R/Wasaaraha XFS oo khudbad ka jeediyay shirweynaha 17-aad ee ka furmay Moroko

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre oo ka hadlay madasha shirweynaha MEdays ee ka furmay Dalka Moroko,ayaa kaga warbixiyay arrimo khuseeya Soomaaliya iyo qodobbo kale oo muhiim ah.

Ra’iisul Wasaarada ayaa khudbadiisa kusoo qaatay qodobbo ay kamid ahaayeen abuurista isbahaysi baddeed oo u dhaxeeya Afrika iyo dalal dhaca badweynta Atlantica, sameynta marin ganacsi oo dhanka badda ah oo isku xira Bariga Afrika iyo dalka Morooko.

sidoo kale Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa soo jeediyay in la aasaaso sanduuqa maalgashi iyo in waliba la yagleelo Madasha Garaadka Macmalka ah (AI),kaas oo khuseeya dhaqamada iyo afafka dalalka Koonfureed ee dunida.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo uu la socday wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa ka qeybgalaya Madasha MEdays ee sanadlaha ah ee 17-aad,waxaana lagu wadaa In wafdigaasi ay kulammo gar gaar ah la yeeshaan madax kala duwan ee ka qeybgalaya shirweynahaasi, kuwaas oo uu kala hadlayo xoojinta xiriirada iskaashi iyo danaha Soomaaliya.

Madaxweynaha Turkiga oo abaalmarin ku qaatay badbaadinta Falastiin

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa la guddoonsiiyay Abaalmarin ay bixisay Hey’adda WHO Europe ,taas oo la xiriirtay dadaalka uu ku bixiyay  dadaallada bani’aadanimo   ee lagu badbaadinaayey dadka reer  Falastiiniyiin.

Abaalmarintaan waxaa guddoonsiiyay Mr.Erdogan Agaasimaha Hey’adda Caafimaadka ee qaabilsan Yurub Hans Kluge ,xilli lagu jiray Shirweynihii 11-aad ee Caafimaadka oo ka dhacay Ankara.

Madaxweynaha ayaa Sidoo kale abaalmarintaasi ku helay doorka uu ka qaatay fududeynta daadgureynta dad rer Gaza ee u baahnaa gurmad caafimaad.

Munaasabadda abaalmarintaasi waxaa ka hadlay Madaxweyne Erdogan ,isagoo dalalka caalamka ku dhaleeceeyay aamusnaanta bulshada dunida ee ku aadan burburka loo geysanaayo isbitaallada , dilka shaqaalaha caafimaadka iyo xasuuqa lagula kacay ddka rayidka ah ee u badan hooyada iyo dhallaanka,gaar ahaan labadii sano ee u dambeysay.

Ciidanka NISSA oo gacanta ku dhigay 11 ruux oo Khawaarij ah

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee (NISA) ayaa gacanta ku dhigay shabakad Khawaarij ah oo ka kooban ilaa 11 dhagar-qabe, kuwaas oo ku howlanaa falal argagixiso ah.

Dhagar-qabeyaashaan ayaa damacsanaa  inay fuliyaan shirqoollo argagixiso, basaasnimo,kuwaas oo ku dhuumaaleysanaayey Magaalada Muqdisho iyo deegaanada ku dhow sida Gobollada Shabeellada Hoose iyo Shabeellada Dhexe.

Ciidanka Sirdoonka Qaranka oo haayey xogta kooxdaan khawaarijta ah ayaa mid mid u soo qabtay xilli ay qaarkood gacanta kula jireen fal-dambiyeedyo argagixiso.

Xubnahaan Khawaarijta ah ayaa loo gudbin doonaa hay’adaha garsoorka ee dowladda, si looga qaado tallaabada sharci oo ku habboon.

Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025

Dooxa: Xulka kubadda cagta Qarankeena Soomaaliya ayaa galabta guuldarro aysan u qalmin kala kulmay dhiggooda Oman, kuwaas oo ay ku wada ciyaareen kulan ka tirsan isreeb-reebka Koobka FIFA Arab Cup 2025.

Ciyaarta oo ka dhacday garoonka Abdullah Bin Khalifa Stadium ee magaalada Dooxa ee dalka Qatar ayay xidigaha Xulka Soomaaliya soo bandhigeen ciyaar xamaasad leh oo ay marar badan ku gacan sarreeyeen. Garoonkuna wuxuu ahaa mid ay goobjoog ka ahaayeen taageerayaal badan oo si weyn u dhiirrigelinayay ciyaartoyda Xulka Qarankeenna.

Si kastaba ha ahaatee, ciyaarta oo waqtigeedii caadiga ahaa kusoo dhammaatay 0–0 ayaa labada xul lagu kala saaray gool-kulaad, waxaana 4–1 ku badiyay Xulka Oman.

Madaxwaynaha Bangaladesh oo aqoonsiga danjire ka guddoomay safiirka Soomaaliya

Dhaka: Safiirka Dowladda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Pakistan, ahna Safiirka aan degganeyn ee dalka Bangaladesh mudane Sheekhnuur Maxamed Xasan ayaa maanta si rasmi ah ugu gudbiyey nuqulka rasmiga ah ee waraaqaha safiirnimo Madaxweynaha waddanka Bangaladesh Mohammed Shahabuddin.

Safiirku waxa uu Madaxweynaha gaarsiiyey fariin iyo salaan sharaf uu ka siday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, taas oo adkeynaysa muhiimadda iskaashiga labada dal. Madaxweyne Mohammed Shahabuddin ayaa uga mahadceliyey safiirka gudbinta waraaqaha rasmiga ah iyo salaanta uu ka siday madaxweynaha, isagoo caddeeyey sida dowladdiisa uga go’an tahay xoojinta xiriirka iyo wada-shaqaynta labada dhinac.

