R/Wasaaraha XFS oo qaabilay Safiirka Sacuudiga u fadhiya Dalka Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta qaabilay safiirka Boqortooyada Sacuudi Carabiya u fadiya Soomaaliya Danjire Axmed Bin Muxamad Saalax Al-muwalad

Kulankaasi ayaa waxaa diiradda lagu saaray adkaynta xiriirka taariikhiga ah ee labada dal, xoojinta iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha, maalgashiga iyo arrimaha bulshada, Dardar-gelinta mashaariicda horumarineed ee Sacuudi Arabia ka taageerto Soomaaliya iyo doorka Boqortooyada Sacuudiga ee ku aaddan gargaar bani’aadanimo oo la gaarsiiyo dadka ay abaaruhu saameeyeen.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyay Boqortooyada Sacuudiga garab istaagga ay mar walba la garab joogto shacabka iyo Dowladda Soomaaliya, isaga oo xusay muhiimadda ay leedahay kor u qaadista maalgashiga Sacuudiga ee kaabayaasha dhaqaalaha dalka.

Dhankiisa, Safiirka Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa caddeeyay in dalkiisa ay ka go’an tahay sii xoojinta xiriirka istaraatiijiga ah ee Soomaaliya, isla markaana Sacuudi Carabiya ay diyaar u tahay kordhinta taageerada iyo mashaariicda horumarineed ee ay ka fuliso dalka.

Kulanka waxaa Ra’iisul Wasaaraha ku wehliyay Guddoomiyaha Hay’adda Maraynta Masiibooyinka Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Mudane Kamaal Daahir Guutaale iyo masuuliyiin kale.

wasiirrada Warfaafinta ee Jaamacadda Carabta oo ka qeybgaley xaflad lagu abaal-mariyay saxaafadda libya

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa magaalada Tripoli uga qeybgaley munaasabad lagu abaalmarinaayey qeybaha kala duwan ee saxaafadda Libya.

Munaasabaddan oo loo yaqaano TRIPOLI MEDIA DAYS ayaa waxaa lagu martiqaadey oo ka soo qeybgaley Wasiirrada Warfaafinta ee waddamada xubnaha ka ah Ururka Jaamacadda Carabta, diblomaasiyiin iyo marti sharaf kale.

Suxufiyiinta ayaa  lagu abaal marinayey kaalinta ay kaga jiraan dib u soo kabashada iyo dib u dhiska Libya, kadib dhowr sanno oo xaalado adag ay soo martey.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa sheegay in Soomaaliya ay ku faraxsan tahay horumarka iyo dib u soo kabashada Libya, isagoo u rajeeyay horumar iyo xasilooni waarta.

Wasiirka ayaa intaa ku darey in labada dal ee Soomaaliya iyo Libya uu ka dhexeeyo xiriir qota dheer isla markaana ay Soomaaliya daneyneyso in la sii xoojiyo Iskaashiga labada dal, taasina ay marqaati ka tahay booqashii uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu hore ugu tegay Libya bishii February ee sannadka aynu ku jirno ee 2025-ka.

“Farxad gaar ah ayey maanta inoo tahay in naloo dhagax dhigo saldhiga oo si casri ah loo dhisayo.”

kulan la xiriiray sida bulshada ay qeyb uga noqon karaan horumara socda oo ka dhacay Jowhar

Qaar kamid ah Guddiyada Maaliyadda iyo Haweenka Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa Magaalada Jowgar ku qabtay kulan dadweyne oo la xiriiray sida ururada bulshada ay qeyb uga noqon karaan socdsiinta howlaha maamul ee ka jira halkaa.

Kulankaasi oo lagu soo bandhigay qorshaha ku aadan fulinta shuruucda hortaalla baarlamaanka iyo ansixinta miisaaniyadda maamulkaasi,waxaa ururada bulshada ay ku soo gudbiyeen tallooyin wax ku ool ah oo dhameystiri kara qorshayaasha kutalagal ee socda.

