Maamulka Gobolka Banaadir oo Heegan Geliyey adeegyada Deg Degga ee Caafimaadka

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Maamulka Gobolka Banaadir ayaa shaaciyay in waaxyaha Gurmadka Degdegga ee Caafimaadka ay diyaariyeen gaadiid iyo shaqaale ku filan, kuwaas oo ku jira heegan buuxa si ay uga jawaabaan xaalad kasta oo Degdegga  ah oo dhici karta, maadaama magaalada Muqdisho ay galeyso Doorasho Maalinta Berri ah.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa sheegay in Dowladda Hoose ay si buuxda u diyaarisay Gaadiidka Dab-Damiska, Ambalaasyada iyo Shaqaale Tababaran, kuwaas oo shaqeyn doona 24-saac, si loo xaqiijiyo bedqabka iyo Dadbaadada Shacabka Caasimadda ee Doorashada u diyaarsan.

Sidoo kale, Maamulka Gobolka Banaadir ayaa mar kale Muwaadiniinta ku baraarujiyey Lambarka Gaaban ee Gurmadka Degdegga ee 991, kaasoo ay la soo xiriiri karaan marka ay u baahdaan Gargaar degdeg ah.

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ayaa Carrabka ku adkeeyay in Dowladda Hoose ay mar walba u taagan tahay Adeegga iyo Daryeelka Shacabkeeda, isaga oo ugu baaqay Bulshada Muqdisho inay si Nabad ah, oo Masuuliyad leh uga qaybqaataan Doorashada Maalinta Berri ah ka dhaceyso Muqdisho.

Waxaa kulanka ka qaybgalay, Guddoomiye ku-xigeennada Amniga iyo Siyaasadda, Hawlaha Guud, Agaasimeyaal iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar.

                

Gudiga Doorashooyinka Qaranka oo Ururrada Siyaasadda Guddoonsiiyey Shahaadooyinka Musharaxiinta

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa Ururrada Siyaasadda Gudoonsiiyey Shahaadooyinka Murashaxiinta u tartamaya Golaha Deegaanka Gobolka Banaadir.

Shahaadooyinka la Guddoonsiiyey Ururrada ayaa ah Shahaadoonyinka murashaxiinta 20 Urur ugu tartamidoona Golaha Deegaanka Gobolka Banaadir.

Beri ayaa Gobolka Banaadir looga dareeri doonaa Codbixinta Doorashada lagu soo dooranayo Goleyaasha Deegaanka Gobolka Banaadir.

Muqdisho oo Beri looga Dareerayo Codbixinta Doorashada Goleyaasha Deegaanka

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Waxa Beri oo Khamiis ah 25-ka Bisha Diseember 2025 Magaalada Muqdisho looga dareerayaa Doorasho ay Dadweynaha Gobolka Banaadir ku soo Dooranayaan Metelayaashooda Goleyaasha Deegaanka.

Doorashada ayaa Beri ka dhici Doonta 16 Degmo oo ka tirsan Gobolka Banaadir iyadoo tan uga dhigan tahay Shacabka Soomaaliyeed fursad ay dib ugu helayaan Xuquuqdooda Cod Bixineed.

Gudidda Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa hore ugu dhawaaqay in ay Doorashada is Diiwaangeliyeen Shacabka gaaraya Hal Malyan oo Qof,halka Ururada Siyaasadda ee ka qayb gelaya ay yihiin 20 Urur Siyaasadeed,Gudiga ayaa sidoo kale sheegtay iyadoo wadarta musharaxiinta ka qayb gelaysa doorashada yihiin 1,604 musharax oo u tartamaya goleyaasha deegaanka gobolka Banaadir.

Bixinta Kaarka codbixinta oo soo dhammaatay

Ololaha doorashada ee ay wadaan ururada siyaasadeed ee ku loolamaya doorashada golayaasha deegaanka degmooyinka Gobolka Banaadir oo 25-ka bishan dhici doonta ayaa soo dhammaaday, waxaana sidoo kale xirmay bixinta Kaararka codbixinta, sida uu sheegay guddiga doorashada.

Cabdikariin Axmed Xasan Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka ayaa sheegay in barri oo Arbaco ah aysan jirin wax olole doorasho ah, ayna soo bandhigi doonaan dhowaan tirada codbixiyeyaasha Kaarka qaatay.

Guddiga ayaa in muddo ah ka soo shaqaynayey hirgalinta doorasho dadweyne, taas oo noqonaysa tii ugu horreysay ee dalka ka dhacda nus qarni ka badan.

