Guddiga Doorashooyinka oo tababar siinaya wariyaasha doorashada ka shaqaynaya

Guddoomiyaha guddiga Doorashooyinka iyo Soohdimaha Qaranka, Mudane Cabdikariin Axmed Xasan, ayaa magaalada Muqdisho maanta tababar uga furay ku dhowaad 90 saxafi oo Soomaaliyeed, kaas oo diiradda lagu saaray Habdhaqanka Warbaahinta ee xiliga Doorashada.

Tababarkan, oo ay iska kaashadeen Guddiga Doorashooyinka iyo Ururka Saxafiyiinta Soomaaliyeed (NUSOJ), waxaa furitaanka qudbad ka jeediyay Xoghayaha Guud ee NUSOJ, Cumar Faaruuq Cismaan, oo sidoo kale ka mid ah guddiga ilaalinta habdhaqanka Saxaafadda ee xiliga Doorashada. Xoghayuhu wuxuu ka hadlay muhiimadda tababarkan u leeyahay saxafiyiinta Soomaaliyeed, isagoo goobta ka ballan qaaday in saxafiyiinta ay si daacad ah u tebbi doonaan doorashooyinka dhowaan ka bilaaban doona gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka iyo Soohdimaha Qaranka, Mudane Cabdikariin Axmed Xasan, ayaa sidoo kale qudbad ka jeediyay, isagoo saxafiyiinta ka qeybgalaya xasuusiyay muhiimadda ilaalinta anshaxa maalinta doorashada, isla markaana ballan qaaday in Guddiga Doorashooyinka ay saxafiyiinta ku gacan siin doonaan gudashada waajibaadkooda.

Tababarkan ayaa ujeedadiisu tahay in saxafiyiinta ka qeybgalaya, oo dhammaantood ah kuwa tebin doona doorashooyinka Golayaasha Deegaanka ee 25ka bishan ka dhici doona degmooyinka gobolka Banaadir, ay yeeshaan aqoon iyo xirfad ku filan ilaalinta anshaxa iyo habdhaqanka warbaahinta xiliga doorashada

     

Ra’iisul wasaare Xamsa oo ka qaybgalay xuska 65-sano guurada xiriirka Soomaaliya iyo Shiinaha

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta ka qeyb galay munaasabadda xuska 65-guurada xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Dadka Shiinaha, taas oo lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Ra’iisul wasaaraha oo khudbad ka jeediyay munaasabadda ayaa muujiyay muhiimadda taariikhiga ah ee ay leedahay 65 sano oo xiriir diblomaasiyadeed, isagoo xusay in xiriirka Soomaaliya iyo Shiinaha uu ku dhisan yahay saaxiibtinimo qoto dheer, ixtiraam madaxbannaani, is-fahan iyo iskaashi faa’iido wadaag ah.

Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa tilmaamay in tan iyo aasaaskii xiriirka diblomaasiyadeed sanadkii 1960-kii, labada dal ay wada joogeen marxalado kala duwan oo isbeddello gobol iyo kuwa caalami ah, isla markaana Shiinaha uu mar walba ahaa saaxiib ay Soomaaliya leedahay oo taageera mudnaanta Qaranka Soomaaliya.

Ra’iisul wasaaraha ayaa si gaar ah u xusay taageerada Shiinaha ee dhowaan ay ku dhawaaqday dowladda Waddankaas kaas oo ah hal milyan oo doollar oo loogu talagalay gurmadka shacabka Soomaaliyeed ee ay abaartu saameysay, isagoo ku tilmaamay tallaabo muujinaysa garab istaag dhab ah iyo saaxiibtinimo fog.

Munaasabadda Waxaa ka qeyb galay Xubno ka tirsan golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya, Qaar ka mid ah Danjireyaasha Caalamka ee fadhigoodu yahay Muqdisho iyo Marti sharaf kale.

      

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo qaabilay Ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya

Muqdisho (Wargeyska Dalka): Wasiirka arrimaha gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta  XJFS mudane Cali Yuusuf Cali -xoosh ayaa xarunta wasaaradda ku qaabilay Ergeyga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan, iyaga oo ka wadahadlay Arimaha hortabinnada leh ee Wasaaradda.

Kulanka oo ahaa mid mirodhal ah,  ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka ahaa wasiir ku xigeenka wsaaradda Cabdixakiim Ashkir, agaasimaha guud Caydaruus Macallin iyo xubno kale oo wasaaradda ka tirsan ayaa looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin; Doorashada, hawlgalka UNTMS, iyo hawlo kale oo hortabin u leh wasaaradda iyo guud ahaan Qaranka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo qaabilay Wasiirka Horumarinta Iskaashiga Caalamiga iyo Ganacsiga Dibadda ee dalka Sweden

Muqdisho (Wargeyska Dalka): – Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Wasiirka Horumarinta Iskaashiga Caalamiga iyo Ganacsiga Dibadda ee dalka Sweden Mudane Benjamin Dousa.
Madaxwaynaha Jamhuuriyadda iyo Wasiirka ayaa ka wada hadlay xiriirka laba-geesoodka ah ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Sweden iyo sidii loo sii xoojin lahaa, gaar ahaan dhinacyada dhaqaalaha, ganacsiga, iyo kobcinta  hay’adaha dowliga ah.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XJFS oo xilka u kala wareejiyay Wasiirrada Ganacsiga

Muqdisho (Wargeyska Dalka): – Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Faderaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta xilka u kala wareejiyay Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Mudane Jamaal Maxamed Xasan iyo Wasiirkii hore mudane Maxamuud Axmad Aadan (geesood).
Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka ayaa kula dardaarmay Wasiirka Cusub, in uu la yimaado, hufnaan shaqo, isaga oo Alle uga baryay inuu u fufudeeyo Masuuliyadiisa, dhanka kalena waxaa uu ku amaanay Wasiirkii hore shaqadii wanaagsaneed ee uu soo qabtay Muddadii uu Joogay Wasaaradda.
Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa sheegay in Waaaaradda Ganacsiga ay kamid tahay Wasaaradaha hal-boolaha u ah dalka, waxaana uu hoosta ka xariiqay in Xukuumadda DanQaran ay ka go,antahay sidii Dalkaan Warshadihii uu lahaa dib loogu soo celin lahaa.
    

Guddiga Dib-u-eegista Dastuurka oo Kulan Latashi la yeeshay Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS”

Muqdisho (Wargetska Dalka): –  Guddiga Madaxa banaan ee Dib- u- eegista Dastuurka ayaa Kulan Latashi hordhac ah oo ku saabsan Cutubka Maaliyadda  la yeeshay Xafiiska Hantidhowraha Guud ee JFS.

Kulankan oo uu shirguddoominayey Guddoomiyaha Guddiga Avv. Burhaan Adan Cumar ayaa ujeedkiisu ahaa latashi hordhac ah oo ku aaddan arrimo la xiriira Hantidhowrka Guud ee lagu xeerinayo cutubka Maaliyadda.

Kulammadan hordhaca ah ayaa lala yeelaan doonnaa dhammaan hay’adda maaliyadda, ayadoo lagala tashan doono cutubka Maaliyadda, oo ku abaaran Heshiiska Federaalaynta Maaliyadda.

Guddiga Dib-u-eegista Dastuurka wuxuu sidoo kale  Kulan Latashi  ah la yeeshay Xafiiska Hantidhowrka Guud.

Wasiirka Caafimaadka oo Daah Furay Ololaha Tallaalka Cudurka Gowracatada

Muqdisho (Wargeyska Dalka): – Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan iyo gudoomiye ku xigeenka arimaha bulshada maamulka Gobolka Banaadir, Cabdicasiis Cismaan Maxamed, ayaa maanta si rasmi ah u daahfuray wajiga koowaad ee Ololaha Tallaalka Cudurka Gowracatada (Diphtheria), kaasoo laga hirgelin doono guud ahaan Gobolka Banaadir.

Munaasabadda daahfurka oo lagu qabtay iskuulka Muqdisho ee degmada Shibis ayaa waxaa kasoo qeybgalay masuuliyiin ka tirsan dowladda, bah-wadaagta caafimaadka, iyo wakiillo ka socday hay’adaha caalamiga ah, waxaana madasha lagu muujiyay muhiimadda uu tallaalku u leeyahay badbaadinta nolosha carruurta iyo xakameynta cudurrada faafa.

Ololaha tallaalka oo socon doona 16–20 December 2025, ayaa u jeedadku yahay in adeeg bixinta la gaarsiiyo carruurta ku nool degmooyinka Gobolka Banaadir, si looga hortago faafitaanka cudurka gowracatada oo khatar ku ah caafimaadka bulshada, iyadoo wasaaradda caafimaadkana dhawaan ay shaacisay in sanadkan kaliya la diiwaan galiyay Kun kiis ayna u geeriyoodeyn Boqol caruura.

Agaasimaha Caafimaadka Gobolka Banaadir, Dr. Cabdirahman Axmed Maxamuud, ayaa tilmaamay ineey nasiib darrro tahay  in iyadoo lagu jiro 2025 in gobolka Banaadir laga diiwaan galiyo kiisas badan oo cudurka gowracatada ah, ayadoo carruur badanna ay u dhinteen.

Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta G.Banaadir Mudane Cabdicasiis Cismaan Maxamed, ayaa tilmaamay in talaalka la gaarsiinayo Iskuulada, dugisyada Quraanka iyo xaruumaha caafimaadka, wuxuuna waalidiinta ugu baaqay ineey caruurtooda talaallaan.

