Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Madaxa Guddiga Samatabbixinta ee IRC

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Madaxweynaha iyo Agaasimaha Guud ee Guddiga Caalamiga ah ee Samatabbixinta (IRC), David Miliband, oo booqasho shaqo ku yimid dalka.
Kulankan heerkiisu sarreeyo ayaa Ra’iisul Wasaaraha iyo agaasimuhu kaga wada hadleen sidii loo xoojin lahaa iskaashiga bani’aadannimo iyo in gurmad degdeg ah la gaarsiiyo dadka Soomaaliyeed ee ay saameysay abaarta daran ee ka jirta qeybo ka mid ah dalka, iyadoo la isla soo qaaday in tiro dhan 4.4 milyan oo muwaadiniin Soomaaliyeed ah in ay u baahan yihiin gurmad, Ra’iisul Wasaaraha ayaana muujiyey welwelka xukuumadda ee ku aaddan xaaladda dadkaas.
David Miliband ayaa ku ammaanay Dowladda Soomaaliya dadaallada ay waddo waxaana uu ballan qaaday in IRC ay kordhin doonto kaalmada bini’aadannimo si loogu gurmado dadka u baahan ee abaaruhu saameeyeen, waxa kale oo uu ka hadlay in IRC ay qeyb ka tahay mashaariicda horumarinta, waxna ka qaban doonto, isaga oo dhanka kale sheegay in uu Beesha Caalamka uga ergeyn doono arrimaha Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa ku boggaadiyay Mudane David iyo IRC in waxtarkooda ay ku saleeyaan xalka waara, wuxuuna xusey in xukuumadda ay danaynayso sidii dadka Soomaaliyeed oo dhan u gaari lahaayeen heer isku filnaansho ah, caalamkana taas uu kala shaqeeyo dowladda.
Mudane Xamsa ayaa hadiyaddo guddoonsiiyay David Miliband oo mar noqday Xoghayaha Arrimaha Dibedda Boqortooyada Ingiriiska, haatana ah madaxda samofalka caalamka ugu caansan, wuxuuna si gaar ah uga mahadceliyay maadaamaa uu tixgalin gaar ah soo siiyay imaanshaha Soomaaliya xilli loo baahnaa.
Kulankan dhexmaray Ra’isulwasaaraha iyo madaxda ugu sareysa IRC ayaa imanaya xilli Mudane Xamse uu sii wado hawlaha isu duwista iyo isku xirka ka jawaabista xaaladda abaarta dalka ka taagan.
     

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo qaabilay Safiirka Dowladda Qatar u fadhiya Soomaaliya

Muqdisho (Wargeyska Dalka) Guddoomiyaha Golaha Shacabka  Baarlamaanka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Dowladda Qatar u fadhiya Soomaaliya Dr. Abdullah bin Salem Alnuaimi

Ugu horreyn Safiirka ayaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka warbixin ka siiyey howlaha safaaradda Qatar ee Soomaaliya, mashaariicda horumarineed ee dowladda Qatar ay ka wado Soomaaliya, waxaana uu sheegay in ka dowlad ahaan ay ka go’antahay xoojinta iyo dardargelinta xiriirka labada wadan iyo sii wadida taageerada ay la garab joogaan Shacabka Soomaaliyeed iyo dowladooda.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa ugu horreyn dowladda Qatar uga mahadceliyey taageerada ay la garab taagantahay Soomaaliya oo ay ka mid yihiin mashaariicda horumarineed ee ay dalka ka fuliso.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa tilmaamay inuu meel wanaagsan maraayo xiriirka saaxiibtinimada ku dhisan ee ka dhaxeeya labada dal Soomaaliya iyo Qatar, wuxuuna sheegay in Soomaaliya ay ka go’antahay xoojinta iyo joogteynta xiriirka labada wadan ka dhaxeeya.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa shacabka iyo dowladda Qatar ugu hambalyeeyey maalinta xorrnimada ee dalkaasi, wuxuuna sheegay in Qatar ay tahay saaxiib Soomaaliya kala dhaxeeya xiriir saaxiibtinimo oo dhinacyo kala duwan ku saleysan.

