Madaxweynaha Jamhuuriyadda : “Soomaaliya waa dhaqaaqday, wadadii horumarka iyo barwaaqada ayeeyna cagta saartay”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Muqdisho ku soo xiray Shirweynaha 6-aad ee Hoggaanka iyo Hal abuurka Dhallinyarada Soomaaliyeed.
Madaxweynaha oo ka hadlay munaasabadda xiritaanka ayaa yiri “Dalka maanta waxa uu baahi weyn u qabaa hoggaaminta dhallinyarada,sidaa aawadeed waxaan aaminsanahay in ay qaban karaan wax weyn oo xagga horumarka ah”.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka wrbixiyay doorka dhallinyarada ee ku aadan hoggaminta iyo hal abuurka dhallinyarada, isagoo ku taliyay in dhallinyaradu ay ka qeybqaataan horumarka baaxadda leh ee ka socda dalka.
Munaasabaddii xiritaanka shirweynahaasi waxaa goobjoogayaal ka ahaa xubno ka socday labada gole ee dowladda,qaar kamid ah ururada bulshada iyo marti sharaf kale.

Golaha Wasiiradda XFS oo ansixiyey shuruuc iyo heshiisyo muhiim u ah dalka

Golaha  Wasiirada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa ayaa ansixiyey shuruuc iyo heshiisyo muhiim u ah dalka.

Shirka golaha oo uu guddoomiyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa sharciyada lagu meel mariyay waxaa ka mid ah Sharciga Ciqaabta Soomaaliyeed kadib markii uu kasoo gudbay la tashiyo balaaran oo lagala yeeshay culumada, bulshada rayidka ah iyo sharci yaqaano,iyadoo la waafajiyay diinta islaamka, dastuurka dalka, iyo xeerarka caalamiga ah ee dhanka xuquuqda aadanaha.

Golaha ayaa si qoto dheer uga dooday sharciga dhismaha Hay’adda Maaraynta Deegaanka oo markii ugu horeysay uu dalku yeelanayo, xilli doorsoonka cimiladda uu sii xoogeysanayo, dalkana uu ka jiro xaaluf ba’an.

Sharciyada iyo heshiisyada kale ee uu golahu ansixiyay waxaa ka mid ah

1.⁠ ⁠Heshiis Is-afgarad oo u dhexeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Aljeeriya , kaasoo ku saabsan iskaashiga batroolka, gaaska iyo macdanta.

2.⁠ ⁠Hindise Sharciyeedka dhismaha Hay’adda Qaran ee Maareynta Deegaanka.

3.⁠ ⁠Hindise Sharciyeedka Sharciga Ciqaabta Soomaaliya.

  1. Axdiga Caalamiga ah Baadi-goobka iyo Samatabixinta Badda.{Axdiga Sar 1979}
  2. Axdiyada Geneva 12 August 1949 (Additional Protocols).

Dhinaca kale,golaha wasiirada ayaa dhagaystay warbixino la xiriira horumarada laga sameeyay amniga iyo arrimaha doorashooyinka, iyada oo ugu dambeyntii uu Ra’iisulwasaare Xamse golaha faray in kaalin laga geysto hawlaha dhexdhexaadinta iyo nabadeynta colaadaha beelaha ee ka taagan qeybo ka mid ah dalka, waxaana hawshasi si gaar ah loogu xilsaaray wasaaradda Arrimaha Gudaha.

 

Mudanayaasha Golaha Shacabka Baarlamaanka ee JFS oo Ansixiyay Heshiiska Aas-aasidda Ciidanka Heeganka ee Bariga Afrika

Mudanayaasha Golaha Shacabka  Baarlamaanka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xaruntooda ku ansixiyay Heshiiska Aas-aasidda Ciidanka Heeganka ee Bariga Afrika (East Africa Standby Force – EASF).

Kulamkii maanta ee lagu ansixiyay heshiiskaasi waxaa shirguddoominaayey Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur, kaasoo ahaa kalfadhiga 7-aad  ee kulankiisii 17-aad.