Qodobada muhiimka ah ee lagu soo bandhigay kulankaasi dadweynwe waxaa kamid ahaa sida kor loogu qaadi karo dakhliga gudaha,casriyeynta nidaamka canshuuraha,horumarinta kaabayaasha iyo ilaalinta hantida guud ee shacabka.

Kulankaasi dadweyne waxaa mudadii uu socday ka hadlay Cumar Maxamed Soomane iWasiiru Dolaha Maaliyadda Hirshabeelle iyo Xildhibaan Cumar Maxamed Cumar Gaab.

Ciidanka Xoogga oo toogtay naftii hallige khawaarij ah

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa afaafka hore ee xeradda Jeneraal Dhagabadan ee Magaalada Muqdisho ku toogtay naftii-hallige khawaarij ah oo watay jaakad ay ka buuxaan walxaha qarxa.

Naftii halligahaan ayaa damacsanaa in uu qarax la beegsado ciidanka ku jira xerada Dhagabadan,hasa yeeshee Ciidanka ilaalada xeradaasi oo foojigan ayaa durbadiiba toogtay naftii-haligahasi,kaas oo ku qarxay afaafka hore ee halkaasi.

Qaraxaasi la fashiliyay ayaa la sheegay in uu sababay dhaawacyo fudud oo soo gaaray dhowr qof oo kamid ah Ilaalada Xerada.

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa ku ammaanay ciidanka xerada Dhagabadan foojignaanta iyo sida ay uga hortageen baftii halligahaasi doonaayey in uu isku qarxiyo gudaha xerada.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka 2-aad oo Muqdisho ka furay xuska maalinta caalamiga ah ee Xuquuqul Insaanka

Ra’iisul wasaare ku xigeenka 2-aad Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi ayaa maanta magaalada Muqdisho ka daah-furay Munaasabadda Maalinta Caalamiga ah ee Xuquuqul Insaanka, oo sanad walba dunida laga xuso 10-ka December.

Xafladda oo ay ka soo qeyb galeen madax ka socotay hay’adaha dowladda, bulshada rayidka ah iyo wakiillo ka tirsan Qaramada Midoobay, ayaa lagu xusay muhiimadda xuquuqda aadanaha iyo doorka Soomaaliya ee horumarinta iyo ilaalinta xuquuqul Insaanka.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa xusay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay u heellan tahay xoojinta ilaalinta xuquuqda aadanaha, isaga oo tilmaamay in dowladdu ay si buuxda uga go’antahay ilaalinta xaquuqda Muwaadiniinta.

Xukuumadda DanQaran ayaa dhawaan dhistay guddiga Qaran ee Xaquuqda Aadanaha taas oo looga go leeyahay in la mideeyo warbixinnada, kormeerka iyo dabagalka, si Soomaaliya ay ula jaanqaado heerarka caalamiga ah.

    

Safiirka Soomaaliya ee dalka Ciraaq oo Baqdaad uga qayb galay shir muhiim ah

Baqdaad: Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Ciraaq danjire Ridwaan Xirsi Maxamed ayaa ka qayb galay kalfadhiga 28-aad ee golaha Wasiirada ee dalxiiska ee Carabta oo ay martigelisay casimadda Baqdaad, isagoo matalaya Soomaaliya islamarkaana wakiil ka ahaa Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka, iyo Dalxiiska XFS mudane Daa’uud Aweys Jaamac.

Safiirka oo Khudbad ka jeediyay Furitaanka Shirka ayaa warbixintiisa ku xaqiijiyay in Soomaaliya ay soo kabatay burbur iyo xasillooni darro sababtay in ay meesha ka baxaan adeegyadii bulshada.

“Waxaan kasoo gudubnay caqabadihii hore ee dalka ka jiray, Soomaaliya waxa ay leedahay xeebta ugu dheer Afrika, oo dhererkeedu yahay qiyaastii 3,333 kiiloomitir, oo leh Xeeb cajiib ah oo ku teedsan Muqdisho, Kismaayo, Boosaaso, Berbera, iyo meelo kale oo dhaca Badda Cas, Gacanka Cadan, iyo Badweynta Hindiya” ayuu yiri Danjire Ridwaan Xirsi.

