Galmudug oo la wareegtay Xafiiska Siyaasadda ee Qaramada Midoobay

Madaxweynaha maamulka Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa ka qayb galay Munaasabad ay  Galmudug kula wareegtay Xaruntii loo diyaariyay Xafiiskii Siyaasadda Qaramada Midoobay ee Galmudug, kaasi oo si guud dalka oo dhan, shaqadiisu ku egtahay Oktoobar 2026.

Madaxweynaya ayaa hay’adaha kale ee Qaramada Midoobay ugu baaqay in ay ka faa’iideystaan Xafiisyadan, si loo xoojiyo adeegga loo hayo Bulshada Reer Galmudug.

Munaasibada waxaa ka qayb galay Wakiilka Gaarka ee Xoghayaha guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya, mudane James Swan.

              

Sacuudiga Carabiya oo ka jawaabtay codsiga Dowladda Soomaaliya

Muqdisho,(Wargeyska Dalka):- Dowladda Boqortooyada Sucuudi Carabiya ayaa noqotay dowladdii ugu horreysay ee si rasmi ah uga jawaabtay codsiga Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku saabsan gurmadka degdegga ah ee loo baahan yahay, xilli dalka ay ka jirto abaar ba’an oo saameysay dadka aadka u nugul.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta xarunta hay’adda kula yeeshay kulan gaar ah Mr. Yaziid Cabdalla Xamuud, Maamulaha Hay’adda Xarunta Boqor Salmaan ee Laanta Afrika. Kulanka waxaa diiradda lagu saaray xaaladda abaareed iyo sidii gargaar degdeg ah loo gaarsiin lahaa dadka ay dhibaatada abaartu saamaysay.

Intii kulanku uu socday, waxaa lagu shaaciyay in Boqortooyada Sucuudiga ay oggolaatay gargaar degdeg ah oo lagu caawinaayo ku dhowaad 100,000 oo qof, kuwaas oo ka mid ah dadka ugu nugul ee ay abaartu si daran u saamaysay.

Mr. Yaziid Cabdalla Xamuud Maamulaha Hay’adda Xarunta Boqor Salmaan ee Laanta Afrika ayaa sheegay in Boqortooyada Sucuudi Carabiya ay mar walba garab taagan tahay shacabka Soomaaliyeed, isla markaana ay ka go’an tahay in ay sii wadaan taageerada bini’aadantinnimadda ee dalka.

Ugu danbeyn Guddoomiyaha SoDMA, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa uga mahadceliyay Boqortooyada Sucuudi Carabiya tallabadan degdegga ah iyo garab istaagga ay u muujiyeen shacabka Soomaaliyeed, isagoo xusay in gurmadkani uu qayb ka noqonayo dadaallada lagu xoojinayo u gurmashada dadka abaartu saameysay.

 

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo guddoomiyay shirka toddobaadlaha ee Maamulka Gobolka Banaadir

Muqdisho(Wargeyska Dalka);-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa guddoomiyay shirka toddobaadlaha ee Maamulka Gobolka Banaadir iyo degmooyinka caasimadda.

Shirka ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta bilicda iyo nadaafadda magaalada, xoojinta amniga, iyo u-diyaargarowga Doorashada Golaha Deegaanka ee soo socota. Guddoomiye Muungaab ayaa ku booriyay Gudoomiyeyaasha degmooyinka, shacabka, iyo hay’adaha amniga in ay si wadajir ah uga shaqeeyaan sugidda nabadgelyada iyo ka-hortagga kooxaha amni-darrada sameeya.

Waxaa kale oo shirka lagu falanqeeyay kor u qaadista hufnaanta maaliyadeed, iyadoo lagu dhaqmaayo siyaasadda “Maaliyad Mujtamaca Marqaati ka yahay”.

Kulanka waxaa ka qaybgalay guddoomiye ku-xigeennada gobolka, Xoghayaha Guud, agaasimayaal iyo guddoomiyayaasha degmooyinka caasimadda.

Shir ku Saabsan Maalgelinta Cimilada oo Muqdisho lagu Soo Gabagabeeyay

Muqdisho(Wargeyska Dalka);-waxaa magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyay shir muddo shan maalmood socday oo looga hadlayay arrimaha isbeddelka cimilada iyo nidaamka helidda maalgelinta cimillada ee Soomaaliya, kaas oo uu hoggaaminayay Sanduuqa Qaran ee Isbeddelka Cimilada (NFC).

Shirkan ayaa diiradda lagu saaray qiimeynta baahiyaha maalgelinta cimilada ee Soomaaliya iyo sida ugu habboon ee dalka uga faa’iidaysan karo fursadaha jira. Intii uu socday shirka ayaa guud ahaan lagu falanqeeyay baahiyaha maalgelinta cimilada, iyadoo sidoo kale dooddo lagula yeeshay Ururka Bangiyada Soomaaliyeed oo ku saabsanaa hal-abuurka maaliyadeed, iyo hoggaanka NFC, kuwaas oo horseedi doona barnaamij gaar ah oo mustaqbalka loogu talagalay bangiyada dalka si loo xoojiyo helitaanka maalgelinta isbeddelka cimilada.