Heshiiska Aas-aasidda Ciidanka Heeganka ah ee Bariga Afrika waxaa ogolaaday 144-Xildhibaan, hal Xildhibaan ayaa diiday, halka laba xildhibaan ay ka aamuseen ansixinta heshiiskaasi.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Xildhibaan Cumar Cali Cabdi, oo khudbad ka jeediyay kalfadhiga Golaha Shacabka ayaa uga mahadceliyay Xildhibaannada ansixinta heshiiskaas, isagoo ku tilmaamay tallaabo muujinaysa go’aanka iyo himilada Soomaaliya ee ku aaddan xoojinta amniga, nabadda iyo iskaashiga gobolka.

Wasiiru Dowluhu wuxuu xusay in ansixinta heshiiskan ay ku soo beegantay xilli Soomaaliya sanadkaan markii ugu horreysay ay martigelisay Shirka 34-aad ee Golaha Wasiirrada Gaashaandhigga dalalka EASF, kaas oo lagu muujiyay kaalinta hoggaamineed ee Soomaaliya ku leedahay nabadda iyo amniga gobolka .

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u Dhiska Iyo Guriyeynta ee XFS oo la kulmay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-Dhiska & Guriyeynta XFS, Mudane Xildhibaan Dr. Cilmi Maxamuud Nuur, ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Safiirka Midowga Yurub (EU) ee Soomaaliya Danjire Franscisca Di Mauro.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray arrimo ay ka mid yihiin dib-u-dhiska kaabayaasha dalka,soo celinta xasiloonida iyo horumarinta dhismaha Wasaaradda Hawlaha Guud, iyo xoojinta iskaashiga guud ee labada dhinac.

Labada mas’uul waxay isla garteen in qorshayaasha Midowga Yurub  ee xagga horumarka la waafajiyo hawlaha istiraatiijiyadeed ee Wasaaradda Hawlaha Guud, waxaana lagu ballamay in kulamo farsamo oo dheerad ah ay xigi doonaan kulankaan, kaasoo lagu xaqiijin doono hirgelinta qorshayaasha muhiimka ah ee sannadka soo socda 2026 ka.

Ra’iisul wasaare Xamsa oo furay shirweynaha 6-aad ee hoggaanka iyo hal-abuurka dhallinyarada Soomaaliyeed

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo Daah-furay Shirweynaha 6-aad ee Hoggaanka iyo Hal-Abuurka Dhallinyarada Soomaaliyeed, ayaa adkeeyey muhiimadda ay Qaranka u leedahay dhiirigelinta dhallinyarada Soomaaliyeed iyo hal-abuurkooda.

Ra’iisul wasaare Xamsa ayaa kula dardaarmay dhallinyarada Soomaaliyeed in ay la yimaadaan isku-duubni iyo midnimo, kana fogaadaan qabyaaladda, isaga oo xusay in Xukuumadda DanQaran ay haatan gacanta ku hayso shuruuc lagu hagaajinayo nidaamka shaqada lagu helo, hadda wixii ka dambeeyana shaqada dowladda lagu bixin doono hab daah-furan, tartan loo simanyahay, iyada oo qofka shaqada dowladda galaya loo eegayo aqoontiisa.

Ra’iisul wasaaraha oo ka hadlay muhiimadda hoggaanka wanaagsan iyo hal-abuurku u leeyahay horumarka iyo dowlad-dhiska dalka, ayaa kula dardaarmay dhallinyarada Soomaaliyeed in maskaxda la tuujiyo oo wax wanaagsan laga dhaliyo, lana aamino dalka, si ummaddu u gaarto horumar waara.

“Si aad horumar u gaarto, waa in aadan ku kaaftoomin meesha aad joogto, oo aad isbeddel iyo hal-abuur la timaaddaa, haddii aad rabto in aad wax hoggaamiso waa in aad noqotaa tusaale wanaagsan, si aad wax u hoggaamiso, dalkaagana horumar u gaarsiiso.”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.

Wuxuu intaas ku daray Ra’iisul Wasaaruhu in ummad kasta oo guul xaqiijisay ay ku gaartay dad kooban oo la yimid fikir cusub oo horumar lagu gaari karo, isla markaana saldhigga guusha uu yahay tacliinta oo la xoojiyo, baaritaanno joogto ah iyo in la diido qofku in uu is-dhiibo.

