Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ee XFS oo ka qayb galay shir looga hadlayo horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya

Nairobi(Wargeyska Dalka):-Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa ka qayb-galay shir heer caalami ah oo muddo labo maalmood ah ka socday magaalada Nairobi, isla markaana uu soo qaban qaabiyay Bangiga Horumarinta iyo Dib-u-dhiska Soomaaliya ayaa diiradda lagu saaray sidii loo horumarin lahaa dhaqaalaha dalka iyada oo lala kaashanayo hay’adaha caalamiga ah ee taageera Dowladda Soomaaliya.

Shirkaan oo muhiim u ahaa xoojinta iskaashiga caalamiga ah ee taageera dib-u-dhiska iyo kobaca dhaqaalaha Soomaaliya, waxaa goob joog ka ahaa Hay’adaha iyo Dowladaha dhanka Maaliyadda ka taageera Dowladda Soomaaliya sida Bangiga Adduunka, Bangiga Horumarinta Afrika (AfDB), Midowga Yurub (EU) iyo Ergooyin ka kala socday safaaradaha dalalka sida dhow ula shaqeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Intii uu socday shirka, waxaa si qoto dheer looga dooday sidii loo dardargelin lahaa horumarinta dhaqaalaha dalka, iyada oo la xoojinayo iskaashiga Dowladda Soomaaliya iyo hay’adaha dhaqaalaha caalamiga ah, si loo gaaro horumar waara oo lagu taageerayo horumarinta adeegyada bulshada iyo dib-u-dhiska dalka.

Wasiirka WasaaraddaMaaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige oo ay wehelinayeen Guddoomiye-yaasha Bangiyada kala ah Bangiga Horumarinta iyo Bangiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa sheegay in Soomaaliya ay ka soo gudubtay marxalado adag oo dhinaca dib-u-habeynta dhaqaalaha ah, isla markaana ay hadda taagan tahay waqtigii laga faa’iideysan lahaa dadaalladii muddada dheer socday. Wasiirku waxa uu sidoo kale caddeeyay in Guddiga Sare (Board-ka) ee Bangiga Horumarinta, oo dhawaan la dhisay, lagu soo xulay si hufan, cadaalad ah, isla markaana ku salaysan aqoon, xirfad iyo karti.

Ugu dambayn, Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ee XFS ayaa ku bogaadiyay hay’adaha caalamiga ah sida ay u garab taagan yihiin dadaallada lagu hirgelinayo qorshayaasha horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya, kuwaas oo door muhiim ah ka qaadanaya xasilloonida iyo horumarka mustaqbalka dalka.

    

Arday reer Sudan ah oo deeq waxbarasho ka helay Soomaaliya

Wasiirka wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta sare ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta soo dhaweeyey arday u dhalatay dalka Suudaan oo deeq waxbarasho ka helay Dowladda Soomaaliya, kuwaas oo waxbarashadooda sare ku qaadan doona Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.

Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed waxa ay mar walba xusuusanyihiin xiriirka walaaltinimo iyo taariikhda dheer ee ay la leeyihiin dalka Suudaan, oo leh abaal aan la illaawi karin.

Todobaadyada soo socdo waxaa dalka soo gaari doona arday kale oo reer Suudaan ah iyadoo kuwa maanta yimid ay ahaayeen qeybtii ugu horreysay.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka oo qaabilay danjiraha Sucuudiga

Ra’iisul wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Boqortooyada Sacuudiga Carabiya u fadhiya Soomaaliya mudane Axmed bin Maxamed Al-muwalad.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka laba-geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Boqortooyada Sacuudiga, iyadoo labada masuul ay isku raaceen adkeynta iskaashi ku qotoma amniga, dhaqaalaha, iyo mashaariicda horumarineed.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka ayaa uga mahadceliyay Dowladda Boqortooyada Sacuudi Carabiya garab-istaagga iyo taageerada joogtada ah ee ay siiyaan Soomaaliya.

