Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA ayaa Safiirka Dowladda Shiinaha kala wareegay deeq lacageed

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA) Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay deeq lacageed oo dhan $𝟏,𝟎𝟎𝟎,𝟎𝟎𝟎 taasoo ay Dowladda Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha ugu talagashay in lagu xoojiyo gurmadka abaaraha ka jira dalka.

Deeqdaan lacageed waxaa xarunta Hay’adda SoDMA ku wareejiyay Safiirka Dowladda Shiinaha u jooga  Soomaaliya, Mr. Wang Yu, waxaana Lawareegay Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, oo sheegay in deeqdan ay gacan ka geysan doonto dardargelinta adeegyada gurmadka degdegga ah, gaar ahaan gaarsiinta raashin, biyo nadiif ah iyo adeegyo muhiim u ah dadka nugul ee ay abaaruhu si daran u saameeyeen.

 

   

Raiisul Wasaaraha XJFS Mudane Xamsa ayaa xafiskiisa ku qaabilay safiirka Dowladda Shiinaha ee u jooga Soomaaliya

Muqdisho (Wargeyska Dalka):Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirka dal weynaha Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Mudane Wang Yu.

Ra’iisul Wasaaraha oo sii wada hawlaha isku duwista ka jawaabista xaaladaha bini’aadanimo ee dalka ka taagan, jadwalkiisa qaabilista danjirayaasha adduunkana uu xiriirsan yahay, ayaa safiirka Shiinaha uga warbixiyay xaaladda dalka ee dhanka Amniga sida weyn wax looga qabtay, mashaariicda horumarineed ee dalka ka socota, iyo ugu dambayn arrimaha abaaraha.

Mudane Xamsa ayaa safiirka uga mahadceliyay kaalinta isgarab-taagga ah ee dowladda Shiinaha had iyo goor ay la barbar taagantahay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, isaga oo xusey mashaariicda iyo arrimaha gargaarka ee Shiinaha ka fuliyay dalka, gaar ahaan gargaarkii la geeyay gobolka Awdal.

Danjiraha Shiinaha Mudane Wang Yu ayaa dhankiisa sheegay in uu ku faraxsanyahay kalsoonida dowladda Soomaaliya u muujisay Dowladda Shiinaha, isaga oo ku celiyay sida ay u adkaynayaan xiriirka dhinacyada badan ee ka dhaxeeya Shiinaha iyo Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa sheegay in wixii hadda ka dambeeya ay tahay in dunida ay indho cusub ku eegto Soomaaliya maadaama ay nabad, xasilooni iyo kala dambeyn ka hirgashay inta badan gayiga Soomaaliya, gaar ahaan caasimadda, dalkuna uu diyaar u yahay maalgashi toos ah oo caalami ah.

Kulanka Ra’iisul Wasaaraha uu la qaatay safiirka ayaa waxaa ku wehliyay guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Masiibooyinka Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle iyo mas’uuliyiin sarsare oo ka tirsan xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

    

Qaar ka mid ah Golaha Wasiirrada ee XJFS ayaa kormeer ku tagay goobaha laga qaadanayo kaarka codbixinta Doorashooyinka Golaha Deegaanka ee G.Banaadir

Muqdisho(Wargeyka Dalka):-Qaar ka mid ah Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay degmooyinka ay ka socoto qaadashada kaarka codbixinta Doorashooyinka ee Golaha Deegaanka Gobolka Banaadir, iyagoo bulshada ku wacyigelinaayey muhiimadda ay leedahay in la qaato kaarka codbixinta si loogu diyaar garoobo doorashooyinka qof iyo cod ah.

Wasiirrada Warfaafinta, Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Wasiirka Beeraha iyo Wasiirka Batroolka, ayaa booqday degmooyinka Kaaraan, Deyniile, Warta Nabadda iyo goobo kale. Waxay shacabka ugu baaqeen in ay ka faa’iideystaan fursaddaan oo ay qaataan kaarka Codbixinta Doorashooyinka Golaha Deegaanka.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Saalim Caliyow Ibrow, ayaa sheegay inay Deyniile u tageen kormeerka qaadashada kaarka Codbixinta  Doorashada Golaha Deegaanka ee Gobolka Banaadir.

