Hantidowraha Guud ee Qaranka oo shir caalami ah kaga qeyb galay Sacuudi Carabiya

Hantidhowraha Guud ee JFS, Axmed Ciise Guutaale, ayaa ka qaybgalay Shirweynaha 15-aad ee Golaha Guud ee Ururka Hantidhowrrada Carabta oo lagu qabtay magaalada Jeddah intii u dhaxaysay 2 ilaa 4 December 2025.

Shirka oo ay martigelisay Maxkamadda Xisaabaadka Guud ee Boqortooyada Sucuudiga waxaa ka soo qaybgalay Hay’adaha Hantidhowrka Sare ee 22 dal oo Carbeed, iyadoo ay goobjoog ahaayeen hay’ado caalamiya oo ka shaqeeya isla xisaabtanka, la dagaalanka musuqa iyo dowlad wanaagga.

Shirka waxaa laga soo saaray go’aanno iyo talooyin lagu xoojinayo wax ku oolnimada hawlaha hantidhowrka, lagu horumarinayo dowlad wanaagga, laguna taageerayo dedaallada lagu kobcinayo awoodaha hay’adaha hantidhowrka sare ee dalalka xubnaha ka ah Ururka Hantidhowrrada Carabta, Waxaa sidoo kale dhacay kulan doceedyo lagaga hadlay sidii loo adkeyn lahaa iskaashiga farsamo iyo aqoon wadaagga.

Intii uu shirka socday, Hantidhowraha Guud Axmed Ciise Guutaale ayaa kulamo gaar ah la yeeshay madaxda qaar ka mid ah hay’adaha ka qaybgalay, Waxaa uu diiradda saaray sida loo dhisi karo iskaashi shaqo oo ku saabsan aqoon wadaagga, waaya aragnimada, iyo horumarinta hindisayaasha kor u qaada tayada baarista, Waxaa kale oo uu kala hadlay sidii loo sii taageeri lahaa qorshaha Soomaaliya ee dhijitaaleynta baarisyada hay’adaha dowladda.

    

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga ee XJFS ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha cusub ee Dowladda Masar u fadhiya Dalka Soomaaliya

Muqdisho(Wargeyska Dalka);-Wasiirka Wasaaradda  Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha cusub ee Dowladda Masar u fadhiya Dalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Salaax Keshtah, waxaa sidoo kale  kulanka goobjoog  ahaa Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka soomaaliya Sareeye Gaas Odawaa Yuusuf Raage.

Wasiirka iyo Danjiraha ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal, kobcinta iskaashiga istiraatiijiga ah, iyo fursadaha lagu horumarin karo wada-shaqeynta ay wadaagaan labada dal ee Soomaaliya iyo Masar.

 

   

Madaxweynaha JFS ayaa guddoomiyey kulan gaar ah oo ku saabsanaa xoojinta Dowlad-Dhiska Soomaaliya

Dooxa(Wargeyska Dalka);-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta guddoomiyey kulan gaar ah oo ku saabsanaa xoojinta dowlad-dhiska Soomaaliya iyo sidii loo mideyn lahaa taageerada caalamiga ah, kaasoo qeyb ka ahaa Madasha Dooxa ee siyaasadda iyo amniga.

Madaxweynaha ayaa kulnka ku soo bandhigay qorsheyaasha hirgalay ay Soomaaliya  ku xaqiijinayso xasilloonida, amniga iyo dib-u-habeynta hay’adaha dowladda, isagoo tilmaamay in shacabka iyo dowladda Soomaaliya ay dagaal dhanka milatariga, dhaqaalaha iyo fikirka ah ay kula jiraan argagixiso caalami ah oo ku soo duushay dalkeenna kuwaasoo ka kala yimid daafaha dunida.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ka hadlay hirgelinta doorashooyinka tooska ah oo meel wanaagsan maraya iyo muhiimadda ay leedahay dhammaystirka Dastuurka dalka oo aas-aas u ah dowladnimada, waxa uuna ku boorriyay beesha caalamka in taageeradooda ay noqoto mid isku duuban oo waafaqsan Qorshaha Qaran ee Dowladda Soomaaliya.

Ugu dambayn, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa muujiyey sida shacabka iyo dowladda Soomaaliya ay uga go’an tahay dhismaha dowlad adkaysi leh oo ku dhisan sharciyad, amni iyo horumar, isagoo uga mahadceliyey saaxiibada caalamka taageeradooda joogtada ah.

    

Ra’iisul Wasaaraha XJFS ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Qatar u fadhiya Soomaaliya

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Qatar ee u jooga Dalka Soomaaliya, Dr. Cabdullaahi Bin Saalim Al Nucaymi, iyaga oo ka wada hadlay xoojinta xariirka iyo Iskaashiga walaalnimo ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Qatar.