Mas’uuliyiin sare oo ka socday Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya, Bangiga Horumarinta & Dib-u-dhiska Soomaaliya (SDRB), iyo Sanduuqa Qaran ee Isbeddelka Cimilada ayaa shirka kaga hadlay hannaanka helitaanka maalgelinta cimillada, iyagoo soo bandhigay fursadaha ka jira Sanduuqa Cimilada Adduunka (GCF) iyo Sanduuqa La-qabsiga.

“Shirkan shanta maalmood socday wuxuu aas-aas u yahay diyaar-garowga Dowladda Soomaaliya ee ku aaddan sidii ay si toos ah u heli lahayd maalgelinta cimilada, loona maareyn lahaa si waafaqsan nidaamyada dowliga ah ee soo hagaagaya,” ayuu yiri Liibaan Obsiye, Agaasimaha Fulinta ee NFC.

Soomaaliya haatan waxay ku tiirsan tahay hay’ado caalami ah iyo kuwo qaran oo leh aqoonsiga GCF iyo Sanduuqa La-qabsiga si loo fuliyo mashaariicda la xiriira cimilada, inkasta oo ay ka mid tahay dalalka ugu nugul saamaynta taban ee isbeddelka cimilada, ayna aad u yar tahay qiiqqa ay ka qeyb qaadato marka la eego heerarka caalamiga ah.

Shirka waxaa sidoo kale ka qaybgalay xubno sare oo ka socday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Wasaaradda Qorsheynta, Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada, Wasaaradda Beeraha, Golaha Dhaqaalaha Qaranka, iyo UK FCDO Pioneer Country Trials — oo Soomaaliya ku dartay waqtigii COP28 laba sano ka hor isla markaana taageero farsamo siiya Sanduuqa Qaran ee Isbeddelka Cimilada (NCF).

 

      

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo Degmada Hodan ka Daahfuray Qaybinta Kaarar-ka Codbixiyeyaasha

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Guddiga Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa maanta degmada Hodan ka daahfuray qaybinta kaarar-ka codbixiyeyaasha doorashooyinka.

Guddoomiyaha Guddiga Hoosaadka Howlgallada Doorashooyinka Qaranka, Maxamed Amiin Xasan, ayaa sheegay in guddigu maanta degmada Hodan si rasmi ah uga bilaabay qaybinta kaararka, isla markaana shacabka is-diiwaangeliyay ay halkaas ka qaadan karaan kaarka codeynta doorashooyinka.

“Waxaan ugu baaqayaa bulshada iyo guud ahaan muwaadiniinta Soomaaliyeed in ay u soo baxaan qaadashada kaarka codeynta, si ay ugu codeeyaan doorashooyinka soo socda,Waxaana maanta degmada Hodan ka daahfurnay qaybinta kaarka codeynta doorashooyinka,” ayuu yiri Guddoomiyaha Guddiga Hoosaadka Howlgallada Doorashooyinka Qaranka Mudane Maxamed Amiin Xasan.

“Dadweynow” u soo baxa oo qaata kaararkiina codbixinta, waa diyaar  adeegyadiinna degmada Hodan” ayuu yiri Cabdikariin Cali, oo ka mid ah dadka baahiyaha gaarka ah qaba ee maanta degmada Hodan ka qaatay kaarka codeynta doorashooyinka.

Guddiga Doorashooyinka ayaa horey sidan oo kale uga daahfuray qaybinta kaararka toddobo degmo oo ka tirsan gobolka Banaadir, iyadoo sida guddigu sheegay ay shacabka caasimaddu 25-ka bisha Disember sanadkaan u dareeri doonaan doorashada Golaha Deegaanka ee Gobolka Banaadir.

Maxkamadda Racfaanka Galgaduud oo dil toogasho ah ku ridday Rag ku eedeysan in ay dileen Hooyo & Carruurteed

Maxkamadda Racfaanka Gobolka Galgaduud ayaa xukun dil toogasho ah ku riday Cabdi Cusmaan Cabdullaahi iyo Gallad Axmed Xuseen, sidoo kale Ayuub Maxamed Cabdi ayey maxkamaddu ku riday xukun shan sano oo xabsi ah.

Ragga ay manta xukuntay Maxkamadda Racfaanka Gobolka Galgaduud ayaa lagu helay inay ka dambeeyeen dilka hooyo iyo sedax gabdhood oo ay dhashay, falkaas oo ka dhacay deegaanka Qaayib ee gobolka Galgaduud.

Go’aankan ayaa yimid kaddib dhagaysi ay maxkamaddu u samaysay doodda qareennada difaaca, caddeymaha xeer ilaalinta iyo marqaatiyaal la hor keenay.

Maxkamaddu wax ayaa sheegtay in xukunkan uu yahay mid caddaalad u horseedaya qoyska dhibbanayaasha iyo bulshada Galmudug.