Wasiirka warfaafinta Daa’uud Aweys ayaa yiri “Doorashooyinkaan waa xor, qof kastana wuxuu xaq u leeyahay inuu u codeeyo xisbiga uu doonayo, dadka reer Kaaraan taariikhda qormeysa ee Soomaaliya ay ku taameyso ayey kaalin weyn ku leeyihiin.”

Wasiirka Wasaaradda Batroolka ee XjFS, Daahir Shire Maxamed, “Reer Kaaraanow, kaararkiinna qaata oo soo doorta masuulka degmadiinna ee birito, 25-ka December, ayaana noo ballan ah, waxaana rajeynayaa in degmadaan ay hormuud u noqoto gobolka Banaadir.”

Sidoo kale, Wasiirka Beeraha iyo Waraabka, Maxamed Cabid Xayir Mareeye, oo booqday degmada Deyniile, ayaa tilmaamay inuu ku faraxsan yahay sida wanaagsan ee u socota diyaar-garowga doorashada Golaha Deegaanka ee gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha degmada Kaaraan Maxamed Cabdullaahi Socdaal,ayaa sheegay in bulshada degmada Kaaraan ay diyaar u yihiin in codkooda ay ku ceel baxaan kana qeyb qaataan doorashada golaha degaanka.

“Bulshada degmada Kaaraan waxay diyaar u yihiin inay codkooda ku ciil baxaan oo ay soo doortaan golaha deegaanka iyo guddoomiyahooda mustaqabalka ee degmada”ayuu yiri Guddoomiye Maxamed Cabdullaahi Socdaal.

Wakiilka dadka baahiyaha gaarka ah qaba ee degmada Kaaraan Dubad Barre “Kaarka codeynta doorashooyinka waxaa qaadatay 22 kun oo dadka baahiyaha gaarka ah qaba kamid ah, waxayna dooran doonaan qofka ay ka dhex arkaan inuu masuuliyadooda qaadi karo.”

         

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa xarigga ka jaray Dhismaha Dugsiga Qur’aanka Kariimka ee Gabdhaha Agoonta Boliiska

Muqdisho(Wargeyska Dalka);-Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa xariga ka jaray Dhismaha Dugsiga Qur’aanka Kariimka ee Gabdhaha Agoonta Boliiska iyo Dhismaha Interaloog oo lagu soo kordhiyey xarunta lagu barbaariyo Caruurta Boliiska soomaaliyeed.

Dhismayaasha iyo dib u habeynta balaaran ee mudada kooban lagu sameeyey xaruntan ayaa saldhig u ah fulinta balan qaadkii Taliyaha ee la xiriiray in uu si buuxda daryeel iyo garab istaag u siinaayo qoysaska Askartii Boliiska ee geeryootay.

      

Wasiirka Amniga Gudaha ayaa Hey’adda UNDP kala wareegay gaadiid loogu talagalay hay’adaha amniga

Muqdisho(Wargeyska Dalka):- Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta kala wareegay Hey’adda UNDP Gaadiid loogu talagalay hay’adaha amniga, Dowlad-goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.

Wasiirka ayaa sheegay in gaadiidkan ay kaalin muhiim ah ka qaadan doonaan xoojinta iyo tayeynta hay’adaha amniga ee dalka, isla markaana loogu adeegi doono shacabka Soomaaliyeed. Waxa uu uga mahadceliyey Hey’adda UNDP taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhanka horumarinta amniga.

Gaadiidkan oo tiradoodu gaareyso lix gaari, ayaa qeyb ka ah qorshaha horumarinta hay’adaha amniga ee dalka, iyadoo loo marayo mashruuca JPP Phase-2, oo ay maalgeliso Midowga Yurub (EU), ayna fulinayaan UNDP iyo hay’adaha amniga dalka. Barnaamijkan ayaa diiradda saaraya tayeynta adeegyada Booliska, tababarrada iyo xirfadaha amni casriyeynta qalabka iyo gaadiidka, iyo hirgelinta adeeg boolis oo bulshada u dhow.