  

Ciidanka Danab oo deegaanka Towfiiq ku qabtay laba dhagar-qabe

Muqdisho(Wargeyska Dalka):- Ciidamada Kumaandooska Danab ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal ka fuliyey deegaanka Towfiiq ee hoos taga degmada Tooratoorow ee gobolka Shabeellaha Hoose. Howlgalkan waxaa lagu soo qabtay labo dhagar-qabe oo ka tirsan maleeshiyaadka Khawaarijta argagixisada, kuwaas oo ku howlanaa baad iyo dhibaateynta shacabka deegaanka.

Mid ka mid ah dhagar-qabayaashan, oo lagu magacaabo Sakariye, ayaa baaritaan kadib lagu ogaaday inuu yahay wiil uu dhalay Macallin Cabdirahmaan, oo ka mid ah horjoogayaasha Khawaarijta ee ay Ciidamada Qaranku ku raad joogaan.

Sidoo kale, ciidamada ayaa gacanta kusoo dhigay mooto ay argagixisadu u adeegsan jireen gaadiid ahaan, hub iyo agab kale oo muujinaya maleegidda falal argagixiso oo ka dhan ah dadka rayidka ah.

Howlgalkan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu ciribtirayo canaasirta Khawaarijta, laguna xaqiijinayo nabadda iyo amniga shacabka Soomaaliyeed.

Soomaaliya oo u Diyaargarowday Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Xuquuqul Insaanka

Muqdisho(Wargeyska Dalka):- Soomaaliya waxa ay si weyn ugu diyaargarowday xuska Maalinta Caalamiga ah ee Xuquuqul Insaanka, oo sanad kasta lagu xuso 10-ka December. Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa sanadkan martigelinaysa munaasabaddan muhiimka ah, iyadoo Soomaaliya soo bandhigi doonta guulaha ay Wasaaraddu ka gaartay horumarinta xuquuqda aadanaha inta lagu guda jiray sanadkan dhammaanaya ee 2025.

Sanadkan, Soomaaliya waxa ay waqti, xoog iyo maskaxba gelisay sidii loo xoojin lahaa ilaalinta iyo horumarinta Xuquuqul Insaanka. Dadaalladan joogtada ah ayaa horseeday in guulo la taaban karo laga gaaro xuquuqda aadanaha ee dalka.

Munaasabadda berri ee 10-ka December ayaa lagu wadaa inay ka duwanaato kuwii hore, iyadoo la filayo in ay noqoto mid heer sare ah, haddii Eebbe idmo.

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo Faahfaahiyay Horumarka Geeddi-socodka Doorashada Degmooyinka Banaadir

Muqdisho (Wargeyska Dalka):-  Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS), Mudane Cabdikariim Axmed Xasan, ayaa maanta shir jaraa’id ku qabtay xarunta dhexe ee Guddiga, isaga oo faahfaahin ka bixiyay xaaladda guud ee howlaha doorashooyinka iyo horumarka laga gaaray wajiyada muhiimka ah ee geeddi-socodka doorashada.

Guddoomiyaha oo hadalka ku billaabay warbixin ku saabsan hawlaha farsamo iyo kuwa habraac ee doorashada, ayaa hoosta ka xariiqay in Guddigu si buuxda u gudanayo waajibaadka uu u xil-saaray Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Shuruucda Doorashooyinka Qaranka, waxaana uu xusay in hawlaha diyaar-garowga ee doorashada degmooyinka Gobolka Banaadir ay si hufan u socdaan, isla markaana Guddigu ku shaqeynaayo jadwalkii doorashada ee uu hore u iclaamiyay.

Mudane Cabdikariim Axmed Xasan waxaa uu sidoo kale shaaciyay in 12 urur siyaasadeed ay si dhameystiran u soo gudbiyeen liiskooda , halka qaar kale ay soo gudbiyeen qeyb kamid ah liiska  musharaxiintooda u tartamaya doorashada goleyaasha deegaanka ee Gobolka Banaadir.

