Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya oo qaabilay danjiraha Itoobiya

Wasiirka arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga mudane Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa maanta xafiiskiisa wasaaradda ee Muqdisho ku qaabilay safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Dimuqraadiga Itoobiya u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Suleymaan Dedefo Woshe, iyaga oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal, horumarinta iskaashiga istiraatiijiga, iyo wada shaqeynta dhinacyada ganacsiga, dhaqaalaha iyo amniga.

 

Wasiir Fiqi oo qaabilay Ergeyga Qaramada Midoobay

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya danjire James Swan oo ay wehliyaan mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Qaramada Midoobay.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqaynta Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay, gaar ahaan dhinacyada nabadgelyada, dib-u-habeynta hay’adaha amniga, iyo hirgelinta ballanqaadyada la xiriira ilaalinta carruurta ay saameeyeen colaadaha hubaysan.

Labada dhinac ayaa si gaar ah uga wada hadlay hirgelinta Hagaha Qorsha Howleedka 2025 ee lagu xoojinayo ilaalinta Carruurta ay saameeyeen colaadaha hubaysan, iyagoo adkeeyay muhiimadda ay leedahay isla-xisaabtan, wada-shaqaynta hay’adaha, iyo ka hortagga xadgudubyada ka dhanka ah carruurta inta lagu jiro howlgallada amniga.

   

Dowladda Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay oo kala saxiixday Qorshaha 2025 ee lagu xoojinayo ilaalinta Carruurta ay saameeyeen Colaadaha Hubaysan

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ayaa maanta kala saxiixday Hagaha Hirgelinta Qorshaha 2025 ee lagu xoojinayo ilaalinta carruurta ay saameeyeen colaadaha hubaysan.

Hagahan waxaa Dowladda Soomaaliya u saxiixay Wasiirka Gaashaandhigga, Mudane Axmed Macallin Fiqi; dhinaca Qaramada Midoobay waxaa u saxiixay Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Mudane James Swan iyo Wakiilka Hay’adda UNICEF ee Soomaaliya, Marwo Sandra Latouff. Saxiixani wuxuu ka tarjumayaa dib-u-habayn qaran oo joogto ah, wuxuuna xoojinayaa isla-xisaabtanka hay’adaha amniga iyo badqabka carruurta.

Qorsha howleedkan wuxuu ku dhisan yahay horumarkii la gaaray sannadihii u dambeeyay wuxuuna muujinayaa go’aanka Dowladda Soomaaliya ee ah in laga hortago xadgudubyada culus ee ka dhanka ah carruurta, isla markaana si dhow loola shaqeeyo saaxiibada caalamiga ah si loo xaqiijiyo ilaalinta mustaqbalka carruurta Soomaaliyeed.

Munaasabadda saxiixa waxaa goob joog ka ahaa xubnaha Guddiga Isku-dhafka Wasaaradaha ee Arrimaha Carruurta iyo Colaadaha Hubaysan (CAAC), ee Wasaaradaha Gaashaandhigga, Amniga Gudaha, Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, iyo Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha.

 

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo qaabilay Safiirka Dowladda Sacuudiga u fadhiya Soomaaliya

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta xafiiskiisa kulan mira-dhal ah kula qaatay Safiirka Boqortooyada Sucuudi Carabiya u fadhiya Soomaaliya Danjire Axmed Bin Maxamed Almowallad.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka taariikhiga ah iyo iskaashiga walaaltinimo ee u dhexeeya Dowladda Soomaaliya iyo Boqortooyada Sucuudi Carabiya, gaar ahaan dhinacyada taageerada hay’adaha dowliga ah, horumarinta Baarlamaanka, iyo iskaashiga arrimaha siyaasadda iyo horumarka.

Safiirka Dowladda Sucuudiga u fadhiya Soomaaliya ayaa bogaadiyay dadaallada Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Baarlamaanka Soomaaliya ee ku aaddan dhismaha hay’adaha sharci-dejinta, wuxuuna xaqiijiyay in Dowladda Sucuudiga ay sii xoojin doonto taageeradeeda ku aaddan horumarka, xasilloonida iyo dib-u-dhiska Soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa uga mahadceliyay Dowladda Sucuudiga doorka ay ka qaadato taageerada Soomaaliya, isagoo si gaar ah u xusay kaalinta ay ku leeyihiin gargaar bani’aadanimo, horumarinta adeegyada bulshada, iyo garab istaagga Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed.

