Wasiirka Tamarta XFS “ waxaa noo qorsheysan mashruuca koronto galinta ee goobaha caafimaadka iyo kuwo waxbarashada”

Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha XFS, Cabdullaahi Bidhaan Warsame oo ka qeybgalay kulanka todobaadka warbaahinta qaranka ayaa sheegay in 600 oo xarumood oo isugu jira goobo caafimaad iyo kuwo waxbarasho la siin doono adeeg koronto oo wax ku ool ah.

Wasiirka ayaa xusay in haatan ay gacanta ku hayaan abaabulka mashruuc koronto oo laga hirgalinaayo gudaha dalka,gaar ahaan goobaha caafimaadka iyo kuwa waxbarashada,kuwaas oo loogu talagalay in ay shaqeeyaan har iyo habeen.

Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha XFS oo ka hadkay adeegga korontada iyo kuwa biyaha ee ka jira gudaha dalka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay wadaan dadaal la doonayo in lagu qalabeeyo shirkadaha qabilsan bixinta adeegyada bulshada,si ayuu yiri wasiir Bidhaan loo helo sicir jaban

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo soo xiray shirweynaha 3aad ee Culimada

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa soo xiray shirweynaha seddaxaad ee culimada Soomaaliyeed oo sedaxdii maalmood ee lasoo dhaafay ka socday Magaaladda Muqdisho.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka dalka oo khudbad ka jeediyey xiritaanka shirka ayaa marka hore u mahadceliyey culimada Soomaaliyeed ee ka qeyb galay shirkan maalmihii uu socday.

Mar uu ka hadlayey muhiimadda shirka uu u leeyahay dalka iyo dadka Soomaaliyeed ayaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka waxa uu sheegay in mar hore loo baahnaa in culimada Soomaallyeed ay isu yimaadaan, si khawaariijta baneysatay daadinta dhiiga umadda Soomaaliyeed ficiladooda guracan dadka loogu iftiimiyo loona ciribtiro.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa culimada Soomaaliyeed ugu baaqay in ay tagaan meelaha laga xorreeyo khawaariijta si ay u wacyigeliyaan dadka deegaanadaasi ku nool, maadaama khawaariijta ay isku dayaan in ay dadka ka dhaadhiciyaan waxyaabo aan diinteena suuban iyo dhaqankeenaba sal ku laheyn.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa sheegay in Baarlamaanka labadiisa aqal uu ka shaqeyn doono dhisida hay’adda culimada Soomaaliyeed, maadaama ay muhiim tahay.

Shirka sedaxaad ee culimada Soomaaliyeed oo mudo sedax maalmood ah socday, waxaa ka qeyb galay culimo Soomaaliyeed oo isaga kala yimid gudaha dalka iyo dibadda iyo aqoonyahano, waxaana xiritaankiisa sidoo kale goobjoog ahaa wasiiro, xildhibaano ka tirsan labada aqal ee Baarlamaanka dalka, Safiirka Dowladda Suudaan u fadhiya Soomaaliya, Safiirka Ururka Iskaashiga Islaamka ee Soomaaliya, Hantidhowraha Guud ee Qaranka iyo Maamulka Gobolka Banaadir, waxaana mowduuca shirka ee sanadkan uu ahaa wadajirka bulshada iyo xasiloonideeda.

Wasiirka Dekadaha XFS oo la kulmay Xoghayaha Guud ee Ururka Badaha Dunida (IMO) .

Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda XFS, Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo wafdi uu hoggaaminaayo oo ku sugan Dalka Ingiriiska ayaa kulan gaar ah la qaatay Xoghayaha Guud ee Golaha ay ku mideysan yihiin Hay’adaha Badaha Dunida (IMO) Mudane Arsenio Dominguez.

Kulanka dhinacyadaasi ayaa qeyb ka ahaa shirka 34-aad ee Golahaasi uga socda magaalada London,waxaana halkaasi goobjoog ka ahaa Maareeyaha Guud ee Dekadda Muqdisho, Danjire Maxamed Cali Nuur (Ameriko), iyo Safiirka Soomaaliya u fadhiya Boqortooyada Ingiriiska, Cabdulqaadir Cabdi Xaashi.

Waxaa looga hadlay kulankaan sidii iskaashigan cusub uu gacan uga geysan lahaa amniga badda Soomaaliyeed iyo dadaallada dowladdu ay ku doonayso in lagu casriyeeyo hay’adaha badda, lana xoojiyo sharciyada iyo ilaalinta xeebaha dalka.

Ugu dambeyn Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda XFS, Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa xoghayaha Golaha Hey’adda Badaha Dunida ku wareejiyay waraaqaha rasmiga ah ee caddeynaya ku biirista Soomaaliya ee golahaasi iyo qaadashada heshiiska caalamiga ah ee IMSO. kaas oo xoojinaya dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan amniga badda iyo iskaashiga caalamiga.

Ra’iisul wasaaraha XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Morooko

Rabat:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo safar shaqo ku jooga dalka Morooko, ayaa magaalada Rabat kula kulmay dhiggiisa dalkaas, Mudane Casiis Akhannuuj. Labada masuul ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed, iskaashiga iyo dhaqaalaha ee labada dal.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa dhiggiisa Morooko la wadaagay horumarrada ay Soomaaliya ka samaysay dhinacyada siyaasadda, amniga iyo diblomaasiyadda, isaga oo sidoo kale warbixin ka siiyay guulaha Soomaaliya ka gaartay hirgelinta hannaanka dimuqraadiyadda iyo doorashooyinka dalka laga hirgelinayo.

Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Morooko, Mudane Casiis Akhannuuj, ayaa si faahfaahsan u sharaxay muhiimadda uu leeyahay iskaashiga labada dal, gaar ahaan dhinacyada ganacsiga, diblomaasiyadda iyo horumarinta xiriirka guud ee labada waddan.

      

Guddoomiyaha Hay’adda SODMA oo si rasmi ah u furay shir muhiim ah oo looga hadlayo abaaraha

Guddoomiyaha Hay’adda Qaranka ee Maareynta Masiibooyinka Soomaaliya (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle , ayaa si rasmi ah u daahfuray shir muhiim ah oo looga hadlayo abaaraha ba’an ee dalka ka jira, waxaana kasoo qeybgalay Hay’addaha wadamadda Islaamka .

Intii uu socday shirkaan waxaa si qoto dheer loogu falanqeeyay xaaladda abaarta dalka, tirada dadka ay saameeysay iyo baahiyaha degdegga ah ee ay tahay in lala gaaro bulshada, kuwaas oo ay ka mid yihiin biyo dhaamin, raashin, adeegyo caafimaad, hoy iyo taageero kale oo bani’aadamnimo.

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA waxuu ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in xilligan la isku xirnaado, si dhowna layskula shaqeeyo, isla markaana wixii gargaar ah ee la heli karo la isku duba rido si loo bixiyo jawaab mideysan oo wax ku ool ah.

Dhankooda Hay’adaha wadamada Islaamka ayaa ballan qaaday inay ka jawaabayaan abaarta, isla markaana ay si dhow ula shaqeyn doonaan SoDMA, iyagoo ku heshiiyay inay si deg deg ah Gacan uga gaystaan waxka qabashada abaarta dalka kadhacday

Ugu dambayn, Guddoomiyaha SoDMA Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa soo xiray shirka, isagoo ku booriyay dhammaan hay’adaha Islaamka inay ballanqaadkooda u beddelaan ficil degdeg ah si loo yareeyo saameynta abaarta ba’an ee dalka ka jirta.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo ku baaqay xoojinta madax-bannaanida qarannimo

Tangier:-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa maanta oo Khamiis ah ka qaybgalay dood-wadaag heerkeedu sarreeyay oo ka qeyb ah madasha 17aad ee MEDays oo lagu qabtay magaalada Tangier ee dalka Marooko. Doodda, oo cinwaankeedu ahaa “Afrika sare-u-kacaysa, Afrika guulaysanaysa: Xoojinta Gobonnimada, Hagaajinta Maamulka & Sugidda Xasiloonida,” ayaa diiradda lagu saaray isbeddelada siyaasadeed iyo dhaqaale ee Afrika.

Intii lagu guda jiray fadhiga, Wasiir Cabdisalaan waxa uu adkeeyay muhiimadda ay leedahay dhowridda madax-bannaanida qaran si loo taageero maamul dowladnimo oo wax-gal ah, xoojinta adkaysiga dhaqaale iyo ka guul keenidda xasillooni waarta.

Madasha MEDays, oo socon doonta maalmaha 26 ilaa 29 Nofembar, waxaa loo arkaa inay tahay mid ka mid ah madallada ugu muuqda ee sanadlaha ah ee lagu falanqeeyo arrimaha juqraafi siyaasadeedka iyo dhaqaalaha. Qabanqaabiyeyaashu waxay sheegeen in meertada sanadkani 2025 ay isku diiwaangeliyeen in ka badan 4,500 qof iyo in ka badan 450 marti sharaf heer sare ah, oo ay ku jiraan madaxda dowlado, wasiirro, iyo khubaro caalami ah.

Madasha oo sanadkani huwan halkudhigga «Kala qaybsanaanta iyo kala irdhowga: Dib-u-habaynta isku-dhigga caalamiga.» ayaa waxaa hadal-jeedin ugu qoran 450 qof oo faaqidi doonaan mowduucyo kala duwan.

   

Guddiyada Maaliyadda Baarlamaanka JFS oo wasiirka Maaliyadda su’aalo ka weydiiyey miisaaniyadda qaranka ee sanadka 2026

Guddiga Miisaaniyadda iyo Maaliyadda ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya labadiisa aqal ayaa maanta kulan ku yeeshay xarunta Guddoonka iyo Guddiyada ee Villa Hargeysa, waxaana ujeedka kulanka uu ahaa la kulanka mas’uuliyiinta wasaaradda maaliyadda si ay uga helaan faahfaahin ku saabsan Miisaaniyadda Dowladda ee sanadka 2026.

