Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Amiirka dalka Qatar

Dooxa(Wargeyska Dalka):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan kula qaatay magaalada Dooxa Amiirka dalka Qatar Sheekh Tamiim Bin Xamad Al Thani.

Madaxweynaha iyo Amiirka ayaa ka wada hadlay xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dal, xaaladda gobolka iyo heshiisyada iskaashi ee ay horey u wada galeen Soomaaliya iyo Qatar, kuwaas oo ku saabsan maalgashiga kaabeyaasha dhaqaalaha, amniga iyo diblumaasiyadda.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la wadaagay Amiir Tamiim xaaladda guud ee dalka, qorsheyaasha horumrineed ee hirgalay ee dib u habaynta dowladnimada, dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo hannaanka doorashooyinka tooska ah oo dalku u jihaystay.

Dhankiisa, Amiir Tamiim Bin Xamad ayaa muujiyey taageerada joogtada ah ee Dowladda Qatar ay la garab taagan tahay shacabka iyo Dowladda Soomaaliya, isagoo sheegay in ay door muuqda ka qaadanayaan horumarinta iyo xasilloonida dalka Soomaaliya.

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo baaq ka soo saartay qalalaasahii rabshadaha watay ee ka dhacay gobolka Awdal

Mudisho(Wargeyska Dalka):-Dowladda Federaalka Soomaaliya oo baaq kasoo saartay qalalaasahii rabshadaha watay ee ka dhacay gobolka Awdal, gaar ahaan Magaalada Boorama.

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxay ka xun tahay qalalaasihii rabshadaha watay ee ka dhacay Gobolka Awdal, gaar ahaan Magaalada Boorama.

Dowladdu waxay tacsi tiiraanyo leh u diraysaa Ehelada Dadkii halkaas ku geeriyooday, waxayna caafimaad degdeg ah u rajaynaysaa muwaadiniinta ku dhaawacmay. Falkaasi wuxuu ahaa mid nasiib darro ah oo laga baaqsan karayay.

Waxaan ugu baaqaynaa Maamulka Somaliland in ay u turaan Shacabka deegaankaas iyo in la dhageysto lana ixtixraamo dareenkooda, isla markaana si masuuliyad leh loo xaliyo tabashada Shacabka, lagana dheeraado ficil kasta oo xaaladda uga sii dari kara.

Dowladdu waxay sidoo kale ugu baaqaysaa Odayaasha Dhaqanka, Culimada, Ganacsatada, Haweenka, Dhalinyarada iyo guud ahaan Shacabka Gobolka Awdal in ay muujiyaan deganaan, lana joojiyo ficilada waxyeeleynaya nabadda iyo xasiloonida magaalooyinka iyo Bulshada ku nool intaba, isla markaana wadahadal loo maro xal u helista xiisadda taagan.

Dowladda Federaalka ah waxay diyaar u tahay in ay ka qayb qaadato taakuleynta Dhaawacyada culus ee u baahan gargaar caafimaad.

Guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee Golaha Shacabka ayaa Muqdisho ku soo dhoweeyey Guddoomiyaha Baarlamaanka Nabadda iyo Is-cafiska

Mudisho(Wargeyska Dalka):- Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow oo ay wehliyaan Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka iyo Senataro ka tirsan Golaha Aqalka sare ee JFS ayaa Magaaladda Muqdisho kusoo dhoweeyay guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka Caalamka ee Nabadda iyo Is-cafiska Axmed bin Maxamed Al-Jarwaan iyo wafdi uu hogaaminayo oo dalka soo gaaray.

Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka Caalamka ee Nabadda iyo Iscafiska Axmed bin Maxamed Al-Jarwaan oo maanta dalka soo gaaray ayaa inta uu ku sugan yahay Magaaladda Muqdisho waxa uu kulamo gaar gaar ah la qaadan doonaa guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaana kulamadaasi looga hadli doonaa xoojinta nabadda, is-cafinta iyo wada-shaqaynta baarlamaanada caalamka

Dhinacyadu waxay sidoo kale  ay kala saxiixan doonaan heshiis is-afgarad ah oo kor loogu qaadi doono doorka Soomaaliya, taas oo wax weyn ka qaban doonta sidii dalkeena uu uga soo muuqan lahaa fagaarayaasha caalamka ee nabadda iyo is-cafinta, isla markaana uu xubin firfircoon uga noqon lahaa Baarlamaanka Caalamiga ah ee Nabadda iyo Is-cafiska.

    

Wasiirka gaashaandhiga XFS oo xariga ka jaray dhismaha Buundadda Sabiid iyo Caanoole

Shabeellaha hoose(Wargeyska Dalka):-Wasiirka Gaashaandhigga iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray furimaha hore ee dagaalka gobolka Shabeellaha hoose,wafdiga uu hoggaaminayo wasiirka ayaa waxa ka mid ah wasiirka Arrimaha Gudaha, Saraakiisha Ciidanka Xoogga, kuwa AUSSOM iyo Masuuliyiin ka socota Safaaradda Turkiga ee Muqdisho.

wasiirka iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa markii ay gaareen gobolka shabeellaha hoose waxay xariga ka jareen Buundada muhiimka ah ee Sabiib iyo Caanoole oo dib u dhis lagu sameeyey.