Ururada Siyaasadda ee soo gudbiyay liiska ayaa kala ah:

1.      Ramaas
2.      Karaama
3.      Towfiiq
4.      Saab
5.      Madalsan
6.      Cadaaladda & Wadajirka
7.      Horumar & Midnimo Qaran
8.      Muwaadiniinta Soomaaliyeed
9.      Midnimada Shacabka
10.   Qaranka Dimuquraadiga ah
11.   Qiimo Qaran
12.   Dowlad Wanaaga Soomaaliyeed

Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in soo gudbinta liiska musharaxiinta ay muujinayso diyaar-garow heer sare ah oo ka jira dhanka Ururada siyaasadda, isaga oo ku boorriyey ururada aan weli soo gudbin liiskooda inay ka faa’iidaystaan fursadaha sharcigu u oggol yahay ee ku saabsan gudbinta liisaska iyo dhammeystirka shuruudaha tartanka.

Ugu dambayn, Guddoomiye Cabdikariim Axmed Xasan ayaa ugu baaqay dhammaan daneeyeyaasha doorashooyinka Ururada siyaasadda, bulshada rayidka ah, dhallinyarada, haweenka iyo maamulka degmooyinka in si wadajir ah loola shaqeeyo Guddiga si loo xaqiijiyo doorasho xor ah, hufan, nabdoon oo waafaqsan sharciga.

Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday

Muqdisho (Wargeyska Dalka):- Waxaa hubaal ah in su’aasha ah “Wax dhaama dawladnimada ma jiraa?” jawaabteedu tahay mid caddaan ah: Ma jirto wax ka qiimo badan nidaam dawladeed oo shaqeynaya. Dawladnimadu waa saldhigga iyo tiirka koowaad ee ay ku istaagto horumarka bulsho kasta.

Maalinta Caalamiga ah ee Duulista Hawada (International Civil Aviation Day) ee la xusay maanta, waxaa ka qeyb galay Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada, Maareeyaha Hay’adda Duulista Hawada, iyo mas’uuliyiin kale oo badan. Munaasabaddan ayaa ahayd tusaale cad oo muujinaya in marka hay’adaha dowladda ay si wadajir ah u shaqeeyaan ay gaari karaan guulo la taaban karo, isla markaana ay bulshada u soo bandhigi karaan adeegyo muhiim u ah dalka iyo dadka.

Qodobada Muhiimka ah ee Hannaanka Dawladnimo:

Nabadgelyo iyo Kala Dambeyn: Ujeedada ugu horreysa ee dawladnimadu waa in ay sugto amniga guud, taas oo u oggolaanaysa muwaadiniinta in ay si nabad ah u noolaadaan, una gutaan waajibaadkooda nololeed.

Saldhigga Horumarka Dhaqaale: Bulsho kasta oo hormartay, waxay ku hormartay adkeynta dawlad-dhiska. Nidaamka dawliga ah ee hanaqaada ayaa abuura jawi ganacsi, maalgashi, iyo shaqo abuur, iyadoo la raacayo sharciyo cadcad.

Bixinta Adeegyada Aasaasiga ah: Dawladdu waxay mas’uul ka tahay in ay bulshada gaarsiiso adeegyada aasaasiga ah sida caafimaadka, waxbarashada, biyaha nadiifta ah, iyo kaabayaasha dhaqaalaha (waddooyinka, dekadaha, garoomada diyaaradaha, iwm.).

Matalaad Caalami ah:

Dawladnimadu waxay dalka siisaa cod iyo meel uu ku yeesho masraxyada caalamka, taasoo u sahlaysa in uu ilaashado madaxbannaanidiisa, sharcigiisana uu ku difaacdo danihiisa diblomaasiyadeed.

Guusha ay Wasaaradda Gaadiidka iyo Hey’adda Duulista Hawadu gaareen Maalinta Caalamiga ah ee Duulista Hawada, waa tusaale nool oo dhiirrigelinaya in dadkeennu ay u ooman yihiin nidaam dawladeed oo dhammaystiran oo shaqeeya.

