Ra’iisul Wasaare Xamsa oo la kulmay Wafdi ka socday Dowladda UK

Muqdisho(Wargeyska Dalka):- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday dowladda UK oo ay hoggaaminaysay Danjiraha Boqortooyada Ingiriiska u qaabilsan Xuquuqda Aadanaha, ahna Ku-xigeenka Wakiilka Joogtada ah ee UK u jooga Geneva, Marwo Eleanor Sanders.

Ra’iisul Wasaare Xamsa, ayaa dowladda UK ugu hambalyeeyay kursiga dhowaan loo doortay ee ah in ay ka mid noqoto Golaha Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay. Sidoo kale wuxuu uga mahadceliyay kaalintii ay UK ku lahayd guulihii ay dowladda Soomaaliya ka gaartay qaadistii cunaqabataynta hubka, deyn-cafinta, iyo dib-u- la soo noqoshada Soomaaliya ee kursiga Xuquuqda Aadanaha ee QM.

Mudane Xamsa oo warbixin siinayey wafdiga, ayaa xusay in Soomaaliya ay hadda yeelatay Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuquuqda Aadanaha, oo dhowaan ay ansixiyeen labada aqal ee Baarlamaanka, isaga oo tilmaamay in dhammaan xubnaha guddiga lagu soo xulay karti, aqoon iyo waaya-aragnimo.

Danjiraha UK ee Xuquuqda Aadanaha, Marwo Eleanor Sanders, ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga mahadcelisay qaabilaadda, waxa ayna ku bogaadisay horumarka laga sameeyay arrimaha xuquuqda aadanaha ee dalka.

Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaaraha oo ay wehelinaysay Wasiirka Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka, Marwo Khadiija Maxamed Al-Makhsuumi, ayaa Danjiraha guddoonsiiyay shahaado sharaf muujinaysa doorka UK ee garab istaagga Soomaaliya.

 

   

G/ Ku-xigeenka koowaad Aqalka Sare oo kormeer ugu tagay Guddiga dib-u-eegista Dastuurka

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Aqalka Sare  Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cali Shacbaan Ibraahim, ayaa maanta kormeeer kooban ugu tagay Guddiga dib-u-eegista iyo la-socodka hirgelinta Dastuurka oo ku guda jira howlahooda dib-u-eegista Dastuuurka gaar ahaan cutubyada 5-aad illaa 9-aad ee uu Guddiga Madaxabannaan ee Dastuurku u soo gudbiyay.

Guddoomiye Cali Shacbaan oo si kooban uga hadlay muhiimadda dastuur dhammeystiran uu u leeyahay geedi-socodka siyaasaddeed iyo dimuqraadiyaddeed ee dalka, ayaa ku booriyay xubnaha guddiga dib-u-eegista iyo la-socodka hirgelinta Dastuurka in la dardargeliyo howlaha wax-ka bedelka Dastuurka.

Arday Soomaaliyeed oo deeq waxbarasho ka heshay dalka Algeria

Algeria (Wargeyska Dalka) – Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ayaa ku dhawaaqday in kooxdii ugu horreysay ee arday Soomaaliyeed ee ka faa’iideysatay deeqaha waxbarasho ee Dowladda Algeria ay gaareen dalkaas.

Wasiiru-dawlaha Arrimaha Dibadda, Mudane Cali Maxamed Cumar, oo la hadlay warbaahinta qaranka, ayaa sheegay in ardaydan ay tageen Algeria, iyada oo la fulinayo heshiiska iskaashiga waxbarasho ee ay wada saxiixeen Dowladaha Soomaaliya iyo Algeria.

Wasiiru-dawlahu wuxuu tilmaamay in 45 arday oo isugu jira wiilal iyo gabdho ay haatan waxbarasho ka bilaabeen jaamacadaha Algeria. Ardaydan ayaa qayb ka ah 120-ka deeq waxbarasho ee loo qoondeeyay Soomaaliya, kuwaas oo lagu barto culuumo kala duwan, oo ay ku jiraan amniga internetka (cybersecurity).

Mudane Cali Maxamed Cumar ayaa sidoo kale xusay in deeqahan ay qeyb ka yihiin heshiisyadii ay wada gaareen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, iyo Madaxweynaha Algeria, Abdelmadjid Tebboune, kuwaas oo ku saabsan waxbarashada, arrimaha dibadda, xoolaha iyo gaaska dabiiciga ah.