Wasaaradda Warfaafinta oo tababar u soo xirtay in ka badan 60-wariye oo doorashada tabinaya

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiista ee XFS Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa galabta tababar u soo xiray in ka badan 60 kamid ah Weriyaasha iyo Kaamiramaanada Warbaahinta Qaranka ee soo tebinaya doorashada Golaha Deegaanka ee Gobolka Banaadir oo dhaceysa maalinta Khamiista ah ee 25-ka bisha.

Munaasabadda lagu soo xiray tababarkaan waxaa goobjoog ahaa Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala, Agaasimaha Guud Mudane Cabdullahi Xayir iyo Agaasimayaasha Waaxyaha Warbaahinta Qaranka, waxaana howlwadeennada loo jeediyey dardaaran iyo tusaaleyn shaqo oo maalinta Khamiista ah ay ku howlgeli doonaan.

Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Cabdiraxmaan Al-Cadaala oo ugu horeyn Madaxda iyo Howlwadeenna Warbaahinta Qaranka uga mahad-celiyey shaqadii ay ka soo qabteen doorashada ayaa howlwadeennada loo soo xulay tebinta doorashada kula dardaarmay in maalinta Khamiista ah ay soo bandhigaan hufnaan shaqo, iyagoo kaashanaya xirfadooda warbaahineed iyo tababarka la siiyey.

Sidoo kale, Wasiir Al-Cadaala ayaa sheegay in Madaxda Qaranka ay fareen in Warbaahinta Qaranka ay qaadato door dhex-dhexaadnimo ah, isla markaana laga doonayo in musharaxiinta doorashada iyo ururrada siyaasadda si siman loo soo tebiyo wararkooda, si lamid ah maalmihii lasoo dhaafay.

Wasiir Daa’uud Aweys oo soo xiray tababarka ayaa howlwadeennada Warbaahinta Qaranka kula dardaarmay inay si taxadar leh u soo tebiyaan doorashada, iyagoo ku dadaalaya dhex-dhexaadnimada iyo shaqo wanaagga loo tababaray.

Wasiirka ayaa si weyn uga mahadceliyey tebintii Warbaahinta Qaranka ee is diiwaan-diiwaantii dadweynaha, ololihii ururrada siyaasadda iyo u diyaar garowga howlwadeennada Warbaahinta Qaranka iyo Warbaahinta gaarka loo leeyahay ay ugu jiraan soo tebinta doorashada tooska ah ee golayaasha deegaanka ee degmooyinka Gobolka Banaadir oo dhaceysa maalinta Khamiista ah ee 25-ka bishaan.

             

Mas’uuliyiinta ka tirsan dowladda oo qaatay Kaarka codbixinta

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenkii hore ee dalka Xildhibaan Mahdi Maxamed Guuleed iyo Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala ayaa maanta kaararkooda cod-bixinta ka qaatay xarunta Tiyaatarka Qaranka oo xubnaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka ay xafiis ku meel gaar ah ka sameysteen.

Wasiirka iyo Xildhibaanka ayaa shacabka Soomaaliyeed ee is diiwaan-geliyey ugu baaqay inay goobaha cod-bixinta iska xaadiriyaan maalinta Khamiista ah oo gobolka Banaadir looga dareerayo doorashada Golaha Deegaanka, sida uu iclaamiyey Guddiga Doorashooyinka Qaranka.

Gobolka Banaadir waxaa ka socda diyaar garowgii ugu dambeeyey ee doorashada Golaha Deegaanka oo dhaceysa maalin kadib, waxaana kaararka cod-bixinta laga qaadanayaa goobaha loo asteeyey.

      

Xildhibaada labada Aqal ee BJFS oo ansixiyay Miisaaniyadda Qaranka ee Sanadka 2026-ka

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Xildhibaannada labada Aqal ee BaarlamaankaJamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta kulan wadajir ah yeeshay ayaa Ansixiyey Miisaaniyadda Qaranka ee Sanadka 2026 ka, taasoo gaareysa $1,386,807,242 (Hal Bilyan, Sedax Boqol i Sideetan iyo lix Malyan, Sideed Boqol iyo Todobo Kun, laba Boqol, Afartan iyo laba Dollar), waxaana ogolaatay 174-Xildhibaan, Afar Xildhibaan ayaa diiday, Hal Xildhibaanna waa ka aamusay.

