Wasiirada Kalluumaysiga iyo Dekedaha XFS oo kulan muhiim ah la yeeshay Mas’uuliyiin Turki ah

Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah Mudane Axmed Xasan Aadan iyo Wasiirka Dekedaha ee XFS Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa magaalada Ankara ee dalka Turkiga kulan miro-dhal ah kula yeeshay Wasiirka Beeraha iyo Kaymaha ee dalkaasi Mudane İbrahim Yumaklı.

Kulanka labada dhinac ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal ,gaar ahaan  labada Wasaaradood iyo sido kale dardargelinta fulinta heshiisyo horay loo gaaray oo ay jireen iskaashiga iyo Horumarinta Waxsoosaarka Badda.

Wasiirada Wasaaradaha Kalluumaysiga iyo Dekedaha XFS oo kulankaasi ka hadlay ayaa dowlada iyo shacabka aan walaalaha nahay ee Turkiga uga mahadceliyay taageerada joogtada ah ee ku dhisan wax-wadaqabsiga labada dal.

Wasiirka Beeraha iyo Kaymaha Jamhuuriyadda Turkiga Mudane İbrahim Yumaklı oo isna hadlay ayaa sheegay in Dowladda Turkiga ay ka go’antahay taageeradda iyo iskaashiga Soomaaliya iyo fulinta dhammaan heshiisyadii lawada saxiixday.

Ciidanka Gorgor oo gacanta ku dhigay daawooyin iyo agab kale oo ku socday khawaarijta

Ciidanka Kumaandooska Gorgor ee Xoogga Dalka ayaa howlgallo qorsheysan ka fuliyay  deegaanno ka tirsan Gobolka Sh/Hoose oo lagu tuhmay qaar kamid ah kooaha khawaarijta ee caadeystay sameynta falaka arxanka daran.

Ujeedka howlgalkaan oo ahaa sifeynta kooxaha nabad-diidka iyo soo celinta amniga waxaa intii uu socday gacanta lagu dhigay daawooyin iyo agab caafimaad oo khawaarijta loo waday.

Howlgalkaan ayaa ka kala dhacay Godey, Guumeys diid iyo Aybuutey,kuwaas oo kamid ah deegaanada gobolka Shabeellaha Hoose,waxaana wararku intasa ku darayaan in kooxo maleeshiyaad ah ay ka carareen halkaasi,kahor howlgalka.

   

Dadweynaha oo maanta oo Jimco ah fursad loo siiyay qaadashada kaarka codbixinta

Maanta oo Jimco ah waxaa dadweynaha  fursad loo siiyay in ay qaataan kaarka codeynta,kaas oo si habsami leh uga socda Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee maalmahaan ku mashquulsanaa howlahooda gaarka ayaa maanta loogu baaqay in ay tagaan goobaha ay ka socoto kaar-bixinta.

25 bisha bishaan oo ah maalin loo asteeyay doorashada golaha deegaanka gobolka Banaadir,waxaa la filayaa in dadweynaha ku dhaqan caasimadda dalka ay u dareeraan codbixinta la doonayo in lagu xulo xubnaha kamid noonaya maamulka deegaanada gobolka.

Qoraalka warkaan ayaa lagu sheegay in qof aan haysan kaarka codbixinta uusan xaq u yeelan doonin in uu codeeyo maalinta doorashada.

Wasiirka Caafimaadka XFS oo booqday bukaanno loo qorsheeyay in loo qaado Masar

Wasiirka Caafimaadka XFS Dr.Cali Xaaji Aadan Abuubakar iyo mas’uuliyiin kale ayaa xalay Cisbitaalka Degfeer ku booqday qoysa Soomaali ah oo dhowaan ku dhaawacmay dab qabsaday guri ku yaalla Degmada Howlwadaag ee Gobolka banaadir.

Wasiirka oo booqashadaasi ay kala qeybgaleen Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoliyada Xuseen Axmed Culusoow,waxaa socodkooda uu la xiriiray ogaanshaha xaaladda 8 ruux oo la ildaran dabkaasi oo ku habsaday guri ay ku sugnaayeen 12 qof.