Kulanka ayaa looga hadlay dadaallada lagu wajahayo xaaladda abaaraha saameeyey 4.4 Milyan oo ka mid shacabka Soomaaliyeed ah ,iyo sidii loo ambo-qaadi lahaa mashaariicda horumarineed ee Dowladda Qatar ku taageerto dowladda Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey Dowladda Qatar kaalinta muuqata ee ay ku leedahay dhismaha dowladnimada Soomaaliya iyo si gaar ah arrimaha bani’aadanimada oo ay ku jirto gurmadka abaaraha soo laab laabtay ee dadkeena saameeyey , isaga oo xusay in Dowlaada Qatar ay weligeed u ahayd Dowladda Soomaaliya saaxiib dhow oo ka jawaaba xaaladaha adag.

Danjiraha dowladda Qatar u fadhiya Dalka Soomaaliya Dr. Cabdullaahi Bin Saalim Al- Nucaymi ayaa xusay in dowladda Qatar ay sii wadeyso taageerada iyo garab istaagga Shacabka Soomaaliyeed iyada oo ka qeyb qaadaneysa ka jawaabidda xaaladaha bani aadanimo.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay sii wadaysaa wada shaqeynta ballaaran ee ay la leedahay dowladdaha aan saaxiibka nahay iyo hay’adaha caalamiga ah si loo hubiyo in gurmadka iyo taageerada joogtada ah si ay u gaaraan bulshada ay abaartu saameysay.

   

Madaxda Wasaaradda Warfaafinta ayaa ka tacsiyeeyay geerida marxuum Xuseen Axmed Qoryooley

TACSI:- Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar Al-Cadaala, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Cabdullaahi Xayir Ducaale, Agaasimeyaasha Waaxyaha iyo Hawlwadeennada Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ayaa waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan Ehelka iyo Qaraabada uu ka baxay marxuum Xuseen Axmed Qoryooley oo maanta ku geeriyooday Magaalada Marka ee Xarunta Gobalka Shabeellaha Hoose.

Marxuum Xuseen Axmed Qoryooley wuxuu xilala kala duwan ka soo qabtay Wasaaradda Warfaafinta sida Xilka Agaasimaha Radio Mogadishu, Agaasimaha Warbaahinta Qaranka, Agaasimaha Howlaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta iyo Madaxa Keydka Hadalka Radio Mogadishu iyo xilil kale.

Marxuumka waxaan Allah SW uga baryeynaa inuu u naxariisto, kana waraabiyo Jannatul Fardowsa, qoyskii iyo Ehelka uu ka geeriyoodeyna uu samir iyo iimaan ka siiyo.

Aamiin Aamiin Aamiin

INAA LILAAHI WA INAA ILEYHI RAAJICUUN

Kulan casho sharaf ah oo loo sameeyay Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka caalamiga ah ee Iscafinta iyo Nabadda

Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa ka qeyb galay kulan casho sharaf ah oo Magaaladda Muqdisho loogu sameeyey Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka caalamiga ah ee Iscafinta iyo Nabadda Mudane Axmed bin Maxamed Al-Jarwaan oo booqasho rasmi ah ku jooga Magaaladda Muqdisho ee caasimadda dalka.

Kulanka waxaa ka qeyb galay Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Senatoro ka tirsan Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Dalka iyo sidoo kale Xoghayaasha guud ee Golaha Shacabka iyo Golaha Aqalka Sare.

    

Guddoonka aqalka sare ee JFS ayaa Xarunta Aqalka Sare ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayo guddoomiyaha Baarlamaanka Caaliga ah eeis cafiska iyo nabada

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo ay wehliyaan Guddoomiye ku-xigeenka labaad, Mudane Cabdullaahi Cali Xersi Timacadde, ayaa maanta xarunta Aqalka Sare ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Baarlamaanka Caalamiga ah ee Is-cafiska iyo Nabadda Mudane Axmed Maxamed Aljarwaan.

Kulanka waxaa diiradda lagu saaray xoojinta kaalinta hay’adaha sharci-dejinta ee horumarinta nabadda, dulqaadka, wada-hadalka, is-cafinta, iyo muhiimadda ay leedahay in Soomaaliya si buuxda uga mid noqoto Baarlamaanka Caalamiga ah ee Is-cafiska iyo Nabadda, si loo gaarsiiyo fagaarayaasha caalamka aragtida nabadeed iyo wada noolaansho ee bulshada Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn, labada Guddoomiye waxay kala saxiixdeen Heshiis Is-afgarad (MoU) oo Aqalka Sare u suurtagelinaya inuu xubin rasmi ah ka noqdo Baarlamaanka Caalamiga ah ee Is-cafiska iyo Nabadda, oo ay ku mideysan yihiin in ka badan 100 dowladood.

