Mudanayaasha Golaha Shacabka Baarlamaanka ee JFS oo akhrinta koowaad marsiiyey hindise sharciyeedka ciidanka Booliiska Soomaaliyeed

Muqdisho(Wargeyska Dalka):- Mudanayaasha Golaha Shacabka  Baarlamaanka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kalfadhiga 7-aad kulankiisa 20-aad, waxaana shir guddoominayey Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo uu wehliyo Guddoomiye Kuxigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow.

Ajendaha kulanka ayaa ahaa akhrinta koowaad ee Hindise Sharciyeedka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo ay soo gubdisay Wasaaradda Amniga Gudaha, waxaana Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) uu mudanayaasha Golaha Shacabka u faahfaahiyey qodobada Hindise Sharciyeedka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.

Intaasi ka dib maadaama Hindise Sharciyeedka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed uu maray akhrinta koowaad islamarkaana aynan wax dood ah ka furneyn sida uu qabo Xeer hoosaadka Golaha Shacabka, sidaasi daraadeed qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha ayaa su’aalo ku saabsan mabaadii’da guud ee Hindise Sharciyeedka weydiiyey Wasiirka Amniga Gudaha .

Guddoomiyaha Golaha Shacabka  Baarlamaanka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kulanka soo xiray ayaa faray Guddiga Arrimaha Gudaha iyo Amniga ee Golaha Shacabka inuu la wareego hindise sharciyeedkaan islamarkaana uu soo diyaariyo akhrintiisa labaad dibna Golaha ugu soo celiyo si looga doodo qodobadiisa.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo sii wada fadhiyada bahda dublumaasiyiinta shisheeye

Muqdisho(Wargeyska Dalka):- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Xamse Cabdi Barre oo sii wada kulamada uu la leeyahay ergada diblomaasiyiinta fadhigoodu yahay dalka ayaa maanta qaabilay danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Ruushka Mudane Makhail Golovanov.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa safiirka uga xog waramay xaaladda guud ee dalka sida amniga iyo horumarada laga sameeyay dowlad-dhiska, baahinta adeegyada dowladda iyo kaalinta sii kordhaysa ee dowladda Soomaaliya ku yeelatay qeyb ka noqoshada maslaxada adduunka.

Waxa sidoo kale kulanka looga hadlay xiriirka diblumaasiyadeed iyo kan iskaashi ee ka dhaxeeya labada dal. Sidoo kale Mudane Xamse ayaa ka warbixiyay xaaladihii ugu dambeeyay ee dadka ay abaaraha saameeyeen, iyo jawaabaha ugu habboon ee laga bixin karo.

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Ruushka Mudane Makhail Golovanov ayaa mahadcelin balaaran u jeediyay Ra’iisul Wasaaraha iyo dowladda Soomaaliya sida diirran ee xiriirka ku socdo, isaga oo intaas ku daray in ay sii balaarin doonaan xiriirada.

Kulanka waxaa Ra’iisul Wasaaraha ku wehliyay Guddoomiyaha Hay’adda Maraynta Masiibooyinka Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle oo warbixin tirakoobyo leh diyaariyay, iyo sidoo kale Xoghayeyaasha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Mudane Kamaal Daahir Guutaale iyo Arrimaha Dibedda Mudane Xamsa Xaadoow.

      

Wasiir-ku-xigeenka Warfaafinta: Amniga Suuqa Bakaaraha ayaa si weyn u soo hagaagay, taas oo dhiirrigelin u ah ka qaybgalka doorashada deegaanka

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Wasiir-ku-xigeenka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala, oo booqasho ku tagay Degmada Hodan iyo Suuqa Bakaaraha, ayaa sheegay in xaaladda amni ee caasimadda Muqdisho, gaar ahaan suuqa bakaaraha ay si muuqata u soo hagaagtay, taasoo dhiirrigelin u ah bulshada inay si kalsooni leh u qaataan kaararkooda codaynta Doorashooyinka Golaha Deegaanka Degmooyinka ee Gobolka Banaadir, si ay uga qayb qaataan doorashooyinka Golaha Deegaanka  oo dhici doono 25-ka bishan.

