Wasaaradda duulista hawada oo ku dhawaaqay mashaariic lagu horumarinayo garoonka Aaden Cadde

Muqdisho (Wargeyska Dalka): Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Maxamed Faarax Nuux, oo ay weheliyaan saraakiil sare oo ka tirsan wasaaradda iyo maareeyayaasha garoonka Aadan Cadde, ayaa shir  muhiim ah la yeeshay wakiillada shirkadaha kala duwan ee ka shaqeeya garoonka..

Kulankaan ayaa diiradda lagu saarayey qorsheyaasha ballaarinta garoonka, dayactirka iyo dhismaha jidadka hareeraha iyo gudaha garoonka, iyo sidoo kale qurxinta bilicda guud ee goobta si loo gaarsiiyo heer caalami ah.

Qodobada muhiimka ah ee laga hadlay:

Horumarinta Kaabayaasha Dhaqaalaha: Waxaa la isla gartay in la dardargeliyo mashaariicda dhismaha jidadka cusub iyo dayactirka kuwa jira, iyadoo qorshuhu yahay in garoonku yeesho kaabayaal la jaan qaadi kara heerarka caalamiga ah.

Wasiirka ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay iskaashiga dhow ee u dhexeeya dhammaan shirkadaha, maamulka garoonka, iyo hay’adaha amniga si loo xaqiijiyo in shaqooyinka horumarinta ay u socdaan si habsami leh.

Waxaa la isku afgartay in si joogto ah loo sameeyo kormeer iyo qiimeyn lagu ogaanayo heerka ay horumarka mashaariicdu marayaan.

Kulankan ayaa qayb ka ah dadaallada ballaaran ee ay Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada XJFS ku doonayso in garoonka caalamiga ah ee Aadan Cabdulle uu noqdo xarun muhiim u ah duulista hawada ee gobolka, taasoo kor u qaadaysa isku xirka caalamiga ah iyo kobcinta dhaqaalaha dalka.

 

Hay’adda Isgaarsiinta oo daah-furtay mashruuc xoojinaya amniga Internet ka

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) iyo Jaamacadda SIMAD, iyagoo kaashanaya Hay’adda Amniga Saaybarka Malaysia, ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay Faraca Soomaaliya ee Xarunta Shahaadooyinka Caalamiga ee Amniga Saaybarka (Global Accredited Cybersecurity Education – ACE), taas oo ah tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo awoodda Qaranka ee amniga internetka iyada oo la adeegsanayo halbeegyo caalami ah iyo shahaadooyin xirfadeed oo la aqoonsan yahay.

Munaasabadda daah-furka, oo ka dhacday xarunta SIMAD Town Campus, waxaa goobjoog ka ahaa xubno ka socday Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka , Jaamacadda SIMAD, iyo Hay’adda Amniga Saaybarka Malaysia, si si rasmi ah loogu soo bandhigo qaab-dhismeedka Caalamiga ah ee Global ACE ee Soomaaliya.

Isaga oo ka hadlayay furitaanka munaasabadda, Maamulaha Guud ee Hay’adda Amniga Saaybarka Malaysia, mudane Dato’ Ts. Dr. Haji Amirudin Abdul Wahab ayaa sheegay in dhismaha Cutubka Qaranka ee Soomaaliya uu ka tarjumayo ballanqaad wadajir ah oo ku aaddan xoojinta iskaashiga caalamiga ah ee waxbarashada amniga internetka. Waxa uu xusay in nidaamka Global ACE uu ka caawinayo dawladaha iyo hay’adaha tacliinta horumarinta xirfadlayaal leh aqoon, anshax, iyo diyaar-u-ahaansho ku saabsan qeybta amniga saaybarka, kuwaas oo la jaanqaadaya halbeegyada caalamiga ah isla markaana leh aqoonsi is-dhaafsi caalami ah.

Guddoomiyaha Jaamacadda SIMAD, Dr Cabdikariim Muxyadiin, ayaa tilmaamay kaalinta jaamacadda ee martigelinta iyo taageeridda Cutubka Qaranka ee Global ACE, isaga oo yiri: “Jaamacadda SIMAD waxay ku faraxsan tahay in ay martigeliso Cutubka Qaranka ee Global ACE ee Soomaaliya. Hindisahan waxa uu taageerayaa himiladeenna ah bixinta waxbarasho tayo sare leh oo caalami ah, isla markaana ku qalabeysa dhalinyarada iyo xirfadlayaasha Soomaaliyeed xirfadaha loo baahan yahay si loo ilaaliyo loona horumariyo mustaqbalka dhijitaalka ah ee dalka.”

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ), Mudane Mustafa Yaasin Sheekh, ayaa dhankiis adkeeyay sida ay hay’addu uga go’an tahay dhismaha nidaam qaran oo adag oo saaybarka internet-ka ah, isaga oo sheegay: “Daah-furka Cutubka Qaranka ee Global ACE ee Soomaaliya waa tallaabo istiraatiiji ah oo lagu xoojinayo maamul-wanaagga amniga saaybarka iyo awoodda xirfadeed ee dalka. Iskaashigan waxa uu taageerayaa horumarinta shaqaale xirfad leh oo la jaanqaadaya heerarka caalamiga ah, kana qayb qaadanaya amniga, kalsoonida, iyo koboca dhaqaalaha dhijitaalka ah ee dalkeenna.”

Global ACE waa nidaam shahaado-bixin caalami ah oo aan ku xirnayn shirkad gaar ah, laguna horumariyey iskaashi ay yeesheen dawladaha, qaybaha isgaarsiinta & teknoolojiyadda, iyo hay’adaha tacliinta, isla markaana la jaanqaadaya halbeegyada caalamiga ah. Iyada oo loo marayo Jaamacadda SIMAD oo ah xarunta martigelinaysa, Cutubka Qaranka ee Soomaaliya waxa uu taageeri doonaa barnaamijyada shahaado-bixinta, tababarrada, iyo barnaamijyada kobcinta awoodda ee loogu talagalay ardayda, xirfadlayaasha, iyo khubarada ka shaqeeya amniga saaybarka.

      

Taliyaha Ciidanka Dhulka Rwanda oo Muqdisho lagu soo Dhaweeyay

Muqdisho (Wargeyska Dalka): Taliyaha Ciidanka dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa maanta kusoo dhaweeyay garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Jamhuuriyadda Rwanda, Major General Vincent Nyakarundi.

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Rwanda ayaa ka qeybgeli doona Kalfadhiga 35-aad ee Taliyayaasha Ciidamada iyo Wasiirrada Gaashaandhigga ee dalalka ku bahoobay Ciidamada Heeganka Afrikada Bari (EASF), kaasoo ay Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya martigelinayso, laguna gorfeeyn doono xoojinta iskaashiga amni iyo doorka wadajirka ah ee nabad-ilaalinta gobolka.

Golaha Shacabka oo Akhrinta koowaad marsiiyay Hindise-sharciyeedka dhisidda Hay’adaha Adeegga Saadaasha Hawada

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kalfadhiga 7-aad, kulankiisa 22-aad. Kulanka waxaa shir-guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), waxaana ku wehlinayay Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka, Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow.

Ugu horreyn, Habdhowraha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Xasan (Nuux), ayaa dhaariyey Wasiirka Magacaaban ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha, Mudane Jamaal Maxamed Xasan.

Intaas ka dib, Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa akhrinta koowaad marsiiyey Hindise Sharciyeedka Dhisidda Hay’adda Adeegga Saadaasha Hawada iyo Cimilada Soomaaliya, iyo Hindise Sharciyeedka Sharciga Dhisidda Hay’adda Qaran ee Maareynta Deegaanka, kuwaas oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada. Warbixinta labadan hindise sharciyeed ayaa Golaha la wadaagay Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada, Mudane Bashiir Maxamed Jaamac.

Sida uu qabo Xeer-hoosaadka Golaha Shacabka, maadaama labadan hindise sharciyeed ay mareen akhrinta koowaad isla markaana aanay furnayn dood, qaar ka mid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada weydiiyey su’aalo la xiriira mabaadi’da guud ee hindise sharciyeedyadan.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), oo kulanka soo xiray, ayaa faray guddiga ku shaqada leh labadan hindise sharciyeed in ay soo diyaariyaan akhrinta labaad, isla markaana dib ugu soo celiyaan Golaha si looga doodo.

     

 

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo Wada-tashi ka Furay Nidaamka Xeer-Dajinta Dowladda

Muqdiso(Wargeyska Dalka):- Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Mudane Kamaal Daahir Guutaale, ayaa daahfuray kulan aqoon-is-weydaarsi ah oo ku saabsan hagaajinta iyo horumarinta nidaamka xeer-dajinta dowladda, si loo horumariyo sharciyada hay’adaha dowliga ah.

