Wasiirka beeraha iyo wasiirka shaqada iyo shaqaalaha ayaa kormeer ku tegay degmada Hawlwadaag oo ay ka socoto qaadashada kaararka codbixinta doorashooyinka

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka , Xil. Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), iyo Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Prof. Saalim Caliyow Ibroow ee XJFS, ayaa maanta Kormeer ku tagay Degmada Howl-wadaag.

Wasiirada iyo wafdiga ay hogaaminaayeen ayaa waxaa si diiran ugu soo dhaweeyay degmada Guddoomiyaha Degmada Howl-wadaag, Mudane Bashiir Cabdi Maxamed iyo maamulka degmada, halkaas oo uu ka dhacay kulan muhiim ah oo lagula hadlay bulshada, gaar ahaan dhalinyarada.

Intii uu socday kulanka, Wasiirradda waxay dhalinyarada ku boorriyeen inay qaataan Kaararka Codbixinta Doorashooyinka Golaha Deegaanka ee Gobolka Banaadir, iyagoo xusay in mustaqbalka horumarka iyo go’aan-qaadashada degmada ay si toos ah ugu xiran tahay ka qaybgalka shacabka iyo codkooda.

Sidoo kale, Wasiirrada waxay tilmaameen in bulshada loo fududeyn doono habraaca qaadashada kaararka codeynta , si muwaadiniinta si habsami leh ugu helaan adeegyada ay xaqa u leeyihiin, isla markaana ay uga qayb qaataan hanaanka doorasho oo hufan.

Booqashadan ayaa qeyb ka ah dadaalada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee lagu xoojinayo ka qaybgalka bulshada, wacyigelinta muwaadiniinta iyo hirgelinta nidaamyo caddaalad ah oo ay bulshadu codku leedahay.

      

Ra’iisul Wasaare KuXigeenka XFS oo xalay la caweeyey bulshadda, kuna boorriyay ka qeybgalka doorashada

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa xalay la kulmay bulsho ka kala timid degmooyinka Magaalada Muqdisho, isaga oo kala hadlay muhiimadda ay leedahay ka qeybgalka doorashada loo madlan yahay ina y ka qabsoonto caasimadda 25-ka bishan.

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka ayaa bulshada ku boorriyay inay qaataan kaarka codaynta, si ay si buuxda uga qeyb qaataan doorashada, una gutaan waajibaadkooda muwaadinimo, isagoo xusay in dowladdu ka go’an tahay xaqiijinta doorasho xor iyo xalaal ah oo ku dhacda jawi ammaan ah.

Dhankooda, shacabka la kulmay Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka ayaa uga mahad celiyay dowladda hawlaha la xiriira diyaarinta doorashooyinka iyo sugidda amniga Magaalada Muqdisho, iyagoo muujiyay kalsooni iyo taageero ay u hayaan dadaallada socda.

Kulanka Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka XFS waxaa qeyb ka ahaa Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf (Al-Cadaala) iyo masuuliyiin kale.

      

Wasiir ku-xigeenka arrimaha dibedda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Serbia

Belgrade:-Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Isaak Mursal, ayaa kulan rasmi ah la yeeshay dhigiisa Wasiirka Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Serbia, Mudane Damjan Jović.

Intii uu socday kulanka, labada dhinac waxaa si toos ah looga wadalay xiriirka saaxiibtinimada soo jireenka ah ee u dhaxaysa Soomaaliya iyo Serbia, waxaana laga hadlay xoojinta iskaashiga laba geesoodka ah ee labadda dal.

Wadahadalladu waxaa diiradda lagu saaray arrimo kala duwan oo ay ka mid yihiin iskaashiga siyaasadda, horumarinta dhaqaalaha, iskaashiga farsamooyinka cusub technologiyadda casriga ah, waxbarashada, amniga, iyo kordhinta wada-shaqeynta labada dal ee fadhiyadda caalamiga ah, kuwaas oo dhammaantood horseed u noqonaya xoojinta aragtida siyaasadda arrimaha dibadda ee labada waddan.