 

Guddiga adeegga bulshada ee Aqalka sare oo kormeeray xarunta guddiga shaqaaha rayidka

Guddiga horumarinta Adeegga Bulshada, arrimaha Bani’aadanimada, Warfaafinta iyo Dhaqanka ee Aqalka Sare ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay xarunta Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka Dowladda, iyagoo gudanaya waajibaadkooda la xiriira korjoogtaynta iyo la xisaabtanka hay’adaha dowladda.

Kormeerka waxaa diiradda lagu saaray hannaanka shaqo ee Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka Dowladda.

Xubnaha guddiga waxay warbixin guud ka dhageysteen Guddoomiyaha Guddiga, Mudane Xasan Abshir Maxamed, iyagoo su’aalo ka weydiiyay arrimaha shaqaalaha, tayeynta xirfadda, wada-shaqeynta hay’adaha dowladda, habraacyada kala beddelka iyo shaqo-gelinta, iyo arrimo kale oo la xiriira maamulka shaqaalaha rayidka.

Intaa kaddib, xubnaha guddiga oo uu hoggaaminayay Guddoomiyaha Guddiga, Sanatar Cismaan Maxamed Maxamuud (Dufle), ayaa kormeer ku sameeyey waaxyaha muhiimka ah sida maamulka, tirakoobka, tababarka, qorsheynta, iyo diiwaangelinta, si ay u qiimeeyaan hufnaanta iyo habsami-u-socodka shaqada Guddiga.

Ugu dambayn, Guddoomiye Dufle ayaa sheegay in shaqaalaha rayidku yihiin laf-dhabarka iyo mishiinka dhaqaajiya howlaha dowladda, isla markaana wuxuu maamulka iyo shaqaalaha Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka Dowladda ku bogaadiyay dadaalkooda, kuna dhiirrigeliyay inay sii xoojiyaan howlaha lagu horumarinayo shaqaalaha rayidka ah.

  

Wasaaradda Qorsheynta oo Muqdisho ku qabatay kulan lagu xoojinayo gurmadka Abaaraha

Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha XFS ayaa maanta qabatay kulan muhiim ah oo lagu dardargelinayo gurmadka abaaraha ka jira qeybo badan oo dalka ah. Kulanka waxaa guddoomiyay Wasiirka Wasaaradda, Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Sheekh Faarax (Beenebeene).

Kulanka oo ka dhacay xarunta Wasaaradda ayaa waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, iyo qaar ka mid ah Agaasimayaasha Waaxyaha Wasaaradda Qorsheynta iyo Hay’adda SoDMA.

Shirka waxaa diiradda lagu saaray in si degdeg ah loogu gurmado dadka ay abaartu saameysay, in la mideeyo howlaha gurmadka ee dowladda, in la yareeyo khatarta dhimashada iyo khasaaraha, iyo in la falanqeeyo sababaha abaarta oo ay ugu weyn tahay roobabkii Gu’ga iyo Dayrta oo aan ka di’in inta badan gobollada dalka.

  

Wasiirka arrimaha dibadda oo Muqdisho ka furay madasha maalgashiga iyo bandhigga Qurbe-joogta

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee XFS, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa maanta magaalada Muqdisho si rasmi ah uga furay Shirka Madasha Maalgashiga iyo Bandhigga Qurbe-joogta Soomaaliyeed.

Intii lagu guda jiray furitaanka madasha, Wasiir Cabdisalaam ayaa xusay in qurbe-joogta Soomaaliyeed ay aas-aaseen ganacsiyo kala duwan oo door muuqda ka qaata kobcinta dhaqaalaha dalka. Wuxuu ku bogaadiyey kaalinta ay ka qaadanayaan dib-u-dhiska dalka, isaga oo tilmaamay in Dowladda Federaalka ay ka go’an tahay dhiirri-gelinta maalgashiga ay dalka ayku sameynayaan qurbe-joogta Soomaaliyeed.