 

Ciidanka Xoogga Dalka oo Howlgal Qorsheysan ka Fuliyay Gobolka Shabeellaha Hoose

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanayey kuwa Sirdoonka Qaranka iyo Dadka Deegaanka ayaa howlgal qorsheeysan oo lagu naafeynayey khawaariijta ka fuliyay Gobolka Shabeellaha Hoose.

Howlgalkan uu hogaaminaayey Taliyaha Qaybta Koowaad  ee kumaandoosta Gorgor G/le Dhexe Saahid Jaamac Faarax (Jareere), waxaa laga sameeyey Deegaanada kala ah Galka Saalimoow, Diira-fuul,Qodqodka iyo Dooxa, iyadoo Deegaanada ay Howlgaladu ka dhacayn ay si buuxda ula wareegeen Ciidamada Xoogga Dalka gaar ahaan Kumaandooska Gorgor.

Inta ay socdeen howlgalada Ciidamada ayaa wadooyinka ka soo saaray Miinooyin khawaarijtu ay la damacsaneed ay ku dhibaateeyaan Shacabka Soomaaliyeed.sidoo kale Ciidamada ayaa burburiyey fariisimo ay Dadka ku baadi jireen khawaarijta.

     

Wasiirka Deegaanka oo kormeer ku tagay Deegaanno iyo Degmooyin ka tirsan Maamul Gobolleedka Galmudug

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimillada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Bashiir Maxamed Jaamac, ayaa kormeer shaqo ku tagay Deegaanno iyo Degmooyin ka tirsan Dowlad-Gobolleedka Galmudug, isaga oo u kuur-galayay xaaladdaha Abaaraha, saameynta Isbeddelka Cimillada iyo Duruufaha Nololleed ee ay wajahayaan Bulshooyinka ku nool Miyiga iyo Magaalooyinka Galmudug.

Wasiirka, oo uu wehelinayey Wasiirka Deegaanka ee Galmudug, ayaa si gaar ah u booqday Magaalada Bud-Bud, oo ka mid ah Goobaha sida weyn ay u saameeyeen Isbeddellada Cimillada. Magaaladaas ayaa waxaa ka muuqda saameyn culus, iyadoo Bacaadku uu  qariyay qaar ka mid ah guryaha, taasoo dhibaato weyn ku keentay Qoysaskii ku noolaa.

Intii uu kormeerka ku guda jiray, Wasiir Bashiir Maxamed Jaamac ayaa kulan wacyigelin ah la yeeshay Shacabka iyo Dadka reer miyiga ah, kaasoo diiradda lagu saaray khatarta ka dhalata jarista dhirta iyo Xaalufka Deegaanka. Waxa uu Bulshada u sheegay in dhibaatooyin waaweyn ay ka dhalan karaan haddii aan la joojin jarista dhirta iyo burburinta Deegaanka.

 

Ugu dambeyn, Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimillada ayaa sheegay in wax ka qabashada Abaarta iyo isbeddelka Cimilladu aysan ahayn Hawl ay Wasaarad keliya qaadi karto, balse ay u baahan tahay ka-qaybgal buuxa oo ay yeeshaan dhammaan qeybaha Bulshada, Hay’adaha Dowladda iyo daneeyayaasha kale. Waxa uu ugu baaqay Bulshada Galmudug iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed inay door muuqda ka qaataan ilaalinta iyo badbaadinta Deegaanka.

 

Ciidamada Booliska Gobolka Banaadir oo xiray Askar ,si sharci darro ah hub ugu dhex watay Magaalada Muqdisho

Muqdisho (Wargeyska Dalka):- Taliska Booliska Gobolka Banaadir ayaa soo bandhigay 11 askari oo lagu eedeeyay inay si sharci-darro ah hub ugu dhex wateen Magaalada Muqdisho, iyagoo jabiyay awaamiir hore oo ay soo saareen Hay’adaha Ammaanka.

Booliska Caasimadda Muqdisho, gaar ahaan Saldhigga Bartamaha, ayaa qabtay Askartaan, waxaana la sheegay in Maxkamad loo gudbin doono maadaama ay ka dhega-fureysteen amarka mamnuucaya in askari aan shaqo ku jirin uu Hub la dhex maro Magaalada.

Sidoo kale, Hay’adaha Ammaanka Dowladda Federaalka ayaa horay uga mamnuucay Hubka Culus, ilaalo badan, iyo qaadashada Hubka gudaha Caasimadda si loo adkeeyo Amniga Muqdisho.