Marwada Madaxweynaha oo kaarka codaynta ka qaadatay degmada Dharkeenley

Marwada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Sahro Cumar Xasan, ayaa maanta kaarka codeynta doorashada golaha deegaanka Gobolka Banaadir ka qaadatay degmada Dharkeenley oo ka mid ah degmooyinka ay shacabka caasimada ka qaadanayaan kaarka doorashada.

Boqolaal dadweyne ah oo ka kooban qeybaha kale duwan ee bulshada ayaa safaf dhaadheer ugu jiray qaadashada kaarka codeynta kuwaasi oo usoo baxay inay ka dhabeeyaan rajadooda oo ah inay mustaqbalkooda go,aanka ka gaaraan.

Marwo Sahro Cumar Xasan marwada madaxweynaha JFS ayaa ugu baaqday shacabka Soomaaliyeed in ay si buuxda uga qeyb-qaataan qaadashada kaarka codbixinta sidoo kale Waxa ay xustay in ka qeyb-galka doorashooyinka uu yahay waajib muwaadinimo oo muhiim u ah dhismaha dowladnimada iyo matalaadda shacabka.

      

Wasiirka Dekadaha XFS oo boogaadiyay kaalinta wasiirrada ee ansixinta Xeer-nidaamiyaha Buugga Badmaaxa

Wasiirka Wasaaradda Dekaddaha iyo Gaadiidka Badda XFS Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa kaga Mahadceliyay Golaha Wasiirada oo ansixiyey Xeer-nidaamiyaha Buugga Badmaaxa Soomaaliyeed,kaas  oo muhiim u ah badqabka badaha, xirfadda badmaaxiinta iyo hannaanka shaqo ee Badda.

Wasiirka ayaa tilmaamay in Tallaabadani ay ku timid dadaallada dib-u-habeynta ah ee guud ahaan qeybaha kala duwan ee Wasaaradda, iyadoo la fulinayo siyaasadda guud ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya JFS ee ku aaddan dhaqan-gelinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka, iyadoo mudnaanta la siinayo danaha qaranka.

“Xeer nidaamiyahan muhiimka ah wuxuu adkeynayaa amniga, wuxuu ciribtirayaa dukumiintiyada been-abuurka ah, wuxuuna suuragelinayaa inay Soomaaliya si buuxda ula jaanqaaddo heshiisyada caalamiga sida STCW iyo MLC 2006.

Sidoo kale, wuxuu furayaa albaabo shaqo oo cusub oo ay ka faa’iidaysanayaan badmaaxiinta Soomaaliyeed, wuxuuna kor u qaadayaa sumcadda iyo kalsoonida calanka Soomaaliya”ayuu yiri Wasiir Cabdulqaadir Maxamed Nuur

Wasiirka ayaa sheegay in arrintani ay tahay guul qaran oo dhiirrigelinaysa mustaqbal ifaya ee dhanka badaha, isagoo uga mahadceliyay guddiga mar walba ka shaqeeyay howlahan baaxadda leh.

Wasiirka Amniga XFS oo tababar u soo xiray gabdho kamid ah ciidanka Boliiska

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta tababar aqoonkororsu ah usoo xiray qaar kamoid ah gabdho ka socday Ciidanka Booliskaee  Soomaaliyeed.

Tababarkaan oo socday muddo sagaashan maalmood ayaa waxaa lagu bartay duruus kala duwan oo la xiriirtay xirfadaha amni ee la doonayo in ay ka soo dhalaalaan ciidanka,gaar ahaan gabdhaha.

Wasiirk Fartaag ayaa boogaadiyay doorka muhiimka ah ee haweenku ka qaadanayaan sugidda amniga iyo dhismaha hay’adaha amniga dalka,isagoo kula dardaarmay gabdhaha tababarka dhammeystay inay si daacad ah ugu adeegaan dalkooda iyo bulshadooda, isla markaana ay Qaranka uga faa’iideeyaan aqoonta iyo xirfadaha ay tababarka ku soo qaateen .

Golaha Wasiirada XFS oo maanta meelmariyay sharciyo muhiim ah

Xubnaha Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankii toddobaadlaha ayaa ka hadlay doorashooyinka dalka, gaar ahaan kuwa golaha deegaanka ee bishan ka qabsoomi doona caasimadda dalka.

Shirka Golaha Wasiirrada oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu ansixiyey wax ka beddelka sharciga Bangiga Dhexe ee Soomaaliya, si loo xoojiyo nidaamka maaliyadeed iyo hufnaanta hey’adaha dhaqaalaha.

Sidoo kale, Golaha ayaa meel-mariyey Xeer-nidaamiyaha Buugga Badmaaxa Soomaaliyeed iyo Hindise-Sharciyeedka Difaaca Qaranka, kaas oo lagu tayeynayo awoodda iyo waajibaadka hey’adaha amniga dalka.