Wasiirka ayaa sidoo kale carabka ku adkeeyay in qurbe-joogta Soomaaliyeed ay dalka dib ugu soo diraan ama maalgashaan in ka badan $2 bilyan sanadkii, taas oo ah laf-dhabarta dhaqaalaha qoysaska Soomaaliyeed iyo waxsoo saarka koboca dhaqaalaha guud ee dalka.

 

Ururada siyaasadeed oo olole doorasho ka wada Muqdisho

Guddoomiyeyaasha ururada siyaasadeed ee Towfiiq iyo Ramaas ayaa olole wacyigelin iyo cod-raadis ah ka sameeyay degmooyin kala duwan oo ka tirsan gobolka Banaadir, iyagoo bulshada ku booriyey inay ka qayb qaataan doorashada tooska ah ee dalka ka bilaabanaysa.

Ururka Siyaasadeedka Towfiiq ayaa olole doorasho ka sameeyay degmooyinka Kaaraan, Xamarweyne, Shangaani, Cabdicasiis iyo Gubadley, halka Ururka Siyaasadeedka Ramaas uu olole ka sameeyay qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir. Ololeyashan ayaa ujeedadoodu tahay in bulshada si toos ah loola xiriiro, codkooda loo helo, lana fahmo baahiyahooda dhabta ah.

 

Cali Maxamed Nuur (Maandiirshe) ayaa yiri “Maanta dalku doorasho ayuu aaday, waa soo dhamaatay dad aanan dooran oo talada noo jaangooya,” isagoo muujinaya muhiimadda ay leedahay ka qayb qaadashada doorashada si ay bulshada u helaan awood ay ku saameeyaan horumarinta adeegyada deegaanka.

Guddoomiyeyaasha ururadu waxay caddeeyeen in ololahan uu yahay mid loogu talagalay in si toos ah bulshada loola xiriiro, loona fahmo baahiyahooda, isla markaana ururradu ay diyaar u yihiin inay wax ka qabtaan adeegyada bulshada iyo dhibaatooyinka ka jira haddii codkooda la taageero.

Wasiir Fiqi oo ka qaybgalay Bandhigga 4-aad ee difaaca Masar (EDEX 2025)

Qaahira: Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi oo ay weheliyaan Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, Sarreeye Gaas Odawaa Yuusuf Raage, iyo saraakiil sare oo kale, ayaa ka qeyb galay daah-furka Bandhigga Afraad ee Difaaca Masar (EDEX 2025). Bandhiggan oo soconaya muddo afar maalmood ah ayaa ka dhacaya Xarunta Carwada Caalamiga ah ee Masar (EIEC) ee magaalada Qaahira.

Madaxweynaha Masar, Cabdel Fataax Al-Sisi, ayaa si rasmi ah u daah-furay bandhigga, waxaana ka soo qeyb galaya wufuud ka kala socota in ka badan 100 dowladood, iyo in ka badan 450 shirkadood oo ka mid ah hormuudka soo-saarka difaaca iyo amniga caalamka. Waa bandhigga keliya ee daboola labada gobol ee Afrika iyo Bariga Dhexe, waxaana lagu soo bandhigayaa tignoolajiyad iyo qalab casri ah oo dhanka difaaca iyo amniga ah.

Wafdiga Dowladda Soomaaliya ayaa inta uu socdo bandhiggu kulamo doceedyo kala duwan la yeelan doona madaxda ka qeyb galaysa Bandhigga 4-aad ee Difaaca Masar.

 

Safiir Jabriil oo Ka Qaybgalay Xuska Maalinta Isgarab-Istaaga Shacabka Falastiin

 Nairobi (Wargeyska Dalka) Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa lagu qabtay xuska Maalinta Caalamiga ah ee Isgarab-Istaaga Shacabka Falastiin, waxaana munaasabadda lagu martigeliyey Xafiiska Qaramada Midoobay ee magaalada.