Wasiirka Caafimaadka iyo daryeelka bulshada XJFS Dr Cali Xaaji Aadan, ayaa xusay in ay xoogga saari doonaan dabargoynta cudurka Gowracatada oo xilligan inta badan dunida laga ciribtiray.

                 

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo kormeer shaqo ku tegay degaanno dhaca jiinka Webiga Shabeelle

Muqdisho(Wargeyska Dalka): Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar (Gen. Khaalid), ayaa kormeer shaqo ku tegay deegaanno ku yaalla jiinka Webiga Shabeelle ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Taliyaha oo ay wehlinayeen saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ayaa ugu horreyn kulammo la qaatay Maamulka Degmada Balcad oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Degmada, Mudane Qaasim Cali Nuur (Qaasim Furdug), iyo sidoo kale saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ee ku sugan deegaannada jiinka webiga ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Gen. Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa bogaadiyey naf-hurnimada iyo geesinimada ay muujinayaan ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo si joogto ah u dhabar-jebinaya cadowga argagixisada , waxa uuna faray saraakiisha in ay laba-jibbaaraan waajibaadkooda ciidan si loo sii xoojiyo amniga.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa wada howlgallo ballaaran oo lagu ciribtirayo Khawaarijta lidka ku ah nolosha iyo mustaqbalka ummadda Soomaaliyeed, iyagoo fuliyey howlgallo guuleystay oo sababay amni iyo xasillooni baahsan oo ay heleen shacabka Soomaaliyeed.

      

Wasiir Ku-xigeenka Ganacsiga oo ka qaybgalay Madasha Heshiiska Xorta ah ee Qaaradda Afrika

Marrakech (Wargeyska Dalka):  Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamuud Axmed Cabdullahi (Abukaate), ayaa ka qaybgalay shirkii labaad ee Madasha Ganacsiga ee Heshiiska Xorta ah ee Qaaradda Afrika (AfCFTA) oo ka dhacay Marrakech, Morocco.

Shirkan ayaa diiradda lagu saaray sidii si wadajir ah iyo hufnaan loogu hirgelin lahaa AfCFTA, waxaana ka qaybgalay wasiirrada ganacsiga ee Afrika, madaxda hay’adaha ganacsiga, iyo hoggaamiyeyaasha ganacsi ee qaaradda.

Intii uu shirku socday, Mudane Maxamuud Axmed Cabdullahi (Abukaate) ayaa la kulmay madaxda sare ee AfCFTA, Ra’iisul Wasaaraha Morocco, Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Morocco, iyo wasiirrada ganacsiga ee dalalka Tanzania, Itoobiya, Koonfurta Suudaan, iyo Jabuuti.

Kulamadan ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka laba-geesoodka ah, horumarinta iskaashiga ganacsi, iyo kobcinta doorka Soomaaliya ee isdhexgalka Afrika.

Ka qaybgalka Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha wuxuu muujinayaa sida Soomaaliya uga go’an tahay isku xirka ganacsiga gobolka, fulinta heshiiska AfCFTA si hufan, ka faa’iidaysiga fursadaha ganacsi ee gobolka, iyo kor u qaadista muuqaalka Soomaaliya ee madalaha ganacsiga ee qaaradda.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka oo daahfuray tababar loo qabanayo howlwadeennada doorashooyinka

Muqdisho (Wargeyska Dalka):  Guddoomiye Cabdikariin Axmed Xasan ayaa  si rasmi ah u daahfuray tababar ballaaran oo loo qabanayo in ka badan 4,000 oo howlwadeen, kuwaas oo door muhiim ah ka qaadan doona hirgelinta iyo hufnaanta howlaha codbixinta ee la filayo inay dhacdo 25 ka Bishaan.

Tababarkan ayaa diiradda saaraya hab-raaca codbixinta, mas’uuliyadda shaqaalaha goobaha codbixinta, ilaalinta hufnaanta doorashada, iyo sida loola macaamilayo codbixiyeyaasha, si loo hubiyo in geeddi-socodka doorashada uu u dhaco si xor ah, daah-furan, oo waafaqsan shuruucda dalka.

Guddoomiyaha ayaa xusay in tababarkan uu yahay mid muhiim u ah xoojinta kalsoonida shacabka, maadaama howlwadeennada la tababarayo ay laf-dhabar u yihiin hirgelinta doorasho caddaalad ah oo la isku halleyn karo. Waxa uu sidoo kale adkeeyay in dhammaan ka-qaybgalayaasha tababarka laga filayo daacadnimo, dhexdhexaadnimo, iyo u hoggaansamid buuxda oo ku aaddan habraacyada doorashada.

Ugu dambeyn, Guddoomiye Cabdikariin Axmed Xasan ayaa tilmaamay in dadaalladan ay qeyb ka yihiin isku diyaarin ballaaran oo lagu xaqiijinayo in doorashada ay u dhacdo si nabad ah, hufan, isla markaana ay shacabka si xor ah ugu cabbiri karaan rabitaankooda siyaasadeed.