Labada Wasiir waxay mar kale xaqiijiyeen sida ay uga go’an tahay dardargelinta wadatashiyada siyaasadeed ee joogtada ah, waxayna adkeeyeen muhiimada ay leedahay ilaalinta danaha wadajirka ah iyo ballanqaadyada labada dal si loo sii xoojiyo xiriirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Serbia.

Ugu dambayn, Wasiir-ku-xigeen Mursal ayaa uga mahadceliyay Dowladda Serbia soo dhoweynta diirran ee ay ku qaabileen magaalada Belgrade, isaga oo ku celiyay in Soomaaliya ay diyaar u tahay sii ballaarinta iskaashiga labada dal si ay uga faa’iidaystaan labada shacab.
    

Guddoomiyaha guddida doorashooyinka oo marti ku ah Barnaamujka dood furan

Barnaamijka Dood Furan oo maanta ay Warbaahinta Qaranka ku qabatay Muqdisho, waxaa ka qeybgalaya Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka, Cabdikariin Axmed Xasan.

Shacabka caasimadda oo kulankan doodda ka soo qeybgalay ayaa Guddoomiyaha weydiinaya su’aalo furan oo ku saabsan doorashooyinka dhawaan dalka ka dhacaya.

          

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

Warbixinta Toddobaadlaha ee
Dowladda Federaalka Soomaaliya.

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dib dalka ugu soo laabtey kadib markii uu dalka Qatar uga soo qeybgaley Madasha Dooxa.

2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey kulan gaar ah oo ku saabsanaa xoojinta dowlad-dhiska Soomaaliya iyo sidii loo mideyn lahaa taageerada caalamiga ah, kaas oo qeyb ka ahaa Madasha Dooxa ee Siyaasadda iyo Amniga.

3- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saxiixay sharciga dhismaha Guddiga Madaxbannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka, kaddib markii labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay ansixiyeen xubnaha guddigan.

4- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan kula qaatay magaalada Dooxa Amiirka dalka Qatar Sheekh Tamiim Bin Xamad Al Thani.

5- Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu xusayey maalinta caalamiga ah ee duulista rayidka oo lagu qabtay Magaaladda Muqdisho.

6- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxweynaha iyo Agaasimaha Guud ee hay’adda Caalamiga ah ee Samafalka {International Rescue Committee (IRC), David Miliband, oo booqasho shaqo ku yimid dalka.

7- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar u fadhiya Soomaaliya Mudane Maxamed Saalax Xasan Keshtaax.

8- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu xusayay Maalinta Qarannimada dalka aan walaalaha nahay ee Qatar oo lagu qabtay magaalada Muqdisho, taas oo laga soo hormariyey waqtigeeda.

9- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Jamhuuriyadda Dadka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Mudane Wang Yu.

10- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa ugu hambalyeeyay bulshada Soomaaliyeed iyo bahda duulista dalka xuska Maalinta Caalamiga ah ee Duulista Rayidka, isaga oo xusay horumarka muuqda ee ay Soomaaliya ka sameysay maamulka hawada, amniga duulimaadyada, iyo isku xirka caalamiga ah.

11- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa qaabilay danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Ruushka u qaabilsan Mudane Makhail Golovanov.

12- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Qatar ee Soomaaliya, Dr. Cabdullaahi Bin Saalim Al Nucaymi, iyaga oo ka wada hadlay xoojinta xariirka iyo Iskaashiga walaalnimo ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Qatar.

13- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa qaabilay Guddoomiyaha Baarlamaanka Nabadda iyo Iscafinta Adduunka Axmed Bin Maxamed Al-Jarwaan.

14- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa qaabilay Danjiraha Dowladda Isku-tagga Imaaraadka Carabta u qaabilsan Soomaaliya, Mudane Axmed Jumca Al-Rumayti.

15- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa bulshada Soomaaliyeed uga hambalyeeyay xuska Maalinta Xuquuqda aadanaha.

16- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa qaabilay hoggaanka bulshada rayidka ah.

17- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka 2aad Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi ayaa magaalada Muqdisho ka daah-furay Munaasabadda Maalinta Caalamiga ah ee Xuquuqul Insaanka, oo sanad walba dunida laga xuso 10-ka December.

18- Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kulan mira dhal ah la qaatay Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka caalamiga ah ee Is-cafinta iyo Nabadda oo booqasho rasmi ah ku yimid Muqdisho.

19- Xubno ka tirsan Golaha Wasiiradda oo Kormeer ku tagey Degmooyinka Gobalka Banaadir, halkaas oo ay ka socoto qaadashada kaarka cod bixinta doorashooyinka goleyaasha deegaanka.

20- Wasiirrada Gaashaandhigga, Arrimaha Gudaha, saraakiil isugu jirta Xoogga Dalka, Hawlgalka AUSSOM iyo mas’uuliyiin ka socota Safaaradda Turkiga oo ka qeyb galay xarig jarka Buundada muhiimka ah ee Sabiib iyo Caanoole oo dib loo dhisay kadib markii ay burburiyeen cadowga Khawaarijta ee Al Shabab.

21- Wasiirka Gaashaandhigga, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa qaabilay Danjiraha cusub ee Masar u fadhiya Soomaaliya, Mudane Maxamed Salaax Keshtah.

22- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Doha kaga qayb-galay kalfadhigii koowaad ee Guddiga Wadajirka ah ee Soomaaliya iyo Qatar.

23- Wasiirka Amniga Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa kala wareegay Hey’adda UNDP gaadiid loogu talagalay hey’adaha amniga dowlad-goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

24- Wasiirka Warfaafinta oo tacsi u diray qoyska iyo eheladii uu ka geeriyooday Xuseen Axmed Qoryooley oo hore u soo noqday Agaasimihii Radio Muqdisho.

25- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa ka qeybgaley munaasabad lagu abaalmarinayey qeybaha kala duwan ee saxaafadda Libya oo ka dhacdey magaalada Tripoli.

26- Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Prof. Saalim Caliyow Ibrow, ayaa booqasho ku tagay Safaaradda Soomaaliya ee Kenya, halkaas oo uu warbixn kaga dhegeystay Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Kenya Jabril Ibrahim Cabdulle.

27- Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Sheekh Faarax ayaa daah furay Shirka Madasha Madaxda Shirkadaha Soomaaliyeed iyo Maalgashadayaasha Caalamiga ah.

28- Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda, Mudane Maxamed Aadan Macallin ayaa magaalada Algiers kula kulmay Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Algeria, Ali Zerrouki, iyagoo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinacyada dhijitaalka, hal-abuurka tiknolojiyadda iyo kaabayaasha ICT-ga.

29- Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Maxamed Cabdulqaadir Cali ayaa la kulmey dhigiisa Azerbaijan, Mudane Farid Gayibov, iyagoo ka wadahadley xoojinta iyo ballaarinta iskaashiga labada dal ee dhinacyada.

30- Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr.Cali Xaaji ayaa xafiiskiisa ku qaabiley Safiirka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya, Amb. Abdullahi Al-Otaibi.

31- Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada, Mudane Bashir Mohamed Jama, ayaa khudbad ka jeediyay Shirka Heer Wasiireed ee Cimilada & Hawada Nadiifta, oo ka dhacay magaalada Nairobi.

32- Wasiiru Dowlaha Caafimaadka Marwo Maryama Maxamed Xuseen ayaa Muqdisho ka daahfurtay tababar ku saabsan ka hortagga, sahminta, daraaseynta iyo xakamaynta cudurrada faafa.

33- Wasiir Ku-Xigeenka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga, Mudane Cali Ifiye Cali, ayaa si rasmi ah u daahfuray Mashruuca Maareynta Kaluumeysiga (Fisheries Management and Value Chain Integration Project).