Wakiillo ka kala socday dalal badan oo caalamka ah ayaa ka qeyb-galay munaasabaddan, iyagoo muujiyey midnimo iyo taageero loo fidinaayo shacabka reer Falastiin. Ka soo qeyb-galayaasha ayaa carrabka ku adkeeyey baahida degdegga ah ee loo qabo wadahadallo wax-ku-ool ah iyo go’aan adag oo lagu xallinayo dhibaatooyinka ka taagan dhulka Falastiin.

Danjire Jabril Ibrahim Cabdulle, Safiirka Dowladda Soomaaliya ee keenya, oo ka hadlay madasha, ayaa sheegay in shacabka iyo dowladda Soomaaliya ay garab taagan yihiin shacabka Falastiin, isla markaana ay la garab taagan yihiin taageero buuxda.

Danjiruhu wuxuu xusay in Soomaaliya ay mar walba difaacdo xuquuqda dadka Falastiin, ayna ku dadaalayso sidii loo heli lahaa xal waara oo ku saleysan xaq iyo caddaalad.

         

Wasiirka Qoyska oo Muqdisho ku soo dhaweysay Wafdi ka socda Boqortooyada UK

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhsuumi ayaa maanta magaalada Muqdisho ku soo dhaweysay Wafdi sare oo ka socda Boqortooyada UK oo ay hogaamineysay H.E Eleanor Sanders oo safarkeedii ugu horeysay abid ku timid magaalada Muqdisho, kadib markii ay casuumad rasmi ah ka heshay Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo horumarinta xuquuqul insaanka Amb Khadiijo Maxamed Al-Makhsuumi .

Wasiir Amb Khadiija Maxamed Al-Makhsuumi oo ay wehliyaan Agaasimaha Guud ee Wasaaradda  Maxamed Bashiir Cumar, agaasime waaxeedyada iyo howlwadeenada   ayaa xarunta Wasaaradda Qoyska kulan ballaaran kula qaateen Wafdigan ka socday dowladda UK, ayadoo ugu horeyn Wasiirku ay wafdiga warbixin ka siisay halka ay mareyso xaaladda Xuquuqul Insaanka Dalka iyo dadaalladii ugu dambeeyey ee ay Wasaaradda Qoyska ku guuleysatay, kadib guushii shirkii Geneva, guulahaas oo ay ka mid tahay dhismaha iyo meel marinta Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka.

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhsuumi ayaa si weyn ugu mahad celisay Boqortooyada UK dadaalkii ay ku bixisay in ay Soomaaliya dib u lasoo wareegto madaxbannaanideeda Xuquuqul Insaanka, si la mid ah dowladaha caalamka ayadoo dadaalladaasi ay hormuud u aheyd Safiirka Xuquuqul Insaanka Dowladda UK H.E Eleanor Sanders.

Intii uu socday kulank ayey dhankooda H.E Eleanor Sanders iyo Safiir ku xigeenka Safaaradda UK ee Muqdisho Sam Thomas waxa ay si wadajir ah u bogaadiyeen dadaallada xooggan ay Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya ku bixisay Hormarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya waxaana ay ballan qaaday Danjire Eleanor Sanders iney wada shaqeyntooda iyo garab istaagooda ay sii laba jibaari doonaan maadaama ay Wasaaradda dhankeeda shaqooyinkii laga rabay qabatay.

Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS ayaa mudooyinkii ugu dambeeyey waday dadaal xooggan oo ku aaddan horumarinta Xuquuqul Insaanka, taasi oo keentay in sanadkan 2025 ay si weyn u kordheen guulaha ay Wasaaraddu ka gaartay horumarinta Xuquuqul Insaanka Dalka oo ay ugu weynaayeen iney Soomaaliya dib ula soo laabato madax bannaanideeda Xuquuqul Insaanka 32 sano kadib iyo dhismaha guddiga Madaxa Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka.