Bandhiga Dhaqanka iyo Farshaxanka Soomaaliyeed oo ka Furmay Nairobi

Nairobi(Wargeyska Dalka):-Waxa maanta si rasmi ah uga furmay Magaalada Nairobi Bandhigga Dhaqanka iyo Farshaxanka Soomaaliyeed 2025 kaasoo ka socda Mall-ka Two Rivers Mall.

Bandhigaan ayaa socon doona mudo saddex maalmood ah, waxaana lagu soo bandhigayaa muusiga, suugaanta, cuntada, farshaxanka, hal-abuurka iyo carwooyinka ka tarjumaya hodantinimada dhaqanka iyo dhaxalka dadka Soomaalida.

Bandhigga ayaa sidoo kale lagu iftiimin doonaa aqoonsigeenna dhaqameed, isla markaana lagu xoojinayaa wada-noolaanshaha, isku-duubnida, iyo ixtiraamka wadajirka ah ee ka dhaxeeya dadka ku nool Kenya.

Inta uu socdo bandhigaan, habeen kasta waxa lagu soo bandhigaya  riwaayado iyo dabbaal-dega dabridka “fireworks”.

Dadka Soomaalida ayaa ah dad guulo badan ka gaaray ganacsiga, magacna u soo hooyay dadka Soomaalida, hadana waxa jira dad aragti xun ka faafinaya dadka Soomaaliyeed.

Bandhigaan waxa uu wacyi kordhin u sameeynayaa dadka Keenyaanka ah isla markaana waxa uu sare u qaadayaa hamiga dadka Soomaalida, gaar ahaan Jiilka soo koraya.

    

 

Wasiir Cadaay oo kormeeray dugsiyada degmada Matabaan

Matabaan(Wargeyska Dalka):-Wasiirrudowlaha Arrimaha Gudaha iyo dowladaha hoose ee dowlad gobolladeedka Hirshabeelle, Dr. Xasan Cadaay, ayaa  kormeer shaqo tagay qaar ka mid ah dugsiyada degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan.

Wasiirku wuxuu booqday saddex dugsi oo muhiim ah: Al-Ma’muun, Al-Furqaan iyo Ugaas Nuur, isagoo warbixin ku saabsan xaaladooda iyo adeegyada waxbarasho ka dhageystay maamulka degmada iyo mas’uuliyiinta waxbarashada.

Intii uu kormeerku socday, Wasiirka waxaa wehelinayay Wasiiru-dowlaha Warfaafinta Hirshabeelle iyo mas’uuliyiin kale.

Sidoo kale, Wasiir Cadaay ayaa ka qayb galay munaasabadda xil-wareejinta guddoomiyaha cusub ee degmada Matabaan, Maxamed Maxamuud Maxamed (Dhoobooy).

           

Jaamacadda Trinity oo Shahaadadda Digtoornimada guddoonsiisay Ifraax Axmed

Dublin(Wargeyska Dalka):- Ifraax Axmed oo ah gabadh Soomaaliyedd kana shaqaysa arrimaha bulshadda ayaa Jaamacadda dalka Ireland ee Trinity guddoonsiisay Shahaado sharafeeda sare ee Doctor-nimada Sharciga.

Ifraax ayaa mudo dheer u ololaybaysa u doodisa xuquuqda Haweenka Soomaaliyeed iyo joojinta gudniinka Fircooniga ah.

Munaasabadda shahaadada sharafeed, oo shalay (28 Nofeembar 2025) lagu qabtay Jaamacadda Trinity, ayaa lagu guddoonsiiyay afar shaqsi oo caan ah, iyadoo Ifraax Axmed ay ka mid tahay dadka ugu muhiimsanaa ee la sharfay, maadaama ay door weyn ka qaadatay ololeyaasha looga hortagayo gudniinka tan iyo imaatinkeedii Ireland sanadkii 2006. Waxay sidoo kale kaalin muuqata ku lahayd ansixintii sharciyadii Ireland ku mamnuucay gudniinka sanadkii 2012.

