Wasiirro ka tirsan Xukuumadda oo shacabka gobolka Banaadir ku booriyay in ay Doorashada u soo baxaan

Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurta xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Macallin oo ay weheliyaan xubno ka tirsan xukuumadda federaalka ayaa maanta kormeer shaqo ku tegay degmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir.

Wasiirka iyo xubnaha kale ayaa si gaar ah u kormeeray suuqa Bakaaraha, halkaas oo ay kula kulmeen dadweyne kala duwan oo isugu jira Ganacsatada Suuqa iyo dadka deegaanka, waxayna shacabka kala hadleen muhiimadda ay leedahay Doorashada, iyagoo ku dhiirageliyay in ay codkooda dhiibtaan.

Wasiir Xasan Macallin oo warbaahinta Qaranka uga warbixiyay ujeedka kormeerkoodu daarnaa ayaa tilmaamay in ay tahay sidii shacabka gobolka Banaadir,gaar ahaan Bulshada Howlwadaag loogu dhiiragelin lahaa in ay ka qeyb qaataan Dooraahada qofka iyo codka ah ee lagu wado in ay ka dhacdo gobolka Banaadir.

” Waa ku faraxsan nahay inaan arko shacab shaqeysanaya oo wejiyadooda laga dheehanayo farxadda doorashada iyo sida ugu heelan yihiin in ay codkooda dhiibtaan,” ayuu yiri Wasiir Xasan Macallin.

Guddiga Miisaaniyadda Labada Aqal ee BJF oo su’aalo weydiiyay Wasiiro ka tirsan XFS

Guddiyada Miisaaniyadda labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo ku guda jira diyaarinta iyo falanqeynta Xeerka Qoondada Miisaaniyadda Dowladda ee sanadka 2026, ayaa maanta kulan su’aalo waydiin ah ugu yeeray Wasiiradda Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga XFS.

Kulankan su’aalo waydiinta ah oo ku saaabsanaa waxyaabaha ka jira iyo sababaha keena in dakhliyada ay qabtaan Wasaaradahan aan si buuxda loogu shubin Khasnadda Midaysan ee Dawladda, Su’aalahaas waxaa si faahfaahsan uga jawaabay Wasiirka Amniga Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil fartaag iyo Wasiir ku xigeenka Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga Madane Cali Ifiye oo bixiyay qancin buuxda oo ku aaddan hannaanka ay u maareeyaan dakhli-ururinta, iyagoo ballan-qaaday inay xoojinayaan wada-shaqeynta kala dhexaysa guddiyada si loo ilaaliyo hantida Qaranka.

Kulanka maanta waxaa si wadajir ah u guddoomiyay Guddoomiyaha Guddiyada Maaliyadda Golaha Shacabka Xildhibaan Cabdi Ibraahim Warsame Qowdhan yo ku simaha Guddoomiyaha ahna Guddoomiye kuxigeenka Guddiga Maaliyadda Aqalka Sare Senator Ibraahim Awgaab Cusmaan.

Shir Dib-u-Eegis loogu sameynayo xaaladda amni ee gobolka oo ka socda Muqdisho

Muqdisho,(Wargeyska Dalka):- kulamada Hay’adaha Sare ee Ciidamada Heeganka Afrikada Bari (EASF), heerka guddiyada farsamo, ayaa maanta galay maalintii labaad ee Kalfadhiga 35-aad ee caadiga ah, kaasoo ka socda magaalada Muqdisho.

Khabiirro ka kala socda dalalka xubnaha ka ah EASF ayaa dib-u-eegis ku sameynaya xaaladda amni ee gobolka, qorshaha hawl-galka EASF ee sanadka 2026, Warbixinta Kormeerka Dibadda, iyo natiijooyinka qiimeynta madax-bannaan oo lagu sameeyay saameynta ka dhalatay colaadda Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo (DRC), taasoo saameyn ku yeelatay dalalka Bariga Afrika.

Kulamadan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo iskaashiga amni, wada-shaqeynta difaaca, iyo doorka EASF ee sugidda nabadda iyo xasilloonida gobolka, waxaana maalmaha soo socda kusoo biiri doona Taliyayaasha Ciidamada iyo Wasiirrada Gaashaandhigga ee dalalka ku bahoobay EASF.

                 

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo kulan la qaatay Madaxa Fulinta Shirkadda Abu Dhabi Ports Group

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Maareeyaha Guud ee Dekedda Muqdisho, Danjire Maxamed Cali Nuur (Americo), iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa magaalada Abu Dhabi kulan miro-dhal ah kula yeeshay Madaxa Fulinta ee shirkadda Abu Dhabi Ports Group u qaabilsan Qaaradda Afrika, Mudane Mohamed Eidha Almemhali.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray hal-abuurka casriga ah ee dekedaha, xoojinta wax-soo-saarka, iyo horumarinta istaraatiijiyadda mustaqbalka fog ee waddooyinka ganacsiga.