Madaxweynaha Algeria ayaa hore u ballanqaaday in uu kordhinayo taageerada waxbarasho ee ardayda Soomaaliyeed, si loo xoojiyo xiriirka waxbarasho iyo iskaashiga labada dal.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo ka qeybgalay Madasha Guddoomiyayaasha Maxkamadaha Sare ee dalalka Bariga Afrika

Nairobi(Wargeyska Dalka):-Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Bashe Yuusuf Axmed, ayaa ka qeybgalay kullanka sanadlaha ah ee Madasha Gudoomiyayaasha Maxkamadaha Sare ee dalalka Bariga Afrika, kaasoo ka dhacay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Madashaan ayaa looga hadlay arrimo muhiim ah oo la xiriira horumarinta caddaaladda ku dhisan baahida shacabka, gaar ahaan nidaamyada caddaaladda ee ka baxsan dacwadaha maxkamadaha madaniga ah.

Gudoomiyayaasha Maxkamadaha Sare ayaa is dhaafsaday waayo-aragnimo, hal-abuur casri ah, iyo qaabab cusub oo lagu ballaarinayo helitaanka caddaaladda.

Intii uu shirku socday waxaa si gaar ah loogu falanqeeyay caqabadaha wadajirka ah ee ka jira dalalka gobolka, sida la jaanqaadidda sharciyada, wacyigelinta bulshada, dhisida awoodda garsoorka, adeegsiga tiknoolajiyadda, iyo joogteynta nidaamyada cusub ee caddaaladda. Waxaa sidoo kale laga dooday sida loo dardargelin lahaa wada-shaqeyn heer gobol ah, oo ay ka mid yihiin isdhaafsiga aqoonta, tababarrada wadajirka ah, iyo koorsooyin waxbarasho ee garsoorayaasha.

Ugu dambeyntii, madashu waxay ku heshiisay in la diyaariyo war-murtiyeed mideysan oo qeexaya mudnaanta, balanqaadyada wadajirka ah, iyo tallaabooyinka la qaadaayo si loo horumariyo caddaalad ku saleysan baahida dadweynaha ee guud ahaan Bariga Afrika.

 

   

Wasiir dowlaha arrimaha dibadda oo la kulmay xoghayaha arrimaha dibadda Aljeeriya

Aljeris: Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo ballaarinta iskaashiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo Aljeeriya.

Labada dhinac ayaa isdhaafsaday aragtiyo ku saabsan arrimaha muhiimka ah ee Afrika, waxayna sahamiyeen hindiseyaal wadajir ah oo lagu horumarinayo wadashaqeyn dhow oo ka dhexeysa dowladaha walaalaha ah ee Soomaaliya iyo Aljeeriya.

Kulanka waxaa goob-joog ka ahaa Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Aljeeriya danjire Yuusuf Axmed Xasan (Yuusuf Jeego).

Guddiga warfaafinta golaha shacabka oo kormeeray wasaaradda warfaafinta

Xubnaha Guddiga Warfaafinta, Wacyi-gellinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa iyagoo gudanaya waajibaadkaooda dastuuriga ah ee kor-joogteynta iyo la-xisaabtanka ah, waxa ay maanta kormeer shaqo ku yimaadeen xarunta Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Guddiga ayaa la kulmay Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac iyo Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Sheekh Al-Cadaala, sidoo kale guddiga ayaa kormeer ku sameeyey qeybaha iyo waaxyaha Wasaaradda ay ka kooban tahay, sida xarunta keydka Qaranka ee Radio Muqdisho, istuudiyaasha Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed iyo Radio Muqdisho, si uu ugu kuurgalo howlaha shaqo ee ka socda.

Intaasi kadib, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa guddiga uga warbixiyey shaqada wasaaradda, isagoo guddiga la wadaagay in wasaaraddu ay ku howlantahay dardargelinta shaqooyinka hortabinta u leh, sida in bulshada Soomaaliyeed lagaarsiiyo warar xaqiiqda ku saleysan iyo wacyigilin joogta ah oo ay sameeyaan fanaaniinta Qaranka, asigoo intaasi ku daray in ay socoto casriyeynta Raadiyaha iyo Telefishinka Qaranka.

Ugu dambeyntii, Guddoomiyaha Guddiga Warfaafinta, Wacyi-gelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee Golaha Shacabka BJFS Xildhibaan Mowliid Cabdi Maxamuud ayaa u mahadceliyey Wasiirka iyo Wasiir Ku Xigeenka, agaasimayaasha waaxyaha wasaaradda iyo dhammaan dhamaan howlwadeenada wasaaradda.

        

Wasiiru Dowlaha Isgaarsiinta oo kulan la qaatay Wasiirka Isgaarsiinta Dalka Qatar

Muqdisho(Wargeyska Dalka);-Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda JFS, Mudane Ahmed Diri, ayaa magaalada Doha kulan kula yeeshay Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda Qatar, Mohammed bin Ali Al Mannai, xilli uu socdo MWC Doha 2025.