Ifraax Axmed ayaa ahayd haweeneydii ugu horreysay ee si fagaare ah dunida ugu sheegta khibraddeeda gudniinka, taas oo ay ka hadashay shir Qaramada Midoobay ee sanadkii 2010. Waxay aasaastay “Ifrah Foundation,” oo ka hirgelisa Soomaaliya barnaamijyo lagu wajahayo rabshadaha ku saleysan jinsiga iyo wacyigelinta bulshada.

Sanadkii 2021, waxay bilowday ololaha “Gabadheyda Qaaliga ah” oo ay la kaashatay UNFPA, kaas oo ilaa hadda helay in ka badan 100,000 ballanqaad oo waalidiin ku caddeeyeen inay gabdhahooda ka difaacayaan gudniinka fircooniga.

Bayaanka Shirweynaha 3aad ee Culimada Soomaaliyeed

 

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo heshiis kula saxiixday Rabat dhiggiisa Marooko

Rabat:- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa kula kulmay magaada Rabat, Mudane Nasser Bourita, Wasiirka Arrimaha Dibadda, Iskaashiga Afrika iyo Qurbajoogta dalka Morooko iyaga oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka walaaltinimo ee u dhexeeya labada dal iyo qoto-dheereyntiisa.

Intii lagu guda jiray kulanka, labada wasiir ayaa saxiixay tubta iskaashiga oo taabagal noqon doonta inta u dhexeysa sanadaha 2026–2028. Tubtani waxa ay diiradda saari doontaa ballaarinta iskaashiga qaybaha muhiimka ah, oo ay ka mid yihiin beeraha, biyaha, waraabka, kalluumeysiga badda, dalxiiska, tamarta la cusboonaysiiyo, waxbarashada, tababbarka xirfadaha, tacliinta sare, caafimaadka, ammaanka, maalgashiga dhaqaalaha, isbeddelka cimilada, ciyaaraha, iyo dhaqanka.

Heshiisku wuxuu kordhinayaa tirada deeqaha waxbarasho ee sanadlaha ah ee la siiyo ardayda Soomaaliyeed oo la gaarsiiyay ilaa 120. Deeqahani ayaa waxa ay dabooli doonaan waxbarashada heerarka kala duwan ee jaamacadeed.

Labada Wasiir ayaa sidoo kale saxiixay heshiis u dhexeeya dalalka Soomaaliya iyo Marooko oo ku saabsan in labada dowladdood ay ka dhaafaan baasaboorka diblomaasiga shuruudaha dal-ku-galka, si loo fududeeyo socdaalka diblomaasiyiinta iyo booqashooyinka rasmiga ah.

Labada dhinac ayaa waxa ay adkeeyeen muhiimadda ay leedahay isku-duwidda iyo latashiyada siyaasadeed ee arrimaha fagaarayaasha heer gobol iyo heer caalami , iyada oo la isla qaatay in wadashaqayntani ay ka caawinayso in la mideeyo aragtiyada ku saabsan arrimaha labada dal ay wadaagaan, iyadoo la dhowrayo mabda’a nabadda, madax-bannaanida, iyo midnimada dhuleed.

Labada wasiir ayaa waxa ay carabaabeen taageeriddooda madax-bannaanida iyo qarannimada labada dal, iyagoo bogaadiyay go’aanka ka soo baxay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee tirsigiisu yahay 2797.

Madaxweyanaha JFS oo qaabilay haweenka Culimada ah ee ka qayb galay shirkii Culimada

Madaxwaynaha JFS mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo aqalka madaxtooyadda Qaranka ku qaabilay gabdhaha Culimada Soomaaliyeed ee ka qeybgalay Shirka Culimada Soomaaliyeed ee 3aad ayaa ku amaanay doorka fiican ee ay ka qaataan arrimaha Diinta iyo tawbiyada.