Dabkaasi ayaa sadexdii bishaan geystay dhimasho soo gaartay haweeneey uurleh ,halka dhaawacyo culus iyo kuwo fudud ay ka soo gaaren 11 ruux,sida uu ka dhawaajiyay maamule ku xigeenka Cisbitaalka Ex Digfeer Maxamed Ashraf.

Wasiirka Caafimaadka XFS Dr.Cali Xaaji Aadan Abuubakar oo la hadlay bukanadaasi ayaa sheegay in dadkaasi loo fidin dono daryeel caafimaad oo dibadda ah,isagoo ntaa raaciyay in  maalinimada Axadda ee soo socotas loo qaadi doono Dalka masar,si ay u helaan adeeg dhinaca caafimaadka ah iyo daryeel.

Booqashada bukaanadaan ayaa qeyb ka ah gowlaha joogtada ah ee wasaaradda caafimaadka ay kaga jawaabeyso masiibooyinka ,isla markaana lagu  badbaadinaayo bulshada Soomaaliyeed.

Wasiirka ganacsiga XFS oo caasimadda Shiinaha kaga qayb galay xuska 65-aad Xiriirka Diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha

Beijing:-Wasiirka Wasaaradda ganacsiga iyo Warshadaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jamaal Maxamed Xasan, ayaa maanta magaalada Beijing, caasimadda dalka Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, kaga qayb-galay munaasabadda sannad-guurada 65-aad ee Xiriirka Diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha.

Munaasabaddan oo ay soo qaban-qaabisay Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Shiinaha ayaa lagu xusay taariikhda dheer iyo iskaashiga qotada dheer ee ka dhexeeya labada dal, iyadoo diiradda la saaray horumarinta xiriirka diblomaasiyadeed, ganacsi iyo midka dhaqaale.

Intii uu Wasiirku ku sugnaa magaalada Beijing, wuxuu sidoo kale ka qayb-galay shir-doceed ganacsi oo ay isugu yimaaddeen in ka badan 300 oo shirkado ganacsi ah, kuwaas oo ka kala socday Shiinaha iyo dalal kale. Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya ayaa halkaas ka jeediyay khudbad muhiim ah oo ku saabsan fursadaha maalgashi ee ballaaran ee ka jira Soomaaliya iyo dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan soo jiidashada maalgelinta caalamiga ah.

     

Wasiirka gaashaandhigga XFS oo si rasmi ah hoggaanka Hay’adaha Siyaasadda Ciidanka Heeganka Afrikada Bari ugu wareejiyey Uganda

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa si rasmi ah hoggaanka Hay’adaha Siyaasadda Ciidanka Heeganka Afrikada Bari (EASF) ugu wareejiyay Jamhuuriyadda Uganda, isagoo xilka guddoomiyenimo ee Gudoonka Golaha Wasiirada iyo Taliyayaasha Ciidamada ku wareejiyay wakiilka Wasiirka Gaashaandhigga Uganda ahna Taliyaha Ciidamada Dhulka Uganda, S/Guuto Kayanja Muhanga, intii lagu guda jiray Kalfadhiga 35-aad ee Caadiga ah ee Golaha Wasiirrada Gaashaandhigga dalalka xubnaha ka ah EASF.

Wasiir Fiqi ayaa uga mahadceliyay dalalka xubnaha ka ah EASF iskaashigii dhowaa iyo wadashaqeyntii miro-dhalka ahayd ee ay la lahaayeen Soomaaliya muddadii ay hoggaanka haysay, isaga oo hoosta ka xarriiqay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay weli ka go’an tahay sii wadidda taageerada, ka-qaybgalka firfircoon, iyo kaalin qaadashada dadaallada wadajirka ah ee lagu xaqiijinayo nabadda iyo xasilloonida Afrikada Bari.

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa muddo hal sano ah haysay hoggaanka Hay’adaha Siyaasadda EASF, iyadoo muddadaas si masuuliyad leh u gudatay waajibaadkeeda, isla markaana laba jeer martigelisay shirarka EASF, taas oo muujinaysa kalsoonida lagu qabo doorka Soomaaliya ee amniga iyo wada-shaqeynta gobolka.