Dhismaha Buundadan ayaa ka mid ah dib u dhiska hortabinnada u lahaa dowladda Federaalka Soomaaliya taasoo muhiim u ah  dadaallada Xasillinta iyo Banii’aadnimada isu socodka dadka, gaadiidka iyo sidoo kale dib u soo kabashada deegaanka.

  

Wasiirka Beeraha XFS“Dhowaan waxaan soo bandhigi doonaa cagaf-cagafyo qiimo ahaan aad u jaban iyo qalab kale”

Wasiirka Beeraha iyo Waraabka XFS Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye oo qabtay dood cilmiyeed ay ka qeybgaleen qaar kamid ah aqoonyahanada ayaa ka jawaabay su’aallo dhowr ah oo ku saabsan waxqabadka wasaaradda iyo barnaamijyada kutalagal ee u qorsheysan wasaaradda.

Wasiirka ayaa xusay in wasaaraddu ay ku guuleysatay bixinta tababarro la siinay beraleyda iyo adeegyo kala duwan oo loo adeegsan karo beeraha sida abuurka mootooyin ,cagafcagafyo iyo kuwo kale,

Sidoo kale Wasiir maareeye ayaa sheegay in beetaleyda Soomaaliyeed loo fududeeyay habka maalgashiga beeraha iyo canshuur-dhaaf loogu talagalay in lagu dhiirigaliyo beeraleyda,isagoo dhinaca kale in wasaaradda ay qorsheyneyso fududeynta deymo soo celis ah oo la siiyo beeraleyda.

Wasiirka Beeraha iyo Waraabka XFS Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye ayaa qiray in dhowaan la soo bandhigi doonaa cagafcagafyo iyo qalab kale oo aad u jaban,si beeraleyda gacan loogu siiyo helidda gaadiid ka qeybqaata wax soo saarka beeraha.

Safiirka Soomaaliya ee Serbia oo kulan la qaatay ciidan Soomaali ah oo ku sugan dalkaasi

Danjire Maxamed Cabdullaahi Axmed, Safiirka Safaaradda Soomaaliya ee dalka Serbia , oo ay weheliyaan diblomaasiyiinta Safaaradda, ayaa kulan dhiirigalin ah la qaatay saraakiisha ilaaladda Madaxda Qaranka, kuwaas oo tababar aqoon-kororsi ah uga qeybgalaya dalka Jamhuuriyadda Serbia.

Danjiraha oo ka hadlay Kulliyadda Tababarada Gaarka ah ee Marshal Tito oo loo yaqaan Kula Training Centre,ayaa si weyn u bogaadiyay kaalinta Dowladda Serbia ee ku aaddan tababarrada aqoon-kororsiga ee ay u fidiyeen saraakiisha Soomaaliyeed ee ilaalinta gaarka ah ee Madaxda Qaranka.

Danjire Maxamed Cabdullaahi Axmed  waxa uu kulankaasi dhiirigalinta ah kadib la dardaarmay saraakiisha ,isagoo faray in ay si wanaagsan uga faa’iideystaan fursaddaan qaaliga ah, ayna si hufan oo xirfad leh u dhammaystirtaan aqoonta ay ku qaadanayaan tababarka.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga ee Dowladda Serbia  ayaa dadaal weyn ku bixisay sidii tababat aqoon kororsi ah loo siin lahaa ciidamada Dalka Soomaaliya ,gaar ahaan kuwa loogu talagalay ilaalinta madaxsda qaranka.

Kulanka Golaha Horumarinta Qaranka oo Muqdisho Lagu Qabtay

Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha XFS, Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Beenebeene, ayaa maanta magaalada Muqdisho ka daahfuray kulan wadatashi ah oo ay isugu yimaadeen Golaha Horumarinta Qaranka, kaas oo ay ku mideysan yihiin Wasiirka Qorsheynta Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Wasiirrada Qorsheynta ee Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray dar-dar gelinta hir-gelinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka (QIQ 2025–2029), xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha heer federaal iyo heer dowlad-goboleed, gurmadka abaaraha uu dalku wajahayo iyo sidii loo mideyn lahaa qorsheynta horumarineed ee dalka oo dhan.

Kulanka waxaa si rasmi ah u furay Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Mudane Maxamuud C. Sheekh Faarax (Beenebeene), isaga oo ka hadlay muhiimadda dhismaha nidaam mideysan oo hagaya qorsheynta qaranka, iyo dardargelinta fulinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka (QIQ 2025–2029).