Mudane Xamsa ayaa ugu dambeyntii ku booriyay in aysan ka cabsan mustaqbalka, isla markaana hoggaanka dalka gacantooda ku soo saaraan oo ay doorashada si weyn ugu qeyb qaataan.

 

       

Madaxweyne Xasan Sheekh oo aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay safiirada dalalka Masar, Indonesia, Sweden, Finland, Norway iyo dalal kale

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa munaasabad ku qabsoomtay Madaxtooyada Qaranka kaga guddoomay Warqadaha Aqoonsiga Danjirenimo Safiirro ka socda siddeed dal oo kala ah; Masar Mudane Mohamed Salah Keshtah, Indonesia Mudane Witjaksono Adji, Sweden Mudane Hans Henric Lundvqist, Cuba Marwo Inés Fors Fernandez, Canada Mudane Joshua Brenber Tabah, Finland Marwo Riina Riikka Heikka, Norway Marwo Siv Cathrine Moe iyo Spain Mudane Jaime Alejandro Moreno Bua.

Madaxweynaha oo ugu hambalyeeyay Danjireyaasha xilka loo soo igmaday, ayaa la wadaagay in dowladda iyo shacabka Jamhuuriyadda Soomaaliya ay soo dhaweynayaan, kuna garab sinayaan gudashada waajibaadkooda diblomaasiyadeed, kaas oo ay ugu horreeyso xoojinta iskaashiga iyo xiriirka labo geesoodka ah.

Dhankooda, Danjireyaasha cusub ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda soo gaarsiiyey salaan iyo farriimo ay ka sideen hoggaanka dalalkooda, waxa ayna muujiyeen in ay mudnaan siinayaan xiriirka diblomaasiyadeed ee kala dhexeeya Soomaaliya, iyagoo ka mahad celiyey qaabilaadda iyo soo dhaweynta loogu sameeyey Villa Somalia.

Munaasabaddan ayaa si maamuus sare leh ugu qabsoomtay Madaxtooyada Qaranka, iyadoo ay ka qeyb qaateen cutubyo ka tirsan Ciidamada Qalabka Sida oo salaan sharaf ku maamuusay Danjireyaasha warqadahooda u gudbiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda.

                  

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska oo la kulmay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa maanta kulan miro-dhal ah kula qaatay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Marwo Francesca Di Mauro xarunta safaaradda ee Magaaladda Muqdisho, waxaana ay kaga wada hadleen xoojinta iskaashiga Warbaahinta , Wacyihalinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska.

Wasiirka ayaa uga mahadceliyay Midowga Yurub kaalinta muuqata ee uu ku leeyihiin soo kabashada iyo horumarinta Soomaaliya, gaar ahaan barnaamijyada lagu taageerayo warbaahinta, Dhaqanka iyo hal-abuurka Dhalinyarada, ka hortaga tahriibka iyo la dagaalanka been abuurka iyo xagjirnimada

Labada dhinac ayaa si gaar ah diiradda u saaray horumarinta iskaashiga dhinaca wacyigelinta bulshada ee la xiriira amniga, doorashooyinka, xasilinta, iyo la dagaalanka xagjirnimada, iyadoo la isla gartay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo wada-shaqeynta warbaahinta si loo gaaro wacyi bulsho oo mideysan.

Danjire Francesca Di Mauro Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa dhinaceeda hoosta ka xariiqday ahmiyadda ay leedahay xoojinta iskaashiga labada dhinac ee Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska maadaama Midowga Yurub uu yahay mid ka mid ah saaxiibadsa ugu xooggam ee taageera dib u dhiska iyo soo kabashada Soomaaliya.

Wasiir Daa’uud ayaa muujiyay ka go’naanta Wasaaradda ee ku aaddan ballaarinta iskaashiga Midowga Yurub, gaar ahaan barnaamijyada lagu kobcinaayo xirfadaha suxufiyiinta, ilaalinta xorriyadda saxaafadda, iyo kor u qaadidda dhaqanka iyada oo loo marayo dhiiragalinta dhalinyarada, horumarinta dalxiiska Soomaaliya oo ay door fiican ka qaadan karaan.