Mudane Al-Cadaala, oo bulshada kula hadlay gudaha suuqa Bakaaraha, ayaa sheegay in wafdiga uu hoggaaminaayay ay muddo afar saacadood ah la joogeen ganacsatada iyo shacabka Soomaaliyeed, iyagoo u kuur galay sida ay ugu diyaar garoobayaan ka qayb galka doorashooyinka Golaha Deegaanka ee Gobolka Banaadir iyo qaadashada kaararka codeynta Doorashada.

Wuxuu xusay Wasiirku, inta badan dadkii ay la kulmeen ay ahaayeen kuwo horey u qaatay kaararka Codeynta Doorashada, halka qaar kalena ay ku tala jiraan sidii ay u qaadan lahaayeen maalmaha soo socda, taas oo muujinaysa feejignaanta iyo doorka muhiimka ah ee bulshada caasimaddu ku leedahay hirgelinta nidaamka doorashooyinka.

Wasiir-ku-xigeenku wuxuu si gaar ah u muujiyay isbeddelka amni ee ka muuqda Suuqa Bakaaraha, isagoo sheegay in ganacsatada oo sanado ka hor ay ka cabsan jireen Khawaarijta, maanta ay si xor ah oo nabad ah ugu shaqaysanayaan Suuqa , isla markaana ay xiriir wanaagsan la leeyihiin masuuliyiinta dowladda.

Ugu dambayn, Mudane Al-Cadaala ayaa ammaanay geesinimada Ciidamada Amniga, ku- waasoo door weyn ka qaatay xaqiijinta amniga magaalada, taasoo suurta gelisay in shacabka Muqdisho ay si kalsooni leh u gutaan waajibaadkooda doorasho ee soo socda.

      

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka labaad ee XJFS oo Muqdisho ka furay xuska Maalinta Caalamiga ah ee Xuquuqul Insaanka

Muqdisho(Wargeyska Dalka):- Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jabriil Cabdirashiid Xaaji, ayaa maanta magaalada Muqdisho ka daah-furay xuska Maalinta Caalamiga ah ee Xuquuqul Insaanka Aduunka, oo loo dabaal dego 10-ka December sanad kasta.

Munaasabaddan, oo ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XJFS, ayaa sanadkan lagu soo bandhigay guulaha wasaaradda ka gaartay horumarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya, kuwaasoo ay ka mid yihiin:

Dib-u-soo celinta waajibaadka Xuquuqul Insaanka ee dalka in ka badan 30 sano.

Meel-marinta sharciyo muhiim u ah horumarinta iyo difaaca Xuquuqul Insaanka.

Dhismaha Guddiga Madaxa Banaan ee Xuquuqul Insaanka Soomaaliya.

Munaasabaddaan ayaa sidoo kale ku astaysan 77 sano guuradii tan iyo markii la aqoonsaday Maalinta Xuquuqul Insaanka sanadkii 1948-dii. Soomaaliya waxay ka mid tahay 199 dal ee maanta u dabaal degaya xuska maalintan caalamiga ah ee Xuquuqul Insaanka Aduunka.

       

Wasiir-ku-xigeenka Warfaafinta: Amniga Suuqa Bakaaraha ayaa si weyn u soo hagaagay, taas oo dhiirrigelin u ah ka qaybgalka doorashada deegaanka

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Wasiir-ku-xigeenka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala, oo booqasho ku tagay Degmada Hodan iyo Suuqa Bakaaraha, ayaa sheegay in xaaladda amni ee caasimadda Muqdisho, gaar ahaan suuqa bakaaraha ay si muuqata u soo hagaagtay, taasoo dhiirrigelin u ah bulshada inay si kalsooni leh u qaataan kaararkooda codaynta oo ay uga qayb qaataan doorashada degmooyinka ee dhici doonta 25-ka bishan.

Mudane Al-Cadaala, oo bulshada kula hadlay gudaha suuqa, ayaa sheegay in wafdiga uu hoggaaminayay ay muddo afar saacadood ah la joogeen ganacsatada iyo shacabka Soomaaliyeed, iyagoo u kuur galay sidii ay ugu diyaar garoobayaan ka qayb galka doorashada iyo qaadashada kaararka codaynta.