Safiirka ayaa sidoo kale iftiimiyay Qeyraadka badan ee Webiyada, Kaymaha, Beeraha ballaaran, iyo Cimillada dhexdhaxaadka ah marka lagu daro Buuraha iyo dhulalka dhaadheer ee kulmiso Duurjoogta kala duwan.

Danjire Ridwaan ayaa sidoo kale Khudbaddiisa, wuxuu ku iftiimiyay astaamaha qadiimiga ah iyo kuwa taariikhiga oo muujinaayo xiriirka dhaqanka iyo ganacsiga ee qadiimiga ah, gaar ahaan booqashada Boqoradda Hatshepsut ee Soomaaliya xilliyadii taariikhiga ahaa.

Ugu dambeyntii Safiirka ayaa u mahad celiyey dawladda iyo dadka Ciraaq soo dhawaynta wanaagsan, isagoo bogaadiyay dadaallada Ururka Dalalka Carabta, Ururka Dalxiiska Carabta, iyo qabanqaabiyeyaasha shirka.

  

Dowladda iyo ganacsatada oo wadajir u dardargelinaya fulinta qorshaha isbeddelka Qaranka

Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ayaa maanta magaalada Muqdisho ku martigelisay kulan muhiim ah oo ay isugu yimaadeen hoggaanka shirkadaha Soomaaliyeed iyo maalgashatada caalamiga ah ee dalka ka hawlgala.

In ka badan 100 ganacsato, maalgashato, saraakiil dowladeed iyo diblomaasiyiin ayaa ka qeyb galay kulanka, oo diiradda lagu saaray: Dardargelinta wadahadallada ku saabsan horumarinta dhaqaalaha, Kordhinta wacyiga ganacsatada ee ku aaddan qaybaha dhaqaalaha ee mudnaanta leh, Sii xoojinta fulinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP 2025–2029) iyo Horumarinta iskaashiga ganacsatada gudaha iyo kuwa caalamiga ah.

Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Mudane Maxamuud C. Sheekh Faarax (Beenebeene), oo kulanka soo xiray, ayaa hoosta ka xarriiqay in kororka maalgashiga shisheeye ee dalka uu caddeyn u yahay in jawiga maalgashigu soo hagaagayo, isla markaana isbeddellada dowladda ay miro-dhalayaan. Wuxuu ku baaqay in ganacsatada gudaha iyo dibaduba ay si dhow ula shaqeeyaan Wasaaradda si loo dar-dargeliyo fulinta NTP, loona gaaro horumar dhaqaale oo waara oo loo dhan yahay.

     

Wasaaradda Qoyska oo soo dhoweysay saxiixa Madaxweynaha ee sharciga dhismaha Guddiga xuquuqul insaanka

Wasiirka Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka oo Madaxweynaha Jamhuuriyadda uga mahad celisay Saxiixa dhameystirka dhismaha Guddiga Madaxa bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka.

Wasiira Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhsoomi ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud uga mahad celisay in uu si rasmi ah maanta u dhameystiray dhismaha Guddiga Madaxa bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka.

“Waxaan si miisaan leh ugu mahad celinayaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud in uu maanta si rasmi ah qalinka ugu duugay ama u saxiixay dhameystirka dhismaha Xubnaha Guddiga Madaxa bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka oo ay horey usoo ansixiyeen Labada Aqal ee Baarlamaanka iyo Golaha Wasiirrada, ayadoo saxiixaasina uu Madaxweynaha kusoo beegay maalinta Caalamiga ah ee Xuquuqul Insaanka ” ayey tiri Wasiir Khadiija Maxamed Al-makhsuumi.

