Muqdisho oo lagu soo xiray shirka lagu xoojinaayo isku-duwidda ka-jawaabista Abaaraha Dalka

Muqdisho (Wargeyska Dalka):- Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Mudane Kamaal Guutaale, oo uu wehliyo Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa Muqdisho ku soo xiray Shirka Guddiga Qaran ee Isku-duwidda Ka-Jawaabista Abaaraha Dalka, kaasoo muhiim u ah xoojinta isku-duwidda hay’adaha Dowladda iyo saaxiibada Bani’aadannimo, si si wadajir ah looga jawaabo saameynta sii kordheysa ee Abaaraha Dalka ka jira.

Shirkaan waxaa ka qaybgalay Hay’adaha Dowladda iyo saaxiibada Bani’aadannimo, oo ay ka mid yihiin: Agaasimeyaasha Guud ee hay’adaha Dowladda, Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha (OPM), Hay’adaha Qaramada Midoobay (UN), Xafiiska Isu-duwidda Arrimaha Bani’aadannimada (OCHA), wakiillo ka socday Hay’adaha kale ee Dowladda iyo Ururrada Bahwadaagta la ah Dowladda ee ka shaqeeya gargaarka iyo ka-jawaabista Abaaraha ayaa ka qeybgalay.

Ugu horeyn, Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka SoDMA, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa tilmaamay in shirka uu ahaa madal muhiim ah oo lagu mideynayo Dadaallada, lagu wadaagayo macluumaad sax ah, laguna gaarayo go’aanno degdeg ah oo wax ku ool ah, si loo yareeyo saameynta Abaaraha loona badbaadiyo Nolosha Bulshada ay dhibaatadu saameysay. Waxa uu sidoo kale u mahadceliyay madaxdii shirka ka soo qeyb gashay, isaga oo ku adkeeyay iskaashi joogto ah iyo Wada-shaqeyn

Ugu dambeyn, Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Mudane Kamaal Guutaale, ayaa carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo iskaashiga Hay’adaha Dowladda iyo la-hawlgalayaasha bani’aadannimada, si loo helo jawaabo mideysan oo wax tar leh.

       

Wasiirro ka tirsan xukuumadda oo kormeeray degmooyinka gobolka Banaadir oo kaarka codbixinta laga qaadanayo

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Faarax Nuux; Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha XFS mudane Maxmuud Cabdiraxmaan Beene-beene; iyo Wasiir Dowlaha Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada XFS, Mudane Cabdikariim Cabdow Xaydar, ayaa maanta kormeer shaqo ku tegay degmada Warta-nabada ee Gobolka Banaadir.

Kormeerkan ayaa diiradda lagu saaray u kuurgalidda habsami u socodka qaadashada kaararka cod-bixinta ee doorashooyinka Golaha Deegaanka, kuwaas oo la qorsheeyay inay ka dhacaan 25-ka December magaalada Muqdisho. Mas’uuliyiintu waxay booqdeen goobaha diiwaangelinta, iyaga oo ka war-qaatey howlaha socda, kana dhageystay warbixino ay bixiyeen guddiyada iyo mas’uuliyiinta heer degmo.

Intii uu kormeerku socday, Wasiirradu waxay bogaadiyeen dadaalka shaqaalaha ku howlan diiwaangelinta iyo kaar-qaadashada, iyaga oo adkeeyay muhiimadda ay leedahay in shacabka si hufan, ammaan ah, isla markaana waqtiyeysan u helaan kaararkooda cod-bixinta. Sidoo kale, waxay ku dhiirrigeliyeen bulshada degmada Warta-nabada inay ka qeyb qaataan geeddi-socodka dimuqraadiyadeed, una diyaar garoobaan ka qeybgalka doorashada.

Sidoo kale xubno ka tirsan xukuumadda ayaa kormeer ku tagay degmooyinka Dharkeenley, Wadajir, Xamarweyne iyo Shengaani, halkaas oo ay ka socodeen qaadashada kaarka codbixinta iyo ololaha u diyaar garowga maalinta codbixinta.

   

Ra’iisul wasaare Xamse oo ka qaybgalay isu soo bax dadweyne oo doorashada lagu taageerayo

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta hoggaamiyey Isu-soo-bax dadweyne oo ka qabsoomay degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir, kaas oo bulshadu ku taageerayso doorashada tooska ah.