Ciidanka Heeganka Afrikada Bari (EASF) waa hay’ad goboleed ka kooban cutubyo militari, boolis iyo qaybo rayid ah, looguna talagalay ka-falcelinta xaaladaha degdegga ah ee amni, nabad-ilaalin, iyo bani’aadamnimo ee ka dhaca dalalka xubnaha ka ah gobolka.

          

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐂𝐚𝐛𝐝𝐢 𝐁𝐚𝐫𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐢𝐢 𝟑𝟓-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐆𝐚𝐚𝐬𝐡𝐚𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐁𝐚𝐫𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa soo xiray Shirkii 35-aad ee Caadiga ahaa ee Wasiirrada Gaashaandhigga Bariga Afrika, kaas oo ku qabsoomay caasimadda dalka ee Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in martigelinta shirka ee Muqdisho ay astaan u tahay horumarka ay Soomaaliya ka sameysay dhinacyada nabadda, xasilloonida iyo dib-u-dhiska, isla markaana ay muujinayso kalsoonida ay dalalka gobolka ku qabaan Soomaaliya.

Mudane Xamsa ayaa xusay in gobolka Bariga Afrika uu wajahayo caqabado amni oo wadajir ah, sida argagixisada, dambiyada ka gudba xudduudaha, amniga badda, saameynta isbeddelka cimilada iyo xaaladaha bani’aadannimo, kuwaas oo u baahan iskaashi mideysan iyo xalal ku dhisan amni, horumar iyo diblomaasiyad.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa adkeeyey doorka muhiimka ah ee Ciidanka Heeganka Bariga Afrika (EASF) uu ka qaato sugidda amniga gobolka, isaga oo bogaadiyey doodihii iyo qiimeyntii qotada dheeraa ee ay sameeyeen khubarada iyo madaxda amniga ee ka qeybgalay shirka, kuwaas oo diiradda lagu saaray horumarinta qorshayaasha, miisaaniyadda iyo istiraatiijiyadda mustaqbalka.

Dowladda Soomaaliya ayaa madashii shirka ku wareejisay guddoonka Ciidanka Heeganka Bariga Afrika oo ay sanad haysay, waxaana lagu wareejiyay dowladda Uganda, iyada oo unug tabobar heersare ah qaba oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka ay si hab-maamuus leh ku wareejiyeen calanka Ciidanka Heeganka Bariga Afrika. Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Danjire Axmed Macalin Fiqi oo shirka ka hadlay ayaa sheegay in tallaabooyin horumar ah la xaqiijiyay intii ay Soomaaliya haysay hoggaanka.

Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey dhammaan ka qeybgalayaasha shirka doorkooda iyo dadaalkooda, isaga oo rajo ka muujiyey in go’aamada ka soo baxa shirka ay gacan ka geysan doonaan xoojinta nabadda iyo xasilloonida gobolka Bariga Afrika.

       

Guddoomiyaha golaha shacabka oo shirgudoomiyey kulanka guddiga joogtada

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta shir guddoomiyey kulanka 17-aad ee Guddiga Joogtada ah, kaas oo ka qabsoomay Xarunta Guddoonka iyo Guddiyada ee Villa Hargeysa.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo furay kulanka ayaa xubnaha Guddiga Joogtada la wadaagay warbixin ku saabsan howlaha muhiimka ah iyo shuruucda hortaalla Golaha Kal-fadhiga 7-aad, isaga oo carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay dardargelinta ka shaqeynta shuruucdaasi si loo xaqiijiyo waajibaadka horyaala Golaha.

Intaas kaddib, Habdhowraha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Xasan (Nuux) ayaa dhaariyey Wasiirka Magacaaban ee Wasaaradda Howlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guryeynta Mudane Ayuub Ismaaciil Yuusuf.

Sidoo kale xubnaha Guddiga Joogtada ah ayaa dhageystay warbixinno ay soo jeediyeen guddoomiyeyaasha ama xubnaha ka socday guddiyada kala duwan, kuwaas oo ku saabsanaa shuruucda ay guddiyadu gacanta ku haayaan, habraacyada u harsan, iyo waqtiga la filayo in shuruucdaasi la horgeeyo Golaweynaha.