Tallaabadan uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ku saxiixay Guddiga Madaxa bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka waxa ay si rasmi ah u dhameystireysaa geeddi dheer oo aan dadaal iyo juhdi xooggan ugu bixinay dhismaha Guddiga Madaxa bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka kaasi oo ay Soomaaliya soo waday sanado badan ayey hadalkeeda sii raacisay Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi.

Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS ayaa sanado badan oo dadaal dheer ku bixisay iney Soomaaliya markii ugu horeysay yeelato guddi madax bannaan oo qaabilsan Xuquuqul Insaanka Qaranka ayadoo dhismaha Guddigan uu ka mid yahay go’aannadii kasoo baxay Shirweynihii Qaran ee Xuquuqul isnaanka ayadoo sida uu qabo Dastuurka KMGka ee dalkana uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda leeyahay saxiix dhameystirka guddiyada Madaxa bannaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo saxiixay Sharciga dhismaha Guddiga madaxa bannaan ee xuquuqul Insaanka

Muqdisho (Wargeyska Dalka): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta saxiixay sharciga dhismaha Guddiga Madaxbannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka, kaddib markii labada Aqal ee Baarlamaanka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay ansixiyeen xubnaha Guddigan.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dhismaha Guddigan uu ka tarjumayo sida Soomaaliya uga go’an tahay ilaalinta xuquuqda iyo karaamada muwaadiniinta, isagoo bogaadiyey wada-shaqeynta Baarlamaanka iyo Xukuumadda taasoo aasaas u ahayd soo dhisidda iyo hubinta waafaqsanaanta sharciyadda iyo diinta ee xeerka Xuquul Insaanka iyo dhismaha Guddigan.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku ammaanay Wasaaradda Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka dadaalka ay ku hoggaamisay diyaarinta hannaanka sharci iyo farsamo ee suurta geliyay in la helo Guddigan oo u diyaarsan gudashada waajibaadkiisa qaran.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ,wuxuu Alle uga baryey in uu shaqadooda u fududeeyo, ugu danbeynti wuxuu sidoo kale xubnaha Guddigan uu xusuusiyay waajibaadka laga sugayo ee ilaalinta xuquuqda aadanaha, iyo xoojinta nidaam dowladnimo ku dhisan caddaalad, isla xisaabtan iyo hufnaan.

 

Hawlgal lagu dilay maleeshiyaad iyo horjoogayaal Khawaarij ah oo Shabeelaha hoose ka dhacag

Muqdisho (Wargeyska Dalka): Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa xalay howlgal qorsheysan ku dilay ilaa 12 dhagar-qabe, oo uu ku jiro Horjooge Ciidanka Sirdoonku ku raad-joogeen, kuwaasoo si dhuumaaleysi ah falal argagixiso uga abaabulayay dhulka hawdka ah ee deegaanka Jambaluul, degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha hoose.

Howlgalkan oo lagu bartilmaameedsaday godad ay Khawaarijtu ku dhuumaaleysanayeen iyo goobo ay ku diyaarinayeen qaraxyo, ayaa intii uu socday isu badalay dagaal fool-ka-fool ah, iyada oo uu cadawga Khawaarijtu Hoobiyeyaal la beegsaday goobo ay dad shacab ah degan yihiin, isla markaana, waxay waxyeello ka soo gaartay dad rayid ah iyo labo askari oo ka tirsan Ciidanka (NISA), kuwaasoo Dowladdu ay gacanta ku heyso maareyntooda iyo daryeelkooda caafimaad.

Dowladda Soomaaliya waxay aad uga xuntahay waxyeellada dadka rayidka ah ka soo gaartay weerarka naf la caariga ah ee Khawaarijta, waxayna xoojinaysaa howlgallada lagu ciribtirayo argagixsada duulaanka ku ah nafta, hantida iyo dowladnimada Soomaaliya.

Fadlan muwaadin, wixii khatar amni ah ama macluumaad la xiriira Khawaarijta Al-Shabaab/Daacish la wadaag NISA: 199 / 0770747474 / 0620545454.