Kulanka ayaa ku soo dhammaaday is-afgarad iyo ballan-qaad ku aaddan sii wadidda wada-shaqeyn dhow oo labada dhinac ah, taasoo dan u ah labada dal iyo shacabkooda.

Koonfur Galbeed oo ku Dhawaaqday Xaaladda Bani’aadanimo oo ka jirta Deegaanada Maamulkaas

Baydhabo(Wargeyska Dalka):-Wasaaradda Arrimaha Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Dowlad Gobolleedka Soomaaliya ee Koonfur Galbeed ayaa ku Dhawaaqday Xaaladda Bani’aadanimo oo ka jirta Deegaanada Koonfur Galbeed.

Wasaaradda oo samaysay xog-uruurin ku saabsan xaalada Bani’aadanimo ee ka jirta Deegaanada KGS ayaa waxay soo saartay warbixin sheegaysa in 621,000 qof oo ku nool KGS ayaa u baahan inay helaan gargaar Bani’aadanimo oo degdeg ah.

sidoo kale wasaaradda ayaa ku dhawaaqday in 134,970 caruur ah oo da’dooda ka yar tahay 5 sano, ay wajahanayaan xaalad nafaqa-darro
oo aad u daran deeegaanada KGS.

Wasaaradda ayaa sidoo kale xustay in roobabkii oo yaraaday ay sababtay in ay saamayn ku yeelato dalaga beeraha iyo ilihii biyaha deegaanada koonfur galbeed, taasoo sababtay in shacabka u kala guuraan masaafooyin kala durugsan si ay u helaan biyo.

Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaa ku jira diyaargarowgii ugu dambeeyay ee codbixinta oo la qorsheeyay inay dhacdo 25-ka Diseembar

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, mudane Cabdikariim Axmed Xasan, oo uu wehelinayo Guddoomiye ku-xigeenka, mudane Saadiq Abshir Garaad, ayaa kormeer ku tagay goobta lagu diyaariyey agabka doorashada golaha deegaanka.

Guddoomiyaha oo warbaahinta kula hadlay goobta lagu diyaariyey agabka doorashada ayaa sheegay in dhamaan la diyaariyey agabkii doorashada sidoo kalena qalabka loo daad guraynayo goobaha shacabka kaga codaynayaan.

Mudane Cabdikariim ayaa muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool caasimadda kula dardaarmay inay qaataan kaarka codbixinta ka hor 25-ka bishan December, oo ah maalinta loo asteeyey doorashada golaha deegaanka gobolka Banaadir.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo Dhagax Dhigay Mashruuca Dayactirka Warta Degmada Boondheere

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Guddoomiyaha  Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa Arbacada maanta ah waxa uu si rasmi ah u dhagax-dhigay Mashruuca Dayactirka iyo Faara-bixinta Warta Degmada Boondheere, tallaabadan ayaa ka mid ah dadaallada ballaaran ee Dowladda Hoose ee Xamar ay ku horumarinayso kaabeyaasha muhiimka ah ee caasimadda.

Guddoomiye Dr. Muungaab oo munaasabadda dhagax-dhigga khudbad ka jeediyay, ayaa muujiyay muhiimadda istiraatiijiyadeed ee Mashruucan, maadaama ay Warta Boondheere tahay biyo-qabadka shan degmo oo ka tirsan Gobolka Banaadir. Waxa uu carrabka ku adkeeyay in mashruucan uu door weyn ka qaadan doono hagaajinta nidaamka biyo-mareennada, yareynta khataraha fatahaadaha xilliyada roobabka, iyo fududeynta isu-socodka gaadiidka iyo dadweynaha.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in mashruuca dayactirka iyo faara-bixinta Wartan ay si buuxda u maalgelisay Dowladda Hoose ee Muqdisho, islamarkaana ay tahay middii saddexaad ee noocan ah oo si rasmi ah shaqo looga billaabo, iyadoo horay wax looga qabtay biya-mareennada muhiimka ah ee magaalada, kuwaas oo qaarkood ay weli ka socdaan hawlo dhismo ah.

Dhanka kale, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) oo ka hadlay arrimaha doorashooyinka, ayaa ku booriyey shacabka Gobolka Banaadir inay si wacyi leh, mas’uuliyad muwaadinimo huwan, islamarkaana ay xaq dastuuri ah ku gudanayaan ugu soo baxaan doorashada golaha deegaanka ee la qorsheeyay in ay dhacdo 25-ka bishan Diseembar, si ay door muuqda uga qaataan mustaqbalka maamul iyo horumarineed ee magaaladooda.