Sidoo kale, waxaa lagu soo bandhigay warbixinta natiijooyinka Qiimeynta Muddo-Dhammaadka Qorshaha 9-aad ee Horumarinta Qaranka (QHQ 2020–2024), iyo dulmar ku saabsan hirgelinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka, oo ay soo diyaariyeen waaxyaha kala duwan ee Wasaaradda Qorsheynta. Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah waxay soo gudbiyeen warbixinno horumarineed, iyaga oo xusay fursadaha, caqabadaha, iyo mudnaanta sannadka soo socda.

Wasiirka Qorsheynta ayaa soo xiray kulanka isaga oo xusay in Wasaaraddu ay sii xoojin doonto wada-shaqeynta federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka, si loo xaqiijiyo fulinta QIQ, isla markaana la gaarsiiyo bulshada Soomaaliyeed horumar waara oo loo dhan yahay.

 

Wasiir dekedaha XFS oo kulan la qaatay Wasiirka gaadiidka iyo Kaabayaasha Türkiga

Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo gaadiidka Badda JFS, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa maanta magaalada Ankara kulan miro-dhal ah kula yeeshay Wasiirka Gaadiidka iyo Kaabayaasha Türkiga, Mudane Abdulkadir Uraloğlu.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinaca badda, kor u qaadista kaabeyaasha dekedaha, iyo horumarinta adeegyada istaraatiijiga ah ee badda. Wasiirradu waxay si qoto dheer uga wada hadleen amniga badda, casriyeynta dekedaha, iyo isdhaafsiga tiknoolajiyada, si loo xaqiijiyo in adeegyadaas ay noqdaan kuwo la jaanqaadaya baahiyaha ganacsiga iyo isku-xirka gobolka.

Wasiir Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa uga mahadceliyay dhiggiisa Türkiga soo dhoweynta uu u fidiyay, isaga oo xusay in iskaashiga labada dal uu door muhiim ah ka qaadanayo xasilloonida, horumarka, iyo kobaca howlaha badda ee Soomaaliya.

   

Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo xiray ee shirweynaha 6-aad ee hoggaanka iyo hal abuurka Soomaaliyeed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo soo xiray Shirweynaha 6-aad ee hoggaanka iyo hal abuurka Soomaaliya ayaa soo bandhigay qorsheyaasha ay dowladdu ku awood siineyso dhalliyarada Soomaaliyeed, kuwaas oo ay ka mid tahay dib u habeynta waxbarashada, dhiirri gelinta barnaamijyada dhallinyarada iyo hirgelinta doorashada dadweynaha taas oo suurt gelinaysa in ay door firfircoon ku yeeshaan talada dalka.

Madaxweynaha oo dhagaystay talooyinka iyo aragtida dhallinyarada Soomaaliyeed ee dowladnimada ayaa ku adkeeyey in ay mideeyaan maskaxdooda, hal abuurkooda, cududdooda iyo dadaalkooda, si dalkeenna uu ula tartamo dalalka horumary ee caalamka.

“Maanta waxaan u baahanahay in aan deg deg u dhaqaaqno oo aan horumarno. Dhallinyarada Soomaaliyeed ayaa laga rabaa in ay la yimaadaan hal abuur ku saleysan abaabul, wadajir, wacyi sarreeya iyo hoggaan mideysan. Isbeddel kasta oo dhaca dhallinyarada ayaa keenta”.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa bogadiyey dhabar adaygga iyo kartida dhllinyarada Soomaaliyeed oo dhiiggood u huray gobanimada iyo difaaca dalka, waxa uuna ku boorriyey barashada xirfadaha casriga ah, gaar ahaan tiknoolijiyadda oo qeyb weyn ka qaadan karta kobcinta dhaqaalaha, maalgashiga, hal abuurka iyo isku filnaashaha dalka.

        

wasiirka caafimaadka XFS oo kulan la qaatay Safiirka Dowladda Indonesia u fadhiya Muqdisho

Wasaaradda Caafimaadka & Daryeelka Bulshada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, H.E Dr. Ali Haji Adam, ayaa maanta magaalada muqdisho kulan kula qaatay Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Indonesia u qaabilsan Soomaaliya, H.E. Witjaksono Adji.

Kulanka ayaa lagu gorfeeyay xoojinta xiriirka wasaaradaha caafimaadka ee labada dowladood, iyadoo diiradda la saarayo kor u qaadista iskaashiga dhinacyada caafimaadka, tababarrada iyo horumarinta xirfadlayaasha,, iyo fursadaha lagu ballaarin karo wada-shaqaynta mustaqbalka.

Wasiirka ayaa safiirka la wadaagay sida ay Wasaaradda caafimaadka XFS, uga go’an tahay dhisidda iskaashi wax ku ool ah oo waara, isagoo Safiirka cusub u rajeeyay guul iyo hawl-wanaag mudada uu dalkiisa ku matalayo Soomaaliya.