Dhismo casri ah oo lagu soo kor-dhiyay xarunta Golaha Shacabka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay wehliyaan Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka iyo Xoghayaha Guud ee Golaha ayaa maanta kormeeray dhismo cusub oo ka kooban xafiisyo iyo qeybo kale oo casri ah, kuwaas oo lagu soo kordhiyey xarunta Golaha Shacabka.

Guddoomiyaha ayaa intii uu kormeerka ku guda jiray si dhow u indha-indheeyey xafiisyada iyo qeybaha kala duwan ee dhismaha cusub, isagoo bogaadiyey mas’uuliyiinta iyo howlwadeennada gacanta ku hayey hirgelinta dhismahan, kuna ammaanay dadaalka iyo tayada shaqo ee ay muujiyeen.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa tilmaamay in dhismahan cusub uu wax weyn ka tari doono tayeynta iyo hufnaanta howlaha Golaha Shacabka, isla markaana uu kor u qaadi doono adeegyada shaqo ee uu Goluhu u hayo dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay horumarinta kaabeyaasha shaqo ee hay’adaha dastuuriga ah, si loo helo jawi shaqo oo ku habboon gudashada waajibaadka qaran ee Golaha Shacabka u xilsaaran yahay.

    

Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda oo kormeer ku tagay Degmada Kaaraan, halkaas oo ay ka socoto qaadashada Kaarka Codbixinta Doorashada

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Jamhuuriyadaa Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Hon. Cali Yuusuf Cali (Cali Xoosh), oo ay wehliyaan Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha, Xildhibaan Maxamed Cismaan Naastaro, iyo Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Awqaafta, Mudane Cismaan Macow, ayaa kormeer ku tagay Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir.

Mas’uuliyiintan ayaa u kuurgalay sida ay u socoto qaadashada kaarka codbixinta iyo diyaargarowga doorashada goleyaasha deegaanka, iyaga oo sidoo kale shacabka degmada kala hadlay ahmiyadda ay leedahay wacyigelinta doorashada iyo qaadashada kaarka codbixinta, maadaama ay tahay tallaabo muhiim u ah mustaqbalka dimuqraadiyadda dalka.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta XJFS, Mudane Cali Xoosh, oo la hadlayay dadweynaha Degmada Kaaraan, ayaa xusay taariikhda gaarka ah ee Degmada, isaga oo carrabka ku adkeeyey in qaadashada kaarka codbixintu ay laf-dhabar u tahay doorashada tooska ah ee Qof iyo Cod, taasoo muwaadiniintu si hufan, xor ah, oo madaxbannaan ay ugu dooranayaan wakiilladooda Goleyaasha Deegaanka iyo Hay’adaha sare ee Qaranka.

Wasiirka ayaa sidoo kale tilmaamay in nidaamka Doorashada Qof iyo Cod uu xoojinayo hufnaanta, isla-xisaabtanka, iyo mas’uuliyadda Hoggaanka la doorto.
Dhanka kale, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Wasiirrada la socday iyo maamulka Degmada ayaa booqday xaafado ka tirsan Degmada Kaaraan, iyaga oo Dadweynaha ku dhiirrigeliyey ka-qeyb galka Doorashada iyo qaadashada Kaararka Codbixinta.

Wasiir Cali Xoosh ayaa sidoo kale la fariistay, lana sheekeystay qaar ka mid ah shacabka Degmada, si uu u dhageysto aragtidooda iyo talooyinkooda ku aaddan geeddi-socodka Doorashada.

       

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo xarigga ka jaray Iskuul Waxbarasho oo loogu talagalay Gabdhaha

Bakool (Wargeyska Dalka):-Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), ayaa maanta xarigga ka jaray Iskuul cusub oo waxbarasho oo loogu talagalay Gabdhaha, kaas oo laga hirgeliyay Degmada Waajid ee Gobolka Bakool.

Munaasabadda furitaanka iskuulka ayaa waxaa ka qeyb galay masuuliyiin ka tirsan Dowladda Koonfur Galbeed, oo ay kamid yihiin Wasiirka Waxbarashada, maamulka Degmada Waajid, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku nool magaalada Waajid.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Dhismaha Iskuulkan uu yahay tallaabo muhiim ah oo lagu horumarinayo waxbarashada Gabdhaha, isla markaana uu muujinayo dadaalka Dowladda Koonfur Galbeed ay ugu jirto xoojinta helitaanka waxbarasho tayo leh oo ay si siman u helaan dhammaan carruurta, gaar ahaan Gabdhaha ku nool Deegaanada Koonfur Galbeed.

     

Senator Muuse Suudi “Dalka wuxuu u jiheystay doorasho qof iyo cod ah, dib dambena looguma laaban doono doorasho dadban.”

Muqdisho(Wargeyska Dalka);-Waxaa si dar-dar leh degmooyinka Gobolka Banaadir uga socda qaadashada kaarka codbixinta doorashada golayaasha deegaanka, taasoo lagu wado in 25-ka bishan ay ka qabsoonto Gobolka Banaadir.

Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya oo booqday degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa shacabka ugu baaqay inay qaataan kaarka codbixinta, si ay ugu codeeyaan cidda ay rabaan.

Senator Xaaji Muuse Suudi, oo maanta kaarka codbixinta ka qaatay Degmada Kaaraan, ayaa shacabka ku boorriyey inay isu diyaariyaan doorasho qof iyo cod ah.

“Dalka wuxuu u jiheystay doorasho qof iyo cod ah, mana jirto in dib loogu laabanayo doorasho dadban,” ayuu yiri Senator Muuse Suudi.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Xoosh, oo isna kula hadlay shacabka Degmada Kaaraan, ayaa yiri;

“Dowladdu waxay awooddii dib ugu soo celisay shacabka, magacaabisna way dhammaatay. Codkiinna ku taageera ururka siyaasadeed ee aad dooranaysaan.”

Sidoo kale, Madaxweynihii hore ee Dowlad-Goboleedka Hirshabeelle, Mudane Cali Cabdullaahi Cosoble, ayaa kaarka codbixinta doorashada golaha deegaanka ka qaatay Degmada Heliwaa.

Soomaaliya ayaa qoreysa taariikh baal dahab ah ka geli doonta hannaanka dimuqraadiyadeed, kaddib  25-ka bishan oo ay shacabka caasimadda  u dareerayaan doorashada golayaasha deegaanka ee Gobolka Banaadir.

 

Duqa Muqdisho oo Booqday Qoys Waxyeello kasoo Gaartay Dab ka Kacay Degmada Howlwadaag

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa Isbitaalka Digfeer ku booqday xubno ka tirsan qoys waxyeello kasoo gaartay dab ka kacay guri dabaq ah oo ku yaalla Degmada Howlwadaag.
Dabka, oo kacay 3-dii bishan, ayaa sababay geerida hal gabar iyo dhaawaca 11 qof oo kale, kuwaasoo qaar ka mid ah weli ku jira xaalad halis ah.

Guddoomiyaha ayaa kulan la qaatay maamulka isbitaalka iyo dhaqaatiirta daryeelaysa bukaanada, isagoo ka dhageystay warbixin ku saabsan xaaladdooda caafimaad.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa qoyskaasi u fidiyay taakulo caafimaad iyo garab-istaag, iyadoo la qorsheynayo in qaar ka mid ah dhaawacyada loo qaado daryeel caafimaad oo dibadda ah. Duqa Muqdisho ayaa sheegay in maamulka gobolka uu si dhow ula socon doono xaaladda qoyska.

Booqashada Guddoomiyaha waxaa ku weheliyay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Isgaarsiinta, Mudane Xuseen Axmed Culusow, iyo mas’uuliyiin kale.

      

 

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka oo ka Qeybgalay Munaasabad isugu jirtay soo-Dhaweyn iyo Sagootin Aas-aaska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa ka qayb galay munaasabad isugu jirtay soo-dhaweyn iyo sagootin oo loo sameeyay sannad-guuradii 82-aad ee Aas-aaska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, taasoo xalay lagu qabtay Xarunta Ciidanka Booliska  Janaraal Kaahiye ee Magaalada Muqdisho.

Munaasabadda waxaa sidoo kale ka soo qayb galay masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, saraakiil sare iyo xubno kale oo ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi (Asad Diyaano), oo munaasabadda ka hadlay ayaa hambalyo u diray dhammaan ciidamada Booliska, isagoo uga mahadceliyay guddiga qaban-qaabada dadaalka ay ku bixiyeen xuska sannad-guuradii 82-aad ee aasaaska ciidanka.

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha, Sareeyo Gaas Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa ammaanay guulaha ay ciidamada amniga ka gaareen sugidda amniga caasimadda, wuxuuna ku dardaarmay in ay sii xoojiyaan nabadda iyo amniga ay maanta ku naaloonayaan shacabka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa isna hambalyo kadib sheegay in Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ay sameeyeen horumarro kala duwan, isagoo Taliyaha Ciidanka Booliska ku ammaanay waxqabadka muuqda iyo dadaalka joogtada ah ee ay ciidanku ku tallaabsadeen.

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo la aasaasay sannadkii 1943-kii, ayaa ka mid ah Ciidamada Qalabka sida, door muhiim ahna ka qaatay sugidda amniga iyo kala dambeynta guud ahaan Dalka.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Qaahira kaga Qayb-galay Shir muhiim ah

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Qaahira kaga Qayb-galay Shirka Iskaashiga Ruushka iyo Afrika

Qaahira,(SONNA):- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa magaalada Qaahira ee dalka Masar kaga qayb-galay shirka labaad ee heer Wasiir ee Madasha Iskaashiga Ruushka iyo Afrika, kaas oo socday intii u dhaxeysay 19–20 December.

Shirkan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka istiraatiijiyadeed ee u dhexeeya Ruushka iyo dalalka Afrika, gaar ahaan dhinacyada diblomaasiyadda, ganacsiga, amniga, iyo horumarinta dhaqaalaha. Waxaa sidoo kale lagu falanqeeyay caqabadaha horyaalla qaaradda Afrika iyo doorka Ruushka ee ku aaddan taageerada horumar waara.

Wasiir Cabdisalaan oo khudbad muhiim ah ka jeediyay shirka ayaa adkeeyay in caqabadaha caalamiga ah ee hadda jira aan lagu xallin karin tallaabooyin hal-dhinac ah, balse ay u baahan yihiin iskaashi caalami ah oo ku dhisan is-ixtiraam, masuuliyad wadaag, iyo dhowrista sharciga caalamiga ah.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa carrabka ku adkeeyay in nabad waarta oo ka dhalata qaaradda lagu gaari karo oo kaliya marka la isku dubarido dadaallada amniga, horumarinta dhaqaalaha, iyo gargaarka bini’aadantinimada.

Ugu dambeyn, Wasiirku wuxuu xaqiijiyay taageerada Soomaaliya ee iskaashiga Ruushka iyo Afrika, isagoo ku baaqay nidaam caalami ah oo caddaalad ku dhisan, maalgelin la saadaalin karo, iyo fududeynta helitaanka tiknoolajiyada casriga ah si looga guuleysto caqabadaha isbeddelka cimilada iyo carqaladaha dhaqaale.

              

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo u Hambalyeeyay Ciidanka Booliska Soomaaliyeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa munaasabadda xuska Sanad-guuradii 82-aad ee ka soo wareegtay aas-aaskii Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed awgeed hambalyo iyo bogaadin u diray dhammaan saraakiisha, saraakiil-xigeennada, dableyda iyo guud ahaan bahda Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ay laf-dhabar u yihiin sugidda amniga, dhowrista sharciga, ilaalinta kala dambeynta bulshada iyo xaqiijinta nabadgelyada guud ee dalka, isagoo xusay in doorka ay booliisku ku leeyihiin dhismaha dowladnimo casri ah iyo ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta uu yahay mid lama huraan ah.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa si gaar ah u bogaadiyey geesinimada, naf-hurnimada iyo dadaalka joogtada ah ee ay Ciidanka Booliska Soomaaliyeed u galaan sugidda amniga, xasiloonida iyo badbaadada shacabka Soomaaliyeed, Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sidoo kale tacsi u diray qoysaska iyo ehelada dhammaan halyeeyadii ka tirsanaa Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee naftooda ku waayey gudashada waajibaadkooda qaran, isagoo Alle uga baryey inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, kana siiyo samir iyo iimaan qoysaskooda iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha ayaa sheegay in Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan Golaha Shacabka uu mar walba garab taaganyahay horumarinta, tayeynta iyo taageeridda Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, si ay u gutaan waajibaadkooda dastuuriga ah, loona xoojiyo kalsoonida ka dhaxeysa ciidanka iyo shacabka.

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo bilaabay wejigii labaad ee ka jawaabidda Abaarta

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Mudane Kamaal Daahir Guutaale, ayaa guddoomiyay shir muhiimaddiisu sarreyso oo lagaga arrinsanayay ka jawaabidda abaaraha dalka ka taagan.

Shirkan ayaa waxaa kasoo qeybgalay wasaaradaha udub dhexaadka u ah nolosha dadweynaha, sida Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka,Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha, Xannaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa, Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada, Hey’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka iyo Hey’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka.

Waxaa kulanka lagu soo bandhigay xog uruurintii u dambeysay ee ku aaddanayd saamaynta abaaraha, heerka biyo la’aanta, webiyada gurey, ceelasha qallalay, dadka barokacay, iyo xoolaha ay abaarta saameysay.

Waxaa la’isla meel dhigay habka ugu wanaagsan ee abaarta looga jawaabi karo, iyada oo lagu tashanayo waxa hadda la hayo, iyo waxa la qaban karo, si loo kaashado bulshada Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka.

Shirkan ayaa horudhac u ah shir heer wasiir ah oo dhowaanta la qabanayo, iyada oo dedaalada dowladda la isugu geynayo ka jawaabidda abaarta iyo maaraynta dhibaatada ka dhalatay.

         

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeyb galay Sanad-guurada 82-aad ee Aas-aaska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed

Muqdisho,(Wargeyska Dalka):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qayb-galay, Dabaal-dagga sannad guurada 82-aad ee ka soo wareegtay aasaaskii Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa Hambalyo u diray Sarreeyayaasha, Saraakiisha sare, Saraakiisha, Saraakiil xigeenada, Kormeereyaasha, Alifleyda iyo Dableyda Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyay Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, guulaha muuqda ee laga xaqiijiyay sugidda amniga Dalka, dib u dhiska Xarumaha Booliska, tayeynta iyo horumarinta Ciidamada, isaga oo faray in ay u diyaar garoobaan gudashada waajibaadkooda ku aaddan ilaalinta Nabad-Galyada Doorashooyinka Qof iyo Codka ah ee ka qabsoomaya Gobolka Banaadir.

“Waan hambalyeynayaa shaqada wanaagsan ee Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, ku qabteen waqtiga kooban. Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, tan iyo markii la aas-aasay sanadkii 1943-dii, waxa uu u taagnaa ilaalinta nafta, sharafta iyo hantida ummadda Soomaaliyeed, waxaan halkan uga mahadcelinayaa dhammaan ragga iyo dumarka Booliska Soomaaliyeed ee naftooda u huray sugidda amniga dalka”

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kula dardaarmay Saraakiisha iyo Askarta Ciidanka Booliska Soomaaliyeed in ay si waafaqsan qaanuunka Dalka u gutaan, waajibaadka ka saaran ilaalinta nafta, hantida iyo sharafta muwaadiniinta Soomaaliyeed, waxa uuna xusay in Sarkaal waliba lagula xisaabtami doono shaqada loo idmaday.

Munaasabadda sanad-guurada 82-aad ee aasaaska CBS, waxaa ka qayb galay Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaanno, Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida, Taliyeyaashii hore, Danjireyaal iyo marti sharaf kale.