Danjire Maxamed Cali Nuur (Americo) ayaa sheegay in kulankan uu astaan u yahay tallaabo muhiim ah oo horay loo qaaday dhanka hirgelinta iyo dhismaha deked casri ah oo cusub oo Muqdisho laga hirgeliyo, taasoo si weyn uga qeyb qaadan doonta kobaca dhaqaalaha dalka, horumarinta ganacsiga gobolka, iyo xaqiijinta horumar waara.

 

  

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo maanta qaatay Kaarka Codbixinta Doorashada

Muqdisho(Wargeyska Dalka) :- Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta ka qaatay kaarka codbixinta doorashada Dowladaha Hoose Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir.

Munaasabadda waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Guddiga Madax-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, Xildhibaan Cismaan Xaadoole, Guddoomiye Ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir, Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), Guddoomiyaha Degmada Kaaraan, iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan hay’adaha dowladda.

Duqa Magaalada Muqdisho ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay doorashadu u leedahay xoojinta hannaanka dimuqraadiyadeed iyo xaqiijinta ka-qaybgalka shacabka, isaga oo muwaadiniinta ugu baaqay inay si buuxda uga qayb qaataan geedi-socodka doorashada, ayna si xor ah u dhiibtaan codkooda.

Sidoo kale, waxa uu ammaanay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, hoggaamintiisa ku aaddan hirgelinta doorashooyin ku dhisan ka-qaybgal ballaaran, kuwaasoo ka duwan nidaamyadii hore ee xaddidayay codka shacabka.

Dhanka kale, Dr. Muungaab ayaa sheegay in xaaladda amni ee caasimadda ay tahay mid deggan, isla markaana hay’adaha ammaanku ay si buuxda u gudanayaan waajibaadkooda. Waxa uu xusay in horumar la taaban karo laga sameeyay sugidda amniga guud, isaga oo tilmaamay in ay jiraan dad gaar ah oo doonaya in magaaladu dib ugu laabato marxaladihii cakirnaa ee hore, sida dilal, qaraxyo iyo qalalaase amni.

Ugu dambayn, Duqa Magaalada Muqdisho ayaa bulshada caasimadda ugu baaqay inay kaalin mug leh ka qaataan ilaalinta nabadda iyo xasilloonida, isla markaana ay iska kaashadaan horumarinta nidaamka doorashooyinka iyo dowlad-wanaagga

 

       

Madaxweynaha JFS ayaa ka tacsiyeeyey geerida Madaxweynihii hore ee Dowlad Goboleedka Puntland

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, bulshada Puntland iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, kaddib geerida naxdinta leh ee ku timid Madaxweynihii hore ee Puntland, Marxuum Jaamac Cali Jaamac.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Marxuumku uu ka mid ahaa haldoorka Soomaaliyeed ee door muuqda ka soo qaatay horumarinta dowladnimada iyo adkeynta midnimada qaranka, isagoo xusay in uu si weyn uga soo shaqeeyey dhinacyada amniga, siyaasadda iyo dib-u-heshiisiinta, taas oo muujinaysa kaalinta uu ku lahaa dhismaha iyo xoojinta qarannimada Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa Alle uga baryey Marxuum Jaamac Cali Jaamac inuu ku gallado Jannatul Firdowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa, ehelkiisa, iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed.

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖asaaraha XJFS ayaa 𝐱𝐚𝐫𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐤𝐚 𝐣𝐚𝐫𝐚𝐲 𝐌𝐚𝐬𝐫𝐚𝐱𝐚 𝐏𝐫𝐨𝐟. 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐢𝐢𝐟 𝐒𝐚𝐚𝐥𝐚𝐱 𝐞𝐞 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐔𝐦𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-  Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa Caawa ka qeyb galay munaasabad xarigga looga jarayey Masraxa Prof. Shariif Saalax Maxamed Cali, ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in furitaanka masraxa cusub uu yahay tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo horumarinta waxbarashada, dhaqanka, fanka iyo cilmi-baarista, isla markaana uu dhiirrigelinaayo hal-abuurka iyo doorka ay jaamacaduhu ku leeyihiin kobcinta aqoonta iyo wacyigelinta Bulshada.

“Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed waa hoggaamiye, Waxaa ay hoggaamisaa Tacliinta sare ee dalka, Waxaana rajeynayaa in ay noqoto hoggaamiye wanaagsan, si ay booskaas u buuxisana waxaan ku dadaali doonaa in aan hormarinno”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa

Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa Bulshada Soomaaliyeed la wadaagay in Sanadka soo socda ee 2026 da ay dalka ka bilaaban doonto qodista iyo soo saarista Shidaalka taasoo wax weyn ka badali doonta nolosha dadka Soomaaliyeed.

Munaasabadda Xarig jarka Masraxa oo loogu magac daray Guddoomiyihii hore ee Jaamacadda Ummadda sidoo kalena ka mid ahaa guddigii qorista Farta Soomaaliga Prof. Shariif Saalax Maxamed Cali waxaa ka qeyb galay xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, maamulka Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, aqoonyahanno, arday, iyo marti sharaf kale.