Rajo wanaagsan ayaan ka qabnaa in Alle inoo suuragaliyo in aan si wadajir ah u adkeysanno oo aan u hagaajinno hannanka dawladnimo, si aan u gaarno mustaqbal ifaya oo horumar leh.

Qore: Mohamed Abdi Osman “Faradheere”,

Agasimaha Waaxda Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha, Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada, Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Guddiga Wadajirka ah ee Soomaaliya iyo Qatar oo Kalfadhigoodii Koowaad ku yeeshay Doha

Doha:-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Doha kaga qayb-galay kalfadhigii koowaad ee Guddiga Wadajirka ah ee Soomaaliya iyo Qatar.

Labada dowladood ayaa guddigan u aasaasay in lagu xoojiyo xiriirka saaxiibtinimo iyo iskaashiga istiraatiijiga ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Qatar.

Intii lagu guda jiray kulanka, Wasiir Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali iyo Wasiiru-dawlaha Arrimaha Dibadda ee Qatar, Mudane Soltan bin Saad Al-Muraikhi, ayaa kala saxiixday heshiisyo dhowr ah oo muhiim u ah horumarinta iskaashiga labada dal

1: Heshiiska Hidaha iyo Dhaqanka , ee Wasaaradda Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare

Soomaaliya iyo Qatar waxay iska kaashan doonaan xoojinta iskaashiga maktabadaha iyo hay’adaha kaydka taariikhiga ah, abaabulka xafladaha dhaqanka iyo bandhigyada fannaaniinta, gudbinta iyo kobcinta aqoonta farshaxanka iyo dhaqanka, iyo ka qaybgalka bandhigyada buugaagta caalamiga ah ee ay wada qabtaan labada waddan.

2: Heshiiska Kastamada (Wasaaradda Maaliyadda)

Heshiisku wuxuu kor u qaadaya hirgelinta sharciga kastamka, xakamaynta iyo la dagaallanka dembiyada kastamka, hubinta qiimeynta saxda ah ee canshuuraha iyo kharashyada, ilaalinta habraacyada iyo xeerarka kastamka, iyo la dagaallanka xadgudubyada iyo tahriibinta, iyadoo la tixgelinayo heshiisyada heer gobol iyo caalami.

3: Heshiiska Dhalinyarada, Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha

Heshiisku wuxuu xoojin doonaa iskaashiga iyo is-dhaafsiga ka-qaybgalayaasha ururada dhalinyarada, ka qaybgalka shirarka iyo siminaarada, sahaminta xeryaha dhalinyarada, iyo tababarka maaraynta mashruuca iyo xirfadaha hoggaamineed.

4: Heshiiska Beeraha (Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka )

Soomaaliya iyo Qatar waxay iska kaashan doonaan xoojinta wax soo saarka beeraha iyo cuntada, is-dhaafsiga khibradaha iyo xogaha sayniska, abaabulka shirarka iyo siminaarada, isticmaalka teknoolojiyada casriga ah, bacriminta, iyo maareynta kaydinta iyo aqalka dhirta lagu koriyo(green House).

Heshiisyadani waxay astaan u yihiin go’aanka labada dowladood ee ku aaddan xoojinta iskaashiga istiraatiijiga ah ee dhinacyada dhaqanka, dhalinyarada, beeraha, iyo kastamka, iyagoo ka tarjumaya himilo wadajir iyo horumar waara.

   

Ra’iisul wasaaraha XFS ka qeyb galay munaasabad lagu xusayay Maalinta Qarannimada dalka Qatar

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta ka qeyb galay munaasabad lagu xusayay Maalinta Qarannimada dalka aan walaalaha nahay ee Qatar oo lagu qabtay magaalada Muqdisho, taas oo laga soo hormariyey waqtigeeda.

Munaasabaddan, oo sanad walba la xuso 18-ka December, ayaa ka tarjumaysa midowga Qatar ee sanadkii 1878, waana maalin qaran taas oo la asteeyey 21-kii Juun 2007, iyadoo ay ku suntan tahay xusuusta Aasaasaha Qatar iyo halgankii taariikhiga ahaa ee lagu dhisay dalkaas.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa ugu hambalyeeyey Dowladda Qatar munaasabaddaan, isaga oo uga mahad celiyey taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan tahay shacabka iyo Dowladda Soomaaliya, waxaana uu xusay in xiriirka labada dal uu yahay mid walaaltinimo, iskaashi iyo horumar wadaag ah.