Dhinaca kale,shirkaasi waxaa kaloo lagu ansixiyay Hindise-Sharciyeedka Sharciga Xuquuqda Carruurta , Hindise-sharciyeedka Sharciga Arrimaha Qoyska iyo hindise sharciyedka siyaasadda iyo xeerka Sanduuqa Qaranka ee Horumarinta Waxbarashada (NEDF).

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo ka hadlay shirkaasi ayaa ku ammaanay wasiirrada in iyaga iyo bulshada ay si wanaagsan isku barteen, muhiimna tahay in shacabka iyo dowladda is dhex-galaan, isagoo booggaadiyay dadaalkii ay u galeen in ay qeyb ka noqdaan ololaha doorashada.

Shirkaasi waxaa lagu dhageystay warbixin ku saabsan doorashooyinka golaha deeganka ee gobolka Banaadir,kaas oo uu soo jeediyay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Ciidanka Danab oo howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno kamid ah Sh/Hoose

Ciidanka Kumaandooska Danab ee Ururka 161-aad, oo garab ka helaya cutubka Gawaarida Gaashaman ee MU, ayaa howlgallo qorsheysan oo amni xaqiijin ah ka fuliyay deegaanada Basro, Baqdaad, Janbaluul iyo tuulooyin kale oo ka tirsan Degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Howlgalka ciidankaasi ayaa si rasmi ah uga bilowday deegaanka Basro, halkaas oo ciidanka Danab ay ku ogaadeen godad iyo meelo gabbaad u ah Khawaarijta oo ay ku dhuumaaleystaan xilliyada qaar.

Ciidanka Danab ayaa soo bandhigay godad iyo goobo gabbaad ah,kadib markii kooxaha khawaarijta ay ka baxsadeen halkaasi,iyagoo ogaaday in aysan u adkeysan karin cadaadiska iyo awoodda ciidamada Danab.

Ciidanka Danab ayaa sidoo kale gudaha u galay deegaanka Baqdaad, oo ka mid ahaa fariisimihii istiraatiijiga ahaa ee Khawaarijta,waxaana gabi ahaanba la xaqiijiyay amniga deegaankaasi iyo nabadgelyada shacabka.

Ciidanka geesiyaasha Danab ayaa sidoo kale gaaray deegaanka Janbaluul, halkaas oo ay ka sameeyeen hawlgallo lagu baacsanaayo kooxaha argagixisada ah ee ku dhuumaaleysanaya dhulka howdka ah.

Ujeedka ugu weyn ee howlgalka ayaa ah in la burburiyo goobaha gabbaadka u ah Khawaarijta,iIn lasoo afjaro dhaq-dhaqaaqii maleeshiyadu ku lahaayeen gobolka iyo in la xaqiijiyo amniga iyo xasilloonida deegaanka

Ciidanka Kumaandooska Danab ayaa mar kale muujiyay geesinimo, xirfad sare iyo sida ay uga go’an tahay difaaca shacabka Soomaaliyeed iyo ciribtirka argagixisada dalka dhibaateysay.

Wasiirka Amniga XFS”Muqdisho ma jirto maalin ay ka amni badan tahay maanta,

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha XFS Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Farataag oo ka qeybgalay kulan u qabsoomay Hey’adda Socdaalka ayaa sheegay in xilligaan ay jiraan ifafaallo wanaagsan oo ka muuqda gudaha dalka.

Wasiirka ayaa xusay in dowladda ay dadaal xoogan ku bixisay nabad ku soo dabbaalidda dalka iyo guud ahaan horumarinta hey’adaha dowladda ee u xilsaaran samatibixinta bulshada.

Wasiirka ayaa qiray in ay muuqdaan caalamo muujinaya dib u soo kabashada dadka iyo dalka,isagoo intaa raaciyay ka dowad ahaan in ay xoogga saarayaan soo celinta amniga iyo la dagaalanka khawaarijta.

“Muqdisho ma jirto maalin ay ka amni badan tahay maanta,khawaarijtana waxaa laga suuliyey meelo badan oo ka mid ah dalka,”ayuu yiri Wasiir Fartaag.

Ciidanka Xoogga oo howlgal ku soo qabtay gaadiid iyo walxo kamid ah kuwa qarxa

Ciidamada Gaarka ah ee Gor-Gor ee Xoogga Dalka Soomaaliya oo kaashanaya Ciidamada Deegaanka ayaa fuliyay howlgal amni xaqiijin ah oo si guul leh uga dhacay deegaanka Nambar 50 ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Howlgalka ayaa si buuxda loogu fashiliyey qorshe argagixiso oo ay maleegayeen ilaa 10 dhagar-qabe, kuwaas oo doonaayay inay miinooyin u gudbiyaan dhanka deexda ,si ay u carqaladeeyaan howlgallada Ciidamada Qaranka.