Kulanka labada dhinac ayaa looga hadlay xoojinta iskaashiga Soomaaliya iyo Qatar, gaar ahaan dhanka dijitaleynta adeegyada dowladda, hormarinta kaabayaasha ICT-ga, iyo amniyeynta seybarka.

Wasiiru Dowlaha ayaa uga warbixiyay dowladda Qatar dadaallada ay Soomaaliya ku casriyeynayso adeegyada iyo dhismaha nidaam dhijitaal oo fududeynaya helitaanka adeegyada bulshada.

Dhankiisa, Wasiirka Qatar ayaa sheegay in dalkiisu diyaar u yahay ballaarinta taageerada, oo ay ku jiraan barnaamijyada maamulka dhijitaalka, tababarrada shaqaalaha dowladda, iyo horumarinta adeegyada casriga ah ee isgaarsiinta.

 

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo ka qeybgalay Shirka Caalamiga ah ee Dambiyaynta Gumaysiga Afrika

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cali Maxamed Cumar, ayaa maanta oo Axad ah kaga qeybgalay caasimadda Aljeeriya shirka caalamiga ah ee dambiyaynta gumaysiga Afrika, kaas oo ka dhacaya magaalada Algiers, soconayana 30-ka Nofembar ilaa 1-da Diseembar.

Shirka ayaa ujeedkiisu yahay isku keenidda dalalka Afrika ee soo maray heeryadii gumaysiga, si loo xoojiyo aqoonsiga heer caalami ee xadgudubyadii dhacay intii lagu jiray xilligii gumaysiga, loona dejiyo habraacyo wax ku ool ah oo lagu magdhawi karo dhibaatooyinka taariikheed, iyo wax-ka-qabashada uur-ku-taallooyinka iyo saameynta weli ka muuqata qaaradda.

Waxaa la filayaa in shirkani uu ka soo baxo “Baaqa Aljeeriya”, oo ka koobnaan doona soo jeedimo iyo talooyin muhiim ah. Nuqulka baaqan ayaa loo gudbin doonaa Shir-madaxeedka Midowga Afrika ee la qorsheynayo inuu qabsoomo bisha Febraayo 2026, si ay madaxda iyo hoggaamiyeyaasha qaaraddu u ansixiyaan.

Howlgal ka dhan ah khawaarijta oo ka dhacay Shebeellaha Dhexe

Muqdisho(Wargeyska Dalka);-Ciidanka Kumaandooska Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Gorgor ayaa howlgal qorsheysan kasameeyay deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe, howlgalkaas oo ujeedkiisu ahaa baacsiga iyo kahortagga dhagarta kooxaha Khawaarijta.

Howlgalka ayaa ka dhacay deegaanada Aqabka Bidhida, Jabad Godane, Calanley, Masaale iyo Berweyn Celi, kuwaas oo lagu tuhunsanaa inay Khawaarijtu ku lahaayeen goobaha ay ka abaabulaan falalka amni darro ee ay ka geystaan gobolka.

Taliyaha Ururka 191-aad ee Guutada 19-aad ee Kumaandooska Gorgor, G/le Muqtaar Axmed Cumar, oo hoggaaminayay hawlgalkan, ayaa sheegay in ciidanku ay burburiyeen gabaadyo iyo meelo ay Khawaarijtu isku aruursan jireen, isla markaana ay sii wadaan dadaallada lagu xaqiijinayo amniga deegaanada Shabeellaha dhexe.

𝐀𝐠𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐇𝐒𝐉 𝐨𝐨 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐥𝐚 𝐪𝐚𝐚𝐭𝐚𝐲 𝐒𝐚𝐟𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, Mudane Mustafa Duhulow , ayaa xafiiskiisa kula kulmay Safiirka Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Danjire Mudane Wang Yu.

Kulanka ayaa lagu xoojiyay xiriirka saaxiibtinimo ee labada dal iyo iskaashiga dhinacyada socdaalka, dalku-galka, iyo horumarinta kaabayaasha adeeg bixinta Hay’adda.

Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay fududaynta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dalku-galka Shiinaha iyo kaalinta Dowladda Shiinaha ee dhismaha kaabayaasha Hay’adda.

Danjire Wang Yu ayaa ka mahadceliyay soo dhaweynta diirra, isaga oo xusay xiriirka qotada dheer ee labada dal iyo iskaashiga labada dhinac ee dhinacyada aqoonta, khibradda, iyo taageerada dhismaha awooda karaanka iyo adeegyada Hay’adda.