Ugu dambeyn, Guddiga Joogtada ah ayaa ajandeyn iyo jadwaleyn ku sameeyey fadhiyada Isbuuca 13-aad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

     

Wasiirka gaashaandhigga XfS oo shirgudoomiyey shirka wasiiradda gaashaandhigga dalalka xubnaha ka ah ciidanka heeganka Bariga Afrika

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ahna Guddoomiyaha sanadlaha ah ee Wasiirrada Gaashaandhigga ee wadamada xubnaha ka ah Ciidanka Heeganka Afrikada Bari (EASF), ayaa maanta shir-guddoomiyay Kalfadhiga 35-aad ee Caadiga ah ee Golaha Wasiirrada Gaashaandhigga dalalka xubnaha ka ah (EASF), kaas oo ay martigelineyso Dowladda Soomaaliya.

Kalfadhigan, oo galay maalintii lixaad, ayaa si nidaamsan u soo maray heerarkiisa kala duwan, iyadoo maalmaha hore ay kulamo gaar ah yeesheen Guddiga Khubarada iyo Guddiga Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida ee dalalka xubnaha ka ah EASF. Maanta, oo ah heerka ugu sarreeya ee shirka, ayay Wasiirrada Gaashaandhiggu ka shirayan qodobadii laga soo saaray kulamadii hore.

Wasiir Fiqi oo khudbad ka jeediyay shirka ayaa adkeeyay doorka istiraatijiyadeed ee EASF ee qaadato ka hortagga colaadaha, xoojinta nabadda, xasilinta, iyo dib-u-dhiska colaadaha kadib, iyo sidoo kale wada shaqeynta Midowga Afrika, Qaramada Midoobay, iyo saaxiibada caalamiga ah.

Wasiirku waxa uu sidoo kale xusay in Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uu 3-dii Diseembar 2025 ansixiyay Xeerka Aasaaska EASF, taasoo muujinaysa go’aanka adag ee Soomaaliya ka qaadatay ka-qaybgalka amniga iyo xasilloonida gobolka Bariga Afrika.

Maalmihii shirku socday, waxaa si qoto dheer looga dooday xaaladda amniga gobolka, hirgelinta go’aannadii hore, casharrada laga bartay dhoolatusyadii dhawaan dhacay, natiijooyinka hanti-dhowrka, iyo soo-jeedinta Qorshe-howleedka EASF ee 2025, Miisaaniyadda iyo Qorshe-howleedka 2026.

Gebagebadii, Wasiirka Gaashaandhigga XFS ayaa khudbadiisa ku boorriyay dalalka xubnaha ka ah EASF inay sii xoojiyaan midnimada, wada-shaqeynta, iyo isla-xisaabtanka, si Ciidanka Heeganka Afrikada Bari uu u noqdo hay’ad awood u leh ka jawaabidda caqabadaha amni ee gobolka, badbaadinta rayidka, xaqiijinta nabadda iyo xasiloonida guud ahaan gobolka.

     

Marwada Madaxweynaha oo kaarka codaynta ka qaadatay degmada Dharkeenley

Marwada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Sahro Cumar Xasan, ayaa maanta kaarka codeynta doorashada golaha deegaanka Gobolka Banaadir ka qaadatay degmada Dharkeenley oo ka mid ah degmooyinka ay shacabka caasimada ka qaadanayaan kaarka doorashada.

Boqolaal dadweyne ah oo ka kooban qeybaha kale duwan ee bulshada ayaa safaf dhaadheer ugu jiray qaadashada kaarka codeynta kuwaasi oo usoo baxay inay ka dhabeeyaan rajadooda oo ah inay mustaqbalkooda go,aanka ka gaaraan.

Marwo Sahro Cumar Xasan marwada madaxweynaha JFS ayaa ugu baaqday shacabka Soomaaliyeed in ay si buuxda uga qeyb-qaataan qaadashada kaarka codbixinta sidoo kale Waxa ay xustay in ka qeyb-galka doorashooyinka uu yahay waajib muwaadinimo oo muhiim u ah dhismaha dowladnimada iyo matalaadda shacabka.