      

Hawlgal ka dhacay Hiiraan oo lagu laayey maleeshiyaad xagjir ah

Ciidanka hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa maanta howlgallo qorsheysan ka fuliyay deegaanka Tardo ee gobolka Hiiraan, halkaas oo lagu dilay illaa sagaal dhagarqabe oo ka tirsanaa Khawaarijta, sidoo kalena lagu burburiyay goob ay u diyaariyeen dhibaateynta shacabka.

Hawlgalkan ayaa yimid kaddib markii la helay xog sirdoon oo sugan oo muujinaysay in maleeshiyaadka Khawaarijta ay halkaas ka sameysteen bar-koontarool sharci-darro ah, isla markaana ay qorsheynayeen in ay lacago baad ah kaga qaadaan gawaarida shacabka. Howlgalka oo si guul ah ku soo dhammaaday ayaa lagu fashiliyey damacii Khawaarijta.

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) waxaa ka go’an in meel kasta lagu beegsado cadowga Khawaarijta ah ee ku howlan dhagarta iyo dhibaateynta shacabka Soomaaliyeed.

Wasiirka gaashaandhigga Jabuuti oo Muqdisho lagu soo dhaweeyey

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga, Xildhibaan Cumar Cali Cabdi ayaa maanta garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ku soo dhaweeyay Wasiirka gaashaandhigga Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Xasan Cumar Maxamed.

Wasiirka Gaashaandhigga Jabuuti ayaa ka qeybgalaya Kalfadhiga 35-aad ee Wasiirrada gaashaandhigga ee dalalka ku bahoobay Ciidamada Heeganka Afrikada Bari (EASF), oo ay martigelinayso Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

    

Wasaaradda Kalluumaysiga oo heshiis la saxiixatay shirkadda OYAK ee Turkiga

Ankara: Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Xasan Aadan ayaa maanta la saxiixday Shirkadda OYAK ee dalka Turkiga dhaqan-gelinta Heshiiska Iskaashiga iyo Horumarinta Waxsoosaarka Badda ee ay horey ugu heshiiyeen Labada dhinac, kaas oo muhiim u ah ilaalinta iyo horumarinta khayraadka baddeenna. Wasiirka Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga waxaa xarunta OYAK ku soo dhaweeyay Wasiirka Gaashaandhigga ee dalka Turkiga.

Munaasabaddan oo ku qabsoomtay magaalada Ankara ee dalka Turkiga ayaa Wasiir Axmed waxa uu ku soo bandhigay muhiimadda iskaashiga Labada dal ee dhanka Khayraadka Badda, kaas oo horseedi doona Maalgashi toos ah oo lagu sameynayo kaabeyaasha dhaqaalaha buluugga ah ee Soomaaliya, Kor u qaadista wax-soo-saarka kalluunka si uu u gaaro suuqyada caalamiga ah, dhisidda warshadaha kalluumeysiga dalka iyo horamarinta xirfadaha kalluumaysatada Soomaaliyeed.

Saxiixa heshiiskan oo goobjoog ay ka ahaayeen Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah, Mudane Cabdi Diirshe ayaa waxa uu mudnaan gaar ah siinayaa la dagaallanka kalluumaysiga sharci-darrada ah, ilaalinta khayraadka badda iyo abuurista kumannaan fursado shaqo oo si gaar ah u taaban doona dhalinyarada iyo bulshooyinka ku nool deegaannada xeebaha.

Wasiirka Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Xasan Aadan ayaa ku bogaadiyey dowladda Turkiga iyo shirkadda OYAK sida ay u muujiyeen kobaca maalgashiga Soomaaliya iyo xasilloonida ka hanaqaadday dalka, taas oo horseedday in ay ku soo hirtaan shirkadaha caalamiga ah ee ka qeyb qaata horumarinta dhaqaalaha iyo shaqo abuurka dhallinyarada.

Madaxda Wasaaradaha Gaashaandhigga, Wasaaradda Beeraha iyo Kaymaha iyo Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Turkiga iyo Guddoonka Sare ee shirkadda OYAK ayaa soo bandhigay muhiimadda istaraatiijiyadeed ee heshiiskan, iyagoo uga mahad celiyey dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed kalsoonida ay ku qabaan qorsheyaasha maalgashiga ee Turkiga, taas oo horseedday fulinta mashaariic muhiim ah iyo adkaynta xiriirka faca weyn ee labada dal.