Dagaal kooban oo lagu beegsaday kooxahaasi khawaarijta ah, kadib ciidanku waxa ay ku guuleysteen in ay gacanta ku dhigeen 14 miino, kuwaas oo ah tiradii ugu badnayd ee hal mar laga soo qabto goob.

Howlgalkaan oo daba socday xog sirdoon oo lagu ogaaday dhaqdhaqaaqyo ay wadeen koxaahasi Khawaarijta ah,waxaa mudadii uu socday sidoo kale lagu soo qabtay laba mooto oo ay argagixisadu u adeegsanayeen gaadiid ahaan.

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya waxaa ka go’an xaqiijinta nabadda, soo celinta xasiloonida, badbaadinta shacabka ,ciribtirka maleeshiyaadka Al-Shabaab iyo kahortagga khataraha xagga miinooyinka iyo walxahaha qarxa.

Hay’adda socdaalka oo soo bandhigtay warbixinta waxqabadkeeda 2025

Hay’adda socdaalka iyo Jinsiyadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u soo bandhigtay warbixin sanadeedka Waxqabadka ee Sannadka 2025, iyadoo hal-ku-dheggu yahay (Secure Borders, Safe Somalia) sugidda amniga xuduudaha iyo Ilaalinta dadkeenna.

Warbixintan ayaa muujinaysa horumar ballaaran oo Hay’addu ka gaartay sugidda amniga xuduudaha dalka, casriyeynta adeegyada socdaalka, iyo hirgelinta isbeddel dhijitaal ah oo saldhig u ah hufnaan, daahfurnaan iyo adeeg tayo leh. Sidoo kale, waxaa lagu falanqeeyay dib-u-habeynta sharciyeed, nidaamyo iyo qaab-dhismeed hay’adeed oo waafaqsan qorshaha istiraatiijiga ah ee HSJ (2025–2029).

Sannadka 2025, Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda waxay guulo la taaban karo ka gaartay hirgelinta Nidaamka Oggolaanshaha Safarka Elektarooniga ah (e-TAS), casriyeynta baasaboorrada waafaqsan heerarka ICAO, xoojinta la-dagaallanka tahriibinta iyo dambiyada la xiriira socdaalka, iyo horumarinta nidaamyada xog-ururinta, ilaalinta xogta iyo maamulka waxqabadka.

Warbixintu sidoo kale waxay iftiimisay doorka Akeemiyada HSJ ee tababarka iyo tayeynta shaqaalaha, horumarinta kaabeyaasha xuduudaha iyo xarumaha adeegga, iyo iskaashiga qaran, gobol iyo caalami ee lagu xaqiijinayo amni xuduudeed oo waara.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa mar kale adkaysay sida ay uga go’an tahay ilaalinta amniga qaranka, fududeynta safarka sharciga ah, dhowrista xuquuqda aadanaha, iyo hirgelinta hannaan casri ah oo ku dhisan xog, tiknoolajiyad iyo isla-xisaabtan.

         

Wasiirka gaashaandhigga Rwanda oo Muqdisho lagu soo dhaweeyey

Wasiiru dowlaha wasaaradda gaashaandhigga dowladda FS Xildhibaan Cumar Cali Cabdi ayaa maanta garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ku soo dhaweeyay Wasiirka Gaashaandhigga Dowladda Rwanda mudane Marizamunda Juvenal

Wasiirka gaashaandhigga Rwanda ayaa ka qeybgalaya Kalfadhiga 35-aad ee wasiirrada gaashaandhigga ee dalalka ku bahoobay Ciidamada heeganka Afrikada Bari (EASF), oo ay martigelinayso Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

    

Wasiir fiqi oo qaabilay wasiirka gaashaandhigga Jabuuti

Wasiirka Gaashaandhigga mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Jabuuti mudane Xasan Cumar Maxamed oo Muqdisho u yimid ka qeybgalka Kalfadhiga 35-aad ee Wasiirrada Gaashaandhigga ee dalalka ku bahoobay Ciidamada Heeganka Afrikada Bari (EASF)

Labada Wasiir ayaa kawada hadlay xoojinta iskaashiga istiraatiijiyadeed ee dhinacyada amniga iyo difaaca iyo wada-shaqeynta labada dal ee gobolka. Wasiir Fiqi ayaa ka mahadceliyay kaalinta Jabuuti ay ka qaadatay dhismaha dowladda Soomaaliya iyo ka qeybgalkeeda howlgalka AUSSOM, taasoo muujinaysa taageero joogto ah iyo garab istaag dhab ah oo walaaltinimo.

Kulanka waxaa goob joog ka ahaa Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Gaas Odawaa Yuusuf Raage, safiirka Jabuuti ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Ibraahim Yuusuf, iyo mas’uuliyiin kale oo ka socday labada dhinac.