Madaxweynaha ayaa gabdhaha culimada ah ku bogaadiyey doorka ay ka qaadanayaan wacyigelinta bulshada, ka hortagga afkaaraha xagjirnimada, iyo xoojinta midnimada ummadda Soomaaliyeed, isagoo xusay in dhaqanka Soomaaliyeed iyo dowladnimaduba ay ku tiirsan tahay talo, hagid iyo baraarujin

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka XFS oo dalka Turkiga uga qeyb galay Madasha Wasiirrada Beeraha Adduunka

Istanbul:-Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka XFS, Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, ayaa magaalada Istanbul ee dalka Turkiga uga qeyb galay Madasha Wasiirrada Beeraha Adduunka ee sanadkan, kaasi oo hal ku dhiggiisu ahaa “Ka hortagga luminta cuntada iyo biyaha iyo ilaalinta mustaqbalkeenna”.

Wasiirka waxa uu madasha ka jeediyay khudbad ujeedkeedu ahaa in la qaado tallaabo degdeg ah oo caalami ah si wax looga qabto khataraha isa soo taraya ee amni-darrada cuntada iyo biyo yarida.

Wasiirku waxa uu madasha ka sheegay saameynta sii kordhaysa ee isbeddelka cimilada, wuxuuna tilmaamay in Soomaaliya ay durba la tacaalayso abaaro soo noqnoqda, hoos u dhaca wax-soosaarka beeraha, iyo yaraanta biyaha. Wuxuu ku adkeeyay in yareynta khasaaraha cuntada iyo biyaha ay maanta tahay waajibaad deegaan, dhaqaale, iyo bini’aadannimo, iyadoo ay Soomaaliya ka go’an tahay hirgelinta Qaraarka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay A/RES/74/209, kaas oo ku baaqaya in dunida oo dhan ay xoojiso dadaallada lagu dhimayo khasaaraha cuntada iyo biyaha si loo gaaro horumar waara.

Wasiir arrimaha guddaha XFS oo ka qayb galay shir heer wasiir oo dalalka IGAD kaga arinsanayeen baaqa Nabada

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS Mudane Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh), ayaa magaalada Nairobi uga qeybgalay shir heer wasiir ah oo dalalka IGAD uga arrinsanayeen Hirgelinta Baaqa Nairobi ee Arrimaha Qaxootiga

Mudane wasiir Cali Xoosh oo madasha ka hadlay ayaa ku dheeraaday xaaladda Soomaaliya gaar ahaan Qaxootiga, Dadka soo guryo noqday, Barakacayaasha iyo dhibaatooyinka Banii’aadnimada, isbadalka cimillada iyo abaaraha ay keenaan.

“Inkasta oo ay jiraan caqabado, haddana Soomaaliya waxaa si buuxda uga go’an hirgelinta mabaadi’da iyo himilooyinka Baaqa Nairobi. Sanadihii la soo dhaafey, waxaan si joogto ah uga shaqeynay in ballanqaadyadaas loo beddelo xalal wax ku ool ah oo kor u qaada nolosha qaxootiga, barakacayaasha, dadka soo laabanaya iyo bulshadda gudaha dalka” ayuu yiri wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaiya mudane Cali Xoosh.

Mudane Wasiir Cali Xoosh waxaa uu ka hadlay oo kale shuruucda ay Soomaaliya sameysay oo howshan xalkeeda qeyb ka ah sida; ansixinta Sharciga Qaxootiga iyo Magangalyo-doonka bishii Sebtembar 2023 iyo Sharciga Barakacayaasha Gudaha (IDP Bill) oo isna la meel mariyay bishan, taas oo nidaamkeenna qaran u dhoweysay heerarka caalamiga ah iyo kuwa gobolka.

   

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

Warbixinta Toddobaadlaha ee
Dowladda Federaalka Soomaaliya.

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo furay Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed ayaa sheegay in dowladdu ay mas’uul ka tahay ilaalinta arrimaha tiir dhexaadka u ah jiritaanka bulshada oo ay ugu horreeyaan diinta, dhaqanka, afka, amniga iyo kobcinta nolasha shacabka.