34- Safiirka Soomaaliya u fadhiya Ciraaq, Danjire Ridwaan Hirsi Maxamed, ayaa ka qayb galay kalfadhiga 28-aad ee Golaha Wasiirada ee Dalxiiska ee Carabta, oo ay martigelisay caasimadda Baqdaad, isagoo oo wakiil ka ahaa Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka, iyo Dalxiiska, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac.

35- Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya, S/Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi, ayaa xarigga ka jaray dhismaha Dugsiga Qur’aanka Kariimka ee Gabdhaha Agoonta Booliska oo lagu kordhiyay xarunta lagu barbaariyo carruurta Booliska.

36- Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliya S/Gaas Gaas Mahad Cabdiraxmaan Aadan, ayaa daahfuray Hogaanka Baarista Dambiyada Ciidanka Asluubta.

37- Hantidhowraha Guud ee Qaranka, Axmed Ciise Guutaale, ayaa ka qaybgalay Shirweynaha 15-aad ee Golaha Guud ee Ururka Hantidhowrrada Carabta oo lagu qabtay magaalada Jeddah.

38- Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA) Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa si rasmi ah ula wareegay deeq lacageed oo oo dhan hal million oo dollar oo ay Dowladda Shiinaha ugu talagashay in lagu xoojiyo gurmadka abaaraha ka jira dalka.

39- Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa magaalada Muqdisho kulan kula yeeshay Safiirka Dowladda Maraykanka ee Soomaaliya, Richard H. Riley IV.

40- Hay’adda NISA oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa fulisey hawlgal ka dhacay tuulada Biyo Madoobe ee Hiiraan, Waxaana lagu dilay 7 ka tirsan Khawaarijta, islamarkaana burburiyay gaari xamuul ahaa oo siday rasaas badan.

41- Hay’adda NISA ayaa hawlgal qorsheysan ku dilay ilaa 12 dhagar-qabe, oo uu ku jiro Horjooge Ciidanka Sirdoonku ku raad-joogay, kuwaas oo si dhuumaaleysi ah falal argagixiso uga abaabulayay dhulka hawdka ah ee deegaanka Jambaluul ee degmada Afgooye.

42- Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa gacanta ku soo dhigay laba dhagar qabe oo ka tirsan Khawaarijta Al Shabab, kadib hawlgal ay ka fuliyeen degaanka Towfiiq oo u dhow Tooratoorow, Gobolka Shabeellada Hoose.

==========DHAMMAAD============

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo la kulmay wafdi ka socday Dalka Sudan

Maareeyaha Guud ee Dekadda Muqdisho Danjire Maxamed Cali Nuur (Ameerico) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socdayu Dalka Suudaan oo uu hoggaaminaayay Safiirka udalkaasi u fadhiya Soomaaliya Mudane Abdelrahman Khalil Ahmed (Afandi).

Wafdiga Safiirka Dowladda Suudaan u fadhiya Soomaaliya waxaa qeyb ka ahaa Maamulka sare ee Jaamacadda Al Neelain university iyo Daarusalaam oo kamid ah jaamacadaha ka howlgala dalka Suudaan, kuwaas oo maalmihii lasoo dhaafay booqasho ku joogay Magaalada Muqdisho.

Maareeyaha Guud ee Dekadda Muqdisho Maxamed Cali Ameeriko ayaa ka guddoomay Maamulka Jaamacadda Daaru Salaam oo sidoo kale kulankan qeyb ka ahaa deeq waxbarasho oo ay ugu talagaleen Maamulka Dekadda.

Kulanka qaabilaadda waxaa goob joog ka ahaa Maareeye ku-xigeenka Dekadda Muqdisho Mudane Ismaaciil Awmuuse.

Wasiir Xasan Macalin “Xeerka Ciqaabta Soomaaliya waxaa uu la jaanqaadayaa diinta islaamka iyo dhaqanka Soomaaliya

Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka XFS Xasan Macalin Maxamuud oo ka qeybgalay kulanka todobaadka warb aahinta qaranka ayaa ka warbixiyay xeerka ciqaabta Soomaaliyeed oo dhawaan ay meel mariyeen Golaha Wasiirada XFS.