 

     

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa shacabka Caasimadda ugu baaqay inay qaataan kaarka codbixinta Doorashooyinka

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Dr Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa shacabka caasimadda ugu baaqay inay qaataan kaarka codbixinta Doorashooyinka , si ay uga qeyb qaataan doorashada golaha degaanka ee lagu wado inay dhacdo 25-ka bishan.

Guddoomiye Muungaab ayaa sheegay in qof kasta oo hore u qaatay shahaadada is-diiwaan gelinta laga rabo inuu qaato kaarka codbixinta, maadaama uu kaarkani yahay kan u oggolaanaya inuu codkiisa dhiibto maalinta doorashada.

“Qof kasta oo haysta shahaadada is-diiwaan-gelinta waxaan ugu baaqayaa inuu qaato kaarka codbixinta, si ay 25-ka bishan  u helaan  xuquuqdooda  codbixineed. Guddiga Doorashada iyo ururrada siyaasaddana waxaan u fududeyn doonaa dhammaan howlaha ay ugu adeegayaan bulshada,” ayuu yiri Guddoomiye Muungaab.

Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa tilmaamay muhiimada ay leedahay in awoodda dib loogu celiyo shacabka, si ay u soo doortaan ciddii matali lahayd una hoggaamin lahayd. Wuxuu xusay in muddo dheer ay bulshada Gobolka Banaadir ka maqneyd xuquuqdaan, isla markaana doorashadaan waxay dib u soo celinaysaa xaqa codbixinta ee muwaadiniinta caasimaddu lahaayeen.

Dhanka kale, wuxuu ururrada siyaasadda ee diiwaangashan u sheegay inay si xor ah u soo bandhigi karaan ololahooda doorashada, isaga oo xusay in maamulka gobolka uu la shaqeyn doono Guddiga Doorashooyinka, si loo xaqiijiyo qabsoomidda doorashada golaha degaanka ee Gobolka Banaadir.

 

MAAMULKA GOBOLKA BANAADIR OO KULAN WACYIGELIN AH KU QABTAY DEGMOOYINKA BARTAHA MUQDISHO

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen Muungaab, ayaa caawa hoggaamiyay kulan wacyigelin bulsho oo lagu qabtay Degmada Boondheere, kaas oo loogu diyaar-garoobayo doorashada qof iyo codka iyo qaadashada kaarka codbixinta.

Kulanka oo qayb ka ah ololaha wacyigelinta bulshada ayaa waxaa ka qaybgalay guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda, xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, guddoomiyeyaal degmo iyo marti sharaf kale.

Intii kulanka lagu jiray waxaa diiradda lagu saaray:

wacyigelinta doorashada iyo qaadashada kaarka codbixinta,

sugidda amniga caasimadda,

doorka bulshada ee xasillinta magaalada.

Xildhibaanada ayaa ammaanay hoggaanka hufan iyo waxqabadka Dr. Muungaab ee horumarinta Muqdisho.

Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in Maamulka Gobolka Banaadir ay ka go’an tahay dardargelinta howlaha wacyigelinta, isaga oo tilmaamay in qaadashada kaarka codbixinta ay u tahay shacabka fursad taariikhi ah.

Ugu dambeyn, Dr. Muungaab ayaa xusay in maamulka iyo shacabka Muqdisho ay ku mideysan yihiin dhismaha caasimad nabdoon, mideysan oo horumar leh, taasoo ku saleysan wadatashi iyo wacyigelin joogto ah.

 

     

Dowladda Federaalka oo Guulo waa weyn ka gaartay dib-u-soo-nooleynta Duulista Rayidka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa ugu hambalyeeyay bulshada Soomaaliyeed iyo bahda duulista dalka xuska Maalinta Caalamiga ah ee Duulista Rayidka, isaga oo xusay horumarka muuqda ee ay Soomaaliya ka sameysay maamulka hawada, amniga duulimaadyada, iyo isku xirka caalamiga ah.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa sheegay in maalintani ay fursad u tahay in la milicsado dadaallada waaweyn ee Soomaaliya ay ka gaartay dib-u-soo-nooleynta duulista rayidka, taas oo door muhiim ah ka qaadatay kobaca dhaqaalaha dalka, soo celinta xasilloonida, iyo muujinta awoodda qaranka ee dhisidda kaabeyaasha muhiimka ah.