Isu-soo-baxaan oo ahaa kii ugu dambeeyay ee wacyigelinta bulshada iyo dhiirrigelinta ka-qaybgalka muwaadiniinta ee doorashooyinka qof iyo codka ah ee Golaha Deegaanka Gobolka Banaadir ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Xildhibaanno ka tirsan labada gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Wasiirro, Mas’uuliyiinta Gobolka, Guddoomiyeyaal degmo, Xubno ka socday Bulshada Rayidka, Odayaasha Dhaqanka iyo Boqollaal qof oo ka socday qaybaha kala duwan ee bulshada.

Ugu horreyn Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa Ra’iisul Wasaaraha ku soo dhaweeyay degmada Kaaraan, oo uu sheegay in ay shacabkeedu diyaar u yihiin codbixinta, waxa uuna yiri:

 

Intaas kaddib, Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre oo hadal-jeedin sameeyay ayaa khudbaddiisa diiradda ku saaray arrimaha doorashada, sugidda amniga, iyo doorka shacabka ee go’aaminta masiirkooda. Waxa uu tilmaamay in muwaadiniinta Soomaaliyeed ay dib u hananayaan xuquuqdooda dastuuriga ah, iyagoo dooran doona mas’uuliyiinta ay rabaan.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa bulshada degmada Kaaraan ku bogaadiyey sida ay u muujiyeen dareenkooda rabitaanka doorashada, waxaana uu ka hadlay ahmiyadda doorashada, isagoo ku dhiirrigeliyay bulshada inay codkooda dhiibtaan.

“Waxaa la soo afjari doonaa wixii loo yiqiinnay doorasho dadban, in masiirka Umadda Soomaaliyeed ay go’aamiyaan dad yar” ayuu yiri Ra’iisul wasaare Xamse.

Ugu dambeyn, Isu-soo-baxayaasha ayaa muujiyay sida ay uga go’an tahay in ay goobaha codbixinta u dareeraan maalinta khamiista ah ee soo socota si ay u gutaan waajibaadkooda uu dammaanad qaadayo dastuurka qaranka, si ay codkooda ugu gaaraan yoolka ah: in la dhiso caasimad ka ammaan badan sida maanta, ka mideysan, kana horumarsan.

           

Wasiirka Qoyska oo kaarka codeynta Doorashada ka qaadatay Degmada Shingaani ee Gobolka Banaadir

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Amb. Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa maanta kaarka codbixinta Doorashada ka qaadatay Degmada Shingaani ee Gobolka Banaadir, halkaas oo ay horay uga diiwaan-gashanayd.

Wasiirka waxaa ka wehliyay Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi, iyo Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Waxbarashada, Xildhibaan Nuuro Mustaf Muqtaar (Guudoow).

Dhinaca kale, Wasiir Khadiija ayaa kormeer ku tagtay Degmada Xamarweyne ee Gobolka Banaadir, halkaas oo ay si habsami leh uga socoto qaadashada kaararka codbixinta, iyadoo dadweynuhu si weyn ugu diyaar garoobayaan Doorashada Golaha Deegaanka oo la filayo inay dhacdo 25-ka bishan.

Wasiirka oo la hadashay shacabka degmooyinka Shingaani iyo Xamarweyne ayaa ku boorisay inay si firfircoon uga qeyb qaataan qaadashada kaararka codbixinta, isla markaana ay u soo baxaan maalinta Khamiista si ay codkooda uga dhiibtaan goobaha loo asteeyay.

Waxay xustay in tani ay tahay taariikh muhiim ah oo dalka u cusboonaanaysa, 57 sano kadib, iyadoo shacabka Soomaaliyeed dib loogu soo celiyay xaqoodii doorasho si ay u doortaan hoggaanka ay iyagu rabaan.

      

Wasiirka Isgaarsiinta XJFS oo daah-furay Madasha Saddexaad ee Amniga Cyber-ka Soomaaliya

Muqdisho(Wargeyska Dalka);-Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda, Mudane Maxamed Aadan Macallin (Soomaali), ayaa si rasmi ah u furay Madasha 3aad ee Amniga Saaybarka Qaranka, isaga oo carrabka ku adkeeyay muhiimadda Amniga Dhijitaalka ee Dalka.

Wasiirku wuxuu sheegay in Dowladdu ay dhawaan daah furi doonto Xarun gaar ah oo looga hortago lagana jawaabo weerarrada Amniga Saaybarka, wuxuuna ku booriyay jaamacadaha iyo bahda Cilmi-Baarista in ay kordhiyaan Daraasadaha la xiriira Amniga Dhijitaalka, isaga oo xusay in Door muhiim ah ay ka qaataan  Jaamacaddaha Muqdisho.