Ra’iisul Wasaare Xamsa “Halkan waxaan u nimid iskaashi”

Tangier(Wargeyska Dalka):-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo khudbad ka jeediyay kulanka xiritaanka ee Madasha Caalamiga ah ee MEDays ee Boqortooyada Morooko, ayaa si qoto dheer uga hadlay muhiimadda ay leedahay isku xirnaanta iyo iskaashiga dalalka ku yaalla Daanta Koonfureed ee Dunida (Global South).

Ra’iisul Wasaaraha oo khudbaddiisa ku muujiyay marxaladda cusub ee ay Soomaaliya gashay, ayaa xusay in dalku qorayo bog cusub oo taariikhi ah, isla markaana uu dib u hantay sumcaddii iyo mansabkii uu caalamka ku lahaa. Wuxuu carabka ku adkeeyay in Soomaaliya maanta tahay dal xasilloon oo amnigiisa iyo siyaasaddiisa la isku halayn karo, isla markaana uu ka socdo dib-u-qaabeyn iyo dib-u-dhis miro dhal leh, taasoo u diyaarinaysa in ay kaalin muuqata ka qaadato degganaanshaha guud ee gobolka iyo adduunkaba.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo sii hadlayay ayaa yiri:
“Halkan uma aanan imaan annaga oo raadinayna samafal, ee waxaan u nimid annaga oo doonayna iskaashi, diyaar u ahna in aan aragtiyo biirino, wax-is-weydaarsi sameyno, isla markaana aan ka qeybqaadano xal u helidda caqabadaha jira.”

Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqay in Afrika aysan sii ahaan karin daawade kaliya oo arrimaha adduunka iska daawada, balse ay tahay inay noqoto dalad firfircoon oo kaalin muuqata ku leh dejinta qorshayaasha mustaqbalka.

Shirka Madasha MEDays, oo socday muddo afar maalmood ah, ayaa xirmay iyadoo Soomaaliya sanadkan ka qaadatay kaalin hoggaamineed, laguna soo gabagabeeyay xiriirro iyo iskaashi ballaaran oo waxtar u leh danaha dhow iyo kuwa fog ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

 

     

Wasiirka Kalluumeysiga oo Daahfuray Nidaamka Maareynta Macluumaadka Kalluumaysiga (FIMS)

Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Xasan Aadan, ayaa si rasmi ah magaalada Muqdisho uga daahfuray Nidaamka Maareynta Macluumaadka Kalluumaysiga (FIMS).

Mashruuca cusub ee FIMS, oo lagu ururinayo una lagu maareynayo xogta kalluumaysiga, ayaa noqonaya tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo maamulka iyo habeynta xogta waaxda kalluumaysiga, taas oo suuragelinaysa in la helo tirokoob sax ah oo nidaamsan.

Nidaamkani wuxuu gacan ka geysan doonaa dejinta go’aanno ku dhisan caddayn, iyo horumarinta siyaasado ku saleysan cilmi-baaris, si loo hormariyo waaxda kalluumaysiga ee dalka.

 

  

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMa oo la kulmay wafdiga Hay’adda Plan International

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa xarunta SoDMA ku qaabilay wafdi sare oo ka socday hay’adda Plan International, kaas oo ay hoggaaminaysay Agaasimaha Gobolka Hoosaadka Bariga Dhexe, Bariga Afrika iyo Koonfurta Afrika Marwo Angela Muriithi.

Shir ay yeesheen labada dhinac ayaa looga hadlay saadaasha abaarta soo foolka leh, xoojinta iskaashiga labada hay’adood, iyo kor u qaadista nidaamyada digniinaha hore iyo jawaabaha degdegga ah ee heerka bulshada.

Sidoo kale labada dhinac ayaa isku raacay in la dardargeliyo diyaargarowga, la xoojiyo is-weydaarsiga xogta iyo faafinta digniinaha hore, isla markaana la diyaariyo soo-jeedimo lagu ballaarinayo iskaashiga, si uu ula jaanqaado mudnaanta qaranka ee maareynta musiibooyinka.

Dhinaca kale masuuliyintaan ayaa adkeeyay xiriirka istaraatiijiga ah ee labada hay’adood si wax looga qabto xaaladaha degdegga ah, islamarkaana loo abuuro fursado wadajir ah.

     

Guddiga Madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka oo muddeeyay dooraahada golaha deegaanka gobolka Banaadir

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, mudane Cabdikariim Axmed Xasan, oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta dhexe ee Guddiga, ayaa ku dhawaaqay jadwalka doorashada golaha deegaanka ee gobolka Banaadir.

Guddoomiye Cabdikariim Axmed Xasan ayaa hoosta ka xariiqay in shacabka gobolka Banaadir 25-ka bisha soo socoto u dareeri doonaan dooraahada golaha deegaanka si ay codkooda ugu doortaan mas’uuliyiintii hoggaamin lahayd.

“25 bisha soo socota waxaa Gobolka Banaadir looga dareeri doonaa doorasho qof iyo cod ah.” Guddoomiye Cabdikariin Axmed Xasan,”.

Xisbigada ka qeyb galaya dooraahada golaha deegaanka gobolka Banaadir ayaa wada olole xooggan oo ay shacabka ku weydiisanayaan codkooda.