Dhanka kale, Safiirka ayaa ka mahadceliyey sida wanaagsan ee uu Madaxweynuhu uga guddoomay nuqulka rasmiga ah ee waraaqaha aqoonsiga danjirenimo iyo soo dhoweynta loo sameeyay.

   

Golaha Shacabka oo yeeshay kalfadhigoodii 15-aad

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kalfadhigii 15-aad ee todobaadka, waxaana shir guddoominayey Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe).

Kulanka, oo ay 140 xildhibaan ka qeyb galeen, ayaa ajendahiisu ahaa akhrinta labaad ee Heshiiska Aas-aasida Ciidanka Heeganka Bariga Afrika, kaasoo ay soo diyaarisay Wasaaradda Difaaca. Heshiiskan ayaa horey akhrinta koowaad u maray, waxaana ka shaqeeyey Guddiga Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, oo kaashanaya Guddiga Difaaca.

Mudanayaasha ayaa ka dooday qodobada heshiiska, iyagoo Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhiga weydiiyey su’aalo ku saabsan muhiimadda iyo ahmiyadda uu dalka u leeyahay heshiiskaan.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa kulanka soo xiray isagoo faray guddiyada ku shaqada leh heshiiskan in ay diyaariyaan akhrinta saddexaad ee heshiiska, si dib loogu soo bandhigo Golaha loona qaado cod.

Ugu dambayn, Mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa loo qeybiyey akhrinta labaad ee Hindise Sharciyeedka Daawada.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo ka qayb galay shir fogaan-arag ah oo lagu dooranayay xoghayaha guud ee ururka magaalooyinka Carabta

𝐌𝐮𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨(Wargeyska Dalka):-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa ka qaybgalay shir fogaan-arag ah oo lagu dooranayay Xoghayaha Ururka Magaalooyinka Carabta oo ah urur u taagan dhiirrigelinta isku-xirka, wada-shaqaynta iyo isdhaafsiga khibradaha ee maamullada Caasimadaha iyo magaalooyinka muhiimka ah ee dalalka ku bahoobay Jaamacadda Carabta.

Shirka oo ay ka qaybgaleen Madaxda Caasimadaha iyo magaalooyinka ku mideysan ururka ayaa waxaa si aqlabiyad ah loogu codeeyay in Mudane Badr Waill Bad Al-Ijail Al-askar uu noqdo Xoghayaha Guud ee Ururka, kaas oo hoggaamin doona muddo-xileedka soo socda isaga oo u xilsaaran meelmarinta qorshayaal iyo barnaamijyo shaqo oo iyagana isla shirka lagu ansixiyay.

Dr. Muungaab ayaa madaxda dhiggiisa ah ee shirka goobjoogga ka ahayd kula biiray hambalyada Xoghayaha Guud ee la doortay, wuxuuna ballanqaaday in Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dawladda Hoose ee Muqdisho ay si joogta ah ula shaqayn doonaan hoggaanka cusub ee Ururka Magaalooyinka Carabta, si’ loo dardargaliyo iskaashiga istaraatiijiga ah oo ah mid u danaynaya horumarinta Caasimadda Soomaaliya.

Ururka Magaalooyinka Carabta oo la aasaasay sannadkii 1967-dii, ayaa waxa uu xaruntiisa dhexe ku leeyahay dalka Kuwait, waana madal madaxbannaan oo si gaar ah diiradda u saarta xaqiijinta himilooyinka horumarineed ee magaalooyinka Carabta.

Ra’iisulwasaaraha XFS oo Axmed Xasan u magacaabay Agaasimaha Guud ee Arrimaha Caddaaladda

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa Agaasimaha Guud ee Arrimaha Caddaaladda ee Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka u magacaabay Mudane Axmed Xasan Yuusuf.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa Mudane Axmed kula dardaarmay hufnaan, daacadnimo, iyo xil-gudasho.

Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed oo galay maalintii saddexaad

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Waxaa maalintii saddexaad ka socda magaalada Muqdisho shirweynaha 3-aad ee Culimada, oo ay soo qaban qaabisay wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee XFS, kaas oo ay ka qeyb galayaan in ka badan 300 oo culimo Soomaaliyeed, oo ka kala yimid gobollada dalka, dalalka Afrika, Yurub iyo Mareykanka.

Maalinta saddexaad ee shirweynaha ayaa diiradda lagu saarayaa amniga,midnimada bulshadda,dowlad wanaaga iyo guulaha Ciidanka Xoogga Dalka ay ka gaareen Khawaariijta.

Shirka maanta ayaa waxa lagu soo bandhigayaa doodo culus oo taabanaya dowlad wanaaga iyo la dagaalanka fikradaha gurracan ee Khawaarijta.

Wasiirka Warfaafinta oo gaaray Qaahira oo uu uga qaybgalayo shir muhiim ah

Qaahira: Wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska dowladda Federaalka Soomaaliya mudane Daa’uud Aweys Jaamac iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Qaahira, halkaas oo uu kaga qeyb geli doono shirka 55-aad ee golaha wasiirrada Warfaafinta ee Jaamacadda Carabta.

Wasiirka iyo wafdiga la socday ayaa maanta booqday Safaaradda Soomaaliya ee dalka Masar, halkaas oo uu ku soo dhaweeyay Safiirka Soomaaliya u jooga dalkaas, mudane Cali Cabdi Awaare.