Dhankiisa, Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ), Mudane Mustafa Yaasiin Sheekh, ayaa soo dhoweeyay ka-qaybgalayaasha madasha, kuna tilmaamay mid muhiim u ah kor u qaadista wacyiga Amniga Dhijitaalka ee Soomaaliya.

Maareeyaha Hay’adda Diiwaangelinta iyo Aqoonsiga Qaranka (NIRA), Cabdiwali Cali Cabdulle, ayaa sheegay in Soomaaliya ay dhanka tignoolajiyadda kaga horreyso dalal badan, balse ay muhiim tahay in la sameeyo shuruuc lagu xakameynayo khataraha internet-ka.

Dhankiisa, Maareeyaha Hay’adda Dhowrista Xogta Soomaaliya, Maxamed Nuur Colow, ayaa sheegay in Dowladdu waddo horumar ballaaran oo dhanka Dhijitaalka ah, isla markaana haddii aan loo diyaargaroobin ilaalinta Amniga Internet-ka ay ka dhalan karto halis saameyn ballaaran leh.

    

 

 

 

 

 

 

Howlgal oo Lagu Dilay Horjoogayaal Ka Tirsan Khawaarijta ayaa Laga Fuliyay Gobolka Shabeellaha Dhexe

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa 21-kii Disembar 2025 fuliyay howlgal qorsheysan oo ka dhan ah khawaarijta, kaasoo ka dhacay deegaanka Jabad Godane oo hoostaga degmada Xawaadley ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Howlgalkan ayaa lagu dilay in ka badan 15 Xubnood oo ka tirsanaa kooxda Khawaarijta, kuwaasoo ay ku jireen horjoogayaal caan ku ahaa dhibaateynta shacabka iyo abaabulka falalka Argagixiso.

Dhagarqabeyaasha lagu dilay howlgalka waxaa ka mid ahaa:-Jacfar Aadan, oo ahaa  Horjoogihii Khawaarijta ee deegaanka Jabad Godane,Cabdirisaaq Cali,  Xubin qaabilsanaa daaweynta iyo daryeelka maleeshiyada Khawaarijta,Daa’uud  Horjooge ka tirsanaa maleeshiyada ku dhuumaaleysanaysay deegaanka.

Howlgalkan ayaa si weyn u wiiqay awooddii Khawaarijta Al-Shabaab ee deegaanka, gaar ahaan dhinacyada hoggaaminta, abaabulka iyo saadka. Tani waa qeyb ka mid ah dadaallada joogtada ah ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ku ciribtirayaan khatarta argagixisada, si loo xaqiijiyo Nabad iyo Xasillooni Waarta oo ka hirgasha dhammaan Gobollada Dalka.

Wafdi uu Hoggaaminayo Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo gaaray Degmada Xudur ee Gobolka Bakool

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa maanta si diirran loogu soo dhoweeyey Degmada Xudur ee Gobolka Bakool,halkaas oo ay ku soo dhaweeyeen mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Bakool iyo kan Degmada Xudur, Saraakiil Amni, Odayaal Dhaqan iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Ujeeddada Safarka Madaxweyne  Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa ahaa kormeerka guud ee xaaladda Amniga, Adeegyada Bulshada iyo dardargelinta Mashaariicda Horumarineed ee ka socda Degmada Xudur iyo guud ahaan Gobolka Bakool.

Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa inta uu ku sugan yahay Degmada Xudur la kulmi doona masuuliyiinta heer Gobol iyo Degmo, isagoo dhageysan doona talooyinka iyo baahiyaha ay qabaan Bulshada Deegaanka, si loo sii xoojiyo Nabadda, Horumarka iyo wadashaqeynta Dowladda iyo Shacabka.

      

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Qaahira kula kulmay dhiggiisa Masar si loo xoojiyo iskaashiga labada Dal

Qaahira(Wargeyska Dalka):-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa kulan doceed kula yeeshay magaalada Qaahira gelinkii dambe ee Sabtidii dhiggiisa Jamhuuriyadda Carabta Masar, Mudane Dr. Badr Abdelatty, Wasiirka Arrimaha Dibadda, Socdaalka iyo Jaaliyadaha Masar.