Wuxuu xusay in inta badan dadkii ay la kulmeen ay ahaayeen kuwo horey u qaatay kaararka, halka qaar kalena ay ku jiraan sidii ay u qaadan lahaayeen maalmaha soo socda, taas oo muujinaysa feejignaanta iyo doorka muhiimka ah ee bulshada caasimaddu ku leedahay hirgelinta nidaamka doorashooyinka.

Wasiir-ku-xigeenku wuxuu si gaar ah u muujiyay isbeddelka amni ee muuqda Suuqa Bakaaraha, isagoo sheegay in ganacsatada oo sanaddo ka hor ay ka cabsan jireen Khawaarijta, maanta ay si xor ah oo nabad ah ugu shaqaynayaan, isla markaana ay xiriir wanaagsan la leeyihiin masuuliyiinta dowladda.

Ugu dambayn, Mudane Al-Cadaala ayaa ammaanay geesinimada Ciidamada Amniga, ku- waasoo door weyn ka qaatay xaqiijinta amniga magaalada, taas oo suurta gelisay in shacabka Muqdisho ay si kalsooni leh u gutaan waajibaadkooda doorasho ee soo socda.

Wasiirka Arrimaha guddaha XFS oo kulan la qaatay 148 muwaadin oo ay Dowladda Soomaaliya u fududeysay in dalkooda dib ugu soo noqdaan

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS, Mudane Xildhibaan Cali Yuusuf Cali-Xoosh, ayaa kulan soo-dhoweyn, xog-wareysi, iyo dardaaran ah la qaatay 148 muwaadin oo ay Dowladda Federaalka Soomaaliya u fududeysay in dalkooda dib ugu soo noqdaan.

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka, Mudane Axmed Xuseen Cilmi, ayaa Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS Xildhibaan Cali-Xoosh siiyey warbixin ku saabsan howsha soo-gurya noqoshada muwaadiniintaasi.

Muwaadiniinta ayaa laga keenay dalka Yemen, waxayna ka koobnaayeen in ka badan 80 qoys, iyadoo diiwaangelin iyo soo-dhoweyn u samaysay Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka Soomaaliyeed.

Guddiga fulinta IMF oo soo gabangabeeyey dib u eegista 4-aad ee qorshaha ka dib deyn cafinta Soomaaliya

Nairobi: Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa soo dhaweeyay go’aanka ay soo saareen Guddiga Sare ee Fulinta Hey’adda Lacagta Adduunka, ku waas oo soo saaray natiijada hannaanka dib-u-eegista 4-aad oo ku salaysan wadashaqaynta Dowladda Soomaaliya iyo IMF kadib deyn cafinta, waxa uu sidoo kale go’aan kaan muujinayaa marqaatiga dadaalka Dowldda Soomaaliya ee dadaalka dib-u-dhiska iyo horumarinta dakhliga Dowladda.

Sida ku cad warbixinta IMF, waxaa lagu yiri, “Dowladda Soomaaliya waxa ay sii wadday dadaalka waxqabad muuqda oo horumar maaliyadeed ah xili ay jiraan caqabado waaweyn oo caalami ah, gaar ahaan hoos u dhaca ku yimid gargaarka dibadda. Sidoo kale markii ugu horreysay, Soomaaliya waxa ay qorsheyneysaa in ay balaariso kharashka ku baxa adeegyada arrimaha bulshada iyada oo la adeegsaneyo dakhliga gudaha si loo yareeyo saameynta qaar ka mid ah gargaarka dibadda oo go’ay.

Dadaalka Dowladda Soomaaliya ee hormuudka ay ka tahay Wasaaradda Maaliyadda XFS ayaa sababay in haaatan ay ku dhawaaqaan Guddiga Sare ee IMF in Dowladda Soomaaliya loo ansixisay lacag dhan ​​​​$40 milyan oo doolar ah taageerada hannaanka dib-u-habaynta dhaqaalaha dalka.

Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige ayaa tilmaamay in Dowladda Soomaaliya ku taagan tahay waddada saxda ah, iyada oo hirgelinaysa dib-u-habayn muhiim ah oo kor u qaadaysa adkeysiga, xoojinaysa maamulka, iyo taageerada kobacintq dhaqaalaha dalka

Hawlgal ka dhan ah Khawaarijta oo ka dhacay gobolka Baay

Baydhabo: Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan guutada 8-aad ee ka tirsan qaybta 60-aad, oo uu hoggaaminayo Gaashaanle Cali Maxamed Aadan (Cali Cadaw) ayaa hawlgal istaraatiiji ah ka fuliyey deegaano ka tirsan gobolka Baay, kuwaas oo ku dhow wadada muhiimka ah ee isku xirta Buur Hakaba iyo Baydhabo.