Wasiirka Maaliyadda Mudane Biixi Iimaan Cige iyo mas’uuliyiinta kale ee la socotay ayaa faahfaahin ka bixiyay miisaaniyadda Qaranka ee sanadka 2026, iyagoo si gaar ah u sharaxay meelaha uu ka jiro koboca dhaqaale iyo guulaha laga gaaray kordhinta dakhliga gudaha.

Xubnaha guddiyada maaliyadda ee labada Aqal ayaa su’aalo ku saabsan miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2026, weydiiyey wasiirka maaliyadda oo dhankiisa ka jawaaabay su’aalaha uu guddiga weydiiyey.

      

Soomaaliya oo door hoggaamineed ku leh kalfadhiga 3-aad ee UN habitat

𝗡𝗮𝗶𝗿𝗼𝗯𝗶:-Kalfadhiga 3-aad ee Guddiga Fulinta ee Hay’adda Qaramada Midoobay (UN-Habitat) ayaa si rasmi ah uga furmay magaalada Nairobi ee dalka Kenta, iyadoo ay ka qeyb galayaan dalalka xubnaha ka ah hay’adda.

Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo dhawaan loo doortay La-guddoomiye ka mid ah Guddiga Fulinta, ayaa waxa kulankan ku matalaya Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska & Guriyeynta XFS.

Wafdiga Soomaaliya ayaa waxa hoggaaminaya Danjire Jibriil Ibraahim Cabdulle, Safiirka Soomaaliya ee Kenya iyo Dr. Cabdiraxmaan Xamuud Axmed Aleel, oo ah  Lataliyaha Sare iyo Madaxa Mashaariicda ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska & Guriyeynta

Soomaaliya, oo xubin rasmi ah ka ah Guddiga Fulinta, ayaa kaalin firfircoon ka qaadan doonta doodaha iyo falanqaynta socon doonta labada maalmood ee soo socda. Kulamadan ayaa dalalka xubnaha ahi dib u eegis ku sameyn doonaan Horumarka UN-Habitat , Qorshaha Istaraatiijiga ah ee 2026–2029 Go’aannadii Golaha Guud ee Qaramada Midoobay Iyo Diyaar-garowga Shirweynaha WUF13 oo lagu qaban doono bartamaha sanadka dambe, dalka Azerbaijan.

  

Wasiirka gaashaandhiga XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Sucuudiga

Wasiirka Gaashaandhigga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Boqortooyada Sacuudi Carabiya ee Soomaaliya, Mudane Axmed Bin Maxamed Al-Muwallad.

Wasiir Fiqi ayaa bogaadiyay doorka muhiimka ah ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya ee ku aaddan taageerada Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada difaaca, la dagaallanka argagixisada, iyo mashaariicda lagu horumarinayo awoodda Ciidamada Qalabka Sida ee dalka, taasoo gacan ka geysaneysa xasiloonida Soomaaliya, ilaalinta nabadda iyo amniga gobolka.

    

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo shir guddoomiyey kulanka guddiga joogtada

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa shir guddoomiyey kalfadhiga 7-aad, kulankiisa sagaalaad ee Guddiga Joogtada oo ka dhacay xarunta Villa Hargeysa.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo kulanka furay ayaa bogaadiyey guddiyada Golaha Shacabka howlaha ay hayaan ee la xiriira ka shaqeynta shuruucda ay gacanta ku haayaan iyo kulamada la xisaabtanka ah ee ay la yeelanayaan wasaaradaha iyo hay’adaha ay korjoogteynta ku leeyihiin.

Sidoo kale Guddoomiyaha Golaba Shacabka ee Baarlamaanka dalka ayaa xubnaha Guddiga Joogtada uga warbixiyey shirkii Guddoomiyaasha Baarlamaanadda Urur Goboleedka Bulshada Bariga Afrika ee ka dhacay Magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda, halkaasi oo Guddoomiyaha Golaha Shacabka loogu doortay shir guddoonka guddoomiyaasha baarlamaanada Urur Goboleedka Bulshada Bariga Afrika iyo sidoo kale in Soomaaliya bartamaha sanadka 2026 ay marti geliso shirka Guddoomiyaasha Baarlamaanadda Urur Goboleedka Bulshada Bariga Afrika.

Intaasi ka dib xubnaha Guddiga Joogtada ayaa guddi walba waxaa laga dhageystay warbixin ku saabsan shuruucda hortaala iyo sidoo kale habraacyada u dhiman, waxaana xubnaha guddiga ajendeyn iyo jadwaleyn ku sameeyeen ajendayaasha kulamada guud ee golaha todobaadka soo socda.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kulanka soo xiray ayaa kula dardaarmay guddiyada Golaha in ay dardargeliyaan ka shaqeynta shuruucda hortaala islamarkaana ay goleweynaha u gudbiyaan si uu waajibaadkiisa uga guto.