Wasiirka caafimaadka ee XFS oo ka qayb galay shirka caalamiga ah ee Doha Forum

Doha(Wargeyska Dalka):-Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Cali Xaaji Aadam, ayaa maanta ka qayb galay Shirka Caalamiga ah ee Doha Forum 2025, oo ka socda magaalada Doha ee dalka Qatar.

Wasiirka ayaa ka qeyb galay dood-wadaag heer caalami ah oo lagu falanqeynayay saameynta ay hoos u dhaca deeqaha caalamiga ahi ku yeesheen caafimaadka Soomaaliya. Wuxuu ka hadlay baahida loo qabo in la xoojiyo maalgelinta gudaha iyo ballaarinta iskaashiga wax-ku-oolka ah ee dalalka ku jira Global South–South Cooperation.

Wasiirku wuxuu si gaar ah u muujiyay fursadaha cusub ee iskaashi, maalgelin iyo khibrad-wadaag ee taageeri kara adkeysiga iyo horumarinta adeegyada caafimaadka dalka.

Wafdiga Wasiirka caafimaadka waxaa qeyb ka ah Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Dr. Guuled Cabdijalil Sheekh Cali, iyo xubno kale oo ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada, kuwaasoo ka qeyb qaadanaya kulamo heer sare ah oo lagu xoojinayo iskaashiga caalamiga ah ee dhinaca caafimaadka

Kusimaha Madaxweynaha JFS ahna guddoomiyaha golaha shacabka oo qaabilay guddoomiyaha Baarlamaanka is cafinta iyo nabada

Muqdisho(Wargeyska Dalka)- Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa kulan mira dhal ah kula qaatay Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka caalamiga ah ee Is-cafinta iyo Nabadda Axmed bin Maxamed Al-Jarwaan oo isaga iyo wafdi uu hogaaminaayo shalay soo gaaray Magaaladda Muqdisho.

Kulanka oo ay ka qeyb galeen Senataro ka tirsan Golaha Aqalka Sare, ayaa ugu horreyn Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka caalamiga ah ee Is-cafinta iyo Nabadda Axmed bin Maxamed Al-Jarwaan, waxa uu kusimaha madaxweynaha JFS ahna guddoomiyaha golaha shacabka uga mahadceliyey casuumaada uu ku casuumaday, inuu booqasho rasmi ah ku yimaado Soomaaliya, isagoo sheegay inuu ku faraxsanyahay imaatinkiisa Soomaaliya.

Sidoo kale waxa uu kusimaha madaxweynaha ahna guddoomiyaha golaha shacabka uga warbixyey howlaha uu qabto baarlamaanka caalamiga ah ee is-cafinta iyo nabadda iyo sidoo kale dowladaha ku mideysan.

Kusimaha madaxweynaha Jamhuuriyadda Ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ugu horreyn u mahadceliyey wafdiga ka socda baarlamaanka caalamIga ah ee Is-cafinta iyo Nabadda ayaa sheegay in Soomaaliya ay soo dhoweyneyso Golaha Baarlamaanka caalamiga ah islamarkaana ay kaalinteeda ka qaadan doonto, isagoo la wadaagay warbixin ku saabsan in Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya uu meel mariyey shuruuc muhiim u ah dowlad dhiska Soomaaliya.

Dhinaca kale kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka Caalamiga ah ee Iscafinta iyo Nabadda Axmed bin Maxamed Al-Jarwaan ayaa kala saxiixday heshiis ku qotoma ka mid noqoshada Soomaaliya ee Baarlamaanka caalamiga ah iyo sidoo kale wadashaqeynta labada dhinac.

   

Ra’iisul wasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Imaaraadka u qaabilsan Soomaaliya

Muqdisho(Wargeyska Dalka):- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Isku-tagga Imaaraadka Carabta u qaabilsan Soomaaliya, Mudane Axmed Jumca Al-Rumayti.

Kulanka ayaa looga hadlay adkeynta xiriirka soo jireenka ah iyo iskaashiga dhinacyada badan ee u dhaxeeya labada dal, gaar ahaan horumarinta iyo taageerada howlaha gargaarka bani’aadannimo, maadaama qeybo kamid ah dalka ay ka jiraan abaaro saameyn ku yeeshay nolosha ku dhawaad shan milyan oo qof.

Danjire Axmed ayaa dhankiisa xaqiijiyay sida dowladda Imaaraatka ay uga go’antahay arrimaha iskaashiga labada dal, markasta ay dowladdiisa u garab taagan tahay Dalka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Xamse ayaa uga mahadceliyey Dowladda Imaaraadka taageerada sida mar walba u garab taagan tahay shacabka Soomaaliyeed. Waxaa Ra’iisul wasaaraha kulanka ku wehiyay Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, iyo mas’uuliyiin kale oo xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ah, iyada oo kulankan uu ku soo hagaagay xilli dowladda ay waddo dedaalo xooggan oo ay isugu xireyso hawlaha ka jawaabista abaaraha taagan.