Hawlgalka oo lagu bartilmaameedsaday sifeynta khawaarijta, ayaa ciidanku ka hortageen dhagaro ay khawaarijtu u diyaariyeen shacabka, iyagoo wadada ka saaray miinooyin halis gelin lahaa nolosha dadka iyo isu-socodka gaadiidka.

Gaashaanle Cali Cadaw, ayaa sheegay in ciidamada ay si guul leh u burburiyeen goobihii ay khawaarijtu ku dhuuman jireen, taasoo qayb ka ah dadaallada lagu xaqiijinayo amniga gobolka iyo badbaadada shacabka.

 

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay danjiraha Masar ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar u fadhiya Soomaaliya Mudane Maxamed Saalax Xasan Keshtaax.

Kulanka ayaa si faah-faahsan looga wada hadlay danaha muhiimka ah ee labada dal ee walaaha ah, iyada oo si gaar ah diiradda loo saaray maalgashiga Soomaaliya, gaar ahaan dhanka caafimaadka iyo tamarta.

Ra’iisul Wasaare Xamsa, ayaa dowladda Masar ku bogaadiyay waxgalnimadeeda iyo hiilkeeda aan isbaddelin ee ay la barbar taagan tahay shacabka iyo dowladda Soomaaliya, isaga oo intaas ku daray in si buuxda loo soo celiyay nabaddii iyo amnigii qeybo badan oo ka mid ah dalka, haddana ay Soomaaliya diyaar u tahay maalgashi toos ah oo lagu sameeyo kaabayaasha kala duwan ee dalku leeyahay.

Danjiraha Masar Mudane Maxamed Saalax, ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga mahadceliyey qaabilaadda, wuxuuna sheegay in dowladda Masar ay sii xoojin doonto heshiisyadii iskaashi ee horey loo galay ee diiradda saarayay dhinacyada muhiimka u ah danaha labada dal.

Mudane Xamsa ayaa ugu dambayntii ka warbixiyay xaaladda bini’aadannimo ee ka taagan qeybo kamid ah dalka, iyada oo ay baaqdeen roobabkii deyrta, taas oo saameyn ku yeelatay nolosha dadka iyo duunyada ku dhaqan gobollo badan oo kamid ah dalka.

   

Wasiirro kormeeray degmada Kaaraan oo ay ka socoto qaadashada kaarka cod bixinta

Wafdi Wasiirro ah oo kala ah Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Mudane Maxamuud Axmed (Geesood), Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha, Mudane Maxamed Cabdulqaadir Cali, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala, Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS, Xildhibaan Maxamed Xuseen (Gaaraxo) iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda ee Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa maanta kormeer ku tegay xarunta degmada Howlwadaag oo ay ka socoto qaadashada kaarka codbixiyaasha doorashooyinka dalka, halkaas oo shacab badan oo horay isku diiwaan-geliyey ay ka qaadanayeen kaararkooda cod-bixinta.

Guddoomiyaha Degmada Howlwadaag ee Gobolka Banaadir ayaa wasiirrada ku soo dhaweeyey xarunta degmada, waxayna kormeerkooda ku soo mareen waaxyaha kala duwan ee degmada iyo suuqa weyn ee Bakaaraha, iyagoo u kuur-geliya sida loogu diyaar garoobay doorashada.

Kormeer kadib, Wasiirrada ayaa bulshada ku nool degmada Howlwadaag, kula dardaarmay inay kaararkooda codbixinta qaataan, si 25-ka bishaan ay uga qeyb galaan doorashada Golaha Deegaanka ee Muqdisho ka dhaceysa.

Golaha wasiirrada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Muqdisho ka wada olole xoog leh oo bulshada loogu jiheynayo doorasho qof iyo cod ah, taas oo gobolka Banaadir ka bilaabaneysa 25-ka bishaan, sida uu caddeeyey Guddiga Madaxa-banaan ee Doorashooyinka Qaranka.