Kulankan ayaa dhacay intii uu socday Shirka Labaad ee Heer Wasiir ee Madasha Wada-hadalka Ruushka iyo Afrika, oo ka qabsoomay Qaahira 19–20 Diseembar 2025.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo ballaarinta iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha, horumarinta, maalgashiga iyo amniga. Labada dhinac ayaa adkeeyay muhiimadda uu leeyahay iskaashi wax ku ool ah oo gacan ka geysta xasilloonida iyo horumar waara.
Wasiir Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa soo dhaweeyay taageerada joogtada ah ee Masar ay siiso Soomaaliya, isagoo carrabka ku adkeeyay sida ay Dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’an tahay xoojinta iskaashiga kala dhexeeya Masar, gaar ahaan dhinacyada diblomaasiyadda, amniga iyo dhismaha awoodda hay’adaha. Sidoo kale, wuxuu muujiyay muhiimadda ay leedahay isku-duwidda dadaallada heer gobol si loo xaqiijiyo nabad iyo xasillooni waarta.

Dhankiisa, Wasiir Dr. Badr Abdelatty ayaa bogaadiyay horumarka wanaagsan ee xiriirka Masar iyo Soomaaliya, wuxuuna mar kale xaqiijiyay ballanqaadka Masar ee ku aaddan xoojinta iskaashiga istiraatiijiga ah ee labada dal. Wuxuu tilmaamay in dib-u-furista Safaaradda Masar ee Muqdisho ay fududeyn doonto wada-shaqeyn diblomaasiyadeed oo dhow iyo isku-duubnida  wanaagsan oo u dhexeysa labada dowladood.

Kulanka ayaa sidoo kale lagu falanqeeyay xaaladda amniga ee gobolka, iyadoo Masar ay mar kale caddeysay taageeradeeda ku aaddan xasilloonida Soomaaliya iyo guud ahaan Geeska Afrika. Masar ayaa sidoo kale adkaysay baahida loo qabo maalgelin caalami ah oo joogto ah si loo taageero Hawlgalka Taageerada iyo Xasillinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), si loo hubiyo guushiisa iyo waxtarkiisa.

Labada wasiir ayaa si wadajir ah carrabka ugu adkeeyay muhiimadda ay leedahay xoojinta iskaashiga la-dagaallanka argagixisada iyo xagjirnimada rabshadaha wata, iyagoo ku baaqay in la xoojiyo iskaashi heer gobol iyo mid caalami ah si wax looga qabto khataraha ku wajahan nabadda iyo amniga gobolka.

Taliska Booliska Soomaaliyeed oo shir deg deg ah ka yeeshay amniga Doorashada

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed  S/Guuto Asad Cusmaan Cabdullaahi  ( Diyaano), ayaa sheegay in maalinta khamiista ah oo ay taarikhdu ku beegan 25 ka Decembar 2025, la xadidi doono guud ahaan dhaqdhaqaaqa magaalada si dadku nabadgalyo ugu codeeyaan doorashooyinka la filayo in ay ka billaawdaan degmooyinka Gobolka Banaadir.

Kulan uu taliyahu isugu yeeray dhammaan saraakiisha hoggaannada, qeybaha iyo fadhiyada gaarka ah ee ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayuu ku farah in si adag loogu diyaar-garowbo Doorashada dadweyne ee dhaceysa maalinta khamiista oo ku beegan 25ka bishaan December.

Sidoo kale, Saraakiisha nabadgalyada ayuu faray in shacabka loo fududeeyo in si nabad galyo ku codeeyaan.

Afhayeenka Ciidanka Boliska Soomaaliyeed G/lle Cabdifitaax Aadan Xasan oo kulanka kadib la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in taliska Booliska uu ka fikiraayo xaaladaha deg degga ah ee soo wajihi kara Bulshada, waxaanna loo diyaariyay shacab gaadiidka si gaar ah ugu shaqeyn doona.

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa 25 ka diyaar garoow xoog leh ugu jira sugidda amniga doorashioyinka dadweyne oo dhawr iyo konton sano kadib la filayo in ay ka dhicaan magaalada Muqdisho si ay muwaadiniinta fursad loogu siiyo in ay hoggaankooda doortaan.

Guddoomiyaha Doorashooyinka Qaranka oo la dardaarmay howlwadeennada Doorashada

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, Mudane Cabdikariim Axmed Xasan, iyo Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga, Mudane Saadiq Abshir Garaad ayaa xarunta Dhexe ee Guddiga kula dardaarmay howl-wadeennada ka shaqeynaya goobaha codbixinta maalinta Doorashada ee 25ka bishaan December.

Guddoomiyaha ayaa ku booriyay howlwadeenada in ay ku shaqeeyaan qiyam iyo mabda’ u adeegayada Bulshada, islamarkaana si hufan oo hagar la’aan ah ugu shaqeeyaan shacabka codkooda dhiibanaya.

25ka bishaan, waa maalin weyn oo taariikhi ah, waxayna shacabka Muqdisho u dareeri doonaan Doorasho qof iyo cod ah.