan qaaliga ah ee ay ku dooran karaan cidda ay u baahan yihiin.

Guddoomiyaha ayaa xusay in ciidamo boliis ah oo gaaraya 10 kun ay u howlgaleen sugidda amniga iyo gacansiinta shacabka doonaya in ay dhiibtaan codadkooda.

Taliyaha Boliiska Soomaaliya oo kormeeray goobaha doorashada ee golaha deegaanka

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cisman Cabdullaahi iyo saraakiil kale oo la socday ayaa kormeeray  inta badan xarumaha degmooyinka  ee loo diyaariyey in ay ka codeeyaan dadweynaha ku dhaqan Gobolka Banaadir.

Taliyaha Ciidanka Boliska waxaa kormeerkiisa ku wehelinayeen Taliye ku xigeenka Sarreeye Guuto Cismaan Cabdullaahi  iyo Taliyaha Qeybta Guud Ee Boliiska Gobolka Banaadir  G/Sare Mahdi Cumar Muumin iyo saraakiil kale oo muhiim ah.

Taliyaha ayaa u kuur galay sida loo xoojiyey amniga iyo xaalada ciidanka ay ku sugan yihiin  wuxuuna warbixino ka dhageystey  saraakiisha hoggaaminaysa  ciidanka jooga  xarumaha loo cayimay in ay bulshada ka codeeyaan

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay ahmiyadda doorashada golaha deegaanka gobolka Banaadir

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad uu caawa u jeediyey shacabka Soomaaliyeed waxa uu kaga hadlay muhiimadda taariikhiga ah ee doorashooyinka Golaha Deegaanka Gobolka Banaadir, kuwaas oo astaan u ah riyo muddo dheer la sugayay oo horseedeysa in dalka ay ka hano qaaddo doorashada Dastuuriga ah ee ay xaqa u leeyihiin shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa adkeeyay in doorashadan ay ka tarjumeysa dib-u-soo kabashada dowladnimada iyo amniga caasimadda, isagoo ugu baaqay muwaadiniinta is-diiwaangeliyay in ay si buuxda uga qeyb qaataan doorashada, kana faa’iideystaan xaqooda dastuuriga ah.

Waxa uu sheegay madaxweynuhu in dowladdu ay dadaal iyo waqti badan ku bixisay hirgalinta doorashadan oo Soomaaliya ku soo celinaysa wadada dib u kabashada iyo dowlad wanaagga.

 

Wasaaradda arrimaha gudaha oo bogaadisay doorashada golaha deegaanka gobolka Banaadir

War-saxaafadeedka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee ku aaddan Doorashada Goleyaasha Deegaanka ee Gobolka Banaadir.

Maareeyaha Dekadda Muqdisho oo khibrad wadaag iyo iskaashi u tagay Dekadda Tanger ee Morocco

Tangier: Wafdi uu hoggaaminayo Maareeyaha Guud ee Dekadda Muqdisho Danjire Maxamed Cali Nuur (Ameeriko) ayaa booqasha shaqo ku tagay Dekadda Tanger ee dalka Morocco kadib marti qaad rasmi ah oo uu ka helay Agaasimaha Guud ee Tanger Med Engineering mudane Nasser Tlassellal.

Maareeyaha ayaa inta uu ku sugnaay magaaladda Tangier waxa uu booqday dekeddaha casriga ah ee Marinadda Tangier iyo aagagga warshaddaha xorta ah, kuwaas oo muujinaya hannaan isku dhafan oo la xariirta horumarinta dekeddaha iyo magaalooyinka.

Labadda dhinac ayaa qaatay kulama miro dhal ah oo diiradda lagu saaray kor u qaadista aqoonta iyo iskaashiga, fursado tababarro oo loo qorsheeyay in ay helaan shaqaalaha dekedda, injineeradda badda iyo hawl wadeenadda, iyadoo sidoo kale laga wada hadlay sidii khubradda Tanger Med uga faa’iideyn karto horumarinta dekedda Muqdisho.

    

Booliska oo isu diyaarinaya sugidda amniga maalinta doorashada

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi, oo ay wehliyaan Taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliska Sarreeye Guuto Cismaan Cabdullaahi, ayaa Ciidanka loogu talagalay sugidda amniga doorashada golayaasha deegaanka ee Gobolka Banaadir u kala diray fariisimaha loo qorsheeyay inay ka howlgalaan, si ay uga qeyb qaataan sugidda amniga muwaadiniinta codkooda dhiibanaya maalinta berri ah oo ku astaysan 25-ka.

Taliyuhu waxa uu saraakiisha iyo ciidamada kula dardaarmay in waajibaadka ilaalinta amniga ay u gutaan si hufan, iyadoo la tixgelinayo danta dalka iyo dadka. Sidoo kale, wuxuu faray in si gaar ah loo caawiyo waayeelka, dadka naafada ah iyo hooyooyinka.

            

Ra’iisul wasaare Xamsa oo agaasime guud u magacaabay wasaaradda arrimaha gudaha

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta u magacaabay mudane Cabdulqaadir Cilmi Cali.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa mudane Cabdulqaadir kula dardaarmay hufnaan iyo xil-gudasho.

 

Gudiga Doorashooyinka Qaranka oo ku Dhawaaqay Trada Codbixiyeyaasha

Maamulka Gobolka Banaadir oo Heegan Geliyey adeegyada Deg Degga ee Caafimaadka

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Maamulka Gobolka Banaadir ayaa shaaciyay in waaxyaha Gurmadka Degdegga ee Caafimaadka ay diyaariyeen gaadiid iyo shaqaale ku filan, kuwaas oo ku jira heegan buuxa si ay uga jawaabaan xaalad kasta oo Degdegga  ah oo dhici karta, maadaama magaalada Muqdisho ay galeyso Doorasho Maalinta Berri ah.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa sheegay in Dowladda Hoose ay si buuxda u diyaarisay Gaadiidka Dab-Damiska, Ambalaasyada iyo Shaqaale Tababaran, kuwaas oo shaqeyn doona 24-saac, si loo xaqiijiyo bedqabka iyo Dadbaadada Shacabka Caasimadda ee Doorashada u diyaarsan.

Sidoo kale, Maamulka Gobolka Banaadir ayaa mar kale Muwaadiniinta ku baraarujiyey Lambarka Gaaban ee Gurmadka Degdegga ee 991, kaasoo ay la soo xiriiri karaan marka ay u baahdaan Gargaar degdeg ah.

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ayaa Carrabka ku adkeeyay in Dowladda Hoose ay mar walba u taagan tahay Adeegga iyo Daryeelka Shacabkeeda, isaga oo ugu baaqay Bulshada Muqdisho inay si Nabad ah, oo Masuuliyad leh uga qaybqaataan Doorashada Maalinta Berri ah ka dhaceyso Muqdisho.

Waxaa kulanka ka qaybgalay, Guddoomiye ku-xigeennada Amniga iyo Siyaasadda, Hawlaha Guud, Agaasimeyaal iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar.