Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeyb galay Sanad-guurada 82-aad ee Aas-aaska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed

Muqdisho,(Wargeyska Dalka):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qayb-galay, Dabaal-dagga sannad guurada 82-aad ee ka soo wareegtay aasaaskii Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa Hambalyo u diray Sarreeyayaasha, Saraakiisha sare, Saraakiisha, Saraakiil xigeenada, Kormeereyaasha, Alifleyda iyo Dableyda Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyay Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, guulaha muuqda ee laga xaqiijiyay sugidda amniga Dalka, dib u dhiska Xarumaha Booliska, tayeynta iyo horumarinta Ciidamada, isaga oo faray in ay u diyaar garoobaan gudashada waajibaadkooda ku aaddan ilaalinta Nabad-Galyada Doorashooyinka Qof iyo Codka ah ee ka qabsoomaya Gobolka Banaadir.

“Waan hambalyeynayaa shaqada wanaagsan ee Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, ku qabteen waqtiga kooban. Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, tan iyo markii la aas-aasay sanadkii 1943-dii, waxa uu u taagnaa ilaalinta nafta, sharafta iyo hantida ummadda Soomaaliyeed, waxaan halkan uga mahadcelinayaa dhammaan ragga iyo dumarka Booliska Soomaaliyeed ee naftooda u huray sugidda amniga dalka”

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kula dardaarmay Saraakiisha iyo Askarta Ciidanka Booliska Soomaaliyeed in ay si waafaqsan qaanuunka Dalka u gutaan, waajibaadka ka saaran ilaalinta nafta, hantida iyo sharafta muwaadiniinta Soomaaliyeed, waxa uuna xusay in Sarkaal waliba lagula xisaabtami doono shaqada loo idmaday.

Munaasabadda sanad-guurada 82-aad ee aasaaska CBS, waxaa ka qayb galay Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaanno, Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida, Taliyeyaashii hore, Danjireyaal iyo marti sharaf kale.

                                     

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo Hambalyo u diray Ciidanka Booliska

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa hambalyo ku aaddan Sanad-guuradii 82-aad ee Aasaaska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed u diray dhammaan qeybaha kala duwan ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, oo ay ka mid yihiin Saraakiisha, Saraakiil Xigeennada, Alifleyda, Dableyda iyo Qoysaskooda, munaasabadda Xuska Sanad-Guuradii 82-aad oo ku beegan maanta.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya “Maanta waa maalin muhiim u ah Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, waxaana u Dirayaa Hambalyo Dhammaan Ciidanka.”ayuu yiri Taliyuhu isagoo sidoo kale na faray in la sii laba  jibaaro waajibka Qaran ee saaran Ciidanka Booliska.

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA ayaa Muqdisho ka Furay Shir Qaran oo Lagu Dardargelinayo Ka-Jawaabista Abaaraha Dalka

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay shir ballaaran oo looga hadlaayo ka-jawaabista abaaraha ka jira dalka.

Shirkan, oo ka socda Xarunta Qaran ee Gurmadka Degdegga ah ee Hay’adda SoDMA, waxaa ka qeyb galaya qaar ka mid ah Wasiirrada Dowlad-Goboleedyada Dalka, Maamulka Gobolka Banaadir, Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, iyo masuuliyiin kale oo heer federaal iyo heer Dowlad-Goboleed ah.

Shirkaan ka furmay Magaaladda Muqdisho, ayaa diiradda waxaa lagu saarayaa qiimeynta xaaladda abaaraha ee dalka, saameynta ay ku yeesheen Nolosha Dadka, iyo sidii si wadajir ah oo Deg-deg ah looga jawaabi lahaa baahiyaha Deg-degga ah ee dadka ay abaaruhu saameeyeen.

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa hadal uu ka jeediyay furitaanka shirka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in Gargaar degdeg ah loo fidiyo Dadka ay abaaruhu saameeyeen, si loo badbaadiyo noloshooda loona yareeyo saameynta musiibada, isaga oo ku baaqay iskaashi iyo isku-duubni dhammaan hay’adaha ay khuseyso arrintan.

Ugu danbeyn Guddoomiyuhu waxa uu sidoo kale tilmaamay in Hay’adda SoDMA ay sii wadi doonto dadaallada Gurmadka iyo isku-xirka hay’adaha kala duwan, si loo xaqiijiyo in Gargaar wax ku ool ah uu gaaro Dadka u baahan ee ku nool deegaanada ay abaaruhu sida daran u saameeyeen.

              

Madaxweynaha JFS oo ka qayb galaya xuska sannad guurada 82-aad ee Aasaaska ciidanka Booliiska Soomaaliyeed

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qayb-galay, Xuska sannad guurada 82-aad ee ka soo wareegtay aasaaskii Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa hamblyo u diray Sarreeyaasha, Saraakiisha sare, Saraakiisha, Saraakiil xigeenada, Kormeerayaasha, Alifleyda iyo Dableyda Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Munaasabaddan ayaa waxaa ka soo qeyb-galay Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaanno, Taliyeyaasha Ciidamada kala duwan sida Xoogga dalka,Sirdoonka,Asluubta ,Taliyeyaashii hore iyo marti sharaf kale.

 

Taliyihii Hore ee Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo u diray Hambalyo ku aaddan Sanad-Guuradii 82-aad ee Aasaaska Ciidanka Booliiska

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Taliyihii hore ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sareeye Gaas Dr. Shariif Sheekhuna Maye, ayaa Hambalyo u diray dhammaan qeybaha kala duwan ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, oo ay ka mid yihiin Saraakiisha, Saraakiil Xigeennada, Alifleeyda, Dableyda iyo Qoysaskooda, munaasabadda Xuska Sanad-Guuradii 82-aad oo ku beegan maanta.

Sareeye Gaas Shariif ayaa Ciidanka Booliska u rajeeyay Guul, Horumar iyo dadaal joogto ah, si ay u gutaan waajibaadkooda Qaran ee la xiriira ilaalinta amniga, sharciga iyo kala dambeynta Dalka meel kasta oo ay ka howlgalayaan.

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho, Sabti, 20ka December,2025.

1-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho kooban ku tegay magaalada Addis Ababa, halkaas oo uu kulan kula yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia, Abiy Ahmed Ali.

2-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Wasiirka Horumarinta Iskaashiga Caalamiga iyo Ganacsiga Dibadda ee dalka Sweden Mudane Benjamin Dousa.

3-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga tacsiyeeyey qoyska, bulshada Puntland iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed geerida naxdinta leh ee ku timid Madaxweynihii hore ee Puntland, Marxuum Jaamac Cali Jaamac.

4-Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre aya soo xiray Shirka 35-aad ee Wasiirrada Gaashaandhigga Bariga Afrika.

5- Ra’iisul Wasaare Hamsa Cabdi Barre ayaa magacaabey Jamaal Maxamed Xasan iyo Ayuub Ismaaciil Yuusuf inay noqdaan Wasiirka Ganacsiga iyo Wasiirka Hawlaha Guud.

6-Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa ka qeyb galay munaasabadda xuska 65-guurada xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Dadka Shiinaha, oo lagu qabtay Muqdisho.

7-Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka qeyb galay munaasabad xarigga looga jarayey Masraxa Prof. Shariif Saalax Maxamed Calimee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.

8-Golaha Wasiirrada Soomaaliya waxeey ka doodeen Wax-ka-beddelka Sharciga Bangiga Dhexe ee Soomaaliya, Xeer-nidaamiyaha Buugga Badmaaxa Soomaaliyeed, Siyaasadda iyo Xeerka Sanduuqa Qaranka ee Horumarinta Waxbarashada (NEDF) iyo Hindise-Sharciyeedyadda Difaaca Qaranka, Xuquuqda Carruurta iyo Arrimaha qoyska.

9-Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa xilka u kala wareejiyay Wasiirka cusub ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha iyo Wasiirkii hore.

10- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa qaatay Kaarka Cod-bxinta ee ee doorashada, xilli la filayo in dhowaan la qabto doorashada goleyaasha degaanka ee gobolka Banaandir.

11- Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa kulan la yeeshay Safiirka Boqortooyada Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya, Mudane Charles Nicholas King.

12- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa furay aqoon-isweydaarsi heer qaran ah oo diiradda lagu saaray ku biirista Soomaaliya ee Habraacyada Dheeraadka ah ee Axdiyada Geneva.

13- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Yemen u fadhiya Soomaaliya, Mudane Fadl Ali Ahmed Al-Hanak.

14- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa qaabilay Madaxa Hay’adda Caalamiga ee Laanqeytra Cas (ICRC) u qaabilsan Soomaaliya, Mudane Antoine Grand.

15- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa qaabilay Safiirka Ethiopia u fadhiya Soomaaliya, Mudane Suleiman Dedefo Woshe.

16- Wasiirka Gaashaandhigga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi ayaa Saxiixey Heshiiska Hagaha Hirgelinta Qorshaha 2025 ee lagu xoojinayo ilaalinta carruurta ay saameeyeen colaadaha hubaysan.

17- Wasiirka Gaashaandhigga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa qaabilay Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Xasan Cumar Maxamed, oo Muqdisho u yimid ka qeybgalka Kalfadhiga 35-aad ee Wasiirrada Gaashaandhigga ee dalalka ku bahoobay Ciidamada Heeganka Afrikada Bari (EASF).

18- Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa qaabilay Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Mudane James Swan.

19- Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyay Wasiirka Iskaashiga Horumarinta Caalamiga ah iyo Ganacsiga Dibadda ee Dowladda Sweden Mr. Benjamin Dousa .

20-Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Mudane Prof. Salim Cali Ibrow, Ayaa qaabilay wafdi heer sare ah oo ka socday Kozuva Group of Companies, oo ay ka mid tahay shirkadda FAVORI oo maamusha Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho.

21- Wasiirka Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga, Mudane Axmed Xasan Aadan, ayaa heshiis la saxiixday Shirkadda OYAK ee dalka Turkiga, kuna dhaqan-gelinta Heshiiska Iskaashiga iyo Horumarinta Wax-soosaarka Badda.

22- Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga, Xildhibaan Cumar Cali Cabdi, ayaa Muqdisho ku soo dhoweeyay Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Xasan Cumar Maxamed.

23- Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga, Xildhibaan Cumar Cali Cabdi, ayaa furay Kalfadhiga 35aad ee Caadiga ah ee Guddiga Taliyeyaasha Difaaca iyo Ammaanka ee Ciidanka Heeganka Afrikada Bari (EASF).

24- Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga, Xildhibaan Cumar Cali Cabdi, ayaa Muqdisho ku soo dhoweeyay Wasiirka Gaashaandhigga Dowladda Rwanda, Mudane Marizamunda Juvenal.

25-Wasiir Ku-Xigeenka Ganacsiga iyo Warshadaha Maxamuud Axmed Cabdullahi (Abukaate), ayaa ka qayb-galay shirkii labaad ee Madasha Ganacsiga ee Heshiiska Xorta ah ee Qaaradda Afrika (AfCFTA) oo ka dhacay Marrakech, Morocco.

26- Wasiir Ku-Xigeenka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Isaaq Maxamuud Mursal, oo booqasho rasmi ah ku jooga Dalka Serbia, ayaa booqasho ku tagay xarunta weyn ee shirkadda VISARIS, oo ka mid ah shirkadaha ugu horreeya dunida ee soo saara qalabka casriga ah ee raajada (X-ray).

27- Wasiir Ku-Xigeenka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Marwo Aamina Xuseen Cali, ayaa ka qeyb-gashay Shir ka dhacay magaalada Beydhabo, oo ku saabsanaa Kordhinta Mashaariicda Dhismaha Waddooyinka loo yaqaan “Cobblestone”.

28-Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka XFS ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay shirka wadatashiga labaad ee dib-u-eegista habraacyada qaran ee nidaamyada cuntada Soomaaliya.

29- Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka iyo Soohdimaha Qaranka, Mudane Cabdikariin Axmed Xasan, ayaa magaalada Muqdisho tababar uga furay ku dhowaad 90 saxafi oo Soomaaliyeed, kaas oo diiradda lagu saaray Habdhaqanka Warbaahinta ee xiliga Doorashada.

30-Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Gaas Odawaa Yuusuf Raage, ayaa shir-guddoomiyay Kalfadhiga 35-aad ee Caadiga ah ee Guddiga Taliyeyaasha Difaaca iyo Ammaanka ee Ciidanka Heeganka Afrikada Bari (EASF), oo ka socda magaalada Muqdisho.

31- Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa Muqdisho ku soo dhoweeyay Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Jamhuuriyadda Rwanda, Major General Vincent Nyakarundi.

32- Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u soo bandhigtay Warbixin Sanadeedka Waxqabadka ee Sannadka 2025, iyadoo hal-ku-dheggu yahay Xakamaynta Xuduudaheenna – Ilaalinta Dadkeenna.

33- Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Mudane Kamaal Daahir Guutaale, ayaa daahfuray kulan aqoon-is-weydaarsi ah oo ku saabsan hagaajinta iyo horumarinta nidaamka xeer-dajinta dowladda, si loo horumariyo sharciyada hay’adaha dowliga ah.

34-Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Xamsa Aadan Xaadow, ayaa qaabilay, Safiirka Jamhuuriyadda Suudaan u qaabilsan u fadhiya Soomaaliya, Mudane Abdulrahman Khalil Ahmed Abakr Afandi.

35- Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Mudane Faysal Aadan Xasan ayaa ka qayb-galay Shirka 11aad ee Dowladaha Xubnaha ka ah Heshiiska Qaramada Midoobay ee La-dagaallanka Musuqmaasuqa (COSP 11).

36- Hay’adda NISA oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa hawlgallo qorsheysan ka fuliyay degaanka Tardo ee Gobolka Hiiraan, halkaas oo lagu dilay illaa sagaal dhagarqabe oo ka tirsanaa Khawaarijta Al-Shabab.

    

Xuska Maalinta Ciidanka Boliiska ee 20-ka Disembar

Muqdisho(Muqsho):- 20-ka Disember waa astaan ka mid ah maalmaha qaran ee loo dabbaaldego xusuusta dhaxalgalka ah ee Umadda,gaar ahaan aasaaska Ciidamada Booliska oo ka mid ah qeybaha Ciidamada ee xilka iska saaray difaaca Dadka iyo Dalka,isla markaana door wax ku oolka ah ka soo qaatay dhalinta miraha Xoriyadda ee aan harsaneyno.

Sanadkii 1943-diii ayeey aheyd markii la unkay Dhismaha Ciidan Booliska  oo xilligaasi loo arkaayey in ay yihiin kuwa ugu faca weyn ,isla markaana lagama maarmaan u ahaa yagleelidda Dhismaha Dowlad Soomaaliyeed oo wax la wadaagta Dunida inteeda kale.

Marka loo eego waxqabadkooda iyo Waajibaadka Qaran ee ay ku howlgalaan Ciidanka waa mid cad oo ku qoran Dastuurka Dalka,waxayna qabtaan shaqooyin adag oo dan u ah Dadka,Dalka iyo caalamka kuwaas oo ay kamid yihiin:- 1-la Dagaallanka Dambiyada ka dhaca Gudaha iyo Dibadda .2-la-dagaallanka argagixisada .3-difaaca dalka.4-Sugidda amniga gudaha dalka iyo 5- Ilaalinta sharciga dalka iyo kan caalamka.

 Ciidamada Booliska waa hey’adda ugu sareysa ee fulinta sharciga madaniga ah,sidaa aawadeed,waxay xubin firfircoon iyo xiriir shaqo oo dhab ah la wadaagaan ururka caalamiga ah ee booliska Adduunka (Interpool).

Waxaa marag ma doonto ah in Ciidamada Booliska ay yihiin kuwo geesiyaal ah oo lagu faano,isla markaaana Guulo ka soo hooyey Dagaaladii Dhacay Sanadihii 1964-tii iyo 1977-dii,ee lagu raadinaayey dhulalkii ku maqnaa gacanta Gumeysigii Shisheeye.

Waloow bur-burkii ka dhacay dalka 1991-dii uu saameyn ku yeeshay ciidamada ,haddana laga soo bilaabo sanadihii 2000 waxaa lagu guuleystay in dib loo uruuriyo ciidamada, isla markaana la howlgaliyo qeybihii iyo talisyadii uu ka koobnaa ,iyadoo lagu kordhiyay  dhallinyaro  cusub oo dhiirigeliyay soo celinta amniga iyo kala dambeynta.

Haddaba,xuska Sanadkaan oo ku beegan Sanadguurada 82-aad waxa uu ka tarjumayaa aasaaska Ciidamada booliska oo ah hooyada ugu faca weyn ee Ciidamada Dalka,iyadoo xilligaan shacbiga Soomaaliyeed ay ka muuqdaan sida ay ugu qanacsan yihiin qaabka ay u socdaan howlaha ciidamada iyo dadaalada kale ee ay kaga qeybgalayaan Horumarka Dalka.

Boolisku waa awoodda labaad ee ay ku faanaan Bulshada,waxayna dadaal ugu jiraan soo celinta amniga,Sidaa Daraadeed waxa ay u baahan yihiin in loo howlgalo sidii loo tayeyn lahaa, isla markaana loogu heli lahaa agab ama qalab ciidan oo ay ku hawl galaan iyo in la siiyo tababarro sare loogu qaadayo xirfaddoda shaqo si mustaqbalka dhow ay u hantaan ammaanka guud ee Dalka.

Sidoo kale,Ciidamada Booliska waa wehelka Shacabka, Siddaa Daraadeed waxaa habboon in Umadda  Soomaaliyeed ay ciidamada kala shaqeeyaan soo celinta xasiloonida Dalka iyo raadinta nidaam guud oo horseeda kala dambeyn.

Ugu dambeyntii Saraakiisha,Saraakiil Xigeenada,Alifleyda ,Dableyda iyo Guud ahaan Xaasaska Ciidamada Booliska meel kasta oo ay joogaan waxaan u rajeyneynaa  in Sanadkaan kiisa kale ay ku gaaraan Horumar iyo Barwaaqo.

 

Munaasabada xuska ciidanka Booliiska oo goordhow ka bilaaban doonta Muqdisho

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-waxa maanta oo ah 20-ka Bisha Disember si weyn looga xusayaa dalka xuska maalinta ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo sannad walba la xuso 20-bisha Disember.

Xuska maalinta Ciidanka Booliiska ayaa ah astaan ka mid ah maalmaha Qaranka ee loo dabbaaldego xusuusta dhaxalgalka ah ee Umadda,gaar ahaan aasaaska Ciidamada Booliiska oo ka mid ah qeybaha ciidamada ee xilka iska saaray difaaca dadka iyo dalka,isla markaana door wax ku oolka ah ka soo qaatay dhalinta miraha xoriyadda ee aan harsaneyno.

Sanadkii 1943-diii ayey aheyd markii la unkay dhismaha ciidan Booliis ah oo xilligaasi loo arkaayey in ay yihiin kuwa ugu faca weyn ,isla markaana lagama maarmaan u ahaa yagleelidda dhismaha Dowlad Soomaaliyeed oo wax la wadaagta Dunida.

Qaybaha kala duwan ee Ciidanka Booliiska ayaa maalmihii u dambeeyey ku jiray u diyaar garowga xuska iyagoo soo bandhigayey cutubyo loo diyaariyey in ay si weyn uga qayb qaataan maalintan oo ku weyn qaranka Soomaaliyeed.

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo Qaahira kaga qeyb galay Shirka labaad ee Madasha Wax-wadaagga Ruushka iyo Afrika

Cairo:-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa maanta oo Jimce ah soo gaaray Magaalada Qaahira si uu uga qeybgalo Shirka labaad ee heer Wasiir ee Madasha Wax-wadaagga Ruushka iyo Afrika, oo socon doona maalmaha 19-20 December.

Labada cisho ee shirku socon doono ayaa waxaa isku imaan doona Wasiirrada Arrimaha Dibadda Afrika iyo qaar ka mid ah Wakiillada Urur goboleedyada.

Iyadoo la eegayo natiijooyinka shirkii koowaad ee heer Wasiir ee madashani ay ku yeelatay Sochi, Ruushka, bishii November 2024, ayaa waxa uu shirkani diiradda saari doonaa iskaashiga ganacsiga, maalgashiga, tamarta, iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha.

      

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Ra’iisul wasaaraha Itoobiya

Addis Ababa:- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo safar shaqo oo hal maalin ku tagay magaalada Addis Ababa ee Jamhuuriyadda Federaalka Itoobiya, ayaa maanta kulan la yeeshay Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed.

Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Itoobiya, kor u qaadista iskaashiga dhinacyada amniga, siyaasadda iyo arrimaha gobolka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay sii ambaqaadidda wada-shaqeynta ku dhisan is-ixtiraamka, daris wanaag iyo danta guud ee Labada dowladood, si loo xaqiijiyo xasilloonida Geeska Afrika.