Ra’iisul Wasaaraha dalka ayaa tilmaamay in xiriirka diblomaasiyadeed, ganacsi iyo horumarineed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Qatar uu sii xoogaysanayo, taas oo ka tarjumaysa danaha bulshada labada dal iyo himilooyinka horumarineed ee wadajirka ah.

   

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka XFS Mudane Saalax: “Bulshada Rayidka ah waa lafdhabarta Dowlad-dhiska Dalka.”

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta daahfuray Shirweynaha Bulshada Rayidka Soomaaliyeed, oo looga hadlayo dejinta qorshaha istiraatiijiga ah ee shanta sano ee soo socota, si Bulshada Rayidka ah ay uga qayb qaataan horumarinta hey’adaha dowliga ah.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka, ayaa adkeeyey muhiimadda Bulshada Rayidka ah iyo kaalintooda nabadaynta, horumarinta bulshada iyo arrimaha bini’aadantinimo, isaga oo bogaadiyey talooyinka iyo waxqabadyada muhiimka ah ee ay ku soo bandhigeen shirka, isla markaana ay Xukuumaddu talooyinkaas mudnaanta siin doonto hirgalintooda, maadaama ay lafdhabar u yihiin dowlad-dhiska iyo horumarka dalka.

Shirkan oo socon doona muddo saddex maalin ah, ayaa waxaa ka qeyb galay furitaankiisa wasiirro ka tirsan Xukuumadda, masuuliyiin ka socday Bulshada Rayidka ah iyo wakiillo ka ka tirsan Beesha Caalamka.

   

Golaha Shacabka ee BJFS ayaa ansixiyey wax ka beddelka Hindise-Sharciyeedka Xisaabiyeyaasha Soomaaliyeed

Muqdisho (Wargeyska Dalka) – Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulankoodii 19-aad ee Kalfadhiga 7-aad ku yeeshay Xarunta Golaha Shacabka, waxaana shir-guddoominayay Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha, Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow.

Ugu horreyn, Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad oo kulanka furay ayaa akhriyey baaq nabadeed oo uu Guddoonka Golaha Shacabka u diray shacabka Gobolka Awdal, gaar ahaan dhacdadii ka dhacday magaalada Boorama.

Intaas kaddib, Guddoomiye Ku-xigeenka Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta, Iskaashiga Caalamiga ah iyo La-Xisaabtanka Hay’adaha Dowladda ee Golaha Shacabka, Xildhibaan Maxamed Haaruun, ayaa kulanka ka hor akhriyey soo jeedin ku saabsan waafaqidda Madaxweynaha Jamhuuriyadda ee wax ka beddelka Hindise-Sharciyeedka Xisaabiyeyaasha Soomaaliyeed.
Mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa cod u qaaday, waxaana oggolaaday 140 Xildhibaan, hal Xildhibaan ayaa diiday, halka afar Xildhibaan ay ka aamuseen.

Dhinaca kale, Mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa akhrinta koowaad marsiiyey Hindise-Sharciyeedka Dambiyada Seybar-ka Soomaaliya oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolojiyada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Maadaama hindise-sharciyeedkani marayey akhrinta koowaad, looma furin dood guud, hase yeeshee qaar ka mid ah Xildhibaanada ayaa mas’uuliyiinta Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolojiyada weydiiyey su’aalo la xiriira mabaadi’da guud iyo saameynta miisaaniyadeed ee hindise-sharciyeedka.

Ugu dambayn, Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka oo kulanka soo xiray ayaa faray Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Boostada iyo Isgaarsiinta ee Golaha Shacabka inay soo diyaariyaan akhrinta labaad ee hindise-sharciyeedka, islamarkaana golaha dib ugu soo celiyaan si dood loogu yeesho.