Wasiirka Cadaaladda ayaa xusay in xeerkaan cusub oo ay ka soo shaqeeyeen xeeldheerayaal Soomaali ah uu yahay mid la jaanqaadaya Xaaladaha bulsho ee iyo Xeerarka caalamiga ah ee dunida.

Xeerka ciqaabta oo badallaya kii hore oo lagu soo dhaqmay dhowr iyo lixdan sano,waxa uu horseedayaa in ay yaraadaan dambiyada  ka dhexdhaca dadweynaha iyo in la ilaaliyo xuquuqda aasaasiga ah ee qeybaha bulshada.

Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka XFS Xasan Macalin waxa uu caddeeyay in xeerka ciqaabta Soomaaliya lagu saleeyay diinta islaamka ,dhaqanka Soomaalida iyo  hab dhaqanka xeerarka dowladaha carabta oo ay Soomaaliya ku jirto.

Guddiga Doorashooyinka oo ku dhawaaqay liiska musharaxiinta ee golaha deegaanka

Guddigga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Sohdimaha.isagoo gudanaya waajibaadkiisa dastuuriga ah, awoodaha uu siinayo dastuurka JFS ,sharciga doorashooyinka qaranka, sharciga ururada iyo xisbiyada siyaasadda,waxa uu soo saaray qoraalkaan.

Guddiga waxa uu si rasmi ah u shaacinayaa in uu xirmay hannaanka qabashada liiska musharixiinta ururada siyaasadda ,kaa oo ku bilowday 12,kadibna gaaray 18,ugu dambeynna  ku soo xirmay 20 urur siyaasadeed oo si rasmi ah u soo gudbiyay liiska musharixiinta doorashada golaha deegaanka ee Gobolka Banaadir,waxayna kala yihiin:-

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga XFS oo shir uga qayb galay Itoobiya

Addis ababa:-Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga ee Soomaaliya, Mudane Cumar Cali Cabdi, ayaa ka qeybgalay Kulanka 17-aad ee Wasiirrada Difaaca ee Guddiga Farsamada qaabilsan Difaaca, Amniga iyo Badbaadada, kaas oo ka dhacay Xarunta Midowga Afrika ee Addis Ababa.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga militari ee dalalka qaaradda, horumarinta awoodaha difaaca, iyo la-dagaalanka argagixisada, iyadoo sidoo kale lagu falanqeeyay qorshayaasha nabad-ilaalinta iyo taageeridda amniga guud ee gobolka.

Wasiiru Dowlaha ayaa sidoo kale kulamo duceedyo la yeeshay wasiirrada difaaca iyo taliyaasha ciidamada dalalka kale ee xubnaha ka ah Midowga Afrika, isaga oo kala hadlay sidii loo dardargelin lahaa iskaashiga difaaca ee dalalka Geeska Afrika iyo guud ahaan qaaradda.

Wasiiru Dowlaha ayaa carrabka ku adkeeyay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay ka qeybqaadashada firfircoon ee dadaallada Midowga Afrika ee lagu xoojinyo nabadda iyo iskaashiga militari.

     

Wasiirka Cadaalladda XfS oo kormeer ku tagay Degmada Dayniile

Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS, Mudane Xasan Macalin Maxamuud ayaa maanta kormeer ku tagay Degmada Dayniile oo uu ka socday diyaar-garowga doorashooyinka goleyaasha deegaanka.

Wasiirka ayaa bulshada ku booriyay in qof walba uu qaato Kaarka Cod-bixinta ka hor 25-ka december asaga oo sheegay in dib u soo celinta awoodda dadweynaha ay tahay tallaabo taariikhi ah oo lagu dhisayo nidaam siyaasadeed oo hufan, isla markaana doorashooyinku ay yihiin saldhigga dib-u-habeynta dowladnimada iyo awooddii dadweynaha.

Wasiirka ayaa xusay in Xukuumadda Danqaran ay ka go’antahay in shacabka Soomaaliyeed ay dib u helayaan awooddii siyaasadeed ee muddada dheer ka maqneyd.