Kulanka oo ay ka soo qeyb galeen la-taliyeyaasha dhanka sharciga ee dowladda, Xafiiska Garyaqaanka Guud, iyo La-taliyaha Arrimaha Sharciga ee Ra’iisul Wasaaraha, Mudane Abukaate Cumar Cabdulle Dhageey, ayaa lagu falanqeeyay sidii loo tayeyn lahaa xeerarka dowladda, iyadoo la soo jeediyay doodo iyo aragtiyo dhaxal-gal ah.

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Mudane Kamaal Daahir Guutaale ayaa sheegay in mar walba la isku dayay hagaajinta habka xeer-dajinta dowladda, haatanna ay muhiim tahay in dib loo eego nidaamkaas oo la casriyeeyo, isaga oo ammaanay dadaalada la-taliyeyaasha sharciyeed.

Kulanka waxaa sidoo kale ka qeyb galay xubno ka socday wasaaradaha dowladda iyo sharci-yaqaano madaxbannaan, iyadoo ujeedadu ahayd in la helo hannaan mideysan oo hufan oo lagu saleeyo xeer-dajinta.

      

Duqa Magaalada Muqdisho oo Dhagax-dhigay Mashaariic Muhiim u ah Dadweynaha ku nool Caasimadda

Muqdisho(Wargeyska Dalka):- Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta ka qeyb galay munaasabadda dhagax-dhigga xarumo muhiim u ah horumarinta adeegyada dowlad-hoose, kuwaas oo laga hirgelinayo Degmada Shingaani ee magaalada Muqdisho.

Munaasabad oo si heer sare ah loo soo agaasimay  lagu dhagax-dhigayey mashaariic ay ka mid yihiin dhismaha iyo dayactirka xarumaha Taliska Ciidanka Ilaalada Xamar, Xarunta Waaxda Dhismaha Wadaagga, iyo Xarunta Waaxda Diiwaangelinta Dadweynaha (Anagrafi) ee Dowladda Hoose ee Xamar. Mashaariicdan ayaa laf-dhabar u ah tayeynta adeegyada dadweynaha, kobcinta amniga, iyo casriyeynta nidaamka maamul ee caasimadda.

Duqa caasimadda Muqdisho, Dr. Muungaab, oo khudbad ka jeediyay munaasabadda, ayaa xusay in dhismaha xarumahan uu ka tarjumayo go’aanka adag ee Maamulka Gobolka Banaadir ee ku aaddan hagaajinta hufnaanta adeegyada, xoojinta diiwaangelinta dadweynaha, iyo dhismaha kaabayaal dowladeed oo waara. Waxa uu tilmaamay in muddo dheer aan xarumahan la dayactirin, isaga oo hoosta ka xarriiqay in “gacanna doorasho lagu galayo, gacanna amniga lagu sugayo, isla markaana la joogteynayo horumarinta iyo dib u dhiska.”

Munaasabadda ayaa waxaa goobjoog ka ahaa saraakiil ka tirsan Taliska Ciidanka Ilaalada Xamar, Guddoomiyaha Degmada Shingaani, iyo mas’uuliyiin kale.

 

         

Hay’adda Tirakoobka Qaranka oo daah furtay warbixintii ugu horreysay ee Soomaaliya ee Tilmaamayaasha Deegaanka

Muqdisho (Wargeyska Dalka):-Hay’adda Qaranka ee Tirakoobka Soomaaliyeed (SNBS), iyada oo kaashanaysa wasaaradaha ay wada-shaqeeyaan iyo bah-wadaagta horumarinta, ayaa si rasmi ah u daahfurtay warbixintii ugu horreysay ee Soomaaliya ee Tilmaamayaasha Deegaanka ee SDG-yada iyo Warbixinta Tilmaamayaasha Tamarta ee SDG-7.

Labadan warbixin waxay xoojinayaan saldhigga xogta iyo caddaynta qaran, iyagoo isu keenaya xog rasmi ah oo muujinaysa heerka horumarka iyo caqabadaha ka jira tilmaamayaasha muhiimka ah ee deegaanka iyo tamarta. Tani waxay gacan ka geysanaysaa qorshayn wax-ku-ool ah, adeeg-bixin hufan, iyo go’aanno maalgashi oo ku salaysan xog sax ah.

Daahfurkani wuxuu muujinayaa horum laga sameeyay adeegsiga xogta maamulka ee wasaaradaha (administrative data) ee warbixinta qaranka, wuxuuna door weyn ka qaadanayaa diyaar-garowga Soomaaliya ee Voluntary National Review (VNR) 2026.

SNBS waxay uga mahadcelinaysaa dhammaan wasaaradaha iyo bah-wadaagta ka qayb qaatay bixinta xogta, taageerada farsamo, iyo wada-shaqeynta suurtagelisay warbixinnadan.

     

 

Wasiir Xasan Macallin “Maxkamaduhu waxay xaq u leeyihiin inay ka garnaqaan doorashada”

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Macallin, oo la hadlayay warbaahinta qaranka, ayaa sheegay in maxkamaduhu ay xaq u leeyihiin inay ka garnaqaan tabashooyinka la xiriira xuquuqda dastuuriga ah ee muwaadin laga duudsiyo inta lagu guda jiro doorashooyinka.

Wasiir Xasan Macallin ayaa xusay in doorashadu ay kamid tahay xuquuqaha aasaasiga ah ee muwaadinka, isla markaana qof walba uu leeyahay xuduud sharciyeed aan la dhaafi karin, iyadoo xuquuqdiisana ay waajib tahay in la ilaaliyo. Wuxuu tilmaamay in haddii muwaadin laga hor istaago ama uu waayo xaqii uu u lahaa inuu codeeyo, uu xaq u leeyahay inuu arrintaas u gudbiyo maxkamadaha si garnaqsi loo sameeyo.

“Muwaadinku wuu soo gudbin karaa tabasho, maxkamaduhuna waxay xaq u leeyihiin inay ka garnaqaan arrimaha doorashada, haddii muwaadinku uu waayo xuquuqdii uu u lahaa inuu codeeyo,” ayuu yiri Wasiir Xasan Macallin.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa xusay in nidaamka caddaaladdu uu yahay halka lagu xallinayo khilaafaadka sharciyeed ee la xiriira doorashooyinka, si loo ilaaliyo xuquuqda muwaadiniinta loona xaqiijiyo hufnaanta geeddi-socodka doorashada.

Dhanka kale, 25-ka bishan ayaa lagu wadaa in shacabka caasimadda Muqdisho ay u dareeraan doorashada golaha deegaanka ee Gobolka Banaadir, sida ay horey u shaaciyeen Guddiga Doorashooyinka Qaranka.

Wasiirka Amniga Gudaha oo Shacabka ugu Baaqay Qaadashada Kaarka Codbixinta Doorashada Golaha Deegaan

Muqdisho(Wargeyska Dalka);-Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, General Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay qaataan kaarka codbixinta kana qeyb qaataan doorashada qof iyo cod ee taariikhiga ah.

Wasiirku wuxuu sheegay in 57 sano kadib ay suurtagashay in muwaadinku si toos ah u doorto cidda mataleysa, taasoo uu ku tilmaamay guul weyn oo u soo hoyatay dimuqraadiyadda dalka. Waxa uu xusay in Wasaaradda Amniga Gudaha ay ka go’an tahay sugidda amniga si doorashadu ugu dhacdo si nabad ah, xor ah, oo hufan.

General Fartaag ayaa shacabka ku boorriyey inay ka faa’iideystaan xaqooda dastuuriga ah, una codeeyaan qofka ay u arkaan mid u adeegaya danaha shacabka iyo mustaqbalka dalka.

Wasiirka Maaliyadda oo soo dhaweeyay Wasiirka Iskaashiga Horumarinta Caalamiga ah Dowladda Sweden

Muqdisho(Wargeyska Dalka);-Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa maanta magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyay Wasiirka Iskaashiga Horumarinta Caalamiga ah iyo Ganacsiga Dibadda ee Dowladda Sweden Mr. Benjamin Dousa iyo wafdi uu hoggaaminaayo.

Intii uu socday kulanka soo dhaweynta ah oo ka dhacay qeybta qaabilaadda Garoonka (VIP) ayaa labada Wasiir waxa ay is dhaafsadeen aragtiyo ku saabsan horumarinta dhaqaalaha, xoojinta iskaashiga labada dal iyo fursadaha maalgashi ee Soomaaliya, iyagoo adkeeyay muhiimadda ay leedahay wada-shaqayn miro dhal ah.

Socdaalka Wasiirka Iskaashiga Horumarinta Caalamiga ah iyo Ganacsiga Dibadda Dowladda Sweden oo qaadan doona laba cisho ayaa la filayaa in uu kulamo muhiim ah la qaato masuuliyiinta Dowladda iyo ganacsatada Soomaaliyeed, si looga wada hadlo maalgalinta mashaariic horumarineed oo dalka iyo dadka faa’iido u leh.