                       

Share This Ar

Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Gaashaandhigga oo furay Kalfadhiga 35-aad ee Hay’adaha Sare Ciidamada Heeganka Afrikada Bari

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Gaashaandhigga, Mudane Cabdifataax Cabdulqaadir Faarax, ayaa maanta furay Kalfadhiga 35-aad ee Hay’adaha Sare ee Ciidamada Heeganka Afrikada Bari (EASF), heerka guddiyada farsamo, kaas magaalada Muqdisho ka socon doona inta u dhexeysa 13 ilaa 18-ka bishan December.

Xoghayaha ayaa tilmaamay in muddada uu socdo shirkan diiradda lagu saari doono horumarinta awoodda Ciidamada Heeganka Afrikada Bari, ka doodista qorshayaasha howleed ee sanadaha 2025–2026, miisaaniyadda EASF, warbixinada xisaab-xirka, iyo warbixinada guddiyada u xilsaaran qiimeynta saameynta colaadaha ka jira dalalka gobolka.

Sidoo kale, maalmaha soo socda waxaa kulamo yeelan doona Taliyeyaasha Ciidamada dalalka ku bahoobay EASF, kuwaasoo uu xigi doono shirka Wasiirrada Gaashaandhigga ee dalalkan

Soomaaliya ayaa martigelineysa sannadkan markii labaad shirka wadamada xubnaha ka ah Ciidanka Heeganka Afrikada Bari (EASF), taasoo mar kale muujinaysa kaalinta muuqata ee DowladdaSoomaaliya ka qaadanayso xoojinta nabadda, amniga, iyo iskaashiga difaaca ee dalalka gobolka Afrikada Bari.

      

Ra’iisul Wasaasare kuxigeenka Dalka oo saaka qaatay Kaarka Cod-bixinta Doorashada

Muqdisho(Wargeyska Dalka):- Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka XJFS  Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta ka qaatay Kaarka Cod-bixinta  Gudigga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka, xilli dhawaan la filayo in dadweynaha Caasimadda magaalada muqdisho ay u dareeraan Doorashooyinka Goleyaasha Deegaanka.

Mudane Saalax Axmed Jaamac oo horay iskaga diiwaan galiyay Degmada Hodan ee Gobalka Banaadir ayaa Saakana isla Degmadaas ka qaatay Kaarkiisa isaga oo Bogaadiyay Hanaanka shaqo ee Gudigga Doorashooyinka.

“Tani waa guul taariikhi ah oo dadka Soomaaliyeed u horseedi doonta in 56 Sanno kadib ay awood u yeeshaan go,aan ka gaarista Mustqbalkooda, In aad doorato Wakiilkaaga kugu matalaya siyaasadda Waxa ay kuu Fududeen doontaa inaad si fudud ula xisaabtanto”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare ku xigeenka.

Ra’iisul Wasaare Kuxigeen Saalax ayaa xusay sida ay Xukuumadda DanQaran uga go,antahay in Dadka Soomaaliyeed loo celiyo Awoodda. Doorashada Golaha Deegaanka ee Magaalada Caasimada ah ayaa qorshuhu yahay in ay dhawaan bilaabato.

Dhanka kale Ra’iisul wasaare ku xigeenka ayaa xalay waqti la qaatay, qaar ka mid ah bulshada caasimadda, isaga oo ku dhiirri galiyay in ay qaataan kaararka codeynta doorashooyinka.

    

Wasiirka beeraha iyo wasiirka shaqada iyo shaqaalaha ayaa kormeer ku tegay degmada Hawlwadaag oo ay ka socoto qaadashada kaararka codbixinta doorashooyinka

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka , Xil. Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), iyo Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Prof. Saalim Caliyow Ibroow ee XJFS, ayaa maanta Kormeer ku tagay Degmada Howl-wadaag.

Wasiirada iyo wafdiga ay hogaaminaayeen ayaa waxaa si diiran ugu soo dhaweeyay degmada Guddoomiyaha Degmada Howl-wadaag, Mudane Bashiir Cabdi Maxamed iyo maamulka degmada, halkaas oo uu ka dhacay kulan muhiim ah oo lagula hadlay bulshada, gaar ahaan dhalinyarada.

Intii uu socday kulanka, Wasiirradda waxay dhalinyarada ku boorriyeen inay qaataan Kaararka Codbixinta Doorashooyinka Golaha Deegaanka ee Gobolka Banaadir, iyagoo xusay in mustaqbalka horumarka iyo go’aan-qaadashada degmada ay si toos ah ugu xiran tahay ka qaybgalka shacabka iyo codkooda.

Sidoo kale, Wasiirrada waxay tilmaameen in bulshada loo fududeyn doono habraaca qaadashada kaararka codeynta , si muwaadiniinta si habsami leh ugu helaan adeegyada ay xaqa u leeyihiin, isla markaana ay uga qayb qaataan hanaanka doorasho oo hufan.

Booqashadan ayaa qeyb ka ah dadaalada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee lagu xoojinayo ka qaybgalka bulshada, wacyigelinta muwaadiniinta iyo hirgelinta nidaamyo caddaalad ah oo ay bulshadu codku leedahay.