      

 

Wasiirka Wasaardda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee XFS oo kulan la qaadatay madaxa barnaamijyada

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa magaalada Muqdisho kulan kula yeelatay Madaxa Barnaamijyada ee Hay’adda UN-Women Marwo Rukia Mohamed.

Kulanka ayaa waxaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa islamarkaana loo dardar gelin lahaa wada shaqeynta u dhaxeysa Hay’adda UN-Momen iyo Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka ee XFS, gaar ahaan arrimaha la xiriira hormarinta Arrimaha Haweenka.

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka ee XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi oo kulanka ka hadashay ayaa uga mahad celisay hay’adda UN-Woman taageerrada iyo wada shaqeynta joogtada ah ee ay la leeyihiin Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka ee XFS ayadoo dhinaca Kalena ay xubnaha ka socday hay’adda UN-Woman bogaadiyeen sida dardarta leh ee ay ku socdaan shaqooyinka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka.

Kulankan waxaa Wasiirka ku wehliyey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka ee XFS Maxamed Bashiir Cumar ayadoo kulankan uu qeyb ka yahay kulamo lagu sii dardar gelinayo shaqooyinka Wasaaradda oo ay madaxda Wasaaraddu la qaadanayaan hay’adaha wada shaqeynta dhow la leh Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul insaanka.

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Nuqullo ka Mid ah Waraaqadaha Aqoonsiga Danjirinimo ka Guddoomay Danjireyaal Cusub

Mudisho(Wargeyska Dalka):-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibada iyo iskaashiga Caalamiga XFS Mudane Cabdisalam Cabdi Cali ayaa maanta ka guddoomay nuqullo kamid ah waraaqaha aqoonsiga danjiranimo safiirrada cusub ee dalalka Canada, Finland, Norway ,
Cuba , Spain.

Wasiirku waxa uu safiirradan ugu hambalyeeyey ku soo biirista safka diblomaasiyiinta ka howlgala Soomaaliya, isaga oo xusay muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirka laba-geesoodka ah iyo iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya la leedahay dalalka ay matalayaan.

Sidoo kale, waxaa uu ku boorriyey safiirrada in ay ka shaqeeyaan horumarinta xiriirka saaxiibtinimo iyo iskaashiga dhinacyada kala duwan ee dalalkan la leeyihiin soomaaliya, isaga oo la wadaagay sida shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay u soo dhaweynayaan, ulana shaqeyn doonaan.

   

Dowladda Jarmalka oo si Buuxda u Aqoonsatay Baasaboorka Diblomaasiga Soomaaliya

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay ku faraxsan tahay go’aanka rasmiga ah ee Dowladda Federaalka Jarmalka ay ku aqoonsatay Baasaboorka Diblomaasiga ee Soomaaliya, kaasoo lagu daabacay Wargeyska Rasmiga ah ee Dowladda Jarmalka (Bundesanzeiger) 1-da December 2025.

Go’aankan cusub ayaa dhigaya in Baasaboorka Diblomaasiga ee Soomaaliya si rasmi ah loo aqoonsaday gelitaankiisa iyo deganaanshaha ee Jarmalka, kaasoo beddelaya xeerarkii hore ee kaga jiray Jarmalka oo keliya aqoonsiga marka laga baxayo dalka (departure).

Tallabadan ayaa caddeyn u ah horumarka joogtada ah ee dowladda Soomaaliya ee lagu horumarinayo tayada dukumentiyada safarka, casriyeynta adeegyada, iyo howlaha socdaalka ee ku wajahan adeegyada ee labada dal.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyaddaha waxa ay Dowladda Federaalka Jarmalka ku bogaadinaysaa go’aanka ay qaadatay, waxayna ka rajaynaysaa in uu sii xoojin doono aqoonsiga baasaboorka iyo nidaamyada aqoonsiga ee dalalka.