Sanadkii 2023 ayay Soomaaliya gaartay Heerka A ee Warlalisyada Duulimaadyada (Air Navigation Services), taas oo ah heerka ugu sarreeya ee caalamiga ah, kana tarjumaya horumar ballaaran oo laga sameeyay badqabka, adeeg bixinta, iyo waafaqidda hab-raacyada ICAO.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa sameysay xeerarka caalamiga ah ee amniga duulista rayidka, taas oo kordhisay kalsoonida shacabka gudaha iyo tan caalamiga ah. Ra’iisul Wasaaraha ayaana xusay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay qaaday talaabooyin lagu casriyeynayo nidaamka socdaalka dalka, iyadoo bishii Sebteembar ee Sanadkaan dalka laga hirgeliyay Habka Ogolaanshaha Socdaalka ee (eTA).

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray shaqaalaha Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed, Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Rayidka, shirkadaha duulimaadyada gudaha iyo caalamka, iyo dhammaan bahda ku hawlan horumarinta duulista dalka.

Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknaloojiyadda XFS oo shir uga qeyb galay Algeria

Shirweynaha Afrika ee Shirkadaha soo Koraya (African Startup summit) oo sanadkaan diiradda lagu saarayo taageerada shirkadaha hal abuurka ee soo koraya, xoojinta isku-xirka dhijitaalka, hal-abuurka teknolojiyadda iyo dhismaha kaabayaasha ICT-ga ayaa maanta lagu soo xiray magaalada Algiers ee dalka Algeria.

Waxaa si gaar ah maanta u qabsoomay Wadatashiga Heer-Wasiir (Ministerial Roundtable) oo ay ka qayb galeen wasiirrada isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda ee dalal badan oo Afrika ah, kuwaas oo ka wada hadlay mustaqbalka dhijitaalka ee qaaradda.

Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda Soomaaliya Maxamed Soomaali, oo ku matalayay Soomaaliya shirka ayaa si qoto dheer uga hadlay:

Istaraatiijiyadaha lagu xoojinayo isku-xirnaanta dhijitaalka ah ee Afrika, Habraacyada amniga dhijitaalka iyo ilaalinta xogta, soo saarista siyaasado dhiirri-geliya hal-abuurka iyo ganacsiga ICT-ga, Iyo kaabayaasha lagama maarmaanka u ah in Afrika u gudubto dhaqaalaha dijitaalka ku dhisan.

      

Guddoomiye Aadan Madoobe” Shaqo muhiim ah ayaa laga qabtay howlaha Duulista Rayidka”

Ku-simaha madaxweynaha Jamhuuriyadda Ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu xusayey maalinta caalamiga ah ee duulista rayidka oo lagu qabtay Magaaladda Muqdisho.

Kusimaha madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna guddoomiyaha golaha shacabka oo munaasabadda khudbad ka jeediyey ayaa ugu horreyn uga mahadceliyey maamulka iyo howlwadeenada hay’adda Duulista Rayidka iyo sidoo kale wasaaradda dadaalka ay geliyeen soo celinta maamulka hawada Soomaaliya.

Guddoomiye  Aadan Madoobe ayaa bogaadiyey dadaalka khubarada iyo xirfadlayaasha Soomaaliyeed ee ku aaddam maamulida hawada Soomaaliya, isagoo kula dardaarmay madaxda wasaaradda iyo hay’adda in howlwadeenadda hay’adda loo sameeyo tababaro joogta ah oo kor loogu qaaadaayo aqoontooda ay si ay uga muuqato hay’adda.

Ugu dambeyn, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa sheegay in golaha shacabka uu horey u meelmariyey shuruuc muhiim u ahaa hay’adda Duulista Rayidka, islamarkaana uu diyaar u yahay inuu ka howlgallo lana dhameystiro shuruuc walba oo lagu horumarinayo hay’adda duulista rayidka.

Munaasabadda xuska maalinta caalamiga ah ee duulista rayidka waxaa ka qeyb galay Mas’uuliyiin Dowladeed, khuburo dhanka Duulista Hwada iyo wakiilo ka socda Beesha Caalamka, kuwaaso dhammaantood bogaadiyay shaqada muhiimka ah ee laga qabtay howlaha Duulista Hawada Soomaaliya.