2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo xiray Shirweynaha Labaad ee Warqadda Aqoonsiga Qaranka (NIRA), oo muddo laba maalmood ah ka socday Caasimadda Muqdisho.

3- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo xiray Shirweynaha 1-aad ee Bahda Cadaaladda Soomaaliya, isagoo xusay ahmiyadda ay leedahay ilaalinta sareynta sharciga.

4- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qaabilay Garsoore Cumar Cabduqaadir Cartan oo ku guuleystay abaalmarinta Garsooraha ugu fiican Afrika ee sannadka 2025 oo ay guddoonsiiyeen Xiriirka Kubadda Cagta Afrika ee CAF.

5- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyey munaasabadda Maalinta Macallinka Soomaaliyeed ee 21-ka Nofeembar oo ka dhacday Garoonka Ciyaaraha Muqdisho.

6- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay Xildhibaan Aweys Maxamed Cumar inuu noqdo Ergeyga Gaarka ah ee Ka-hortagga iyo La-dagaallanka Fikradda Xagjirka (P/CVE).

7- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa dalka Marooko uga qeybgaley Madasha Sanadlaha ah ee MEdays.

8- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa daah-furay Shirweynaha 2-aad ee Hey’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka ee (NIRA), kaas oo sannadkan diiradda lagu saarayo horumarinta iyo casriyeynta adeegga muwaadiniinta Soomaaliyeed.

9- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa furay Shirweynaha Koowaad ee Bahda Caddaalladda, oo looga hadlay horumarinta sharciga, isla xisaabtanka, iyo xoojinta kalsoonida ay bulshadu ku qabaan hey’adaha garsoorka.

10- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa Axmed Xasan Yuusuf u magacaabey inuu noqdo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Cadaaladda.

11- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa ka qeyb galay Shirweynaha Midowga Afrika iyo Midowga Yurub, oo ka furmay magaalada Luanda ee dalka Angola.

12- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Labaad Mudane Jibriil Cabdirashiid Cabdi, ayaa ka qeyb-galay kalfadhiga 21-aad ee Shirweynaha Guud ee UNIDO oo ka socda magaalada Riyaad ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

13- Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Mudane Xasan Macallin Maxamuud ayaa furay tababar loo qabtay xirfadlayaasha ka shaqeeya nidaamka caddaaladda carruurta.

14- Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xasan Macallin Maxamuud ayaa soo xiray kulan heer sare ah oo ay yeesheen Guddiga Hagista Barnaamijka Caddaaladda iyo Asluubta.

15- Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi ayaa daahfuray Xarunta Luqadaha iyo Tarjumaadda ee Wasaaradda.

16- Wasiirka Amniga Gudaha, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa magaalada Marrakech kaga qaybgalay Shirka 93-aad ee INTERPOL, halkaas oo looga hadlay amniga caalamiga ah, ka hortagga dembiyada xudduudaha, la dagaallanka scam-yada, iyo habraacyada casriga ah ee Interpol.

17- Wasiirka Maaliyadda Mudane Biixi Imaan Cige ayaa si rasmi ah u daah-furay Mashruuca cusub oo lagu magacaabo Somalia Productive, Resilient, and Inclusive Growth (SPRING) oo uu maalgalinayo Bangiga Adduunka.

18- Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa si rasmi ah isaga diiwaan geliyay xarunta Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ee magaalada Gaalkacyo, gobolka Mudug.

19- Wasiirka Amniga Gudaha General Cabdullaahi Sheikh Ismaaciil (Fartaag), ayaa kulan gaar ah la yeeshay Wasiir Ku-Xigeenka Arrimaha Gudaha ee Jamhuuriyadda Turkiga, Mudane Munir Karaloğlu.

20- Wasiirka Maaliyadda Mudane Biixi Imaan Cige ayaa qaabilay Wakiilka Bangiga Adduunka ee Soomaaliya Mr.Hideki Matsunaga.

21- Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Mudane Cali Yuusuf Cali Xoosh ayaa si rasmi u daahfuray Shirweynaha Xalalka Horumarineed kaasi oo ay soo qabanqaabisay Xarunta Qaran ee Horumarinta Reer Miyiga iyo Xalka Waara.

22- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa khudbad ka jeediyay Shirka 55-aad ee Golaha Wasiirrada Warfaafinta ee Jaamacadda Carabta oo ka dhacay magaalada Qaahira, isagoo xusay horumarka Soomaaliya, dooraashooyinka ka dhacaya dalka iyo qadiyadda Falastiin.

23- Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Cabdulkadir Maxamed Nuur, ayaa ka qayb galay Kalfadhiga 34-aad ee Golaha Ururka Caalamiga ah ee Badaha (IMO), oo si rasmi ah uga furmay magaalada London.

24- Wasiirka Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Khadiija Al-Makhzoumi ayaa Muqdisho ka furtay ololaha 16-ka maalmood ee la dagaallanka tacaddiyada loo geysto haweenka iyo gabdhaha, kaas oo si xooggan uga socon doona guud ahaan dalka.

25- Wasiirka Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Cabdullaahi Bidhaan Warsame, ayaa kormeeray shaqooyinka ka socda xarumaha Waxbarashada ee dowladdu u qorsheysay in lagu siiyo koronto bilaash ah oo laga dhalinayo cadceedda.

26- Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya iyo Ciidanka degaanka ayaa degaanka Cali Heele ee Galgaduud, ku dilay Axmed Sheekh Cumar Cadow Gacal, oo ka mid ahaa horjoogeyaasha sare ee argaxisada Al Shabab, kadib hawlgal halkaasi ka dhacay.

27- Hay’adda NISA ayaa degaanka Cumar Beere ee Gobolka Shabeellaha Hoose ku dilar horjoogihii argagixisada Al-Shabaab Xasan Siidoow Xuseen iyo saddex ka mid ah ilaaladiisa, kaas oo ka mas’uul ahaa abaabulka qaraxyada iyo weerarrada amni-darrada ee gobolka.

 

==========DHAMMAAD============

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo booqday Dekadda caalamiga ah ee Tanger Med ee Boqortooyada Morooko

Tangier:- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre oo weli ku guda jira howlihii shaqo ee uu u joogay Boqortooyada Morooko, ayaa maanta booqday dekadda Tanger Med, oo ah marsada ugu weyn Qaaradda Afrika iyo Badda Mediteraaniyaanka, kana mid ah dekedaha ugu muhiimsan ganacsiga caalamka.

Dekadda Tanger Med ayaa si istiraatiiji ah isugu xirta ganacsiga Afrika, Yurub, Aasiya iyo Ameerika, waxaana isticmaala in ka badan 20% maraakiibta ganacsiga caalamiga ah, taas oo ka dhigtay xarun muhiim u ah isku xirka dhaqaalaha dunida.

Intii uu kusugnaa Dekadda, Ra’iisul Wasaaraha ayaa kulan miro-dhal ah la qaatay Madaxa Dekadda Tanger Med, Mudane Mehdi Tazi Riffi, iyaga oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga dekedaha, fududeynta ganacsiga, iyo wadaagga waayo-aragnimada horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha ee labada dal.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in booqashadan iyo kulanka ay qeyb ka yihiin dadaallada ay Xukuumaddu ku doonayso dhisidda kaabeyaasha muhiimka u ah kobaca dhaqaalaha dalka iyo kor u qaadidda xiriirka iskaashi ee Soomaaliya iyo Morooko.

Wadahadalkan ayaa imanaya xilli horumar baaxad leh ay sameynayaan dekedaha Soomaaliya, iyada oo dhowaan abaalmarino caalami ah ay heleen dekedaha Muqdisho iyo Berbera, xukuumadda Dan Qarana ay casriyeyn ku waddo dekedaha qaar, kuwa cusub oo waaweyna uu qorshaha ku jiro.